SUPPORT WEBSITE

Showing posts with label WARARKA. Show all posts
Showing posts with label WARARKA. Show all posts

Sunday, January 3, 2021

SHACABKA SOOMALIYEED OO FARMAAJO MARKALE IN UU SOO LAABTO KU DUCEYSANAYAAN.

3:16 AM 0


8-Febraayo-2017, waxaa hoggaanka Soomaaliya ku dagaallamay labo kooxood oo ay kala hoggaaminayeen Political Elite iyo Populist leader.  Farmaajo wuxuu u taagnaa rejada shacabka iyo himilooyinkii ay qabeen, halka kooxdii Xassan Sheekh ahaayeen awoodihii kooxaysiga ee talada dalka iskaga dambeeyey tobankii sano ee la soo dhaafay.  


Haddaba, Madaxweyne Farmaajo oo madaxnimadiisa ay aad u saacidday ololaha shacabka iyo qayla-dhaanta lagu doonayey in mar hoggaanka dalka uu shukaanta u qabto, waa ay guulaysatay, halkaasna waxaa ka qarxay dagaalkii u dhaxeeeyey awooddii dhisnayd ee Political Elite-ka oo hadafkoodu ahaa gorgortan, wax kala goosasho iyo geesgelinta damaca dadweynaha.  Dhanka kale waxaa taagnaa hoggaan ku dhawaaqaya wixii ka guuxayey shacabka Soomaaliyeed, oo ay ugu horreyso joojinta faragelinta shisheeye, fogaynta dalalka deriska iyo kuwa Carabta ee siyaasadda Soomaalida ku milmay iyo u quusgoynta beesha caalamka.  


Political Elite-ka  waaga ayaa ku baryey, waxaana cirka isku shareeray aragtida Populismka.  Waxaa lagala wareegay shacabkii, waxaa la bixiyey fursadihii ay diiddanaayeen oo ay ugu horreyso awoodsiinta dhallinyarada, bixinta gunnooyinka iyo mushaaraadka shaqaalaha, ciidanka iyo hay’adaha kale ee dowladda. Waxaa boorka laga jafay Tiyaatarradii qaranka, Madxafyadii iyo taalloyinkii taariikhiga ahaa. Waxaa meel walba ka shidan heesaha waddaniyadda iyo halganka. Waxaa laga jawaabay wixii Soomaalidu ay muddada dheer ku taamaysay oo ay ugu horreyso in shisheeyaha la fogeeyo, dagaal lala galo, iyadoo loogu sheegeyo danaha amni iyo xasilloonida dalka in la difaacayo.  


Xasuusaha Soomaalida ee hore oo tagay waxaa lagu daray Mooshin , Gabre, beesha caalamka oo saxiixayaal ah, dhaqaale la boobay, dhul danyar oo la gatay, hardan iyo halgan ku salaysan hunguri iyo hoggaaan raadis, ugu dambaynna populistihii si xawaare sare ah ayuu ku hantay malaayiin shacab ah oo duruufaha nolosha iyo dowlad-xumada muddo deris la ahaa!  


Xamar ayaan ku waraystay maalin dhawayd Askari goob dowladdeed ilaalinaya, waxaan waydiiyey war bal dowladdaan ka warran? Wuxuu iigu jawaabay ”Eebow dowlad sannadka ugu dambeeyo mushaar bixineyso, in ay tagto khalad waaye”. Wuxuu ii sheegey in dowladihii hore midda ugu yar uu ku leeyahey siddeed bilood oo mushaar ah. 


Kooxdii kale ee Elite-ka ahayd waxaa u soo haray halgan ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, kicin qabiil iyo abaabul reer hebel. Waxay la’yihiin hal aragti oo macquul ah oo ay hoggaanka populistaha ah kaga reebtaan shacabka uu la tagay.  Aragtida kaliya ee ay aamineen in ay hoggaankaan ku baddeli karaana waa kaarka qabiilka iyo qabyaaladda, ”innagaa la inoo jeedaa, waxa aan haysanno aan ku fara-adeygno, yaan been laguu sheegin. ugu dambayn fagaarayaashii dooddaha, cilmiga iyo akhlaaqda siyaasadda lagu lafo-guri lahaa,  waxaa hareeyey Galdogob, Gedo, Buuhoodle iyo Badhan ayaa laga soo duulay.  Waa aragti ciriiri ah, jaban oo aan gadmayn.  Waa hilin liita oo mar kale awoodsiin kara hoggaanka  Populistaha in uu talada dalka sii hayo.  


Haddaba maxaa Garoowe ka dhacay?  


Heritage waxay soo aruurisay political Elite-kii aan shaqo la’aanta noqon jirin xataa lix bilood, kol ay xukuumad ridaan mid kale na dhistaan, kol ay qandaraas iyo mashaariic qaateen iyo kol ay dowlad iyagu leeyihiin hirgeliyaan, taas oo aan ka jawaabayn baahida shacabka bal se ka jawaabaysa baahida kooxda siyaasadda (Political Elite-ka). 


Kooxaha siyaasadda waxaa kale oo ku dhacay, baqdin iyo kala shaki dhexdooda ah, is—aaminaad la’aan,  damacooda oo iswada diiddan, doodda shacabka oo ay ka baqayeen, ugu dambeynna waxaa meesha ka baxday in ay helaan aragti ballaaran iyo hiraal togan oo ay dadka Soomaaliyeed ku tusaaleyn karaan hadimada ay ku noolyihiin, wax muuqdo oo la taaban karana Panel-ka doodda keenaan.  Xataa wax kale iska daayoo su’aalaha kuwa wax waydiinaya iyo kuwa la waydiinayaba iyaga ayey ahaayeen, halka shacabkii laga dhigay daawadayaal aan doodda waxba ku lahayn!  


Sababta shacabka Makarafoonka looga fogeeyey , waa in ay ogyihiin in bulshadu taageero badan u hayso nidaamka Farmaajo, su’aalahooduna noqon doonnaan kuwa adag oo kooxaha siyaasad Cadaab iyo dhimbil dab ah ku ah! 


Ugu dambeyn Machadka nuqullada war-murtiyeedka ah ee ka soo baxay waxa uu noqday ”Shimbarayohow heesa, hees wanaagsan heesa, halkan soo fadhiista”!!

Thursday, December 31, 2020

XABIIBUL MALAAYIIN MADAXWEYNE FARMAAJO OO U HAMBALYO U DIRAY XULKA BANAADIR.

10:43 AM 0

MADAXWEYNE FARMAAJO OO U HAMBALYEEYEY XULKA KUBADDA CAGTA GOBOLKA BANAADIR



Muqdisho, Diseembar 31, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey Xulka Kubadda Cagta Gobolka Banaadir oo ku guuleystay Koobka Tartanka Dowlad Goboleedyada Dalka oo ka socday Caasimadda Muqdisho intii u dhaxeysay 20-kii ilaa 31-dii bishan Diseembar 2020.


Madaxweynaha oo bogaadiyey Xulka Dowlad Goboleedka Galmudug oo soo gaaray ciyaarta kama danbeysta ah, ayaa tilmaamay in ciyaartoyda, Macallimiinta iyo Maamulka Kubadda Cagta ee Galmudug iyo Gobolka Banaadir ay muujiyeen xirfad sare, isku xirnaan iyo dadaal ballaaran.


“Hambalyo dhammaan laacibiinta, Tababareyaasha, Garsooreyaasha, Taagereyaasha iyo guud ahaan bahda ciyaaraha Kubadda Cagta ee ka qeyb qaatay Tartanka Dowlad Goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Dhammaan waxay soo bandhigteen ciyaar wanaag, xirfad sare, biseyl iyo sida aad dalkeenna ugu matali kartaan fagaareyaasha caalamiga ah ee kubadda Cagta.”


Daawashada ciyaarta waxuu  Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku maamuusay qaar ka mid ah Xidigihii Kubadda Cagta ee ka tirsanaa Kooxihii Horyaalka dalka ee Horseed, Jeenyo iyo Minishiibiyo. 


Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyey qabanqaabada iyo hannaanka maamulka Koobka ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo si mugleh isaga kaashaday qabsoomidda tartankan.


Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si gaar ah uga mahadceliyey Ciidamadeenna Geesiyaasha ah ee habeen iyo maalinba u taagan amniga dalka, gaar ahaan inta uu socday Koobkan oo ay ka soo qeyb galeen dhallinyaro iyo masuuliyiin Soomaaliyeed oo ka socda Gobollada dalka.


DHAMMAAD


Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;


Cabdirashiid Maxamed Xaashi,

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya


E-mail: media@presidency.gov.so

Twitter: @TheVillaSomalia

Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/

Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/

Youtube:https://www.youtube.com/XafiiskaWarfaafinta/

Instagram: https://www.instagram.com/villa.somalia/

Wednesday, December 30, 2020

SHALAY MAANTA KU ILOOW, MADAXWEYNIHII UGU HOREEYEY....

2:33 PM 0


Mudo xilleedkiisi koowaad, wuxuu dhammaaday iyadoo aan hal Askari iyo hal qof oo shaqaale dawladeed ahi aannu bil keliya bilaa mushahar noqon. 


Ka hor Mudo xileedkiisa koowaad, Askarta oo aad u yarayd, xiligaasi oo mushaharkoodu ahaa $100 oo keliya waxaa ka maqnaa 9 bilood oo mushar ah.


Dhammaadka mudo xilleedka koowaad ee Farmaajo tirada askarta waxay korodhay in ka badan 65% halka Musharkooda uu kordhay 130% kaasoo noqonaya $230.


Qorshaha mudo xilleedkiisa labaad, dhammaadka 2021 ayaa ah in mushaharka Askariga la gaadhsiiyo $500.


Farqiga Shalay iyo Maanta, sidee kula yahay?

Monday, December 21, 2020

MADAXWEYNE FARMAAJO: WALAAHI SOOMALI MA YAAQANAN.

2:51 AM 0
MADAXWEYNE FARMAAJO


 Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo oo Qudbad shacabka soomaliyeed qalbiyadooda dhaqaajisay jeediyey, ayaa u sheegay in soomali aysan cadawga aqoon. Waxuu yiri:

"Waxaan uga Digayaa Wadamada iyo Shirkadaha shisheeye, in aysan ku xadgudbi karin qaranimada iyo midnimada soomaliyeed, Waxaa laga faa,ideysanayaa Qeybsahaanshaheena, in aan qeybsanahay ayey ka faa,ideysanayaan.

Waxey ka faa,ideysanayaan tabardarideena. in aan tabardaranahay bey ka faaideysanayaan.

Laakin walaahi Mayaqaanin soomali, Soomali ma yaqaanan.

HOOSE KA DAAWO VIDEOGA OO DHAMEYTIRAN.

Sunday, December 20, 2020

CAALAMKI OO MADAXWEYNE FARMAAJO AMAANAY.

4:23 PM 0


Saxafi Marwan Bishara oo ah Journalist iyo Qabiir Siyaasadeed una Shaqeeyo tvga Al Jazeera English ayaa Saacada Ka Hor Waxuu Marti Ku ahaa FRANCE 24 Waxuu Yiri Sidaan:

“Maanta Waxeey layaabantahay Kenya oo Ka Mid ah Wadamada Afrika Ugu Waaween Uguna Hormarsan Dowladne ahaa 54 Sano Sida Maanta ay Uga Aradantahay ama Qaangaar ugu Aheen 'Dipomasiyada".

Qofna Ma Fileenin Somaliya oo Wax Ka Badan 20 Sano Burbursaneed in Kenya ay Uga adkaan Doonto Arimaha Diplomasiyada 'Bal Maanta Fiiri Caalamka oo Dhan Waxuu la Safanyahay Somaliya, Kenyane Waxaa loo arkaa Wadan gardaran 'UK, USA iyo Brussels Waxeey Uhurru usheegeen in Somaliya Faragalinta Ka Daayo Farmajane uu Raadiyo.

‘15 kii Bishaan December safiirka USA ee Nairobi Kyle Mccarter ayaa canaan usoo Jeediyay Uhurru Niyad Jabkane Waxaa laga Dareemi Karay Wajigiisa.

Xaqiiqdii Uhurru Waxuu u egyahay Madaxweyne Ku Fashilmay Siyaasada Dibada, Waxaadna Ka Dareemi Kartaa Uyeerashada Somaliland oo Dunidu aqoonsaneen iyo Faragalinta Jubbaland Markaane Waxuu Rabaa Shacabkiisa Inuu Ku Qanciyo Dagaal Ka Hor Natiijada ICJ da.

Dhigiisa Farmajo Waxaa Ka Muuqdo Daganaasho, Fiirsasho Dheer iyo latashiyo Badan Waxaana lagu Tilmaami Karaa Inuu Yahay Hogaamiye Baxaali ah (Charismatic Leader) Waana Ka Dareemi Kartaa Sida Farmajo uu Usameestay Xulafada Ethioipia, Ereteria iyo Somalia oo Hada Kaba Xoog Badan IGAD.

Uhurru Waa Inuu Dib Uraadiyaa Somaliya iyo Farmajahii uu Sida Fudud Ulumiyay.

Muwaadin Waxaad Ogaataa Si Walba ood Mucaarad iyo Muxaafad Aad utahay Markeey Imaado Danaha Guud Iyo Tan Qaranka Waalaga Tagaa Qabyaalada iyo Nin Necbeesiga.


👉Shere 🇸🇴

MADAXWEYNE FARMAAJO OO CIIDANKA BOOLISKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYEY SANAD GUURADA 77-AAD EE

6:23 AM 0

MADAXWEYNE FARMAAJO OO CIIDANKA BOOLISKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYEY SANAD GUURADA 77-AAD EE 

MADAXWEYNE FARMAAJO OO CIIDANKA BOOLISKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYEY SANAD GUURADA 77-AAD EE

Muqdisho, Diseembar 20, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Sarreeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil-xigeennada, Aliflayda, Dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska iyo qoysaskooda 77-guurada kasoo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay naftooda u huraan xaqiijinta amniga iyo xasilloonida dalka si Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay nabad ugu noolaadaan dalkooda.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waa Astaan qaran iyo midnimo, waxa ayna u taagan yihiin xaqiijinta amniga dalka si dadkeennu ay nabad iyo xasillooni ugu noolaadaan, sidaas awgeed waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay ku garab istaagan gudashada waajibaadkooda qaran”

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay qorsheyaasha dowladdu ay ku xoojinayso ciidamada, kor u qaadidda tababarradooda, joogteynta iyo kordhinta mushaarkooda, iyada oo la hirgeliyey hannaan askari kasta uu si toos ah ugu helaayo xuquuqdiisa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey Saraakiisha iyo guud ahaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed doorkooda ku aaddan ka miro-dhalinta qorsheyaasha muga weyn ee dib-u-dhiska iyo xaqiijinta amniga dalka.


Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;


Cabdirashiid Maxamed Xaashi,

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: media@presidency.gov.so

Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/

Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/

Twitter: @TheVillaSomalia

Tuesday, November 1, 2016

HARGEYSA OO KANIISAD WEYN LAGA DHISAY, Iyo Bishop Bertin Oo Amaanay Somaliland+SAWIRO

1:35 AM 0
HARGEYSA OO KANIISAD WEYN LAGA DHISAY, Iyo Bishop Bertin Oo Amaanay Somaliland+SAWIRO
Asalaamu Caleykum wr wb, qoraalkan websitekale(booramanews.com) baa kasoo xigtay war aan aniga qoray ma ahayn, kadib markii dad rer hargeysa ah, ay yirahdeen warkaas xaqiiq ma ahan ayaan websiteka ka bixiyey, websitekaan ma ahan, website warar, warkaas waxaan usoo xigtay, maadama ay ahayd arin weyn oo soomalida quseeysa, sidaa baa igu qasabtay in aan websiteka soo dhigo.

waa idinka raali galinayaa waxi dhib ah uu warkaan idin geystay rer somaliland gaar ahaan rer hargeysa.
ILAAHna waxaan ka baryayaa in uu iga cafiyo haduu warkaan xaqiiq ahayn. 

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA