SUPPORT WEBSITE

Wednesday, November 9, 2016

Qiso iimaanka kuu siyaadineyso: ALLE DARTII BUU U DHAAFAY ALLENA MUCJISUU KU ABAALMARIYEY.

Nin kani wuxuu yidhi Waxaan soo galay gudaha wadanka Masar waxaan arkay Nin Biraha ka Shaqeysta (Birtume) isagoo Birta Dabka kaga soo bixinaya Gacantiisa, Birtii oo noqotay dab cadaaday Gacantiisana ku xoqaayo..oo aanu ku Gubanaynin.

waan Naxay waxaan is idhi Ninkaanu waa Owliyo oo Dabka kuma Gubanaayo, ka dib waan u Dhawaaday waana Salaamay oo waxaan ku idhi "Walaalkeygiyoow Allihii kugu Maneysantay Karaamadaan ayaan kugu dhaarshee ii Ducee.
Markaas ayuu Ooyey, wuxuuna igu yidhi:- Walaaloow sida aad Imoodday ma ihi,! Kolkaas ayaan ku idhi:-Walaaloow waxaan aad Samanayso Qof aanan Owliyo ahayn ma Samayn karo,. wuxuuna yidhi:- Arrintaan waxay ku Timid Sheeko Yaab badan hadaad Rabto inaan kaaga Sheekeeyana waan kaaga Sheekeyn. ka dib ayaan ka Codsaday inuu Iiga sheekeeyo Sheekadaas,

Wuxuuna Hadalkiisa ku Bilaabay:- Maalin maalmaha ka mid ah waxaan Dhex Fadhiyey Dukaankaan waxaana ahaa Nin Firfircoon oo Bulsho ah, waxaa ii Timid Gabadh aanan weli Arkin mid iyada ka Qurux badan, waxayna igu tidhi:- Walaalow wax aad Ilaahay Dartiisa u Bixinayso ma Heysaa?
waxaan ku idhi:- Guriga ma ii Raacaysaa aan ku
Isticmaalee waxaad Rabto oo Dhanna waan ku Siinaa, ka dib Cabbaar ayey i Fiirisay, waana iga Tagtay. in muddo ah ayey iga Maqnayd ka dib Wey ii Timid,

Waxayna igu tidhi:- Dan iyo Baahi ayaa igu Kaliftay inaan kaa Ogolaado inaan ku Raaco ee inakeen. Dukaankii ayaan Xidhay Guriga ayaan u kaxaystay markii aan Guriga Galnay waxay igu tidhi:- waxaan ka soo ka soo Tagay Caruur aan Dhalay oo aad u baahan ee Hadda wax yar isii si,aan usii Geeyo ee waana kuu soo noqonaa, Ballan adag ayaan ka Qaaday in ay ii soo noqoto, waxaana siiyey Xoogaa Daraaahim ah.

Way Baxday Saacad ka dib ayey ii Timid Guriga ayey iigu soo gashay albaabka ayaan xidhay, waxay igu tidhi:- Maxaad u Xidhatay Albaabka? waxaan ku iri:- Dadka inay na Arkaan ayaan ka Baqayaa. Markaasbay igu tidhi :- Walaal Dadka waad ka Baqeysaa, oo Alihii ku Abuuray maxaad uga Baqi weyday? waxaan idhi:- Alle waa Dembi Dhaafe Naxariis badan. ka dib Xaggeeda ayaan Aaday markaasay Ooyday illinteeduna Dhabanada ku soo Hooreen.. waxaan ku idhi:- Maxaad la Oyneysaa oo aad la Jaraynaysaa? waxay igu tidhi ilaahay Cabsidiisa ayaan la Oynayaa oo aan la Jaraynayaa, ka dib waxey intaas ii Raacisay:- Walaaloow haddi aad ilaahay dartiis ii Dhaafto, waxaan Ballan Qaadi in uusan Alle kugu Cadaabin Dab (Naar) Adduun iyo Aakhiro.

Intaas markeey igu tidhi:- Waan Istaagay wixii aan Hayey oo Dhami waan siiyey, waxaana ku idhi:- Gabadhyahay waxaan kugu Dhaafay illaahay Cabsidiisa.
markay iga Tagtay waxaa aad ii Qabatay Hurdo, waan Seexday waxaan Riyo ku Arkay Gabadh aad iyo aad u Qurux badan, Madaxana ku wadato Taaj ka Samaysan Dahab dhalalaya iyo dheeman, waxay igu tidhi:- ilaahay Kheyr iyo xasanad hakaa siiyo abaalki aaf ii samaysay.

waxaan ku idhi:- oo Tumaa ahayd wllo ?
waxay igu jawabtay:- waxaan ahay Hooyadii Caruurta lahayd ee kuu Imaanaysey ee aad Alle Dartiis ku Dhaaftay ilaahay Dab kugu Gubi maayo Adduun iyo Aakhiro.
ka dib waxaan ku idhi- Isu kay Sheeg Qabiilkee ka Dhalatay ilaahay hakuu Naxariistee? waxay igu tidhi:- waxaan ka soo Jeedaa Nasabka Rasuulka CSW.

Waxaan markiiba ka soo Booday Hurdadii laga soo Billaabo Maalintaas Dab oo dhan kuma Guban, waxaana Rajaynayaa Aakhirana in aan ku Guban Insha Allaah.

Subxaan Allah Qizadani waxan ka fahmaynaa Qofka aad Alle dartiis abaal ugu samayso in aad helayso naxariista Alle.
Allena waxan ka baryeyna in uu jidhkeena ka fogeeyo Naar aamin ya Allah.. 

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA