SUPPORT WEBSITE

Sunday, January 3, 2021

SHACABKA SOOMALIYEED OO FARMAAJO MARKALE IN UU SOO LAABTO KU DUCEYSANAYAAN.



8-Febraayo-2017, waxaa hoggaanka Soomaaliya ku dagaallamay labo kooxood oo ay kala hoggaaminayeen Political Elite iyo Populist leader.  Farmaajo wuxuu u taagnaa rejada shacabka iyo himilooyinkii ay qabeen, halka kooxdii Xassan Sheekh ahaayeen awoodihii kooxaysiga ee talada dalka iskaga dambeeyey tobankii sano ee la soo dhaafay.  


Haddaba, Madaxweyne Farmaajo oo madaxnimadiisa ay aad u saacidday ololaha shacabka iyo qayla-dhaanta lagu doonayey in mar hoggaanka dalka uu shukaanta u qabto, waa ay guulaysatay, halkaasna waxaa ka qarxay dagaalkii u dhaxeeeyey awooddii dhisnayd ee Political Elite-ka oo hadafkoodu ahaa gorgortan, wax kala goosasho iyo geesgelinta damaca dadweynaha.  Dhanka kale waxaa taagnaa hoggaan ku dhawaaqaya wixii ka guuxayey shacabka Soomaaliyeed, oo ay ugu horreyso joojinta faragelinta shisheeye, fogaynta dalalka deriska iyo kuwa Carabta ee siyaasadda Soomaalida ku milmay iyo u quusgoynta beesha caalamka.  


Political Elite-ka  waaga ayaa ku baryey, waxaana cirka isku shareeray aragtida Populismka.  Waxaa lagala wareegay shacabkii, waxaa la bixiyey fursadihii ay diiddanaayeen oo ay ugu horreyso awoodsiinta dhallinyarada, bixinta gunnooyinka iyo mushaaraadka shaqaalaha, ciidanka iyo hay’adaha kale ee dowladda. Waxaa boorka laga jafay Tiyaatarradii qaranka, Madxafyadii iyo taalloyinkii taariikhiga ahaa. Waxaa meel walba ka shidan heesaha waddaniyadda iyo halganka. Waxaa laga jawaabay wixii Soomaalidu ay muddada dheer ku taamaysay oo ay ugu horreyso in shisheeyaha la fogeeyo, dagaal lala galo, iyadoo loogu sheegeyo danaha amni iyo xasilloonida dalka in la difaacayo.  


Xasuusaha Soomaalida ee hore oo tagay waxaa lagu daray Mooshin , Gabre, beesha caalamka oo saxiixayaal ah, dhaqaale la boobay, dhul danyar oo la gatay, hardan iyo halgan ku salaysan hunguri iyo hoggaaan raadis, ugu dambaynna populistihii si xawaare sare ah ayuu ku hantay malaayiin shacab ah oo duruufaha nolosha iyo dowlad-xumada muddo deris la ahaa!  


Xamar ayaan ku waraystay maalin dhawayd Askari goob dowladdeed ilaalinaya, waxaan waydiiyey war bal dowladdaan ka warran? Wuxuu iigu jawaabay ”Eebow dowlad sannadka ugu dambeeyo mushaar bixineyso, in ay tagto khalad waaye”. Wuxuu ii sheegey in dowladihii hore midda ugu yar uu ku leeyahey siddeed bilood oo mushaar ah. 


Kooxdii kale ee Elite-ka ahayd waxaa u soo haray halgan ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, kicin qabiil iyo abaabul reer hebel. Waxay la’yihiin hal aragti oo macquul ah oo ay hoggaanka populistaha ah kaga reebtaan shacabka uu la tagay.  Aragtida kaliya ee ay aamineen in ay hoggaankaan ku baddeli karaana waa kaarka qabiilka iyo qabyaaladda, ”innagaa la inoo jeedaa, waxa aan haysanno aan ku fara-adeygno, yaan been laguu sheegin. ugu dambayn fagaarayaashii dooddaha, cilmiga iyo akhlaaqda siyaasadda lagu lafo-guri lahaa,  waxaa hareeyey Galdogob, Gedo, Buuhoodle iyo Badhan ayaa laga soo duulay.  Waa aragti ciriiri ah, jaban oo aan gadmayn.  Waa hilin liita oo mar kale awoodsiin kara hoggaanka  Populistaha in uu talada dalka sii hayo.  


Haddaba maxaa Garoowe ka dhacay?  


Heritage waxay soo aruurisay political Elite-kii aan shaqo la’aanta noqon jirin xataa lix bilood, kol ay xukuumad ridaan mid kale na dhistaan, kol ay qandaraas iyo mashaariic qaateen iyo kol ay dowlad iyagu leeyihiin hirgeliyaan, taas oo aan ka jawaabayn baahida shacabka bal se ka jawaabaysa baahida kooxda siyaasadda (Political Elite-ka). 


Kooxaha siyaasadda waxaa kale oo ku dhacay, baqdin iyo kala shaki dhexdooda ah, is—aaminaad la’aan,  damacooda oo iswada diiddan, doodda shacabka oo ay ka baqayeen, ugu dambeynna waxaa meesha ka baxday in ay helaan aragti ballaaran iyo hiraal togan oo ay dadka Soomaaliyeed ku tusaaleyn karaan hadimada ay ku noolyihiin, wax muuqdo oo la taaban karana Panel-ka doodda keenaan.  Xataa wax kale iska daayoo su’aalaha kuwa wax waydiinaya iyo kuwa la waydiinayaba iyaga ayey ahaayeen, halka shacabkii laga dhigay daawadayaal aan doodda waxba ku lahayn!  


Sababta shacabka Makarafoonka looga fogeeyey , waa in ay ogyihiin in bulshadu taageero badan u hayso nidaamka Farmaajo, su’aalahooduna noqon doonnaan kuwa adag oo kooxaha siyaasad Cadaab iyo dhimbil dab ah ku ah! 


Ugu dambeyn Machadka nuqullada war-murtiyeedka ah ee ka soo baxay waxa uu noqday ”Shimbarayohow heesa, hees wanaagsan heesa, halkan soo fadhiista”!!

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA