SUPPORT WEBSITE

Showing posts with label SALAADA. Show all posts
Showing posts with label SALAADA. Show all posts

Wednesday, February 3, 2016

Sheeko Xikmad badan: Lixsaac soco, kadibna soo noqo oo waxaad soo aragtay isoo sheeg.

2:23 PM 0
Nin xikmad badan ayaa wuxuu u yeeray nin kale oo wuxuu ku yidhi jihadaa(intuu meel u tilmaamay) aad oo lix (6) saac soco, ka dibna soo noqo oo waxaad soo aragto ii soo sheeg.

Ninkii sida la amray buu sameeyey oo dhankii loo diray buu u socdaalay, wixii ugu horreeyey ee uu arko waxay ahaayen asagoo maraya afka hore ee wadiiqad(waddo) u dhaxaysa laba buurood, ayaa wuxuu ku arkay wax yar oo dhalaalaya oo wadada dhex yaalla, wixii buu usha saas ugu dhuftay, bug! qarax baa dhacay labadii buurood baa is qabsada,y isla markii uu usha ugu dhuftayba! dhinaca ayuu ugaga wareegay oo socodkiisii sii watay, dabadeed wuxuu arkay guri qurux badan, gurigii ayuu albaabkiisii furay mase ur buuba dareemay sidaas ayuu u fiiriyay waxa gudaha ka soo urayo, wuxuu arkay in saxaro ka buuxdo guriga, wuu isa soo xidhay socodkii ayuuna sii watay.

Wali lixdii saac ma dhammaan sidaa awgeedna socodkii ayuu sii watay, dhacdadii saddexaad ee uu la kulmana waxay ahayd inuu arkay rati gaajo la soo gotay oo dhex taagan dhul Ilaahay swt doog iyo barqaaqo ku mannaystay balse aanan cunayn naqa iyo doogga baxay.

Wuu ka sii socday oo misna wuxuu la kulmay rati kale oo fadhiya oo ay calooshiisii iyo qaybaha jirkiisa ay iska daldalanayaan weer, dawaco, dhurwaa, abkay bahaloo dhan danse aan ka lahayn ee iska daaqaya oo naqa iska raamsanaya!

Wuu iska sii socdayoo ugu dambayntii wuxuu la kulmay gabar qurxoon oo gadaal gadaal u sii ordaysa, gabadhii buu daba orday saa way ka sii cararaysaa wuu gaadhi kari waayay.

wakhtigii baa dhamaaday ee lixda saac ahaa kolkaasuu iska soo laabtay.

waxuu u yimid ninkii markii hore diray wuxuuna u sheegay waxyaalihii uu soo arkay oo dhan, dabadeed wuxuu ugu jawaabey hadaba waan kuu fasiri waxaad soo aragtay ee i dhagayso:
1. wixii dhalaalayay ee aad usha ku dhuafatay ee isla qarxay oo labadii buurood in ay is qabsadaan sababay waa FITNO, fitnadu marka hore way huruddaa markiise la toosiyo dhib wayn baa yimaada iyo khasaaro wayn. tusaale aan ku darsado nin ayaa nin dilaya, hadaba ninkaas kali ah ee dhintay ayadoo si sharciga islaamka waafaqsan looga heshiin karo baa mararka qaarkood inta fitnadaas yar la huriyo ay dhashaa in 100 nin oo kale ay ku dhintaan.


2. gurigii quruxda badnaa ee aad la kulantay gudahana saxaradu ka buuxday waa TAARIKU SALAAD ama qof salaadii ka tagay oo ma tukade ah, waayo qofka aan tukani korka labis buu xidhanyahay, jirka waa qurxinayaa oo dushiisa wuu qurxin karayaa balse qalbiga waxaa ka buuxa saxaro, waayo waa qalbi aan Alle xusin u sujuudin oo aan xasuusan.

3.Ratigii kaynta barwaaqada ah taagnaa balse qatanaa waa BAKHAYL ama dhabcaal, waayo bakhaylku xoolihiisa cidna wax kama siiyo asna kuma baahi baxo, oo wuu ka qatan yahay waana arrin dhibteeda leh .

4. Ratigii xubnihiisa la iska cunayay ee aan danta ka lahayna waa DEEQSI, deeqsi xoolihiisa dadkoo dhan baa cuna dhibna uma arko naftiisana ugama bakhaylo, dadkana ugama bakhaylo.

5. gabadhii gadaal gadaal u cararaysay, waa ADDUUNYO adduunyo waligaa daba orod gaari maysid.

Waxaa Rajaynayaa in aad wax badan ka faaideysateen, sheekadaan xikmada badan.

Saturday, January 2, 2016

QISADII SACIID BIN AL-MUSAYIB. Saciid waxa uu ahaa mid kamida culimadii diinta ugu caansanayd xilligii banii Umayah dowladda Islaamka u talinayeen:

4:44 AM 0
Saciid waxa uu ahaa mid kamida culimadii diinta ugu caansanayd xilligii banii Umayah dowladda Islaamka u talinayeen: Saciid ardadiisa waxaa kamid ahaa nin la oran jiray Cabdullaahi bin Abii-widaacah. C/Laahi dhawr maalmood buu dersiga ka maqnaaday, sheekhuna ardada ka dhex tebay. Maalintii dambe kolkii loo sheegay in sheekhu doondoonayey buu u yimid. Markuu salaamay buu sheekhu weydiiyey halkuu maalmahan ku maqnaa. “Xaaska ayaa iga jiranayd oo aan la joogay, haddase way dhimatay oo waaban soo duugay” buu C/Laahi ugu jawaabay. “Maxaad jirradeeda noogu soo sheegi weyday aan booqannee, amaba geerideeda aan waxka duugnee?” intuu ku yiri oo u tacsiyeeyay, xaaskii geeriyootayna u duceeyay, buu dabeeto ku yiri: “C/Laahiyow guurso, Eebbena ha hortegin adoo doob ah”. “Yaa sheekhow gabar isiinaya!, Wallaahi baan ku dhaartaye Afar dirham baa xoolo iga dhaca”. Sheekhii baa markaa yiri: “Subxaanallaah, miyaanu muslimku afar dirham ku dhowrsan karin!”, una raaciyey “Anaa inan kuu guurinaya hadaad raali ka tahay”.
QISADII SACIID BIN AL-MUSAYIB

Saciid waxa uu ahaa mid kamida culimadii diinta ugu caansanayd xilligii banii Umayah dowladda Islaamka u talinayeen: Saciid ardadiisa waxaa kamid ahaa nin la oran jiray Cabdullaahi bin Abii-widaacah. C/Laahi dhawr maalmood buu dersiga ka maqnaaday, sheekhuna ardada ka dhex tebay. Maalintii dambe kolkii loo sheegay in sheekhu doondoonayey buu u yimid. Markuu salaamay buu sheekhu weydiiyey halkuu maalmahan ku maqnaa. “Xaaska ayaa iga jiranayd oo aan la joogay, haddase way dhimatay oo waaban soo duugay” buu C/Laahi ugu jawaabay. “Maxaad jirradeeda noogu soo sheegi weyday aan booqannee, amaba geerideeda aan waxka duugnee?” intuu ku yiri oo u tacsiyeeyay, xaaskii geeriyootayna u duceeyay, buu dabeeto ku yiri: “C/Laahiyow guurso, Eebbena ha hortegin adoo doob ah”. “Yaa sheekhow gabar isiinaya!, Wallaahi baan ku dhaartaye Afar dirham baa xoolo iga dhaca”. Sheekhii baa markaa yiri: “Subxaanallaah, miyaanu muslimku afar dirham ku dhowrsan karin!”, una raaciyey “Anaa inan kuu guurinaya hadaad raali ka tahay”.


C/Laahi bin Widaacah oo isaga laftiisu sheekada ka sheekeynayaa waxa uu leeyahay: Markaas baan xishood iyo darajayn dartood uga aamusay. “Maxaad u aamustay? ma inantaydaan kuu cuntamayn?”. “Eebe hakuu naxariistee maxaad saa u leedahay haddaad doonto gabadhaada kumanaan dirham baad ku guurin kartaaye” baan ku iri. Markaas buu sheekhii yiri “Waa runtaa, balse iska daayoo shuhuud u yeero”. Shuhuud baan markaa u yeertay, waxaana gabadhii la igula mehriyey Afartii dirham, halkaana lagu kala faataxaystay.
Kolkaan Salaaddii Cishaha tukannay baan anigu gurigeygii iska aaday, waana tanoo ninbaa iridkii aqalkeyga garaacaya. “Waa kuma?”. Qofkii iridka garaacayey baa yiri: “Waa Saciid”. Ilaah baan ku dhaartaye waxaan Saciidyo magaalada ku aqoon jiray waan soo wada xusuustay aan ka ahayn Saciid bin Al-Musayib, maxaa yeelay weligey maanan arag asagoo gurigiisa ka baxaya, inuu Salaad Masjidka ugu socdo ama meyd wax kasoo aasayo maaha eh. Markaas baan iri: “Waa Saciidkee?”. “Saciid bin Al-musayib”. Jirkayga oo dhan baa halmar jareeyey, waxanan is iri: “Armuu sheekhu ka shallaayey inantuu ku siiyey oo kuu cudur daaran rabaa”. Markaas baan anoo cagajiid ah iridkii furay, saa waa gabar dadaboolan, faras alaabi ku raran tahay iyo adeegto cad. Sheekhii intuu isalaamay buu yiri: “C/Laahiyow waatan naagtaadii”. Markaas baan si yare xishood ku jiro u iri: “Alle hakuu naxariistee, maxaad ayaamo ugu kaadin weydey”. Suu yiri: “Sabab!”, kuna daray: “Sow ima oran afar dirham baan haystaa?, mise waxaad dooneysaa in Eebbe iyiraahdo maxaad ninka habeenkaa doobnimo ugu dhaaftay adoo xaaskiisii haya. Waa taa naagtaadii waana taa alaabadiinnii, waana taa gabar idiin adeegta iyo kun dirham ood masruufataan. C/Laahiyow amaanada Eebbe iga guddoon. Waxan dhaar kuugu marayaa inaad iga guddoomaysid gabar Soon iyo Salaad badan, Kitaabka Eebbe iyo Sunnada Rasuulkiisana aqoon badan u leh, ee Alle kaga cabso, aniga darteeyna ha uga xishoon ee haddaad wax aadan jeclaysan ku aragto intaad edbiso gacanteyda kusoo sin”. Waanu sii dhaqaaqay.


C/Laahi waxa uu leeyahay: Wallaahi baan ku dhaartaye weligey ma arag naag ka aqrin og Kitaabka Alle, kagana aqoon badan Sunnada Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam), kagana cabsi badan Allihii abuurtay, waxanay ahayd mas’alada culimada wareerisa ta jawaabteeda la weydiiyo.Mar kasta oon Saciid is aragno waxa uu iweydiin jiray: “Qoftii say tahay?” markaas baan dhihi jiray: “Waa nabaddeeda”.
Kedib markay gabadhii wiil iidhashay baan maalin anigoo suuqa u baxay waxaan soo laabtay islaan aanan weligey arag oo aqalka dhex fadhida. Ka noqo markaan islahaa bay xaaskaygii tiri: “Soo gal C/Laahiyow, waa qof araggeeda Eebbe kuu banneeyaye”. Markaas baan weydiiyey: “Tumaad ahayd, Alle hakuu naxariistee?”. “C/Laahiyow gabadhaan hooyadeed baan ahaye maxaad kala kulantay?”. “Khayr Alle haydinka siiyo, si fiican baad u tababarteen una edbiseen”. “C/Laahiyow annaga ha noogu danayne haddaad xumaan ku aragtid edbi, waxaan nafteeda ka ahaynna adaa leh, dhoola caddayntana haka badin yaanay ku dhayalsane. Eebe haydiin barakeeyo dhallaanka cusub, ha ka dhowro Shaydaan, hana kadhigo mid Alle ka cabsi badan sidii awoowihii. Wallaahi baan ku dhaartaye Afartan (40) sanadood oon isqabnay ma aanan arag maalinna asagoo Allihiis ku caasinaya, lacagtaana asagaa idiinsoo dhiibaye qaata”.

Cabdullaahi waxa uu leeyahay: “Waan ka qaatay lacagtii,waxayna ahayd Shan diinaar, siday islaantii markaas nooga baxdayna siddeed iyo toban sanadood wejigeeda dib uma aanan arag ilaa geeriyi na kala geysay”. Dhammaad qisadii Saciid bin Al-Musayib.?

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:


WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

Wednesday, December 2, 2015

15 CIQAABOOD OO SUGAYO QOFKA SALAADA KA TAGO.

3:38 PM 0
cimrigiisa ma barakeysna,nolashiisa waa mid nasiib xun, ducadiisa aqbal ma aha, oo carshiga Alle swt ma gaarto,wajigiisa waa laga tirtiraa astaanta dadka
www.daarusalaam.com
ka aqriso qisooyin iyo sheekooyin diini ah.
Nabi MUXAMED (SCW) waxa uu yiri:
Qofka ka tagaa salaada wuxuu leeyahay 15 ciqaabood,waxeyna kala yihiin sida hoos ku xusan.
|
-Lix ciqaabood nolosha ayuu ku muteystaa
-Sadex marka uu dhinto.
-Sadex marka qabriga lagaliyo.
-Sadexna maalinta qiyaamaha.
((Lixda nolosha))
''
1.Cimrigiisa ma barakeysmo noloshiisa waa mid
nasiib xun.
2. Ducadiisa aqbal ma,aha oo carshiga alle ma
gaarta.
3.Wajigiisa waa laga tirtiraa astaanta dadka
fiican,murug iyo shido ayuuna daris
la,yahay inta uu noolyahay.
4.Waxaa lagu ciqaabayaa waxkasta oo illaah abuurey.
5. Ajar fiican uu sameeyo ma lahan.
6. Ma lagu daro ducada dadka fiican.
''
((( Sadexda ciqaabood marka uu dhinto)))
''
1.Wuxuu dhintaa asaga oo ceeboobay kana
shalaaynaya maalmahii xumaanta kaga
tagay aduunka.
2.Wuxuu dhintaa asaga oo baaheysan.
3. Wuxuu dhintaa isagoo oon hayo,haddii uu
biyaha badaha oo dhan cabo oon ka bi'i maayo.
''
(((Sadexda ciqaabood ee qabriga)))........
''

Monday, November 30, 2015

FADLIGA TOOBADA LEEDAHAY.

2:57 AM 0
Ma dooneysaa in laguu kordhiyo maal caruur iyo barwaaqooyin kale hadii [HAA] aad leedahay toobada u deg-deg Allaah waxuu yiri asagoo Nabi nuux caleyhi salam hadalkiisi noo shegayo ''waxaan ku iri Rabbigiin danbi dhaaf weydiista waa danbi dhaaf badanee . (10 ) Cirka roob badan ha idiinka keene (11) Hana idiin kordhiyee xoolo ( maal) iyo wiilal iyo beero hana idiin yeelo wabiyaal ''(12] [ suuratu nuux] Ma dooneysaa in caafimaad Allaah ku siiyo awoodna kuu yeelo, Hadii ay jawaabtaadu [HAA] tahay dhageyso Allaah waxuu leeyahay asagoo nabi huud caleysi salaam warkii uu ku yiri qoomkiisii caad noo sheegayo waxuu yiri '' Qoomkeygoow danbi dhaaf weydiista allaah una toobad keena Ha soo diro samada (roobab) Korkiina si badan hana idiin ku kordhiyo xoog xoogiinii (hore) hana jeedsanina adinkoo danbiilayaal ah'' (52 suuratu huud)
Ma dooneysa in lagaa nabad giliyo balaayooyinka iyo halaaga Hadii ay jawaabtaadu [haa] tahay wan filayaa iney tahayee iga dhageyso Allaah waxuu yiri ''Allaah ma ahan ( nabi muxamedoow scw) mid cadaabo (umadaada) adoo dhex joogo Mana ahan mid cadaabo ayagoo danbi dhaaf weydiisan '' (33 anfaal) Ma dooneysaa inaad raaxo ku noolaato aduunka iyo aakhiradaba hadii ay jawaabtaada

Saturday, January 24, 2015

QISO DIINI AH~OO CAJIIB AH.

11:04 AM 0
QISO DIINI AH~

Akhri oo ku cibro qaado walaalkeyga / walaasheyda muslimka ahow.

Qisadaan waa qiso diini ah oo kudhacday wiil muslim ah oo kalunsanaa jidka rabigiis kadibna Alle ( S.W.T ) kusoo hanuuniyey riyo cajiib ah. Wiilkaan wuxuu lanoolaa qaar kamid ah qaraabadiisa wuxuu ahaa mid kasii jeeday waxyaabaha uu Allaah amray. Kuna siijeeday waxyaabaha uu Allah naga reebay. Habeen habeenada kamid ah ayaa Allaah S.W.T khayr ladoonay, waxa uu hurdadiisa ku arkay isagoo mugdi kudhex sugan, hadana uu usoolaabtay hanuun. Qisadaan waxaa kasheekeeyay wiilka ay qabsatay wuxuuna leeyahay sidaan.


Habeen habeenada kamid ah ayaa waxaan tagay furaashkaya/joodariga sida caadada ii aheyd si aan useexdo, markii aan tegey meeshii aan seexan lahaa ayaa waxaan dareemay wax bini aadam u raad eg oo misna

Friday, July 25, 2014

QISO YAR OO CAJIIB AH.(Janada Ayuu Galay Asagoon Hal Mar Sujuudin).

12:22 AM 0
QISO YAR OO CAJIIB AH.(Janada Ayuu Galay Asagoon Hal Mar Sujuudin).
QISO YAR OO CAJIIB AH.
(Janada Ayuu Galay Asagoon Hal Mar Sujuudin).
Waxaa Jiray Nin la Oran Jiray Camar Binu Thabit Binu Waqash, Islaamka iyo Muslimiinta, aad Buu u Necbaa Naceeb Daran, Maalin Maalmaha Ka mid ah Nabiga CSW, wuxuu u Baxay Dagaalkii Uxud, si uu ula soo Dagaalamo Mushrikiintii Reer Quraysh, Balse Hal Mar Waxaa Camar Binu Thabid la soo Baxay Jaceylka uu u Qabo Muslimiinta iyo Nabiga CSW, wuxuu Bilaabay inuu Dadkii weydiiyay Nabiga CSW, si uu ugu Sheego inuu Rabo inuu Islaamo. waxaa lagu yiri: Nabiga CSW iyo Saaxiibadiisa waxey u Baxeen Dhinacaas iyo Buurta Uxud, waxeyna la soo Dagaalamayaan Mushrikiintii Quraysh.

Camar wuu Baxay ilaa Meeshii uu ka gaaray Buurtii Uxud, Markiiba wuxuu la kulmay Nabiga CSW, Asaga oo ay Daamankiisu ka Qubanayaan illin Farxad Darteed, Halkii ayuuna Nabiga CSW, Hortiisa ku Islaamay, Dagaalkii Baa Biloowday ka dibna Nabiga CSW, wuxuu Amray inuu Seefta Qaato oo uu Dagaalka Dhinac ka galo, Camar Dagaalkii ayuu Dhinaciisa ka galay, wuxuuna Maalintaas u Dagaalamay si aan Caadi ahayn ilaa ay kaga Dhacaday Seef, Dhaawac aad u Darana uu soo gaaray, Inta aysan Nafta ka bixin ayaa waxaa Arkay Dad ay Qaraabo yihiin, wey u soo Dhawaadeen, ka dibna waxey ku yiraahdeen Camarow maxaa ku keenay Halkaan, ma Naceeb aad u Qabtid Reerka aad ka Dhalatay Mise Jecel Islaamka aad u Qabtid ayaa ku timid?, wuxuu yiri: waxaan u imid Jaceyl aan u Qabo Islaamka, waana Islaamay Rabbi iyo Rasuulkiisna waan Rumeeyay, ka dibna waxaan Dhinacayga ka Qaatay Seefta Dagaalkii ayaa Sidaas ku soo galay ilaa waxaad Arkaysaan uu iga soo gaaray. Haddaba in yar ka dibna wey ka Baxaday Naftii, wuxuuna la kulmay Rabigiisii. Saxaabadii Rasuulka CSW, ayey u yimaadeen waxeyna weydiiyeen Xaaladda Camar Binu Thabit. Nabiga CSW, wuxuu yiri:- Waa Ahlu Janno.
Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW JANNADA NAGU ARZAAQ).

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:

WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

Tuesday, April 29, 2014

Qiso Cajiib Ah; Gabadh Illaah Hanunshay & Wiil Xumaan La doonayay oo Isna ay Hanuunkiisa iyadu Sabab u Noqotay.

3:27 PM 0
Qisadan waxa ka sheekaynaya Wiilka Ay ku dhacday. Wuxuuna yiri: Waxaan Ahaa Mid Aanan tukan salaadda, sigaarka Afuufa, xumaha Isaga dhex jira, Ma Aanan dareensanayn dambi, toobadna Haba sheegin. Waxaan ku farxi jirey Inaan Ahay Muslim, Naxariista Rabbina Ay Wayntahay Laakiin Waxaan illawsanaa In ciqaabtiisu Ay daran tahay, Qabashadiisuna Aanan laga baxsan karin. Waligey Masjidka Maan galin Inkastoo uu Masjidka Ii dhawaa. Xilli Walba Waxaan Maqli jirey Aadaanka salaadaha Laakiin Maan Ajiibin
Waligay Bisha Ramadan Markay soo gasha Waa bisha kaliya ee Aan tukan jirey Waana soomi jirey. Ma garanayo sababta, Ma bishaas baan caabudi jiray.
Sidaas Oo Ay tahay xataa bishaasi Ma geli jirin masjidka.

Habeenkii Waxaan u tagi jirey si Aan saaxiibadeyda ula soo
dhafro. Xiliyada Qaarna galab Hore baan bixi jiray Oo Aan uun Magalada gali jirey. Kama Aanan fikiri jirin guur, caruur & Mustaqbal Midna Inkasta oo Aan Wax ku darsaday da'dii 35aad.


Markaan gurigayga kasoo baxayo Ayaa waxaan Wadada Hortayda Ah ku Arki jiray gabar Ayada dhan Wada xijaaban Oo Masjidka Inoo dhaw galaysa, Waxaan Iska dhaadhiciyay sidii Aan gabadhaas kula hadli Lahaa Oo Aan gurigayga ku keensan lahaa. Naftayda xumaan Ayay iiqurxineysaa shaydaana bini'aadamka Wuu dhagraa Iima muuqato Haybada &
sharafta ka muuqata gabadha. Markay socoto Waxaad moodaa In waddada ka bax la yiri, darbiga Ayay isku dhejin jirtay. Inta badan waxaan Arki jirey ayadoo u socota salaadda Casarka.

Waxaan go'aan saday Inaan La hadlo, laakiin iima jawaabto
dhowr galab hadii aan sidaasi u bartilmameedsan jiray bay i dhibsatay, galabkii dambe Ayayna go'aansatay Inay ila hadasho Meel Aan Albaabka gurigayga ka fogeyn bay mareysay. Markaa bay igu tiri

Wednesday, January 29, 2014

Qiso cajiib ah, oo faa,ido badan.

2:43 PM 0
Qiso cajiib ah, oo faa,ido badan.
Nin waxaa jirey fundi ahaa oo guryaha dhiso wuxuuna ushaqayn jirey mid kamida sharikadaha waawayn.
Ninkii fuundiga ahaa waa waynaaday hawl gabna wuu noqday. wuxuuna ka codsaday shirkadii inuu shaqada kafariisto maadaama uu waayeel noqday shirkadana wakhti badan usoo shaqeeyey. wuxuuna dhiibtay warqadii rukhsada.
Wuxuuna udhiibay ninkii sharikadda uwaynaa.
Markuu ka qaaday warqadii ayuu ku yiri w
aan ku fasaxaynaa laakin hal shardi ayaan kuugu fasaxaynaa.
Fuundigii duqoobay wuxuu yiri .waa maxay shardiga aad iga codsanayso.
Wuxuu yiri ninkii sharikadda u waynaa.
Shardiga aan kuugu xirayo waxay tahay maadaama aad naga tagayso waxaan kaa codsanayaa inaad noo dhisto halguri oo ahaa kii kuugu dambeeyey ood noo dhisto.
Fuundigii wuxuu yiri waa yahay.
Wuxuuna billaabay dhismihii guriga isagoo boobsiinaya dhismaha guriga.

waayo waxaa kuxiran nasashadiisa.
Gurigii sidii kuwii hore uu udhisi jirey uma uusan dhisin wax walbo wuxuu kadhigay boobsiis iyo kuwaaliti la’ aan,
daaqada xun xun albaab aan tayo lahayn biro tacbaan ah
Wuxuu dhisay guri imooti ah.
Markuu dhameeyey ayuu uyimi ninkii sharikadda uwaynaa wuxuuna ku wargeliyey inuu gurigii dhameeyey.

Isagiina waxaa lagu war geliyey maadaama uu sharikadda in badan usoo shaqeeyey abaalna ku leeyahay

Qiso cajiib ah: Awooda ducada leedahay.

2:35 PM 0
Kulan saxaafadeed ayaa nin ganacsade si weyn looga yaqaano dalka Isu taga Imaaraadka Carabta lagu weydiiyey taariikh soo martay noloshiisa oo uusan marna hilmaami karin, wuxuuna ku jawaabay sidatan:
Habeen habeenada ka mid ah ayaan dareemay welwel iyo caajis, markaasan is iri buu yiri wax xoogaa soo luga baxso oo leyrta soo qaado, intii aan socday ayaan arkay masaajid, markaasaan go'aansaday inaan...

laba rakco iska tukado, kadibna masaajidkaan galay.
Salaadii hadaan dhameystay, waqtiguna yahay mid danbe ayaan masaajidka gudihiisa meel danbe ku arkay qof gacmaha kor u taagaya oo ALLE baryaya, waxaan dareemay in qof dhib iyo kurbo heyso yahay, waan sugay intuu dhameysanayey, kadibna inta u dhowaaday ayaan weydiiyey Walaal ducadaada qof kurbo heysto inaad tahay ayaa ka muuqatay, marka waa maxay dhibkaaga?

Monday, October 14, 2013

QISO CAJIIB AH OO DHEXMARTAY SICIID BINU MUSAYIB & ABUU WADAACA...

1:07 AM 0
QISO CAJIIB AH OO DHEXMARTAY SICIID BINU MUSAYIB & ABUU WADAACA...
GAARINIMADA I YO DAACADNIMAD “QISO CAJIIB AH OO DHEXMARTAY SICIID BINU MUSAYIB & ABUU WADAACA...

Qisadan soo socotaa waxa ay dhex martay Siciid Binu Musayib oo ka mid ahaa taabiciyiintii iyo abuu wadaaca.

Guurkii labada dirham

Siciid Binu Musayib oo ka mid ahaa taabiciyiintii(raggii asxaabta rasuulak arkay laakiin aan rasuulka naftiisa arag) ayaa waxa uu kitaab u akhriyi jiray dad badan maadaam uu aha sheikh caalim ku ah diinta islaamka.

Abuu wadaaca nin la odhan jiray baa ka mid ahaa xerta ardada ah ee shiikha culuunta kala duwan ka akhrisata,maalin maalmaha ka mid ah ayuu abuu wadaaca casharkii iyo masaajidkii aanu imanin.xanuun ku dhacay xaaskiisa awgii ayaanu u maqnaa.

Abuu wadaaca waxa uu ahaa nin sabool ah laakiin asluub,akhlaaq iyo diinba Alle(swt) uu siiyey,kuna dhaqma oo ku camal fala diinta.shanta salaadood masaajidka ayuu saful awal ka ahaa inta badan.

Siciid binu musayib kolkuu dhawr casho waayey abuu –wadaaca ayuu maalintii dambe yimid oo ka soo qayb galay sidii caadada u ahayd xalqadii waxbarashada ee masaajidka uga socotay.Siciid baa arkay abuu wadaaca kolkaasuu ku yidhi:

Friday, October 11, 2013

SIRTA SHEYDAANKA: Qoraal faa'iido badan:

4:05 AM 0
SIRTA SHEYDAANKA:
Qoraal faa'iido badan:

sheydaanku waxuu kugu qalqaaliyaa inaad gashid ama sameesid danbi, kadib markaad danbiga sameesid waxuu isku dayaa hadana inuu kaa hor istaago inaad u toobad keento Rabbigaaga.
asigoo maskaxda kaaga furo buuq oo ku leh:

"war hedhe miyaadan xishooneenin oo Rabigaaga ka cabsaneen, shaley ayeey aheed markaa danbigaan oo kale ka toobad keeneesey, maantana waad ku noqotey, ma Rabbigaaga ayaad ku dheeleesaa IWM "


Hadaba markey xaalku sidaa yahey haka yeelin inaad yeesho warkiisa, si fiican u dhageeso Nabigaaga Mohammad SCW xadiith kiisa.

Nabiga SCW waxaa u yimid nin oo uu sheydaan aad u wareeriyey, kadibna was waas ku qabey toobada markaas buu yiri: "Rasuul allow waan danbaabaa?"
Rasuulka baa yiri: "Toobad keen!!". ninkii baa yiri: "Rasuul allow danbigii ayan ku hadnaa sameenayaa mar kale".
Rasuulka SCW ayaa yiri: "Toobad keen hadana"
Ninkii aya ayiri :"Rasuul allow ilaa goorma ??"

Rasuulka SCW ayaa yiri: "Illaa uu sheydaanka iska dhiibo oo aad ka guuleesato!!"

Walaal Ilaahey ma mooga inaa tahey insaan daciif ah oo mar walbo danbaabaya, sidaa darteed ayuu waxuu kuu furey Albaabada toobada waqti walbo. ee yaanu sheydaanku kaa hor istaagin inaad rabigaaga danbi dhaaf waydiisatid mar walboo qalad kaa dhaco!!

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:

WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

Saturday, September 28, 2013

QISO GAABAN OO KU CIBRO QAADASHO MUDAN: Nin odey ah oo meel ku ooynaaya ayaa u yimid nin markaas buu waydiiyey maxaad la oyneysaa adeer? Odeygii aya ku jawaabey:

3:19 AM 0
QISO GAABAN OO KU CIBRO QAADASHO MUDAN: Nin odey ah oo meel ku ooynaaya ayaa u yimid nin markaas buu waydiiyey maxaad la oyneysaa adeer? Odeygii aya ku jawaabey:
QISO GAABAN OO KU CIBRO QAADASHO MUDAN: 

 Nin odey ah oo meel ku ooynaaya ayaa u yimid nin markaas buu waydiiyey maxaad la oyneysaa adeer? Odeygii aya ku jawaabey: “Waxaan lahaa wiil oo aan aad u jeclaa, waxaan jeclaa inuu noqdo aqoonyahan, sidaa darteed waxaan barey aqoon, oo waan ku dadaaley, si aan loogu dadaalin qof ficiis ah kadib waxaan ka dhigey aqoonyahey weyn. Nasiib daro wuu xanuunsadey, markii isbitaalkii la dhigey ayaa daqtarkii ii sheegey in wiikeygu ku jiro saacadahii ugu danbeesey ee noloshiisa.. aad baan uga murgey, kadib wiilkeygii ayaa igu yiri “Aabe!

Wednesday, August 21, 2013

Qiso cajiib ah: SIRTA SALAADA kujirto. In la aqriyo ayey mudantahay!!!!

8:20 AM 0
Qiso cajiib ah: SIRTA SALAADA  kujirto. In la aqriyo ayey mudantahay!!!!
SIRTA SALAADA

Imaam qazaani ayaa waxaa wax  laga weydiiyay sirta salaada kujirto.  markaas buu si uu dadka wax u fahansiiyo ayaa waxuu usoo qaatay qiso, oo runtii aad u yaab badan cajiibna ah, wax lagu cibroqaadana ah.  markaasaa waxuu yiri “ waxaa jiray nin boqor ah ninka boqor ka ahi qasrigiisa waxaa ku nooleed abeeso, iyo ubaxyo aad u tiro badana.
Abeesadu dhaq dhaqaaq ma sameeyneeyso waayo, ubaxyada ayaa suuxinaayo yacni ubaxyada suntooda ayaa suuxinaayaan, waxna cuni meyso, ma dhaqdhaqaaqeeyso, meesheeda, uunbeey jiifeysaa maantoo dhan.

Odaygii markii sakaraadkii u imaaday ayuu la dardaarmay wiilkiisii wuxuu ku yiri” wiilkeeygiyow adiga ayaa iga dhaxlaayo boqortinimadayda iyo qasrigeeyga iyo xooloheeyga oo dhan.  ee hadaan dhinto oo aad I dhaxasho waxaan kuu dardaarmaya inaadan jarin ubaxyada, haisku jarin wiilkeeygiyoow. saas ogaaw.
Odaygii wuu dhintay, wiilkii ayaa dhaxlay boqortinimadii iyo xoolihii dhamaa markaasuu wiilkii yiri”


Tuesday, August 20, 2013

Qiso cajiib ah: WELIGAA HA DEG DEGIN

3:18 PM 0
Wiil ayaa dhigan jiray jaamacad. Aabihiina wuxuu ahaa nin maal qabeen ah, wiilka wuxuu aad u jeclaa gawaarida cayaaraha (sports cars) wuxuuna ku taami jiray inuu helo gaari noocaas ah, kadib markii uu dhameeyay jaamacadii ayuu aabihii ka codsaday inuu helo hadiyad balse muusan sheegin waxa uu doonayo.
Aabihii oo ogaa waxa uu jecel yahay wiilkiisa ayaa maalintii danbe u yeeray inankiisa, kadib udhiibay Baakad sajalaataysan, wiilkii ayaa furay baakadkii, markaas ayuu arkay Kitaab Quranah.
Intuu xanaaqay ayuu yiri:


Qiso cajiib ah: WELIGAA QOF MUSLIMA HA XAQIRIN! QISA WIIL DHALIN YARAA OO YAAB LEH (RAABICA CADAWIYA)..

8:53 AM 0
Qiso cajiib ah: WELIGAA QOF MUSLIMA HA XAQIRIN! QISA WIIL DHALIN YARAA OO YAAB LEH (RAABICA CADAWIYA)..
WELIGAA QOF MUSLIMA HA XAQIRIN!
QISA WIIL DHALIN YARAA OO YAAB LEH (RAABICA CADAWIYA)....


Sheekada waxaa weriyey Dhakhtar ka mid ah Dhakhaatiirtii Raabica Cadawiya: Maalin anoo jooga Cisbitaalkii Goobta, waxaa ii yimi nin dhalinyara ah, rafaad ka muuqdo, qalalan, dhar wasakhaysan wata, waxaan is iri wuxuu mala doonayaa kaalmo lacaga, Cisbitaalkana Kaalmo lacageed ma bixiyo, laakiin wuxuu igu yiri: Dr anigu waxaan ka shaqeeyaa Goobaha Dalxiiska ee Qardaqah, Xisaabiye ayaan ahay, wax walba oo dembiya oo caqligaaga gala waan sameeyey, darooga nooc walbaa waan cabey, waxaan saxiixay (Tamarud) si loo rido Mursi, Qaahira ayaan fasax ku imi, maalin ayaan is iri: Bal Qoladan Raabica joogta soo eeg wexey yihiin, halkan ayaan imi, maalin iyo labo iyo saddex ayaan joogey, walaala si fiican iisoo dhoweeyey ayaan helay, salaad markii iigu horreysey macaankeeda ayaan tukadey, Qur'aanka iyo Salaadda ayey i bareen, Ramadaan ayaa soo galay, markii iigu horreysey ayaan soomay, ehelkaygi dad iiga wanaagsan ayaan helay, hada Dr waxaa kaa baryayaa:


Monday, August 5, 2013

QISO DIINI AH OO MUDAN IN LAGU CIBRO QAATO:Labo dhalinyaro ah oo reer Madina ah ayaa waxey

11:10 PM 0
Qiso diini ah oo mudan in lagu cibro qaato:

Labo dhalinyaro ah oo reer Madina ah ayaa waxey u dalxiis iyo khamri-cab u tageen Dalka Turkey. markii ay gaareen istabul(caasimada turky) waxey iibsadeen Khamri, waxayna kiraysteen Taxi waxayna aadeen meel tuulo ah, waxayna dageen Hotel kuyaalay tuulada, si aan loo arag bay halkaas u tageen...
Markii ay Hotelka galeen ayaa waxaa waraystay Receptionka(xafiiska aqbalaada) shaqalihiisa nin kamida ah waxuuna weydiiyey xageed katimaadeen?
Markaas bay ugu jawaabeen waxaan ka nimid magaalada Madiina Al-Munawara..
Markaas baa ninkii shaqaalaha ahaa aad ugu farxay wuxuuna siiyey hool dhan halka uu ka kireyn lahaa qol, asagoo ku karameynaya dadka ka yimid magaaladii Nabiga(naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee). Wiilashii hoolkoodii bay tageen, halkoodii bay ku dhafreen oo ay ku cabayeen khamrigii, markaasay sarqaameen, midbaa aad usii wareeray midna waa roonaa xogaa.. Kadib way iska seexdeen..
Kadib waxaa si lama filaan ah albaabka lagusoo garaacay saacadii afartii iyo bar arooryo. Midkood baa toosay albaabkii buu furay asagoo aad u hurdeysan, mise waa ninkii hotelka shaqaalaha ka ahaa asagoo leh..

Sunday, July 28, 2013

Qiso Cajiib ah: MUSLIM MA AHI LAKINSE WAAN DUKADAA SALAADA. MUST READ!!!

10:38 PM 0
Qiso Aad Iyo Aad U Cajiib Ah Cibro Qaadashana
Mudan “Muslim Maahi Lakin Waan Dukadaa
Salaada”.

MUSLIM MA AHI, LAAKIIN WAAN DUKADAA
...
SALAADA!!

Qisada waxaa ka sheekeenaya wiil ay
dhalashadiisu tahey American, kaasoo asiga iyo
qoyskiisana diinta Islam ka ah qaateen.

Waxuu ku bilaabey sheekadiisa sida tan: “Hooyadeyda waxey qaadatey diinta Islam ka ah,
waxey ku dukan jirtey salaadaha masjidka, laakin
waxey si layaab ah ula kulantey naag!! naagtaasoo
kula dukaneysa Masjidka isla markaana eesan ka
muuqan wax diin ah, oo u libasan sida gaalada oo
kale, jirkeedana asturneeyn, Hadana Salaad dukaneysa.

waxeyna timaadaa Masjidka isbuucii ama labadii
isbuuc hal mar.


Hooyadey arintaas marar badan ayeey aragtey,
markii danbe waxey g’aansatey iney weydiiso
naagtaan xaalkeeda.

waxeyna ku tiri: “adigu ma Islaam baa tahey?
Naagtii baa tiri: “Maya!!
hooyadey aad bey ula yaabtey naagtii waxeyna tiri:
“oo hadaadan islaam aheen maxaad u timid
Masjidka oo hadana u dukaneysaa?,

Saturday, July 20, 2013

Qiso Diini Ah. Xaadib Ibnu Abii Baltaca ( qofkii ilaahay si toosa isugu dhiibana ilaahay ayaa ilaalinaya)

2:03 AM 1
Qiso Diini Ah. Xaadib Ibnu Abii Baltaca ( qofkii ilaahay si toosa isugu dhiibana ilaahay ayaa ilaalinaya)


Qiso Diini Ah. Xaadib Ibnu Abii Baltaca
( qofkii ilaahay si toosa isugu dhiibana ilaahay ayaa ilaalinaya)

Saxaabigii lagu magacaabi jiray Xaadib Ibnu Abii Baltaca waxa uu ahaa saxaabi aan u dhalan quraysh marka Nabiga iyo saxaabadiina waxa ay usoo hijroodeen Madiina, Xaadib reerkiisii iyo maalkiisii waxa uu uga soo tagay MAKKAH …. Xaadib waxa uu is dhahay quraysh umaadan dhalan reerkaagii iyo maalkaagiina wax kuu ilaalinaya malaha ragan aad la soo hijrootay waa rag u dhashay dalka iyo dadka marka si aad uga hesho quraysh waji iyo sharaf ayna kuugu badbaadiyaan reerkaaga iyo maalkaaga waxaad u gud bisaa dagaalkan nabigu S.C.W uu abaabulayo uuna rabo inuu kugaado gaaladii quraysh Nabiga S.C.W waxa uu diyaariyay ciidan uu rabay inuu ku gaado quraysh Nabiga S.CW Allah ayuu baryay inaysan ka fashilmin abaabulkiisan dagaal uu lamaagan yahay Ahlu Makkah…


Thursday, May 23, 2013

QISO CAJIIB AH.Ilaahow wixi masajidkaan so gala naar ha taabsin

10:02 PM 0
Waa Qiso cajiib ah nin aya Wuxu yiri habeen Ayaan rerkayga hilib u doonay kadib hilibki asago wada oo u socda gurigisa aya saladi cishaha la aqimay masajidka ayuu ku lexday, hilibki agtiisa dhigay Saladi ayu tukaday, marku kulabtay gurigisa , ayu xaaskisa u dhibay si ay casho ugu samayso , waqtigi laga so dajin laha hilibka marki la garay, waba sidisii oo ma ba bislaanin, ninki wuu naxay Wuxu is yiri ma masjidki aad la gashay aya Danbi kaa so racay, kadib Wuxu u tagay imaamki masjidka oo uu ushegay arinki , imaamki wu farxay wuxuna yiri Ilahay ducadaydi wu aqbalay , oo galabta waxaan ku ducaystay Ilaahow wixi masajidkaan so gala naar ha taabsin oo ka xiree ,!!!!! Allahu Akbar Ilahow dhamaanteen naarta naga xoree. Aaamin.

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:

WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA