SUPPORT WEBSITE

Wednesday, December 30, 2015

HA U RAACIN CULIMADA SI INDHO LA'AAN AH.Waa shaki la'aan in culimadu yihiin kuwa ambiyada ka dhaxla cilmiga diinta oo way mudan yihiin in lagu ixtiraamo taas sida diintaba tirtirsiisay,

9:07 PM 0
Waa shaki la'aan in culimadu yihiin kuwa ambiyada ka dhaxla cilmiga diinta oo way mudan yihiin in lagu ixtiraamo taas sida diintaba tirtirsiisay,
Laakiin isla marka layslo ogolaado taas ayaa misana waxaa mudan in laysla qiro inaysan sidii ambiyadii macsuumiin la ilaaliyay aysan ahayn .

Culimadu Waa bashar iyo bani aadam kula mid ah oo uu khalad iyo sawaab ka dhici karo.

Waxa kale oo iyana in la ogaado mudan in maalin kaliya aan ilaahay adoomadiisa amrin in ay culimadooda si indho la,aan ah uraacaan,
Bal wuxuu rabbi na faray in aan warka culimada iska fiiltareyno oo wixii wanaagsan kaliya ka qaadano.

-{فَبَشِّرْ عِبَادِي الَّذِينَ يَسْتَمِعُونَ الْقَوْلَ فَيَتَّبِعُونَ أَحْسَنَهُ} [17- 18]
"Ubishaaree adoomada kuwa dhagaysanaya hadalka kiisa wanaagsana qaadanaya".

Mashaa'ikhdu haday hadalo daran iyo waxaan caqligu qaban ku faraan lagama yeelo oo markaa camal waxaa la qaataa xadiiskii uu nabiga scw yiri

استفت قلبك وان افتاك المفتون

Waydii oo la tasho qalbigaada haday doonaan kuwa wax fadwooda haba iska fadwoodeene.

Culimadu waa bashar aan aamin laga ahayn in ay qaarkood u isticmaalaan diinta danahooda gaarka ah.

Way dhici kartaa in ay masaalixdooda shakhsiga ah dhex galiyaan fariimaha diinta.

Waxaa kaloo dhici karta in fariinta ay gudbinayaan saamayn ku leedahay dareenkooda khaaska ah sida caradooda oo kale.

Waxaa kaloo dhici karta in ay kugu diraan dad ay is hayaan oo ay nacayb kugu beeraan iyaga oo diinta daliishanaya"

Laakiin arimahaas oo dhan diintu way ka digtay oo marka ay arimaha halkaas marayaan waad iska daynaysaa warka shiikha oo waxaad isticmaalaysaa caqliga iyo fidrada saliimka ah ee rabi kuugu galadaystay inaad xumaha iyo samaha ku kala saartid"

Aayadda immagkan ku xusan waxay digniin iyo tilmaan cad ka tahay inaan warka culimada la raacin haddii ay wax xun oo aan alle raali ka ahayn ku faraan.

Waayo alle wuxuu yiri ahlul kitaabkii waxay culimadooda iyo suufiyadooda ka dhigteen ilaahyo alle ka sokeeya"

Xadiiskan hoosana wuxuu fasir buuxda ka bixinayaa aayadda oo kolkii ay aayadan soo dagtay ayaa saxaabiga cadiyi inbu xaatim oo hore nasaaro u ahaa ku yiri suubanaha:-rasuulkii alloow anagu maanu caabudi jirin culimada iyo suufiyada,

Markaasaa rasuulka scw ku yiri miyeysan intay wax idinka xarimaan aydan xaraam ka dhigan jirin oo sidoo kale intay wax idiin xalaaleeyaan aydun xalaal ka dhigan jirin,
Kolkaasuu xaatim yiri haa dabeeto rasuulka scw wuxuu yiri hadaba taasaa ka dhigan inaad caabudi jirteen".

عن عدي بن حاتم: أنه سمع النبي صلى الله عليه وسلم يقرأ هذه الآية: {اتَّخَذُوا أَحْبَارَهُمْ وَرُهْبَانَهُمْ أَرْبَاباً مِنْ دُونِ اللَّهِ} [التوبة: 31] . فقلت له: إنا لسنا نعبدهم قال: "أليس يحرمون ما أحل الله فتحرمونه ويحلّون ما حرم الله، فتحلونه؟ " فقلت: بلى. قال: "فتلك عبادتهم" رواه أحمد، والترمذي وحسنه.

Soomaalidii hore waxay ahaayeen dad aad mooddo inay si buuxda ufahamsanaayeen maqsadkaas culimada ku aadan oo iyaga oo ixtiraam uhaya ayay misana ukala soocnaayeen wanaaga ay culimada ka dhagaysanayaan iyo waxa aysan inaba ku raaci karin.

Oo waxaa arintaas laga dheehan karaa maah maahyada ay culimada ka allifeen sida:-

-Fiqi tolkii kama janno tagi!!!!

-la jiifshaana banaan la joojiyaana banaan!!!!

-Wadaad qiil uu ku banaysto iyo qindi uu ku rito midna ma waayo.

-Wacdi culimo wax isii baa u dambaysa!!!!

-Abeeso yeysan dhul u eki kugu dilin wadaadna yuusan dad u eke kugu dilin!!!!

Iyo kuwo kaloo badan.

Ugu dambayntii waxaa loo baahan yahay in ay bulshada fahamto in culimadu bashar yihiin oo aysan ahayn ambiyo ilaahay u waxyoodo oo la ilaaliyay,

Kaliya waxaa haboon in wixii wanaagsan laga qaato oo aan laga dhagaysan duruustooda ku aadan dad ay is neceb yihiin iyo duul ay isu dan leeyihiin,

haday dhexdooda isgaalaysiiyaan ama ay dad ashahaadanaya ood arkayso ku yiraahdaan waa gaal iwm laga dhagaysan maayo.

Haday ku dhahaan masaajid hebel ha ku tukan ama sheekh hebel ha dhagaysan laga yeeli maayo.

Sidoo kale haday ku dhahaan buug nin qoray ha akhrin ama kitaabo culimo ay is hayaan qoreen ha akhrin laga yeeli maayo.

Hadday ku faraan inaad la nacdo dad muslim ah oo ay iyaga neceb yihiin laga yeeli maayo.

Waayo waxaa nala faray inaan samafalka iyo dhowrsanaanta isugu kaalmeyno ee nalama farin inaan isugu kaalmeyno dambiga iyo collaytanka.

- وَتَعَاوَنُوا عَلَى الْبِرِّ وَالتَّقْوَى وَلَا تَعَاوَنُوا عَلَى الْإِثْمِ وَالْعُدْوَانِ ..

Sidaasaa nabadda qalbiga iyo tan bulshadaba u haboon.

Waadna mahadsan tihiin.

WAXAA QORAY ABDULLAHI M HUSSEIN

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:

WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

SU'AAL SOO ISLAMISAY KIRISHTAAN BADAN:yiri:- ii Sheeg:- 1) Hal (waaxid) aan Laba noqonin? Labo aan Sadex Noqonin? Sadex aan Afar Noqonin? Afar aan Shan noqonin? 5) Shan aan Lix Noqonin? 6) Lix aan Todoba noqonin?

5:10 AM 0
Sheekh Caalim ahaa oo la oran jiray Abuyazid Albasdhami, ayaa Maqlay Habeen, qaylada kuwa Kirishtan ah oo Kaniisada ka dhex Qaylinaya, wuuna u Galay, kadibna wuu Dhex Fariistay, isagoo u Malaynaya inayna Garan doonin.
Baada...rigii Kaniisaduna markuu Hadal is yirina Sheekhii buu arkay, wuxuuna yiri :- Ma Hadlayo ilaa aad inaga Dhex saartaan Ninkaas Muslimka ah. Waxayna weydiiyeen:- Sidee ku Ogaatay inuu Muslim yahay? Wuxuuna yiri:- Muslimiinta Wajigooda waxaa ku taala Calaamad (Raadkii sujuuda), wuxuuna ka codsaday inuu baxo Sheekhu, Sheekiina wuxuu yiri:- Mabaxaayo ilaa uu Ilaahay ina kala Saaro.
Badarigiina wuxuu yiri:- Hadaba waxaan ku Weydiinayaa dhawr Su’aalood, hadaad si Sax ah uga Jawaabtana waxaan Raacaynaa Diintaada, haddii kalana Seef baa inaga Dhaxaysa!. Sheekhiina wuxuu yiri:- soodaa Su’aalaha, isagoo aad ugu Kalsoon inuu Ilaahay Qofka Muslimka ah Xaqa waafajinayo, Badarigiina wuxuu yiri:- ii Sheeg:-
1) Hal (waaxid) aan Laba noqonin?
2) Labo aan Sadex Noqonin?
3) Sadex aan Afar Noqonin?
4) Afar aan Shan noqonin?
5) Shan aan Lix Noqonin?
6) Lix aan Todoba noqonin?
7) Todoba aan Sideed noqonin? Sideed aan Sagaal noqonin?
9) Maxayse tahay Sagaalka mucjiso?
10) Mase taqanaa Tobanka badan kartaa?
11) Maxayse yihiin 11 ku?
12) Muxuuse yahay Sheeyga Nool ee Neefsada?
13) Saddex iyo Toban aan Afar iyo Toban noqonin?
14) Mase taqaanaa Qabrigii la socday Qofkiisii?,
15) Yaa waaye kuwa Runta sheegay ee Naarta galay? Iyo
16) Sheeg kuwa Beenta Sheegay ee Janada galay?,
17) Mase taqaanaa, Uunka Rabbi abuuray Aabe iyo Hooya la'aan?,
18) Mase taqaanaa Geed leh 12 Laamood, Laan kastana Leedahay 30 waraaqood, Warqad kastana leedahay 5 Sabuul, Saddex Hooska ku Baxda iyo Labo Qoraxda ku baxda? Ka jawaab Su’aalahaas ?!

Sheekhiina wuu Istaagay, Ilaahay buuna Weydiistay inuu Carabkiisa Xaqa ku toosiyo, wuxuuna yiri:-

Tuesday, December 29, 2015

Qiso Xanuun badan: Wiilkeeygiyoow ha iga Tegin oo Guriga ila joog. Hooyo aragaaga baa Wehel iyo Il qawoobsi ii ah. Hooyo waan ku Jeclahay ha iga Dheeraan...

10:21 AM 0
Qisadaan waxaan ka sheekeynaaya Wiilkii Qisadan la
Kulmay, wuxuuna Hadalkiisa ku Bilaabay Sidatan:-
Waxaan la Degnaa Hooyadeey ilaa aan gaaray 20 jir.
Markaan 20 jiray baan ka Guuray Guriga Hooyadeey,
markaan Guurayey waxeey Hooyo igu laheyd,
Wiilkeeygiyoow ha iga Tegin oo Guriga ila joog. Hooyo aragaaga baa Wehel iyo Il qawoobsi ii ah.
Hooyo waan ku Jeclahay ha iga Dheeraan. Aniga
hadalkeeda ma aanan Dhageysan, waxaana u
Heestay iney iga Horjoogto wax walbo oo aan
Jeclahay.
Waxaan la degay Wiilal aan Saaxibo nahay. Waxaan u Dhaxeeyay School iyo Shaqo. Markaan Waqti helo
waxaan aadi jiray Filim iyo Ciyaar. Mar mar ayaan
Hooyo Wici jiray si aan u Hubiyo Xaladeeda.
Maalin baa waxaa dhacday Hooyo in ay
Xanuunsatay, ayna Weysay Qof Caawiya. Seey u
Xanuunsaneysay ayaa waaga ugu Bariyay. Subaxdii Xigtay ayadoo Daciif ah bey Deriskedii ku
Gar garacday Derbiga. Deriskii baa Maqleen,
waxeyna ugu yeereen Ambulance. Hooyo Isbitalkii
baa la geeyay. waxey weydiyeen Qofka la noolaa,
waxeysa tiri:- Keligeey baa Noolahay. balse waxaa
jira Wiil aan dhalay oo Magaalada jooga. Numberkeyga bey Weydiyeen, kadina wey siisay.
waxaa isoo Wacay Qolada Isbitaalka ayagoo leh
Hooyadaa wey

Sunday, December 27, 2015

Qiso: markey Dhibaato ku Heysato suuradahan Akhriso, Cidna Wax kaa Qaadimeyso oo Ilaah ayaa kaa Bad-baadinaayo.

12:51 AM 0
QISO YAR OO CAJIIB AH.

Gabar yar oo Dhalinyar ah ayaa ka soo Rawaxday Dugsi ay Dhigan jirtay, ka dib ayaa waxey Ag Istaagtay Baabuur meesha taagnaa, laakiin waxaa ka soo Degay Nin, Dabadeed intuu Gabadhii yareed Xambaray ayuu Sunduuqa Dambe ee Baabuurka ku Riday, si uu ula Baxsado, markuu Gurigiisii yimid ee uu Maagay Sanduuqa Furm wuu u Furmi waayey, Ninkii si walba ayuu isku dayey wuu u Furmi waayey, intaas ka dib waxaa la Gaaray Xilligii Aadaanka Salaada Maqrib, markaas ayuu Ninkii is yiri: Gabadha yar armuu Naqaska ku dhegaa oo ay meesha ku Dhimataa, ka dib ayuu wuxuu isugu yeeray Dadkii si ay uga Saacidaan Sidii ay ku Furi lahaayeen Baabuurkaasi, balse Saanduuqii wuu u Furmi waayey, dabadeed Nin Waayeel oo Wadaad ah oo meesha maraayey ayaa ku soo Leexday, Arrinkii ayaa loo sheegay, ka dib ayuu Quraan ku Aqriyey, si uu Allaah u soo Badbaadiyo Gabadhaasi yar. intaas ka dib Daqiiqado ka dib wuu

Thursday, December 24, 2015

Qiso Jacayl oo diini ah taas oo qofkastoo aqristo ka ilmeysiineyso.Wuxuu ahaa qof iimaan leh, diin leh sida......

10:24 PM 0
Wuxuu ahaa qof iimaan leh, diin leh sida caadada ahna dhaqanka uu yaheyna gabdhaha markii laga helo meelo kale iyo tolka dhexdiisaba tan gabadha tolka ayaa loo cararaa waxeey arkeen gabar tolka ka dhalatey wiilkana ineey u qalanto weey u dooneeen waxeeyna yiraahdeeen waxaanu rabnaaa gabadhaaan wiilkayaga in loo guuriyo...

tolkii gabadha laga soo doontey waa ay soo dhaweeyeen waxeyna ogaayeeen wiilku inuu yahey wiil kheyr badan dhaqan wanaagsan isla markaaana ehlu kheyr ah, kamana aysan gilgilan ineey isla markiiba ay wiilka la noqdaan xidid, arintuna sida caadiga aheyd oo farxada laheyd labo is guursatana uu ahaa ayuu ku dhamaadey...

jaceyl, farxad iyo damaashaad iyo guur aad u heer sareeya ayaa loo dhigey labadii rabbi isku doorey sidoo kale hanbalyo iyo bagaadin ayaa iska daba timid...

guurkii ka dib markii maalmo la soo gudbey, dadkii

QISO YAR OO CAJIIB AH. MARWADII CAQLIGA BADNEED.

4:10 PM 0
Nin Qoraa ahaa ayaa isaga oo Fadhiya Qolka uu had iyo jeer wax ku Qorto Gurigiisa Warqad iyo Qalin soo qaatay ayaa wuxuu Qoray.

Sannadkii aynu ka soo Gudubnay waxaan Sameeyey Qalliin weyn oo aan Bilo badan Cusbitaalka ugu jiray,oo aan Sariirta saarnaa, waxaana sannadkii hore gaaray 60 sanno anigoo Xanuunsanaya, Aabahay wuxuu Geeriyoodey sanadkii aan ka soo Gudubnay, Wiil aan dhalay wuxuu ku dhacay Imtixaankii uu ku Qalin jabin lahaa Kuliyadda Caafimaadka, ka dib markuu ka haray Waxbarashadii Shil gaari oo la soo Gudboonaday Awgii. wuxuuna ku soo gabagabeeyey Warqadii uu qoray Sannad Adag oo aan Dhib badan la kulmay ayuu ahaa Sanadkii hore ee aynu ka soo gudubnay.

Warqaddii wuxuu kaga tagay Miiskii uu ku Qorayey, Xaaskiisii ayaa soo gashay Qolkii, waxayna aragtay Warqada Miiska saaran, weyna Akhriday Warqaddii uu qoray Ninkeedu.
Xaaskii waxey soo qaadatay Warqad kale, intay hadal ku Qortay ayey Warqadii hore Agdhigtay.Ninkii Odayga ahaa ayaa soo noqday waxuu Akhriyey Warqadii Xaaskiisu qortay, waxeyna u qorneyd sida tan:-

Tuesday, December 8, 2015

Qiso xanuun badan: Wiil hooyadiis ka doortay xaaskiisa

11:26 PM 0
Waxaa jiray Nin ay Hooyadii ay la daganeyd wax Caruur ahna asaga ayay ka dhashay, waxa uu lahaa xaas iyo caruur, Maalin Maalmaha ka mid ah ayuu Hooyadiis ayada oo Qolkeyda joogta ugu yimi waxa uuna ku yiri, Hooyo waxaan raba Guriga oo dhan in aan Dibi habeyn ku suubiyo kadibna aan Diikoor qurux badan ka dhigo, marka Hooyo waxaan rabaa inaad dhawr casho inta ay hawsha socoto la dagtid Habaryar ama Abti intasna aad la noolaatid, waxay ku tiri Hooyo qolkayga waad aragtaa wax uu qabo majirto sidaas buuna u egyahay ee Hooyo maad iska kay dhaaftid, maya Hooyo, waxa uuna ku yiri sida ugu dhaqsiyaha baad waa inaad Habaryar ama Abti aad u tagdaa, markii uu ka dhaafi waayay hadalkii aadna ugu dhibay bay waxay ku tiri waa yahay.

Waxayna u tagaday Walaasheed (Habaryartiisa) waxayna u sheegtay Qisadii in guriga la hagaajinayo muda yar kadibna ay ku laabaneyso Guriga Wiilkeeda, waxba dhib malaha ayay ku
tiri walaal Guriga waa gurigaagii, Maalmo ayaa ka soo wareegtay. wiilkeedii ma soo waca xaaladeedana dib dambe uma uusan soo fiirin, illeyn waa Beer wax dhalee Hooyadii waxay Bilowday in Wiilkeedii ay ka wal’washo dhawr mar ayay taleefoonka ku wacday mar walba oo uu Taleefonka ka qabtana waxa uu yiraahdaa

Sunday, December 6, 2015

Qiso Faaido badan: Aabo Allah ka cabso, Aabo Allah ka cabso, Aabo.......

4:13 AM 0
Maalin Maalmaha ka mid ah , waxa Jiray Nin ka mid ah Ragga Illahay Siiyay Lacag , nin taajir ayuu ahaa..Illahay ba siiyay Nicmooyin badn,.. Aaan u dhaafno Qisadan ninkii ku dhacday sheekadiisa, waxuu dhahay :
Waxaa Ahaa Mid la saaxibay dad xun xun , asxaab jidka Alle ka leexday ayaa la saaxib ahaa ,, ehelkeygine iguma ogeen wax xumaanto ah oo xakooda marka la joogo waxaa uga muuqday nin ehlu diin ah oo wanaagsan . Illahay ba igu irzaaqay xaas wanaagsan saalixat ah diinta ku fiican ahlu salaad ah kuna dhagan Sunnadii Nabigeena muxamed csw... Waxaana ku helay zawjadan wanaagsan sababto ah dadka hortooda waxaa uga muuqday nin wanaagsan oo garta sii deystay mar walba caday watta , aan hadal badneen , oo qofkii i arko is dhahaayo ninkaan waa shiekh ama nin saalix ah daahirkiisa ... Lakin ma oga inaan aniga waligey u sujuudin Rabbigey oo salaad u istaagin si ikhlaas ku jirto iyo Niyad, oo xitta bisha ramadan aanan soomin intaas waxaa kuu dheer waxaa habeenkii la soo baashaali jiray asxaabteyda oo iyaka ayaa la socon jiray mar walba habeenkii asxaabtaasne waxee ahaayeen kuwa xunxun.. mana jirto habeen aan banaanka isku raacno asxabtaas illa aan Rabbi ku caasino oo xumaan la imaano.


Habeen Habeenada ka mid ah waxaa i soo wacay asxabteydi oo i dhaheen hebelow maxa kugu dhacay caaway mana raaceysid miyaa ? waxaa ugu jawaabay maya caaway idinma raaci karo ma awoodo,, Waxee igu dheheen ok hadii na raaceynin caway hadaba caway saan kuguma deyneeno illa aan xaafadaada kugu keeno CD halkaaga ku baashaal markee seexdaan xaaskaaga iyo gabadhaada yar .. (ilaahay ayaa isiiyay Gabar yar , gabadheydi marke gaartay 7 sano waxe eheed mid xifidda quranka iyo adkaarta subaxdi iyo habeenkii,, xaaskeyga qeyr Allah siiyee waxee gabadheydi bartay sida lo tukato sida lo soomo , quranka iyo adkaarta , aad bey ugu dadaashay ).
Aan Qisadda dib ugu laabtee ,, Asxaabteydi CD kii wey ii keenen, habeen habeenada ka mid ah , Markii aan hubsaday xaaskeyga iyo gabadheyda Inee seexdeen ayaa Qolkii fadhiga aaday si aan u daawado filmantii xumaa ee CD ku duubnaa, Video ga aya

Wednesday, December 2, 2015

QISO CAJIIB AH OO IIMAANKA KUU SIYAADINAYSO INSHA ALLAH.

9:35 PM 0
Dadka alle waxaa kamid ah kuwa heerkaan garsiisan  Qisadaan ayaa ku dhacday dadki hore iyo salafki  Waa gabar sanad iyo bar diinta Alle swt ujijilib laabtay barashadeeda Waa gabar dagan canada,Hadana wa macalimad u dhigta Duruusta Gabdhaha.  Hadaba qisada aan iskaga kin dhexbaxo.  Asc wr wbr wallaka muslinka ahaw iyo walaasheyda muslimada ahay ma tahay mid yaqiinsan in Allah swt kuugu filanyahay?   oo usheegto arimahaaga wax kasta oo kula so gud boonaado ma ucarataa Allah?   qisadaaan ila aqriya.   gabar aan dhalay ayaa waxay iishegatay in lacag jamacada ay isaga bixin lahayd ubaahantahay oo ah 2200 dolar, waxan ku iri waad heleysaa in sha Allah.  waxayna aheyd markey iishegaysay November waqtigii fasaxa gaalada.  December ayey shaqeyasy lacag dhan 500 dollar   waxay tiri hooyo xagee lacagta kaneeynaa waxan ku iraahaa hooyo Alle swt baan leenahay ee haka wal walin.   maalmo markey joogtaba waxay itirahdaa hooyo xagee ka keeneynaa lacagti??? ana wax kale mairaahdo waxaan ku celceliyaa  hooyo Alle swt ayaan leenahay gabadheydiiyey.  maalin dhaweyd ayaa waxey igu tiri hooyo sckool ki wa bilaabanaya adigana malin walba waxaad leedahay Allah ayaa keenayo? Alle ma samada ayuu kaaga soo tuuraayaaa hooyo?   ana waxaan ku iri haa hooyo Allah ayaa samada iiga so tuuri, waxaana u aqriyey aayadan.  وَمَن يَتَّقِ اللَّـهَ يَجْعَل لَّهُ مَخْرَجًا ﴿٢﴾ وَيَرْزُقْهُ مِنْ حَيْثُ لَا يَحْتَسِبُ ۚ وَمَن يَتَوَكَّلْ عَلَى اللَّـهِ فَهُوَ حَسْبُهُ ۚ oo micnaheedu tahay, "Qofki Allah swt ka baqa, waxuu u yeelaa makhraj, waxuna ka arzaaqaa meel uusan filaneyn, qofkii Allah swt talo saartana asagaa ku filan."   Maalin anigoo nadiifnayo guriga albaabkiisa meesha kabaha laiskaga bixiyo, ayaan arkay waraaq, waxaan is iri, waa warqad wax lagu xayaasiyo. markaan so qaday waxa ka hooseeysay warqad kale oo macagaceyga ku qoran yahay waxan moodaayey Bill aniga laiga rabay, masii fiirinin, meel baan iska dhigay, shaqdeydii iska siiwatay saacado kadib ayaan furay, waba jeeg 1886 dollar ah.  Allah swt ayaan ku mahdiyey, gabadhaydi ubaahneyd markaaan tusay wey ooyday waxeynatiri hooyo waxaad leedahay iiman weyn Allah swt waxaan ka baryaayaa anigana Allah swt ha isiiyo iimaankaas oo kale. gabadheydii kalana wax ku cel celineysy cajjib wa mucsiso   walalayaal Allah hadii isku xirno wanagu filan yahay إِنَّ اللَّـهَ يَرْزُقُ مَن يَشَاءُ بِغَيْرِ حِسَابٍ
booqo http://www.daarusalaam.com/ ka
aqriso qisooyin diini ah.
Dadka alle waxaa kamid ah kuwa heerkaan garsiisan

Qisadaan ayaa ku dhacday dadki hore iyo salafki

Waa gabar sanad iyo bar diinta Alle swt ujijilib laabtay barashadeeda Waa gabar dagan canada,Hadana wa macalimad u dhigta Duruusta Gabdhaha.

Hadaba qisada aan iskaga kin dhexbaxo.
Asc wr wbr walaalka muslinka ahaw iyo walaasheyda muslimada ahay ma tahay mid yaqiinsan in Allah swt kuugu filanyahay?

oo usheegto arimahaaga wax kasta oo kula so gud boonaado ma ucarataa Allah?

 qisadaaan ila aqriya. 

gabar

15 CIQAABOOD OO SUGAYO QOFKA SALAADA KA TAGO.

3:38 PM 0
cimrigiisa ma barakeysna,nolashiisa waa mid nasiib xun, ducadiisa aqbal ma aha, oo carshiga Alle swt ma gaarto,wajigiisa waa laga tirtiraa astaanta dadka
www.daarusalaam.com
ka aqriso qisooyin iyo sheekooyin diini ah.
Nabi MUXAMED (SCW) waxa uu yiri:
Qofka ka tagaa salaada wuxuu leeyahay 15 ciqaabood,waxeyna kala yihiin sida hoos ku xusan.
|
-Lix ciqaabood nolosha ayuu ku muteystaa
-Sadex marka uu dhinto.
-Sadex marka qabriga lagaliyo.
-Sadexna maalinta qiyaamaha.
((Lixda nolosha))
''
1.Cimrigiisa ma barakeysmo noloshiisa waa mid
nasiib xun.
2. Ducadiisa aqbal ma,aha oo carshiga alle ma
gaarta.
3.Wajigiisa waa laga tirtiraa astaanta dadka
fiican,murug iyo shido ayuuna daris
la,yahay inta uu noolyahay.
4.Waxaa lagu ciqaabayaa waxkasta oo illaah abuurey.
5. Ajar fiican uu sameeyo ma lahan.
6. Ma lagu daro ducada dadka fiican.
''
((( Sadexda ciqaabood marka uu dhinto)))
''
1.Wuxuu dhintaa asaga oo ceeboobay kana
shalaaynaya maalmahii xumaanta kaga
tagay aduunka.
2.Wuxuu dhintaa asaga oo baaheysan.
3. Wuxuu dhintaa isagoo oon hayo,haddii uu
biyaha badaha oo dhan cabo oon ka bi'i maayo.
''
(((Sadexda ciqaabood ee qabriga)))........
''

Ka faa,ideyso Xikmadaan qaaliga ah.Qaladaadku ma aha Dhammaadka Nolosha, mana ah dhammaadka rajada guusha, balse

12:32 AM 0

qalaadka oo aad wax ka baratid, qaladaadka ma aha dhamaadka nolasha mana aha dhamaadka rajadaguusha balse keliya khaladku waa dusi ay qasab tahay in qofkastaa uu maro loona baahan yahay in wax laga barto, lagana faaideysto qaladaadka aad gelayso inta aad ku gudo jirto dadaalka aad himiladaada ku gaarayso waa in aad u qaadataa waayo aragnimo iyo dersi aad ku cibro qaadato
XIKMAD WAAYO ARAG AH WWW.DAARUSALAAM.COM

XIKMAD WAAYO ARAG.
1- QALADAADKA OO AAD WAX KA BARATID:- Qaladaadku ma aha Dhammaadka Nolosha, mana ah dhammaadka rajada guusha, balse keliya Khaladku waa Dugsi ay qasab tahay in Qof kastaa uu maro loona baahan yahay in wax laga barto, lagana Faa’idaysto. Qaladaadka aad gelayso inta aad ku gudo jirto Dadaalka aad Himiladaada ku gaarayso waa in aad u qaadataa Waayo-aragnimo iyo Dersi aad ku Cibro qaadanayso.

2- Iska jir in Qalad aad mar gashay uu kugu noqdo Boog Abid ku Daba socota, si joogto ahna aad u Xasuusato, waayo taasi waxey kaa hor istaageysaa in aad Dadaal dambe gasho oo Cabsi ayaad ka qabtaa in aad haddana Qaldanto. Qaladka ka qaado wixii Duruus ku jira, sida in aad Fahamto sida uu ku yimi iyo sida ay tahay in aad mar Labaad isaga ilaaliso, intaa waxa ka soo hara waa Qaladka in aad Dhabarkaaga dambe ka Tuurto si aanadad dib ugu Xasuusanba.

3- K A FAA'IDEYSIGA WAQTIGA & NIDAAMINTIISA:- Arrimaha Muhiimka u ah Guusha Nolosha waxaa ka mid ah in Qofku uu yaqaanno sida ugu Fiican ee uu Waqtigiisa ugaga Faa’idayn karo Gaarista Yoolkiisa Nolosha. Waa in aad waqtiga u Aqoonsato inuu yahay Hanti qaali ah oo Alle Hibo kuu siiyey, sida Saxda ahi waa inaad ka Dhigato Raasamaal aad ka Faa’idaysato, sababna u noqda Guul aad gaarto, haddii kale waa Seef Laba-afleh oo Adiga ayuu ku Jarayaa.

4- RAJO SAN:- Rajo Samaantu waxey ka mid tahay Tilmaamaha muhiimka ah ee lagu garto Ruuxa guusha gaara. In Qofka uu Rajeeyo mar kasta Khayrka waxey Qalbigiisa ku beertaa Rajo fiican iyo Kalsooni uu Naftiisa u qaado, waxeyna ku Dhiirri gelisaa Firfircoonida iyo Shaqada, Arrimahaasina dhammaantood lagama maarmaan ayey u yihiin Guusha uu Ruuxu doonayo inuu Noloshiisa ka gaaro Hadaf Wacan oo Waxtar leh.

Wabillaahi Towfiiq.
(EEBOOW MURAADKEENA NOO SAHAL).
W.Q:- Macoow Ustaad.

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:

WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

Tuesday, December 1, 2015

Qiso aad u cajiib badan oo Muuqaal ah Sh-Ahmed Nuur

1:08 PM 0
Qiso aad u cajiib badan oo Muuqaal ah Sh-Ahmed Nuur

WALAAL HA ILAAWIN GEERIDA.Saacad Kasta oo Ku Dhaafta Waxa Tagey Cimrigaagi Waxa...

4:43 AM 0
Saacad Kasta oo Ku Dhaafta Waxa Tagey Cimrigaagi Waxa Soo Dhawaaday Geeridaadii Waxa Ku Sugaya Maalin Daran Oo Xanuun & Imtixaan wadata Umul Mu,miniin Caa,isha Rc,waxay Tidhi Maalinki Rasuulka SCW Geeridu u timid wuu Miyir Beelay Marku Soo Miyirsaday Ayuu Yidhi Geeridu Waxay wadata Sakaraad & Xanuun Allahayow iiga Kaalme Sakaraadka Dhibkeeda.  Waa Xabiibu Raxmaan SCW Wa adoonki & Rasuulki Ilaahay ee Khalqiga Ugu Khayrka Badna,,, Waa Maalin Aan La, Cabiri Karin Dhibka Iyo Xanuunka & Kulaylka sakaraadka,,Waa Maalin Aan Aduunkan & Iftiinkan Dhaldhalaalkan & Khiyaaliga Aduunyada layska Qaban Doono,, Waa Maalin Murugo Iyo Tiiraanyo aanay Waxba Tarayn Oo lagu Maydhi Doono Awal adoo Maydhan jiray Waa Malin Marada Kafanta laguu xidhi doono awal adoo Labisan Jiray, Waa Shayga Keliya ee aduunkaga Maalkaga ka Raaci doona Maradaa yar ee Cad waa Maalinta Dadka inta Kuugu Jecel ay Ku Dhigi Doonan CIIDA kuguna Rogi doonan Allaah Weyne Jallaa Wa Calaa Aya Qur,aanka Kariimka Inoogu Sheegay,,,MIN Haa Khalaqnaakum,,Wa fiihaa Nuciidukum,, Wa Minhaa Nukhrijukum Taaratan Ukhraa,,,ILaahay Swt Wuxu Yidhi Ciidaa ayaan Idinka Abuurnay, iyada ayanan idinku Cilin Doonaa,, Iyada ayaanan Idinka Soo Saari Doona Maalinka Danbe,,,,ILaahay Swt Wuxu Inogu Shegay Kitaabkiisa Wax Kasta Oo aan Kaga Bad baadi lahayn Cadaabul Qabriga & Cadaabka weyn Ee Jahanama Ilaahay Hanaga Nabad Geliyee Wuxu Rabi Kaa Reebay Ka fogow Oo Ha fududaysan Camal yar oo agtaada Basiid ka ah ayaa Naarta ku Gelin Kara.   Wuxuu Ilaahay Ku Amray Fuli Oo Adeec Oo Raac Dariiqii Nabigeena scw Waxad Ku Gaadhi Sharaf & Darajo Sare oo waxad Kamid Noqon kuwa liibanay Aakhiro iyo aduunkaba iska ilaali Duulul Amal & inaad ku Nolaato Rajo & Cimri dheer inad Helayso Khayrka Dib haw Dhigin ee Imika Toobad Keen Oo Rabigaa uNoqo Goor aad dhiman allaah oge All Hamu Baciid wal Mowtu Qariib, Ku Sugnow Daacada Rabi Camalkaga Wanaaji Intaad Fursad haysato Diiyaari Sahaydii Qabriga oo isu Diyaari Geerida Ruux kasta wu dhadhamine Laa xawla Walaa Quwata Ilaa Bilaah Allahuma ar xamnii wali waalidaya wali Jamiicil Muslimiin aamin inshaa Allaah.
walaal xasuusnoow geerida oo marnaba
ha ilaawin insha Allah
Saacad Kasta oo Ku Dhaafta Waxa Tagey Cimrigaagi Waxa Soo Dhawaaday Geeridaadii Waxa Ku Sugaya Maalin Daran Oo Xanuun & Imtixaan wadata Umul Mu,miniin Caa,isha Rc,waxay Tidhi Maalinki Rasuulka SCW Geeridu u timid wuu Miyir Beelay Marku Soo Miyirsaday Ayuu Yidhi Geeridu Waxay wadata Sakaraad & Xanuun Allahayow iiga Kaalme Sakaraadka Dhibkeeda.

Waa Xabiibu Raxmaan SCW Wa adoonki & Rasuulki Ilaahay ee Khalqiga Ugu Khayrka Badna,,, Waa Maalin Aan La, Cabiri Karin Dhibka Iyo Xanuunka & Kulaylka sakaraadka,,Waa Maalin Aan Aduunkan & Iftiinkan Dhaldhalaalkan & Khiyaaliga Aduunyada layska Qaban Doono,, Waa Maalin Murugo Iyo Tiiraanyo aanay Waxba Tarayn Oo lagu Maydhi Doono Awal adoo Maydhan jiray Waa Malin Marada Kafanta laguu xidhi doono awal adoo Labisan Jiray, Waa Shayga Keliya ee aduunkaga Maalkaga ka Raaci doona Maradaa yar ee Cad waa Maalinta Dadka inta Kuugu Jecel ay Ku Dhigi Doonan CIIDA kuguna Rogi doonan Allaah Weyne Jallaa Wa Calaa Aya Qur,aanka Kariimka Inoogu Sheegay,,,MIN Haa Khalaqnaakum,,Wa fiihaa Nuciidukum,, Wa Minhaa Nukhrijukum Taaratan Ukhraa,,,ILaahay Swt Wuxu Yidhi Ciidaa ayaan Idinka Abuurnay, iyada ayanan idinku Cilin Doonaa,, Iyada ayaanan Idinka Soo Saari Doona Maalinka Danbe,,,,ILaahay Swt Wuxu Inogu Shegay Kitaabkiisa Wax Kasta Oo aan Kaga Bad baadi lahayn Cadaabul Qabriga & Cadaabka weyn Ee Jahanama Ilaahay Hanaga Nabad Geliyee Wuxu Rabi Kaa Reebay Ka fogow Oo Ha fududaysan Camal yar oo agtaada Basiid ka ah ayaa Naarta ku Gelin Kara.

 Wuxuu Ilaahay Ku Amray Fuli Oo Adeec Oo Raac Dariiqii Nabigeena scw Waxad Ku Gaadhi Sharaf & Darajo Sare oo waxad Kamid Noqon kuwa liibanay Aakhiro iyo aduunkaba iska ilaali Duulul Amal & inaad ku Nolaato Rajo & Cimri dheer inad Helayso Khayrka Dib haw Dhigin ee Imika Toobad Keen Oo Rabigaa uNoqo Goor aad dhiman allaah oge All Hamu Baciid wal Mowtu Qariib, Ku Sugnow Daacada Rabi Camalkaga Wanaaji Intaad Fursad haysato Diiyaari Sahaydii Qabriga oo isu Diyaari Geerida Ruux kasta wu dhadhamine Laa xawla Walaa Quwata Ilaa Bilaah Allahuma ar xamnii wali waalidaya wali Jamiicil Muslimiin aamin inshaa Allaah.

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:

WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

Monday, November 30, 2015

QISO CAJIIB BADAN MARKAAD AQRISO KAA OOHIN DOONTO

4:12 AM 0
Aslaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakad Bismilaahi Raxmaani Raxiim Wasalaatu Wasalaam Calaa Nabiyanaa Mohamed ibnu Cabdilaahi {scw} Magaca Allah Ayaan kubillaabaynaa Ee Naxariis Guud iyo mid Gaaraba Naxariista Allaah baa Mahad u sugnaatay Mahadidilkeed Allihii ina siiyay Nimcooyin badan Adoomadiisana ku Farad yeelay inay Soo xajiyaan Adoomo farbadana ay ajiibeen yeedhmada allah Nabad galyo iyo Naxariis ha ahato Midkii ina tusay Macaanka Nolasha Midkii aqoonyahano Naga Dhigay Jaahilnimadii inaga saaray Muuhammed Rasuulullaahi S,C,W intaa ka dib ikhwaatii fillah Waxaanu idin soo Diyaariyay Qiso xanuun badan oo ku dhacday hooyo soomaaliyeed qiso cajiib ah ee akhrista walaalayaal si fiican u akhrista waad mahadsan tihin dhamaantiin.  walaalayaal Dhacdadan ayaa ku dhacday qoys somaliyeed oo ku nool wadanka Australia waxaana ka shekenayo nin u kuur galay sida ay wax u dhaceen waxaa uuna ku bilabayaa shekadiisa sidan subxanallaah ufiirsada qof noolow maxaa aragtid ku laaban walaahi wax aad la yaabtaan ayaad ku arkaysaan walaalayaal ila akhrista Arrintan ayaa markii aan maqlay igu noqotay arrin layaab leh oo aan suurtagal ahayn
booqo www.daarusalaam.com ka aqriso qisooyin
diini ah,iyo sheekooyin xiiso badan
Aslaamu Calaykum Waraxmatulaahi
Wabarakad Bismilaahi Raxmaani Raxiim
Wasalaatu Wasalaam Calaa Nabiyanaa
Mohamed ibnu Cabdilaahi {scw} Magaca
Allah Ayaan kubillaabaynaa Ee Naxariis
Guud iyo mid Gaaraba Naxariista Allaah baa Mahad u sugnaatay Mahadidilkeed Allihii ina siiyay Nimcooyin badan
Adoomadiisana ku Farad yeelay inay Soo
xajiyaan Adoomo farbadana ay ajiibeen
yeedhmada allah Nabad galyo iyo
Naxariis ha ahato Midkii ina tusay Macaanka Nolasha Midkii aqoonyahano Naga Dhigay Jaahilnimadii inaga saaray
Muuhammed Rasuulullaahi S,C,W intaa ka
dib ikhwaatii fillah Waxaanu idin soo
Diyaariyay Qiso xanuun badan oo ku dhacday
hooyo soomaaliyeed qiso cajiib ah ee
akhrista walaalayaal si fiican u akhrista
waad mahadsan tihin dhamaantiin.



walaalayaal Dhacdadan ayaa ku dhacday qoys
somaliyeed oo ku nool wadanka Australia
waxaana ka shekenayo nin u kuur galay
sida ay wax u dhaceen waxaa uuna ku
bilabayaa shekadiisa sidan subxanallaah
ufiirsada qof noolow maxaa aragtid ku laaban walaahi wax aad la yaabtaan ayaad ku arkaysaan walaalayaal ila
akhrista Arrintan ayaa markii aan maqlay igu noqotay
arrin layaab leh oo aan suurtagal ahayn
ka bacdi waxaan raadiyay sida ay wax
uga jiraan arintan anoo rabo in aan ka sal
gaadho in ay run tahay iyo in kale Haddaba
akhristayaasha sharafta lahow aniga oo baadhitaankeeyga ku soo guuleeystay inay arrintu jirto ayaa waxaa ay dalbadeen
qoyska ay arintu ku dhacday in arintooda
la sheego laakiin aan marnaba
warbaahinta loo gudbin magaca qoyska
ayaga oo kadalbaday warbaahinta in magaca qoyska la baahin Aniga oo tix galin siinaayo codsiga
qooyskaas ayaa waxaa aan jecelahay in
aad idin la wadaago say wax u dhaceen
iyo sida ay qisadu tahay waatan ayada oo
hooyada qoyskaas ka sheekaynayso
ayada oo tilmaamaysa sida wax udhaceen waxay tidhi

Qiso cajiib ah oo diini ah: Ninkii 70 sano ALLAH caabudayey, oo 7 maalmood ka awood badnaatay.

3:18 AM 0
Qiso cajiib ah oo diini ah "Fadlan" aqriso. Nin ayaa ALLAH dartiis ugu muhaajiray meel baadiyo ah si uu ugu cibaadeesto eesan ishiisa uqaban wax xumaan ah. Magaaladuu kahaajirayna waxaa kubadnaa yuhuud. 70sano ayuu meel gooni ah uu ILAAHAY dartiisa ugucibadesanaayey. maalin ayaa sheydaanka kudahay bal magaalada sanadooyin badan ayaa kuugudanbesee soo eeg. Markii ayuu magaalada aaday. Wuxuu lakulmay dumar cowradooda banaankataalo oo dhar yariis xiran. Haweeney ayuu lakulmay, wee kaxeesay xaafadeeda ayee geesatay mudo 7 maalmood ayuu gurigeeda joogay. Naagtii ayaa waxee sameeysay inee jirka uriix riixdo e sidee doonto kayeesho asigoo raali uga ah. Ninki maalinti 7aad ee udanbeeysay ayuu soo baraarugay oona dareemay inee wuxuu sameynayo e danbi yihiin, wuu kasoocararay asigoo magaalada kucusub maalmihi uujoogayna guri kuxareesnaa ayaa meeshii uu kaheli lahaa masajid ama meel muslimiin jooga uraadinlahaa ayuu wadada cagta saaray.  wuxuu arkay 11nin oo moowlac yar kucibaadeesanyaan wuu u imaaday waxuuna uga sheekeeyay qisadii ku dhacday, wey soo dhaweeyeen.  Ninkii 70-ki sano camalka uu soo falayay 7-dii maalmodd ayaa ka awood badatay oo haduu sidaas kudiman lahaa oo khayrkuu kujirey Janna ayuu aadi lahaa. Nin walbo xirta kamid ah markii lajoogo waqtiga qadada wuxuu leeyahay jab muufo ah oo kabadan loomahelayo. Ninkaana meesha wuu kucusubyahay. Xilli qado ayuu kusoo beegmay. Safka hore ayuu galay bixinta cuntada ama qeebinta cuntada markii labilaabay ayaa asaga lagabilaabay. Ninki udanbeeyay ayaa waayey qeebtiisa kabacdi wuxu yiri,'halaisiiyo qadadeyda' markuu waayey qof siiyo ayuu baxay asagoo xanaaqsan. Ninkii ayaa isgartay oona dareemay jabka muufada uu heesto in uu xaq ulahaa ninka sii baxay, wuu kadaba qeyliyay wuxuuna kudhahay, 'jabka muufda adiga ayaa xaq uleh ee hoo cun'. Mar allaale markii uusiiyay ayaa ninkii nafta kabaxday. Malaaikta Jannada iyo kuwa Naarta ayaa kudooday waa ahlujanna iyo
booqo www.daarusalaam.com
ka aqriso qisooyin iyo sheekooyin diini ah
Qiso cajiib ah oo diini ah "Fadlan" aqriso.
Nin ayaa ALLAH dartiis ugu muhaajiray meel baadiyo
ah si uu ugu cibaadeesto eesan ishiisa uqaban wax
xumaan ah. Magaaladuu kahaajirayna waxaa
kubadnaa yuhuud. 70sano ayuu meel gooni ah uu ILAAHAY dartiisa ugucibadesanaayey. maalin ayaa sheydaanka kudahay bal magaalada sanadooyin
badan ayaa kuugudanbesee soo eeg. Markii ayuu
magaalada aaday. Wuxuu lakulmay dumar
cowradooda banaankataalo oo dhar yariis xiran.
Haweeney ayuu lakulmay, wee kaxeesay
xaafadeeda ayee geesatay mudo 7 maalmood ayuu gurigeeda joogay. Naagtii ayaa waxee
sameeysay inee jirka uriix riixdo e sidee doonto
kayeesho asigoo raali uga ah. Ninki maalinti 7aad
ee udanbeeysay ayuu soo baraarugay oona
dareemay inee wuxuu sameynayo e danbi yihiin,
wuu kasoocararay asigoo magaalada kucusub maalmihi uujoogayna guri kuxareesnaa ayaa
meeshii uu kaheli lahaa masajid ama meel muslimiin
jooga uraadinlahaa ayuu wadada cagta saaray.

wuxuu arkay 11nin oo moowlac yar
kucibaadeesanyaan wuu u imaaday waxuuna uga
sheekeeyay qisadii

FADLIGA TOOBADA LEEDAHAY.

2:57 AM 0
Ma dooneysaa in laguu kordhiyo maal caruur iyo barwaaqooyin kale hadii [HAA] aad leedahay toobada u deg-deg Allaah waxuu yiri asagoo Nabi nuux caleyhi salam hadalkiisi noo shegayo ''waxaan ku iri Rabbigiin danbi dhaaf weydiista waa danbi dhaaf badanee . (10 ) Cirka roob badan ha idiinka keene (11) Hana idiin kordhiyee xoolo ( maal) iyo wiilal iyo beero hana idiin yeelo wabiyaal ''(12] [ suuratu nuux] Ma dooneysaa in caafimaad Allaah ku siiyo awoodna kuu yeelo, Hadii ay jawaabtaadu [HAA] tahay dhageyso Allaah waxuu leeyahay asagoo nabi huud caleysi salaam warkii uu ku yiri qoomkiisii caad noo sheegayo waxuu yiri '' Qoomkeygoow danbi dhaaf weydiista allaah una toobad keena Ha soo diro samada (roobab) Korkiina si badan hana idiin ku kordhiyo xoog xoogiinii (hore) hana jeedsanina adinkoo danbiilayaal ah'' (52 suuratu huud)
Ma dooneysa in lagaa nabad giliyo balaayooyinka iyo halaaga Hadii ay jawaabtaadu [haa] tahay wan filayaa iney tahayee iga dhageyso Allaah waxuu yiri ''Allaah ma ahan ( nabi muxamedoow scw) mid cadaabo (umadaada) adoo dhex joogo Mana ahan mid cadaabo ayagoo danbi dhaaf weydiisan '' (33 anfaal) Ma dooneysaa inaad raaxo ku noolaato aduunka iyo aakhiradaba hadii ay jawaabtaada

Sunday, November 29, 2015

Qiso: Xanuunka Jaceylka Qurbaha QEYBTA LABAAD.

7:05 PM 0
Gabdhihii xafada soo degay mudo badan waxeey ku maqnayeen baritankii Faiza iyo qabiilka eey ka dhalatay. Baritaan dheer kadib, Gabdhihii waxeey soo ogadeen In eey Faiza ka dhalatay qabiilada Somalidu eey heybsocaan. Sidoo kale waxeey isugu warameen in Faiza eey qiyameeysay Feysal. Iyagoon ogeyn sida wanaagsan oo eey isu guursadeen iyo jaceylka weyn oo ka dhaxeya. Gabdhihii waxeey ka masereen sida lamanahaan eey isu jecelyihiin. Gabdhihii gabar ka mid ah, oo markaa qaraabo sokeeye la ah Feysal aad beey uga xumaatay arintii, waxeeysa dhahday “Sidee Ina Adeerkey ku qabi karaa gabar la heybsooco” Aqristoow maxeey kula tahay hadeey Faiza ahaan laheyd gabar cadaan ah’ miyaa la heeybsooci lahaa, mise la raadin lahaa qabiilkeeda? Gabadhii waxeey arintii gaarsiisay qoyskii uu Feysal ka dhashay oo markaa ku nolaa UK iyo Canada. Qoyskii baa arintii la yaabay, waxey ku noqotay, fajac, waxeeysa dhaheen sideese ku suurtoobi kartaa arintaan. Waxeey dhaheen arintaan waxaan u maleneynaa in eey tahay been abuur. Balse gabadhii reerka dumineysay baa waxey dhahday, arintaan waa xaqiiq, oo waxaan barayay mudo dheer. Waxaana la Ii sheegay in gaabadhani eey tahay reerkaa la heeybsooco, ehelkeedina sifican loo yaqaan.

Qoyskii ayagoo fajacsan baa waxeey dhaheen, Gabadhani miyeey sixirtay Feysal, waxeeysa dhaheen Feysal lagama yaabo in uu guursado qabilkaa asagoo og. Qoyskii waxeey so waceen Feysal, waxeey dhaheen, Gabdhaa guursatayn mataqanaa Qabiilkeeda? Feysal waxa uu ku jawabay haah waan garanayaa oo gabadhani waa reer hebel. (Feysal waxuu wali u hestaa gabadhan in eey ka dhalatay qoyski eey la degeneyd markuu baranayay, sidaan hore ugu xusnay shekadan qeybtedii 1-aad). Xaqiiqdi Feysal marka uu guursanayay gabadhaan waxaa indho tiray quruxdeedi iyo adaabtedi. Jaceeyl baa saaqay oo hami weyn ma uusan gilin ogaanshaha qabiilkeedi. Feysal wuxuu ahaa nin qurbaha joogay mudo, oo waxa uu yimid asagoo yar. Kadib Qoyskii ba dhaheen, war gabadhaa guursatay waxeey

Qiso: Shaqaalihii faqiirka ahaa ee jeclaaday ina boqor.

2:30 PM 0
Boqorku waxa uu dhalay gabar Allah isugu daray qurux, akhlaaq wanaag iyo waliba diin, waxa loogu wan qalay magaca Maryam. Maryam waxa maalin maalmaha kamid ah ay si lama filaan ah u gaday silsilad dahab ah oo ay lahayd aadna qaali u ahayd si ay Masaajid hor Allah ugu dhisto. Waqti yar kadib masjidkii markii gacanta sidaa looga qaaday waxay ay doontay inay maalin soo fiiriso, shaqaalihii ayaa amar lagu siiyay inay faaruqiyaan masaajidka. 
Kadibayay soo gashay oo ay indhaha ka siibtay naqaabkii si ay ugu raaxaysato quruxda guriga ay aaqiro kasii dhisatay. Mid kamid ah shaqaalihii ka shaqaynayay masjidka oo kor saarnaa ayaa lagu ilaaway oo masjidka ku baaqi noqday, waxa uu arkay quruxdeeda kadibna qalbigiisii taagta darnaa markiiba waa uu raacay, gurugiisii ayaa uu ku noqday isaga oo maalinba maalinta ka dambaysay jacaylka uu u hayo inanta boqorku kusii kordhayay illaa uu sariirta dul dhigay oo uu bukaan noqday. Shaqaalahan oo magiciisa la odhan jiray Cali waxa dhashay hooyo da’ ah oo aad iyana u taagdaran, cid kalana aan lahayn isaga mooyaane. Hooyadii ayaa waydiisay Cali: wiilkaygiiyoow sidee laguu hayaa waadigan furaashka ka kici waayaye? Cali: Maamo waxa aan jeclaaday gabarta

Saturday, November 28, 2015

Qiso Jaceyl oo murugo badan.

7:36 PM 0
Qiso Jaceyl oo murugo badan.

Qiso Jaceyl oo kaa oohin doonta.
Waa Qiso jaceyl ah oo aad u qiiro badan waxbadana ka faa,ideysan doonta, waxaa soo jeedinaya, ustad Yussuf(RaximahuLAAH).
Posted by Yaranka HASHI AHMED. on Saturday, August 22, 2015

Sheikh Mohamed Idiris oo ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu joojiyo dagaalka Galkacyo kasocto.

5:11 AM 0
Sh Mohamed Idiris


DAGAALKA MUDUG HALA JOOJIYO!===========================Waa Farriin Deg Deg ah oo ku saabsan dagaalka Mudug, Walaalayaal sii Faafiya, oo isu gudbiya, oo TV yada iyo Idaacadaha Gudaha Kasii Daaya, oo Madaxda gaarsiiya, Ilaahay dabka ha innaga Damiyo..
Posted by Sh'Mohamed Idris on Friday, November 27, 2015

Qiso: Xanuunka Jaceylka Qurbaha QEBTA KOOWAAD.

4:13 AM 0
Xanuunka Jaceylka Qurbaha Qebta Koowaad.

Faiza waa gabar somaliyeed. Waxeey ku dhalatay somalia, Intaa kadib Faiza reerkeedi waxeey qaxooti ku noqdeen kenya. Faiza Waxeey ku noleed mudo qaxootiga kenya. Faiza markeey jirtay 18sano waxaa loo sameyay kaar (kaararka lagu dhoofo) oo ayada u gooni ah, waxaase laga saaray kaarka ehelkeedi eey kula jirtay. Walalaheedii waxeey adeen Yurub. Mudo yar kadib Faiza waxeey usoo dhooftay Marekanka, gobol somalidu eey ku yartahay. Markeey mudo yar marekanka joogtay baa Faiza waxaa ka helay wiil magaciisa la yiraahdo Feysal. Faiza waxeey aheyd gabar dheer, cas , qosol qurxoon leh, diin iyo dabeecadba Alle u dhameyay. 

Faiza Alle wuxuu siyay akhlaaq iyo dabecada wanaagsan, wiilkii arkaaba wuxuu ku qancayay adabteeda iyo diinteeda. Sidoo kale Feysal wuxuu ahaa wiil Jamacad dhameyay, wuxuuna heestay shaqo wanaagsan. Sidoo kale wuxuu ahaa wiil fur furan ehelkiisana u wanaagsanaa. Feysal muda badan baa waxa uu eegayay gabar qancisa, ilaa heer uu go'ansaday in uu wadamo kale u doonto gabar. Balse nasiib wanaag Feysal marka uu arkay Faiza wuxuu la dhacay degnashaheeda iyo quruxdeeda. Feysal si wanagsan buu waxa uga codsaday Faiza in uu la shekeeysto ayudana ma eysan diidin oo wey ogolaatay codsigiisii. Faiza xilgaa waxa eey la degneyd qoys eey isku barteen kenya. Hase yeshee Feysal baa waxa uu u qaatay faiza in eey qoyskaa ka dhalatay. Faiza marna uma eysan shegin Feysal ehelkeeda iyo qabiikeedi maxaa yeelay faiza waxa eey ka dhalatay qabiil la heebsooco. 

Intaa kadib Feysal gabadhii aad buu u jeclaaday. Ilaa heer wuxuu gaaray in uu seexan waayo asigoon codkeedi maqlin. Feysal mar walba uu tukado waxa uu ku duceyn jiray Faiza, Allena waxa uu ka barin jiray in u calaf ugu daro. Sidoo kale wuxuu u gadi jiray hadiyado, hadiyadaha u ugaday waxaa ka mid ahaa Toyota Camry iyo silsilad dahab oo uga dalbay Dubai. Feysal mar walba waxa donayay inuu arko farxadeeda iyo qosolkeeda. Wuxuu Faiza ka ilaalin jiray in eey marna murugooto maxaa yeelay jeceylka uu u qabay baa aad weynaa.( Alle jaceyl Xanuun badanaa).Hadey xanuunsato ma uusan sexan jirin ilaa u ka hubsado xaladeeda. Sidoo kale Faiza weey jeclaatay Feysal, Jaceylkeedu wuxuu ahaa Jaceyl xad dhaf ah oo waligeed aan so marin. Maxaa yeelay

Friday, November 27, 2015

QISO CAJIIB AH. BAAQULIGII DHOOBKA AHAA

12:21 PM 0
QISO CAJIIB AH. BAAQULIGII DHOOBKA AHAA
Qiso cajiib ah
Odey Duq ah ayaa wuxuu la Noolaay Wiilkiisa iyo
Gabar uu sodog u yahay iyo Cunug yar oo 4 jir ah oo uu
 awoowe u ahaa. Odeyga waxuu ahaa Nin Da’diisu
ay aad u Weyneed, Gacmahiisana way jareenaayeen,
Araga Indhahiisana aad bey u Liiteen. Tilaabadana
way dhibeesey, Markuu Cuntada cunaayana ama uu Cabaayo biyaha, inta badan waxuu ku daadin jirey
Miiska cuntada lagu cuno, awooda Gacmahiisa oo
aad u liita dartood, sidaa darted Wiilkiisa iyo Gabarta
uu sodoga u ahaa oo miiska kula cunteen jirey aad
bey u dhibsadeen Duqa.
“Waa inaa Xal keenaa oo Arintaan ka joojiinaa!” Wiilkiisii ayaa yiri.
Wiilkiisa iyo Gabadhuu sodoga u ahaa waxey u
diyaariyeen miis yar oo gooni loogu bixiyo
Cuntadiisa, si uusan u dhibin mar danbe, xili intooda
kalena ay ku Raaxeesanaayaan miiskii weynaa ee
Rashinka. sidoo kale markaana waxey u Hagaajiyeen Baaquli Dhoob ah si uusan mar kale u
jabinin Alaab danbe.
Markii

Thursday, November 26, 2015

Qiso: Gabadhii dhowrsanaanta badneed.Gabar aad u Qurux badneed, Hanaan Wacana ilaahey ku Maneystay ayaa....

12:08 PM 0
QISO CAJIIB AH. 
Qisadan waa Mid ka mid ah Qisooyinka ugu Cajiibka badan, uguna soo Jiidashada badan oo ay qoreen Culumada Islaamka, ayaan Maanta idiin soo Bandhigeynaa. Qisadaan oo Run ahaantii noqon doonta mid Dareen Baaxad leh kugu Reeb...ta. Gabar aad u Qurux badneed, Hanaan Wacana ilaahey ku Maneystay ayaa waxaa la Sheegay inuu aad uga Helay Nin ay meel isku Arkeen, Ninkii ayaana aad ula Yaabay Gabadhaan Quruxdeeda iyo Qaabka ilaah u Sameeyay. Ninkaan ayaa isku dayay inuu Gabadhan Xiriir la Sameeyo, si uu ula Sheekeysto, balse marar badan ayey ku Gacan Seyrtay, Iyado ka diiday inuu Hadal la Furto. 

Ninkii ayaa Waddo walba u soo maray siduu mar uun ku Heli lahaa Gabdhaan. Balse Adoonta ilaahey ku Xiran, Quruxdana lagu Maneystay ayaa Go’aankeeda ku Adkeysatay, iyadoo Fursad dhan u Diiday inuu Ninkani usoo Dhawaado. Ninkii ayaa Go’aansaday inuu Kufsado Gabadhan, oo uu Xoog wax uga Qaato, maadaama uu Xeelad wax uga waayey, wuxuuna Xoogay Gabadhii oo aan Raali ka aheyn, wax walbana Qasab ayuu uga Qaatay, Balse Arinka la yaabka leh ee Qalbigaaga Dhaqaajin doona ayaa ah Arinka ay Gabadhani ku Dhaqaaqday intii uu Ninkani Howshiisa watay. Gabadhan ayaa Aragtay in Ninkani uu ka Xoog badiyay, wax ay sameyn kartaana aysan jirin, waxeyna ku Fikirtay waxa ugu Dhow ee Gacanteedu Gaarto iney soo Qabsato, balse

Qiso: Alle Dartiis waxaad uga tagtid Rabi waxa uu kugu Badala Shay ka kheyr badan

1:42 AM 0

Qiso: Alle Dartiis waxaad uga tagtid Rabi waxa uu kugu Badala Shay ka kheyr badan.


Alle Dartiis waxaad uga tagtid Rabi waxa uu kugu Badala Shay ka kheyr badan...

Sheekh Cali Dhandhaawi ilaahay ha u naxariistee waxa uu ku yiri Xasuus qorkiisii: 
Dimishiq waxaa ku yaaley masjid wayn oo la yiraahdo Jaamic al tawbah, Waa Jaamic 
wayn oo barakaysan oo Quruxbadan, Waxaa loogu magacaabey Jaamic al tawbah Wuxuu ku 
ooli jirey meel Macaasida lagu sameeyo barigii hore, kadibna waxaa iibsadey Mid ka mid 
ah Boqoradii Qarnigii Todobaad ee Hijriga, Intuu dumiyey ayuu masjid ka dhisey.
Masjidka waxaa Joogi jirey Sheekh ilaa Todobaatan jir ah Magiciisana waxaa la oran 
jirey, Sulaym AL Suyuudi, Dadka xaafadda daganina aad bay ugu kalsoonaayeen wixii ku 
saabsan arimaha diintooda iyo duunyadoodaba way ula noqon jireen, Sheekha waxaa la 
joogi jirey Ardey aad u dhawrsani badan oo aan waxba haysan, Masjidka ayuu ka daganaaa 
Qol, waxaa soo maray ardaygaas Inusan waxba cunin laba maalin, wuxuu cunana ma uusan 
heli jirin, maalintii Sadexaad ayuu is yiri waad dhimanaysaa, wuxuu ka fakarey wuxuu 
samayn lahaa, markaasuu wuxuu Is tusiyey In ay u bannaantahay inuu wax soo xado si uu 
dhimashada uga bad baado.

Sheekh Dandaawi wuxuu leeyahay Qisadan waa Qiso dhab ah dadka ay ku dhacdayna waan 
garanayaa.
Masjidku wuxuu ku yaaley xaafado qadiim ah, guryuhu barigii horena way xidhiidhsanaan 
jireen oo dhinaca ayeey isku wada hayeen, qofkuna wuxuu awoodey inuu guri intuu fuulo 
uu xaafadda dhan isu wada maro.
Ardaygii Masjidkii buu dhakada ka fuuley kadibna wuxuu ku dulsocdey xaafadihii isku 
dhegsanaa, indhihiisu waxay ku dhaceen dumar kadibna wuu ka ill laabtey oo wuu ka 
fogaadey, wuxu arkey Gurigi Cidlo ah oo ay ka so baxayso Urta Karinta cuntada, 

Gaajadii haysey awgeed Sidii bir labta oo kale ayaa dhankii guriga loogu jiidey, 

gurigii buu kor ka dalooliyey kadibna Kijadii buu galey, digsigii dabka Saarnaa ayuu 
ka qaadey daboolka, Mise waxaa kar karaya Baadijaan, Mid buu la soo baxay Kadibna wuu 
qaniiney, Ma uusan awoodin inuu liqo caqligiisii iyo diintisii ba u soo noqdey, wuxuu 
yiri " Acuudu billlaah, Ma anigoo

Thursday, November 19, 2015

Qiso gaaban: Wiilkii yaraa ee qabriga ka dhexhadlay.

4:05 PM 0
[Ruuxii kacabsada Allah SWT Hor Istaaggiisa Wuxuu Mudan Yahay Laba Janno ]

Waa Qiso gaaban dhacdayna waqtiga Nabiga SCW. Qisadani waxay kumagac dheertahay "wiilka yar ee Qabriga kadhex hadlay" .
Waxaa jiray wiil yar oo ahaay mid Laazima masjidka oo salaadba Salaada kale kusuga, wuxuu ahaa wiil Caado kadhigtay markuu salaada Cishaha dukto inuu aabihiisa oo Markaas duq ahaay booqdo.
Habeen Habeenada kamid ah ayaa Inankii yaraa markuu salaada cishaha Uu soo dukaday ayuu dhex wuxuu Lakulmay gabar aad uqurxoon Waxayna kucazuumday xaafadeeda si Uu xumaan ula sameeyo. wiilka yar Damac baa galay wuuna raacay, wuu Daba socday ilaaa ay gurigeedii Kagashay, markuu kadaba gali rabo Gurigeedii ayaa

Waa kee Zowjka wanaagsan?

3:57 PM 0
Sowjka Wanaagsan Waa Kan Had iyo Goor Sowjadiisa Garab Taagan..
Sowjka Wanaagsan Waa Kan Had iyo Goor Darensiiya Sowjadiisa Farxad..
Wuxuu La Qataa Waqtiyo Qurux Badan Oo Xusuus Leh.
Wuxuu Ka Dhigtaa Sowjadiisa Raaliyo iyo Mid Farxad Galisa..
Ma Dareento Sowjadiisa Cidlo iyo Culeys iyo Caajis Midna...
Caruurta Si Wada Jir Ah Ayee Uga Farxiyaan Ulana Ciyaraan..
Qalbiga Sowjadiisa Wuu Ka iLaalshaa Dhaawac iyo Murugo..
Guriga Ugama Dhigo Xabsi Ee Wuxuu Uga Dhigaa iftiin..
Wuxuu Ku Beraa Jaceyl iyo

Qiso Aad Umacaan

3:45 PM 0
Qiso Aad Umacaan

Waxay tiri, waxaan ahaa gabadh dhalinyaro ah waxaan Ku soo barbaarey guri diin leh waxaan gaadhey 32 jir, wiil ayaa isoo dooney markaanu heshiiney ayaa lagu yiri waa Qof wayn oo wakhtigii guurka way dhaaftey caruur badanna dhali Maysee Faraha ka qaad. Waxaa noo yimid nin xagga wiilka Ka socda wuxuuna noo sheegey in arintii ay ka noqdeen, waxay igu noqotey arin adag hase ahaatee waan iska samrey. Waxaan aadey Cimro xaramka barakaysan ayaan Ku soo Ducaystey oo ilaahay soo baryey, kolkii aan Ku noqonayey wadankaygii waxaan diyaaradda isku aragney saaxiibtey iyo ninkeedii oo isla socda iyo wiil kale oo saaxiibtey ninkeeda ay saaxiib yihiin. Kolkii aan nabadnimid wadankii dhawr casho kadib waxaa isoo wacdey saaxiibtey waxay igu tiri wiilkii diyaaradda inala saarnaa ayaa

Wednesday, November 11, 2015

QISO YAR OO CAJIIB AH.

2:37 AM 0
QISO YAR OO CAJIIB AH.
QISO YAR OO CAJIIB AH.

Nin ka mid ahaa Saalixiinta oo la Oran jiray C/laahi Ibnu
Mubaarak ayaa Sannad wuu Xaji jiray, Sannadna wuu
Cimraysan jiray, marka ay Sannadka Xajka Gaarto waxa uu
Iibsan jiray Awr, Sannad ka mida Sanadadii Xajka ayuu C/
laahi Ibnu Mubaarak Awrkii doontay, ka hor intaanu Xajka
Tegin, balse meeshii uu Awrka ka Iibsanayay ayuu ku Arkay
Gabar Rifeysa Shimbir, C/laahi Ibnu Mubaarak wuxuu
Weydiiyay Sababta? Waxey tiri:- Waxaan Haystaa Afar
Caruur ah, Odaygaygii waa Hore ayuu Dhintay, Caruurtaydii
waxay Cunto ma Heysato Bakhtiga ayaa u Xalaal ah, Anigu
Buurigaa yar ayaan ugu Shaqayn jiray, kiina wuu Xumaaday
ee ii Hagaaji C/laahi Ibnu Mubaarak wuu Naxay Naftiisa
ayuu Canaantay, Lacagtiina wuu Siiyay.
Sanadkaa Xajkii muusan Tegin Gurigiisa ayuu iska Fariistay
ilaa ay Dadkii ka soo noqdeen Xajkii ka dib Deriskiisii ayuu
Salaamay, wuxuuna ku yiri:- Alle Xajka ha Idinka Aqbalo,
iyaguna waxay ku yiraahdeen:- Adna ilaahay Xajkaaga
Hakaa Aqbalo waa taanu Xajka kugu Aragnee.
C/laahi Ibnu Mubaarak wuu Yaabay Dhowr Qofna sidaas
ayey ku yiraahdeen. Gurigiisii ayuu Tagay Habeenkii Siduu u
Fikiraayay ayuu Seexday, Wuxuu ku Riyooday Rasuulka
CSW, oo ku leh:-

Saturday, October 31, 2015

Qiso dhab ah: Waxey dhimatay ayadoo dhoola cadeyneysa.

3:42 AM 0
waa qiso ku socoto gabdhaha dhamaantood.

waa qiso dhab ah mudana ina ku cibro qadano wa gabar adoo kale ah
cimrigeeda wuxuu ahaa gabadhaas 20 sano labaatan jir bey aheyd
waxey dhigan jirtay dugisa dhaxe Iyo kuliyad waxeyna ku tukan
jirtay saladaheeda iskuulka dhxdiisawaxey asxaabteeda kula dhaqmi
jirtay dhaqan wanaagsan waxeyna aheyd ardayad wanaagsan
asxaabteeda wey jeclaayeen. side bey u jeclaan weynaayaan
gabadhaas oo kale oo ah mid barakeesan oo quranaka xambaarsan
side bey u jeclaan weynayaan gabadhaas oo kale ayadoo
hadalkeeda oo idil qalbiga dhaqaajinaayo nafyaashana hurinaayo
waxey jecleyd gabadhaasi kheerka hamigeeda iyo fikirkeeda
wuxuu aha sidey saaxibyaasheed kheerka ugu yeeri laheyd
Hamigeeda waxuu gaaray gabadhaas iney ka mid noqoto gabdhaha
Jannada firdoosa dag. Hamigeyda wuxuu kaloo ahaa sidii ay diinta
ufaafin laheyd una gaarsiin laheyd asxaabteeda sidee bey ku toobad-
keeni karan asxaabteyda wey wacdisaa oo u digtaa.
gabadhaasi hadii ay soomantahay iyo hadii kale afkeeda kama
daali jirin ku cel-celinta aqrinta quraanka gabadha hooyadeed
waxey aheyd mid dhahda waa la yaab oo cajiib gabadheyda
wallahi wax badan bey iga ooyisay gabahdeyda xilliyada aan gurgiga
ku sugneen waxey aheyd gabadheyda mid xitaa qadada diida
markii aan weydiiyayna waxey oran jirtay ayadoo ilmeeneesa

Qiso aad u xanuun badan.Gabar ayaa waxay Xaramka ku dhex aragtay maamo weyn oo ooyeeysa gacmahana kor u taageysaa oo

3:13 AM 0
Qiso aad U Xanuun Badan.

Gabar ayaa waxay Xaramka ku dhex aragtay maamo weyn
oo ooyeeysa gacmahana kor u taageysaa oo aan ilmada kala
joojineyn
Gabadhii way u timid maamadii oo waydiisay maxaa ku
helay maamo oo sidaan ugu ooyeeysa waxayna ugu
jawaabtay sidaan
Maamo: Waxaan ahaa gabar waxa is guursanay nin kadib
waxaan wada nooleyn mudo 8sano ah waxna maan u dhalin
mudadaas.
Kadib wuxuu guursadey gabar kalle oo alle uu kasiiyay wiil.
Waxaan aha inta kadib mid aad u qalbi jaban oo u
murugeysan.
Labo sano kadib ayaa maalin waxaa dhacday in ninkaygii
iyo xaaskiisi labaad ay safar u baxeen waxaan la iiga tagay
wiilkii yaraa ee ay dhaleen, markii ay sii baxayeen ayaa
waxaan go,aansadey inaan wiilka dilo oo gowraco lkn
intaanan taa ku dhaqaaqin ayaa waxaa ii soo dhacay tilifoon
kaas oo la iigu sheegay ninkaygii iyo xaaskiisi kaleba in shil
gaari ay ku geeriyoodeen.

kadib waxaan ku fikiray in wiilka yaraa aan

Sunday, March 29, 2015

Aabe Maxay Dumarka u Ilmeeyaan!..

9:28 PM 0
Wiil ayaa Waxa uu Waydiiyay Hooyadii " Hooyo Maxaad la Ilmaysaa? Waxay ugu Jawaabtay Hooyo Waxaan ahay Dumar!..Wiilkii Yaraa ayaa Waxa uu Ku yiri Hooyadiis Hooyo Ma aanan Fahmin!..Laabta ayay Ku Qabatay Waxayna Ku Tiri "Hooyo Waligaa Ma Fahmi Kartid!..
Intaas Kuma uusan Joogsan Wiilkii Waxa uu u Tagay Aabihiis Waxa uuna Ku yiri Aabe " Hooyaday Maxay Sabab la'aan u Ilmaysaa? Aabihii ayaa Waxa uu ugu Jawaabay " Dhamaan Dumarka oo Dhan Waxay u Ilmeeyaan Sabab la'aan!..Wiilkii Waa uu Waynaaday Walina Waxaa Ku Taagan Su'aashii ahayd Hooyaday Maxay u Ilmaysaa!..
Ugu Dambayntii Waxa uu u Tagay Nin Xakiim ah ( Nin Caqli Badan) Waxa uu Ku Yiri Waxaan Ku Waydiinayaa Dumarka Maxay u Ilmeeyaan? Waxa uu ugu Jawaabay:
Dumarka

Qiso Yar oo cajib ah.

9:23 PM 0
Qiso Yar oo cajib ah.
Imaam Maalik Binu Anas RC, ayaa Wuxuu ku Riyooday Malakul Mowt oo Kor taagan, ka dib Wuxuu Weydiiyey: Waqtigeyga Meeqa ayaa ka Karay, Malakul Mowtki Shanta Farood ayuu u Ishaaray. ka dib Imaam Maalik Binu Anas Hurdadi markuu ka Toosay wuxuu ula tagey Riyadii inuu u Fasiro Riyo Fasirkii weynaa ee Maxamed Binu Siirin RC, wuxuuna ugu Fasiray Shantii Farood ee Malkul Mowtku Riyada Dhaxdeeda u Ishaaray inay tahay Shanta Qaybka ee ilahay uun Ogyahay مفاتيح الغيب, Cid kalena aan Ogaan Karin, wuxuuna ugu Fasiray Riyadii Aayadaan Quraanka ah:-
إِنَّ اللَّـهَ عِندَهُ عِلْمُ السَّاعَةِ وَيُنَزِّلُ الْغَيْثَ وَيَعْلَمُ مَا فِي الْأَرْحَامِ ۖ وَمَا تَدْرِي نَفْسٌ مَّاذَا تَكْسِبُ غَدًا ۖ وَمَا تَدْرِي نَفْسٌ بِأَيِّ أَرْضٍ تَمُوتُ ۚ إِنَّ اللَّـهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ ﴿سورة لقمان 34
oo Micnaheedu yahay:- Eebbe Agtiisa ayuu yahay Ogaanshaaha Sacadda Qiyaame iyo Roob Di'iddu, wuxuuna Ogyahay waxa Makaanka (Ilmo galeenka) ku sugan, Nafna ma Oga waxey Mudan doonto Berri, Nafna ma Oga Dhulka ay ku Dhiman doonto, Eebbe ayaa Og, kuna Xeel dheer.
Wabillaahi Towfiiq.
(ILAHOOW NAXRIISTAADA NA SII, YAA RABBI).

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:

WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

Qiso Qalbiga taabaneyso: Maxaan Ilmo u dhali la,nahay?

9:15 PM 0
Mudo lix sano ah ayaa ka soo wareegatay markey is guursadeen Axmed iyo Maryam, wax caruur ah iskuma aysan dhalin, habeen habeenada kamid ah ayagoo is ag jiifa ayey sheekeysteen, waxay is weydiiyeen ayagoo cod hoose ku hadlaya sababta ay ilmu u heli la’yihiin, sheekadii ayaa ka dheer dheeratay waxayna isku badashay buuq, ugu dambeyn waxaa lagu heshiiyey inay dhaqtar barri u tagaan si ay u ogaadeen dhibka dhanka uu kajiro.
Ayagoo qofna u sheegin ayey subixii dhaqtarkii aadeen, baaritaankii kadib Axmed ayaa wuxuu u soo galay dhaqtarkii si uu natiijada baaritaanka ugu sheego, dhatarkii wuxuu Axmed tusay natiijadii baaritaanka; taas oo aheyd inuu Axmed

Saturday, January 24, 2015

QISO DIINI AH~OO CAJIIB AH.

11:04 AM 0
QISO DIINI AH~

Akhri oo ku cibro qaado walaalkeyga / walaasheyda muslimka ahow.

Qisadaan waa qiso diini ah oo kudhacday wiil muslim ah oo kalunsanaa jidka rabigiis kadibna Alle ( S.W.T ) kusoo hanuuniyey riyo cajiib ah. Wiilkaan wuxuu lanoolaa qaar kamid ah qaraabadiisa wuxuu ahaa mid kasii jeeday waxyaabaha uu Allaah amray. Kuna siijeeday waxyaabaha uu Allah naga reebay. Habeen habeenada kamid ah ayaa Allaah S.W.T khayr ladoonay, waxa uu hurdadiisa ku arkay isagoo mugdi kudhex sugan, hadana uu usoolaabtay hanuun. Qisadaan waxaa kasheekeeyay wiilka ay qabsatay wuxuuna leeyahay sidaan.


Habeen habeenada kamid ah ayaa waxaan tagay furaashkaya/joodariga sida caadada ii aheyd si aan useexdo, markii aan tegey meeshii aan seexan lahaa ayaa waxaan dareemay wax bini aadam u raad eg oo misna

Sunday, January 4, 2015

SHEIKH MOHAMED IDIRIS ILA TALI: DOCTOR IYO GUURKA?

12:21 PM 0
Asc shiikh, waan kusalaamayaa sh.waxaan u baahanahay inaad ilatalisid ..shiikh waxaan ahay ardey waxbarta waxaan dhigtaa labo jaamacadood mid kamida waan dhameeyay oo waa كلية الشريعة والدراسات الاسلاميه kuliyada kalena waa faculty of medicine waana 6yrs hada waxaa ii dhamaadey 3yrs waxaaana ii harey 3yrs shiikh wali ma shaqa bilaabin waayo facultyga medicine is very difficult barashadiisa sidaas ayaan shaqo u bilaabi waayay shiikh waxaan aad uga cabsanayaa inuu shaydaanku igu rido sino, dhibka igu badan ee ihaysata waa shahwada.

Shiikh lkn reerkayagu waa reer ladan alxmd oo wax walba haysta hooyo wey igu dhiirigalisaa inaan guursado waliba aad ayay iila jeceshahay inay aragto anigoo caruur iyo reer wanagsan leh, shiikh hooyo waxey jeceshahy inaan guursado gabadh aan ilma abti nahay oo aad u wanaagsan qurux ahaan iyo akhlaaq ahaan, lkn shiikh aniga gabadh hore ayaan xidhiidh la lahaa mudo dhawr sano ah, oo aad qalbigeyga jaceyl iigu beertey, lkn shiikh waan istikhaareystey ilaahay qalbigeyga wuu ka saaray, gabadhaan jeclaa oo gabadha ay hooyo ila rabto ayuu qalbigeyga galiyay.

Shiikh maxaan gabdhii hore ku sameeyaa taasi waa mid, teeda kale shiikh markaan is dhaho guurso waxa qalbadeyda gasha wal wal iyo in aanan waxbarashadi aan wadikareyn, maadaama ay culeys noqoto shiikh sheydaanka ayaa meelo badan wax iga tusa oo albaaba badan iiga dhigayay wax adag, shiikh maxaan sameeyaa oo aan hawshaa ka sameeya....shiikh aad ayad umahadsantahay ...ilaahayay haku barakeeyo...
/>======================================================================

JAWAABTA SHEIKH MOHAMED IDIRIS XAFIDAHULAAH.

========================================================================

Wcsww, Diktoorka Mustaqbalka iyo Sheekha waxaan leeyahay Ilaahay Adigana ha ku barakeeyo, cilmigaagana diinta iyo dadkaagaba Allaha ku anfoco.

Saaxiib Waxaa la yiraahdaa
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA