SUPPORT WEBSITE

Showing posts with label QISO MACAAN. Show all posts
Showing posts with label QISO MACAAN. Show all posts

Thursday, November 24, 2016

QISO FAAIDO BADAN: WUU II CEEB ASTURAY ALLE CEEBTIISA HA ASTUREE.

7:27 AM 1
Nin sheikh caalim ah ayaa habeen waxa uu ku riyooday nin uu yaqaanay oo janada dhex jooga, markii la gaaray subaxii oo uu waagii baryey ayaa imaamkii waxa uu raadiyey ninkii uu xalay ku riyooday asagoo janada dhex jooga.

Markii uu u yimid ayaa imaamkii waxa uu ninkii ku yiri, ii sheeg, maxaa camal ah oo aad sameysaa, oo Alle swt ugu dhawaataa? Waayo xalay waxa aan arkay oo ku riyooday adigoo dhexmiranaya janada Allah mideeda ugu qiimaha badan, ninkii waa uu diiday in uu imaamkii uu uga jawaabo suaashiisi.
Imaamkii ayaa yiri, ILAAH baan kugu dhaariyee ii sheeg camalka aad sameysay anigana aan Allah swt ugu dhawaadee, si aan u helo Allah swt raxmadiisa.

Ninkii ayaa yiri Imaam baa tahay oo qisadeyda ma qarin kartid lakinse ii balanqaad in aadan dadka u sheegeynin magaceyga, imaamkii ayaa u balanqaaday in uusan magaciisa sheegi doonin, ninkii ayaa yiri waa yahee dhageyso qisada igu dhacday.


Waxaan guursaday gabar, marki aan guursaday oo guriga geystay ayaa waxa aan ogaaday in leedahay uur dhowr bilood ah oo aan anigu lahayn, waan naxay oo wax aan sameeyo ayaan garan waayey, waxaan go,aansaday in aan u ceeb qariyo, ehelkeyga iyo ehelkeedaba waan u diiday in ay xaaskeyga booqasho ugu yimaadaan si aan ugu ceeb qariyo oo aan loo ogaanin xaaskeyga in ay uur leedahay.

Waxaa la gaaray xiligii foosha, waxaan ugu yeeray umuliso, waxa ayna gabadhii ku dhashay guriga, waxaan soo qaaday cunugii ay dhashay waxey ahayd aroor hore oo ay soo dhawdahay salaada subax, cunugii ayaan dhigay irida masjidka anigana gudaha masjidka ayaan u gudbay. Waxaan tukaday salaad suno ah, banaanka ayaan usoo baxay waxaana arkay wiilkii yaraa oo ay ku xoonsanyihiin, dadkii xaafada, isla markaana ay is weydiinayaan cida soo dhigtay.


Waan soo qabtay cunigii dadkii ayaana ku iri wiilkaan hooyadiis ayadoo ka baqeyso ceeb ayey iska soo fogeysay, aniga ayaana qaadanaya oo ka faalo qaadayo gurigayga ayaana ku korsanayaa, waxaan u markhaati galiyey dadkii goobta joogay, kadib xaaskeyga ayaan tuulo kale u waday markhaatiyaal iyo sheikh cusub ayaana ula tagay si markale la iigu mehriyo.

Gabadhii hada waa xaaskeyga waxa ay ii dhashay ilmo badan naxariista aan u sameeyey waxa ay igu abaal guday in ay igu nooleyso jano aduun, aakhirana Allah swt ayaa waxa aan ka baryayaa in uu janadiisa nagu kulmiyo aniga iyo xaaskeyga.

QISADOO MUUQAAL AH HOOS KA DAAWO.


Wednesday, November 16, 2016

QISO CAJIIB AH: WAXUU YIRI WAXAAN AHAA QOF AAN ILAAH AQOON, OO XAARAN KASTA SAMEEYEY.

10:45 AM 2
Nin dhallin yaro ah oo ay ka muuqato inuu Rabbi u nimceeyey ayaa maalin maalmaha ka mid ah meel igula kulmay. 

Wuu igu dhegay oo i salaamay wuxuu iga dalbaday inaan u raaco xafiisikiisa oo aan shaah lasoo cabbo. Markii aan ka yeelay oo aan tagnay xafiiskisi ayuu bilaabay inuu marna isoo eego marna ooyo.

Markaas ayaan ku idhi: Khayr In shaa Allaah, wejigaaga khayr badan ayaa ka muuqda ee Maxaa kugu dhacay, sidee wax u jiraan wll?

Markaas ayuu ii warramay, wuxuu yidhi: Wallaahi Sheekhow, waxaa jirtay in iyadoo la soomman yahay aan ahaan jirey nin macsiyeysta. Wuxuu farta iigu fiiqay mid ka mid ah qolal kiisa isagoo leh qolkani wuxuu khaas u ahaan jirey ZINADA!

Qaar ka mid ah shaqaalahayguna waxay u xil-saarnaayeen inay ii keenaan gabdhaha ugu quruxda badan waddan uu magacaabay.
Ninkaas oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: Waxaan xasuustaa iyadoo ay tahay bil Ramadaan in anigoo macsidaa iyo zinadaa ku dhex jira aan masjid qolalkayga u dhow ka maqli jirey muslimiinta oo tukanaysa salaadda taraawiixda, markaas ayaan ka xaraabaysan jiray.

Wuxuu iigu dhaartay in marka cuntada loo keenayo, khamriga loo keeni jirey inta aan biyaha loo keenin. Wuxuu yidhi: Waxaa yaraan jirtay in habeen i dhaafo aniga oo aan zinaysannin. Waxaana dhici jirtay in habeen la ii keeno gabadh aan i cajabinnin oo aan dalbado in la iga beddelo oo isla habeenkaasba mid kale la ii keeno. Waxaan ahaa nin noloshaa ku jira.

Wuxuu ahaa mid aan Ilaahay aqoonnin, culimada iyo dacwadaba ku ciyaara Habeen habeennada ka mid ah anigoo ku jees-jeesaya muslimiinta oo taraawiix tukanaysa iyo kuwa maalintii soomman ayey ii keeneen gabadh, mana ayna ahayn mid i cajabisay.

Kolkaas ayaan ka dalbaday inay xafiiskayga iigu keenaan gabadh kale. Intii la iigu maqnaa ayaan is idhi "Oo intii aad waqtiga iska lumin lahayd maan in yar u seexdo.

Waan seexday kadibna wax yar kadib waxaan ku riyooday aabahy oo meel buur ah igala hadlaya oo qaylinayaa oo leh "Wiilkaygiiyow aabo kafagow zinada iyo macaasida iyo gaalnimada.

Waan toosay anigoo naxsan waxaan arkay inaan tiyo ku jiro hadana dib ayaan ugu labty hurdaydii waxaan markale ku riyooday anigoo silsilado waawayn laygu xidhay hadana foostoiyin waawayn daamur la karinaayo laygu shubaayo.

Anigoo aad u naxsan hadana dhididsan ood moodo xaaladan ku jitay inay dhab ahyd ayaan soo toosay wax yar ayaan qolka Tv ga iska soo fadhiisatay

Intii la iigu maqnaa ayaan is idhi dib ha u seexane maan teleefishinka ka raadiyo meelaha laga helo filimada fuxshiga ah inta gabadhaas laga keenayo"!!!

Intii aan raad-raadinayey ayaan mawjidihii aan bed-beddelayey mid ka mid ah ayaan (sheekhoow) kaa arkay adiga oo u lebbeisan sidan aad haddaba ugu lebbisan tahay dharka cad-cad oo ka muxaadaraynaya.

Markaas ayaan ku joojiyay muxaadaradii Ugumana joogsannin inaan ku dhegaysto ee waxay ila noqotay inay qalad ahayd inaan meeshaa kaa arko,

waxaanan idhi: Macquul ma aha. Wadaadkan maxaa meesha keenay? Ma ahayn inaan halkan ku arko! Ma aanan rabin inaan ku dhegaysto, kumana aanan aqoonnin.

Aniga oo weli gacanta ku haya kii lagu bed-beddalayey oo aanan weli beddelin aanse is leeyahay beddel ayaan usii daayey ilbidhiqisyo iyo daqiiqado kale.

Ilaahay Amarkiisa, muxaadaradu waxay ku baxaysay toos, waxayna ku saabsanayd Zinada iyo dhibaatadeeda.

Wuxuu yidhi: Waxaan dhigay bed-beddelihii, markaas ayaan siiyey qalbigayga oo dhan inaan muxaadarada ku dhagaysto.
Waxaad moodaysay inaanan weligay ooyin markaa ka hor xataa riyadii.imay bedelin qaxaan naxdin ahyn mooyee, adiguna aad aniga ila hadlaysay oo aad i arkayso waxa aan samaynayo.

Ilaahay ayaan kuugu dhaartaye, sheekhow, waxay ay ahayd markii iigu horreysay ee aan dareemo macaanka Iimaanka.

Waxaa isku kay raacay riyadii iyo muxaadardii waxaadba mooda in si toosa aniga layla hadlayo.

Waxaan habeenkaa goostay inaan salaadda bilaabo markii iigu horreysay nolosha iyadoo aan dhaafay 33 jir. Kana toobad keeno denbiga aan ku jiey. Halkii ayaan isku diyaariyey oo aan salaaddii ku bilaabay.

Aniga oo sujuudsan ayaa la keenay gabadhii la iigu maqnaa ee aan rabay inaan ka zinaysto. Way i raad-raadiyeen, ugu danbaynna waxay arkeen inaan sujuudsanahay, waxayna la yaabeen farqiga u dhexeeya xaaladdii ay igaga tageen iyo xaaladda aan ku sugnahay.

Waxay i sugaanba markii aan salaaddii ka baxay ayey i su'aaleen waxa igu dhacay? Markii aan u warramay ayaan ku idhi gabadhii iska celiya. Ilaahay ayaan kuugu dhaartaye sheekhow habeenkaa ayaan Rabbigay Ballan la galay inaanan dib danbe u zinaysannin oo aanan dib danbe khamri u cabbin go'aanka u gaadhay.

Subixii ku xigayna waxaan bilaabay inaan soomo, saddex maalmood ka dibna aniga iyo xaaskaygii ayaa isu raacnay Xaramka si aan usoo cumraysanno.

RABBIYOW TOOBADDA IYO KHAATUMADA WANAAGSAN NA WAAFAJI AAMIIN YA ALLAH. 

Friday, November 11, 2016

QISADII TEDY, QISO KAA OOHIN DOONTA: TEDY DHARKIISA HAD IYO JEER WEY WASAQEYSANYIHIIN.

11:15 PM 0
Wiilkan oo Lagu Magacabo Teddy, dharkiisu had iyo jeer way wasakhaysan yihiin, uskag ayaa ka muuqda, aqoontiisa waxbarasho aad ayey u hoosaysaa, had iyo jeerna isaga ayaa isku maqan oo wuu fakerayaa, Wiilki macalimadisa schoolku xukunkan ay wiilkan dusha ka saartay ee ay u aragto wiil aad u liita waa aragti ay ka dhaxashay muddadii ay wax u dhigaysay, sababtoo ah had iyo jeer lama ciyaaro aradayda, muuqaalkiisa guudna waa mid aad u liita, had iyo jeerna musqusha ama suuliga ayuu u cararaa.

Murugada ka muuqata awgeed ayey macalimadu kuraaxaysataa marka ay buugiisa iyo waraaqahiisa imtixaanka saxayso qalinka cas ayey u badisaa, waxayna ugu qortaa wuu dhacay warqad kasta.
Xaaladda wiilku ku sugan yahay markay aragtay ayey maalintii danbe waxay codsatay Faylashii iyo warbixinahii laga qori jiray sannadadii hore , waxayna guda gashay in ay ka soo bilowdo sanadkii uu ku jiray fasalka koowaad, iyada oo akhriyeysa ayaa waxa ay aragtay arrin ay u qaadan weyday.
Macalinkiisii sanadkii koowaad waxa uu ka qoray Teddy, waa wiil caqli badan, oo dadaala, hiba ilaahay siiyey, shaqada loo diro si wanaagsan u qabta, si wanaagsan u habeeya casharada.

Macalinkii Fasalka Labaad ayaa isaguna waxa uu ka qoray warbixin oranaysa Teddy waa wiil wanaagsan oo ay jecel yihiin saaxiibadii, hase yeeshee wer-wer iyo wal-bahaar ayaa ku soo kordhay ka dib markii hooyadii cudurka Kansarku ku dhacay.

Macalinkii Fasalka Sadexaad ayaa isaguna waxa uu ka qoray, Teddy geerida hooyadii ku timi waxay u taabatay si adag, wuu dadaalay laakiin aabihii ma ahayn mid daryeela wiilka oo ihtimaam siiya, xaaladda gurigooda ama aqalkooda ka jirtaana raad weyn ayey ku yeelan doontaa, haddaan arrintaas wax looga qaban si deg deg ah.

Macalinkii Fasalka afaraad ayaa isaguna ka qoray. Teddy waa wiil isku maqan oo intaa fekeraya, wax niyad ah uma hayo waxbarashada, saaxiibo uu la sheekaystana fasalka kuma leh, wuuna seexdaa xilliga casharada lagu jiro ee wax la baranayo.

Halkaa markay warbixinihii macalimada la marayaan ayey ogaatay oo garawsatay Dhibaatada jirta, waxayna dareentay in ay ku xad gudubtay wiilka,wayna isku khajishay ama isku xishootey oo is canaanatay.
Xaalku macalimadu wuxuu ugu darnaa markii ardaydii ay hadiyado waraaqo qurux badan ku jirta u keeneen, marka laga reebo wiilka Teddy, oo isagu ku soo duuduubay waraaqaha caadiga ah ee dukaamadu dadka adeega ugu laabaan.Arrintaasi macalimadii raad ayey ku reebtay, ardaydiina waxay galeen in ay ku qoslaan Teddy iyo hadiyadiisa foosha xun, hadiyada Teddy waxay ahayd silsilad yar oo qoorta la surto iyo quraarad ama dhalo cadar ah oo kala baran ama aan buuxin.

Si lama filaan ah ayaa ardaydii qosolkii u joojiyeen markii ay macalimadii hadiyadii ka guddoontay Teddy , isla markaana u sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay, si diiranna ugu mahad celisay, way xiratay silsiladii yarayd markiiba, cadarkiina way isku shubtay, ”buufisay”.Wixii maalintaas ka danbeeyey Teddy marka iskuulka laga baxo toos gurigooda uma tagi jirin, wuxuu sugi jiray intay macalimadiisu soo baxayso, maalintii danbe ayuu ku yiri maanta waxaan kaa urinayaa hooyaday, oo aan kaa dareemayaa, markii uu intaas ku yiri macalimadii oohin ayaa indhaheeda ka soo daatay, waayo Teddy wuxuu u sheegay in Cadarkii kala barnaa ee uu hadiyadda ugu keenay in hooyadii isku shubi jiray, meelna uu dhigtay oo uu ku ilaashan jiray, sidaas daraadeedna markii ay macalamidiisii isku shubtay uu soo xasuustay urtii iyo cadarkii hooyadii.

Maalintaa wixii ka danbeeyey macalimadii waxay guda gashay in ay aad u daryeesho Teddy, wuxuuna bilaabay Teddy in uu dadaalkiisii dib u soo celiyo murugadii iyo walbahaarkiina ka yaraado, sanad dugsiyeedkii markuu dhamaaday Teddy wuxuu ka mid ahaa ardaydii ugu darajada saraysay.

Teddy sanad dugsiyeedkii markuu dhamaaday wuxuu u qoray macalimadiisi warqad uu ugu mahad celinayo uguna sheegayo in ay tahay macalimadii ugu wanaagsanayd ee soo martay intuu waxbarashada ku jiray, waxayna macalamadisii ugu jawaabtay warqad kale oo ay ugu mahad celinayso, waxayna ugu qortay, waxaad i bartay sidaan u noqon lahaa macalimad wanaagsan, oo daryeesha aradayda.

Teddy Muu ilaawin macalimaddiisii markii uu ka gudbay dugsigii sare warqad ayuu u soo qoray uu ugu mahad celinayo sidii ay u soo garab istaagtay.

Muddo ka dib oo sannado badan ka soo wareegeen waxaa sanduuqa boosatada gurigeeda ugu soo dhacday warqad casuumad ah in ay ka qayb gasho xaflad qalin jabin ah oo lagu qabanayo jaamacadda gaar ahaan kuliyadda Caafimaadka waxayna uga timi Casuumaddu Teddy,oo ay tahay xafladisii qalin jabinta.

Macalimadii iyada oo ku labisan hadiyadii silsiladii yarayd ee Teddy u keenay ayey ka soo qayb gashay xafladii qalin jabinta ardaygeedii Teddy.

Teddy wuxuu noqoday Dhakhtar caan ah oo ku takhasusay daaweynta cudurka kansarka, oo ah cudurkii hooyadii u dhimatay.

Tolow imisa arday ayaa macalinkiisu qayb ka ahaa in uu ka dhigo damiin, dhibaato jirtay oo markaa la daweyn kari lahaa haddii caqli loo adeegsado awgeed. Imisa Caruur ah ayaa xaalad la soo daristay aawadeed doqon ka dhigtay, ama uu waxbarashadisii ku waayey, waa dhanbaal ku socda qof kasta oo bare ah, ama macalin in uu dhugmo u yeesho ardayda uu wax u dhigayo in uu waraysto ardayga dhibaatada jirta.

Waa dhanbaal ku socda waalidka in uu ilmihiisa daryeelo oo uu ogaado in ay qayb ka tahay horumarka ardayga guriga oo uu daryeel iyo deganaansho ku helo. 

Qiso: Khaatumada Wanaagsan: Walaalkeey 15 sano muusan tukan.

2:45 AM 0
Waxuu yiri: Afar wiil oo Dhalinyaro ah ayaan ka soo qaaday Magaalada Riyaad ee Dalka Sacuudiga, waxayna doonayeen inay Dhalinyaradu tagaan Magaalo kale oo la yiraahdo Dammaam, intaan Jidka ku jirnay ayaa Salaadii Casar la Aadaamay, waxaan Helnay meel Batroolka laga qaato oo Wadada Qarkeeda ah, Masjidna ku yaalo.

Taxsiilihii ayaa Dhalinyaradii ku yidhi:- soo Dega aan Tukanee. Mid kamida wiilasha oo Shidhka gaadhiga Fadhiyay oo kan ugu wayn ahaa ayaa u jawaabay oo ku yidhi intuu kuwii kale Eegay:- Adiga soo Tuko, Anaga ma Tukaneyno, Gaadhiga ayaan kugu Sugeynaa, Taksiilihii intuu yaabay oo wax uu ku yidhaahdo Garan waayay ayuu yiri:- Walaalayaalow Salaada hadaad Tukan weydaan maxay Islaanimadeenu tareysaa?

Taxsiilahu wuxuu yidhi; waxan ku celiyey war dad muslim ah ayeynu nahay ee inamariya soo tukanee, wiilki hore ayaa ii jawaabay markaan sidaa ku idhi, Xoogaana uu Xishooday. markaasuu kuwii kale ku yidhi:- Soo baxa aan Tukane, Waan Degnay buu yidhi Taksiilihii, markaan Weyseesanay ayaan Salaadii galnay Anigaa ayaana u noqday Immaam,

markaan Salaadii Dhameynay ayaa
Wiilkii wiilasha ugu waynaa ee lahaa anagu ma tukanayno uu Sujuudii ka soo kici waayey, Xoogaa ayaan Sugnay Wiilashii xataa way la yaabeen, weyna ku Kaftamaayeen Sujuudaa uu ku Dheeraday, laakiin markii Dambe waxay Ogaadeen in tii Alle u timid, Iscaafkii markii loogu yeedhay ayuu Xaqiijiyey inuu Dhintay.

Haddaba, Wiil Wiilsha ka mid ahaa ayaa la Samirsiin waayey Oohintiisa markii la yidhi Addunyadan Marti ayaa lagu yahay, waana ka wada tageynaa.

ka dib ayaa la weydiiyey Wiilkii oo la yidhi:- Maxaa isku tihiin? wuxuu yidhi:- Waa Walaalkey, wuxuuna intaasi raaciyey Dhimashadiisa lama Oyaayo ee waxaan la Oyayaa Aniga iyo Walaalkeey 15sanno Salaad ma aanan Tukan, Raxmada Illaahey ku Manaystay Walaalkeey ayaan la Fajacay Caasinimadeenii iyo siduu Illaahey Walaalkeey ugu Nimceeyay.

Walalyal Addunyada Safar ayaa lagu yahy ee Fadlan SALAADA HA LAGU DADAALO miyaadan ogayn in geeridu ay kadis kuugu iman karto markasta ee meelkasta waxa laga yaaba in aad marmarka qaar iska qoomamayso waxa aad samaysay oo xumaan ahaa marka aad aragto qof si degdeg ah u dhintay.

ILAAHOOW KHAATUMADEENA NOO HAGAAJI, AAAMI YAA RABBI

Wednesday, November 9, 2016

Qiso iimaanka kuu siyaadineyso: ALLE DARTII BUU U DHAAFAY ALLENA MUCJISUU KU ABAALMARIYEY.

2:36 PM 0
Nin kani wuxuu yidhi Waxaan soo galay gudaha wadanka Masar waxaan arkay Nin Biraha ka Shaqeysta (Birtume) isagoo Birta Dabka kaga soo bixinaya Gacantiisa, Birtii oo noqotay dab cadaaday Gacantiisana ku xoqaayo..oo aanu ku Gubanaynin.

waan Naxay waxaan is idhi Ninkaanu waa Owliyo oo Dabka kuma Gubanaayo, ka dib waan u Dhawaaday waana Salaamay oo waxaan ku idhi "Walaalkeygiyoow Allihii kugu Maneysantay Karaamadaan ayaan kugu dhaarshee ii Ducee.
Markaas ayuu Ooyey, wuxuuna igu yidhi:- Walaaloow sida aad Imoodday ma ihi,! Kolkaas ayaan ku idhi:-Walaaloow waxaan aad Samanayso Qof aanan Owliyo ahayn ma Samayn karo,. wuxuuna yidhi:- Arrintaan waxay ku Timid Sheeko Yaab badan hadaad Rabto inaan kaaga Sheekeeyana waan kaaga Sheekeyn. ka dib ayaan ka Codsaday inuu Iiga sheekeeyo Sheekadaas,

Wuxuuna Hadalkiisa ku Bilaabay:- Maalin maalmaha ka mid ah waxaan Dhex Fadhiyey Dukaankaan waxaana ahaa Nin Firfircoon oo Bulsho ah, waxaa ii Timid Gabadh aanan weli Arkin mid iyada ka Qurux badan, waxayna igu tidhi:- Walaalow wax aad Ilaahay Dartiisa u Bixinayso ma Heysaa?
waxaan ku idhi:- Guriga ma ii Raacaysaa aan ku
Isticmaalee waxaad Rabto oo Dhanna waan ku Siinaa, ka dib Cabbaar ayey i Fiirisay, waana iga Tagtay. in muddo ah ayey iga Maqnayd ka dib Wey ii Timid,

Waxayna igu tidhi:- Dan iyo Baahi ayaa igu Kaliftay inaan kaa Ogolaado inaan ku Raaco ee inakeen. Dukaankii ayaan Xidhay Guriga ayaan u kaxaystay markii aan Guriga Galnay waxay igu tidhi:- waxaan ka soo ka soo Tagay Caruur aan Dhalay oo aad u baahan ee Hadda wax yar isii si,aan usii Geeyo ee waana kuu soo noqonaa, Ballan adag ayaan ka Qaaday in ay ii soo noqoto, waxaana siiyey Xoogaa Daraaahim ah.

Way Baxday Saacad ka dib ayey ii Timid Guriga ayey iigu soo gashay albaabka ayaan xidhay, waxay igu tidhi:- Maxaad u Xidhatay Albaabka? waxaan ku iri:- Dadka inay na Arkaan ayaan ka Baqayaa. Markaasbay igu tidhi :- Walaal Dadka waad ka Baqeysaa, oo Alihii ku Abuuray maxaad uga Baqi weyday? waxaan idhi:- Alle waa Dembi Dhaafe Naxariis badan. ka dib Xaggeeda ayaan Aaday markaasay Ooyday illinteeduna Dhabanada ku soo Hooreen.. waxaan ku idhi:- Maxaad la Oyneysaa oo aad la Jaraynaysaa? waxay igu tidhi ilaahay Cabsidiisa ayaan la Oynayaa oo aan la Jaraynayaa, ka dib waxey intaas ii Raacisay:- Walaaloow haddi aad ilaahay dartiis ii Dhaafto, waxaan Ballan Qaadi in uusan Alle kugu Cadaabin Dab (Naar) Adduun iyo Aakhiro.

Intaas markeey igu tidhi:- Waan Istaagay wixii aan Hayey oo Dhami waan siiyey, waxaana ku idhi:- Gabadhyahay waxaan kugu Dhaafay illaahay Cabsidiisa.
markay iga Tagtay waxaa aad ii Qabatay Hurdo, waan Seexday waxaan Riyo ku Arkay Gabadh aad iyo aad u Qurux badan, Madaxana ku wadato Taaj ka Samaysan Dahab dhalalaya iyo dheeman, waxay igu tidhi:- ilaahay Kheyr iyo xasanad hakaa siiyo abaalki aaf ii samaysay.

waxaan ku idhi:- oo Tumaa ahayd wllo ?
waxay igu jawabtay:- waxaan ahay Hooyadii Caruurta lahayd ee kuu Imaanaysey ee aad Alle Dartiis ku Dhaaftay ilaahay Dab kugu Gubi maayo Adduun iyo Aakhiro.
ka dib waxaan ku idhi- Isu kay Sheeg Qabiilkee ka Dhalatay ilaahay hakuu Naxariistee? waxay igu tidhi:- waxaan ka soo Jeedaa Nasabka Rasuulka CSW.

Waxaan markiiba ka soo Booday Hurdadii laga soo Billaabo Maalintaas Dab oo dhan kuma Guban, waxaana Rajaynayaa Aakhirana in aan ku Guban Insha Allaah.

Subxaan Allah Qizadani waxan ka fahmaynaa Qofka aad Alle dartiis abaal ugu samayso in aad helayso naxariista Alle.
Allena waxan ka baryeyna in uu jidhkeena ka fogeeyo Naar aamin ya Allah.. 
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA