SUPPORT WEBSITE

Showing posts with label SHEEKO NAXDIN LEH. Show all posts
Showing posts with label SHEEKO NAXDIN LEH. Show all posts

Sunday, December 20, 2020

MURUGADII DULEEDKA KISMAAYO WARIYAHA KUSOO ARKAY.😢

6:15 PM 0


Waxaan  Filaa Adigane inaadan Ka Mid Noqon Tobanaanka Xaasidiinta ah Ee Umadda Masaakiinta ah Ee Daruufta Ciishay Aan  U Naxariisan Ee Danta Uga Faa`iideeysta 

Sida Kuwa Odeygaan Maskiinka ah Ee Hadane  Waayeelka ah Qowsaar inta Ka dhigtay Markii Uu Sodonka Maalmood U Raacay Xoolahooda Lacagtiisa  Kula Meereystay.  Kismaayo .😭😭

Waa 90" jir Duleedka  Kismaayo Labaatan Kun Shilin Soomaali Xeeyn Ari ah Dadka Halkaa Dagan Ugu  Raaco  Ax Ax Aaway Naxariistii😢

Waa Awoowe Aad U Tabaaleysan Qol Ku yaallo Waqooyiga Magalaada Kismaayo Oo ah Xaafad Kaama dambeyso Ayeey Wadagan yihiin isaga iyo Xaaskiisa Oo ayadane Aan Ka Cimri yareen 

Maxeey isku Ballansadeen Lamaanahan Waayeelada ah Ee Daruufta iyo Waayaha Ka Hiiliyeen Oo Aan Haysan Dad iyo Duunyo ay Ka Laab dagsadaan 

Waxeey isku Ballansadeen Labadeena Keena Hor geeriyooda Kan Ka dambeeya Ha Duugo 

Waxaan Aroor Walba Raacaa Xeeynta Ariga ah Dadka Waxeey Bisha isiiyaan Labaatan Kun Shilin Soomaali ah Wax ay  igu tarto Ma jirto Daruufta ayaa igu Khasabtay Noloshaan Aan Ciirsiga laheyn 

Waxaa Taas iiga daran Reeraha qaar ayaa Lacagta igu dhiba Aan isiin Nolol Kale Aan Tan Kaga Maarmo Ma leh.

Maalin Aniga Oo Geed Laamo Uga Soo guraya Xoogaa Ari ah ayaa Laan Geedka Ka soo fakatay isha iga Gashay Xitaa Qori ayaa iiga galay isha Waa ay i Cadaatay Lacag Aan isbitaal Ku Aado Waan Waayay Hadd Qeeyb yar Ayaan Wax Ka arkaa 

Waayeeladan Silaca iyo Darxumada Ka Muuqato Ogow Waa Dad islaam ah Waxa Aan Isxaanka U Sameeynin Waa Dad ayagane islaamnimo Sheeganaya 

Wareysi Murugo badan Oo Aad U dheeraa ayuu Siiyay Televusionka Universal Runtii Waa Aanyan daro

Umaddii Samaliyeed Ee Muslmiinta ahaa Waxaa Hal Mar Ka guuray Naxariistii

Samafalkii Ixtiraamkii Wax isa siintii

Qof Walba Oo Kismaayo Jooga Somaliya jooga Waxaa Waajib Ku ah in Dadka Tabaaleysan Laga War qabo

Haddii Wax Un U Aad Awoodo fadlan Kala Xiriir Tiviga Universal Xaruntiisa Kismaayo Wax Kale Haddaad Weeyso Fadlan U Share garee Walaalaha Kale Ee Wax haysto Ha U gurmadaan😭😭😢👇

Tuesday, November 15, 2016

QISO MURUGO BADAN: WAXEY TIRI NINKEYGA BAA KUFSADAY GABADHEYDA YAR AYNU DHALNAY.

6:47 AM 0
HOOYADANI Waxay hadalkeeda ku bilaabaysaa "Waxaanu ahayn Qoys yar oo iska ladan, Duruufa badan oo Nolosha ah oo aynan kuwada faraxsanayn waanu soo marnay, balse, ma ahayn duruufahaaas kuwa sababa in qoyskeenu kala tago. 

Sida caadiga ah mar walba waanu murmi jirnay, dagaalami jirnay, hadana weynu heshiin jirnay, is qabashadeena mar walba waxay ka dhalan jirtay sabab uu isagu ka mas’uul ahaa. 

Wuxuu saq dhexe iman jiray guriga isaga oo marqaansan, ha ahaado Marqaame, hadana xaaladda qoyskeena waxba uma dhibi jirin marqaankiisa, anigana wax dhib ah oo gaar ah oo uu igu hayay ma jirin, marka laga reebo dhibsasho aan dhibsaday imaatinkiisa waqtiga damba ah.

Wax ay xaaladdeenu sidaa ahaataba markii dambe waxaa u suura gashay in uu Waddanka ka dhoofo, oo uu aado mid ka mid ah Waddamada Galbeedka, halkaas oo muddo ku dhow 7 sano uu daganaa kaligiis.

Muddadaas kadib ayuu inoo xareeyey Dacwad, nasiib wanaag wax walba waxay noogu dhamaadeen waqti fudud, oo muddaba inagama qaadan waddanka aan sii maraynay ee dacwadeena laga xareeyay.

Ninkayga waxaan ulahaa aqoon buuxda, dhibkiisa iyo buuqiisa ma yarayn, hadana waxaan aqiin Xeeladda lagu dajiyo, marka uu dagana wax walba caadi ayey kusoo laaban jireen.

Imitaankayaga Dalka uu ku noolaa wax badan ayey nolosheena ka baddashay, ilmihii oo iskoolka inoo aada, aniga iyo isaga oo wada shaqayna, Dhaqaala aanu ku wada faraxsanahayna wada helna.

Marka tilmaantaas wanaagsan laga soo tago, waxaa inoo dheerayd arrin cusub oo aanan ku aqon ninkayga oo muddo markii aan joogay soo baxday, taas oo ahayd in balawdiisii ku ekayd Khaatka ay usii gudubto in uu Khamriga ku daro.

Runtii kuma faraxsanayn, dhowr jeer oo aan kala hadal is irina gacan qaadkiisa ayaan dhibsaday, oo waxaan go’aansaday in aan ka aamuso dhibkiisa, aniga oo u baqaya naftayda iyo tan ciyaalkaba.

Xaafadda aan daganayn cidlo kuma ahayn, oo waxaa ii dhawaa hooyadey iyo walaashey oo waddanka iiga soo horreeyay, kuwaas oo aan waheshan jiray mararka qaar, sidaa darteed, Xaalad ahaan ma ahayn qof go’doon ah.

Xaaladdiisa khamri cabidda kuma faraxsanayn, mar walbana waan ogaa in ay khatar kasoo socoto, baaxadda ay khatartaas leedahayse ma aanan ogayn, oo ma ahayn mid aan sii qiyaasi karay.

Buuqeena iyo murankeena wuu batay, waan awooday in aan guriga ka saaro oo askarta u waco, balse, ciyaalka oo aabahood aad u jeclaa iyo isaga oo u roonaa ayaan ugu dulqaatay, ma doonayn in ciyaalkayga ay aaba la’aan ahaadaan ama aan ka fogoeeyo aabahood.

Waxaa batay imaatinkiisa saqda dhexe, marnaba ugama shakisanayn Dumar kale, taas wax shaki ah kama qabin oo waan aqiin ninkayga, in waxa uu ku waalan yahay ay ahaayeen balwaddaas, ee xaga dumarka uusan sidaa kusii ahayn.

Waxaa dhacday in uu habeen saq dhexe yimaado isaga oo Tal ah micanaha aad u cabay khamaridii, marka uu yimidna cashadiisa oo diyaarsanayd ayaan u keenay oo cun ku iri, isaga oo ay Caro ka muuqato ayuu igu yiri “ma rabo cashadaada” wuxuuna bilaabay in uu aad ii caayo iguna qaylsho.

Horey ayaan uga daalay qayladiisa, aniga oo waxba dhihin ayaan iska aaday qolkayga jiifka si aan iskaga seexdo, waana sida aan samayn jiray marka u sidan oo kale u kaco, balse, caawa arrintu sidaas waa ka duwanayd.

Isaga oo furanaya Suunka surweelkiisa, farahana igusoo fiiq fiiqaya ayuu igu yiri “waa in aad ka baxdaa gurigayga caawa, kuma doonayo mana seexanaysid meeshan” aniga oo aad uga baqaya dhaqankan cusub ee uu ninkayga la yimid ayaan ku iri “waan kaa baxayaa ee albaabka ii bannee”.

Intuu albaabka ii ballaqay ayuu igu yiri “mar dambe yaanan kugu arkin gurigan haddii aad naftaada rabtid” maqalka erayadaas iguma cusbayn, balse, dhaqanka cusub ayaan la yaabanaa caawa, waxaan isla markiiba go’aansaday in aan ka baxo oo guriga hooyadey oo dhowr tallaabo ii jira aan iska seexdo habeenkaa.

Ilmo waxaanu lahayn hal Gabar iyo laba Wiil oo yar yar, gabadha waxay ahayd 12 jir oo curradeen ayey ahayd. Xilliga uu buuqaas ina dhex marayo ilmaha waa ay wada jiifeen, oo labadeena kaliya ayuu buuqu u dhaxeeyey.

Hooyadan 3dan caruurta dhashay iyada oo hadalkeeda sii wadata ayey tiri, “iguma jirin wax shaki ah oo ku saabsan in uu ilmaha waxyeelayn doono, sidaa darteed si nabadaysan ayaan guirga hooyadey iyo walaahay ku aaday aniga oo rajaynaya in ninkayga marka ay ka baxdo Wasaqda jirkiisa ku jirta ay subixii howsheena caadi kusoo laaban doonto.

Markii aan tagay guriga, waalidkay iyo walaalahay ayaga oo yaaban ayey i waydiiyeen waxa dhacay caawa maadaama aanan waligey usoo hoyan gurigooda maalin maahee, aniga oo is moogaysiinaya doonayna in xaaladdeena la fahmo ayaan ku iri, “caawa buuq yar oo aanan la qabsan buu iila yimid ninkayga, waxaan ka baqay in ay meel dheer inaga gaarto arrinta, sidaas ayaan u door biday inta waagu ka baryayo in aan idinla seexdo, subixina aan guriga ugu laabto”.

Subixii aroor hore ayaan kasoo kacay si aan ciyaalka ugu diyaariyo quraacdooda, Dhar wasaq ah oo ii yiil markaana aan ugu dhaqo Mashiinka oo ii bukinnaa xiliiga 7am, aniga oo dharkii kala dhig dhigayo ayaan ku arkay Funaanad aan lahaa Dhiig.

Waxaan iska dhaadhacshay in ninkayga maadaama uu marka uu cabo khamriga uu Shilala badan galo uu dhiigan isaga tiray funaanaddayda ama dharka guriga yaal uu mararka qaar isticmali jiray, dhaqanka sidaa ahna wuxuu ahaa dhaqan caadi ka ahaa ninkayga xagiisa.

Aniga oo doonaya in aan bal eego xaaladda ninkayga iyo in uu xanaaqii xalay ka baaba’ay ayaan waydiiyay, Cidda funaanadayda dhiiga ku tirtay, jawaabta uu isiiyayna waxay ahayd “ waa in aad adiga is waydiisaa su’aashaa, aniga nin ayaan ahay, dhiig Caadana iguma dhaco, funaanaddaadana laga yaabee in aad adiga isticmaashay xilliga aad macduurka tahay”.

Aniga oo u jawaabin kana xanaaqsan qaabka uu iigu jawaab celshay ayaan dhanka Sariirta sii aaday, aniga oo is leh Go’a sarirta baddal, kan xalay saarnaana dhaq, mise Dhiig ayaaba buuxa meesha, waxaan dareemay in howsha ay markan caadi ahayn, oo xalay ay wax dhaceen.

Naxdin iyo amakaaga aniga oo ay iga muuqato ayaan u cararay Qolka ilmaha si aan u eego xaaladdooda, mise waxaan arkay gabadhaydii oo ku labbisan Funaanad aan aniga lahaa oo ka wayn. Lugaheedana uu dhiig ka dareerayo.

Dareen naxdin leh aniga oo muujinaya ayaan waydiiyay gabadhayda waxa ku dhacay, iyada oo booyeeysa ayey sharraxaad iga siisay wixii dhacay xalay, taas oo runtii filan waa igu noqotay.

Waxay tiri “Hooyo xalay waqti dambe ayuu aabe soo galay qolkeena wuuna i xambaartay isaga oo i geeyey qolkiina jiifka ah, halkaas uu ku bilaabay isla markiiba in uu dharka iga siibo, markii aan ku dhahay aabe maxaad samaynaysaana, dharbaaxo ayuu ila dhacay, Ceejana wuu igu qabtay, isaga oo iigu hanjabay in uu nafta iga qaadayo hooyana uu dili doono, haddiiba aan isku dayo in aan dhacdada dhacday qof u sheego.

Inta ay sheekada gabadha ii wadday ayaan isla markiiba wacay 911, aniga oo ka baqanaya in uu nasoo wada weeraro aniga iyo gabadha, wayna dhacday oo sheekadeena ayuu ka dhex maqlay guriga.

Waan dareemayay in uu nagu soo fool leeyahay, Middina soo qaatay, aniga oo la amakaaksan Xaaladda qoyskayga kusoo korortay ayaan Albaabka hoos ka xirtay, wixii alaab ah aan ku aaddin karana ku aaddiyay.

Dhowr jeer ayuu isku dayay in uu albaabka soo jabsho, balse, waa ku adkaatay, markaas ayuu wuxuu bilaabay in uu Goobta ka cararo, wax yar kadibna waxaa goobta soo gaaray Pooliska.

Arrinta dhacday ayaan ku war galshay Askarta, waxaana gabadhii loo qaaday isbitaal, halkaas oo looga daweeyey Dhaawacya Culus oo soo gaaray intii uu Kufsiga kula kacayay aabaheed.

Pooliska waxay raadinayeen laba maalin oo muuqiisa iyo maqalkiisaba la la’aa, nasiib wanaag markii dambe waa la helay oo waa la xiray, waxaana lagu xukumay ilaa 9 Sano oo Xabsi ah.

Tan iyo maalintii xabsiga la geeyay ee la xukumay, ma aanan booqan mana maqal codkiisa, anigana ma raadsan, isagana ima soo raadsan, balse, waxaa mar aan fogayn la ii keenay Warqad uu xabsiga kasoo diray.

Warqaddaas wuxuu ku dulbanayay Cafis uu aniga iyo gabadhaba inaga dalbanayay, wuxuu ku sheegay warqadda in habeenkaas ay dhacdadaas dhacayso in uu isticmaalay Daroogo kale oo uusan waligiis isticmaalin, taas oo dareenkiisa oo dhan baddashay.

La yaabk warqadda waxa ku qoran ayaa ahaa, in uusan u qalmin uu dunidan kula sii noolaado gabadhiisa oo uu kufsaday, jeelka dhexdiisa ayuuna isku daldaly.!!

Kama nixin dhimashadiisa waayo waan dareemi karay in uu ka qoomamaynayo waxa uu sameeyay, balse waxaan ka naxay inay caruurtayda noqdeen ogoon dhiban iyo in uu isagu aakhiro iyo addunyaba gacantiisa ku waayey.

Xanuun xun ayey igu noqotay arrintaa, waxaan naftayda ku canaantay in aniga naftayda aan qayb ka ahay Dhibka ku dhacay gabadhayda, maadaama aan guriga ka baxay ugana tagay gabadhayda Nin aan Miyiri ahaan joogin, oo waxa uu yahayba aan garanayn.

Dhacdadaas runtii waa mid aan la noolahay, isaga waa kan Falka geystay sida aan qabo, anigana waxaan ahay tan u fududaysay in uu uu falkaas ku dhaco, gabadhayda waxaa ku dhacday nasiib darro ah in dadkii ay dugaanshan lahayd ay khatarteeda noqdeen, difaaceedana uu dagay (Aabaheed). waxayna halkaas ku weyday sharaftii inanimo (gabadhnimo) (bikronimo) iyo mid waalid keedba

Waa dhacdo runtii aan la noolahay inta noloshayda ka dhiman, waxaase idin xasuusinaya gabdhaha somaliyeedow inaad ka fogaatan ragga isticmaala maan dooriyasha sida Qamriga iyo qaadka iyo kuwa kale xiska qofka wax u dhimikara haddi ay taasi dhacdo ka ilaalisaan ubadkiina iyo naftiina inay khatar geliyaan

Wednesday, June 15, 2016

QISO MURUGO BADAN OO KAA ILMEYSIIN DOONTA: WAXEY TIRI AMISOM BAA I KUFSADAY.

5:29 AM 0
Waxaan Ahay 19sano Jir waxaana Ku dhashay oo Ku barbaaray Xamar Gaar ahaan Degmada Wardhiigley Waxaan La noolaa Aabahay iyo Hooyaday ayagoo waxbarasho ilaa Dugsi sare I Gaarsiiyey , Waxaan ahaa Fasalka Koowaad Dugsiga sare markii aan Ka tagay Waxbarashada.

Waxaan Bilaabay Iskuul Private ah oo aan ka dhigan Jiray Private luuqada Englishka ah , Waxaan Gali Jiray Galabtii Maqrib Kahor waxaana kasoo Bixi Jiray Salaadda Cishaha inta aan La Gaarin, Maalin Maalmaha Kamid ah anoo usocda Iskuulka ayaa waxaa igu qayliyey Askar Amisom ah oo meel Fadhiday balse waan dhaafay oo lama aana hadlin mid kamid ah ayaa iga soo Daba Kacay asagoo ku hadlaya Luuqada eglish ka oo aana inta Badan Fahmayn Balse Erayo Yar aan Ka fahmayey Waxyaalaha aan Fahmayey waxaa Kamid Ahaa : Hey Madam , Bring me You Number, iyo erayo Kale balse uma aana Jawaabayn..

Haddaan sii socday wuu iga Haray anigana waxaan Toos u aaday Iskuulkaygii , casharadii wixii i dhaafay ayaan Qortay anoo ka anfariirsan Ninkii Afrikaanka ahaa ee askariga ahaa ee isoo Daba galay iyo wadadii aan Mari Jiray Caawa markaan Marayo waxa aan la Kulmi Doono Balse Markasta Ilaahay ayaan aaminaa oo niyadda ayaan ka dhahaa ilaah baa leedahay Cidna Wax kuma Yeeli karto..

Iskuulkii xilligii laga Bixi Jiray baan Baxay anoo Toos u aaday wadadii Xaafadayda Markaan Marayay Meeshii Galabta Ciidanku joogay ayaa Waxaa iga hor yimid ninkii iyo Mid kale ayaga oo uu lasocdo Tarjumaan soomaali ah , Waxaana Ila hadlay Soomaaligii iguna Yiri Abaaye Nimankaan waa ka shakiyeen Socodkaaga Maalinkasta Meeshaan ee Xafiiska Kaalay qoraal Halagaa sameeyee, Aniga oo Naxsan ayaa is iri mar haddii soomaali lasocdo wa caadi ee Raac , Waxaa la i geeyey Qol Miis Yaal waxaana La i waydiiyay waxaan qabto, Xafadayda Meesha ay Tahay iyo Waxaan Galabkasta soo raadiyo anigana Runta u sheegay.

Waxaa ay sameeyeen inta Moobiil Sawir la igaga qaaday anoo arkaya ayaa la igu yiri Sawirkaan kaaga Mayahay Haa ayaan iri markaas ayaa mid kamid ah intuu hadlay Yiri Moobilkaan Qof Danbi Galay oo weerar Nagu soo qaaday ayuu ka dhacay hadaan baarnayna Sawirkaaga ayaa kujira , Wlaahi baan ku dhaartaye naxdintaa naxay indhaha ayaa i madoobaaday balse ilaahow Gaalada iga Bad baadi baan iri waxaana kuiri Sawirka hadda ayaa iga qaadeen Moobilkaana ani malihi ee wax kale sheega iyo Dantaa leedihiin Wiilkii Soomaaliga ahaa ayaa asagoo Afkale kula hadlaya dhaqaaqay Afkaasna gadaal baan ka Ogaaday inuu ahaa Sawaaxili, Waxaa la i geeyey qol kale waana la iga Baxay inta Dusha laygaga Xiray..

Habeenkii Saq dhexe ayaa waxaa lasoo Furay albaabkii Waxaana Isoo Galay Ninkii Isoo daba Galayay oo Funaanad Garan ah iyo Surweel Gaaban qaba Wuxuuna Bilaabay inuu Faraha igala hadlo anna waan qayliyay oo ooyay , Balse wuxuu lasoo baxay baastoolad oo madaxa iga saaray, Wuxuuna igu sameeyey wax aana Noloshayda laygula Kicin Aniga Miyir waxaa iigu danbaysay Markaas waxaana Miyir saday Maalinkii danbe anoo laygu Hayo Isbitaal yar oo Ciidanku lahaa oo Dhaqtarad Madow ah i Dul Taagan tahay ..

Dhaqtarada waxaa ka tarjumaya Nin soomaali ah waxayna sheegayan in Ciyaal I Kufsadeen Xalay Ciidankuna Bad Baadiyey oo Jiridii Ka dhigay, anigu ma aana Hadlin oo awood aan ku hadlo Maanan Hayn, Daawayn iyo Faaleemboyaal Nafaqo ah ayaa laygu Xiray waxaana Joogay Halkaas Laba Habeen iyo Laba maalmood , Kadib waxaa lala xiriiray Aabahay oo loo sheegay inay Hayaan Gabadhiisi oo Jirri Kufsatay waxaana meesha yimid Cabaar kadib Reerkeeni iyo inta badan dariskii xaafadeena oo dhamaan wada Ilmaynaya waxaana la ii waday xaafadeeni.

Gurigii markaan aaday arintii ayaa aabahay u sheegay Wuxuuna Bilaabay inuu Arintii Dacwad ka sameeyo balse Nasiib darro Asagii ayaya xireen Ciidankii Amisomtu , Waxaa aabahay lagu shaabadeeyey inuu Caawin Jiray Shabaab ilaa haddana inuu xiranyahay iyo in Ladilay midna kana warqabno, aabeheen asagaa noo shaqayn jiray oo wax walba noo ahaa waxbarashadana naga Bixin Jiray balse hadda waxaa na haysta dhib aduun Guud ahaan iyo Gaar ahaan dhibkii aniga Gaarka igu ahaa balse markasta Maadaama aan nahay islaam Naxariista Eebbe ka Quusan mayno oo asagaa Nagi Baaqi noqon doona.

Muhiimadda Fariintayda waxaa ula jeedaa in dadka Soomaaliyeed ogaadaan dhibka dalkeena kajira iyo Gumaysiga laynagu Hayo , Sidoo kale waxaan ula jeedaa qoraalkayga in Umada Soomaaliyeed u istaagto sidii aabahay Raadintiisa nalooga Caawin Lahaa..

Ilaahay Soomaali Bad baadi adaa Qaadiree.

Walal Gaarsii Qofkasta fariintayda oo Share Dheh.

Thursday, May 5, 2016

QISO XANUUN BADAN: WAXUU YIRI SOOMALI MA AHI, WAAN KA BAXAY SOMALINIMADII.

6:00 AM 0
Midgaan mise Laandheere.
W/Q : Djibriil AhmedNuur

Walaal aqri Waa qormo ka hadlaysa qoys Soomaali ah oo
Soomalida midab takooreen ka dibna ka tanaasulay
Soomaaalinimadii
Nin dhalinyaro ah oo asxaabtayda facebooka ka mid ah oo
door biday inaanan magaciisa xusin ayaan xalay is
waraysannay, sidaan ayuuna iigu warramay:-

"Sxb waxaan ahay nin dhalinyaro ah oo da'da 30ka hadda
madaxa geliyey, waxaan ku noolnahay aniga, xaaskayga,
walaashay iyo 2dayda ciyaalka ah waddanka marooko,
halkaas oo aan ka shaqeeyo.
Anigu waxaan ku dhashay wakhti yaraantaydii ka mid ahna
kusoo qaatay magaalada muqdisho illaa dowladdii dhexe ka
dhacday. Qixii markay dadku qaxeen waxaan uqaxnay
aniga, labadayda waalid iyo gabadha keli ah ee ila dhalatay
waddanka yaman. Ku dhowaad halkaas waxaan ku
qaadannay hal sano illaa aan helnay layn qaxooti ah oo aan
ku galnay waddanka kanada bilowgii sanadkii 1993dii.
Soo gelitaankeennii qurbaha markii hore nolosho way nagu
adkaatay, gaar ahaanna markaan dhex degnay soomaali
badan oo aannu is niri way idinka xigaan dadyowga kale.
Soomaalidii walaalaheen ahaa waxaan kala kulannay hayb
soocid noocii udambaysay ah, waxay noo sheegeen
inaaannu ahayn dad nasab ah, halka aan annagu
nasabnimada unaqaanay qofka si xalaal ah ku dhasha.

Soomaalidii walaalaheen ahaa waxaan kala kulannay wax
aannu ku farxin illaa ugu dambayn ay dantu nagu khasabtay
inaan ka guurno deegaannadii soomaalidu ka dhoweyd.
Waxaan uguurnay magaalo yar oo xigta dhinaca xuduuda
maraykanka, nasiib wanaag magaaladaan dadka ajanabiga
ah ee daggan waxaan kala kulannay soo dhoweyn diirran,
gaar ahaan aniga waxaa iisuurowday inaan waxbarasho
heer sare ah ka bilaabo, bilowgii waxaan bartay luuqadda
ingiriisiga, ka dib maalinba heer ayaan marayey illaa aan
dugsigii sare ku dhammeeyey muddo 7sano ah oo aannu
daganayn magaaladaas.
Walaashay waxay iga yartahay 8sano, aabbe iyo hooyana
labadeennaa ilmo ah ayuu ilaahay ku irsaaqay.
Nolosheenna si guud marka loo fiiriyo waan ka raysannay
soomaaliya iyo soomaalidaba, ma aragno wax nagu hayb
soocaya diinteenna, midabkeenna ama ahaanshaheenna
aan soomaali nahay. Waxaan helnay qoyskeennii oo dhan
waxbarasho fiican, aabe iyo hooyo way shaqeeyaan,
dhaqaale ay dowladdu ma siiso isna wuu jiraa.
Sanadkii 2000 ayaan bilaabay jaamacadda magaalada gaar
ahaan kulliyadda dhaqaalaha. Isla sanadkaas walaashay
waxay usoo baastay dugsiga sare, aabena wuxuu helay
shaqo xafiis dowladeed ah oo shaqadiisii hore ka dhaqaale
iyo maamuus fiican.
Xaaladdeenu siday noocaas u ahay ayaa waxaa dhacday in
sanadkii 2002 aabe ku timid geeri kedis nagu wada
noqotay, geeridaas oo ilaahay ka sokow uu sababy shil uu
aabbe gaarigiisii ku galay. Gebi ahaan nolosheennii way is
baddashay, ugu dambayn se bilo gudahood ayaan kasoo
kabsannay markay dowladdu igaysay booskii uu aabahay
ka baxay. Markaas wixii ka dambeeyeyna waxaan qaaday
mas'uuliyadda walaashay iyo hooyaday.

Bartamihii sanadkii 2003 ayaan safar cilmi baaris oo ay
jaamacaddu iidirtay ku tagay magaalo soomaali fiicani
joogto oo lagu magacaabo TORONTO. Dantii aan utagay
haddaan dhamaystay waxaan jeclaystay inaan wax uun
wakhti ah la qaato soomaalida meesha daggan, is haybsi
ka dib soomaalidii waxaan kala kulmay haybsooc cusub,
noloshayda waa markii uhoraysay ee aan maqlo erayga
MIDGAAN, markaas oo uu igu sheegay nin meherad
ganacsi lahaa. Ugu dambayn waan ka tagay magaaladaas
anigoo si xun uniyad jabsan.
Kasoo laabashaydii gobollada waddanka ka dib waxaan
qaatay go'aan ah inaanan soomaali sheegan,
go'aankaygiina ugu dambayn waan ka dhabeeyey. Sanadkii
2007 ayaan ka qalinjabiyey jaamacadaydii weliba darajo
heer sare ah ayaan kaga baxay, nasiib wanaag waxaan
helay fursad safar dalxiis ah oo aan ku tagay waddankaan
aan hadda ku noolahay ee marooko. Waxaan ku qaatay
waddankaan 30 beri oo qurux badan, waxaan isku barannay
akhyaar badan oo ay ugu horayso xaaskayga aan hadda
qabo oo udhalatay waddankaan. Is barashadeennii ka dib
waxaa igalay han ah inaan guursano karo, is fahan iyo
sheekaysi ka dib waxaan usheegay inaan hooyaday ku
laabanayo kalama soo tashanayo arrinkaan dheeriga ah.
Muddo bil ah ka dib waxaan dib ugu soo laabtay hoygii aan
kanada ka dagganaa, gurigii hooyada iyo walaashay. Sida
ugu dhakhsiyaha badan hooyo ayaan uga dhacay arrintaydii
iyo gabadhii reer marooko ee aan kusoo bartay halkaas.
Nasiib wanaag hooyo wa iiyeeshay rabitaankaygii iyadoo
usababaynaysa inaysan suurto gal ahayn inaan guursado
gabar soomaali ah oo aan ahayn ina adeertay ama ina
habreeday, waxayna iigu dartay inaan soomaali kala
guursan.
Wararka aan hooyo ka maqlay waxaan ka qaaday ku
dhiiranaan aan ku dheerraday inaan ajanabi guursado.
Sanadku markuu ahaa 2009 ayaan helay fursad aan ku
booqdo markale waddanka marooko, imaanshahaygii
waxaan la kulmay gabdhii aan horay isku barannay oo
iyadu markaan shaqaale dowladeed ah. Soo dhoweyn heer
sare ah oo ay iisamaysay ka dib waxaan guda galay inaan
baaritaan ku sameeyo meel shaqo fiican aan ka heli karo,
waxaana igalay fikir ah inaan waddankaan isaga soo
wareego anigoo ku doortay inuu yahay waddan aysan
soomaali joogin, hadday joogaanna aysan 2 ama 3 qof ka
badnayn. Nasiib xumo way iimuuqan wayday fursad shaqo
oo fiican, balse saaxiibtay ayaa iisheegtay inaan markaan
iska laabto, iina ballan qaaday inay shaqo fiican ii raadin
doonto. Aniguna waan ka yeelay.
Waxaan kusoo laabtay kanada ka dib 3asbuuc oo aan
maqnaa, waxaana horay ka bilowday shaqadaydii iyo
howlahaygii. Sanadkii 2010ka bilwogiisii ayaa waxaa
dhacday inay hooyo iga xanuusatay oo aan isbitaal lagalay,
muddo 6bilood ku siman oo aan isbitaalka hooyo kula jiray
dad waxaa iigu dhowaa deriskayga oo kanadiyaan ah,
iyagaa hooyo soo booqan jiray, iyaga ayaannuna qaraabo
iyo wax walba ahayn illaa ay ugu dambayn hooyo
geeriyootay. Sanadkaas wuxuu ahaa sanad aan aad uga
xumaaday, waxaan ka xumaaday inay hooyo na cidlaysay
iyadoo ahayd qofka keli ah ee aan haysannay.
Geeridii hooyo sanad ka dib walaashay waxay dhamaysay
jaamacadddii, anigana waxaa iisoo baxday shaqo fiican oo
waddanka marooko ah, ugu dambaynna waddankaan ayaan
usoo wareegnay halkaas oo aan sanadkii 2012kii ku
guursaday xaaskayga ajanabiga ah.
Hadda halkaan ayaan ku noolnahay aniga, qoyskayga iyo
walaashay oo macalimad jaamacad ah. Ma aragno cid na
xumaynaysa, ma maqalno wax soomaali ku saabsan aan ka
ahayn inaan anigu mar mar facebooka wax ka maqlo.
Ilaahay waxaan ugu mahdinaynaa inuu isiiyay fursad aan
soomaali uga maarmo, ma jecli inaan maalin uun
soomaaliya booqdo, iskaddaa wax kalee walaashay iyo
ciyaalkayga waxaan ku darayaa dad ajaanib ah si ayba
soomaali u illaawaan. Ma jecli maalin uun inay ciyaalkaygu
dareemaan inaan dhalo inay khalad ahayd. Aniga ayay igu
dhacday inaan ka shallaayey aabahay iyo hooyaday inay
idhalaan.

Soomaaliya oo aan asal ahaan kasoo jeedo waan la
jeclahay waxkasta oo wanaag ah, balse waan
xasuusinayaa gacan kasta waxay goyso ayay leedahay.
26sano inay soomaali burbur iyo waxkasta oo tusaale xun
loosoo qaato ku jirto iyada ayaa sabab u ah, dad dhan oo
jira oo muslim ah ayaa lagu sheegay inaysan nasab ahayn
lagana guursan karin. Maxah tahay nasabnimada aniga
hadda iga maqan? Waxaan haystaa dhalasho kanadiyaan
ah, meel kasta oo aan dunida ka tago safaaradda kanada
ayaan xaq ku leeyahay, waddankaan aan hadda joogana
waxaan ku leeyahay kaarka martida khaaska ah oo ii
oggolaanaya inaan meelo badan tegi karo, waxyaabo
badanna ii fududaynaya. Kuma faanayo waxa uu ilaahay
isiiyey, laakiin waan ku mahdinayaa, soomaali aniga iyo
dadka ila haybta ahba way naceen sabab la'aan, way
dulmiyeen sabab la'aan, dulmigaas oo hadda kasoo if baxay
soomaalida. Bal maxaan ka jeclaan lahaa inaan gabar
walaashay ah oo soomaali ah guursado? Maxaan ka
jeclaan lahaa inaan guryo qurux badan ka dhisto
waddankayga aan asal ahaan uleeyahay? Maxaan ka
jeclaan lahaa wixii aan bartay inaan waddankayga ku
celiyo? Jawaabto waa waxba".
Waxaan kusoo gaba gabaynayaa soomaaliyeey ilaahiin
unoqda, oo iska daaya dulmiga aad is dulminaysaan idinku,
haddii kale waxaa imaan doonta in magaciinna adduunka
laga waayo ama aad sharaf darro tan hadda idin haysata ka
daran dunida ku joogtaan.

Tuesday, February 2, 2016

Sheeko yaab badan: Sodohdii Xaasidnimada badneed.

3:12 PM 0
waxaa jiray islaan waxeey dhashay ciyaal, ciyaalkii wiil ka mid ah ayaa weeynaaday oo qaan 
gaaray waxuuna guursaday gabar aad u fiican oo baarri ah una roon ninkeeda iyo hooyadiis.
laakiin, islaanta wiilka dhashay gabadha meeysan jecleen marka subax kasto markeey gabadha soo kacdo 
waxaa u imaato islaanta soddohdeed ah ka dibna weey u ducaysaa waxeeyna dhahdaa "Gurigaaga waa nadiif ee 
maandheey wax kaa wasaqeeyo Ilaah kuma tuso!" 

gabadhii waxeey dhahdaa aamiin, Markasta oo sodohda u duceysana aamin ayey dhahdaa, lakinse maalintii danbe waxaa u imaatay gabadha hooyadeed kadibna ayaga oo isla joogo
aya waxaa yimid soddohdii, markaas gabadha hooyadeed waxeey aaday qol ka mid ah guriga waxeeyna 
iskaga tagtay gabadhii iyo sodohdeed kadibna soddohdii markeey baxeeysay ayeey waxeey dhahday
'maandheey gurigaaga nadiiftiisa fiicanaa Ilaah wax kaa wasaqeeyo kuma tuso' gabadhiina waxeey
dhahday 
'aamiin' waxaana maqashay hooyadeed oo ku jirtay qol kamid ah guriga gabadhii hooyadeed ayaa soo baxday oo waxeey ku dhaday sodohdaa saan meey maalin walba kuugu 
duceeysaana gabadhii waxeey la soo dooday haaaaaaaaaa hooyo waa soddoh aad u fiican kadibna
hooyadeed waxeey ku dhaday berri markeey kuu imaato oo eey ku dhado wax gurigaaga kaa 
wasaqeeyo Alle kuma tuso waxaad ku dhadaa, kuligeen aamiin. 
Haye ayeey dhaday gabadhiina, 
kadibna maalintii danbe markee imaatay sodohdii sidii caadada u ahayd ayeey dhahday oo ahayd, Gurigaaga nadiifsanaa, Ilaah wax kaa wasaqeeyo kuma tuso, gabadhii oo dardaaranki hooyadeed xasuusato ayaa
lasoo booday aamiin hooyo kuligeenba. 

kadibna sodohdii baa qeylo afka furatay oo waxey tiri, ha i cunin hana i habaarin qumayayahay, ileen inkaar qabtada gabadha umeeysan duceyn jirine, habaar bey ka waday.
Xaasidnima ma fiicno walee, sodohyooyinka qaarna waa wax laga duceysto.

Friday, January 8, 2016

Qiso Dhagartii enternetka: Mustaqbalkeygi buu ku cayaaray, Allow ii dambi dhaaf.

8:43 AM 0
Waa qiso runtii aad u xanuun badan oo mudan in lagu cibra qaato qaasatan markaan fiirinno sida dadkeenna Soomaalida ah ugu bateen adeegsiga Internet-ka, waxaan jecleysanay inaan idiin soo tarjunno qisadan oo ku dhacday gabar dhowrsan oo aheyd xaas cusub.

Waxay ku billowday sheekada:
Waxey tiri Walaalayaal waxaan idiin soo gudbinayaa qisadan oo dhab ahaan aad ii taabatay, waxaa bur-buray mustaqbalkeyga, waxaa dumay gurigeygi, waxaa kala tagnay ninkkeygi, waliba anigoo ka soo jeeda qoys dhowrsan, waligey kuma fikirin inaan sameeyo qaladkan oo kale oo ilaahay iga caroodo.

Waxaan guursaday wiil aan is-jecleyn oo aad ii ixtiraami jiray, iguna qabay kalsooni weyn isagoo familkiisu dareemeen wanaagga inaga dhaxeeya, dhina qoyskeyguna waxay igula kaftami jireen waxaad heshay nin aan hortaa gabar kale arag oo waxaad jeceshahay ku siiyo,


Ma xasuusto shey aan odaygeyga ka codsaday uu ii diiday, wax walbana sida ugu macquulsan ayuu iigu heli jiray, laakin maalin maalmaha ka mid ah baan ka dalbaday inuu guriga internet ii soo galiyo, wuxuu yiri gurigeyga uma rabo qad, laakiin ugu dambeyn waan k qanciyay waxaana ka ballan qaaday inaan wax xun ku sameyn.

Wixii intaa ka dambeeyay kadib waxaa waqtigeyga ugu badan siiyay inaan qadka galo oo aan asxaab badan ku yeesho, isagu wuxuu aadaa shaqadiisa, mana I weydiiyo waxaan ku sameeyo, waayo kalsooni badan ayuu igu qabay.

Intaasi kadib waxaan is-baranay wiil ka mid ah asxaabta internet-ka, wuxuu ii soo jiitay si’ weyn
waxaana ka helay farxad aanan waligey qof bani’aadam ah ka helin, maalinba tan xigta waan xiriir jirnay ilaa seygeygu ka maseero mararka qaar inaan qadka galo isagoo aqalka jooga,

Wuxuu waqtigu socdo, waxaa ninkeygi igu dhibsaday waqtiga badan ee aan qadka ku bixiyo, wuxuuna I dareensiiyay inuusan raalli ka aheyn hab dhaqankeygan cusub, ilaa aan gaaro heer aan la dhuunto wada sheekeysiga wiilkan aan is-baranay.

Waxay aheyd markii ugu horreysay ee ninkeygu ii muujiyo caro, waxaana halkaas ka billowday xiriir xumi isaga iyo aniga ina dhex marto, waxaa qalbigeygu u sii jiidmay wiilkan cusub oo hadii aan iska furo ninkan qeylida badan ii ballan qaaday inuu I guursado.


Wiilkan cusub baa mar walba iga codsan jiray inaan kulanno, balse markuu xumaaday xiriirka aniga iyo ninkeyga ayaan go’aansaday inaan fursad siiyo jaceylkeygan cusub, ugu dambeyn maalin baan ballanay oo aan is-aragnay waxaana na dhex maray sheeko iyo wax kastoo rag iyo dumar sameeyaan ilaa aan ka naxay qiyaanada aan kula kacay ninkeyga.

Markii dmabey ninkeygi baa go’aansaday inuu internet-ka ka saaro aqalka, waxaana billaabay inaan telefoon iska wacno wiilkii, oo xiriirkeenni sii lixaadsaday, halka qilaafka aniga iyo odaygeygu sii kordhay.

Ninkeygu wuxuu arkay farriin qoraaleed telefonkeyga ku qoran wuxuuna aad uga naxay waxaan ku kacay, wuxuu gocday waxyaabo badan, wuxuuna ii sheegay inuu I cafiyay dalaaqadeydana uu I siiyo, isagoo ii ballan qaaday inuusan dadka igu ceebeyn oo qoyskeygu u sheegin fuxshiga aan ku kacay, taasoo jaceylkuu ii qabay marag ka aheyd.

Markii aan kala tagnay ninkeyga ee aan u sheegay wiilkii, wuxuu durba ii muuujiyay qalbi jab iyo waxaan ka fileyn wuxuuna igu yiri “Waligey kuma fikirin inaan guursado gabar aan qadka ka bartay, mana jecli inaan xaas ka dhigto qof xumaan ila sameysay, ileen birriba qof kale ayay sidaas la sameyn”.


Naxdin iyo amakaag halkaasna waxaa ka billaabatay cuqdatul nafsi aan waligey illaabeen, anigoo jecel qisadan igu dhacday inay cibro ka dhigtaan walaalaha isticmaala internet-ka gaar ahaan dumarka, walaalayaal Sheydaanku wuxuu maraa xididadda dhiigga ee aan iska ilaalinno, anigana ilaahay ii barya inuu iga towbad aqbalo.

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:


WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

Friday, January 1, 2016

Qiso lagu cibro Qaato: Xaqiiqada Hadey ka qarsoonaatay Makhluuqa ,ILAAHA Khaaliqa ah ka qarsoonaanmeyso.

8:02 AM 0
Haweeneey Ayaa Oday Lahayd, 5 sano ayuu qabay, Waxaa La dhihi Jiray magaceeda Daaril , wax Ilmo ah umeysan dhalin , Waxee ku fikireysay Malinka ay noqon doonto Hooyo ee Ilmo yeelan doonto , Illahay ayee Baryi Jirtay Subxanahu watacalaa Inuu walad saalix ah Siiyo..In Badan ayee duceysan jirtay oo oran jirtay Illahayow Walad salix ah i sii. aad bee u ooyn jirtay waxee ku fikiri Jirtay Maalinta ee hooyo Noqon doonto Ilmo yar arki doonto.. Haweeyneydii waxee iska aragtay Isbedel ''Caadadi ba ka joogsatay'', Iyado madax xanuun leh is aragtay'' Dr ayee tagtay wey is baartay, Odaygi ayaa raacay,, Waxuu Drkii U sheegay Inee Uur leedahay.. aad bee u faraxday, 5 sano ayee sugeysay inee wlaad dhasho. Dadkeydi bee iskugu sheegtay farxad , waa la iskugu yimid farxad .. Wiilkii ey sugeysay ayaa Yimid oo dhashay waxeyna u bixisay Muxammed , dhalmada ee dhashay wiilka ayee dhibaato caafimad kala kulantay ,, waxee odayga ka codsatay inuu u qabto Khidaamah ama shaqaalo u shaqeyo maadama ee tabar yaraatay ,,   Waxaa loo qabtay shaqaalo islaan duq ah, oo guryaha u shaqeysa , markii todobaad u shaqeynesay ayee waxee dhahday Islaan da' ah ayaan ahay Lakin inan yar aya guriga i joogtaa oo aan dhalay inantaas baan kuu keynaa oo idin shaqeyneeso ee ii ogolow ayee tiri ,, wey ka aqbashay,, gabadhi yareed shaqaalaha ayaa bilowday shaqadi, muddo labo asbuuc kadib gabadhi shaqalaha eheed waxe bilowday inee is soo qurxiso guriga markee imaaneyso labis qurxon soo xirato ,, Mamadi xanuunsaneed ayaa dhibsatay arinkaas ( waxee u baqday Ninkeed) waxeena ku dhahday gabadhi shaqalaha eheed, ha is soo qurxin markad imaneysid guriga , markii danbe weyba dhibsatay oo waxee jecleysatay inee Buriso gabdha , Lakin odygeedi ba ka diiday oo dhahay iska dhaaf ha noo shaqeysee, intaad ka caafimadesid,,,
Haweeneey Ayaa Oday Lahayd, 5 sano ayuu qabay, Waxaa La dhihi Jiray magaceeda Daaril , wax Ilmo ah umeysan dhalin , Waxee ku fikireysay Malinka ay noqon doonto Hooyo ee Ilmo yeelan doonto , Illahay ayee Baryi Jirtay Subxanahu watacalaa Inuu walad saalix ah Siiyo..In Badan ayee duceysan jirtay oo oran jirtay Illahayow Walad salix ah i sii. aad bee u ooyn jirtay waxee ku fikiri Jirtay Maalinta ee hooyo Noqon doonto Ilmo yar arki doonto.. Haweeyneydii waxee iska aragtay Isbedel ''Caadadi ba ka joogsatay'', Iyado madax xanuun leh is aragtay'' Dr ayee tagtay wey is baartay, Odaygi ayaa raacay,, Waxuu Drkii U sheegay Inee Uur leedahay.. aad bee u faraxday, 5 sano ayee sugeysay inee wlaad dhasho. Dadkeydi bee iskugu sheegtay farxad , waa la iskugu yimid farxad .. Wiilkii ey sugeysay ayaa Yimid oo dhashay waxeyna u bixisay Muxammed , dhalmada ee dhashay wiilka ayee dhibaato caafimad kala kulantay ,, waxee odayga ka codsatay inuu u qabto Khidaamah ama shaqaalo u shaqeyo maadama ee tabar yaraatay ,, 

Waxaa loo qabtay shaqaalo islaan duq ah, oo guryaha u shaqeysa , markii todobaad u shaqeynesay ayee waxee dhahday Islaan da' ah ayaan ahay Lakin inan yar aya guriga i joogtaa oo aan dhalay inantaas baan kuu keynaa oo idin shaqeyneeso ee ii ogolow ayee tiri ,, wey ka aqbashay,, gabadhi yareed shaqaalaha ayaa bilowday shaqadi, muddo labo asbuuc kadib gabadhi shaqalaha eheed waxe bilowday inee is soo qurxiso guriga markee imaaneyso labis qurxon soo xirato ,, Mamadi xanuunsaneed ayaa dhibsatay arinkaas ( waxee u baqday Ninkeed) waxeena ku dhahday gabadhi shaqalaha eheed, ha is soo qurxin markad imaneysid guriga , markii danbe weyba dhibsatay oo waxee jecleysatay inee Buriso gabdha , Lakin odygeedi ba ka diiday oo dhahay iska dhaaf ha noo shaqeysee, intaad ka caafimadesid,,,





Muddo 37 maalmood markee sii mareyso aya waxaa dhacday In Daaril Dhiigii Nifaaska Ayee Xumad ka qaatay oo ku xanuunsatay, Odaygeedi waxuu ahaa mid subax walba xaaladeeda ka wareesto intu shaqada aadin sidee daremeso iyo cafimaadkeeda..
Waxaa dhacday subaxdi danbe Inu Isago la hadlin iska baxay o shqada iska aaday, marka caadi uma eheen inuu baxo isago macasalaameen xaaskiisa oona ka wareysanin caafimaadkeeda, Daaril wey shakisay subaxaas '' maxaa dhacay tolow, Maxuu ii soo mari wayay?'' ayee is weydiisay, wey shakiday,, Gabadhii shaqalaha u eheed ayee u dhawaaqday, gabadhi meesan u imanin,, wey soo kacday waxee bilowday inee qolalka ka raadiso gabadhi shaqalaha eheed wey ka weyday , Waxeey aaday qolkii Odayga seexan jiray, waxena ku aragtay gabadhi shaqalaha oo jiifta oo dharkii Hurdada qabta Sariirti odayga jiifta ,,,,
Wey isku naxday , waxeey bilowday inee ku qeyliso gabadhi shaqalaha aheed,, '' Naa maxaa sameyneysaa ka kac sarirta, Ma waxaad seexaneysa Gurigayga? guriga Odayga miya seexaneysaa, oo dharkeygi baad xiraneysaa?''... gabadhi shaqalaha eheed ayaa waxey ku tiri'' Hadalkaaga u fiirso,, Ha igu danbaabin!!GURIGAAN ANIGA LEH MA OGID? Odayga aad sheegiisid waa Ninkeyga waxaana is qabna in Todobaad Laga Jooga!!'''...
Meeshi Dagaal aya ka bilowday iyo in la is feero, oo la is xagto.. Dagaal xoog leh ayaa ka dhacay Kadib gabadhi shaqalaha aheed aya ka so baxday qolka , oo maxamed wiilkii yara daaril dhashay gacanta ku heysato, xoogaha kadib waxaa shaqada ka so labtay Odaygi Abu maxamed,, waxuu ka waayay Daaril Qolkeedi, Waxuu weydiiyay gabdhi shaqalaha eheed Daaril aaway, waxee ku tiri ma Ogi kor ka so firi .. Sidu u raadinayay waxuu arkay Daaril oo dhulka taalo oo Mayd ah Calooshane Birta Albaabka ka mudday dhiig badan ka socda, Qeylo ayuu bilabay iyo inuu u yeero shaqaalahi, gabdhi shaqaalaha iyado iska dhigeyso inee wax la socon ayee iska dhahday ala maxaa ku dhacay ?.. 
Waxaan ku dhahay kor ha fuulin lakin wey iga diiday.. Odaygi iscaaf (umblance) ayuu yeeray kadib Daaril isbitaal aya la geeyay, Dr ki ayaa ku dhahay Odayga Daaril wey dhimatay Laakin sual ayaan ku weydiina? Cid la jogtay ma jirtaa marke Kor aadeysay?,, Odayga Maya ayu dhahay, Dr ki aya dhahay marka waa Qadar Alle ee sabra Daaril wey dhimatay..





Reerkii Daaril ka dhalatay Ayaa maqlay inee gabadhoodi dhimatay.. Daaril hooyadeed iyo walaalkeed ayaa u yimid Odaygeedi si ey ugu tacsiyeeyaan oona Uga qaataan Wiilkii yaraa ee Maxamed, Markey Guriga imaadeen ayee waxee arkeen gabadhi shaqalaha aheed ee la dhihi jiray (Jamaalaat), Ninkii ayee weydiiyeen gabadhaane waa ayo? , markaas ayuu ku dhahay waa Xaaskeyga labaad , Daariil oo nool ayaan guursaday... Daaril Hooyadeed waa ee shakiday markaas ayee Ninka weydiisay , Gabadheyda Daaril Sidee ku dhimatay? markee Dhimaneysayne gabadhaan ma jogtay? waa ka shakiyee.. Markaas ayuu dhahay Maya Jamalaat markaas meesan joogin , gabadhada kaligeed ayee qolka kor joogtay.. Daaril Hooyadeed waxee dhahday , Abu maxamedow i dhageyso'' إذا كانت الحقيقة اختفت عن المخلوق فلن تختفي عن الخالق '' ''Xaqiiqada Hadey ka qarsoonaatay Makhluuqa ,Ilaaha Khaaliqa ah ka qarsoonaanmeyso''',,, Abu maxamed uma aabo yeelin arintaas , waxuu ku dhahay Hooyo Qof walba Nasiibkiis ayuu qaadanaa, waxee ku dheceen wa qadar Alle gabadhaada cidne ma dilin.. Wey iska tageen Daaril hooyadeed iyo walalkeed , waxeena horey u sii watten Wiilkeed yaraa Maxamed..
Guriga waxaa ku so Haray Odaygi Abu maxamed aha Iyo Haweenydii shaqalaha aheed Jamaalat ee uu guursaday.. Jamalaat Waxee Gashay Nolol Fiican Faqiirnimadi wey ka reysatay Xaalkeedi wuu wanaagsanaaday,, Sanadooyin wanaagsan ayaa soo maray,, Caruur bey u dhashay Abu maxamed, 8 Wiil iyo 3 gabdhood ayee u dhashay,, Maalin walba Qurux ba u ziyaadeysay iyo farxad.. LAKIN DANBIGU MA YARA,, '' Illahay Adoonkiisa waa u kaadiya , markuu qabtana Kama siibto''.. Iyadoo nimcadaan ku nool ayee Odaygeedi ku tiri waxa dooneynaa Inaa so Dalxiisno, Magaalo kale nagee aan soo dalxiisno,, Wuu ka ogolaaday , Baabuur ayuu ku qaaday, Iyada iyo caruurteeda oo dhan 11kiiba... Baabuurkii Siduu u socday ayuu la gudoomay Gibigood,, Waxaana Ka badbaaday Iyada iyo Wiilkeedi weyna ee Curadka aha bes, Intii kale wey ku dhinteeeen.





Isbitaal aya loo qaaday labadooda, Iyadi Lafta Dhabarka ayaa Jabtay,, Wiilkiina dhaawac yar ayaa gaaray,, Markii ay so Miyirsatay ayee Ogaatay in Caruurteeda dhan dhinteen oo 1 wiil kaliya u haray tobankii kale ka dhinteen... Muddo 3 sano ayee Dhaqtarka ku jirtay, Noloshii ayaa Ku cuslaatay. Waxa lagu wadaa Kursi, maadaama ee socon karin oo dhabarka ka jabtay.. Wiilkeedi ayee ku dhahday Kaalay iga kaxee Dhaqtarka oo guriga i gey,, isagane Intuu waddada soo socday Ayaa Gaarigii la Rogmaday , oo meeshaas ayuu ku dhintay... Wax u yimaado wey weyday ,waa Kaligeed, Ciriiri ayee dareentay Awlaadeedi dhamaan wey dhinteen. Lakin Lacag ayee leedahay madama ee eheed Abu maxamed xaaskiisa lacag badan meel u talay,, Dr kii ayaa waxee raadiyeen reerkeedi madama Cidlo ku noqotay meesha awlaadiina wada dhinteen.. Aaabaheed iyo walaalkeed ba yimid, Si ee u qaataan,, Waxaa Kalo yimid Muxamed ( waa Daaril Wiilkeedi oo Odayga dhalay) iyo Ayeeydiis (daariil hooyadeed),, Si Maxmed Dhaxalkii Aaabihii Wax uga qaato... Gabdhii (jamaalaat) Markee aragtay Daaril hooyadeed , ayee xasuusatay Danbigii ee sanadaaad ka hor gashay,.. waxee ku tiri'' Habayar mad xasuusaneysaa Hadalkii hadda ka hor igu tiri?'' إذا كانت الحقيقة اختفت عن المخلوق فلن تختفي عن الخالق '' ''Xaqiiqada Hadey ka qarsoonaatay Makhluuqa ,Ilaaha Khaaliqa ah ka qarsoonaanmeyso''',,, Haa ayee tiri Daaril Hoyaded waan xasuustaa.. Jamalat aya tiri'' I saamax habayar, Gabadhaadi Daaril anaa dilay i saamax habayar, Illahy wa kan ii qabtay,, Caruurtaydi dhan ayaa waayay caafimaadkeygi ayaan waayay , Noloshaan qaraar baan ku noolahay ee habayar i saamax'''.. Islaantii Wey oyday waxeena ku tiri'' Illaahay Nolol Xun ha kugu Nooleysiiyo, Aakhirana Ha kugu cadaabo,'' Iyadoo careesan oo oyneesa ayee iska tagtay...
Jamaalaat Reerkoodi ayaa Isbitaalkii ka so waday iyakee la jogtay , Aaabaheed ba dhintay,, walaalkeed ayaa u haray, Lacagtii yareed ee soo Dhaxashay Isagaa ka qaatay,, Khamri ayuu ku cabay, Wuu ku Zineeystay isagane aakhirkiisi si Xun Buu udhintay... jaarka ayaa lacag u soo aruurin jiray sadaqado la siin Jiray.. Kaligeeed ayee ku nooleed nolol yar oo ciriiri ah.. Cidlo ayeee Ku dhimatay ,, waxaa lagu gartay dhimashadeedi, meydkeedi ayaa meesha ku qurmay Markaaseey Jaarka uruyeen Maydka , meeshaas ayeena ka ogaadeen Inee dhimatay...
Danbiguna waa Sidaas,, Illahay Rabbi Subxaanahu watacaalaa Wuu kuu Gaadina Lakin Maalinka uu ku qabto Rabbi Kuu naxariisanmaayo waad iska noolaan xoogaha Lakin maalinka uu ku qabto Rabbi Subxanahu watacala ka fakan kari meysid.. ee Towbadda u soo carar ,, Danbi hadaad horey u gashay Rabbi waa qafuur raxiim , u toobaad keen isagaa Towbadda aqbalo ..
HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:


WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

Thursday, December 24, 2015

Qiso Jacayl oo diini ah taas oo qofkastoo aqristo ka ilmeysiineyso.Wuxuu ahaa qof iimaan leh, diin leh sida......

10:24 PM 0
Wuxuu ahaa qof iimaan leh, diin leh sida caadada ahna dhaqanka uu yaheyna gabdhaha markii laga helo meelo kale iyo tolka dhexdiisaba tan gabadha tolka ayaa loo cararaa waxeey arkeen gabar tolka ka dhalatey wiilkana ineey u qalanto weey u dooneeen waxeeyna yiraahdeeen waxaanu rabnaaa gabadhaaan wiilkayaga in loo guuriyo...

tolkii gabadha laga soo doontey waa ay soo dhaweeyeen waxeyna ogaayeeen wiilku inuu yahey wiil kheyr badan dhaqan wanaagsan isla markaaana ehlu kheyr ah, kamana aysan gilgilan ineey isla markiiba ay wiilka la noqdaan xidid, arintuna sida caadiga aheyd oo farxada laheyd labo is guursatana uu ahaa ayuu ku dhamaadey...

jaceyl, farxad iyo damaashaad iyo guur aad u heer sareeya ayaa loo dhigey labadii rabbi isku doorey sidoo kale hanbalyo iyo bagaadin ayaa iska daba timid...

guurkii ka dib markii maalmo la soo gudbey, dadkii

Tuesday, December 8, 2015

Qiso xanuun badan: Wiil hooyadiis ka doortay xaaskiisa

11:26 PM 0
Waxaa jiray Nin ay Hooyadii ay la daganeyd wax Caruur ahna asaga ayay ka dhashay, waxa uu lahaa xaas iyo caruur, Maalin Maalmaha ka mid ah ayuu Hooyadiis ayada oo Qolkeyda joogta ugu yimi waxa uuna ku yiri, Hooyo waxaan raba Guriga oo dhan in aan Dibi habeyn ku suubiyo kadibna aan Diikoor qurux badan ka dhigo, marka Hooyo waxaan rabaa inaad dhawr casho inta ay hawsha socoto la dagtid Habaryar ama Abti intasna aad la noolaatid, waxay ku tiri Hooyo qolkayga waad aragtaa wax uu qabo majirto sidaas buuna u egyahay ee Hooyo maad iska kay dhaaftid, maya Hooyo, waxa uuna ku yiri sida ugu dhaqsiyaha baad waa inaad Habaryar ama Abti aad u tagdaa, markii uu ka dhaafi waayay hadalkii aadna ugu dhibay bay waxay ku tiri waa yahay.

Waxayna u tagaday Walaasheed (Habaryartiisa) waxayna u sheegtay Qisadii in guriga la hagaajinayo muda yar kadibna ay ku laabaneyso Guriga Wiilkeeda, waxba dhib malaha ayay ku
tiri walaal Guriga waa gurigaagii, Maalmo ayaa ka soo wareegtay. wiilkeedii ma soo waca xaaladeedana dib dambe uma uusan soo fiirin, illeyn waa Beer wax dhalee Hooyadii waxay Bilowday in Wiilkeedii ay ka wal’washo dhawr mar ayay taleefoonka ku wacday mar walba oo uu Taleefonka ka qabtana waxa uu yiraahdaa

Monday, November 30, 2015

QISO CAJIIB BADAN MARKAAD AQRISO KAA OOHIN DOONTO

4:12 AM 0
Aslaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakad Bismilaahi Raxmaani Raxiim Wasalaatu Wasalaam Calaa Nabiyanaa Mohamed ibnu Cabdilaahi {scw} Magaca Allah Ayaan kubillaabaynaa Ee Naxariis Guud iyo mid Gaaraba Naxariista Allaah baa Mahad u sugnaatay Mahadidilkeed Allihii ina siiyay Nimcooyin badan Adoomadiisana ku Farad yeelay inay Soo xajiyaan Adoomo farbadana ay ajiibeen yeedhmada allah Nabad galyo iyo Naxariis ha ahato Midkii ina tusay Macaanka Nolasha Midkii aqoonyahano Naga Dhigay Jaahilnimadii inaga saaray Muuhammed Rasuulullaahi S,C,W intaa ka dib ikhwaatii fillah Waxaanu idin soo Diyaariyay Qiso xanuun badan oo ku dhacday hooyo soomaaliyeed qiso cajiib ah ee akhrista walaalayaal si fiican u akhrista waad mahadsan tihin dhamaantiin.  walaalayaal Dhacdadan ayaa ku dhacday qoys somaliyeed oo ku nool wadanka Australia waxaana ka shekenayo nin u kuur galay sida ay wax u dhaceen waxaa uuna ku bilabayaa shekadiisa sidan subxanallaah ufiirsada qof noolow maxaa aragtid ku laaban walaahi wax aad la yaabtaan ayaad ku arkaysaan walaalayaal ila akhrista Arrintan ayaa markii aan maqlay igu noqotay arrin layaab leh oo aan suurtagal ahayn
booqo www.daarusalaam.com ka aqriso qisooyin
diini ah,iyo sheekooyin xiiso badan
Aslaamu Calaykum Waraxmatulaahi
Wabarakad Bismilaahi Raxmaani Raxiim
Wasalaatu Wasalaam Calaa Nabiyanaa
Mohamed ibnu Cabdilaahi {scw} Magaca
Allah Ayaan kubillaabaynaa Ee Naxariis
Guud iyo mid Gaaraba Naxariista Allaah baa Mahad u sugnaatay Mahadidilkeed Allihii ina siiyay Nimcooyin badan
Adoomadiisana ku Farad yeelay inay Soo
xajiyaan Adoomo farbadana ay ajiibeen
yeedhmada allah Nabad galyo iyo
Naxariis ha ahato Midkii ina tusay Macaanka Nolasha Midkii aqoonyahano Naga Dhigay Jaahilnimadii inaga saaray
Muuhammed Rasuulullaahi S,C,W intaa ka
dib ikhwaatii fillah Waxaanu idin soo
Diyaariyay Qiso xanuun badan oo ku dhacday
hooyo soomaaliyeed qiso cajiib ah ee
akhrista walaalayaal si fiican u akhrista
waad mahadsan tihin dhamaantiin.



walaalayaal Dhacdadan ayaa ku dhacday qoys
somaliyeed oo ku nool wadanka Australia
waxaana ka shekenayo nin u kuur galay
sida ay wax u dhaceen waxaa uuna ku
bilabayaa shekadiisa sidan subxanallaah
ufiirsada qof noolow maxaa aragtid ku laaban walaahi wax aad la yaabtaan ayaad ku arkaysaan walaalayaal ila
akhrista Arrintan ayaa markii aan maqlay igu noqotay
arrin layaab leh oo aan suurtagal ahayn
ka bacdi waxaan raadiyay sida ay wax
uga jiraan arintan anoo rabo in aan ka sal
gaadho in ay run tahay iyo in kale Haddaba
akhristayaasha sharafta lahow aniga oo baadhitaankeeyga ku soo guuleeystay inay arrintu jirto ayaa waxaa ay dalbadeen
qoyska ay arintu ku dhacday in arintooda
la sheego laakiin aan marnaba
warbaahinta loo gudbin magaca qoyska
ayaga oo kadalbaday warbaahinta in magaca qoyska la baahin Aniga oo tix galin siinaayo codsiga
qooyskaas ayaa waxaa aan jecelahay in
aad idin la wadaago say wax u dhaceen
iyo sida ay qisadu tahay waatan ayada oo
hooyada qoyskaas ka sheekaynayso
ayada oo tilmaamaysa sida wax udhaceen waxay tidhi

Sunday, November 29, 2015

Qiso: Xanuunka Jaceylka Qurbaha QEYBTA LABAAD.

7:05 PM 0
Gabdhihii xafada soo degay mudo badan waxeey ku maqnayeen baritankii Faiza iyo qabiilka eey ka dhalatay. Baritaan dheer kadib, Gabdhihii waxeey soo ogadeen In eey Faiza ka dhalatay qabiilada Somalidu eey heybsocaan. Sidoo kale waxeey isugu warameen in Faiza eey qiyameeysay Feysal. Iyagoon ogeyn sida wanaagsan oo eey isu guursadeen iyo jaceylka weyn oo ka dhaxeya. Gabdhihii waxeey ka masereen sida lamanahaan eey isu jecelyihiin. Gabdhihii gabar ka mid ah, oo markaa qaraabo sokeeye la ah Feysal aad beey uga xumaatay arintii, waxeeysa dhahday “Sidee Ina Adeerkey ku qabi karaa gabar la heybsooco” Aqristoow maxeey kula tahay hadeey Faiza ahaan laheyd gabar cadaan ah’ miyaa la heeybsooci lahaa, mise la raadin lahaa qabiilkeeda? Gabadhii waxeey arintii gaarsiisay qoyskii uu Feysal ka dhashay oo markaa ku nolaa UK iyo Canada. Qoyskii baa arintii la yaabay, waxey ku noqotay, fajac, waxeeysa dhaheen sideese ku suurtoobi kartaa arintaan. Waxeey dhaheen arintaan waxaan u maleneynaa in eey tahay been abuur. Balse gabadhii reerka dumineysay baa waxey dhahday, arintaan waa xaqiiq, oo waxaan barayay mudo dheer. Waxaana la Ii sheegay in gaabadhani eey tahay reerkaa la heeybsooco, ehelkeedina sifican loo yaqaan.

Qoyskii ayagoo fajacsan baa waxeey dhaheen, Gabadhani miyeey sixirtay Feysal, waxeeysa dhaheen Feysal lagama yaabo in uu guursado qabilkaa asagoo og. Qoyskii waxeey so waceen Feysal, waxeey dhaheen, Gabdhaa guursatayn mataqanaa Qabiilkeeda? Feysal waxa uu ku jawabay haah waan garanayaa oo gabadhani waa reer hebel. (Feysal waxuu wali u hestaa gabadhan in eey ka dhalatay qoyski eey la degeneyd markuu baranayay, sidaan hore ugu xusnay shekadan qeybtedii 1-aad). Xaqiiqdi Feysal marka uu guursanayay gabadhaan waxaa indho tiray quruxdeedi iyo adaabtedi. Jaceeyl baa saaqay oo hami weyn ma uusan gilin ogaanshaha qabiilkeedi. Feysal wuxuu ahaa nin qurbaha joogay mudo, oo waxa uu yimid asagoo yar. Kadib Qoyskii ba dhaheen, war gabadhaa guursatay waxeey

Saturday, November 28, 2015

Qiso: Xanuunka Jaceylka Qurbaha QEBTA KOOWAAD.

4:13 AM 0
Xanuunka Jaceylka Qurbaha Qebta Koowaad.

Faiza waa gabar somaliyeed. Waxeey ku dhalatay somalia, Intaa kadib Faiza reerkeedi waxeey qaxooti ku noqdeen kenya. Faiza Waxeey ku noleed mudo qaxootiga kenya. Faiza markeey jirtay 18sano waxaa loo sameyay kaar (kaararka lagu dhoofo) oo ayada u gooni ah, waxaase laga saaray kaarka ehelkeedi eey kula jirtay. Walalaheedii waxeey adeen Yurub. Mudo yar kadib Faiza waxeey usoo dhooftay Marekanka, gobol somalidu eey ku yartahay. Markeey mudo yar marekanka joogtay baa Faiza waxaa ka helay wiil magaciisa la yiraahdo Feysal. Faiza waxeey aheyd gabar dheer, cas , qosol qurxoon leh, diin iyo dabeecadba Alle u dhameyay. 

Faiza Alle wuxuu siyay akhlaaq iyo dabecada wanaagsan, wiilkii arkaaba wuxuu ku qancayay adabteeda iyo diinteeda. Sidoo kale Feysal wuxuu ahaa wiil Jamacad dhameyay, wuxuuna heestay shaqo wanaagsan. Sidoo kale wuxuu ahaa wiil fur furan ehelkiisana u wanaagsanaa. Feysal muda badan baa waxa uu eegayay gabar qancisa, ilaa heer uu go'ansaday in uu wadamo kale u doonto gabar. Balse nasiib wanaag Feysal marka uu arkay Faiza wuxuu la dhacay degnashaheeda iyo quruxdeeda. Feysal si wanagsan buu waxa uga codsaday Faiza in uu la shekeeysto ayudana ma eysan diidin oo wey ogolaatay codsigiisii. Faiza xilgaa waxa eey la degneyd qoys eey isku barteen kenya. Hase yeshee Feysal baa waxa uu u qaatay faiza in eey qoyskaa ka dhalatay. Faiza marna uma eysan shegin Feysal ehelkeeda iyo qabiikeedi maxaa yeelay faiza waxa eey ka dhalatay qabiil la heebsooco. 

Intaa kadib Feysal gabadhii aad buu u jeclaaday. Ilaa heer wuxuu gaaray in uu seexan waayo asigoon codkeedi maqlin. Feysal mar walba uu tukado waxa uu ku duceyn jiray Faiza, Allena waxa uu ka barin jiray in u calaf ugu daro. Sidoo kale wuxuu u gadi jiray hadiyado, hadiyadaha u ugaday waxaa ka mid ahaa Toyota Camry iyo silsilad dahab oo uga dalbay Dubai. Feysal mar walba waxa donayay inuu arko farxadeeda iyo qosolkeeda. Wuxuu Faiza ka ilaalin jiray in eey marna murugooto maxaa yeelay jeceylka uu u qabay baa aad weynaa.( Alle jaceyl Xanuun badanaa).Hadey xanuunsato ma uusan sexan jirin ilaa u ka hubsado xaladeeda. Sidoo kale Faiza weey jeclaatay Feysal, Jaceylkeedu wuxuu ahaa Jaceyl xad dhaf ah oo waligeed aan so marin. Maxaa yeelay

Thursday, November 26, 2015

Qiso: Gabadhii dhowrsanaanta badneed.Gabar aad u Qurux badneed, Hanaan Wacana ilaahey ku Maneystay ayaa....

12:08 PM 0
QISO CAJIIB AH. 
Qisadan waa Mid ka mid ah Qisooyinka ugu Cajiibka badan, uguna soo Jiidashada badan oo ay qoreen Culumada Islaamka, ayaan Maanta idiin soo Bandhigeynaa. Qisadaan oo Run ahaantii noqon doonta mid Dareen Baaxad leh kugu Reeb...ta. Gabar aad u Qurux badneed, Hanaan Wacana ilaahey ku Maneystay ayaa waxaa la Sheegay inuu aad uga Helay Nin ay meel isku Arkeen, Ninkii ayaana aad ula Yaabay Gabadhaan Quruxdeeda iyo Qaabka ilaah u Sameeyay. Ninkaan ayaa isku dayay inuu Gabadhan Xiriir la Sameeyo, si uu ula Sheekeysto, balse marar badan ayey ku Gacan Seyrtay, Iyado ka diiday inuu Hadal la Furto. 

Ninkii ayaa Waddo walba u soo maray siduu mar uun ku Heli lahaa Gabdhaan. Balse Adoonta ilaahey ku Xiran, Quruxdana lagu Maneystay ayaa Go’aankeeda ku Adkeysatay, iyadoo Fursad dhan u Diiday inuu Ninkani usoo Dhawaado. Ninkii ayaa Go’aansaday inuu Kufsado Gabadhan, oo uu Xoog wax uga Qaato, maadaama uu Xeelad wax uga waayey, wuxuuna Xoogay Gabadhii oo aan Raali ka aheyn, wax walbana Qasab ayuu uga Qaatay, Balse Arinka la yaabka leh ee Qalbigaaga Dhaqaajin doona ayaa ah Arinka ay Gabadhani ku Dhaqaaqday intii uu Ninkani Howshiisa watay. Gabadhan ayaa Aragtay in Ninkani uu ka Xoog badiyay, wax ay sameyn kartaana aysan jirin, waxeyna ku Fikirtay waxa ugu Dhow ee Gacanteedu Gaarto iney soo Qabsato, balse

Saturday, October 31, 2015

Qiso aad u xanuun badan.Gabar ayaa waxay Xaramka ku dhex aragtay maamo weyn oo ooyeeysa gacmahana kor u taageysaa oo

3:13 AM 0
Qiso aad U Xanuun Badan.

Gabar ayaa waxay Xaramka ku dhex aragtay maamo weyn
oo ooyeeysa gacmahana kor u taageysaa oo aan ilmada kala
joojineyn
Gabadhii way u timid maamadii oo waydiisay maxaa ku
helay maamo oo sidaan ugu ooyeeysa waxayna ugu
jawaabtay sidaan
Maamo: Waxaan ahaa gabar waxa is guursanay nin kadib
waxaan wada nooleyn mudo 8sano ah waxna maan u dhalin
mudadaas.
Kadib wuxuu guursadey gabar kalle oo alle uu kasiiyay wiil.
Waxaan aha inta kadib mid aad u qalbi jaban oo u
murugeysan.
Labo sano kadib ayaa maalin waxaa dhacday in ninkaygii
iyo xaaskiisi labaad ay safar u baxeen waxaan la iiga tagay
wiilkii yaraa ee ay dhaleen, markii ay sii baxayeen ayaa
waxaan go,aansadey inaan wiilka dilo oo gowraco lkn
intaanan taa ku dhaqaaqin ayaa waxaa ii soo dhacay tilifoon
kaas oo la iigu sheegay ninkaygii iyo xaaskiisi kaleba in shil
gaari ay ku geeriyoodeen.

kadib waxaan ku fikiray in wiilka yaraa aan

Sunday, January 4, 2015

Sheikh Mohamed Idiris Ila tali: Qabiilka Ma Eed baan Ku Leeyahay?!

12:04 PM 0


Asc. Sheekh salaanta kadib waxaan ahay wiil soomaaliyeed oo ku nool qurbaha, Waxaan raba inaan guursado si aan xaaranta uga badbaado, lakiin guurka waxaa iga hor taagan asbaabo dhowr ah, waxaa iga hor taagan qabyaalad, waayo waalidkeyga iima ogola gabarta qabiilka ay kasoo jeedo, anigana waan ku qancay gabarta dhaqan ahaan iyo diin ahaan intaas dhan, waa gabar dabci wanaagsan oo diyaar u ah iney waalidkeyga ula dhaqanto sida waalidkeeda camal, lakiin kaliya waxay waalidkeyga iigu diidayaan qabiilkeeda marabno waayo hada kahor ayay aabahaada dileen, marka qabiil dhan iney soo duuleena aabaheyga ma dilin ee tuug ayaa dilay oo shaqsiyaad ay soo adeegsadeen marka sheekh talo ayaan kaa rabaa. Ilaahey Jannadiisana haku geeyo ehelkeedana hakaa dhigo maalinta qiyaame amiin adiga iyo inta umada wanaaga iyo qeerka la jecel.


==========================================================================

JAWAABTA SHEIKH MOHAMED IDIRIS XAFIDAHULAAH.

=========================================================================


Walaalkaas Waxaan Leeyahay:

Sunday, December 28, 2014

SHEIKH MOHAMED IDIRIS ILA TALI. Urugada Adeerkay..Ma Illaawi Karaa??

11:40 AM 0
Sheekh Waxaan ahay nin dhalinyara ah oo Soomaaliya ku nool, Aabahay wuxuu dhintay aniga oo 3 sano jira.. Waxaanu ku noolayn gobol ka mid ah Soomaaliya, waxaanuna la degganayn Ayeeyaday & Awoowahay Hooyo, oo iyagu na hayey.. Aabahay wuxuu ahaa Madi, Hooyadiis aaney ilma kale dhalin, markuu dhintayna wey gablantay.. Ayeyo Aabe dhashay wexey ku noolayd gobol kale.. Ayeeyaday & Awoowahay Hooyo oo aanu la joogney ayaa wexey ku taliyeen in Ayeeyo Aabe naloo diro, si ay noogo indha qabowsato oo durriyadii madigeeda ay u aragto.. wey na soo jicsimeen Annaga iyo Hooyo, waxaanuna u nimi Ayeeyo Aabe, oo meel baadiye ah deggan.. 

Aad ayey noogu faraxday, dhawr bilood ayaanuna halkaas la joogney.. markii ilaa 3 bil aan joogney ayaa meeshii Abaar xumi ku dhufatay, xoolihiina ayeeyo ka dhamaadeen, noloshiina adkaatay, wexeyna ku talisay in

Monday, October 14, 2013

SHEEKO QALBIGA TAABANEYSA. Inta uu waalidkaa noolyahay ka duceyso, marka uu geeriyoodo shalayto waxba kuuma tareyso

12:47 AM 0
SHEEKO QALBIGA TAABANEYSA.

Wax badan waad aqrisay sheekooyin ku saabsan jaceylka Hooyo ilmeheeda u heyso, maanta waxaan idiin hayaa jaceylka Aabe iyo waxa uu ilmihiisa u huri karo.

Aabe Haaruun wuxuu ilmo dhan ka dhalay hal gabar oo 16 jir ah aad ayuu u jecel yahay gabadhiisa, xaaskiisa waxay geeriyootay gabadha yar oo hal sano jir ah, isaga ayaa gabadhiisa hooyo iyo aabe u ahaa, mana uusan guursan xaas kale.

Asma waxay dhigataa iskuul dugsi sare, waxay aad u dhibsatay aabeheed oo dhagool ah, maadaama marka ay ardayda qaar is qabtaan ku caayaan dhagoolnimada aabeheed.


Maalin ayey guriga ku soo laabatay iyadoo aad u careysan, aabeeheed Haaruun wuxuu u diyaariyay qado, markii uu u keenay way diiday inay qadeyso, Haaruun isagoo is leh tolow gabadha yari miyey xanuusan tahay ayuu u ishaaray madax isago weydiinayay; madaxa miyaa ku xanuunaya.

Asma yarey afka ayey furatay waxayna ku tiri aabeheed erayo aan u qalmin, oo ay ka mid yihiin:-
"Oday yahow dhagoolkaa maxaa aabe iiga kaa dhigay,
adiga ayaa nolosha igu dhibay,
mar walba dadka lama kaftami karo adiga daraadaa."

Oday Haaruun ma uusan fahmeyn hadalka gabadha balse wuxuu dareemayay inay isaga heysato oo ay u careysan tahay, wuxuuna isku dayay inuu gabadha yar dajiyo, balse nasiib daro ma aysan ka yeelin waxayna orod uga baxday guriga .

Iyadoo ordaysa ayey laamiga gashay iyadoon dhinacyada eegin, waxaana si xun ugu dhacay

Wednesday, October 2, 2013

QAATUMADA WAANAGSAN: Sheeko cajiib ah

3:48 AM 0
QAATUMADA WAANAGSAN: Sheeko cajiib ah
QAATUMADA WAANAGSAN: Sheeko cajiib ah


Maalin maalmaha ka mid ah ayaa nin wadaad ah oo gaarigiisa wato waxuu wadada ku arkey wiil yar oo daba ordaayo gabar labisan, si uu ula hadlo ama u shukaansado, wadaadkii aadbuu u dhibsadey sida anshax xumada ah uu wiilku u foodeenaayo gabarta, markaas buu go'aansadey inuu u naxsteexeeyo wiilka.

kadib gaarigiisii ayuu ka soo dagey oo waxuu u yeerey, una nasteexeeyey wiilkii, asigoo soo xasuusiyey cabsida ilaahey iyo ciqaabta aakhiro jirta.


kadib wiilkii dhalinyarada ahaa aad buu u qalbi qashuucey, oo waxaa ka soo daadatey ilin asigoo leh : "Sheekhoow

Thursday, September 26, 2013

Qiso Kaa Oohin Doonto Aadna U Xanuun Badan Mudana In Lagu Cibro Qaato “Caasi Waalidiin Ma liibaano”..

6:51 PM 0
 Qiso Kaa Oohin Doonto Aadna U Xanuun Badan Mudana In Lagu Cibro Qaato “Caasi Waalidiin Ma liibaano”..

::::::::::::::::::Qiso Xanuun Badan Iyo Odey 90 Sano Jir ah~~~~~
Odeygaan 90 Sano Jir ah ayaa isbitaal Ku jiray, waa Camoole Dhib badana Ka muuqdo, Waxaa Isbitaalkii soo Boqday Wiil, Salaan kadib, Odeygii ayaa wax ka codsaday Wiilkii,..
Wiilkii ayaa yiri Adeer Caadi waaye i weydii Codsigaaga, Odeykii 90 sano jirka ahaa ee Camoolaha ahaa ayaa yiri wiilkeygiyow 3 Beri afka waxba ma saarin Gaajo ayana Basteey la ahay,wuxuuna kaloo yiri Cuntada ey Bixiyaan isbitaalka Abiteed uma haayo *ma Cuni Karo) igumana Soconayo.
Hadaad heyso Beeso ama Lacag waxaan kaa codsanaa in aad ii soo iibiso hal xabo Rooti ah, Wiilkii ayaa intuu aaday Suuqa wuxuu kasoo iibiyay Rooti iyo Cabitaan iyo Cuno, wuxuuna siiyay Odeygii waayeelka aha, Odeygii Markuu Rootigii Jab ama Gabal yar ka Goostay, ayaa wuxuu Fiirayay Wiilkii intuu dhoole cadeeyay ayuu wuxuuna ku yiri, Qeyr Allaha Ku siiyo Wiilkeygiyow,


Wiilkii ayaa wuxuu Weeydiiyay Su,aal ah Adeer Wax ilmo ah Malihid miyaa?
Odeygii ayaa yiri Wiilkeygiyow waan leeyahay Ciyaal, 10 ilmo ah ayaan leeyahay oo Wiilal iyo Gabdho iskuugu Jiro, Laakiin

Saturday, July 20, 2013

SHEEKO NAXDINLEH, "Cajalad Video ah ayaa burburisey noolasheyda".

11:51 PM 0
Gabaryar oo dhigata jamacada-kuliyada tarbiyada ayaa waxaay kawarameysaa sidii ay kuweydey wixii ay mustaqbal laheyd. Waxaa ladhashey 3gabdhood oo kala dhigta dugsiyada sare iyo kuwa dhexe.


Aabahood wuxuu kashaqeyn jirey Dukaan si’uu uguhelo waxaay gabdhihiisa quutan iyo waxay labistaan.


Gabadhani waxay aheyd qof dadaal badan xaga duruusta schoolka .Waxay caan ku’aheyd xaga Akhlaaqda iyo dadaalka ay waxbarashada kubixinjirtey. Waxaay aheyd tusaale ay kudaydaan gabdhaha kale ee jaamacada dhigta.Marka lasoo gaabiya, waxaay kulansatey sifaadka fiican ee qof lagu sheego.


Sheekadaan oo aan kasoo qorey Kitaab yar,wuxuu sheekha kusoo guuriyey sitoos ah hadalkii gabadha ayadoo kawaramasa wixii qabsadeyna waa tana:


Maalin maalmaha kamid ah anigoo kasoo baxaya albaabka Jamacada ayaa waxaan arkey wiil dhalanyaro ah oo aad uqurux badan oo isoo fiiranaya sida qof iyaqaan. Dheg jalaq umasiin oo waan iska socdey anigoo cabsi igu jirta. Wuu isoo dabagalay isagoo igula hadlaya hadala aan wanaagsaneyn sida caruurta oo kale . Sida isaga oo igu lahaa:


“ qurux badan. Waan kujeclahey….inaan kuguursada ayaan rabaa. Mudo badan ayaan kuraadinaayey markii aan maqley akhlaaqdaada iyo wanaaga ay dadka kugu sheegayaan !”


Waan ordey anigoo iska dhaga tiraya waxa uu igu akhrinayo waayo waligey ima soo marin arintaas oo kale.

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA