SUPPORT WEBSITE

Friday, January 8, 2016

Qiso Dhagartii enternetka: Mustaqbalkeygi buu ku cayaaray, Allow ii dambi dhaaf.

Waa qiso runtii aad u xanuun badan oo mudan in lagu cibra qaato qaasatan markaan fiirinno sida dadkeenna Soomaalida ah ugu bateen adeegsiga Internet-ka, waxaan jecleysanay inaan idiin soo tarjunno qisadan oo ku dhacday gabar dhowrsan oo aheyd xaas cusub.

Waxay ku billowday sheekada:
Waxey tiri Walaalayaal waxaan idiin soo gudbinayaa qisadan oo dhab ahaan aad ii taabatay, waxaa bur-buray mustaqbalkeyga, waxaa dumay gurigeygi, waxaa kala tagnay ninkkeygi, waliba anigoo ka soo jeeda qoys dhowrsan, waligey kuma fikirin inaan sameeyo qaladkan oo kale oo ilaahay iga caroodo.

Waxaan guursaday wiil aan is-jecleyn oo aad ii ixtiraami jiray, iguna qabay kalsooni weyn isagoo familkiisu dareemeen wanaagga inaga dhaxeeya, dhina qoyskeyguna waxay igula kaftami jireen waxaad heshay nin aan hortaa gabar kale arag oo waxaad jeceshahay ku siiyo,


Ma xasuusto shey aan odaygeyga ka codsaday uu ii diiday, wax walbana sida ugu macquulsan ayuu iigu heli jiray, laakin maalin maalmaha ka mid ah baan ka dalbaday inuu guriga internet ii soo galiyo, wuxuu yiri gurigeyga uma rabo qad, laakiin ugu dambeyn waan k qanciyay waxaana ka ballan qaaday inaan wax xun ku sameyn.

Wixii intaa ka dambeeyay kadib waxaa waqtigeyga ugu badan siiyay inaan qadka galo oo aan asxaab badan ku yeesho, isagu wuxuu aadaa shaqadiisa, mana I weydiiyo waxaan ku sameeyo, waayo kalsooni badan ayuu igu qabay.

Intaasi kadib waxaan is-baranay wiil ka mid ah asxaabta internet-ka, wuxuu ii soo jiitay si’ weyn
waxaana ka helay farxad aanan waligey qof bani’aadam ah ka helin, maalinba tan xigta waan xiriir jirnay ilaa seygeygu ka maseero mararka qaar inaan qadka galo isagoo aqalka jooga,

Wuxuu waqtigu socdo, waxaa ninkeygi igu dhibsaday waqtiga badan ee aan qadka ku bixiyo, wuxuuna I dareensiiyay inuusan raalli ka aheyn hab dhaqankeygan cusub, ilaa aan gaaro heer aan la dhuunto wada sheekeysiga wiilkan aan is-baranay.

Waxay aheyd markii ugu horreysay ee ninkeygu ii muujiyo caro, waxaana halkaas ka billowday xiriir xumi isaga iyo aniga ina dhex marto, waxaa qalbigeygu u sii jiidmay wiilkan cusub oo hadii aan iska furo ninkan qeylida badan ii ballan qaaday inuu I guursado.


Wiilkan cusub baa mar walba iga codsan jiray inaan kulanno, balse markuu xumaaday xiriirka aniga iyo ninkeyga ayaan go’aansaday inaan fursad siiyo jaceylkeygan cusub, ugu dambeyn maalin baan ballanay oo aan is-aragnay waxaana na dhex maray sheeko iyo wax kastoo rag iyo dumar sameeyaan ilaa aan ka naxay qiyaanada aan kula kacay ninkeyga.

Markii dmabey ninkeygi baa go’aansaday inuu internet-ka ka saaro aqalka, waxaana billaabay inaan telefoon iska wacno wiilkii, oo xiriirkeenni sii lixaadsaday, halka qilaafka aniga iyo odaygeygu sii kordhay.

Ninkeygu wuxuu arkay farriin qoraaleed telefonkeyga ku qoran wuxuuna aad uga naxay waxaan ku kacay, wuxuu gocday waxyaabo badan, wuxuuna ii sheegay inuu I cafiyay dalaaqadeydana uu I siiyo, isagoo ii ballan qaaday inuusan dadka igu ceebeyn oo qoyskeygu u sheegin fuxshiga aan ku kacay, taasoo jaceylkuu ii qabay marag ka aheyd.

Markii aan kala tagnay ninkeyga ee aan u sheegay wiilkii, wuxuu durba ii muuujiyay qalbi jab iyo waxaan ka fileyn wuxuuna igu yiri “Waligey kuma fikirin inaan guursado gabar aan qadka ka bartay, mana jecli inaan xaas ka dhigto qof xumaan ila sameysay, ileen birriba qof kale ayay sidaas la sameyn”.


Naxdin iyo amakaag halkaasna waxaa ka billaabatay cuqdatul nafsi aan waligey illaabeen, anigoo jecel qisadan igu dhacday inay cibro ka dhigtaan walaalaha isticmaala internet-ka gaar ahaan dumarka, walaalayaal Sheydaanku wuxuu maraa xididadda dhiigga ee aan iska ilaalinno, anigana ilaahay ii barya inuu iga towbad aqbalo.

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:


WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA