SUPPORT WEBSITE

Showing posts with label ALLAH KA CABSI. Show all posts
Showing posts with label ALLAH KA CABSI. Show all posts

Wednesday, November 16, 2016

QISO CAJIIB AH: WAXUU YIRI WAXAAN AHAA QOF AAN ILAAH AQOON, OO XAARAN KASTA SAMEEYEY.

10:45 AM 2
Nin dhallin yaro ah oo ay ka muuqato inuu Rabbi u nimceeyey ayaa maalin maalmaha ka mid ah meel igula kulmay. 

Wuu igu dhegay oo i salaamay wuxuu iga dalbaday inaan u raaco xafiisikiisa oo aan shaah lasoo cabbo. Markii aan ka yeelay oo aan tagnay xafiiskisi ayuu bilaabay inuu marna isoo eego marna ooyo.

Markaas ayaan ku idhi: Khayr In shaa Allaah, wejigaaga khayr badan ayaa ka muuqda ee Maxaa kugu dhacay, sidee wax u jiraan wll?

Markaas ayuu ii warramay, wuxuu yidhi: Wallaahi Sheekhow, waxaa jirtay in iyadoo la soomman yahay aan ahaan jirey nin macsiyeysta. Wuxuu farta iigu fiiqay mid ka mid ah qolal kiisa isagoo leh qolkani wuxuu khaas u ahaan jirey ZINADA!

Qaar ka mid ah shaqaalahayguna waxay u xil-saarnaayeen inay ii keenaan gabdhaha ugu quruxda badan waddan uu magacaabay.
Ninkaas oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: Waxaan xasuustaa iyadoo ay tahay bil Ramadaan in anigoo macsidaa iyo zinadaa ku dhex jira aan masjid qolalkayga u dhow ka maqli jirey muslimiinta oo tukanaysa salaadda taraawiixda, markaas ayaan ka xaraabaysan jiray.

Wuxuu iigu dhaartay in marka cuntada loo keenayo, khamriga loo keeni jirey inta aan biyaha loo keenin. Wuxuu yidhi: Waxaa yaraan jirtay in habeen i dhaafo aniga oo aan zinaysannin. Waxaana dhici jirtay in habeen la ii keeno gabadh aan i cajabinnin oo aan dalbado in la iga beddelo oo isla habeenkaasba mid kale la ii keeno. Waxaan ahaa nin noloshaa ku jira.

Wuxuu ahaa mid aan Ilaahay aqoonnin, culimada iyo dacwadaba ku ciyaara Habeen habeennada ka mid ah anigoo ku jees-jeesaya muslimiinta oo taraawiix tukanaysa iyo kuwa maalintii soomman ayey ii keeneen gabadh, mana ayna ahayn mid i cajabisay.

Kolkaas ayaan ka dalbaday inay xafiiskayga iigu keenaan gabadh kale. Intii la iigu maqnaa ayaan is idhi "Oo intii aad waqtiga iska lumin lahayd maan in yar u seexdo.

Waan seexday kadibna wax yar kadib waxaan ku riyooday aabahy oo meel buur ah igala hadlaya oo qaylinayaa oo leh "Wiilkaygiiyow aabo kafagow zinada iyo macaasida iyo gaalnimada.

Waan toosay anigoo naxsan waxaan arkay inaan tiyo ku jiro hadana dib ayaan ugu labty hurdaydii waxaan markale ku riyooday anigoo silsilado waawayn laygu xidhay hadana foostoiyin waawayn daamur la karinaayo laygu shubaayo.

Anigoo aad u naxsan hadana dhididsan ood moodo xaaladan ku jitay inay dhab ahyd ayaan soo toosay wax yar ayaan qolka Tv ga iska soo fadhiisatay

Intii la iigu maqnaa ayaan is idhi dib ha u seexane maan teleefishinka ka raadiyo meelaha laga helo filimada fuxshiga ah inta gabadhaas laga keenayo"!!!

Intii aan raad-raadinayey ayaan mawjidihii aan bed-beddelayey mid ka mid ah ayaan (sheekhoow) kaa arkay adiga oo u lebbeisan sidan aad haddaba ugu lebbisan tahay dharka cad-cad oo ka muxaadaraynaya.

Markaas ayaan ku joojiyay muxaadaradii Ugumana joogsannin inaan ku dhegaysto ee waxay ila noqotay inay qalad ahayd inaan meeshaa kaa arko,

waxaanan idhi: Macquul ma aha. Wadaadkan maxaa meesha keenay? Ma ahayn inaan halkan ku arko! Ma aanan rabin inaan ku dhegaysto, kumana aanan aqoonnin.

Aniga oo weli gacanta ku haya kii lagu bed-beddalayey oo aanan weli beddelin aanse is leeyahay beddel ayaan usii daayey ilbidhiqisyo iyo daqiiqado kale.

Ilaahay Amarkiisa, muxaadaradu waxay ku baxaysay toos, waxayna ku saabsanayd Zinada iyo dhibaatadeeda.

Wuxuu yidhi: Waxaan dhigay bed-beddelihii, markaas ayaan siiyey qalbigayga oo dhan inaan muxaadarada ku dhagaysto.
Waxaad moodaysay inaanan weligay ooyin markaa ka hor xataa riyadii.imay bedelin qaxaan naxdin ahyn mooyee, adiguna aad aniga ila hadlaysay oo aad i arkayso waxa aan samaynayo.

Ilaahay ayaan kuugu dhaartaye, sheekhow, waxay ay ahayd markii iigu horreysay ee aan dareemo macaanka Iimaanka.

Waxaa isku kay raacay riyadii iyo muxaadardii waxaadba mooda in si toosa aniga layla hadlayo.

Waxaan habeenkaa goostay inaan salaadda bilaabo markii iigu horreysay nolosha iyadoo aan dhaafay 33 jir. Kana toobad keeno denbiga aan ku jiey. Halkii ayaan isku diyaariyey oo aan salaaddii ku bilaabay.

Aniga oo sujuudsan ayaa la keenay gabadhii la iigu maqnaa ee aan rabay inaan ka zinaysto. Way i raad-raadiyeen, ugu danbaynna waxay arkeen inaan sujuudsanahay, waxayna la yaabeen farqiga u dhexeeya xaaladdii ay igaga tageen iyo xaaladda aan ku sugnahay.

Waxay i sugaanba markii aan salaaddii ka baxay ayey i su'aaleen waxa igu dhacay? Markii aan u warramay ayaan ku idhi gabadhii iska celiya. Ilaahay ayaan kuugu dhaartaye sheekhow habeenkaa ayaan Rabbigay Ballan la galay inaanan dib danbe u zinaysannin oo aanan dib danbe khamri u cabbin go'aanka u gaadhay.

Subixii ku xigayna waxaan bilaabay inaan soomo, saddex maalmood ka dibna aniga iyo xaaskaygii ayaa isu raacnay Xaramka si aan usoo cumraysanno.

RABBIYOW TOOBADDA IYO KHAATUMADA WANAAGSAN NA WAAFAJI AAMIIN YA ALLAH. 

Monday, November 14, 2016

QISO: ALLAH KA CABSI: IS XISAABI INTA ALLAH SWT KU XISAABIN.

5:12 AM 0
Nin dhalinyaro ah ayaa waxa uu yimi aaska saaxiibkii, kadibna isagii oo kor taagan qabrigii saaxiibkii ayaa waxaa su'aal waydiiyay nin shiikh ahaa oo ay isgaranayeen su'aashuna waxa ay ahayd

- Hadii saaxiibkaa uu Alle ( swt) dib u soo nooleeyo maxay kula tahay in uu samayn lahaa ?

Kadibna ninkii dhalainyarada ahaa waxa uu ugu jawaabay :

'' Waxa ay ila' tahay waxa uu isku dayi lahaa inuu soo qaleeyo salaadihii uu katagi jiray, Waxa uu isku dayi lahaa in uu dib u barto quraanki labaray ee uu dayacay, Waxa uu isku dayi lahaa inuu soo qaleey wixii soon ahaa ee lagu lahaa oo cudurdaar la'aanta uga tagay, Waxa uu isku dayi lahaa inuu hagaajiyo xidhiidhka ka dhaxeeya isaga iyo rabbigii ''

Intaa kadib Ninkii shiikha ahaa waxa uu ku yidhi wiilki dhalinyarada ahaa :

'' Waxa ay ila tahay wanaaga aad soo sheegtay dhammaan adiga ayaa fursad u haysta in aad samayso waayo saaxiibkaa marnaba ma soo laabanayo si' uu u hagaajiyo wixii uu ka tagay balse maanta adigaa haysta jaanis aad ku samaysan karto gunaanadka wanaagsan ee hadaba isku day in aad adigu hagaajisato xidhiidhka adiga iyo rabbigaa idin ka dhaxeeya ee ah in aad samayso wixii uu ku faray ''

Hadii ay maanta noqoto maalinta ugu dambaysay ee aad katagi lahayd gurigaaga kumeel gaadhka ah ( Adduunyo ) oo aad u guuri lahayd gurigaaga dhabta ah ( Qabri) Maxaad u sii diyaarsatay ???
Waxaan isleeyahay waa su'aal wax ka baddeli karta qofka iyo sida uu noolasha u arko !!

Ugu dambayntii waxaan Allah (سُبْحَانَهُ وَ تَعَالَى ) kamagan galaynaa in aysan geeridu noogu iman si' lama filaan ah iyadoo aysan hagaagsanayn xidhiidhka annaga iyo Allah (s.w.t) inaga dhaxeeya Aamin Ya Allah

Monday, October 31, 2016

Aabo Gabadhiisa waano qiimo badan siiyey: Waxuu yiri xijaabkuna waa sidaas oo kale.

5:34 AM 0
Gabar ayaa waxay soo iibsatay Telephone Qaali ah, Aabbaheed baa ku arkay Telkii markaas ayuu ku yiri :- Aabe Telephoneka markaad soo iibsatay wixii ugu horeeyay ee aad sameysay maxay ahaayeen?
Gabadhii :- Waxaan soo geliyay Qolof (cover) kore oo Telka Difaac u noqonaaya, kana ilaalinaaya inuu Jabo ama Xagatin soo gaarto.

Aabbihii :- Cid kugu Qasabtay miyaa jirta inaad sidaa sameyso?
Gabadhii :- May, layguma Qasbin, laakiin anigey i Anfacaysaa inaan sidaa sameeyo si telkaygu u Nabad galo.
Aabbihii :- Makula tahay inaad Bahdishay Shirkaddii telka soo saartay?
Gabadhii :- May Aabbo, Shirkaddu ayadaaba nagula Talinaysa inaan telka cover galino, si uusan telku nooga jabin.


Aabbihii :- Ok, Coverkaasu (Qolofta), miyuu Qiima tirayaa telka?
Gabadhii:- May Aabbo, Waardiyo ayuuba u yahay telka, inuu Jabo ama Garaafo soo gaarto buu ka ilaalinayaa, ileen haduu Garaafoobo waa Qiima beelaye!
Aabbihii:- Miyuu Foolxumo u keenay cover-kaasu telka?
Gabadhii:- Aragtidayda ma uusan Foolxumaan, ee Wuuba Qurxiyay.
Intuu si Naxriis leh u soo eegay ayuu ku yiri:- Aabbo mcne, Ogoow Xijaabkuna waa sidaas oo kale.
(EEBOOW XAQA NA FAHAMSII).

Monday, October 17, 2016

Qiso Cibro Leh: MAKHLUUQA IYO TASARUFKA ALLAAH SWT.

3:43 PM 0
islaan ayaa waxa ay u timid Nebi Daud(calyhi salam). Waxa ay ku tiri
“Nabigii ilaahayow rabigaada ma daalim baa mise waa caadil?” Nebi daud
CS waxa uu yiri: “War liibaantaadiye waa caadil aan marna gabood
falayn.” Markaas ayuu dhahay nebi Daud ” Qisadaada maxay ahayd?”

Islaanti waxa ay tidhi: “Waxa aan ahay islaan garoob oo leh seddex
caruur.

Nolosha caruurteyda aniga ayaa dabaro oo waxa aan ku nafaqeeyaa
dun aan gacanteyda ku sameeyo. Shalayto waxa aan dunteytii ku soo
xirtay calal guduudan si aan suuqa ogu soo iibsado caruurteydana aan
ugu nafaqeeyo. Aniga oo socdo ayaa waxa igu soo dul dagay shimbir waxa
uuna iga qaatay calalkii iyo duntii waana la tagay.”



Islaantii iyo nebi daud oo sheekadii dhexda umareyso ayaa albaabka la
so qaraacay. Nabi Daud ayaa u idmay in ay soo galaan. Waxa soo galay
toban nin oo ganacsade ah mid walba waxa uu gacanta ku wadaa toban kun
oo diinaar. Waxa ay dhaheen: “Nebigii ilaahayow lacagtaan sii dadka
mustaxiqiinta ah muteystay in la siiyo.”

Nabi Daud waxa uu weydiiyay sababta ku xambaartay in ay sadaqeestaan
lacagtaan? Waxa ay dhaheen: ”Anaga oo markab saaran ayaa waxa kacday dabeysha badda waxa aan ku dhowaanay in aan maanshoono, anaga oo xaaladaas ku sugan, waxa noo timid shimbir waxa ay noo soo tuurtay dun ay calal guduudan ku xiran.



Dunti ayaa waxaan ku xirxirnay oo ku duudnay markabkii caybtiisa.

Dabeeshii ayaa dagtay ceebtii markabkana waa duudmatay waxa aan ku
nadarnay in mid walba oo anaga naga mid ah in uu sadaqeesto kun dirham
ah maalkaan hortaada yaalo ku sadaqee cidda aad dooni.”

Nebi Daud waxa uu soo milicsaday islaantii waxa uu dhahay: “Rabigaada


waxa uu kaaga gancinayaa(ganacsi) bariga iyo bada adigana waxa aad ka
yeeli daalim. Waxa uu siiyay kun diinaar waxa uu ku dhahay ku nafaqee
caruurtaada.

Allah daalim laguma sifeen karo maxaa yeelay waa maalik. Maalikna
waxaa milkigiisa ku jiro sida uu doono ayuu ogu tasarufaa. Dulimina
waxa uu ka imaan karaa marka aad xoolo dad leeyahay aad idan la’aan ku
tasarufto.

Allana waxa koonkaan joogana milkigiisa ayay ku jiraan. In
Alle Adoonimo loo qirana waa magaca ugu wanaagsan oo qof muslim ah
lagu tilmaamo.


Saturday, October 15, 2016

Qiso cajiib ah: Maxaa ka oohiyey macalin Abdiqadir Xiito

10:28 PM 0
Waxuu yiri Macalinka, Qaarkiin waxaa laga yaabaa in aad is weydiisaan, maxuu macalinka u ooynayaa?
Waxuu yiri Shalay ILAAHAY caafimaad buu isiiyey
Shalay ILAAHAY xoog buu isiiyey,Shalay ILAAHAY aqoon buu isiiyey,
Shalay ILAAHAY xooluu isiiyey, lakinse waxaan hilmaamay in aan ALLE SWT ku mahadnaqo oo ALHAMDULILAH dhaho, marna ALLAH masoo xasuusan,marna gacmahayga kor uma taagin oo ILAAH kuma mahdin,

Waxaan umaleynayey aduunyadan,xoolahan iyo caqligaba in aan aniga leeyahay, waxaan umaleeynayey in aan dadka ka karti badanahy sida dadka qaarkood aaminsanaayeen.
Karti malihi awoodna malihi aan tan ALLE swt ka ahayn. Asagoo ooynayo buu sii raaciyey,
waxaan xitaa hilmaamay in aan Shanta salaadood.......
HOOS KA DHAGEYSO QISADOO DHAMEYSTIRAN, WAA HUBAAL IN AY NOOLASHAADA WAX BADAN KA BADALI DOONTO INSHA,ALLAH.



Qiso cajiib ah: Maxaa ka oohiyey macalin Abdiqadir Xiito

Friday, July 1, 2016

SHEEKO FAAIDO BADAN OO DHEXMARTAY NABIGA SCW IYO ASXAABTIISA.

6:21 PM 0
Rasuulka N. N. K. Ayaa la fadhiistasy qayb ka mida asxaabtiisa ,
Ka dibna wuxu waydiiyey isagoo ku bilabaya, abuubakar RC:
Maxaad aduunyada ugu jeceshahay?
Wuxu ku jawaabay rc :
3 baan aduunyada ugu jeclahay:
1- inaan adiga kula jiro .
2- inaan adiga ku arkayo.
3- iyo inaan maalkayga kugu bixiyo .
Adigana cumarow?
Wuxu ku jawaabay anna sadex baan ugu jelahay:
1-inaan dadka wanaaga faro sirba ha hahaatee.
2- inaan dadaka xumaanta ka reebo jahriba ha ahatee .
3-xaqa inaan idhaahdo xaladu haba qadhaadhatee .
Adigaga cusmaanow?
Wuxu yidhi 3ayaan jclahay:
1- inaan quudiyo dadaka baahan.
2- inaan salaanta fidiyo.
3-iyo salaada habeenkii dadka oo hurda.
Adigana caliyow?
Wuxu yidhi sadex ayan jclahay anna :
1-martida oo la wanaajiyo.
2-xagaagoo la soomo.
3- iyo cadawgoo seef lagu laayo.
Ka dibna wuxu waydiiyey abuu darri al qafaari.
Adigana abuu dariyow maxaad aduunka ugu jeceshahay?
Wuxuu ku jawabey sadex ayaan aduunka ugu jeclahay:
1- gaajada.
2-(jirada).
3- iyo dhimashada.
Kadib nabigaa N.N.K.H
ayaa wuxuu ku yiri sabab maxad sadexdan u dooratey???!!!
Kadib abuu darri ayaa wuxuu ku jawaabay:
Waxan ku jeclahay gaajada si qalbigaygu u (jilco).
Xanuunkana waxan ku jeclahay si uu danbigaygu uyaraado.
Waxan dhimashadana u jeclahay si aan rabigay ula kulmo.
Markas buu rasuulku N.N.K.H. yiri waxa lay jeclaysiiyey xagayga aduunyadina sadax:
1- (carafta).
2- (dumarka).
3- waxa laga dhigay waxay indhahaygu ku qabowsadaan salaadda.
Markaa kadib jibriil ayaa soo dagay cs nabadgalyuuna ku salaamay wuxuna yidhi:
Anna waxan u jeclahay aduunyadiina sadex:
1-fariintoo idin gaadhsiiyo.
2-amaanadoo aan guto.
3-iyo jacaylka masaakiinta.
Kadibna wow baxay samada ayuu tagey
Ka dibna wuu soo dagay markale;wuxuna yidhi: ilahay ayaa nabad galyo idinku salaamaya wuxuna yidhi eebe wuxuu ugu jecelyahay aduunyadiina sadex:
1-carrab dikriga alle xusa.
2-qalbi khaashic ah.
3-iyo jidh dhibtiyo balaayada u sabra.
سبحان الله وبحمده
سبحان الله العطيم
Fariintani miyaanay mutaysan inaad cid kale u sii dirto , si kale miyaanay istaahilin qalbigaaga iyo boga fariimahaaga si aad mar kasta u daalacato.
Eebe haydin waafajiyo;
Duco hadaad ku ducaysato sanad marka laga so wareego aanay dhamayn karin qoraalka xasanadkaaga:
ﻻاله اﻻالله عدد ماكان وعدد مايكون وعدد الحركات و السكون.....
Bal ka waran hadii aad fidiso oo dadku celceliyaan ama sii diraan( intaso dhamina ay sababtada noqoto ).
Shaydaanku yaanu ka hor istagi oo ku odhan hadhowtad diraysaa.
RASUULKA n.n.k.h. Ayaa shaydaanka waydiiyey:
Wuxuu yidhi nabigu N.n.k.h : wax yahaw lanacladey.yaa kula fadhiista ?
Wuxu yidhi: qofka ribada cuna.
Wuxu yidhi:waa ayo saaxiibkaa ?
Wuxu yidhi :Qofka sinaysta.
Wuxu yidhi: yaa kula seexda?
Wuxu yidhi: qofka man-doriyaha caba .
Wuxu yidhi: waa ayo martidaadu?
Wuxu yidhi : tuugga.
Wuxuu waydiiyey: waa ayo rasuulkaagu?
Wuxuu yidhi: sixiroolaha.
Wuxu waydiiyey : waa ayo kay indhahaagu ku qabowsadaan ?
Wuxuu yidhi : ka ku dhaara furida xaaskiisa (xila furaha).
Wuxu yidhi :waa ayo xabiibkaga aad jeceshahay ?
Wuxu yidhi : taariku salaadka jumcaha.
Markasuu yidhi Rasuulku N.N.K.H:
Maxaa dhabarka ka jabiya ?
Wuxu yidhi dananka fardaha markay jihaadka ku jiraan .
Wuxu yidhi maxa jidhkaaga tubaxiyaa?
Wuxuu yidhi: ruuxa tobad keena.
wuxuu waydiiyey maxaa beerkaga bisleeya .
Wuxu yidhi: istiqfaarta badan ee habeenkii iyo dharaartii .
Wuxu yidhi : maxaa wajigaaga daboola (madoobeya)?
Wuxu yidhi : sadaqada sirta ah .
Wuxuu yidhi: maxaa indhahaaga daboola ?
Wuxu yidhi : salaada (salaada subax).

Thursday, May 12, 2016

AYADOO UUR LEH BUU GUURSADAY, MUUSAN FURINE WAX DADKA LA YAABEEN BUU SAMEEYEY.

7:02 AM 0
Ninkani wuxuu yidhi Waxaan guursaday gabadh markii aan guri geystay waxaan arkay inay leedahay uur dhowr bilood ah oo aanan anigu laheyn runtii aadban u naxay waxayna igu noqotay argagax iyo af kala qaad.

Ilaahay ceebteena ha astuure anigana waan u ceeb qariyay ehelkeeda iyo ehelkeygaba waan u diiday in xaaskeyga booqasho loogu imaado si aan ceebteeda loo ogaanin.

Waxaa la gaaray xiligeedii foosha waxan ugu yeeray umuliso waa la umuliyay, markii aay umushay canugii ayaan soo qaaday waxey aheyd aroor hore oo aay soo dhawdahay salaada subax canugii ayaan dhigay irida masjidka anigana gudaha masjidka ayaan u gudbay waxaan tukaday salaad suno ah.

Waxaan usoo baxay banaankii waxaan arkay canugii yaraa oo dadkii xaafada ku xoonsan yihiin, isna weeydiinayaan cida soo dhigtay, waan soo qabtay dadkii ayan ku dhahay wiilkaan hooyadiis ceeb dartiis iskaga soo fogeysay anigaa qaadanayo oo kafaalo qaadayo gurigeygana ku korsanayo, waxaan ku markhaatiyeeyay dadkii goob jooga ahaaa.

Kadib xaaskeyga ayaan tuulo kale u waday marqaatiyaal cusub iyo sheikh cusub ayan ula tagay oo leygu mehriyay mar kale.

Hada waa xaaskeyga waxey ii dhashay ilmo badan naxariistii aan ayada u sameyay waxey igu abaal guday inay igu nooleyso jano aduun aakhirana illaah waxaan ka baryayaa in uu Janadiisa nagu kulmiyo aniga iyo xaaskeyga.

Alxamdulilah Hadana waxan ku jirnaa nolol wanagsan ilaahayna waxan ka baryeyna in uu cimriga noo siyaadiyo anagoo caafimad qabna.

Nin sheikh caalim ah oo weliba iimaam ah ayaa riyo wuxuu ku arkay ninka Qisadani ku dha dhacday isaga oo janada dhex joogo, waagii markuu baryay ayuu imaamkii wuxuu soo baadi goobay ninkii uu xalay ku riyoooday asagoo janada ku jiro.
Qisadana waxaa ka waramaya ninka uu imaam ku ku riyooday.

Ugu Dambaynti Qisadan waxaan ka fahmaynaa in marka aad asturto ceeb qofkale leeyahy adiga ilaahay astuurayo 10ceebood oo aad leedahay

Monday, May 9, 2016

NINKAAN DADKA NIN QAMRI CAB AH OO SHAMUUTOYINKA IIBSADO BEY DADKA UMALEYNAYEEN LAKINSE....

5:47 AM 0
Suldaankii Cusmaaniyiintiiinta u dhaxaysay 1623 ilaa 1640. Waxa uu jeclaa inta badan in uu aaddo dhanka dadka noloshoodu liidato, uuna soo eeggo xaaladdahooda.

Xilli fiid ah ayuu dareemay walaac, waxaana uu go'aansaday inuu baxo, waxa uu u yeedhay ilaaladiisa gaarka ah wayna baxeen. Waxay soo gaadheen nawaaxi mashquul ah waxayna arkeen nin dhulka yaalay.

Suldaanka ayaa soo dul istaaggay balse ninku mayd ayuu ahaa, mana jirrin cid danaynaysa arrimaha ninka dhulka yaal, qof kastana howllihiisa gaarka ah ayuu ku mashquullay. Suldaankii ayaa qaar kamid ah dadkii wadada marayey waydiiyay:"Muxuu ahaa ninkaan dhulka yaalla oo aanay jirrin cid arrimahiisa ka murugoonaysa?,

Meeye reerkiisa?
"Waxay ku yidhaahdeen:"Ninkaan aad iyo aad ayuu sarkhaan u ahaan jirray waana uu sinnaysan jirray"Suldaankii waxa uu yiri:"Kama mid ahan umadda Nabi Muxamed (NNKH), hadda igu caawiya inaan gurigiisa u qaadno"

Dadkii waxay suldaanka ku caawiyeen qaadista maydka, markii gurigiisii la keennay ayey suldaanka iyo ilaaladiisa ay ku hadheen guriga.

Markii ay xaaskiisa aragtay iyadoo ku kor barooranaysa maydiisa waxay tiri:"Ilaahay ha kuu naxariisto, Saaxiibkii ilaahayoow, waxaan marag ka ahay inaad kamid ahayd kuwa dhowrsan"Suldaanka oo la yaabban hadalka haweennayda ayaa yiri:"Sidee buu uga mid ahaa kuwa dhowrsan, iyadoo dadku ay ka sheegayeen wax aan wanaagsannayn, oo xataa aanay jirrin cidKa fikirraysa maydkiisa.

Waxay ku jawaabtay:"Taas waa mida aan filanaayay, ninkaygu habeen kasta wuxuu u bixi jirray makhaayaddaha lagu caweeyo, wuxuu soo iibsan jirray qamriga in badan inta uu awooddo, guriga ayuu keeni jirray waana uu daadin jirray, wuxuuna igu odhan jiray 'Muslimiin ayaan badbaadiyay maanta', sidoo kale wuxuu aadi jirray goobbaha lagu dumarku ay ka ganacsadan jidhkooda, lacag ayuu siin jirray mid kamid ah naagaha si ay u xirrato albaabkeeda ilaa waaga uu ka baryo,
guriga ayuu ku soo noqon jirray wuxuuna igu dhihi jirray 'Maanta waxaan ka badbaadiyay haweenay da' yar iyo dhalinyarro xaqa-rumeysay dambi'".

Dadku waxay arkeen isagoo iibsanaayo qamri iyo isagoo gallaayo goobbaha lagu zinaysto sidaas awgeed ayay dadku uga hadli waayen arrimahiisa.

Maalin ayaan ku yidhi"Marka aad dhimato, ma jirto cid maydkaaga maydhayso, ma jirto cid maydkaaga ku tukan doonta mana jirto cid maydkaaga aasi doonta"Wuu igu qoslay wuxuuna igu yidhi:" Gacaliso Ha cabsan, kuwa xaq-rumeeyay suldaankooda oo ka mid ah kuwa dhowrsaday ayaa maydkayga ku tukan doonna"Suldaankii ayaa bilaabay inuu ooyo,

wuxuuna yidhi:"Ilaahay baan ku dhaartaye run buu sheeggay, aniga oo ah Suldaan ayaan barito maydhi doonnaa, ku tukan doonnaa waana xabaalli doonnaa"Way dhacday sidaas, Suldaankii, Culimadii, dadkii dhowrsannaa iyo dad kale oo aaska ka soo qayb-gallay ayaa kutukaday maydka.
قال الله تعالي ( يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اجْتَنِبُوا كَثِيرًا مِّنَ الظَّنِّ إِنَّ بَعْضَ الظَّنِّ إِثْمٌ وَلَا تَجَسَّسُوا وَلَا يَغْتَب بَّعْضُكُم بَعْضًا أَيُحِبُّ أَحَدُكُمْ أَن يَأْكُلَ لَحْمَ أَخِيهِ مَيْتًا فَكَرِهْتُمُوهُ وَاتَّقُوا اللَّهَ إِنَّ اللَّهَ تَوَّابٌ رَّحِيم).
سوره الحجرات 12



Ilaahay ( سبحانه و تعالى ) Wuxuu yidhi "Kuwa xaqa rumeeyoow ka dhowrada wax badan oo mala ah, maxaa yeellay malaha qaarkiis waa dambi, hana is jaasuusina, qaarkiinna qaar yuusan xamanin, miyuu jecelyahay midkiinna inuu cunno hilibka walaalkiis oo mayd ah, waad necebtihiin arrintaas, eebana ka dhowrsada waa tawbad aqballe naxariistee".
Suuradda Al-xujuraat, 
Aayadda 12aad.

Sunday, May 8, 2016

QISADAAN NABIGA SCW IYO JULAYBIIB DHEXMARTAY WAA HUBAAL IN EY KAA ILMEYSIINEYSO.

5:47 AM 0
Julaybiib waxa uu ahaa Nin Faqiir ah, oo midabkiisu madawyahay, dhererkiisuna gaabanyahay oo ka mid ahaa dadka ugu liita dhaqaale ahaan,magac iyo sumcad ahaanba magaalada Madiina.

Qabiilkiisa lama garanayo, wuxuu Nabiga (scw)ugu tagi jiray maryihiisa oo jeexjeexan, mana uusan lahayn wax hanti ah marka laga reebo kabaha uu sito iyo maryahaa uu gashan yahay. Wuxuu seexan jiray Masjidka Rasuulka (N.N.K.H).

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu Nabigii Ilaahay (scw) u yeedhay kuna dhahay “Juleybiiboow Miyaanad guursanayn Julaybiibow?” Juleybiib waxa uu dhahay; Rasuulkii Ilaahayow yaa ii guurinaya? Qurux, jaah iyo xoola toona malihi. Hadana maalintii xigtay ayuu Nabigu (scw) waydiiyey isla su’aashii shalay, waxaanu dhahay; “Juleybiibow Miyaanad guursanayn?” Wuxuu dhahay Juleybiib; Rasuulkii Ilaahayow yaa ii guurinaya! Muuqaal, xoolo iyo qurux toona ma lihi. Maalintii xigatay ayuu hadana Nabigu sidii oo kale u waydiidyey, Juleybiibna sidii unbuu ku jawaabay.

Nabigu (scw)waxa uu ku yidhi; Juleybiibow bax oo tag guri uu lahaa Nin saxaabadii Ansaarta a mid ahaa kuna dheh; “Waxa isoo diray Rasuulkii Ilaahay waxaanu idinka doonayaa gabadhiina si aan u guursado”.

Markii hore reerkii waxay moodeen in Nabigu gabadha soo doonay markaasay isku dhaheen; Cidna uma diidayso gabadhan Rasuulkii Ilaahay. Kadibna waxa loo sheegay in Nabigu aanu nafiisa u rabin ee uu Juleybiib udoonayo.

Gabadha aabaheed waxa uu yidhi; “Ma Juleybiibkan faqiirka ah ee muuqaal iyo xoolaba aan lahayn ayaa gabadhayda soo doonay!! Markaasuu yidhi; waxaan la tashanayaa gabadha hooyadeed.

Gabadha hooyadeed markii loo sheegay in Juleybiib oo ah dadka ugu faqiirsan magaalada Madiina soo doonay gabadheedii ayey dhaaratay oo tidhi; Gabadhayda oo aan u diiday hebel iyo hebel sideebuu usoo doonay Juleybiib oo aan qurux, muuqaal iyo xoola toona lahayn!!!!

Gabadhii lasoo doonay oo ahayd gabadh Mu’minad ah oo ku kalsoon Ilaahay iyo Rasuulkiisa ayaa waxay ku tidhi waalidkeed; Aabe iyo Hooyo Ma waxaad celinaysaan Nin uu soo diray Rasuulkii Ilaahay, Eebaan ku dhaartee waan guursanayaa Juleybiib, markaasay sii raacisay hadalkeedii Aayada Quraanka ah ee suurada Axzaab: 36

{وما كان لمؤمن ولا مؤمنة اذا قضى الله ورسوله امرا ان يكون لهم الخيرة من امرهم ومن يعص الله ورسوله فقد ضل ضلالا مبينا}

kuma haboona (umana banaana) nin Mu’min ah iyo Haweenay Mu’minad ah Marka Eebe iyo Rasuulkiisu wax xukumayaan Inay khiyaar u yeeshaan amarkooda, ruuxiise caasiya Eebe iyo Rasuulkiisa wuxuu dhumay lumid Cad}. Axzaab:36

Gabdhii qalbigeeda iimaanku ka buuxay ayaa dhahday; Eebaan ku dhaartee Juleybiib waan guursan, Rasuulka Ilaahayna ima dayacayo. Markay gabadhii go’aankaa gaadhay ayey aabaheed iyo hooyadeedna waafaqeen, waxayna gudo galeen in laysu arooso.

Juleybiib gabadhii ugu qurxoonayd Ansaar ayuu guursaday, balse markii la gaadhay habeenkii arooska ama dhawr casho kadib arooskii ayaa yeedhmo yeedhay oo waxa loogu yaboohay dadkii Mu’miniinta ahaa Dagaal lagu dirirayo Jidka Ilaahay.

Juleybiib waa soo baxay oo wuxuu soo qaatay aaladii uu ku dagaalamayey, waana ka qaybgalay dagaalkii. Markuu dhamaaday Dagaalkii ayaa la tiriyey dadkii muslimiinta ka geeriyooday (Shuhadadii). Kadibna Nabigii Ilaahay ayaa waydiiyey saxaabadiisii; “Yaad maqan dadka geeriyooday? Saxaabadii waxay tiriyeen dadkii ay garanayeen, waxayna ka tageen Juleybiib. Markaasuu dhahay Rasuulkii Eebe; (Anigu waxaan waysanahay walaalkay Juleybiib)

Dabadeed waa la raadiyey Juleybiib oo waxaa la helay isagoo geeriyooday oo agtiisa ay yaalaan todoba ka mid ah gaaladii la dagaalamaysa oo mayd ah, kolkaasuu Nabigii Ilaahay ooyey oo dhahay; ” Wuxuu dilay Todoba, Isagana way dileen, kani aniga ayuu iga ahaaday, aniguna isagaan ka ahaaday waana ku celceliyey weedhaas Rasuulkii Eebe dhawr jeer. Kadibna waxa uu madaxii Juleybiib saaray dhabtiisa (N.N.K.H)

Nabigu waxa uu faray saxaabadiisa inay qabri u qodaan Juleybiib, waana loo qoday qabrigii lagu duugayey saxaabigan qaaliga ah. Anas ibnu Maalik oo xadiiskan warinaya waxa uu leeyahay; Eebaan ku dhaartee intaan qodaynay xabaashii lagu aasayey Juleybiib waxa uu saarnaa jirkiisii daahirka ahaa bawdada Nabiga, kadibna isaga oo aan la maydhin ayaa la duugay.

Gabadhii uu ka dhintay Juleybiib oo ajiibtay amarkii Rasuulkii Ilaahay ayadana waxa markay cido baxdayba soo doonay saxaabadii waaweynaa. Nabiguna gabadhaas waa u duceeye oo waxa uu dhahay;

“اللهم صبَّ عليها الخير صبّاً، ولا تجعل عيشها كدّاً كدّاً”

{Rabbiyow waxaad ku shubtaa ama ka buuxisaa (marwadii Juleybiib ka geeriyooday) khayrka shubis, hana ka yeelin nolosheeda mid kadeed ah.

Eebana ducadii waa ka ajiibay Nabigiisa (scw) oo gabadhii waxay noqotay dumarka ugu xoolaha badan magaalada Madiina.

Juleybiib ilaahay raali haka ahaadee cidna maysan aqoonin, waxa uu ahaa miskiin faqiir ah oo gaaban oo madaw, cidna maysan danaynayn laakiin waxa uu ka cabsaday Allah subxaana wa tacaalaa, markaasu Eebana ku arsaaqy shahaadada xaqa oo isaga oo jidkii Ilaahay u dagaalamaya ayuu geeriyooday. Sidoo kale waxa lasoo arooriyaa in markii uu Nabigu dhabta ku hayey maydkii Juleybiib la tusay haweenkiisa Xuural Caynta ahaa oo u kala dheeraynaya si ay soo dhoweeyaan xabiibkooda usoo kallahay maalintaas ee ay mudada dheer sugayeen.

Qizada saxaabixa julaybiib ilaahay raali haka ahaade waxan ka fahmaynaa in uusan qofka muslimka ahi eegin wax hanti ah ama qurux ee qofka ku raaci karo muslinmo.

Monday, May 2, 2016

QISO; WALAAL KU SHUKRI NIMCOOYINKA ALLE SWT KU SIIYEY.

5:20 AM 0
Wiilkaan waxuu ahaa 24 jir carab ah ,, Maalin ayuu gaarigis qaatay si uu usoo booqdo asxaabtiisa , Waxuu La kulmay Shil Yar intuu baaburka waday , Jirkiisa wax ma gaarin lakin Koma ayuu galay oo xubnahiisa dhan ma dhaqdhaqaaqin karin ,,Isbitaal ayaa loola cararay , 4 maalmood ayuu suuxsana oo koma ku jiray, Maalinkii afaraad ayuu soo kacay isago ehelkiisa dhan la joogaan aabahiis iyo walalhis ,wey Ku farxeen komada marku ka so kacay Lakin Waxuu meesha ku waayay oo dareemay Inuusan waxba Arkin, Indhaha inuusan waxba ka arkin aan ka eheen Mugdi un.. 

24 sano nicmadii indhaha wey jogtay lakin manta waa uu waayay nicmadaas ... wiilkii ooyin ayuu isku celin waayay markuu arkay inuusan waxba u jeedin, Aaabahiis aya dhahay sabar aduunka wa imtixaan Rabbigii ku siiyay ayaa kaa qaaday indhaha.. wiilkii ooyintiisa ayuu sii waatay , waxu dhahay aabe lama oynaayo indho la anta ,, oo Allah ba 24 sano iigu nicmeeyay indhaha , lakin waxaa la ooynaa oo ka shalaayaa 24 sano waxaa arki jiray Masaajid lakin ma aadi jirin ,, waxaa indhahan ku daawan jiray filmaanta xun xun, waxaa ku daawan jiray wax uusan Alle Raali ka eheen , Gormuu Ogaaday Nicmada ee leedahay Indhaha? Gormuu ogaaday nicmada indhaha? waa Markuu waayay Nicmadaaas..
Walaal Nicmooyinka uu Alle ku siiyay ku shukri, walaalyaal Manta Alle Indho ayuu ku siiyay Haku Daawanin wax uusan Raali ka eheen,, Dhago ayuu ku siiyay haku dhageesan wax uu raali ka eheen, Lugo ayaa lagu siiyay ha la aadin meel xaaran ka socoto ,... Maanta waa Awoodaa In Aad Quraanka kitaabka ka aqriso , Manta waa Awooda Inaad kheyrka dhageysatid , manta waad Awoodaa meelaha Kheyrka inaad aadid masaajida ..Lakin Badanaa inta aan ka shukrin Nicmooyinkaas,.. dadka badankood ma xasuustaan Nicmooyinkaas Illaa waayaan ... Allah ku shukri caafimaadka uu ku siiyay , Ummad badan baa ku tamanineyso Nicmooyinkaas aad heysato ku shukri Rabbigii ku siiyay ....

Friday, January 29, 2016

Qiso cajiib ah: Ninkii Qamri cabka aha ee sabab u noqtay inay muslimto.

3:24 PM 0
nin carab ah oo deggan yurub kaasoo caadaystay inuu baarka habeen walba iska aado si uu uga soo cabbo dhowr koob oo khamri ah. Markuu qamriga ka dhergaba wuxuu la taliyaa naag cadaan ah oo iyaduna sidoo kale inay qamrada cabto u timaada baarka. Habeen walba markuu Qamriga ka dherga ayuu naagta la taliyaa isagoo leh, "Maxaad umuslimi weydey?". "Islaamku waa wax wanaagsan". "isku day inaad islaamto si'aad janada ugasho". Habeen walba intaasuu usheegaa, markuu qamrada iska dherjiyaba. Iyaduna way iska dhegaysataa. 

laakiin todobaad todobaadyada fasaxa ka mid ah ayay soo waraysatay dadka oo waraysi dheer gashay waxa islaamku yahay, markaasaa loo shegayay oo lagu yiri, wakaa islamic center ee orodoo soo weydii nagana tag, oo xataa kuwii aqoonta u lahaa dhibsadeen markay su'aasha ka badisay si'ay halkaa ugaga soo hesho jawabtay rabto. Waxay tagtay islamic senterkii markaasay iyaguna siiyeen buugaagta laga barto islaamka iyo quraankoo ku tarjuman afkay taqaanno. wey isaga soo tagtay. Aqris badan ka bacdi bay ku qanacday islaamkii oo muslintay. Maalin bay ku soo noqotay wiilkii carabka ahaa baarkii ay kawada cabi jireen khamriga iyadoo xijaaban markan. 


Wiilkii carabka ahaa ee sababta u ahaa in ay muslimto ayey isha isku dhufteen isagoo qamrigiisi iska cabayo oo mashquulsan. Markuu arkay bay usoo dhawaatay markaasuu u istaagay isagoo leh "Maxaad isku samaysay?". Markaasay ku tiri "Oo maxaa dhacay?". Isagoo koobkii qamriga gacanta ku laalaadinaya ayuu ugu jawaabay "Sidan maadan ahaan jirin, markii hore waad qaawaneyd haaf baad haddana dharkaagu waa dhanyahay". Markaasay ku tiri "Waxaan kugu imid in aan kuu bishaareeyo oo waan muslimay". "oo maashaa Alaah sidee ku dhacday?". ayuu su aalay isagoo dhacdhacaya. 


Waxey ku tiri, "Markalaan kuu warami doonaye, waxaanan halkan u imid inaan kuu mahad celiyo" iyadoo hadalkii sii wadata ayay ku dartay "waxaad ubaahato waan kusiin ileen adigaa lahaa sababta wadadaan macaanka badan aan ugu hanuunay". Isagoo yaaban ayuu weydiiyey"Sidee yacni?".sidee aniga aan sabab kugu ahaa in aad hanuunto? Waxey tiri, "Waxey ku tiri, ma xasuusaneysid wayo waad saqraansaneyd markaas ee iga codso maxaan kuu ofiyaa oo codsiya kuuguna abaal gudaa" Intaas ayay hadalkii ku soo koobtay iyadoo hortaagan weli isagii. Markaasuu ku jawaabay "Walaahi haday sidaas tahay waynu isnaqaanaa labadeennu adna xaas matihid anna marwo malihiye ka warran haddaan anna gacantaada kutoobad keeno oo aynu is aroosno?". Waxba kama qabo" ayay ugu jawaabtay. 

Illaa hadana way wada noolyihiin Ilaahay ha isku barakeeyo aamiin. Salaama

Wednesday, January 27, 2016

Qiso Cajiib ah: Qoyskii Kitaabka Quraanka gatay iyo Mucjisadii ay la kulmeen!!!

10:12 AM 0
Qisadaan waa mid cajiib ah oo muujineysa mucjisaadka Qur’aanka kariimka ah ee qoylkii Eebe iyo waliba qudrada Alle Subxaanahu watacaalaa.

Qoysas sabool ah oo ka kooban nin iyo xaaskiisa ayaa ku dhaqnaa deegaan ka mid ah baadiyaha fog ee wadanka ay ku noolaayeen.

Qoyskani wax diin ah ma aysan aqoonin laakiin waxa ay ahaayeen muslimiin, walow aysan baranin quraanka kariimka ah iyo qeybaha kale ee cilmigaba.

Waxa ay aruurin jireen lacag ay mudo dheer ku dhurayeen meel xafidan oo gurigooda ka mid ah, waxaana ay jeclaayeen in maalin maalmaha ka mid ah ay wax u tari doonto lacagtaasi ama ay ku intifaaci doonaan.

Markii la gaaray waa dambe oo ay lacagtii yara korortay wx sidaas u sii badana aysan gaarin ayaa lasoo bixiyay bal si loogu adeegto.


Ninkii iyo xaaskiisa, in kastoo aysan quraanka aqoonin, wax cilmi ahna aysan lahayn, hadana aad waxa ay ujeclaayeen islaamnimada iyo in ay Qur’aanka bartaan.

Iyagoo ka munaaqashoonaya lacagta ay mudada aruurinayeen waxa ay ku sameyn lahaayeen ama sheyga ay kusoo gadan lahaayeen ayaa waxaa markii dambe la gaaray go’aan wax ku ool ah.

Haweeneydii ayaa keentay fikrad ahayd in lacagtaan yarta ah ay kusoo xoreystaan kitaabka Quraanka kariimka ah, maadaama aysan waligood gurigooda keenin Kitaabka isla markaana aysan waxba ka aqoonin.

Ninkeediina aad ayuu u soo dhaweeyay ra’yigaas wuuna ku raacay, isla maalintiina waxa ay soo xoreysteen Kitaabka Quraanka Kariimka ah.

Markii guriga la keenay Kitaabkii ayaa waxaa soo baxday Caqabad kale oo aad u weyn, waana in labadooduba aysan aqrin karin Kitaabka, waana lasoo gaday.

Isla markiiba xal ayey heleen waxaana ay ku tashadeen in markii maalinta xigta la gaaro ay Kitaabka qaadaan oo ayna la tagaan Dugsi uu macalin joogo, si loo baro.


Waxaa kale oo jirtay caqabad kale oo ahayd in gurigooda uusan oolin wax miis ah ama meel kale oo daahir ah oo ay kitaabka dhigaan.

Waa dad Islaam ah oo waxa ay ogaayeen in Kitaabka Quraanka ah ee sharafta Leh uusan u qalmin in dhulka la dhigo, hadii sidaas la sameeyana ay ka dhalan karto ciqaab adag oo xaga Alle uga timaada.

Sidaas datreed wey fakareen hadana, waayo waxaa la gaaray habeenimadii waana xiligii la seexanaayay, kitaabkana meel la dhigo ma laha.

Ninkii ayaa markaan keenay fikrada looga bixi lahaa caqabadaan taagan, wuxuu talo ahaan kusoo jeediyay in habeenka maadaama uu yahay 12 saacadood ay 6-da saac ee hore haweeneyda soo jeedo kitaabkana ay heyso, 6-da saac ee kalena uu ninka soo koco Kitaabkana qabto xaaskiisana ay markaas seexato.

Sidii ayaa la sameeyay waxaana baryay waagii, laakiin ma taqaanaa Cajaa’ibta dhacday iyo mucjisada meeshaas kasoo if baxday.

Markii ay subaxdii soo keceen waxaa dhacday Mucjiso la yaab leh, taasoo ah in Ninkii iyo xaaskiisaba ay soo tooseen iyagoo wada xafidsan dhamaan Kitaabka Qur’aanka kariimka ah iyo tafsiirkiisaba. SUBXAANALLAH. Maxaa ka cajiibsan, yaase ka nasiib badan labadaas Qof.

Darajada intaas la eg dabcan waxa uu Alle jalla wacalaa ugu karaameeyay sida ay u xafideen Kitaabkiisa Quraanka ah, iyo sida ay u sharfeen niyadana uga jeclaadeen.

Hadaba walaalayaal waa in aanu ixtiraam siino Kitaabka Quraanka kariimka ah oo uu ku qoranyahay hadalkii Allah Sareeye.

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:


WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

Sunday, January 17, 2016

Qiso iimaanka kuu siyaadineyso: Wiilyahaw yaa ku damiinanayo?

12:36 AM 0
Waqtigii Cumar Binu Al-Khadaab RC, uu Xukunka Islaamka haayey, ayaa Saddex Qof waxey hor keeneen Cumar binu Khadaab Nin Dhalinyaro ah, waxey ku yIiraahdeen:- Cumaroow Ninkaan waxaan Rabnaa inaad noo Qisaasto waxa uu Diley Aabaheen.
Cumar baa Ninkii wuxuu ku yiri:- Maxaad u Dishey Aabahooda?.
Ninkii wuxuu yiri:- Waxaan ahey Nin Geel Jire ah oo Geel iyo Ari ayaan meel Daajinayey, Neef Geel ah oo ka mid ah Kuweyga ayaa waxaa uu Daaqey Geed ku yaal Dhul uu leeyahey Odeygu, Dhagax ayuu qaatey markaas buu ku Dhuftey Neefkii Geela ahaa, wuuna Dhintay, Aniguna isla Dhagaxii baan qaatey oo ku Dhuftey markaas buu isna Dhintay.
Cumar Binu Khadaab RC, waxaa uu yiri:- Hadaba waxaan kugu Qaadayaa Xadka.
Ninkii baa yiri:- Saddex Casho i siiya waayo Aabehey ayaa Geeriyoodey wuxuu nooga tagey Hanti Aniga iyo Walaalkey iga yar, hadaad i Disho hantidaas wey Lumeysaa iyo Walaalkeyba.
Cumar baa yiri:- yaa ku Damiinanaayo?.
Ninkii baa Eegay Wajiyada Dadka joogey Goobta markaas buu yiri:- Ninkaas oo uu ku Fiiqay Farta Saxaabigii weynaa ee Abuu Dar.
Cumar wuxuu yiri:- Abuu dar, Ninkaan ma Damiinaneysaa?
Abuu Dar waxaa uu yiri:- Haa, Amiirki Mu’miniintoow.
Cumar waxaa uu yiri:- Adigu ma Taqaanid, haddii la waayo Adiga ayaa lagugu Qaadayaa Xadka (Dilka).
Abuu Dar wuxuu yiri:- Anaa Damiinanaaya Amiirkii Mu’miniintoow.
Ninki waa la Fasaxay, wuuna baxay, Maalintii Koowaad waa Dhamaatey sidoo kale tii Labaad iyo tii Saddexadba waa ay Dhamaadeen Dadkoo Dhan waxey u Cabsoonayeen Abuu Dar, si aan loogu Qaadin Xadka (Dilka).
haddaba, wuxuu Waqtigu is Guraba waxaa la gaaray Xilligii ay Qorraxdu Dhaceysay, oo Abuu Dar, ayaa la sugayaa in Xukunka lagu Fuliyo ileen Ninkii lama hayee. balse Ilaah Mahadiis goor ay Qorraxdi dhaceyso oo ay Maqrib tahay ayaa waxaa Meel aad u Fog, oo Saxaraa ah wxaa ka soo Muuqday Ninkii la wada sugaayey isagoo uu ka Muuqdo Daal iyo Safar Dheer ayuuna soo hor Istaagay Amiirkii Mu’miniinta ee Cumar Binu Khadaab RC, isagoo dhahaayo:- Waxaan u Dhiibey Hantidii iyo Walaalkeyba Abtiyaashiis, hadana waan kuu Imid si aad iigu Qaadid Xadka (Dilka) Amiirkii Mu’miniintoow.

Cumar wuu yaabay, waxaana uu Su’aalay Ninkii, wuxuuna ku yiri:- Maxaa ku soo celiyey waxaa Suurtagal aheyd inaad Baxsatide.
Ninkii baa ku jawaabey:- Waxaan ka Baqay in la Dhaho Dadka Islaamka ah Dhexdooda waxaa ka Dhamaaday Oofinta Ballanta.
Cumar misana wuxuu Su’aalay Abuu Dar oo uu ku yiri:- Maxaad u Damiinatay Ninkaan Adigoon wax Aqoon ah u laheyn yaa Abaa Dar.
Abuu Dar baa ku jawaabay:- Waxaan ka Baqey in la Dhaho Dadka Islaamka ah Dhexdooda waxaa ka Dhamaaday Khayrkii iyo Naxriistii.
Intaas ka dib, waxaa Qisada la yaabay Wiilashii Aabahood la Dilay oo waxey yiraahdeen waan Cafiney Ninkaan, waxna uma Qabno.
Cumar ayaa Su’aaley Wiilashii oo ku yiri:- Sabab, maxaadse u Cafiseen Ninkaan oo Aabihiin Dilay ?.

Wiilashii ayaa ku jawaabeen:- waxaan ka Baqnay in la Dhaho Dadka Islaamka ah Dhexdooda waxaa ka Dhamaadey Cafiskii.
W.Q:- Macoow Ustaad
HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:


WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

Tuesday, January 12, 2016

QISO YAR OO CAJIIB AH: habeen kasta waxaan ku riyoodaa nabiga scw

7:32 AM 0
Sheekh Maxamed Xassaan wuxuu yiri: waxaa leey keenay Gabar yar oo 14jir ah, mfvkvfm9858waxayna igu tiri:- Habeen kasta waxaan ku Riyoodaa Nabi Muxamed CSW, ka dib waxaan ka Wareystay Sifaadka Rasuulka CSW, uu lahaa, Walaahi Dhammaan wey ii Sifaysay, waliba iyada oon Hal Sifo ka Tegin, Subhanalah ka dib waxaan ku iri:- Gabar yahay maxaad Sameysaa?, waxay igu tiri: Shanta Salaadood ayaan Xifdiyaa, Waqtigoodana ilaaliyaa, markaas ayaan ku iri:- Maxaa intaas kuu Dheer?, waxay igu tiri: Maalin kasta Rasuulka CSW, waxaan ku Salliyaa 10,000 jeer. Subhanalaah, waliba sida Rasuulka CSW sheegay Shaydaanku iskuma Ekeysiin karo Rasuulka CSW, Qofkii ku Riyooday Rasuulka CSW, wuu ku Riyooday. Subxaanallaah.
===========================
(ALLOOW NAGA YEEL KUWII RASUULKA U SHAFEECA).

QISO YAR OO CAJIIB AH. (Fadligga ay Leedahay Run Sheegidda).

6:39 AM 0
Sheikh Cadbdulqaadir Jeylaani oo Caalim Carbeed ah ayaa isagoo Cilmi Raadis ahaa u Baxay Bagdaad (Caasimadda Dalka Ciraaq), markuu Baxaayey Hooyadiisa waxey siisay 40 Diinaar, iyadoo kula Balantay inuu Runta sheego wax kasta haku Dhaco uusan marnaba Been Sheegin.


ka dib waxaa dhacay isagoo Maraaya Tuulada Hamdan, waxaa Wadaada u galay Niman Tuugo ah, ka dib waxey ka Qaateen Dhamaan wixiii ay wateen iyo Kooxdii ay ku socdeen, ka dib waxaa u yimid Nin ka tirsanaa Tuugada isagoo Rabay inuu ka Qaato waxa uu wato, ka dib ayuu ku yiri:- War Ninkoow Adiga maxaad heysaa?, Sheikh Cabdiqaadir ayaa ugu jawaabay:- waxaan heystaa 40 Diinaar, Ninkii wuxuu is yiri Wiilka wuu kaa Baqayaaa waxaasi maheysto, wuuna iskaga tagey, hadana mid Labad ayaa u yimid kuna yiri sidii midkii hore oo kale, wuxuuna ugu jawaabay waxaan heystaa 40 Diinaar. 



ka dib Tuuggii intuu Qaadey ayuu Amiirkooda u Geeyay, ka dibna Amiirka ayaa Weydiiyey hadana, isla su'aashii aheyd Maxaad Heysaa Wiilyahoow?, wuxuuna Sheekhu ugu jawaabay:- 40 Diinaar ayaan heystaa., hadana wuxuu weydiiyey:- maxaa kuugu Qasbay inaad Runta sidaan u Sheegtid?., Sheekha ayaa yiri:- waxaan Balan la soo galay Hooyadey inaan Runta Sheego, waxaana ka Baqay Balanta Hooyadey inaan ka Baxo, sidaas ayaan Runta kuugu sheegay, ka dib Amiirkii markii intaasi Dhegihiisa ku Dhaceen wuu Qeyliyey, wuuna Ilmeeyey, wuxuuna ku yiri:- Adiga waxaad Dhowreysaa Balanta Hooyada aad la Gashay, anagana Maanta waxaan Khiyaano kuwadnaa Balantii Eebe aan lagalnay, ee Waajibka inagu ahaa.


Intaasi ka dib, Amiirku wuxuu Amray in dhamaan wixii laga Qaatay dib loogu Celiyo, waana loo Celiyey, sidaasi ayuuna Amiirkii iyo Kooxdiisaba ku Towba keeneen, iyagoo Tuugadii ku Dhahaayo Amiirkooda:- Waxaad aheyd midkeena ugu weyn Wax soo Dhicidda, Maantana waxaa tahay midkeena ugu weyn Towbad keenida. (Dhamaantooda wey Towbad keeneen Fadliga ay leedahay Run Sheegidda ayaa Sabab u noqotay iney Towbad keenaan).


Wabillaahi Towfiiq.

(ALLOOW ADDUUN & AAKHIRO NOO NAXRIISO
).
HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:


WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

Sunday, January 10, 2016

Qiso Jacayl oo faaido badan: waxuu yiri, xaaskeeygiyeey waa ku jeclahay kumana furayo.

1:22 PM 0
Yaasir wuxuu ku soonoqday Gurigiisa sida caadada u eheed kadib Waqti dheer oo uu ku soo qaatay Shaqadiisa iyo xafiiskiisa,waxaana guriga albaabkiisa kafurtay Maryama oo aheed Xaaskiisa,iyadoo aad u careysan waxaana meeshii ka biloowday dood iyo muran aad u xun.

sida caadiga ah qooys waliba wuu dhexmaraa qilaaf mana ahan mid ku cusub Yaasir iyo xaaskiisa in dood iyo muran dhaxmaro,balse maanta si xad dhaaf ah ayeey u doodeen,ilaa markii danbe maryama ay yaasir weydiisatay furiin.

yaasir arintii wuu ka carooday wayna u cuntami waysay inuu furo xaaskiisa uu aad ka u jecla.wuxuuna ku yari xaaskiisi:

“Abaayo bal isdaji oo sheeydaanka iska naar,miyaad waalatay”,
Waxay tiri “maya ma doonaayo inaan isdajiyo waa inaad I furtaa maanta waxkale oo socanaayo majiraan”
Yaasir wuu yaabay,markuu arkay xaaskiisa oo ku madax adeegtay in uu furo.
Yaasir wuxu jeebkiisa ka soobixiyay waraaq wuxuuna ku qoray sidatan:

“Anigoo ah yaasir Damiirkeeyga iyo maskaxdeeydana taam tahay waxan halkaan ku cadeeynaya inaan
Xaaskeeyga si xad dhaaf ah u jeclahay,mana doonaayo inaan Furo marnaba,raalina kama ihi qof aan ayada eheen”.

Wuxu dhexgaliyay waraaqadi bashqad,kadibna wuxu u dhiibay xaaskiisa,wuxuuna kabaxay guriga asiga oo careeysan.

Xaaskii yaasir xanaaqa oo ka tan badiyay dartiis maysan aqrin waxa waraaqada ku qoran waxayna saxiixday waraaqadi.
Yaasir wuxu iska aaday asxaabtiisa iyo magaalada,halka xaaskiisana ay guriga iska joogtay
Mudo dheer kadib markii uu xanaaqi daayay maryama ayay dib iskugu laabatay waxeyna nafteeda kula sheekeysatay sidaan soo socota:

Naa balo hesho maxad sameeysay?Ninkaagi oo ad jecleed miyaad I fur kutiri maanta, Xageed aadeeysa hadii uu ku furo ? Waxaa maskaxdeeda ku soolaalaabtay Su’aalo fara badan oo ay isweeydiisay..
Laakiin waa goor ay caanuhu haruubkii ka daateeen.
Saacado kadib waxa gurigi ku soolaabtay Yaasir oo ka yimid magaalada,
Yaasir wuu iska iloobay xanaaqi iyo caradi,wuxuuna iska soogalay qolkiisi jiifka.
Asagoon lahadlin xaaskiisa ayuu sitoos ah u soo abaaray qolkiisi,albaabkana wuu xirtay

Daqiiqado kadib waxaa u soo garaacay albaabka xaaskiisi oo qeeylineeysa, oo leh
“Iga fur albaabka inaan kula hadlo ayan doonayaa”,ayeey ku tiri yaasir.
yaasir oo si kor ah u hadlaaayo ayaa ugu jawaabay “maxaad dooneeysa?”
Waxay bilaawday ineey codkii u jilciso oo si dabacsanaan ku jirto kula hadasho yaasir.
Waxeyna mar kale ku tiri “Waan ku tuugaa Yaasirow iga fur albaabka waxan raba inaan kula hadlo”

Yaasir wuu laba labeeyay maka furta ma iska dhaafta,marki danbe wuxu go’aansaday inuu ka furo
Yaasir xaaskiisi waxay bilaawday ineey ooydo ayado ilintu ka da’eeyso ayeey ku tiri
“bax oo soo weeydii shiiqa dariskeena ah in hadii xaaskeeyga oo careeysan iga dalbato Furiin,aniga oo careeysan kadibna aan waraaq ugu qoro ma iga furmeeysa mise maya” ayeey tiri xaaski yaasir

Marayama ma oga in waxa warqada ku qoran eysan eheen furiin.
Yaasir ayaa weeydiiyay ineey ka shaleeyneeyso oo ayana ka xuntahay qaladka ay gashay,oo ayasan mardanbe u noqoneen wixi dhacay.
“waxay ku dhaaratay ilaahey magaciisa ineysan mardanbe ku dhihi doonin I fur iyo wax la mid ah waxana iga keenay caro mana u qasdin inaad I furto ayeey ku tiri maryamo.


Yaasir aya ku yiri xaaskiisi.
“abaayo Fur waraaqda oo aqri horta waxa ku qoran?”
Waxay aqrisay hadalki uu yaasir waraaqada ku qoray oo aha inuusan diyaar u eheen inuu furo xaaskiisa
Uuna aad u jecel yahay.

Faraxad darted Maryama way rumeeysan weeysay waxa ku qoran waraaqada,ilin aya ka soo dareertay indhaheeda,waxay bilaawday ineey Yaasir u mahadceliso.
Maryama waxay u noqotay cashar lama iloobaan ah dhacdadaasi,waxayna dib u wanaajisay xariirki

Ku dhawaaaday inuu bur-buro.

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:


WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

Mucjiso La Yaab Leh: Gabadh Iyada Oo Yuhuudiyad Ah Masaajid Gashay, Kana Soo Baxday Iyada Oo Muslim Ah.

5:17 AM 0
Faadumo waa gabadh u dhalatay dalka mexico oo 28 jir ah waxay ku soo barbaartay family yahuud ah iyo mujtamac yahuud ah, waxay ka waramaysa qisadii ay ku islaamtay.

RAADINTA XAQIIQDA

iyadoo ka waramaysa qisadeeda waxay tidhi: Afar sanno ka hor waxay nolashayda ku sugnayd jawhareer badan waxaana igu wareegayey su’aalo badan taasoo u baahan si laga jawaabi lahaa, oo aan ka waayey jawaabahooda diinta yahuuda iyo diinta masiixiga iga biinaya fikirka iyo werwerka badan ee I haysta, welibana arinta ka dhaxaysa baniaadamka iyo ILAAAHEY caza wajalla.


Bilawgii qisada ( London) iyadoo sii wada sheekadeeda waxay tidhi: Markaan kusugnaa London oo aan dhiganayey jaamacadeed waxaan is baranay qoys carbeed oo muslim ah, waxaanaan bilawbay inaan la xidhiidho, waxaanaan aad ula yaabay degnaanshaha xaafadda iyo ku nooshahay hooyada oo aan waydiiyey si sira waxayna igu jawaabtay:

Diinta islaamku waa diin siinaysa xaqqa ay leedahay qofka gabadha ah, iyo makaanka ay gabadho ku leedahay ninkeeda iyo qoyskeeda, iyo sida ay diintu dhigayso labada is qaba manhaj ay leeyihiin ay ku noolaanayaan iyo ku barbaarinayaan ubadkooda, kalmadahan ayaa igu noqday kalmado u soo jeedsaday caqligayga iyo qalbigayga iguna kaliftay inaan xaqiiqda sii ogaado.

Faadumo oo ka waramaysa sheekadeeda waxay tidhi: waxaan baxay maalin maalmaha kamida oo aan tagay meelo lagu nasto, anoo dariiqaygii ku sii socda waxaan ag maray masaajid kamida masaajidada weyn waxaan galay masaajidka waxaanaan kula kulmay sheekh gadh weyn oo cad oo dheer.. si fiican ayuu ii soo dhaweeyey waxaanuu si ixtiraam ku jirto iyo sharaf iga codsaday inaan xijaab xidho ixtiraamahaan masaajidka iskumaanaan dayin inaan diido, markii danbe aniga iyo sheekha ayaa masaajidka wada galnay waanuu ila fadhiistay, waxaanuu isiiyey qayb kamida aayado quraanka kariimka oo ku qoran afka ingiriiska ah, oo sharaxaya diinta islamka, waxaan ka soo baxay masaajidka anoo faraxsan waxaan bilawbay inaan akhristo buugaagta wakhtiyo badan, waxaanaan bilawbay inaan xaadiro kulamada lagu qabto masaajidka wiiga taaasoo iga caawisay inaan fahmo islaamka, dhigayana manhajka qofka muslimka wuxu nolashiisa oo dhan ku nolaan lahaa iyo ilaa maca dhimashadiisa kadib, taas oo aad igu adkaysay inaan u soo jeedsado diinta islaamka oo ah in qofka muslimka ahi rumaysan yahay dhamaan anbiyada oo dhan laga bilaabo nebi aadam ilaa nebi ciise naxariis iyo nabadgelyo kurkooda a’ahaate , taas oo ii soo jeedishay oo kale xidhiidhka ka dhaxeeya qofka muslimka ah iyo ILAAHAY subxaanuhu watacaala,oo aan cidna u dhaxaynin, waxa igu abuurmay werwer laba sanno ah oo aan jeclaystay iyo rabitaankayga ah inaan galo diinta islaamka, iyo baqasho aan ka qabo reerkayga iyo diidmada ay ka qabaan inaan galo oo aan cadaysto diinta islamka.


Laakin waxa kadis igu noqday anoo ku sugan muxaadarada masaajidka waxaan istaagay imaamka hortiisa waxaanaan cadaystay inaan islaam noqday iyo in aan xidho xijaabka, waxaa taasi ku noqotay imaamkii masaajidka ee muxaadarada qabanayey farxad weyn, laakin farxadayda ayaa aad ugu weynayd sababtoo ah waxaan noqday imika laga bilawbo qof muslima xidhanna xijaabka.

Qoyskeyga kadib islaamnimadayda
Faadumo oo dhamaystiraysa hadalkeeda:

Waxaan ku sugnaa London wakhti aan aad u badnayn kadib islamnimayda iyo xidhitaanka xijaabka ILAAHAY mahadiisa wax dhiba kulamaan kulmin bulshada halkaas(London) walibana anigoo sii dhiganaya jaamacadda, wakhti kadib wakhtiyada.. waxaan ku noqday mexico si aan la noolaado qoyskeyga, waxa layaab ku noqotay waalidkey oo arkay isbadelka igu dhacay tasarufaadkayga iyo dhaqankayga iyo waxaan madaxayga( xijaabka ) saaran marwalba ilaa wuu ii soo galay aabahay marqudha isagoo I arkay anoo tukanaya taasoo oo ku noqotay layaab…muu aqblin fikirkayga islamka waligii. Iskumana dayin jaanis ama wakhti sababta igu kaliftay inaan diinta islamka galo.

Hooyaday ayaa ila yaabtay hadana walaalkey waxaana iga fogaaday asxaabtayda iyo dadka aan isku dhawnahay. Mujtamaca yahuudu waa mujtamac isku xidhan mana ogala wax isbadel ah guduhooda, waxaanuu aabahay go’aansaday in wuu guriga iga eryo hooyadayna iskumay dayin in ay diido go’aankaa aabahay yeelay bal way aamustay kamanay hadal, waxaanuu ila hadal muddo sannad ah, walaalkayna kumuu qanacsanayn islamnimayda kumana qanacsanayn xidhitaanka xijaabka, reerkayga kamaan xanaaaqin iyagoo waxaa igu sameeyey oo dhan waxaana kamida sifadaha ama astaamaha qofka muslimka ahi in wuu sabro waalidkiisa iyo in wuu ixtiraamo waxaan kabaxay guriga waxaan noolaa kaligay anoo la xadhiidhaya reerkayga anoo qancinaya oo isku dayeya inaan u soo dhawaado markale.

Faadumo oo ka waramaysa mujtamaca dhexdiida waxay tidhi: wax dhiba kalamaan kulmin bulshada Mexico islaamnimadayda laakin dad asxaabtayda ah oo u malaynayey in wuu igu dhacay cudurka kansarka ah sidaa darteed inaan xidhay xijaabka si aan u qariyo timahayga daadanaya. Ama aan dhalay ilmo sidaa darteed aan madaxayga u qarinayo anoo kacabsi qaba barafka, waxaan isku dayey inaan fursadaas ka faa’daysto si aan isku dayo inaan fahansiiyo dadka islaamka waxaan arkay anoo walaalayaal badan iskudayaya inay diinta islamka soogalaan ILAAHAY mahadiis waxaan awooday inaan ku abuuro dad badan oo asxaabtayda ah oo aan isku dayo inaan galiyo diinta islamka.


Baniaadam kasta, …… wuxu isku dayaya shaydaanku in wuu soogalo qalbigayga iyo caqligayga inkabadan mar … hadaba mecxcio oo ah dal kulul oo xidhitaanka xijaabku yahay shay ku adag in la xidho sababtoo ah darajada kulaylka oo kulul laakin shaydaanka ayaa albaab iga soogalayey inaan iska bixiyo kulaylka daraadii, hadana waxabana igumay dhicin laakin shaydaanka ayaan iska naari jiray waxaanaan akhrisanayey aayadao quraana iyo danbi dhaafna ilaahay ayaan waydiisanayey in badan.

Wakthi wakhtiyada kamida .. waxaan la yaabay walaalkey oo I waydiinayey su’aalo oo igu leh miyaad haysa sawir nebigiina maxamed?

Waxaan ugu jawaaabay maya, wuxu igu yidhi waxaan u malaynaya in nebigiinu maxamed wuxu igu yimid RIYO oo igu yidhi cid kuma qasabno in wuu diinta islamka soogalo… riyadaa kadib waxaan dareemay isbadel sidu ila dhaqmayo walaalkey oo noqday mid raali ka noqda xidhitaanka xijaabka wuxu noqday mid marwalba ila hadala ina soo bookhdana wakhti kasta.

ILAAHEY mahaddii

Faadumo oo sheekadeeda sii dhamaynaysa waxay tidhi: ILAAHAY ayaan u mahad naqaya caza wajalla nicmada diinta islamka kaas oo igu hanuuniyey qalbigayga iyo caqligayga, kuna buuxiyey dhaaawicii I haystay hanuun iyo jeclaan, waxaanaan ilaahay ugu mahadnaqaya subxaanahu watacaala sababtoo ah isagoo iga saaray mugdi iguna badelay nuur. Islaamkuna yahay diin dadka is jeclaysiinaysa iyo raali ay ku jirto iyo ixtiraamaysa diimaha samaawiga oo dhan ( yahuuda iyo masiixiga) oo aan ka bartay kalsooni naftayda ah iyo sharaf shakhasiyadayda ah ILAAHAY subaanahu watacaala wuu yahay mid ducada aqbala .


Waxaan rajaynaya in dadka walaalahayga muslimka ah ee qurabaha ku nool inay isku dayaan siday diinteena saxda ahi ee sharafnimadu ku jirto iyo karaamada qof kasta siinaysa wiil iyo gabadh xaqiisa inay faafiyaan diinteena, sidaa gabadhaa ilaahay ku soo hanuuniyey diinta cisadu ku jirto, wakhtigan oo aan ku jirno oo ah wakhti adag oo ay isku dayeyaan dadka nasaarada ahi inay faafiyaan diintooda maal iyo wax kasta u huryaaan iyagoo Media ku faafinayaan in ay dadka muslimka yihiin dad wax dila kuna tilmaama in ay yihiin IRHAABIYIIN si ay diintooda u faafin lahaayeen, inagana waxa nagu khasab ah in qofkasta oo muslima in wuu isku dayo in diinteena islamka faafiyo, ILAAHAY –na aad ajar iyo xasanaad aad ka helaysid inshaa Allah.

xigasho:http://nuradini.webnode.com/

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:


WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

Friday, January 8, 2016

Qiso Dhagartii enternetka: Mustaqbalkeygi buu ku cayaaray, Allow ii dambi dhaaf.

8:43 AM 0
Waa qiso runtii aad u xanuun badan oo mudan in lagu cibra qaato qaasatan markaan fiirinno sida dadkeenna Soomaalida ah ugu bateen adeegsiga Internet-ka, waxaan jecleysanay inaan idiin soo tarjunno qisadan oo ku dhacday gabar dhowrsan oo aheyd xaas cusub.

Waxay ku billowday sheekada:
Waxey tiri Walaalayaal waxaan idiin soo gudbinayaa qisadan oo dhab ahaan aad ii taabatay, waxaa bur-buray mustaqbalkeyga, waxaa dumay gurigeygi, waxaa kala tagnay ninkkeygi, waliba anigoo ka soo jeeda qoys dhowrsan, waligey kuma fikirin inaan sameeyo qaladkan oo kale oo ilaahay iga caroodo.

Waxaan guursaday wiil aan is-jecleyn oo aad ii ixtiraami jiray, iguna qabay kalsooni weyn isagoo familkiisu dareemeen wanaagga inaga dhaxeeya, dhina qoyskeyguna waxay igula kaftami jireen waxaad heshay nin aan hortaa gabar kale arag oo waxaad jeceshahay ku siiyo,


Ma xasuusto shey aan odaygeyga ka codsaday uu ii diiday, wax walbana sida ugu macquulsan ayuu iigu heli jiray, laakin maalin maalmaha ka mid ah baan ka dalbaday inuu guriga internet ii soo galiyo, wuxuu yiri gurigeyga uma rabo qad, laakiin ugu dambeyn waan k qanciyay waxaana ka ballan qaaday inaan wax xun ku sameyn.

Wixii intaa ka dambeeyay kadib waxaa waqtigeyga ugu badan siiyay inaan qadka galo oo aan asxaab badan ku yeesho, isagu wuxuu aadaa shaqadiisa, mana I weydiiyo waxaan ku sameeyo, waayo kalsooni badan ayuu igu qabay.

Intaasi kadib waxaan is-baranay wiil ka mid ah asxaabta internet-ka, wuxuu ii soo jiitay si’ weyn
waxaana ka helay farxad aanan waligey qof bani’aadam ah ka helin, maalinba tan xigta waan xiriir jirnay ilaa seygeygu ka maseero mararka qaar inaan qadka galo isagoo aqalka jooga,

Wuxuu waqtigu socdo, waxaa ninkeygi igu dhibsaday waqtiga badan ee aan qadka ku bixiyo, wuxuuna I dareensiiyay inuusan raalli ka aheyn hab dhaqankeygan cusub, ilaa aan gaaro heer aan la dhuunto wada sheekeysiga wiilkan aan is-baranay.

Waxay aheyd markii ugu horreysay ee ninkeygu ii muujiyo caro, waxaana halkaas ka billowday xiriir xumi isaga iyo aniga ina dhex marto, waxaa qalbigeygu u sii jiidmay wiilkan cusub oo hadii aan iska furo ninkan qeylida badan ii ballan qaaday inuu I guursado.


Wiilkan cusub baa mar walba iga codsan jiray inaan kulanno, balse markuu xumaaday xiriirka aniga iyo ninkeyga ayaan go’aansaday inaan fursad siiyo jaceylkeygan cusub, ugu dambeyn maalin baan ballanay oo aan is-aragnay waxaana na dhex maray sheeko iyo wax kastoo rag iyo dumar sameeyaan ilaa aan ka naxay qiyaanada aan kula kacay ninkeyga.

Markii dmabey ninkeygi baa go’aansaday inuu internet-ka ka saaro aqalka, waxaana billaabay inaan telefoon iska wacno wiilkii, oo xiriirkeenni sii lixaadsaday, halka qilaafka aniga iyo odaygeygu sii kordhay.

Ninkeygu wuxuu arkay farriin qoraaleed telefonkeyga ku qoran wuxuuna aad uga naxay waxaan ku kacay, wuxuu gocday waxyaabo badan, wuxuuna ii sheegay inuu I cafiyay dalaaqadeydana uu I siiyo, isagoo ii ballan qaaday inuusan dadka igu ceebeyn oo qoyskeygu u sheegin fuxshiga aan ku kacay, taasoo jaceylkuu ii qabay marag ka aheyd.

Markii aan kala tagnay ninkeyga ee aan u sheegay wiilkii, wuxuu durba ii muuujiyay qalbi jab iyo waxaan ka fileyn wuxuuna igu yiri “Waligey kuma fikirin inaan guursado gabar aan qadka ka bartay, mana jecli inaan xaas ka dhigto qof xumaan ila sameysay, ileen birriba qof kale ayay sidaas la sameyn”.


Naxdin iyo amakaag halkaasna waxaa ka billaabatay cuqdatul nafsi aan waligey illaabeen, anigoo jecel qisadan igu dhacday inay cibro ka dhigtaan walaalaha isticmaala internet-ka gaar ahaan dumarka, walaalayaal Sheydaanku wuxuu maraa xididadda dhiigga ee aan iska ilaalinno, anigana ilaahay ii barya inuu iga towbad aqbalo.

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:


WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA