SUPPORT WEBSITE

Showing posts with label SH MOHAMED IDIRIS ILA TALI. Show all posts
Showing posts with label SH MOHAMED IDIRIS ILA TALI. Show all posts

Thursday, December 1, 2016

SH MOHAMED IDIRIS ILA TALI: FURNIINKA MA DAMBI BAAN KU LEEYAHAY????

3:31 PM 1
Sheeekh waxaa dhacday in hooyaday iyo aabahay kala tagaan aniga oo markaas dhashay, kadib hooyaday waxay go'aan ku gaadhay inay aniga i tuurto, mudo saddex bilood ah waxaa i hayey adeerkay, kadibna waxaa la ii geeyey ayeyday aabo oo mudo 10 sano ah i soo korinaysay.
Aabo mar kasta wuu i soo booqan jirey, inta badana caruurtiisa kale iyo reerkiisa ayuu joogi jirey, laakiin hooyoday 10kaa sano maanan arkin.
Waxaa dhacday 11 sano anoo jira iney hooyo ii timaado igana soo kaxayso ayeeyo, iyadoo arintaas ayeeyo aad uga xumaatay. Markaan hooyo soo raacay, oo gurida imi hooyo caruur kale ayey haysatey.


Hooyo waanu is fahmi weyney, iyaduna mar kasta wexey igu dhihi jirtey garacad ayaad tahay, kuma dhalin! maalin kasta murugo ayaan la ooyn jirey, waase adduun socda e mudo 7 sano ah ayaan hooyo sidii kula noolaa.
Wax kastaba halla soo maro, gabari haddey soo korto waa tii guur laga damco! waxaa dhacday in wiil uu reerkii iga soo doono.
Qofku hadduu duruufa badan soo maro waaya arag ayuu noqdaa. Intuuna isoo doonanin ayaan waxaan kula taliyey inuu caruurta aan walaalaha nahay aabohood iyo hooyo marka hore lasoo xidhiidho maadaama aan iyaga la noolahay, kadibna uu aabahay la xidhiidho.
Sidaasoo ay tahay arintii khilaaf badan ayey ka keeneen iyagoon hadana waxa ay tabanayaan sheeganaynin, mudo 2 bilood ah ayey arintii sidii ahayd, waxna lama dhaqaajin, dabadeedna aabo ayaa arrinkii maqlay, aabona hooyo ayuu la soo xidhiidhay si ay arintan uga wada hadlaan, hooyona waxey aabo ku tidhi waxaad ku taliso waxba kama qabo.
Hadana aabo mar 2aad wuxuu la hadlay adeer waxayna ku heshiiyeen inay arintii sidaas ku dhamaato kadib aabo arintii guurkayga ayuu guda galay sidaa ayaana meherkii ku dhacay.
Ka dib hooyo way is bedeshey, arintii guurkana wey ka xanaaqdey, waxayna igu tidhi guurkaaga waxaa ii dhaantey adigoo habeenba meel nin kula soo hoyda.!!


Ninka i guursadey iyo anigu laba waddan ayaanu kala joogney, hooyo bil ka dib wexey bilawday iney guriga iga erido oo tidhaahdo guriga aaabahaa ma leh, adiguna iskama lihid, ninkaaguna iskama laha, nin bini aadan ayaa iska lehe hada ii dhaaf..
kadib waan ka tegey gurigii anoon magaalada cidna kagaranaynin, maalmo ka dibna waxaan u dhoofay wadankii uu ninkaygu joogey, waxaanan kasoo laabtay anigoo uur leh, hooyo ayaan isku dayey inaan masloxo oo xumaanta ay qabto wanaag ugu badalo laakiin hooyo waxay igu tidhi gaal iyo islam ayeynu kala nahaye ha i sheeganin kuma dhalin aniguye.
Dad badan ayaa isku dayey inay hooyo iga maslaxaan laakiin waa la kari waayey, mudo kadibna waxaan dhalay ilmahaygii ugu horeeyey waxaana ku dhalay meel dhakhaatiirta mooyiye cid iyo ciirsi kale aanan ku haysanin iyadoo hooyaday guriga igu xiga degantahay, ninkaygiina iima iman karin waayo wadan kale ayuu joogaa.
kadib hooyo waxaan u tegey aniga oo umul ah, labada cagood intaan qabsaday ayaan weydiistey iney i cafiso, laakiin way i diidey, kaaga darane ilmihii aan umusha ku ahaa inta dhabteeda loo saaray ayey dhulka igaga tuurtay, maalinkaas ayaana hooyaday isugu kaaya danbaysey, mudo 2 sano ahna waanu kala maqanahay, waana ka rajo dhigay, waxaan sameeyona ma aqaan.
Waxaan u baahnaa 1: inaad ila taliso, ta 2, qisadan igu dhacday hadaan danbigeeda leeyahay iga qabato sheekhow khayr allah kusiiyee.
JAWAABTA SH MOHAMED IDIRIS XAFIDAHULAAH.
=======================================


Gabadhaas Waxaan leeyahay:
Adeer Ilaahay khayr ha ku siiyo, ummuurtaadana Allaha fududeeyo, Hooyana Allaha Cafiyo oo Jannadiisa geeyo,
Midda koowaad adeer adigu dembi kuma lihid furriinka ay hooyo iyo aabe ku kala tageen markii aad adduunkaba ku indha dillaacsatay..shaki kama jiro in furriinkaasu, sabab kasta ha lahaadee, adiga dhib kuu geystey, waana sida badanaaba dhacda markey aabaha iyo hooyadu kala tagaan, ilmuhu iney ku dhex dayacmaan. Adigase waxaa xoogaa kuu raacay xanaaqa xanuunka leh oo hooyo ka muuqanaya, oo aanan garan meesha uu salka ku hayo, ma aabahaa oo ay si xun ku kala tageen baa? Ma guurkaaga oo aan sooryadey mudnayd laga siin baa? ma sabab kaloo aan noo muuqan baa!
Yeelkadeede, si kasta oo hooyadu u xanaaqsantahay xaqeedu ma lumo mana guuro, wexeyna mudantahay in loo duceeyo, oo loo baarri falo, si kastoo ay kaaga cararto adigu ha ka cararin, wexey kugu samaysana ha ka fal celin waayo iskuma dhererin karto, lamana ficiltami karto, mar walba iyadaa kaa saxan, wexey kaaga saxantahay inaadan canaanan, ama goyn, ama guul guulin, ee markey gaf gashana lagu raacin laakiin lagu xumayn.


Hooyada qalbigeedu marna xumaan ma dhalo, laakiin waa dhici kartaa iney wax is moodsiiso, ama waa biniaadame wax ku gafto, laakiin haddii la sasabo, loo baarri falo, aan laga tegin, wexey u dhowdahay in raallinimadeeda lasoo ceshado..
Sidaa Awgeed Adeer adigu duruufta dalaaqa iyo kala tagga iyo wixii ka dhashay dembi kuma lihid, waxaanan kugu la talinayaa inaad hooyo xiriiriso, booqato, u ixsaan fasho, waxaad awooddo siiso, wax kasta oo ay kugu samayso aanad ka tegin, sheekaduna wexey cibra qaadasho u tahay, labada caruurta wada dhalay oo furriinka ku deg dega, ama dalbada, amase cawaaqibta ka dhalata aan aad uga fekerin, iyo waalidku isagoo xaq leh inuu caruurtiisa u dhimriyo, wabillaahi tawfiiq.

Thursday, November 10, 2016

Talooyin ama waanooyin ku socota Raga: Waxuu yidhi, habeen iyada oo xaaskayga......

11:02 PM 0
Wuxuu Yidhi habeen iyada oo xaaskaygu hurudo ayaan jaleecay xageeda waxaan ka fekeray qaabka nolosheeda iyadoo huruda ! 

Waxaan idhi miskiinadani markay ku soo noolaatay gurigii labadeeda waalid muddo dheer ay ehelkeedu ku noolaayeen ayey ka timi si ay ula noolaato nin aanay hore u aqoon , waxayna iskaga timi gurigii labadeeda waalid ee lagu koolkoolin jiray, gurigii ay iyadu amiiradda ka ahayd , waxayna u soo wareegtay guri iyada la amrayo ayna fulinayso wixii sharcigu amrayey , ninkeeda u hogaansan tahay, ilaahayna ku raali galinayso daacadda ninkeeda,

Wuxuu yidhi waxaan naftayda weydiiyey: Sidee ayey u dhayal sadaan ragga qaarkii in ay xaaskooda u gacan qaadaan oo dhaawacyo xun xun ugu gaystaan, markay go'aansatay in ay gurigoodii ka timaado si ay ula noolaato, sidee u dhayal sadaan ragga qaarkii in ay muddo dheer ka maqnaadaan gurigooda iyagoo saxiibadood wakhti badan la qaadanaya intay caruurtooda iyo xaaskooda la joogaana ay yar tahay, sidee ragga qaarkii u dhayal sadaan in ay xaaskooda xabsi guri ugu jirto oo aanay marmarka qaarkood u saarin bannaanka oo aanay wakhti wanaagsan u wada qaadan.

Waxaan kaloo is waydiiyey sidee ragga qaarkii ay u dhayal sadaan in ay seexato xaaskiisu iyada oo laabteeda ay ka buuxdo ciil iyo murugo ay u qabto ninkeeda dhibaatada uu u gaysto awgeed ay iyaduna ka fekerayso siday uga aargoosan lahyd, sidee ragga qaarkii u dhayal sadaan in ay xaaskooda iyo ubadkooda intay ka safraan oo muddo dheer ka maqnaadaan iyaga oo aan dan ka lahayn mustaqbalkooda iyo waxay ku sugan yihiin oo aan dib u soo jaleecin xidhiidhna ula soo samayn, sidee ragga qaarkii uga xuubsiibtaan mas'uuliyadii saarnayd ee la weydiinayo maalinta su'aasha, sida uu inoo sheegay nabigeenu NNKH.

Ragga iyo dibin daabyadooda iyo Shirqoolkooda wuxuu Shiikhu ka yidhi arrin cajiib ah oo dadka in yari ay dareento ama fahan san tahayba, wuxuu yidhi, ma ogtahay in lagu celceliyo {إن كيدكن عظيم} wali mays weydiisay sababta shirqoolka haweenka ,maxay haweenaydii boqorka iyo saaxiibadaheed u shirqooleen Nabi Yuusuf cs? , saw ma ahayn jacayl , qurux , dabeecad wanaagsanaan, iyo xishood, miyaanay ahayn haween caashaq dardaray???.

Taas macnaheedu dumarka shirqoolkoodu waa siday nin ay jeclaadeen u hanan lahaayeen.

Hasa yeeshee maxay ahayd sababtay Nabi Yuusuf walaaladii oo rag ahi u Shirqooleen?. {يا بني لا تقصص رؤياك على إخوتك فَــيَكيدوا لك كيدا }, mase ogtahay in shirqoolka ragga laga hor xusay shirqoolka haweenka , mase ogtahay shirqoolka raggu in aanu ahayn mid caashaq ee uu ahaa mid qudh gooyo, xaasidnnimo iyo dulmi.

Mase ogtahay shirqoolka haweenka in uu sheegay Boqorkii qabay haweenaydii wax jeclaatay, lkn shirqoolka ragga in uu sheegay Nabi Yacquub cs, taasina ay kuu tilmaamayso shirqoolka raggu khatarta uu lee yahay.

Ugudambayn waxaan kula talinaya Ragga inay Dumarka Si dabacsan ula Noolaadan lagu dhaqo wanaag iyo koolkoolin Madama ay Xaq wayn inagu leeyihiN.

Tuesday, October 25, 2016

SH MOHAMED IDIRIS ILA TALI: MAALINTI HADII AAN MURUGEYSNEEN HABEENKI AYAAN MURUGO LA SEEXDAA.

9:21 AM 0
Shekhow kheyr Alaha ku siyo. Waxan ahay wiil dhalin yar o 21sano jir ah wagi an yara waxan aha ilma yar o dhib badan quran ka akhrintisana an lagu kari jirin, xoga maadigana wan ku ficnan jiray. 

Malin ayan macalin kaygi la murmay isago igaracaya ana waxan dhahayey naga dayso ushada odayahow lakin wax gacana ama cey ah uma gaysan marki u ushi igala qustay ardaydina u sidayey ayu igula dardar may in waxa u igu dilayo u yahay quranka faa'idane ay ugu jidho aniga wuxu igula dardar may kalmad ana ilawin o ah in hadi an quranka ka car cararo o aan inta an yarahay ka fa idaysan aan maalin maal maha ka mid ah ka shalayi doono.

malinti wixi ka dan beyey quranki wan ka baxay hadalki macalin kaygina dhag jalaq uma siin, malinti wixi ka danbeyey waxa i helay fahmad xumo, xita maadigi an dhiganayey wan si wadan kari wayey, wana ka baxay, shalaygi iyo qamumyadi ayaan hada daremay.

waxan ad ujeclahay quranka waxan ad ujeclahy kutubta blse fahmad yari aya i heshay waxana igu dhacday niyad jab iyo murugo hadi anan malinti murugaysnen habenki ayan murugo mel lasexda, dhalin yaradi lodkayga ahed dugsi sare way dhameyen quran kane dhowr jer ayay nakhtimeen, aniga se murug ti adunka ugu xumed ayan mel kula dhacay xita mar mar waxan gaara inan naftayda wax yelo ugesto blse waxa i hortimada cadabka Alle iyo cabsida akhriro markastana muslinimada aya iceliso marki an damco inan naftayda wax ugesto.

hada waxan jeclahay inan noqdo xafidul quran iyo inan noqdo nin diinta aqon uleh markastana niyad jab aya i hortagan shekhow waligay arimahayga cid kalama tashan adiga mahane waxana donaya inad ila taliso ina duceyso..
JAWAABTA SH MOHAMED IDIRIS XAFIDAHULAAH

==========================

Adeer Waad ku mahadsantahay inaad ila wadaagtey arrinka ku haysta, Ducadana waan kuu hormarinayaa: Ilaahay Fahmadda hakuu siyaadsho, Qur'aankana hakuu fududeeyo, Xaafidul Qur'aan Allaha kaa dhigo, cilmi iyo camal wanaagsan allaha ku siiyo, aamiin..

Intaa Ka dib, Adeer nin fahmad wanaagsan inaad tahay qoraalkaaga ayaanba ka dareemay, waxa ku haysta waa xoogaa markii aad kuftay ayaad u malaysay inaadan kici karin, taasina dhab maaha..

Waxaad ogaaneysaa Cadawgeenna ugu weyn Adeer waa wel welka aan dhabta ahayn ee sheeydaanku innagu beero si uu innoo murug geliyo, waxaana daawa u ah inaan ilaahay u cararno oo difaaciisa galno واما ينزغنك من الشيطان نزغ فاستعذ بالله انه هو السميع العليم intaasaana ku filan waayo sheydaanku waa daciif ان كيد الشيطان كان ضعيفا .

laakiin haddaan u jabno, oo u fariisanno wuu innagu fariisanayaa.. Xoogga ugu weyn adeer oo aan haysanno waa niyadda iyo go'aanka, iminkadan niyadda geli inaad page cusub bilaabeyso, hana biqin inaad kufto, waxaad u diyaarsataa oo naftaada ugu sheekaysaa hadaan xitaa fashilmo mar kale ilaa boqol goor ka badan ayaan diyaar u ahay inaan ku noqdo ilaa aan ka sal gaaro, waana hubanti inaad target ka gaareyso ama ka badineyso..

Nolosho Adeer waa tartan فاستبقوا الخيرات cidina kaama mudna inaad kuwa ugu horreeya noqoto, waxaa kaa xiga oo keliya laba rakco inaad tukato, gacmahana kor u taagto: Ilaahow Kitaabkaaga iyo Kalaamkaaga ii fudaydi inaan laabtayda ku weeleeyo! horana u dhaqaaq.. barnaamij dejiso.. maalinkii saacad ka mid ah, subax ama galab: 5 aayadood ama 10 ama 1 page xifdi, ku cel celi, dugsi isku qor, macalin kaa dhegeysta la fariiso, salaaddana ku tuko wixii aad xafiday, 6 bilood ka dib hadii aad nooshahay waxaad arki is bedel weyn..

Miyaad ka tabar yartahay, ama ka fahmad liidataa, oday cajami ah oo aan arkay isagoo 70 jir ah qur'aanka inuu bilaabo oo xifdiyo raba, galab kastana macalinka u iman jirey.. Miyuu kaaga culusyahay wiilka maraykanka ah oo weligiis aan qur'aan iyo carabi arag, oo Qur'aanka maalin walba u fariistay saacad ilaa uu ka xifdiyey! miyaad ka tabar yartahay Habarta 65 jirtey oo bilawday dugsiga iney qur'aanka xifdiso, 8 sano ka dibna Qur'aanka dhamaysay!!

Qofku wuxuu qof ku yahay waa niyadda iyo Go'aanka, Ilaahay kaalmayso, murugtana daawadeedu waa dikriga ilaahay oo qalbigu ku dego, ee tasbiixda iyo istiqfaarta badso, waxaad arki adigoo mar kale dhashay, inshallaahu..

Ugu dambayn qisadaada wexey mar kale waano u tahay arday kasta in macalinka waanadiisa fiican la qaato, macalinku waa waalid, waa midka aqoonta innagoo yar yar innagu shuba, aan qaddarino hadalkiisa iyo dardaarankiisa..

Ilaahay Adeer adiga iyo dhalinta kaleba khayrka iyo fahmadda ha u furo.. Ha quusan, hana wel welin, Muslim ayaad tahay, oo sharaf kuugu filan!

Monday, October 24, 2016

SH MOHAMED IDIRIS ILA TALI: NINKEYGA SALAAD MA TUKADO MANA RABO IN ISKA FURO WAYO WAA JECLAHAY.

12:58 PM 0
asc sheikh aduun iyo aakhiro Allah haku barakeeyo xasanaad aan lasoo kobikarin allah ku siiyo, waxaan ahay gabar guri leh, Pagekaaga ku xiran wax badan ka faa'iidaysata, wiilka aan is guursaney ayaa yurub i keenay, muddo sannad ka yar ayaan hadda joogaa, sheikh zawjkeega dhan kasto wuu ku fiicanyahay, qarabo xariirinta iyo qarabo takuleenta aad buu ugu fiican yahey aniga iima xuma laakin tan murugada iyo dhibatada igu heysato ayaa ah salaada Ilahey ma dukado walow 1 waqti xitaa markasto waxaan iraaahda duko ok uun buu iyaraahdaa aniga Allan ubarye salaatuleel inta soo koco Alla u tuuga markasto hadane waxaa iheeysto wal wal iyo xasiloooni la aan marka qaar waa iska ooya walhi waxaa dareema in aan dabi galayo ama anigii aan qeeb kaga jiro danbigiisi waxaan is dhaha armaad tahay tii jidka Allle kusoo ridi laheed ,sheikh marabo in aan furiin ka dalbado waan jeclahay ninkeyga laakin culees baa i heysto mana hurdo mana dagani farxad ma heeysto oo Ale ila ogyahe guriga baraka la'aan ayann ka dareemaa, caruurna isuma dhalin, sheikh ila tali iina soo duecey ilahey danbiga ha dhaafo.
_________________________________________
JAWAABTA SH MOHAMED IDIRIS XAFIDAHULAAH
Gabadhaas waxaan Leeyahay: Walaal ilaahay hakuu gargaaro, Zawjkaagana Allaha soo hanuuniyo, Waa arrin dhib badan marka qof aad jeceshahay aad aragto inuu xarigga ilaahay qabsan waayo, adiguna hanuunka qalbigiisa ma gelin kartid, Horay ayaa Eebe noogu sheegay aayadda macneheedu yahay (Cid aad jeceshahay ma hanuunin kartid, laakiin Ilaahay ayaa ciduu doono hanuunsha)..

Salaaddu waa laf dhabarta diinta, qofkaan salaad lahaynna diin ma leh, haduu sidaa ku dhintana xaalkiisu halis weyn ayuu ku jiraa, sida aayadaha iyo axaadiistu sheegayaan, Salaadu waa xiriirka Ilaahay kaala dhexeeya, qofka ka tagaana waa qof Xiriirkii Ilaahay gooyey, Qof xiriirkii Ilaahay gooyeyna waxba kuma noola..

Marka u horreysa Ilaahay ayaan kuu baryeynaa inuu soo hanuunsho, oo uu salaadda tukado, salaaddu waa calaamadda lagu kala saaro gaal iyo muslim qofkii ka tagaana waa gooloobey sida xadiisku sheegay.. laakiin gaalnimadaas ayaa culimadu laba tafsiir geliyeen: 1) Gaalnimadii weynayd ee islaamka looga baxayey iney tahay 2) Iney gaalnima yar tahay oo dembi weyn oo kabaa'iru dunuub ah.. 
Labada midkey noqotaba xukunkiisa islaamka waa in la maxkamadeeyo tuko la yiraahdo, haduu tukanwaayana xadkiisu waa dil maxkamadda islaamka.. Ma gaalnimuu markaa ku dhintay mise Islaam? waa Laysku hayaa..
Haddii lagu qaado tafsiirka hore macnaha gaal inuu yahay, waxaa ka ratibmaya inaanu gabar muslima qabi karin, oo si automatic ahba ay uga furantahay aaneyna isu dhiibi karin, isagana la dhaxli karin isna wax dhaxli karin, haduu dhintana aan lagu tukan, lana kafnin, lana aasin, qubuurta muslimiintana aan lagu aasin.. Sidaas saxaabadii qaar ka mid ah, iyo muxadisiinta iyo Imaam Axmed iyo Culima badan, casrigaanna sh. Bin Baz iyo Ibnu Cutheymiin sidaas ayey qabaan..
Sida Kale inaanu gaalkii weynaa ahayn, laakiin dembi weyn la yimi maxkamada islaam hadey jirtana la xabbiso haduu tukan waayana la dilo, Culimada kale ayaa qabta..aakhirana arrinkiisu ilaahay u yaal haduu tawxiid lahaa, inuu cadaabo iyo inuu u dembi dhaafo..
Mas'alada salaaddu horta waa sidaas oo lama fududaysan karo..

isla mar ahaantaas waxaan kugula talinayaa inaad adiga iyo dadka kaleba u naseexaysaan, kulana dadaashaan inuu tukado, una sabirtid intii karaankaaga ah lacalla inuu ilaahay gacantaada kusoo hanuunsho, hadiise naftu kugu dhibto, isna tukan waayo, markaas aad isaga tagto, si aan diintaadu ugu biloobin, gaar ahaan haddaan caruuri jirin, arrintu wey ka fududahay, sabirkaasna waa lacalla inuu ilaahay soo hanuunsho, laakiin xaq ayaad u leedahay haddaba inaad ka tagto qof Ilaahay u sujuudi waayey..

Ilaahay arrinkaaga ha sahlo, Tawfiiqdana haku waafajiyo, wiilkanna allaha soo hanuunsho, aamiin.

Sunday, October 23, 2016

SH MOHAMED IDIRIS ILA TALI: WAXUU IGU YIRI GABAR KALE HADII AAD DHASHO WAA KU FURAYAA.

1:35 PM 0
Sheekh Salaan Ka dib, waxaan jeclaystay qisa yar oo igu dhacday inaan kula wadaago, su’aalna ku weydiiyo si aad tala iiga siisid..

Waxaan ahaa gabar da’ yar, Afrika ayaan joogay reerkeenna ayaan la noolaa, hammiga gabar walba oo gashaanti noqota ku jira iney guri iyo reer iyo caruur yeelato waa igu jirey, si fiicanna waa la ii barbaariyey.. Laakiin wax sheeka ah oo aan qof la yeeshay oo xagga guurka ah ma jirin..

Wax arrinku sidaas ahaado, aniguna aan riyooyinka gabdhuhu dhistaan sida uu mustaqbalka quruxda badan noqon doono ku jira, waxaa reerkayaga iga soo doonay nin oday ah oo aad iiga da’ weyn.. wax dariiqayga soo tusay mooyaane, calaf iyo qadar ilaahay baa meesha ka socotey.. Reerkii ayaa igu daray.. nin aan horay u aqaaney ama dabeecadihiisa dhuuxay ma ahayn.. Laakiin maadaama reerku igu dareen waan qaatay.. Ninku Yurub ayuu ka yimi.. shilimaadkiisana waa wataa..

Aroos ayaa la iigu dalaq siiyey.. Ayaamaha hore orod bay nagu mareen.. durba uur ayaan yeeshay.. Gabar ayaan dhalay Ilaahay fadligiisa nagu siiyey..Odaygii Dabcigiisa waa is bedeley.. wuuna dhoofaa, waana yimaadaa..Wuxuu igu yiri: Gabar Kale Hadaad Dhasho Waan Ku Furayaa!! Subxaanallaahiyi Ma Anigaa gabar iyo wiil gacanta ku haya!! Kan Khayrka lehse Ilaahay uun baa oge, miyuu isagu ogyahay!! yaabay oo ashqaraaray!! Walaalow dad ayaan mid naba haysane Maad Ilaahay ku mahadisid.. iyo Naagyahay warkaaga ma rabee, waan kuu sheegay..hadaladaas iyo kuwa la mid ah ayuu mar walba igu soo cel celiyaa..

Maqaadiirta Ilaahay Waxaan dhalay gabadhii Labaad.. Markuu maqlay ayuu biilkii naga goostay! reerkayga ayaa maqlay, waa nala kala dhex galay, laakiin calafkii meeshaas ayuu ku dhamaaday..Hooyaday ayaan la degey khayr Allaha siiyee, waxaanan bilaabay inaan shaqeeyo si aan caruurtayda u korsado, Alxamdulilaah xoogaa ayey soo koreen.. Laakiin sheekhow buufis dhoof ayaa i galay..Caruurtii maadaama ay xoogaa roonaadeen hooyo ayaan ku dhaafay waanan soo dhoofay oo weli meel shishe ma gaarin..

Markuu maqlay in aan baxayo ilmihiina ey yar koreen ayuu isoo raadiyey waxuuna igu yiri: isii ilmaheyga! ana waan didey, waxaa kaloo aan u diday in u arko aragtidoda ee sheeqow maku saxsanahay misee waa qalad? Taas weeye Su’aashayda iyo wixii Tala ah inaad i siisid?

JAWAABTA SH MOHAMED IDIRIS XAFIDAHULAAH.
——————————————————————————

Gabadhaas Walaasheena Waxaan iri:

Adeer Ilaahay Tawfiiqda hana waafajiyo Adiga iyo inta gabdhaha dhib soo marana ilaahay dhibka ha ka qaado, gabari wax la xumeeyo maaha, wax mus lagu tuurana maaha, wax mugdi iyo meelaan la garanayn lagu sii daayana ma mudna.. Waa ukun yaroo sida Jawharada luulka loo baahan yahay in meel dhawrsan oo dugaal ah lagu hayo..

Guurka deg degga badanaaba ku dhaca ee ragga iyo dumarka Yurub ama galbeedka ka yimaada, xoogaana guntiga ku sita, dhalinta Afrika joogta ee fursad raadiskaana uga faa’iidaysta marar badan ma daaho, sababtuna waa marka hore oo aanu luga badan ku taagnayn.. Kuwa ilaahay u barakeeyo oo niyadoodu marka horaba wanaagsantahay, rag iyo dumarba, oo calaf doon ah, wixii ilaahay siiyana iimaansada oo guurku masuuliyadda iyo culayska uu leeyahay qaadana wey jiraan..

Yeel kaderde Odaygu wanaag ma samayn haduu biilkii yaraa goostay, inu gabar dhalideeda kugu ceebeeyana waa arrimihihii Jaahilayada ka haray, isaga ayey ahayd inuu isku ceebeeyo illeen isagey ka timi oo amaanadii laguu dhiibtey ayaad adigu weelaysay..Gabdhuhuu shalay ka tegey oo dayacay iyagoo yar yar ah, maanta inuu yiraahdo isii, xaq uma laha, ilmahana hadey gaaraan wax kala sooc waa la kala dooransiiyaa, inta ay yar yihiinna hooyadaa iska leh hayntooda haddaaney guursan, heshiis iyo is af garadna meeshii wanaag yaallo waa mid u bannaan labada waalid waana sida wanaagsan..laakiin midna aragtida in loo diido maaha, adigu waad ka doodi kartaa inaan ilmaha lagaa qaadan, laakiin inuu arko ilmaha ha u diidin, adigana haduu isagu haysto laguuma diidi karo, waxaana wanaagsan sidii maslaxada ilmuhu tahay inaad ku dadaashaan labadiinuba oo aydaan isku canaadin ilmuhuna dhexdiina ku dhiman.. Odagana in La xusuusiyo weeye, dayacaaddii uu sameeyey sanadaha lasoo dhaafay, haduu gudi karo qayb ka mid ahna isagey u fiican tahay..

Taasina waxaa laga yaabaa iney adigana safarta iyo buufiska dhoofka kaa furato, ilmahaagana aad u noqoto oo halkaaga risiqa ilaahay ka raadsato, ilmahaagana berri aaney oran ama dareemin aabena markii horuu na nacay, hooyana markii dambey naga danaysatay, walaal safartaas, weli waxaan filayaa inaadan meel fog gaarin sidaad sheegtaye, waxaan kugu la talin lahaa inaad isakaga noqoto, buufisna Ilaahay nama buufiyee, waa cudur marar badan ku dhamaada qofku inuu meel silic ku dhinto, haduu badbaadana rafaad badan iyo silic iyo dembigii oo u dheer, iyo xanuun maskaxeed oo aanu la shaqaysan karin kama boxo..Khayr ayaan kuu rajaynayaa wabillaahi tawfiiq.

Saturday, October 22, 2016

SHEIKH MOHAMED IDIRIS ILA TALI: NINKEYGA XAASKIISA KALE AYUU HORTEYDA KULA HADLAA OO KULA QOSLAA.

12:51 PM 0
Waxaan ahay gabar Soomaaliyeed, waxaan leeyahay guri iyo caruur, si caadiya oo Soomaalidu u badan tahay ayaan u noolnahay, Mushkiladda i haysata ee talada aan ka rabo sheekhow hadaan xoogaa kaaga sheego, wexey ka bilaabaneysaa ninkaygu inuu guur labaad damcay!! xoogaa yar hadii la joogeyna wuu fuliyey damaciisi oo wuu guursadey..Yeelkadeedee Anigu hadda taas uma diidin, oo waa wax Ilaahay u banneeyey, Laakiin dhibku wuxuu ka taaganyahay Sheekhow waa waxyaabaha uu ninkaygu samaynayo markuu guursadey ka dib..

Waxaa aad ii dhibay, oo dareenkayga aad u saameeyey, ninkaygu isagoo gurigayga fadhiya, oo ila jooga, ayuu la hadlayaa xaaskiisi kale, ama ay iyadu soo weceysaa, hortayda ayuu kula hadlayaa kelmado jacayl iyo xiiso muujinaya, iyo inuu u hiloobey..waxaa dhici karta saacad inuu sidaa ula hadlayo, anigana aan gubanayo, laakiin waxba ma iraahdo, mar kasta oo aan is iraahdo arrinkaa ka dhiidhi oo ka fal celi, haddana waan is qabtaa oo waxaan xusuustaa sabirka iyo caruurta iyo guriga, waxaan xusuustaa duruusta iyo khayrka aan mar walba dhegeysto, laakiin laabta ayaa i gubaneysa, waana ka murugaysnahay, arrinkaa uu caadaystey, maxaan sameeyaa sheekhow Ila Tali? Ma ka tagaa oo furriin ayaan dalbadaa? Mise Tala kale ayaad i siineysaa Jazakallaahu Khayran?

———————————————————————————————JAWAABTA SH MOHAMED IDIRIS 

Walaashaas Waxaan Leeyahay:

Walaal Ilaahay dhibka ku haysta hakaa qaado, ninkaagana hasoo hanuuniyo.. Ragga qaar ayaa jira bartay iney xaq u leeyihiin guur kale, Laakiin aan baran xaqqaas sidii ay u isticmaali lahaayeen si wanaagsan..

Ninkaagu arrinta uu samaynayo wey noqon kartaa inuu ka mid yahay dadka dareenku ku yaryahay, oo aan eegin waxa ay ku kacayaan, qawl iyo ficil, iney dhaawac weyn u geysanayaan dadka dad ugu dhow ama walaalohooda Muslimiinta ah, Taasoo ah mid aan diintu ogolayn, laakiin aan isagu cid xumay ama dhaawac is lahayne sidaasba aqoon darrada iyo qaafilnimadu ka tahay, hayeeshee, niyad wanaaggu meeshan oo kale uma shafaaca qaadayo, waayo niyadda wanaagsan keligeed kuma filna, waa inuu camal wanaagsan ku daraa.. Wexey kaloo noqon kartaa, arrin uu ula kacayo, ama isaga iyo gabadha soo weceysaa isla ogyihiin, in adiga lagaaga caraysiiyo, ka dibna aad gurigaaga ka tagto iyo caruurtaada..Sababa kalena wey dhici karaan.

Laakiinse waxa hadda na khuseeya waa waxa muuqda.. waana laba arrin.. Tan ninkaagu samaynayo iyo tan adiga kula gudboon..

Tan Ninkaagu ku kacayo waan tilmaamay oo waa dareen xumo, iyo xikmad la’aan arrinta uu sameeyey, waxaaba Ilaahay loogu mahadiyaa inuu ilaa hadda bed qabo, oo xagaaga aan wax ka gaarin, nacasnimadiisa ayuuna eersan lahaa..Ninka hawshiisoo kale gala waxaa looga baahan yahay inuu dawladaha kala maareeyo, oo wax kala asturo!

Tan Taladana waxaan dhihi lahaa, hadey tahay garasha la’aan iyo tahay ula kacba, inaad fal celiso oo gurigaaga ka tagto, kugulama talinayo, hadey sababta uu u sameeyey garasha la’aan tahay in la dareensiiyo, oo aad u sabirto arrimaha kale ee guurka aad ku qabto, ayaa fiican.. Haduu ula kac u samaynayana inaad ujeedadooda u fuliso ilama aha, ee gurigaaga ku fara adayg, oo yaan dhayal lagaaga dumin ama lagaa saarin, adigaa u xaq leh inaad ku sugnaato..imtixaanka hadii aad wax yar ku sabirtidna wax badan ayaa mustaqbalka is bedeli doona inshallaahu..

Laba gooreba ninkaaga inaad u caddaysid weeye waxa uu samaynayaa iney qalad tahay, dareenkaagana uu dhaawacayo.. Shareecada Islaamku wexey na fartay xawayaanka bahiimada ah in dareenkiisa la dhawro, oo nebigu calayhi salaatu wasalaam wuxuu amaray: neefka la qalayo inaan mindida hortiisa lagu soofayn!! Inaan Mindi saawira lagu kirkirin! iyadoo dareenka neefka la dhawrayo! xagee joogaa dareenka qof Muslima, oo adiga kuu dhow weliba oo aad gogol wadaag tihiin? waxaa loo baahan yahay qofka muslimkaa inuu lahaado dareen iyo feejignaan, si uu uga digtoonaado wixii walaalihiis iyo dadka gacalka ah dareenkooda dhaawici kara, wabillaahi tawfiiq..

Friday, October 21, 2016

SHEIKH MOHAMED IDIRIS ILA TALI: DAACAD UMA AHAYN GABADHA MARKI HORE LAKINSE....

2:06 AM 0
Asalamu caleykum sheikh.

waxan ahay wiil dhalinyar ah oo joogo dalka … (Africa) shiikhow waxan xariir lalaha gabar soomaliyeed muda afar sano(4years),bilowgii xarirka aya waxanu wada soonay soon sunna ah si uu ILAAHAY sharta noga qabto, ALHAMDULILAH ILAAHAY wuu noo aqbalay ducadeena, oo goob walba oo ay iigu timaadaba kuma aanan dhicin xaaraan, balse waan la baashaali jiirey oo kaliya anigo kacabsi qaba inuu calafkaynu kalawarego.

Mudadasi waxay igula dhaqmi jirtay si wanagsan oo naxaris leh oo way ii sabri jirtay balse aniga waan kujesjesi jirey oo xata daacad uma aheyn, laakinse si xad dhaaf ah ayaan ujeclahay,muda kadib ayaa waxaa dacday in dad balaayo naga dhax abureen ayadana waxay bilowday in ay igu jesjesta ….

kadib aniga waxaan go’ansaday in aan xarirka jaro ILAAHAY dartisna isagadhafo oo xata soon sunna ah ayan soomay si an niyada ugabixiyo….

shiekh s’uasha waxa weeye: waan iskudayay in aan niyadeyda ka baxsho laakinse waan kabixin la’ahay oo waswas bay igu riday, waqtiga salada xata niyadeyda ayey kusoo baxeysa, murug iyo walbahar xad dhaaf ayan kaqaday ee sheqow maxan sameeya?...shiekh iiga soo jawab ILAAHAY ha ku barakeyo oo qoralkeyga waxba haa u arkin waayo afsomaligu si fiican uma aqaano.JazakaAllah.
=========================================

JAWAABTA SHEIKH MOHAMED IDIRIS XAFIDAHULAAH
Wcs Adeer Khayr Allaha ku siiyo, waxaad i weydiisey was waaska iyo murugada hadda kaa haysata gabadha aad kala hadheen, laakiin ima aadan weydiin xiriirkiina hore inuu sharci ahaa iyo in kale? Waxaan jeclahay marka hore inaan kuu sheego, xiriir kasta oo wiil iyo gabar aan nikaax isu qaban maxramna isu ahayn, oo meel ku keliyaysta in sheydaan saddex ku noqonaayo, waa alxamdulilaah oo idinka hadda xaaraantii weynayd ee sinada kuma dhicin Ilaahay ayaa idinkaga badbaadiyey, laakiin khatar weyn ayaad gasheen, (Baashaalka) arrinka aad ku tilmaantayna waa dembi isaga laftiisa, ku jees jeeska adiga iyo iyadaba idinka dhacay isaguna arrin fiican maaha oo waa dembi..

Waxaa aad u fiican inaad ku fekertey inaad adiguba walaala leedahay, oo aadan jeclayn in la xumeeyo, Ilaahayna aad xusuusato, Ilaahay hakuu siyaadiyo iimaan iyo xishood..Hana kaa xifdiyo xumaanta..

Arrinka Murugada oo hadda ku haya sida aan dareemayo wuxuu isugu jiraa jacaylka aad gabadha u haysey, iyo dembiyadii aad ka gashay qaarkood, inaad muddo la baashaashay, guurna ay kaa rajayneysay, xiriirkana aad u goysey..Taasna arrin wanaagsan maaha, waana wax Islaamku u diidayo gabdho iyo wiilal aan xarig isu hayn inaaney isku dhex yaacin, ama laysku dhex sii deyn..Sharciguna waa wuxuu xuduudaha ugu kala dhigay si labada dhinacba looga dhawro dhibaatooyinka ka imaan kara xiriirka aan sharciga ahayn..

Waxaan kugu la talin lahaa Adeer hadii aad gabadha jeceshahay, awoodna aad guurka u hayso, inaad gabadha reerkeeda ka doonto, si sharciyana baahida jacaylkaaga ku gaarto, oo guri idin wada kulmiyo.. Inta taas ka horaysana inaad iska ilaaliso (Baashaalka) ilaa nikaax kuu qabto gabadha, meel cidlaana aydaan ku kulmin si aan sheydaan idiinka faa’iidaysan..

Haddii aadan guur awoodi karin, waxaa taladu u muuqataa inaad ka dheeraato, ilaahayna u barido, inuu khayr ku irzaaqo, adigana Ilaahay khayr kugu irzaaqo, salaadda iyo sabirkana badso, kana fogow wixii ku xusuusin kara arrimahaas, cilmiga iyo cibaadadana wehesho, qofkii ku mashquulaa wax walba oo kale ayagaa bedel uga noqda, Qur’aanka Kariimka ahna la saaxiib, jirka iyo ruuxdaba dhis, oo sportiga ha moogaan, Ilaahayna Tawfiiqda ha ku waafajiyo…

Thursday, October 20, 2016

SHEIKH MOHAMED IDIRIS ILA TALI: XAASKEYGA MAJECLI, EE MA ISKA FURAA?Jawabta shikha waa kaa yaabin doonta.

12:33 AM 0
Asc sh mohamed idriis,

Bacdal salaan shiikhow waxaan qabaaa xaas aan wali ii curan oo dhawaan aan gursaday waana kufududaaday gurkeeda hase yeeshee maahan qof xun waa qof intii naag wacantahay wacan aqlaaq leh ina adeecda laakin maahan dookhayga, marka shiikhow waxaan rabaaa inaan iska furo oo tu kaloo dookhaygaa raadsado! marka maxaad i gula talin lahayd shiikhow?
-----------------------//--------------------//--------------
JAWAABTA SH MOHAMED IDIRIS XAFIDAHULAAH
Wacaylaykuma Salaam Saaxiib,

Waxaa laga weriyey Khaliifkii 2aad ee Islaamka Cumar Radiyallahu Canhu mar uu qoyska kala talinayey nin yiri xaaska ma jecli: (Guryaha oo dhan Jacayl Keliya Laguma Dhisin).. 

Waa dhab saaxiibow in Jacaylku yahay isha ugu weyn ee geedka gurigu ka cabbo, kuna adkaado, hayeeshee ma aha isha keliya, waxaa jira dhaqan, macruuf, naxariis, abaal iyo nolol labada wadaaga isku haysa, ka dibna waxaa jira, ilmo ka dhashay labadii dhiig oo isku milmay ka samaysmay oo aan kala go'i karin..

Waxaa kaloo jira saaxiibow jacaylku hal maalin masoo wada dego, ee sida ilmaha ayuu dhashaa, fariistaa, gurguurtaa, istaagaa, socdaa oo xoogsadaa.. Wuxuu la koraa dhaqanka iyo micaamilka, sheekada iyo dhegeysiga, dhaq dhaqaaqa iyo socdaalka nolosha, intaasoo dhan waxaa kasii muhiimsan isla jaanqaadka xiriirka gaarka ah ee qolka jiifka, iyo sida gaardiga la isula helo!

Intaa hadaad milicsato saaxiib, Gabadha wanaag baad ka sheegtay adoo ku mahadsan, akhlaaq iyo daacadnimo ayaad ku tilmaantay, waa astaamo ay yartahay in laysla helo! Gabadha weli waad isku cusub tihiin, waqtiguna waa kooban yahay, waxaanan u badinayaa waxa aad qoonsaneyso ee aad leedahay (dookhayga maaha) iney sabab u tahay ineydaan weli si fiican isu baran.. Waqtina aad u baahantahay gacalada aad ku sii barato.. Waxaan kale oo dhici karta maskaxdaada iney weli doobnimadii iyo kala door doorashadii weli ku dambayso, oo sawirka tii kuu sawirnayd aad iyada ka dhex goobeyso, hayeeshee hadaad ku qanacdo inaad guursatey, oo gacalo guriga kuu joogto, waxaa dhici karta inaad dookhaagii ayaama ka dib ka dhex hesho..

Sidaa awgeed saaxiib, iyadoo furriinku bannaanyahay hadii xal kale la waayo, ayaan kugula talin lahaa inaadan deg degin, godobna gelin, nabsina galabsan, ee isku daydo gabadhaa wanaagsan inaad la sheekaysato, qalbigeeda u dhacdo, si dhab ah isugu daydo inaad waxa aad jeceshahay kala soo baxdo, waxaa dhici karta in caad kaa saaranyahay, ama hadda aanu kuu muuqan, khayr kale oo badanna inuu ku duugan yahay wey dhici kartaa, Ilaahay ha isku kiin khayro!

Wednesday, October 19, 2016

SH MOHAMED IDIRIS ILA TALI: MAXAA NAAG KALE COMMENT UGU QORTAY BEY IGA TAGTAY.

12:38 AM 0
Sheekhow gabar ayaan is jeclaanay, waan is guursanney, iyada waxaa u soo baxay dhoof hawshiisu u socotey, wey baxday, anigana wadankii Afrika ayaan ku haray, markey xagga tagtay ayey ila soo hadashay wexey tiri: (Aan isugu imaano wadanka........) oo yurub ah ee u soo tahriib! Waxaan iri waa yahay!

Sheekhaygow waan tahriibey intaanan wadankii ka bixin ayaa laysoo qabtay, 20 cisho ayaan xabsi ku jirey, oo ku rafaaday.. Ka dib ayaa la iga soo daayey!

Maalinkii ku xigey ayaan haddana tahriibkii galay, xuduuddaa laygu qabtay 15 cisho ayaan haddana xirnaa, lacag baan iska bixiyey waan kasoo baxay xabsigii! Yeel kadeede hadda tahriib kale naf iyo niyad midna uma hayo.. 

Waxaase igu dhacay wax intaaba iiga daran oo ah, xaaskaygii oo aan sku dhacnay, sababtana anigaa qaladka lahaa oo gabar ayaan sawirkeeda facebooga waxaan ku qoray tacliiq (comment) aan leeyahay: waa qurux badantahay, waan ka helay! 


Sheekhow kelmadaas kaftan iga ahayd ayaa la iga raacay, xaaskaygii wexey taagantahay illaa wa illaa isoo fur, hadii kale waan is fasakhayaa! Anigana waan jeclahay, laba goor ayaan xabsi u galay si aan ugu tago, maxaan sameeyaa Ila tali!
=========================
JAWAABTA SH MOHAMED IDIRIS XAFIDAHULAAH.


Saaxiibka warqaddaa soo qoray waxaan leeyahay: 

Saaxiib waan ka xumahay murugada kaa haysa gabadhii aad jacaylka la wadaagtey oo kaa fogaatey, mugdina idin soo kala dhexgalay, in kastoo aanan ogayn adna ii sheegin iney jacaylka kula wadaagto iyo inuu dhankaaga keliya yahay, yeel kadeede mar hadii nikaax isu kiin qabtay waa gar inaad jeclaato iyana aad jacaylka mid la mid ah ka malayso..

Laba arrin ayaan filayaa saaxiib iney xiriirkiina sumaysay: midda 1aad waa kala fogaanta aad kala fogaateen, hadii jirku kala fogaadana marar badan qalbiyadaa kala fogaada, sidaa awgeed ayaanan marna kula talin wiilasha iney xaaskooda meel fog oo aaney gaari karin iyo qurbe isaga diraan, iyaguna Afrika kaga haraan, taasoo marar badan fashil iyo kala tag ku dhamaata.. Midda 2aad na waa falaad xumada aad samaysay ee aad gabar ajnebi kaa ah afka la laacdey taasina xaaskaaga ka masayrsiisay kana xanaajisey, xaqna wey u leedahay.. Waxaanse dareemayaa inaaney taasi sababta keliya ahayn ee ay furriinka ugu dhegtey, ee awal bay ul booca kuugu tukubeysey, markaad qaladkaa la timina fursad laysku kaa raacsiiyo ayey noqotay..


Si kastaba ha ahaatee, saaxiib calafku waa qoran yahay, meesha khayrku ku jirana Ilaahay baa og, innaga dadaal ayaa inna saaran, laakiin shey qalbiga innagaga dhegganaa hadaan weyno maaha inaan murug u dhimanno oo nolosha ka quusanno, waxaaba dhici karta dhib la innaga duwey inuu ahaa, wixii Ilaahay innoo dooro ayaana khayrku innoogu jiraa, qaladkana wax baa laga bartaa ee lalama joogsado, sidaa awgeed waxaan ku dhihi lahaa, gabadha isku day inaad qanciso haddaad celin weydo, ama ay ku cafin weydana, ha isku curyaamina ee u ducey, adna ducayso, mid walbana Ilaahay dhankiisa ha u irzaaqo, buufiska iyo tahriibkuna yuu kula tegin ee dhulka aad joogto iyo hareerahaaga isku day inaad nolol ka samaysato, hadey guur noqotana kuwa kula jooga oo aan kaa tegin oo ku illowsiiya tii hore ayaad arki doontaa inshallah, jacaylkuna mar walba wuxuu ku fiican yahay inuu laba lugood ku socdo, riziqana Ilaahay baa qoray ee wixii Ilaahay ku siiyo iimaanso, noloshana rajo iyo himilo qurux badan ku qaabil, waxaad arki doontaa wadooyin badan oo hortaada ka hillaacaya, Salaadda iyo Sabirkana Kaalmayso, Wabillaahi Tawfiiq..

Monday, July 4, 2016

SH MOHAMED IDIRIS OO SHEEGAY MAALINTA CIIDA TAHAY(Video)

11:18 AM 0
                                                                                                                                                                    Sh mohamed Idiris XafidahuLAAH oo Maka Jooga ayaa waxuu pageka uu facebook ku leeyahay kaga hadlay maalin ciidul fitriga, asagoo jooga Haramka.

Waxuu Yiri Maalinta Ciida Waa Arbacada, hoos ka daawo Videoga waxyar bu soconayaa.

Wednesday, May 4, 2016

KOOW IYO TOBAN WAXYAABOOD OO KAA HOR ISTAAGI KARO IN AAD HORUMAR SAMEYSO.

6:54 AM 0
Dabcan dad badan waxay isbedel u sameyn waayeen, waxaa jira waxyaabo dib u celinaya, kana hortaagan inay gaaraan horumar la taaban karo. Halkan hoose waxaa ku xusan 11 waxyaabood oo u baahan inaad naftaada ka joojiso:

1. Jooji in aad dayacdo Salaada iyo guud ahaan cibaadada Alle. Maalin kasta shan waqti waxaan maqalnaa "U kaalaya Guusha" haddii aadan ka jawaabin isla marki, Shanta Salaadood waqtigooda aadan tukan, ma jiro waqti kale aad maareyn karto, mar kastana qofka wuxuu ahaanayaa mashquul aan hadana wax u qabsoomin.


2. Jooji inaad naftaada been u sheegto, Khiyaalina aad ku maaweliso. Nolosheenu waxay horumartaa keliya markaan fursadaha ka faa’iideysano, fursada ugu horeysa uguna daran aan qaadan karno waa inaan nafteena daacad u noqono.

3. Jooji inaad waqti ku lumiso asxaabta xun. – Noloshu way gaaban tahay inaad waqti ku lumiso dad farxada kaa qaada. Kala garo nooca saaxiibada aad leedahay. Saaxiibka xun keliya gadaal buu kuu dhigaa.


4. Jooji inaad ka cararto dhibtaada. – Wajah dhibtaada ilaa aad ka xalliso. Ma aha wax sahlan mana jiro qof aduunka dhib la’aan ah. Xaqiiqdii waxaa na soo maraya murugo, kadeed, kufid & dhaawac, Nolosha ayaa sidaa ah. Waxaa la rabaa in la wajaho, la aqbalo, laga feejignaado lana xalliyo. Tani waa waxa kaa dhigaya qofka aad rabto inaad noqoto.

5. Jooji inaad ceebaha dadka kale raadiso, ka dibna aad samayso cambaarayn, caay iyo cillad sheegid joogta ah. Xaqiiqdii tani waxay kaa hor istaagaysaa inaad dantaada mashquul ku noqoto, horumarna aad sameyso.

6. Jooji inaad Xaasid noqoto. – Xaasidnimadu waa inaad xisaabiso waxyaabo qof kale Alle ku maneystay aadna uga xumaato, inti aad adiga taada xisaabin lahayd.

7. Jooji inaad ku noolaato xusuusta wixi aad soo martay. – wixi horay u dhacay waa taariikh, weligood ma soo noqonayaan. Welwelka & xusuustooda waxay kaa qaadayaan farxada maanta.

8. Jooji cabsida inaad khalad sameyso. – Inaad wax sameyso oo qalado waxay toban jeer ka fiican tahay inaadan waxba sameyn. Guul kasta waxay leedahay fashil badan, fashil kastana guul ayuu ku gaarsiiyaa ugu dambeynti.

9. Jooji isku dayga inaad farxad iibsato ama dad kale ka raadiso. – Haddii aadan ku faraxsaneyn qofka aad tahay & waxa aad heysato ma jiro cid kale oo farxad ku siin karta & waxyaabo qaali ah oo farxad kuu keeni kara. Waa inaad deganaan & qanacsanaan u abuurtaa naftaada markaa ayaad cid kale siin kartaa.


10. Jooji caajis, wahsi & inaad iska fadhido. – Nafta oo aad siiso firaaqo badan ay isaga fadhido, ku fakirto ama hawl kuu taalay aad ka wahsato waxay horseedaan burbur & fasahaad. Ku mashquuli nafta shaqo, wax aqris & sameyn wax faa’iido kuu leh.

11. Jooji inaad midabkaaga bedesho. – In badan waxay muuqooda ku lumiyeen banaanka ka raadin qurux. Kuma qanacsana naftooda. Mar haddii qofku yahay Abuurti Alle ma jiro wax ka qurxoon. Yaa la isu bedelayaa? Ma qof aan Asal “original” kugu rabin oo qurux aan dabiici ahayn “artificial” kugu raacaya?

Sunday, January 31, 2016

Qiso Xikmad badan: Shiikhow ninkeyga ii sixir si uu ii jeclaado oo naagkale u jeclaan.

9:49 AM 0
Gabadh baa waxay u timi Nin Culimo ah magaalo uu joogay, iyadoo u malaynaysa inuu saaxir yahay waxa ayna ka dalbatay in uu u sameeyo sixir uu ninkeedu ku jeclaado si uu san u arag naag kale oo adduunka ku nool .
Wadaadkii baa gabadhii ku yiri waxa aad doonaysaa wax sahlan maahee diyaar miyaad u tahay in aad kasoo baxdo wax walba oo dhiba oo loo maraayo waxay tidhi haa .... 


wuxuu yidhi arrinkaagu kuuma suuro gelaayo in aad libaax qoortiis tin kasoo goyso maahee waxay tidhi libaax aa...?!!! wadaadkii haah ayuu ku dhahay ::!! gabadhii way baxday oo duurka ayay gashay si ay libaax tin uga soo gooyso ilaa dhib badan ay ka martay .. waxaa kaloo ooy dareentay libaaxaan ilaa uu dhergo in aan loo dhowaan karin waxay bilowday sidii ay u dherjin lahayd kadib way ku guulaysatay in libaaxii ay dul tagto oo madaxa u salaaxdo tintiina kasoo goyso.


 kadib iyadoo faraxsan ayay usoo orodday ninkii sheikha ahaa balse ay u malaynayso inuu saaxir yahay waxayna u keentay Tintii ay libaaxa kasoo goysay...!!! wadaadkii baa su'aalay qaabkii ay u heshay tintaan ?? markaasay ka faallootay oo u sharaxday intii dhib ay u martay intay usoo samirtay ba' iyo hooggii ka raacay iyo qaabkii ay ugu guulaysatay qalbiga Libaaxa !! Halkay wadaadkii sixir ka sugaysay ayuu ugu jawaabay ... Jawaab Fudud xikmad leh wuxuuna Ku yidhi Addoontii Allaay :?! Ninkaagu Libaaxaas Kama dhib badna !!!! U samee Intaad Libaaxa u samaysay oo kale Adduunka Cidna Kuguma Doorsanayee ?!!!

Friday, January 29, 2016

Qiso cajiib ah: Ninkii Qamri cabka aha ee sabab u noqtay inay muslimto.

3:24 PM 0
nin carab ah oo deggan yurub kaasoo caadaystay inuu baarka habeen walba iska aado si uu uga soo cabbo dhowr koob oo khamri ah. Markuu qamriga ka dhergaba wuxuu la taliyaa naag cadaan ah oo iyaduna sidoo kale inay qamrada cabto u timaada baarka. Habeen walba markuu Qamriga ka dherga ayuu naagta la taliyaa isagoo leh, "Maxaad umuslimi weydey?". "Islaamku waa wax wanaagsan". "isku day inaad islaamto si'aad janada ugasho". Habeen walba intaasuu usheegaa, markuu qamrada iska dherjiyaba. Iyaduna way iska dhegaysataa. 

laakiin todobaad todobaadyada fasaxa ka mid ah ayay soo waraysatay dadka oo waraysi dheer gashay waxa islaamku yahay, markaasaa loo shegayay oo lagu yiri, wakaa islamic center ee orodoo soo weydii nagana tag, oo xataa kuwii aqoonta u lahaa dhibsadeen markay su'aasha ka badisay si'ay halkaa ugaga soo hesho jawabtay rabto. Waxay tagtay islamic senterkii markaasay iyaguna siiyeen buugaagta laga barto islaamka iyo quraankoo ku tarjuman afkay taqaanno. wey isaga soo tagtay. Aqris badan ka bacdi bay ku qanacday islaamkii oo muslintay. Maalin bay ku soo noqotay wiilkii carabka ahaa baarkii ay kawada cabi jireen khamriga iyadoo xijaaban markan. 


Wiilkii carabka ahaa ee sababta u ahaa in ay muslimto ayey isha isku dhufteen isagoo qamrigiisi iska cabayo oo mashquulsan. Markuu arkay bay usoo dhawaatay markaasuu u istaagay isagoo leh "Maxaad isku samaysay?". Markaasay ku tiri "Oo maxaa dhacay?". Isagoo koobkii qamriga gacanta ku laalaadinaya ayuu ugu jawaabay "Sidan maadan ahaan jirin, markii hore waad qaawaneyd haaf baad haddana dharkaagu waa dhanyahay". Markaasay ku tiri "Waxaan kugu imid in aan kuu bishaareeyo oo waan muslimay". "oo maashaa Alaah sidee ku dhacday?". ayuu su aalay isagoo dhacdhacaya. 


Waxey ku tiri, "Markalaan kuu warami doonaye, waxaanan halkan u imid inaan kuu mahad celiyo" iyadoo hadalkii sii wadata ayay ku dartay "waxaad ubaahato waan kusiin ileen adigaa lahaa sababta wadadaan macaanka badan aan ugu hanuunay". Isagoo yaaban ayuu weydiiyey"Sidee yacni?".sidee aniga aan sabab kugu ahaa in aad hanuunto? Waxey tiri, "Waxey ku tiri, ma xasuusaneysid wayo waad saqraansaneyd markaas ee iga codso maxaan kuu ofiyaa oo codsiya kuuguna abaal gudaa" Intaas ayay hadalkii ku soo koobtay iyadoo hortaagan weli isagii. Markaasuu ku jawaabay "Walaahi haday sidaas tahay waynu isnaqaanaa labadeennu adna xaas matihid anna marwo malihiye ka warran haddaan anna gacantaada kutoobad keeno oo aynu is aroosno?". Waxba kama qabo" ayay ugu jawaabtay. 

Illaa hadana way wada noolyihiin Ilaahay ha isku barakeeyo aamiin. Salaama

Tuesday, January 26, 2016

Qiso xiiso badan oo aad u faaido badan: Ninki danyarta ahaa iyo shimbirtii caqliga badneed.

9:25 AM 0
Nin iska danyar ahaa xoogsatana ahaa oo muruq maal ah, oo  ku nolaa meel magaalo ah oo keyn badan ku dhaweyd, ayaa wuxuu ahaa nin xaabeeysto ah oo xaabada ii biya, wuxuu ahaa nin iska danyar ah dhar wuxuu ka heystay labo qeyd iyo kabo dhamaaday,

dameerna waa uu lahaa oo xaabada ku soo qaato Aroorta hore dhirtu, sidaa ugameysan fogeyn magaalada oo waxay aheyd magaalo uu xaalufku gaarin dadkeeduna dhaqaaleeyan dhirta. waabariga markuu salaada tukado ayuu ninkaasi dameerkiisa ku xiri jidhay hogaanka oo ka xeysan jidhay oo uu u dhaqaaqi jidhay keyn uu asteestay oo dhinaca xaabada ku wanaagsaneed dhirbadana,
dhir badan oo dhimatay oo dhacdayna tiil halkaas oo uu ka soo guran jidhay xaabada , dhir qoyan muugoyn jidhinee, dabadeedna halkaas ayuu ku rari jidhay dameerkiisa. Oo loodhka ama rarka kaliya .dameerka markuu keeno magaalada ayaa goobo mehrado ah oo makhaayado oo uu yaqiin oo macmiil u ahaa uu ka iibin jidhay barqo horaba wuxuu heli jidhay masaariiftiisa.Nin aad u farxad badan kaftan badan buu ahaa Saabir ah Oo risiqa Illaah u qoray ku kalsoon, ogna in Illaah arsaaqdiisuna ay kordhi karto.
Hadaba goobta uu xaabada ka soo guran jidhay waxaa joogay isagana shinbir uu Illaah awood u siiyey inuu hadlo , Shinbirkaas markuu ninkaa halkaa yimaado ayuu ku dhawaaqi jidhay oo ku celcelin jidhay weedh kaliya oo ah
” Dad ladnaan ma’xejiyo ”
Dad ladnaan ma’xejiyo
Dad ladnaan ma’xejiyo

Ninkaasi intuu dhoola cadeeyo markuu xaabda guranayo ayuu odhan jidhay war shinbirkan iska waaqwaaqleh iska hadlaya bal anaga Illaah muuna siiyo ladnaanta anagaa lanaga furfureen oo xejisan laheyn.
Waxay sidaas iskugu jawaabaanba isaga iyo shinbirkaasba maalin maalmaha ka mid shinbirkii hadalka kordhiyey oo ku yidhi war nin yahow xaabada guranaya waa diga i yidhaahda anaa xejisanaya ladnaantee bari laga bilaabo ladnaan baad galeysaaye ee bal ku tala galoo xejiso.
Oo sidee baan ladnaanta ku gaarayaa ayuu yidhi? Illaah baa ku gartay buu shinbirkii yidhiye markaad aad ka baxeyso geed dahan ee aad xaabada wadato eeg dhinacaaga midig ee geedka caleemaha waa weyn magaciisa waxba ha’iweydiine caleentiisa waxoogaa gunto oo qaado,
baraa lagu weydiin donaaye,
Waaga haduu baryana  haku soo kalihin keyntanee magaalada bartankeeda iska maax raga aad la kulanto ee wax ku weydiiya u sheeg inaad wax dabiibi karto,
sidii buu yeelay ninkii oo waagii markii uu baryey dameerkii xarigga kama furinee intuu iska fooldhaqday cadeyday shaax iyo Illaah wuxuu u calfay cabay
Magaalda dhulaanu gaari jidhin bartankeeda iska dhex maaxay , barqadiiba waxaa uu la kulmay askarka ka tirsan boqorkii markaa maamuli jidhay ciidamadiisa ka mid ah magaaldaas,

ragiibaa is hortaagay yidhi inna ba maka taqaan dabiibka ninkaagan, markas buu yidhi haa Illaah baa i baray oo anigu waan shafiyaa dawooyinkana waan akhanaa, qofkii markaa Illaah u garto daawadaa waa ku bogsadaa.
Ina keen bey yidhaahdeen hadaba baryahanba nin wax dabiiba la rabay oo la raadinayey dadbadana wey isku taareen, oo inan baan ku geyn donaaye haduu Illaah kugu dabiibo gacan taada dheregtay maante.
waala soo kaxeeyey oo boqorka aqalkiisa la keenay inan bukta ayaa ladoonayey in loogeeyo boqorkii bey sii mariyeen oo dhaheen nin kan baan soo helnay oo dabiiba.
Boqorkii baa intuu qoslay yidhi warmaxaad qabataa,
Ayuu yidhi xabadaan soo gudhaa
Dad hore miyaad dabiibtay?
Markaas buu yidhi mayee anaa og oo inantan waan dabiibaya aniga igu tijaabiya
Inantii baa la dul geeyey oo caleentii gacanta ku hayey yidhi qaadh calaasho , inantu markaa waa qalfoof sariirtaba lagama garanayo, waa qof diifeysan, hase yeeshee quruxdii uu Illaah siiyey ay ka sii muuqato lafuhu ay ka soo wada baxeen daamanku ay hoos iskugu dhaceen hilibkii kawada dhamaaday oo wada lafo ah.
Inantii ileen waa qof u dadaaleysa nafteeda caleyntii bay afka galisay waxoogaa haday raamsatayba wey soo fariisatay,ayaamo kadibna waa ladnaatay.
Boqorkiibaa dabadeed ninkii u yeedhay oo yidhi balan baa iga dhacday Waana fulinayaa Illaahay hortii inantaa markey ladnaato adaa guursanaya,
dad kale malihi oon iyada aheyne adaa gacan yare adiga ani ii ah
Kaxeeya ayuu yidhi oo u soo labisa oo ninkan dharka ka soo fura,dharfiican baa loo soo galiyey,oo waa lagu soo celiyey,oo inantii ayaa lagu mehriyey.
Subaxii habeenkii uu la aqal galayey subaxeedii ayuu boqorku u yeedhay mafaatiixdii khasriga oo dhan buu u dhiibay oo yidhi adigaa ka masuula khasrigaas dhan,meelkasta wax yaaliin waa kuwaa mufaatiixdii,
muftaaxaa qudha kala hadhay maskhin kaliya ayaan ku ogaleyn waana kan muftaaxan furo,kaana anaa kala hadhay ayuu yidhi, ninkii waa hagaag buu yidhi raalibaan ahay. Farxad iyo reereyn buu ku maamulay aqalkii iyo baladkii iyo wadankii taladiisa loo dhiibay. Hase yeeshe markuumudo joogay,ayey talo ku dhalatay,inantii buu hiif kala bixi waayey aabahaa ani ima aaminsana,iguma kalsoona haday daacadka tahay kalsoonidiisu xilka ani igu wareejiyey muxuu muftaaxa iigala hadhay kaliya oo iigu dhiibi waayey inta kalana anaa gacanta ku haya , anu matuug baan ahay ma’waxbaan xadaa ima aaminsana wixii ugu wanaagsanaa malaha halkaas ayuu ku jidhaa inantii waxay tidhi
war sheydaanka iska naar
war nicmaad ku jirtaa
war xaboole ayaad ahaan jirtay
Waaka Illaah barwaaqo ku siiyey khasrigu ninku isagaa leh oo boqorkiiya haduu muftaax kaliya kaala hadho oo intii kale ku dhiibay maad Alxamdu lilaah tidhaahdid sheydaanka iska naartid.
dhinacii buu saas dhulka la dhigi kariwaayey habeenba habeenka ka danbeeya caradu sii badata, inantii iyo isaguu muran waaga ugu baryaa Orad aabahaa u tagoo muftaaxa wuxuu iiga heysto soo weydii,bal kaba soo qaad adu muftaaxi buu ka hari waayey.
Inantiina wey u bixi weyday oo tidhi aabahay waxaan wey diiyo oo naga maqan oo naga heysto garan mayo wax walba gacantaan ku heysanaa sheydaanka iska naar ladnaantaa baa ku jirtaaye xajiso waa kukaa Maalintii danbe isagii boqorkii isku maqiiqay oo u tagay isku catiiray oo yidhi baqorow iguma kalsoonid ani? boqorkii baa qoslay oo yidhi waayo maxaan kugu kalsoonaan waayey,(ninkii)ma’tuugbaab ahay anigu?(boqorkii) xaashaa kalaah oo wax ceeeb kugu arkay majidho.
(ninkii)boqorow oo hadaa maxaad muftaaxa iigala hadhay? (boqorkii)War muftaaxaa iska ilow oo inanow heyso howshaada
oo dee khasriga dhan adaa maamula anigu hadaan hal muftaaxkala hadhay maxaa kaa galay!. maalintaa ka tag hadana maalin labaad buu u yimid markuu mudo joogay.
Oo yidhi intaas inanta aan qabaa aad dhashay iga tahay hadaad muftaaxa ii dhiibin(boqorkii)waan ku dhiibayaa ayuu yidhi afar adoon halkan taagan yidhi qabta ninkan muftaaxan qaada makhsin uu sheegayo u fura alaabta ku jirtaa siiya isagana bananka u tuura.

Muftaaxii baa la soo qaaday afartii adoon oo gacmaha haya waa la furay mise waxaa ku jidha labadii qeyd ee uu xaabada ku guran jidhay iyo kabihii dhamaaday
dharkii baa laga furay intii baa loo xidhay isagoo ku qaylinaya ninkii war idaaya ayaa banaanka loo tuuray buulkiisii yaraa ayuu ku noqday isagoo ciilshoon subaxii xigtay ayuu dameerkii ka xeystay oo wuxuu tagay dhirtii, isagoo xaabada guranaya ayuu maqlay shinbirtii oo leh.
 Dad ladnaan ma’xejiyo ”
Dad ladnaan ma’xejiyo
Dad ladnaan ma’xejiyo
HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:


WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

Sunday, January 10, 2016

Qiso Jacayl oo faaido badan: waxuu yiri, xaaskeeygiyeey waa ku jeclahay kumana furayo.

1:22 PM 0
Yaasir wuxuu ku soonoqday Gurigiisa sida caadada u eheed kadib Waqti dheer oo uu ku soo qaatay Shaqadiisa iyo xafiiskiisa,waxaana guriga albaabkiisa kafurtay Maryama oo aheed Xaaskiisa,iyadoo aad u careysan waxaana meeshii ka biloowday dood iyo muran aad u xun.

sida caadiga ah qooys waliba wuu dhexmaraa qilaaf mana ahan mid ku cusub Yaasir iyo xaaskiisa in dood iyo muran dhaxmaro,balse maanta si xad dhaaf ah ayeey u doodeen,ilaa markii danbe maryama ay yaasir weydiisatay furiin.

yaasir arintii wuu ka carooday wayna u cuntami waysay inuu furo xaaskiisa uu aad ka u jecla.wuxuuna ku yari xaaskiisi:

“Abaayo bal isdaji oo sheeydaanka iska naar,miyaad waalatay”,
Waxay tiri “maya ma doonaayo inaan isdajiyo waa inaad I furtaa maanta waxkale oo socanaayo majiraan”
Yaasir wuu yaabay,markuu arkay xaaskiisa oo ku madax adeegtay in uu furo.
Yaasir wuxu jeebkiisa ka soobixiyay waraaq wuxuuna ku qoray sidatan:

“Anigoo ah yaasir Damiirkeeyga iyo maskaxdeeydana taam tahay waxan halkaan ku cadeeynaya inaan
Xaaskeeyga si xad dhaaf ah u jeclahay,mana doonaayo inaan Furo marnaba,raalina kama ihi qof aan ayada eheen”.

Wuxu dhexgaliyay waraaqadi bashqad,kadibna wuxu u dhiibay xaaskiisa,wuxuuna kabaxay guriga asiga oo careeysan.

Xaaskii yaasir xanaaqa oo ka tan badiyay dartiis maysan aqrin waxa waraaqada ku qoran waxayna saxiixday waraaqadi.
Yaasir wuxu iska aaday asxaabtiisa iyo magaalada,halka xaaskiisana ay guriga iska joogtay
Mudo dheer kadib markii uu xanaaqi daayay maryama ayay dib iskugu laabatay waxeyna nafteeda kula sheekeysatay sidaan soo socota:

Naa balo hesho maxad sameeysay?Ninkaagi oo ad jecleed miyaad I fur kutiri maanta, Xageed aadeeysa hadii uu ku furo ? Waxaa maskaxdeeda ku soolaalaabtay Su’aalo fara badan oo ay isweeydiisay..
Laakiin waa goor ay caanuhu haruubkii ka daateeen.
Saacado kadib waxa gurigi ku soolaabtay Yaasir oo ka yimid magaalada,
Yaasir wuu iska iloobay xanaaqi iyo caradi,wuxuuna iska soogalay qolkiisi jiifka.
Asagoon lahadlin xaaskiisa ayuu sitoos ah u soo abaaray qolkiisi,albaabkana wuu xirtay

Daqiiqado kadib waxaa u soo garaacay albaabka xaaskiisi oo qeeylineeysa, oo leh
“Iga fur albaabka inaan kula hadlo ayan doonayaa”,ayeey ku tiri yaasir.
yaasir oo si kor ah u hadlaaayo ayaa ugu jawaabay “maxaad dooneeysa?”
Waxay bilaawday ineey codkii u jilciso oo si dabacsanaan ku jirto kula hadasho yaasir.
Waxeyna mar kale ku tiri “Waan ku tuugaa Yaasirow iga fur albaabka waxan raba inaan kula hadlo”

Yaasir wuu laba labeeyay maka furta ma iska dhaafta,marki danbe wuxu go’aansaday inuu ka furo
Yaasir xaaskiisi waxay bilaawday ineey ooydo ayado ilintu ka da’eeyso ayeey ku tiri
“bax oo soo weeydii shiiqa dariskeena ah in hadii xaaskeeyga oo careeysan iga dalbato Furiin,aniga oo careeysan kadibna aan waraaq ugu qoro ma iga furmeeysa mise maya” ayeey tiri xaaski yaasir

Marayama ma oga in waxa warqada ku qoran eysan eheen furiin.
Yaasir ayaa weeydiiyay ineey ka shaleeyneeyso oo ayana ka xuntahay qaladka ay gashay,oo ayasan mardanbe u noqoneen wixi dhacay.
“waxay ku dhaaratay ilaahey magaciisa ineysan mardanbe ku dhihi doonin I fur iyo wax la mid ah waxana iga keenay caro mana u qasdin inaad I furto ayeey ku tiri maryamo.


Yaasir aya ku yiri xaaskiisi.
“abaayo Fur waraaqda oo aqri horta waxa ku qoran?”
Waxay aqrisay hadalki uu yaasir waraaqada ku qoray oo aha inuusan diyaar u eheen inuu furo xaaskiisa
Uuna aad u jecel yahay.

Faraxad darted Maryama way rumeeysan weeysay waxa ku qoran waraaqada,ilin aya ka soo dareertay indhaheeda,waxay bilaawday ineey Yaasir u mahadceliso.
Maryama waxay u noqotay cashar lama iloobaan ah dhacdadaasi,waxayna dib u wanaajisay xariirki

Ku dhawaaaday inuu bur-buro.

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:


WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA