SUPPORT WEBSITE

Friday, November 11, 2016

Qiso: Khaatumada Wanaagsan: Walaalkeey 15 sano muusan tukan.

Waxuu yiri: Afar wiil oo Dhalinyaro ah ayaan ka soo qaaday Magaalada Riyaad ee Dalka Sacuudiga, waxayna doonayeen inay Dhalinyaradu tagaan Magaalo kale oo la yiraahdo Dammaam, intaan Jidka ku jirnay ayaa Salaadii Casar la Aadaamay, waxaan Helnay meel Batroolka laga qaato oo Wadada Qarkeeda ah, Masjidna ku yaalo.

Taxsiilihii ayaa Dhalinyaradii ku yidhi:- soo Dega aan Tukanee. Mid kamida wiilasha oo Shidhka gaadhiga Fadhiyay oo kan ugu wayn ahaa ayaa u jawaabay oo ku yidhi intuu kuwii kale Eegay:- Adiga soo Tuko, Anaga ma Tukaneyno, Gaadhiga ayaan kugu Sugeynaa, Taksiilihii intuu yaabay oo wax uu ku yidhaahdo Garan waayay ayuu yiri:- Walaalayaalow Salaada hadaad Tukan weydaan maxay Islaanimadeenu tareysaa?

Taxsiilahu wuxuu yidhi; waxan ku celiyey war dad muslim ah ayeynu nahay ee inamariya soo tukanee, wiilki hore ayaa ii jawaabay markaan sidaa ku idhi, Xoogaana uu Xishooday. markaasuu kuwii kale ku yidhi:- Soo baxa aan Tukane, Waan Degnay buu yidhi Taksiilihii, markaan Weyseesanay ayaan Salaadii galnay Anigaa ayaana u noqday Immaam,

markaan Salaadii Dhameynay ayaa
Wiilkii wiilasha ugu waynaa ee lahaa anagu ma tukanayno uu Sujuudii ka soo kici waayey, Xoogaa ayaan Sugnay Wiilashii xataa way la yaabeen, weyna ku Kaftamaayeen Sujuudaa uu ku Dheeraday, laakiin markii Dambe waxay Ogaadeen in tii Alle u timid, Iscaafkii markii loogu yeedhay ayuu Xaqiijiyey inuu Dhintay.

Haddaba, Wiil Wiilsha ka mid ahaa ayaa la Samirsiin waayey Oohintiisa markii la yidhi Addunyadan Marti ayaa lagu yahay, waana ka wada tageynaa.

ka dib ayaa la weydiiyey Wiilkii oo la yidhi:- Maxaa isku tihiin? wuxuu yidhi:- Waa Walaalkey, wuxuuna intaasi raaciyey Dhimashadiisa lama Oyaayo ee waxaan la Oyayaa Aniga iyo Walaalkeey 15sanno Salaad ma aanan Tukan, Raxmada Illaahey ku Manaystay Walaalkeey ayaan la Fajacay Caasinimadeenii iyo siduu Illaahey Walaalkeey ugu Nimceeyay.

Walalyal Addunyada Safar ayaa lagu yahy ee Fadlan SALAADA HA LAGU DADAALO miyaadan ogayn in geeridu ay kadis kuugu iman karto markasta ee meelkasta waxa laga yaaba in aad marmarka qaar iska qoomamayso waxa aad samaysay oo xumaan ahaa marka aad aragto qof si degdeg ah u dhintay.

ILAAHOOW KHAATUMADEENA NOO HAGAAJI, AAAMI YAA RABBI

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA