SUPPORT WEBSITE

Thursday, November 24, 2016

QISO FAAIDO BADAN: WUU II CEEB ASTURAY ALLE CEEBTIISA HA ASTUREE.

Nin sheikh caalim ah ayaa habeen waxa uu ku riyooday nin uu yaqaanay oo janada dhex jooga, markii la gaaray subaxii oo uu waagii baryey ayaa imaamkii waxa uu raadiyey ninkii uu xalay ku riyooday asagoo janada dhex jooga.

Markii uu u yimid ayaa imaamkii waxa uu ninkii ku yiri, ii sheeg, maxaa camal ah oo aad sameysaa, oo Alle swt ugu dhawaataa? Waayo xalay waxa aan arkay oo ku riyooday adigoo dhexmiranaya janada Allah mideeda ugu qiimaha badan, ninkii waa uu diiday in uu imaamkii uu uga jawaabo suaashiisi.
Imaamkii ayaa yiri, ILAAH baan kugu dhaariyee ii sheeg camalka aad sameysay anigana aan Allah swt ugu dhawaadee, si aan u helo Allah swt raxmadiisa.

Ninkii ayaa yiri Imaam baa tahay oo qisadeyda ma qarin kartid lakinse ii balanqaad in aadan dadka u sheegeynin magaceyga, imaamkii ayaa u balanqaaday in uusan magaciisa sheegi doonin, ninkii ayaa yiri waa yahee dhageyso qisada igu dhacday.


Waxaan guursaday gabar, marki aan guursaday oo guriga geystay ayaa waxa aan ogaaday in leedahay uur dhowr bilood ah oo aan anigu lahayn, waan naxay oo wax aan sameeyo ayaan garan waayey, waxaan go,aansaday in aan u ceeb qariyo, ehelkeyga iyo ehelkeedaba waan u diiday in ay xaaskeyga booqasho ugu yimaadaan si aan ugu ceeb qariyo oo aan loo ogaanin xaaskeyga in ay uur leedahay.

Waxaa la gaaray xiligii foosha, waxaan ugu yeeray umuliso, waxa ayna gabadhii ku dhashay guriga, waxaan soo qaaday cunugii ay dhashay waxey ahayd aroor hore oo ay soo dhawdahay salaada subax, cunugii ayaan dhigay irida masjidka anigana gudaha masjidka ayaan u gudbay. Waxaan tukaday salaad suno ah, banaanka ayaan usoo baxay waxaana arkay wiilkii yaraa oo ay ku xoonsanyihiin, dadkii xaafada, isla markaana ay is weydiinayaan cida soo dhigtay.


Waan soo qabtay cunigii dadkii ayaana ku iri wiilkaan hooyadiis ayadoo ka baqeyso ceeb ayey iska soo fogeysay, aniga ayaana qaadanaya oo ka faalo qaadayo gurigayga ayaana ku korsanayaa, waxaan u markhaati galiyey dadkii goobta joogay, kadib xaaskeyga ayaan tuulo kale u waday markhaatiyaal iyo sheikh cusub ayaana ula tagay si markale la iigu mehriyo.

Gabadhii hada waa xaaskeyga waxa ay ii dhashay ilmo badan naxariista aan u sameeyey waxa ay igu abaal guday in ay igu nooleyso jano aduun, aakhirana Allah swt ayaa waxa aan ka baryayaa in uu janadiisa nagu kulmiyo aniga iyo xaaskeyga.

QISADOO MUUQAAL AH HOOS KA DAAWO.


1 comment:

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA