SUPPORT WEBSITE

Showing posts with label QISO XIKMAD BADAN. Show all posts
Showing posts with label QISO XIKMAD BADAN. Show all posts

Friday, January 1, 2021

TAARIKHDA HALYEYGA SOOMALIYEED HADRAAWI BY FAHAD YAASIN.

10:24 PM 1

Taarikhda hadraawi
Nasiib-xumo wali lama’aanan kulmin Hadraawi, waxaanse lakulmay aqoon-tiisii, gabayadadiisii, iyo xikmadihiisii. Waxaan dhawaan helay cajalad maqal iyo muuqaal ah oo uu ku duubay gabaygiisii dheeraa ee Daba-Huwan, intaan xusuusanahay horudhaca gabaygaas, waxaan dhagaystay ilaa 9. jeer, waana hubaa inaanan wali ka bogan, waana sababta igu dhalisay inaan maqaalkan qoro.


Hadraawi waa Abwaan gabay-aqood ah, waa aftahan hadal abuur ah, waa Faylasoof mustaqbalka eeg ah. Intaas uu yahay, waxaa qarineysa inuu Soomaali ka dhashay, waan hubaayo hadduu dad aan Soomaali ahayn ka dhalan-lahaa sida uu maanta yahay ma’ahaadeen, oo maxaa ka maqan?


Falaasifada dalalka kale u dhasha magacooda meel dheer ayuu tagaa, waxaa la gaarsiiyaa iney iyagu yihiin hormuudka nolosha oo dhan.


Soomaalidu waxay taqaan, ama wax u ogoshahay oo kaliya kuwa Siyaasada ku jira, dunida aan maanta ku nool-nahay falaasifada ayaa hagta. Taariikhaha nasoo maray oo dhan yaa hormuud u ahaa? Dhamaantood waa faylasoofyo wadamadaas u dhashay, qaarkood shar ayey soo kordhiyeen, qaarna khayr ayey soo biiriyeen.


Nin-karmeedka Soomaali ka soo dhex-baxa iyaga ayaa nolol dila, halkuu horay usocon-lahaa iyaga ayaa curyaamiya, marka uu noloshooda tala ka siiyo adiga maxaa kaa galay bey dhahaan.


Waxay u qabaan, waxaad cunto oo kaliya hadaadan ka fakarin ee danaha dadka kale marwalba ka hadasho inaad tahay manoolo aan dantiisa aqoon.


Ilam’adeer isma indha buuxiso. Naagi nimay taqaan nin ma mooda. Dantaada harag eeyna waa loogu seexdaa. Naftiis gabo mid kale makal-kaalo. Meel il laga la’yahay hadaad tagto adna ilbaa la’istiraa.


Intaas oo maah-maah ah iyo kuwa kale oonan xusuusan waxay muujinayaan sida dhaqanka Soomaaliga ay ugu jirto ninwalbow dantaada ku’ekow, tan dadka kale waxba kaama galinee.


Hadraawi wuxuu tusaale u yahay halka ay Soomaalidu dhigto ninka ka soo dhexbaxa. Idaajaa ayaa booqday Maraykan-ka, xaflad ay Soomaalidu lahayd oo ay quursiga uga hadlayeen ayuu ka qayb-galayey, nin oday ah buu usheegay inuu halkaas usocdo, wuxuu ku yiri: Kuwaasi hadal unbey hayaanee faraha ka qaad, oo waxaas wakhtiga ha’isaga dhumin.


Awjaamac Cumar Ciise ayaan bari ku soo qaaday sida ay Soomaalida u xushmeyso raggeeda wax ku oolka ah, kolkaasuu qiso iiga sheekeeyey, wuxuu yiri: Qarnigii hore, dhamaadkii afarta-meeyadii ayaan tuulo tagay, gabayadii Daraawiishta nin hayey ayaan doonayey, laba odayoo meel fadhida ayaan ku iri hebel xagee daganyahay? Oo maxaad ka rabtaa ayey dhaheen?


Gabayadii Sayidka inuu hayo baan maqlay marka inaan ka qorto ayaan rabaa, ayuu ugu jawaabay, gurgiisii ayey ii tilmaameen, anoon ka dhaqaaqin ayey iyagii isweydiiyeen, tolow muxuu ku falaya gabayadii Sayidka? Oo maxayse u tarayaan? Kii kale ayaa ujawabay oo yiri: Malaha wuxuu rabaa Makhaayada magaalada inuu shaah kaga cabo.


Hadalkaas adigu dhuux oo ka garo heerka aan ka joogno qiimeyta dadka daneeya taariikhdii umadan.


Waa suurowdaa inaad ku doodo, ninkaasu baadiye ayuu joogay, jaahilna waa’ahaa, ee dadka heerkaas mawada ahan. Awjaamac isla sheekadii isagoo ii wada ayuu yiri, sanadkii 2002 ayaan maalin salaamay nin ganacsade ah oon isnaqaanay, buugaagta aan qoro ayuu iga waraystay, waxaan u sheegay inaan mar dhaw soo saari-rabo buug yar laakiin kharashka ku baxayo uu noqon-karo Afar kun oo Doolar, inta qoslay ayuu yiri: Oo adeerow markaad Afar kun buug xun galinayso maad ku ganacsatid.


Awjaamac wuxuu yiri: Hadalkaasi wuxuu isoo xusiisiyey kii aan lakulmay qarnigii hore.


Awjaamac Cumar Ciise wuxuu maanta mudnaa inuu bilad sharafeed ka helo bulshada Soomaalida illeen isaga ayaa u badbaadiyey qayb mug leh oo kamid ah sooyaalkii dalkan. Taasi ma dhicin, mana muuqato iney soo socoto.


Hadraawi waa uu ka soo guuray Yurub, sababtii uu uga soo guuray isagoo sharxaya wuxuu yiri: WAAN ISWAAYEY. Waa hal jumlo oo yar, laakiin macanaha ay xanbaarsan-tahay buugaag laga qori karo. Isla Hadraawi ayaa fasiray macnaha eraygaas. Markii aan Soomaaliya joogay ee aan laamiga soo istaago dhawr gaari ayaa ku diriri-jirtay sidii ay ii qaadi-lahaayeen, markiise aan Yurub tagay waxaan is arkay Hadraawi oo wado qabow badan taagan, baabuurtuna dhaafayaan, iyagoon aqoonin ninka laamiga taagan dad ninkuu kayahay. Wuxuu ula jeedaa gurgaaga hooyo ayaad sharaf ku leedahay.


Yaanan shacabka Soomaalida oo dhan ku xad-gudbin, oo ixtiraam iyo qadarin wey u hayaan raggooda wax ku oolka ah, waxaanse canaanta u dhigayaa halkii la rabay wali ma’aysan gaarin.


Hadraawi

Horadhaca gabayga Daba-Huwan wuxuu Hadraawi ku sheegay inuu muddo dheer ka fakaray mushkilada umadiisa haysata sidii xal loogu heli-lahaa, wuxuu aad u dhaleeceyey in ragga talada haya loo arko iney iyaga un mushkilada tahay, oo hogaamiye-hebel haduu meesha ka baxo in loo maleeyo iney wax hagaagayaan. Wuxuu qabaa hadaan fikrada wax lagu maamulayo la badalin, hogaan la baday ineysan isbadal keeneyn.


Xalka uu hayo markii uu ka hadlayey wuxuu sheegay in Soomaalida dhaqankeeda, diinteeda, iyo waxa lagu maamulo aysan islahayn, wuxuu qabaa haddii aan Diinta Islaamka loo soo laaban inaan wax horumar ah la gaareynin, xalna laheleynin.


Taladiisu waxay tahay kitaabka quraanka ah in lagu dhaqmo, maxaayeelay buu yiri: Quraanka aduun-yada ayaa loo soo dajiyey ee aakhira kuma saabsana. Waa sharcigii isku xiri-lahaa anaga iyo nolosha, haddiise aan islaam-nimada ku soo koobno salaad iyo sooon, inta kalana aan ka tango, dhibta aan ku jirno laga bixi-maayo.


Hadraawi nolol kala duwan ayuu soo maray, dhacdooyinkii Siyasadeed ee dalka ka dhacay intooda badan saamayn ayuu ku lahaa, hadase waxaa muuqata inuu gaaray xaqiiqadii dhabta ahayd, su’aashuse waxay tahay, dadka Soomaaliyeed ee uu ka dhashay ma ku raacayaan xaqiiqadaas?


Fahad Yaasiin Xaaji Daahir | fahadsom@hotmail.com

SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | Aug 29, 2005

Monday, December 28, 2020

SHEEKO: GARO OO KA FAAIDEYSO AWOODAHA RABBI KU SIIYEY.

1:24 AM 0


Xawaaraha Xayawaanka Deerada ama Coowsha la yiraahdo wuxuu gaarayaa Sagaashan kiilomitir Saacaddiiba (90km/h). Halka Xawaaraha Libaaxuna gaarayo 58-kiilomitir Saacaddiiba (58Km/h)

Sida muuqata Deeradu way ka orod badantahay Libaaxa, haddana mar waliba oo uu eryado si fudud ayuu ku qabtaa oo ku ugaarsadaa. 

Haddaba waa maxay sababtu? Taas waxaa u wacan labo arrin oo isbiirsaday:

❶ Libaaxa oo ah noole aaminsan awoodda Alle siiyay, aanna ka laba-labeyn kana rumeeya go'aanadiisa.

I❷ Deerada oo iyadoo isbarbardhigeysa awooddeeda iyo tan Libaaxa, fikir xun ka qaadatay nafsaddeeda, aamintay in aysan Libaaxa ka fakan karin.

Sidaa aawadeed marwaliba dib ayay soo eegtaa si ay u eegto ama u fiiriso in uu Libaaxu qaban rabo iyo in kale, dib-eegistaasi wuxuu dhimayaa xawaaraheeda, wuxuuna Libaaxa u suuragelinayaa in uu qabto Deerada.


Haddeysan Deeradu gadaal eegin, Libaaxa uma suura gasheen in si fudud u ugaarsado.


Haddaba sheekadaani maxay inna bareysaa?


❶ Garo oo ka faa'ideyso awoodaha uu Alle ku siiyay.

❷ Dib ha u milicsan oo iska halmaam maalmihii madoobaa ee kusoo maray, hana ka warwarin waxa soo socda Mustaqbalka.

❸ Haka laba-labeyn go'aannada aad qaadato, lana tasho Alle iyo Axsaabta aad ku kalsoontahay.

❹ Si aadan u yasin naftaada, noloshaada ha u barbar-dhigin nolosha dadka kaa sareeya, ogoowna in aad ka nolol ficantahay malaayiin qof.  

Fadlan like saar page kaan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.


✍ Qalinki: H  Sabriye.


👍mahadsanid

Wednesday, November 16, 2016

QISO CAJIIB AH: WAXUU YIRI WAXAAN AHAA QOF AAN ILAAH AQOON, OO XAARAN KASTA SAMEEYEY.

10:45 AM 2
Nin dhallin yaro ah oo ay ka muuqato inuu Rabbi u nimceeyey ayaa maalin maalmaha ka mid ah meel igula kulmay. 

Wuu igu dhegay oo i salaamay wuxuu iga dalbaday inaan u raaco xafiisikiisa oo aan shaah lasoo cabbo. Markii aan ka yeelay oo aan tagnay xafiiskisi ayuu bilaabay inuu marna isoo eego marna ooyo.

Markaas ayaan ku idhi: Khayr In shaa Allaah, wejigaaga khayr badan ayaa ka muuqda ee Maxaa kugu dhacay, sidee wax u jiraan wll?

Markaas ayuu ii warramay, wuxuu yidhi: Wallaahi Sheekhow, waxaa jirtay in iyadoo la soomman yahay aan ahaan jirey nin macsiyeysta. Wuxuu farta iigu fiiqay mid ka mid ah qolal kiisa isagoo leh qolkani wuxuu khaas u ahaan jirey ZINADA!

Qaar ka mid ah shaqaalahayguna waxay u xil-saarnaayeen inay ii keenaan gabdhaha ugu quruxda badan waddan uu magacaabay.
Ninkaas oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: Waxaan xasuustaa iyadoo ay tahay bil Ramadaan in anigoo macsidaa iyo zinadaa ku dhex jira aan masjid qolalkayga u dhow ka maqli jirey muslimiinta oo tukanaysa salaadda taraawiixda, markaas ayaan ka xaraabaysan jiray.

Wuxuu iigu dhaartay in marka cuntada loo keenayo, khamriga loo keeni jirey inta aan biyaha loo keenin. Wuxuu yidhi: Waxaa yaraan jirtay in habeen i dhaafo aniga oo aan zinaysannin. Waxaana dhici jirtay in habeen la ii keeno gabadh aan i cajabinnin oo aan dalbado in la iga beddelo oo isla habeenkaasba mid kale la ii keeno. Waxaan ahaa nin noloshaa ku jira.

Wuxuu ahaa mid aan Ilaahay aqoonnin, culimada iyo dacwadaba ku ciyaara Habeen habeennada ka mid ah anigoo ku jees-jeesaya muslimiinta oo taraawiix tukanaysa iyo kuwa maalintii soomman ayey ii keeneen gabadh, mana ayna ahayn mid i cajabisay.

Kolkaas ayaan ka dalbaday inay xafiiskayga iigu keenaan gabadh kale. Intii la iigu maqnaa ayaan is idhi "Oo intii aad waqtiga iska lumin lahayd maan in yar u seexdo.

Waan seexday kadibna wax yar kadib waxaan ku riyooday aabahy oo meel buur ah igala hadlaya oo qaylinayaa oo leh "Wiilkaygiiyow aabo kafagow zinada iyo macaasida iyo gaalnimada.

Waan toosay anigoo naxsan waxaan arkay inaan tiyo ku jiro hadana dib ayaan ugu labty hurdaydii waxaan markale ku riyooday anigoo silsilado waawayn laygu xidhay hadana foostoiyin waawayn daamur la karinaayo laygu shubaayo.

Anigoo aad u naxsan hadana dhididsan ood moodo xaaladan ku jitay inay dhab ahyd ayaan soo toosay wax yar ayaan qolka Tv ga iska soo fadhiisatay

Intii la iigu maqnaa ayaan is idhi dib ha u seexane maan teleefishinka ka raadiyo meelaha laga helo filimada fuxshiga ah inta gabadhaas laga keenayo"!!!

Intii aan raad-raadinayey ayaan mawjidihii aan bed-beddelayey mid ka mid ah ayaan (sheekhoow) kaa arkay adiga oo u lebbeisan sidan aad haddaba ugu lebbisan tahay dharka cad-cad oo ka muxaadaraynaya.

Markaas ayaan ku joojiyay muxaadaradii Ugumana joogsannin inaan ku dhegaysto ee waxay ila noqotay inay qalad ahayd inaan meeshaa kaa arko,

waxaanan idhi: Macquul ma aha. Wadaadkan maxaa meesha keenay? Ma ahayn inaan halkan ku arko! Ma aanan rabin inaan ku dhegaysto, kumana aanan aqoonnin.

Aniga oo weli gacanta ku haya kii lagu bed-beddalayey oo aanan weli beddelin aanse is leeyahay beddel ayaan usii daayey ilbidhiqisyo iyo daqiiqado kale.

Ilaahay Amarkiisa, muxaadaradu waxay ku baxaysay toos, waxayna ku saabsanayd Zinada iyo dhibaatadeeda.

Wuxuu yidhi: Waxaan dhigay bed-beddelihii, markaas ayaan siiyey qalbigayga oo dhan inaan muxaadarada ku dhagaysto.
Waxaad moodaysay inaanan weligay ooyin markaa ka hor xataa riyadii.imay bedelin qaxaan naxdin ahyn mooyee, adiguna aad aniga ila hadlaysay oo aad i arkayso waxa aan samaynayo.

Ilaahay ayaan kuugu dhaartaye, sheekhow, waxay ay ahayd markii iigu horreysay ee aan dareemo macaanka Iimaanka.

Waxaa isku kay raacay riyadii iyo muxaadardii waxaadba mooda in si toosa aniga layla hadlayo.

Waxaan habeenkaa goostay inaan salaadda bilaabo markii iigu horreysay nolosha iyadoo aan dhaafay 33 jir. Kana toobad keeno denbiga aan ku jiey. Halkii ayaan isku diyaariyey oo aan salaaddii ku bilaabay.

Aniga oo sujuudsan ayaa la keenay gabadhii la iigu maqnaa ee aan rabay inaan ka zinaysto. Way i raad-raadiyeen, ugu danbaynna waxay arkeen inaan sujuudsanahay, waxayna la yaabeen farqiga u dhexeeya xaaladdii ay igaga tageen iyo xaaladda aan ku sugnahay.

Waxay i sugaanba markii aan salaaddii ka baxay ayey i su'aaleen waxa igu dhacay? Markii aan u warramay ayaan ku idhi gabadhii iska celiya. Ilaahay ayaan kuugu dhaartaye sheekhow habeenkaa ayaan Rabbigay Ballan la galay inaanan dib danbe u zinaysannin oo aanan dib danbe khamri u cabbin go'aanka u gaadhay.

Subixii ku xigayna waxaan bilaabay inaan soomo, saddex maalmood ka dibna aniga iyo xaaskaygii ayaa isu raacnay Xaramka si aan usoo cumraysanno.

RABBIYOW TOOBADDA IYO KHAATUMADA WANAAGSAN NA WAAFAJI AAMIIN YA ALLAH. 

Thursday, November 10, 2016

Talooyin ama waanooyin ku socota Raga: Waxuu yidhi, habeen iyada oo xaaskayga......

11:02 PM 0
Wuxuu Yidhi habeen iyada oo xaaskaygu hurudo ayaan jaleecay xageeda waxaan ka fekeray qaabka nolosheeda iyadoo huruda ! 

Waxaan idhi miskiinadani markay ku soo noolaatay gurigii labadeeda waalid muddo dheer ay ehelkeedu ku noolaayeen ayey ka timi si ay ula noolaato nin aanay hore u aqoon , waxayna iskaga timi gurigii labadeeda waalid ee lagu koolkoolin jiray, gurigii ay iyadu amiiradda ka ahayd , waxayna u soo wareegtay guri iyada la amrayo ayna fulinayso wixii sharcigu amrayey , ninkeeda u hogaansan tahay, ilaahayna ku raali galinayso daacadda ninkeeda,

Wuxuu yidhi waxaan naftayda weydiiyey: Sidee ayey u dhayal sadaan ragga qaarkii in ay xaaskooda u gacan qaadaan oo dhaawacyo xun xun ugu gaystaan, markay go'aansatay in ay gurigoodii ka timaado si ay ula noolaato, sidee u dhayal sadaan ragga qaarkii in ay muddo dheer ka maqnaadaan gurigooda iyagoo saxiibadood wakhti badan la qaadanaya intay caruurtooda iyo xaaskooda la joogaana ay yar tahay, sidee ragga qaarkii u dhayal sadaan in ay xaaskooda xabsi guri ugu jirto oo aanay marmarka qaarkood u saarin bannaanka oo aanay wakhti wanaagsan u wada qaadan.

Waxaan kaloo is waydiiyey sidee ragga qaarkii ay u dhayal sadaan in ay seexato xaaskiisu iyada oo laabteeda ay ka buuxdo ciil iyo murugo ay u qabto ninkeeda dhibaatada uu u gaysto awgeed ay iyaduna ka fekerayso siday uga aargoosan lahyd, sidee ragga qaarkii u dhayal sadaan in ay xaaskooda iyo ubadkooda intay ka safraan oo muddo dheer ka maqnaadaan iyaga oo aan dan ka lahayn mustaqbalkooda iyo waxay ku sugan yihiin oo aan dib u soo jaleecin xidhiidhna ula soo samayn, sidee ragga qaarkii uga xuubsiibtaan mas'uuliyadii saarnayd ee la weydiinayo maalinta su'aasha, sida uu inoo sheegay nabigeenu NNKH.

Ragga iyo dibin daabyadooda iyo Shirqoolkooda wuxuu Shiikhu ka yidhi arrin cajiib ah oo dadka in yari ay dareento ama fahan san tahayba, wuxuu yidhi, ma ogtahay in lagu celceliyo {إن كيدكن عظيم} wali mays weydiisay sababta shirqoolka haweenka ,maxay haweenaydii boqorka iyo saaxiibadaheed u shirqooleen Nabi Yuusuf cs? , saw ma ahayn jacayl , qurux , dabeecad wanaagsanaan, iyo xishood, miyaanay ahayn haween caashaq dardaray???.

Taas macnaheedu dumarka shirqoolkoodu waa siday nin ay jeclaadeen u hanan lahaayeen.

Hasa yeeshee maxay ahayd sababtay Nabi Yuusuf walaaladii oo rag ahi u Shirqooleen?. {يا بني لا تقصص رؤياك على إخوتك فَــيَكيدوا لك كيدا }, mase ogtahay in shirqoolka ragga laga hor xusay shirqoolka haweenka , mase ogtahay shirqoolka raggu in aanu ahayn mid caashaq ee uu ahaa mid qudh gooyo, xaasidnnimo iyo dulmi.

Mase ogtahay shirqoolka haweenka in uu sheegay Boqorkii qabay haweenaydii wax jeclaatay, lkn shirqoolka ragga in uu sheegay Nabi Yacquub cs, taasina ay kuu tilmaamayso shirqoolka raggu khatarta uu lee yahay.

Ugudambayn waxaan kula talinaya Ragga inay Dumarka Si dabacsan ula Noolaadan lagu dhaqo wanaag iyo koolkoolin Madama ay Xaq wayn inagu leeyihiN.

Wednesday, November 9, 2016

Qiso iimaanka kuu siyaadineyso: ALLE DARTII BUU U DHAAFAY ALLENA MUCJISUU KU ABAALMARIYEY.

2:36 PM 0
Nin kani wuxuu yidhi Waxaan soo galay gudaha wadanka Masar waxaan arkay Nin Biraha ka Shaqeysta (Birtume) isagoo Birta Dabka kaga soo bixinaya Gacantiisa, Birtii oo noqotay dab cadaaday Gacantiisana ku xoqaayo..oo aanu ku Gubanaynin.

waan Naxay waxaan is idhi Ninkaanu waa Owliyo oo Dabka kuma Gubanaayo, ka dib waan u Dhawaaday waana Salaamay oo waxaan ku idhi "Walaalkeygiyoow Allihii kugu Maneysantay Karaamadaan ayaan kugu dhaarshee ii Ducee.
Markaas ayuu Ooyey, wuxuuna igu yidhi:- Walaaloow sida aad Imoodday ma ihi,! Kolkaas ayaan ku idhi:-Walaaloow waxaan aad Samanayso Qof aanan Owliyo ahayn ma Samayn karo,. wuxuuna yidhi:- Arrintaan waxay ku Timid Sheeko Yaab badan hadaad Rabto inaan kaaga Sheekeeyana waan kaaga Sheekeyn. ka dib ayaan ka Codsaday inuu Iiga sheekeeyo Sheekadaas,

Wuxuuna Hadalkiisa ku Bilaabay:- Maalin maalmaha ka mid ah waxaan Dhex Fadhiyey Dukaankaan waxaana ahaa Nin Firfircoon oo Bulsho ah, waxaa ii Timid Gabadh aanan weli Arkin mid iyada ka Qurux badan, waxayna igu tidhi:- Walaalow wax aad Ilaahay Dartiisa u Bixinayso ma Heysaa?
waxaan ku idhi:- Guriga ma ii Raacaysaa aan ku
Isticmaalee waxaad Rabto oo Dhanna waan ku Siinaa, ka dib Cabbaar ayey i Fiirisay, waana iga Tagtay. in muddo ah ayey iga Maqnayd ka dib Wey ii Timid,

Waxayna igu tidhi:- Dan iyo Baahi ayaa igu Kaliftay inaan kaa Ogolaado inaan ku Raaco ee inakeen. Dukaankii ayaan Xidhay Guriga ayaan u kaxaystay markii aan Guriga Galnay waxay igu tidhi:- waxaan ka soo ka soo Tagay Caruur aan Dhalay oo aad u baahan ee Hadda wax yar isii si,aan usii Geeyo ee waana kuu soo noqonaa, Ballan adag ayaan ka Qaaday in ay ii soo noqoto, waxaana siiyey Xoogaa Daraaahim ah.

Way Baxday Saacad ka dib ayey ii Timid Guriga ayey iigu soo gashay albaabka ayaan xidhay, waxay igu tidhi:- Maxaad u Xidhatay Albaabka? waxaan ku iri:- Dadka inay na Arkaan ayaan ka Baqayaa. Markaasbay igu tidhi :- Walaal Dadka waad ka Baqeysaa, oo Alihii ku Abuuray maxaad uga Baqi weyday? waxaan idhi:- Alle waa Dembi Dhaafe Naxariis badan. ka dib Xaggeeda ayaan Aaday markaasay Ooyday illinteeduna Dhabanada ku soo Hooreen.. waxaan ku idhi:- Maxaad la Oyneysaa oo aad la Jaraynaysaa? waxay igu tidhi ilaahay Cabsidiisa ayaan la Oynayaa oo aan la Jaraynayaa, ka dib waxey intaas ii Raacisay:- Walaaloow haddi aad ilaahay dartiis ii Dhaafto, waxaan Ballan Qaadi in uusan Alle kugu Cadaabin Dab (Naar) Adduun iyo Aakhiro.

Intaas markeey igu tidhi:- Waan Istaagay wixii aan Hayey oo Dhami waan siiyey, waxaana ku idhi:- Gabadhyahay waxaan kugu Dhaafay illaahay Cabsidiisa.
markay iga Tagtay waxaa aad ii Qabatay Hurdo, waan Seexday waxaan Riyo ku Arkay Gabadh aad iyo aad u Qurux badan, Madaxana ku wadato Taaj ka Samaysan Dahab dhalalaya iyo dheeman, waxay igu tidhi:- ilaahay Kheyr iyo xasanad hakaa siiyo abaalki aaf ii samaysay.

waxaan ku idhi:- oo Tumaa ahayd wllo ?
waxay igu jawabtay:- waxaan ahay Hooyadii Caruurta lahayd ee kuu Imaanaysey ee aad Alle Dartiis ku Dhaaftay ilaahay Dab kugu Gubi maayo Adduun iyo Aakhiro.
ka dib waxaan ku idhi- Isu kay Sheeg Qabiilkee ka Dhalatay ilaahay hakuu Naxariistee? waxay igu tidhi:- waxaan ka soo Jeedaa Nasabka Rasuulka CSW.

Waxaan markiiba ka soo Booday Hurdadii laga soo Billaabo Maalintaas Dab oo dhan kuma Guban, waxaana Rajaynayaa Aakhirana in aan ku Guban Insha Allaah.

Subxaan Allah Qizadani waxan ka fahmaynaa Qofka aad Alle dartiis abaal ugu samayso in aad helayso naxariista Alle.
Allena waxan ka baryeyna in uu jidhkeena ka fogeeyo Naar aamin ya Allah.. 
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA