SUPPORT WEBSITE

Showing posts with label SH MOHAMED IDIRIS ILA TALI. Show all posts
Showing posts with label SH MOHAMED IDIRIS ILA TALI. Show all posts

Thursday, December 1, 2016

SH MOHAMED IDIRIS ILA TALI: FURNIINKA MA DAMBI BAAN KU LEEYAHAY????

3:31 PM 1
Sheeekh waxaa dhacday in hooyaday iyo aabahay kala tagaan aniga oo markaas dhashay, kadib hooyaday waxay go'aan ku gaadhay inay aniga i tuurto, mudo saddex bilood ah waxaa i hayey adeerkay, kadibna waxaa la ii geeyey ayeyday aabo oo mudo 10 sano ah i soo korinaysay.
Aabo mar kasta wuu i soo booqan jirey, inta badana caruurtiisa kale iyo reerkiisa ayuu joogi jirey, laakiin hooyoday 10kaa sano maanan arkin.
Waxaa dhacday 11 sano anoo jira iney hooyo ii timaado igana soo kaxayso ayeeyo, iyadoo arintaas ayeeyo aad uga xumaatay. Markaan hooyo soo raacay, oo gurida imi hooyo caruur kale ayey haysatey.


Hooyo waanu is fahmi weyney, iyaduna mar kasta wexey igu dhihi jirtey garacad ayaad tahay, kuma dhalin! maalin kasta murugo ayaan la ooyn jirey, waase adduun socda e mudo 7 sano ah ayaan hooyo sidii kula noolaa.
Wax kastaba halla soo maro, gabari haddey soo korto waa tii guur laga damco! waxaa dhacday in wiil uu reerkii iga soo doono.
Qofku hadduu duruufa badan soo maro waaya arag ayuu noqdaa. Intuuna isoo doonanin ayaan waxaan kula taliyey inuu caruurta aan walaalaha nahay aabohood iyo hooyo marka hore lasoo xidhiidho maadaama aan iyaga la noolahay, kadibna uu aabahay la xidhiidho.
Sidaasoo ay tahay arintii khilaaf badan ayey ka keeneen iyagoon hadana waxa ay tabanayaan sheeganaynin, mudo 2 bilood ah ayey arintii sidii ahayd, waxna lama dhaqaajin, dabadeedna aabo ayaa arrinkii maqlay, aabona hooyo ayuu la soo xidhiidhay si ay arintan uga wada hadlaan, hooyona waxey aabo ku tidhi waxaad ku taliso waxba kama qabo.
Hadana aabo mar 2aad wuxuu la hadlay adeer waxayna ku heshiiyeen inay arintii sidaas ku dhamaato kadib aabo arintii guurkayga ayuu guda galay sidaa ayaana meherkii ku dhacay.
Ka dib hooyo way is bedeshey, arintii guurkana wey ka xanaaqdey, waxayna igu tidhi guurkaaga waxaa ii dhaantey adigoo habeenba meel nin kula soo hoyda.!!


Ninka i guursadey iyo anigu laba waddan ayaanu kala joogney, hooyo bil ka dib wexey bilawday iney guriga iga erido oo tidhaahdo guriga aaabahaa ma leh, adiguna iskama lihid, ninkaaguna iskama laha, nin bini aadan ayaa iska lehe hada ii dhaaf..
kadib waan ka tegey gurigii anoon magaalada cidna kagaranaynin, maalmo ka dibna waxaan u dhoofay wadankii uu ninkaygu joogey, waxaanan kasoo laabtay anigoo uur leh, hooyo ayaan isku dayey inaan masloxo oo xumaanta ay qabto wanaag ugu badalo laakiin hooyo waxay igu tidhi gaal iyo islam ayeynu kala nahaye ha i sheeganin kuma dhalin aniguye.
Dad badan ayaa isku dayey inay hooyo iga maslaxaan laakiin waa la kari waayey, mudo kadibna waxaan dhalay ilmahaygii ugu horeeyey waxaana ku dhalay meel dhakhaatiirta mooyiye cid iyo ciirsi kale aanan ku haysanin iyadoo hooyaday guriga igu xiga degantahay, ninkaygiina iima iman karin waayo wadan kale ayuu joogaa.
kadib hooyo waxaan u tegey aniga oo umul ah, labada cagood intaan qabsaday ayaan weydiistey iney i cafiso, laakiin way i diidey, kaaga darane ilmihii aan umusha ku ahaa inta dhabteeda loo saaray ayey dhulka igaga tuurtay, maalinkaas ayaana hooyaday isugu kaaya danbaysey, mudo 2 sano ahna waanu kala maqanahay, waana ka rajo dhigay, waxaan sameeyona ma aqaan.
Waxaan u baahnaa 1: inaad ila taliso, ta 2, qisadan igu dhacday hadaan danbigeeda leeyahay iga qabato sheekhow khayr allah kusiiyee.
JAWAABTA SH MOHAMED IDIRIS XAFIDAHULAAH.
=======================================


Gabadhaas Waxaan leeyahay:
Adeer Ilaahay khayr ha ku siiyo, ummuurtaadana Allaha fududeeyo, Hooyana Allaha Cafiyo oo Jannadiisa geeyo,
Midda koowaad adeer adigu dembi kuma lihid furriinka ay hooyo iyo aabe ku kala tageen markii aad adduunkaba ku indha dillaacsatay..shaki kama jiro in furriinkaasu, sabab kasta ha lahaadee, adiga dhib kuu geystey, waana sida badanaaba dhacda markey aabaha iyo hooyadu kala tagaan, ilmuhu iney ku dhex dayacmaan. Adigase waxaa xoogaa kuu raacay xanaaqa xanuunka leh oo hooyo ka muuqanaya, oo aanan garan meesha uu salka ku hayo, ma aabahaa oo ay si xun ku kala tageen baa? Ma guurkaaga oo aan sooryadey mudnayd laga siin baa? ma sabab kaloo aan noo muuqan baa!
Yeelkadeede, si kasta oo hooyadu u xanaaqsantahay xaqeedu ma lumo mana guuro, wexeyna mudantahay in loo duceeyo, oo loo baarri falo, si kastoo ay kaaga cararto adigu ha ka cararin, wexey kugu samaysana ha ka fal celin waayo iskuma dhererin karto, lamana ficiltami karto, mar walba iyadaa kaa saxan, wexey kaaga saxantahay inaadan canaanan, ama goyn, ama guul guulin, ee markey gaf gashana lagu raacin laakiin lagu xumayn.


Hooyada qalbigeedu marna xumaan ma dhalo, laakiin waa dhici kartaa iney wax is moodsiiso, ama waa biniaadame wax ku gafto, laakiin haddii la sasabo, loo baarri falo, aan laga tegin, wexey u dhowdahay in raallinimadeeda lasoo ceshado..
Sidaa Awgeed Adeer adigu duruufta dalaaqa iyo kala tagga iyo wixii ka dhashay dembi kuma lihid, waxaanan kugu la talinayaa inaad hooyo xiriiriso, booqato, u ixsaan fasho, waxaad awooddo siiso, wax kasta oo ay kugu samayso aanad ka tegin, sheekaduna wexey cibra qaadasho u tahay, labada caruurta wada dhalay oo furriinka ku deg dega, ama dalbada, amase cawaaqibta ka dhalata aan aad uga fekerin, iyo waalidku isagoo xaq leh inuu caruurtiisa u dhimriyo, wabillaahi tawfiiq.

Thursday, November 10, 2016

Talooyin ama waanooyin ku socota Raga: Waxuu yidhi, habeen iyada oo xaaskayga......

11:02 PM 0
Wuxuu Yidhi habeen iyada oo xaaskaygu hurudo ayaan jaleecay xageeda waxaan ka fekeray qaabka nolosheeda iyadoo huruda ! 

Waxaan idhi miskiinadani markay ku soo noolaatay gurigii labadeeda waalid muddo dheer ay ehelkeedu ku noolaayeen ayey ka timi si ay ula noolaato nin aanay hore u aqoon , waxayna iskaga timi gurigii labadeeda waalid ee lagu koolkoolin jiray, gurigii ay iyadu amiiradda ka ahayd , waxayna u soo wareegtay guri iyada la amrayo ayna fulinayso wixii sharcigu amrayey , ninkeeda u hogaansan tahay, ilaahayna ku raali galinayso daacadda ninkeeda,

Wuxuu yidhi waxaan naftayda weydiiyey: Sidee ayey u dhayal sadaan ragga qaarkii in ay xaaskooda u gacan qaadaan oo dhaawacyo xun xun ugu gaystaan, markay go'aansatay in ay gurigoodii ka timaado si ay ula noolaato, sidee u dhayal sadaan ragga qaarkii in ay muddo dheer ka maqnaadaan gurigooda iyagoo saxiibadood wakhti badan la qaadanaya intay caruurtooda iyo xaaskooda la joogaana ay yar tahay, sidee ragga qaarkii u dhayal sadaan in ay xaaskooda xabsi guri ugu jirto oo aanay marmarka qaarkood u saarin bannaanka oo aanay wakhti wanaagsan u wada qaadan.

Waxaan kaloo is waydiiyey sidee ragga qaarkii ay u dhayal sadaan in ay seexato xaaskiisu iyada oo laabteeda ay ka buuxdo ciil iyo murugo ay u qabto ninkeeda dhibaatada uu u gaysto awgeed ay iyaduna ka fekerayso siday uga aargoosan lahyd, sidee ragga qaarkii u dhayal sadaan in ay xaaskooda iyo ubadkooda intay ka safraan oo muddo dheer ka maqnaadaan iyaga oo aan dan ka lahayn mustaqbalkooda iyo waxay ku sugan yihiin oo aan dib u soo jaleecin xidhiidhna ula soo samayn, sidee ragga qaarkii uga xuubsiibtaan mas'uuliyadii saarnayd ee la weydiinayo maalinta su'aasha, sida uu inoo sheegay nabigeenu NNKH.

Ragga iyo dibin daabyadooda iyo Shirqoolkooda wuxuu Shiikhu ka yidhi arrin cajiib ah oo dadka in yari ay dareento ama fahan san tahayba, wuxuu yidhi, ma ogtahay in lagu celceliyo {إن كيدكن عظيم} wali mays weydiisay sababta shirqoolka haweenka ,maxay haweenaydii boqorka iyo saaxiibadaheed u shirqooleen Nabi Yuusuf cs? , saw ma ahayn jacayl , qurux , dabeecad wanaagsanaan, iyo xishood, miyaanay ahayn haween caashaq dardaray???.

Taas macnaheedu dumarka shirqoolkoodu waa siday nin ay jeclaadeen u hanan lahaayeen.

Hasa yeeshee maxay ahayd sababtay Nabi Yuusuf walaaladii oo rag ahi u Shirqooleen?. {يا بني لا تقصص رؤياك على إخوتك فَــيَكيدوا لك كيدا }, mase ogtahay in shirqoolka ragga laga hor xusay shirqoolka haweenka , mase ogtahay shirqoolka raggu in aanu ahayn mid caashaq ee uu ahaa mid qudh gooyo, xaasidnnimo iyo dulmi.

Mase ogtahay shirqoolka haweenka in uu sheegay Boqorkii qabay haweenaydii wax jeclaatay, lkn shirqoolka ragga in uu sheegay Nabi Yacquub cs, taasina ay kuu tilmaamayso shirqoolka raggu khatarta uu lee yahay.

Ugudambayn waxaan kula talinaya Ragga inay Dumarka Si dabacsan ula Noolaadan lagu dhaqo wanaag iyo koolkoolin Madama ay Xaq wayn inagu leeyihiN.

Tuesday, October 25, 2016

SH MOHAMED IDIRIS ILA TALI: MAALINTI HADII AAN MURUGEYSNEEN HABEENKI AYAAN MURUGO LA SEEXDAA.

9:21 AM 0
Shekhow kheyr Alaha ku siyo. Waxan ahay wiil dhalin yar o 21sano jir ah wagi an yara waxan aha ilma yar o dhib badan quran ka akhrintisana an lagu kari jirin, xoga maadigana wan ku ficnan jiray. 

Malin ayan macalin kaygi la murmay isago igaracaya ana waxan dhahayey naga dayso ushada odayahow lakin wax gacana ama cey ah uma gaysan marki u ushi igala qustay ardaydina u sidayey ayu igula dardar may in waxa u igu dilayo u yahay quranka faa'idane ay ugu jidho aniga wuxu igula dardar may kalmad ana ilawin o ah in hadi an quranka ka car cararo o aan inta an yarahay ka fa idaysan aan maalin maal maha ka mid ah ka shalayi doono.

malinti wixi ka dan beyey quranki wan ka baxay hadalki macalin kaygina dhag jalaq uma siin, malinti wixi ka danbeyey waxa i helay fahmad xumo, xita maadigi an dhiganayey wan si wadan kari wayey, wana ka baxay, shalaygi iyo qamumyadi ayaan hada daremay.

waxan ad ujeclahay quranka waxan ad ujeclahy kutubta blse fahmad yari aya i heshay waxana igu dhacday niyad jab iyo murugo hadi anan malinti murugaysnen habenki ayan murugo mel lasexda, dhalin yaradi lodkayga ahed dugsi sare way dhameyen quran kane dhowr jer ayay nakhtimeen, aniga se murug ti adunka ugu xumed ayan mel kula dhacay xita mar mar waxan gaara inan naftayda wax yelo ugesto blse waxa i hortimada cadabka Alle iyo cabsida akhriro markastana muslinimada aya iceliso marki an damco inan naftayda wax ugesto.

hada waxan jeclahay inan noqdo xafidul quran iyo inan noqdo nin diinta aqon uleh markastana niyad jab aya i hortagan shekhow waligay arimahayga cid kalama tashan adiga mahane waxana donaya inad ila taliso ina duceyso..
JAWAABTA SH MOHAMED IDIRIS XAFIDAHULAAH

==========================

Adeer Waad ku mahadsantahay inaad ila wadaagtey arrinka ku haysta, Ducadana waan kuu hormarinayaa: Ilaahay Fahmadda hakuu siyaadsho, Qur'aankana hakuu fududeeyo, Xaafidul Qur'aan Allaha kaa dhigo, cilmi iyo camal wanaagsan allaha ku siiyo, aamiin..

Intaa Ka dib, Adeer nin fahmad wanaagsan inaad tahay qoraalkaaga ayaanba ka dareemay, waxa ku haysta waa xoogaa markii aad kuftay ayaad u malaysay inaadan kici karin, taasina dhab maaha..

Waxaad ogaaneysaa Cadawgeenna ugu weyn Adeer waa wel welka aan dhabta ahayn ee sheeydaanku innagu beero si uu innoo murug geliyo, waxaana daawa u ah inaan ilaahay u cararno oo difaaciisa galno واما ينزغنك من الشيطان نزغ فاستعذ بالله انه هو السميع العليم intaasaana ku filan waayo sheydaanku waa daciif ان كيد الشيطان كان ضعيفا .

laakiin haddaan u jabno, oo u fariisanno wuu innagu fariisanayaa.. Xoogga ugu weyn adeer oo aan haysanno waa niyadda iyo go'aanka, iminkadan niyadda geli inaad page cusub bilaabeyso, hana biqin inaad kufto, waxaad u diyaarsataa oo naftaada ugu sheekaysaa hadaan xitaa fashilmo mar kale ilaa boqol goor ka badan ayaan diyaar u ahay inaan ku noqdo ilaa aan ka sal gaaro, waana hubanti inaad target ka gaareyso ama ka badineyso..

Nolosho Adeer waa tartan فاستبقوا الخيرات cidina kaama mudna inaad kuwa ugu horreeya noqoto, waxaa kaa xiga oo keliya laba rakco inaad tukato, gacmahana kor u taagto: Ilaahow Kitaabkaaga iyo Kalaamkaaga ii fudaydi inaan laabtayda ku weeleeyo! horana u dhaqaaq.. barnaamij dejiso.. maalinkii saacad ka mid ah, subax ama galab: 5 aayadood ama 10 ama 1 page xifdi, ku cel celi, dugsi isku qor, macalin kaa dhegeysta la fariiso, salaaddana ku tuko wixii aad xafiday, 6 bilood ka dib hadii aad nooshahay waxaad arki is bedel weyn..

Miyaad ka tabar yartahay, ama ka fahmad liidataa, oday cajami ah oo aan arkay isagoo 70 jir ah qur'aanka inuu bilaabo oo xifdiyo raba, galab kastana macalinka u iman jirey.. Miyuu kaaga culusyahay wiilka maraykanka ah oo weligiis aan qur'aan iyo carabi arag, oo Qur'aanka maalin walba u fariistay saacad ilaa uu ka xifdiyey! miyaad ka tabar yartahay Habarta 65 jirtey oo bilawday dugsiga iney qur'aanka xifdiso, 8 sano ka dibna Qur'aanka dhamaysay!!

Qofku wuxuu qof ku yahay waa niyadda iyo Go'aanka, Ilaahay kaalmayso, murugtana daawadeedu waa dikriga ilaahay oo qalbigu ku dego, ee tasbiixda iyo istiqfaarta badso, waxaad arki adigoo mar kale dhashay, inshallaahu..

Ugu dambayn qisadaada wexey mar kale waano u tahay arday kasta in macalinka waanadiisa fiican la qaato, macalinku waa waalid, waa midka aqoonta innagoo yar yar innagu shuba, aan qaddarino hadalkiisa iyo dardaarankiisa..

Ilaahay Adeer adiga iyo dhalinta kaleba khayrka iyo fahmadda ha u furo.. Ha quusan, hana wel welin, Muslim ayaad tahay, oo sharaf kuugu filan!

Monday, October 24, 2016

SH MOHAMED IDIRIS ILA TALI: NINKEYGA SALAAD MA TUKADO MANA RABO IN ISKA FURO WAYO WAA JECLAHAY.

12:58 PM 0
asc sheikh aduun iyo aakhiro Allah haku barakeeyo xasanaad aan lasoo kobikarin allah ku siiyo, waxaan ahay gabar guri leh, Pagekaaga ku xiran wax badan ka faa'iidaysata, wiilka aan is guursaney ayaa yurub i keenay, muddo sannad ka yar ayaan hadda joogaa, sheikh zawjkeega dhan kasto wuu ku fiicanyahay, qarabo xariirinta iyo qarabo takuleenta aad buu ugu fiican yahey aniga iima xuma laakin tan murugada iyo dhibatada igu heysato ayaa ah salaada Ilahey ma dukado walow 1 waqti xitaa markasto waxaan iraaahda duko ok uun buu iyaraahdaa aniga Allan ubarye salaatuleel inta soo koco Alla u tuuga markasto hadane waxaa iheeysto wal wal iyo xasiloooni la aan marka qaar waa iska ooya walhi waxaa dareema in aan dabi galayo ama anigii aan qeeb kaga jiro danbigiisi waxaan is dhaha armaad tahay tii jidka Allle kusoo ridi laheed ,sheikh marabo in aan furiin ka dalbado waan jeclahay ninkeyga laakin culees baa i heysto mana hurdo mana dagani farxad ma heeysto oo Ale ila ogyahe guriga baraka la'aan ayann ka dareemaa, caruurna isuma dhalin, sheikh ila tali iina soo duecey ilahey danbiga ha dhaafo.
_________________________________________
JAWAABTA SH MOHAMED IDIRIS XAFIDAHULAAH
Gabadhaas waxaan Leeyahay: Walaal ilaahay hakuu gargaaro, Zawjkaagana Allaha soo hanuuniyo, Waa arrin dhib badan marka qof aad jeceshahay aad aragto inuu xarigga ilaahay qabsan waayo, adiguna hanuunka qalbigiisa ma gelin kartid, Horay ayaa Eebe noogu sheegay aayadda macneheedu yahay (Cid aad jeceshahay ma hanuunin kartid, laakiin Ilaahay ayaa ciduu doono hanuunsha)..

Salaaddu waa laf dhabarta diinta, qofkaan salaad lahaynna diin ma leh, haduu sidaa ku dhintana xaalkiisu halis weyn ayuu ku jiraa, sida aayadaha iyo axaadiistu sheegayaan, Salaadu waa xiriirka Ilaahay kaala dhexeeya, qofka ka tagaana waa qof Xiriirkii Ilaahay gooyey, Qof xiriirkii Ilaahay gooyeyna waxba kuma noola..

Marka u horreysa Ilaahay ayaan kuu baryeynaa inuu soo hanuunsho, oo uu salaadda tukado, salaaddu waa calaamadda lagu kala saaro gaal iyo muslim qofkii ka tagaana waa gooloobey sida xadiisku sheegay.. laakiin gaalnimadaas ayaa culimadu laba tafsiir geliyeen: 1) Gaalnimadii weynayd ee islaamka looga baxayey iney tahay 2) Iney gaalnima yar tahay oo dembi weyn oo kabaa'iru dunuub ah.. 
Labada midkey noqotaba xukunkiisa islaamka waa in la maxkamadeeyo tuko la yiraahdo, haduu tukanwaayana xadkiisu waa dil maxkamadda islaamka.. Ma gaalnimuu markaa ku dhintay mise Islaam? waa Laysku hayaa..
Haddii lagu qaado tafsiirka hore macnaha gaal inuu yahay, waxaa ka ratibmaya inaanu gabar muslima qabi karin, oo si automatic ahba ay uga furantahay aaneyna isu dhiibi karin, isagana la dhaxli karin isna wax dhaxli karin, haduu dhintana aan lagu tukan, lana kafnin, lana aasin, qubuurta muslimiintana aan lagu aasin.. Sidaas saxaabadii qaar ka mid ah, iyo muxadisiinta iyo Imaam Axmed iyo Culima badan, casrigaanna sh. Bin Baz iyo Ibnu Cutheymiin sidaas ayey qabaan..
Sida Kale inaanu gaalkii weynaa ahayn, laakiin dembi weyn la yimi maxkamada islaam hadey jirtana la xabbiso haduu tukan waayana la dilo, Culimada kale ayaa qabta..aakhirana arrinkiisu ilaahay u yaal haduu tawxiid lahaa, inuu cadaabo iyo inuu u dembi dhaafo..
Mas'alada salaaddu horta waa sidaas oo lama fududaysan karo..

isla mar ahaantaas waxaan kugula talinayaa inaad adiga iyo dadka kaleba u naseexaysaan, kulana dadaashaan inuu tukado, una sabirtid intii karaankaaga ah lacalla inuu ilaahay gacantaada kusoo hanuunsho, hadiise naftu kugu dhibto, isna tukan waayo, markaas aad isaga tagto, si aan diintaadu ugu biloobin, gaar ahaan haddaan caruuri jirin, arrintu wey ka fududahay, sabirkaasna waa lacalla inuu ilaahay soo hanuunsho, laakiin xaq ayaad u leedahay haddaba inaad ka tagto qof Ilaahay u sujuudi waayey..

Ilaahay arrinkaaga ha sahlo, Tawfiiqdana haku waafajiyo, wiilkanna allaha soo hanuunsho, aamiin.

Sunday, October 23, 2016

SH MOHAMED IDIRIS ILA TALI: WAXUU IGU YIRI GABAR KALE HADII AAD DHASHO WAA KU FURAYAA.

1:35 PM 0
Sheekh Salaan Ka dib, waxaan jeclaystay qisa yar oo igu dhacday inaan kula wadaago, su’aalna ku weydiiyo si aad tala iiga siisid..

Waxaan ahaa gabar da’ yar, Afrika ayaan joogay reerkeenna ayaan la noolaa, hammiga gabar walba oo gashaanti noqota ku jira iney guri iyo reer iyo caruur yeelato waa igu jirey, si fiicanna waa la ii barbaariyey.. Laakiin wax sheeka ah oo aan qof la yeeshay oo xagga guurka ah ma jirin..

Wax arrinku sidaas ahaado, aniguna aan riyooyinka gabdhuhu dhistaan sida uu mustaqbalka quruxda badan noqon doono ku jira, waxaa reerkayaga iga soo doonay nin oday ah oo aad iiga da’ weyn.. wax dariiqayga soo tusay mooyaane, calaf iyo qadar ilaahay baa meesha ka socotey.. Reerkii ayaa igu daray.. nin aan horay u aqaaney ama dabeecadihiisa dhuuxay ma ahayn.. Laakiin maadaama reerku igu dareen waan qaatay.. Ninku Yurub ayuu ka yimi.. shilimaadkiisana waa wataa..

Aroos ayaa la iigu dalaq siiyey.. Ayaamaha hore orod bay nagu mareen.. durba uur ayaan yeeshay.. Gabar ayaan dhalay Ilaahay fadligiisa nagu siiyey..Odaygii Dabcigiisa waa is bedeley.. wuuna dhoofaa, waana yimaadaa..Wuxuu igu yiri: Gabar Kale Hadaad Dhasho Waan Ku Furayaa!! Subxaanallaahiyi Ma Anigaa gabar iyo wiil gacanta ku haya!! Kan Khayrka lehse Ilaahay uun baa oge, miyuu isagu ogyahay!! yaabay oo ashqaraaray!! Walaalow dad ayaan mid naba haysane Maad Ilaahay ku mahadisid.. iyo Naagyahay warkaaga ma rabee, waan kuu sheegay..hadaladaas iyo kuwa la mid ah ayuu mar walba igu soo cel celiyaa..

Maqaadiirta Ilaahay Waxaan dhalay gabadhii Labaad.. Markuu maqlay ayuu biilkii naga goostay! reerkayga ayaa maqlay, waa nala kala dhex galay, laakiin calafkii meeshaas ayuu ku dhamaaday..Hooyaday ayaan la degey khayr Allaha siiyee, waxaanan bilaabay inaan shaqeeyo si aan caruurtayda u korsado, Alxamdulilaah xoogaa ayey soo koreen.. Laakiin sheekhow buufis dhoof ayaa i galay..Caruurtii maadaama ay xoogaa roonaadeen hooyo ayaan ku dhaafay waanan soo dhoofay oo weli meel shishe ma gaarin..

Markuu maqlay in aan baxayo ilmihiina ey yar koreen ayuu isoo raadiyey waxuuna igu yiri: isii ilmaheyga! ana waan didey, waxaa kaloo aan u diday in u arko aragtidoda ee sheeqow maku saxsanahay misee waa qalad? Taas weeye Su’aashayda iyo wixii Tala ah inaad i siisid?

JAWAABTA SH MOHAMED IDIRIS XAFIDAHULAAH.
——————————————————————————

Gabadhaas Walaasheena Waxaan iri:

Adeer Ilaahay Tawfiiqda hana waafajiyo Adiga iyo inta gabdhaha dhib soo marana ilaahay dhibka ha ka qaado, gabari wax la xumeeyo maaha, wax mus lagu tuurana maaha, wax mugdi iyo meelaan la garanayn lagu sii daayana ma mudna.. Waa ukun yaroo sida Jawharada luulka loo baahan yahay in meel dhawrsan oo dugaal ah lagu hayo..

Guurka deg degga badanaaba ku dhaca ee ragga iyo dumarka Yurub ama galbeedka ka yimaada, xoogaana guntiga ku sita, dhalinta Afrika joogta ee fursad raadiskaana uga faa’iidaysta marar badan ma daaho, sababtuna waa marka hore oo aanu luga badan ku taagnayn.. Kuwa ilaahay u barakeeyo oo niyadoodu marka horaba wanaagsantahay, rag iyo dumarba, oo calaf doon ah, wixii ilaahay siiyana iimaansada oo guurku masuuliyadda iyo culayska uu leeyahay qaadana wey jiraan..

Yeel kaderde Odaygu wanaag ma samayn haduu biilkii yaraa goostay, inu gabar dhalideeda kugu ceebeeyana waa arrimihihii Jaahilayada ka haray, isaga ayey ahayd inuu isku ceebeeyo illeen isagey ka timi oo amaanadii laguu dhiibtey ayaad adigu weelaysay..Gabdhuhuu shalay ka tegey oo dayacay iyagoo yar yar ah, maanta inuu yiraahdo isii, xaq uma laha, ilmahana hadey gaaraan wax kala sooc waa la kala dooransiiyaa, inta ay yar yihiinna hooyadaa iska leh hayntooda haddaaney guursan, heshiis iyo is af garadna meeshii wanaag yaallo waa mid u bannaan labada waalid waana sida wanaagsan..laakiin midna aragtida in loo diido maaha, adigu waad ka doodi kartaa inaan ilmaha lagaa qaadan, laakiin inuu arko ilmaha ha u diidin, adigana haduu isagu haysto laguuma diidi karo, waxaana wanaagsan sidii maslaxada ilmuhu tahay inaad ku dadaashaan labadiinuba oo aydaan isku canaadin ilmuhuna dhexdiina ku dhiman.. Odagana in La xusuusiyo weeye, dayacaaddii uu sameeyey sanadaha lasoo dhaafay, haduu gudi karo qayb ka mid ahna isagey u fiican tahay..

Taasina waxaa laga yaabaa iney adigana safarta iyo buufiska dhoofka kaa furato, ilmahaagana aad u noqoto oo halkaaga risiqa ilaahay ka raadsato, ilmahaagana berri aaney oran ama dareemin aabena markii horuu na nacay, hooyana markii dambey naga danaysatay, walaal safartaas, weli waxaan filayaa inaadan meel fog gaarin sidaad sheegtaye, waxaan kugu la talin lahaa inaad isakaga noqoto, buufisna Ilaahay nama buufiyee, waa cudur marar badan ku dhamaada qofku inuu meel silic ku dhinto, haduu badbaadana rafaad badan iyo silic iyo dembigii oo u dheer, iyo xanuun maskaxeed oo aanu la shaqaysan karin kama boxo..Khayr ayaan kuu rajaynayaa wabillaahi tawfiiq.
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA