SUPPORT WEBSITE

Thursday, November 10, 2016

Talooyin ama waanooyin ku socota Raga: Waxuu yidhi, habeen iyada oo xaaskayga......

Wuxuu Yidhi habeen iyada oo xaaskaygu hurudo ayaan jaleecay xageeda waxaan ka fekeray qaabka nolosheeda iyadoo huruda ! 

Waxaan idhi miskiinadani markay ku soo noolaatay gurigii labadeeda waalid muddo dheer ay ehelkeedu ku noolaayeen ayey ka timi si ay ula noolaato nin aanay hore u aqoon , waxayna iskaga timi gurigii labadeeda waalid ee lagu koolkoolin jiray, gurigii ay iyadu amiiradda ka ahayd , waxayna u soo wareegtay guri iyada la amrayo ayna fulinayso wixii sharcigu amrayey , ninkeeda u hogaansan tahay, ilaahayna ku raali galinayso daacadda ninkeeda,

Wuxuu yidhi waxaan naftayda weydiiyey: Sidee ayey u dhayal sadaan ragga qaarkii in ay xaaskooda u gacan qaadaan oo dhaawacyo xun xun ugu gaystaan, markay go'aansatay in ay gurigoodii ka timaado si ay ula noolaato, sidee u dhayal sadaan ragga qaarkii in ay muddo dheer ka maqnaadaan gurigooda iyagoo saxiibadood wakhti badan la qaadanaya intay caruurtooda iyo xaaskooda la joogaana ay yar tahay, sidee ragga qaarkii u dhayal sadaan in ay xaaskooda xabsi guri ugu jirto oo aanay marmarka qaarkood u saarin bannaanka oo aanay wakhti wanaagsan u wada qaadan.

Waxaan kaloo is waydiiyey sidee ragga qaarkii ay u dhayal sadaan in ay seexato xaaskiisu iyada oo laabteeda ay ka buuxdo ciil iyo murugo ay u qabto ninkeeda dhibaatada uu u gaysto awgeed ay iyaduna ka fekerayso siday uga aargoosan lahyd, sidee ragga qaarkii u dhayal sadaan in ay xaaskooda iyo ubadkooda intay ka safraan oo muddo dheer ka maqnaadaan iyaga oo aan dan ka lahayn mustaqbalkooda iyo waxay ku sugan yihiin oo aan dib u soo jaleecin xidhiidhna ula soo samayn, sidee ragga qaarkii uga xuubsiibtaan mas'uuliyadii saarnayd ee la weydiinayo maalinta su'aasha, sida uu inoo sheegay nabigeenu NNKH.

Ragga iyo dibin daabyadooda iyo Shirqoolkooda wuxuu Shiikhu ka yidhi arrin cajiib ah oo dadka in yari ay dareento ama fahan san tahayba, wuxuu yidhi, ma ogtahay in lagu celceliyo {إن كيدكن عظيم} wali mays weydiisay sababta shirqoolka haweenka ,maxay haweenaydii boqorka iyo saaxiibadaheed u shirqooleen Nabi Yuusuf cs? , saw ma ahayn jacayl , qurux , dabeecad wanaagsanaan, iyo xishood, miyaanay ahayn haween caashaq dardaray???.

Taas macnaheedu dumarka shirqoolkoodu waa siday nin ay jeclaadeen u hanan lahaayeen.

Hasa yeeshee maxay ahayd sababtay Nabi Yuusuf walaaladii oo rag ahi u Shirqooleen?. {يا بني لا تقصص رؤياك على إخوتك فَــيَكيدوا لك كيدا }, mase ogtahay in shirqoolka ragga laga hor xusay shirqoolka haweenka , mase ogtahay shirqoolka raggu in aanu ahayn mid caashaq ee uu ahaa mid qudh gooyo, xaasidnnimo iyo dulmi.

Mase ogtahay shirqoolka haweenka in uu sheegay Boqorkii qabay haweenaydii wax jeclaatay, lkn shirqoolka ragga in uu sheegay Nabi Yacquub cs, taasina ay kuu tilmaamayso shirqoolka raggu khatarta uu lee yahay.

Ugudambayn waxaan kula talinaya Ragga inay Dumarka Si dabacsan ula Noolaadan lagu dhaqo wanaag iyo koolkoolin Madama ay Xaq wayn inagu leeyihiN.

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA