SUPPORT WEBSITE

Thursday, December 1, 2016

SH MOHAMED IDIRIS ILA TALI: FURNIINKA MA DAMBI BAAN KU LEEYAHAY????

Sheeekh waxaa dhacday in hooyaday iyo aabahay kala tagaan aniga oo markaas dhashay, kadib hooyaday waxay go'aan ku gaadhay inay aniga i tuurto, mudo saddex bilood ah waxaa i hayey adeerkay, kadibna waxaa la ii geeyey ayeyday aabo oo mudo 10 sano ah i soo korinaysay.
Aabo mar kasta wuu i soo booqan jirey, inta badana caruurtiisa kale iyo reerkiisa ayuu joogi jirey, laakiin hooyoday 10kaa sano maanan arkin.
Waxaa dhacday 11 sano anoo jira iney hooyo ii timaado igana soo kaxayso ayeeyo, iyadoo arintaas ayeeyo aad uga xumaatay. Markaan hooyo soo raacay, oo gurida imi hooyo caruur kale ayey haysatey.


Hooyo waanu is fahmi weyney, iyaduna mar kasta wexey igu dhihi jirtey garacad ayaad tahay, kuma dhalin! maalin kasta murugo ayaan la ooyn jirey, waase adduun socda e mudo 7 sano ah ayaan hooyo sidii kula noolaa.
Wax kastaba halla soo maro, gabari haddey soo korto waa tii guur laga damco! waxaa dhacday in wiil uu reerkii iga soo doono.
Qofku hadduu duruufa badan soo maro waaya arag ayuu noqdaa. Intuuna isoo doonanin ayaan waxaan kula taliyey inuu caruurta aan walaalaha nahay aabohood iyo hooyo marka hore lasoo xidhiidho maadaama aan iyaga la noolahay, kadibna uu aabahay la xidhiidho.
Sidaasoo ay tahay arintii khilaaf badan ayey ka keeneen iyagoon hadana waxa ay tabanayaan sheeganaynin, mudo 2 bilood ah ayey arintii sidii ahayd, waxna lama dhaqaajin, dabadeedna aabo ayaa arrinkii maqlay, aabona hooyo ayuu la soo xidhiidhay si ay arintan uga wada hadlaan, hooyona waxey aabo ku tidhi waxaad ku taliso waxba kama qabo.
Hadana aabo mar 2aad wuxuu la hadlay adeer waxayna ku heshiiyeen inay arintii sidaas ku dhamaato kadib aabo arintii guurkayga ayuu guda galay sidaa ayaana meherkii ku dhacay.
Ka dib hooyo way is bedeshey, arintii guurkana wey ka xanaaqdey, waxayna igu tidhi guurkaaga waxaa ii dhaantey adigoo habeenba meel nin kula soo hoyda.!!


Ninka i guursadey iyo anigu laba waddan ayaanu kala joogney, hooyo bil ka dib wexey bilawday iney guriga iga erido oo tidhaahdo guriga aaabahaa ma leh, adiguna iskama lihid, ninkaaguna iskama laha, nin bini aadan ayaa iska lehe hada ii dhaaf..
kadib waan ka tegey gurigii anoon magaalada cidna kagaranaynin, maalmo ka dibna waxaan u dhoofay wadankii uu ninkaygu joogey, waxaanan kasoo laabtay anigoo uur leh, hooyo ayaan isku dayey inaan masloxo oo xumaanta ay qabto wanaag ugu badalo laakiin hooyo waxay igu tidhi gaal iyo islam ayeynu kala nahaye ha i sheeganin kuma dhalin aniguye.
Dad badan ayaa isku dayey inay hooyo iga maslaxaan laakiin waa la kari waayey, mudo kadibna waxaan dhalay ilmahaygii ugu horeeyey waxaana ku dhalay meel dhakhaatiirta mooyiye cid iyo ciirsi kale aanan ku haysanin iyadoo hooyaday guriga igu xiga degantahay, ninkaygiina iima iman karin waayo wadan kale ayuu joogaa.
kadib hooyo waxaan u tegey aniga oo umul ah, labada cagood intaan qabsaday ayaan weydiistey iney i cafiso, laakiin way i diidey, kaaga darane ilmihii aan umusha ku ahaa inta dhabteeda loo saaray ayey dhulka igaga tuurtay, maalinkaas ayaana hooyaday isugu kaaya danbaysey, mudo 2 sano ahna waanu kala maqanahay, waana ka rajo dhigay, waxaan sameeyona ma aqaan.
Waxaan u baahnaa 1: inaad ila taliso, ta 2, qisadan igu dhacday hadaan danbigeeda leeyahay iga qabato sheekhow khayr allah kusiiyee.
JAWAABTA SH MOHAMED IDIRIS XAFIDAHULAAH.
=======================================


Gabadhaas Waxaan leeyahay:
Adeer Ilaahay khayr ha ku siiyo, ummuurtaadana Allaha fududeeyo, Hooyana Allaha Cafiyo oo Jannadiisa geeyo,
Midda koowaad adeer adigu dembi kuma lihid furriinka ay hooyo iyo aabe ku kala tageen markii aad adduunkaba ku indha dillaacsatay..shaki kama jiro in furriinkaasu, sabab kasta ha lahaadee, adiga dhib kuu geystey, waana sida badanaaba dhacda markey aabaha iyo hooyadu kala tagaan, ilmuhu iney ku dhex dayacmaan. Adigase waxaa xoogaa kuu raacay xanaaqa xanuunka leh oo hooyo ka muuqanaya, oo aanan garan meesha uu salka ku hayo, ma aabahaa oo ay si xun ku kala tageen baa? Ma guurkaaga oo aan sooryadey mudnayd laga siin baa? ma sabab kaloo aan noo muuqan baa!
Yeelkadeede, si kasta oo hooyadu u xanaaqsantahay xaqeedu ma lumo mana guuro, wexeyna mudantahay in loo duceeyo, oo loo baarri falo, si kastoo ay kaaga cararto adigu ha ka cararin, wexey kugu samaysana ha ka fal celin waayo iskuma dhererin karto, lamana ficiltami karto, mar walba iyadaa kaa saxan, wexey kaaga saxantahay inaadan canaanan, ama goyn, ama guul guulin, ee markey gaf gashana lagu raacin laakiin lagu xumayn.


Hooyada qalbigeedu marna xumaan ma dhalo, laakiin waa dhici kartaa iney wax is moodsiiso, ama waa biniaadame wax ku gafto, laakiin haddii la sasabo, loo baarri falo, aan laga tegin, wexey u dhowdahay in raallinimadeeda lasoo ceshado..
Sidaa Awgeed Adeer adigu duruufta dalaaqa iyo kala tagga iyo wixii ka dhashay dembi kuma lihid, waxaanan kugu la talinayaa inaad hooyo xiriiriso, booqato, u ixsaan fasho, waxaad awooddo siiso, wax kasta oo ay kugu samayso aanad ka tegin, sheekaduna wexey cibra qaadasho u tahay, labada caruurta wada dhalay oo furriinka ku deg dega, ama dalbada, amase cawaaqibta ka dhalata aan aad uga fekerin, iyo waalidku isagoo xaq leh inuu caruurtiisa u dhimriyo, wabillaahi tawfiiq.

1 comment:

  1. Many thanks for this most informative information on Daily

    Current Affairs
    , GK and many more. Quality is better than quantity. Amazing write-up!”

    Trendslr

    ReplyDelete

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA