SUPPORT WEBSITE

Showing posts with label waano. Show all posts
Showing posts with label waano. Show all posts

Friday, January 1, 2021

TAARIKHDA HALYEYGA SOOMALIYEED HADRAAWI BY FAHAD YAASIN.

10:24 PM 1

Taarikhda hadraawi
Nasiib-xumo wali lama’aanan kulmin Hadraawi, waxaanse lakulmay aqoon-tiisii, gabayadadiisii, iyo xikmadihiisii. Waxaan dhawaan helay cajalad maqal iyo muuqaal ah oo uu ku duubay gabaygiisii dheeraa ee Daba-Huwan, intaan xusuusanahay horudhaca gabaygaas, waxaan dhagaystay ilaa 9. jeer, waana hubaa inaanan wali ka bogan, waana sababta igu dhalisay inaan maqaalkan qoro.


Hadraawi waa Abwaan gabay-aqood ah, waa aftahan hadal abuur ah, waa Faylasoof mustaqbalka eeg ah. Intaas uu yahay, waxaa qarineysa inuu Soomaali ka dhashay, waan hubaayo hadduu dad aan Soomaali ahayn ka dhalan-lahaa sida uu maanta yahay ma’ahaadeen, oo maxaa ka maqan?


Falaasifada dalalka kale u dhasha magacooda meel dheer ayuu tagaa, waxaa la gaarsiiyaa iney iyagu yihiin hormuudka nolosha oo dhan.


Soomaalidu waxay taqaan, ama wax u ogoshahay oo kaliya kuwa Siyaasada ku jira, dunida aan maanta ku nool-nahay falaasifada ayaa hagta. Taariikhaha nasoo maray oo dhan yaa hormuud u ahaa? Dhamaantood waa faylasoofyo wadamadaas u dhashay, qaarkood shar ayey soo kordhiyeen, qaarna khayr ayey soo biiriyeen.


Nin-karmeedka Soomaali ka soo dhex-baxa iyaga ayaa nolol dila, halkuu horay usocon-lahaa iyaga ayaa curyaamiya, marka uu noloshooda tala ka siiyo adiga maxaa kaa galay bey dhahaan.


Waxay u qabaan, waxaad cunto oo kaliya hadaadan ka fakarin ee danaha dadka kale marwalba ka hadasho inaad tahay manoolo aan dantiisa aqoon.


Ilam’adeer isma indha buuxiso. Naagi nimay taqaan nin ma mooda. Dantaada harag eeyna waa loogu seexdaa. Naftiis gabo mid kale makal-kaalo. Meel il laga la’yahay hadaad tagto adna ilbaa la’istiraa.


Intaas oo maah-maah ah iyo kuwa kale oonan xusuusan waxay muujinayaan sida dhaqanka Soomaaliga ay ugu jirto ninwalbow dantaada ku’ekow, tan dadka kale waxba kaama galinee.


Hadraawi wuxuu tusaale u yahay halka ay Soomaalidu dhigto ninka ka soo dhexbaxa. Idaajaa ayaa booqday Maraykan-ka, xaflad ay Soomaalidu lahayd oo ay quursiga uga hadlayeen ayuu ka qayb-galayey, nin oday ah buu usheegay inuu halkaas usocdo, wuxuu ku yiri: Kuwaasi hadal unbey hayaanee faraha ka qaad, oo waxaas wakhtiga ha’isaga dhumin.


Awjaamac Cumar Ciise ayaan bari ku soo qaaday sida ay Soomaalida u xushmeyso raggeeda wax ku oolka ah, kolkaasuu qiso iiga sheekeeyey, wuxuu yiri: Qarnigii hore, dhamaadkii afarta-meeyadii ayaan tuulo tagay, gabayadii Daraawiishta nin hayey ayaan doonayey, laba odayoo meel fadhida ayaan ku iri hebel xagee daganyahay? Oo maxaad ka rabtaa ayey dhaheen?


Gabayadii Sayidka inuu hayo baan maqlay marka inaan ka qorto ayaan rabaa, ayuu ugu jawaabay, gurgiisii ayey ii tilmaameen, anoon ka dhaqaaqin ayey iyagii isweydiiyeen, tolow muxuu ku falaya gabayadii Sayidka? Oo maxayse u tarayaan? Kii kale ayaa ujawabay oo yiri: Malaha wuxuu rabaa Makhaayada magaalada inuu shaah kaga cabo.


Hadalkaas adigu dhuux oo ka garo heerka aan ka joogno qiimeyta dadka daneeya taariikhdii umadan.


Waa suurowdaa inaad ku doodo, ninkaasu baadiye ayuu joogay, jaahilna waa’ahaa, ee dadka heerkaas mawada ahan. Awjaamac isla sheekadii isagoo ii wada ayuu yiri, sanadkii 2002 ayaan maalin salaamay nin ganacsade ah oon isnaqaanay, buugaagta aan qoro ayuu iga waraystay, waxaan u sheegay inaan mar dhaw soo saari-rabo buug yar laakiin kharashka ku baxayo uu noqon-karo Afar kun oo Doolar, inta qoslay ayuu yiri: Oo adeerow markaad Afar kun buug xun galinayso maad ku ganacsatid.


Awjaamac wuxuu yiri: Hadalkaasi wuxuu isoo xusiisiyey kii aan lakulmay qarnigii hore.


Awjaamac Cumar Ciise wuxuu maanta mudnaa inuu bilad sharafeed ka helo bulshada Soomaalida illeen isaga ayaa u badbaadiyey qayb mug leh oo kamid ah sooyaalkii dalkan. Taasi ma dhicin, mana muuqato iney soo socoto.


Hadraawi waa uu ka soo guuray Yurub, sababtii uu uga soo guuray isagoo sharxaya wuxuu yiri: WAAN ISWAAYEY. Waa hal jumlo oo yar, laakiin macanaha ay xanbaarsan-tahay buugaag laga qori karo. Isla Hadraawi ayaa fasiray macnaha eraygaas. Markii aan Soomaaliya joogay ee aan laamiga soo istaago dhawr gaari ayaa ku diriri-jirtay sidii ay ii qaadi-lahaayeen, markiise aan Yurub tagay waxaan is arkay Hadraawi oo wado qabow badan taagan, baabuurtuna dhaafayaan, iyagoon aqoonin ninka laamiga taagan dad ninkuu kayahay. Wuxuu ula jeedaa gurgaaga hooyo ayaad sharaf ku leedahay.


Yaanan shacabka Soomaalida oo dhan ku xad-gudbin, oo ixtiraam iyo qadarin wey u hayaan raggooda wax ku oolka ah, waxaanse canaanta u dhigayaa halkii la rabay wali ma’aysan gaarin.


Hadraawi

Horadhaca gabayga Daba-Huwan wuxuu Hadraawi ku sheegay inuu muddo dheer ka fakaray mushkilada umadiisa haysata sidii xal loogu heli-lahaa, wuxuu aad u dhaleeceyey in ragga talada haya loo arko iney iyaga un mushkilada tahay, oo hogaamiye-hebel haduu meesha ka baxo in loo maleeyo iney wax hagaagayaan. Wuxuu qabaa hadaan fikrada wax lagu maamulayo la badalin, hogaan la baday ineysan isbadal keeneyn.


Xalka uu hayo markii uu ka hadlayey wuxuu sheegay in Soomaalida dhaqankeeda, diinteeda, iyo waxa lagu maamulo aysan islahayn, wuxuu qabaa haddii aan Diinta Islaamka loo soo laaban inaan wax horumar ah la gaareynin, xalna laheleynin.


Taladiisu waxay tahay kitaabka quraanka ah in lagu dhaqmo, maxaayeelay buu yiri: Quraanka aduun-yada ayaa loo soo dajiyey ee aakhira kuma saabsana. Waa sharcigii isku xiri-lahaa anaga iyo nolosha, haddiise aan islaam-nimada ku soo koobno salaad iyo sooon, inta kalana aan ka tango, dhibta aan ku jirno laga bixi-maayo.


Hadraawi nolol kala duwan ayuu soo maray, dhacdooyinkii Siyasadeed ee dalka ka dhacay intooda badan saamayn ayuu ku lahaa, hadase waxaa muuqata inuu gaaray xaqiiqadii dhabta ahayd, su’aashuse waxay tahay, dadka Soomaaliyeed ee uu ka dhashay ma ku raacayaan xaqiiqadaas?


Fahad Yaasiin Xaaji Daahir | fahadsom@hotmail.com

SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | Aug 29, 2005

Wednesday, December 30, 2020

HALKUDHIGYO XIKMAD BADAN BY SH MUSTAFE XAAJI HAARUUN.

10:09 PM 2


Hal Ku Dhigyada Cajiibka ee Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun qaar ka mid ah hoos ka akhriso:-


 " Luuqada Soomaaligu Waa Af Muslim, Waa Af-diin iyo Dadnimo-ba Xambaarsan ".


1-| " Aqoonyahanku wuxuu aqoonyahan yahay markuu Rabbigiina yaqaano , Aakhirana yaqano addunkana uu isbedel ka samayn karo. "


2-| " Dhalasho wacan markaan leenahay taas macnaheedu waa sanad baan xabaasha u dhawaaday taasi ma wax lagu farxa. "


3-| " Inaad noqoto qof hami leh, han leh, hiigsi leh, oo hiraal u muuqdo waa lagama marmaan."


4-| " Dad baa dibadda ka qurux badan, guriga markay soo galaana bahal aah , qofka aad nolosha isgu darsateen iyo caruurtad dhashay inaad ku xumaato , dibadana nin fican oo laga yaqano hebel la yidhahdo noqotid wax fican ma aaha ." 


5-| " Dunida dadka isdila iyaga ugu badan reer galbeedku , meeday barwaaqaada ay sheegaayaan? " 


6-| " Aqoonyahanku hadu noqdo qof la ibsan karo suldanadu iiibdan karto, dawladuhuna laaluushi karan aqoonyahan ma-aha " .


7-| " Gool baa la dhaliyeey maxay noloshaada ku soo kordhisay. " 


8- | " In Hooyo la noqda waxay ka Qurux badan tahay inaad noqoto injineerad " .


9-| " Nin walba qabiilkiisa inta la dulmiyaay buu ogyahay, laakin se ma oga intay dulmiyeen ee aay Akhiro u direen."


10-| " Quraanka haddii aad akhrido ; qof Rabigii u waraamayo ayaad tahay bal qiyaas Rabiga oo kula hadlaaya oo ku waramaaya." 


11-| " Luuqada soomaaliyeed waa af Muslim, waa af diin iyo dadnimo ba xambaarsan ". 


12- | " Meesha Qiimaha leh ee u baahan inaan u shaqaysano waa Aakhiro ". 


13-| " Haddaad rabto dadka in caqligoodu ku aqbalo , waxa ka horeeya qalbigooda inad furto qofkaad qalbigiisa furi kari weydana caqligiisana ma furi garaysid ; qalbigana waxa lagu furaa jacayl , naxariis iyo hadal wanagsan " .


14-| " Waxa laga yaaba inad sacado badan ku bixiso iskuulka, yaad saaqidin oo ka waran maalinta qiyaame haddad saaqido maalinta aan saaqidnimo ka weeyni jirin. " 


15-| " Dadka kuwa ugu hantida badan 

Aya aah kuwa ugu hurdada yar ".


16-| " Hadday jannadu tahay meesha qofka logu nimceenayo , caddabtuna ay tahay meesha qofka lagu ciqabayo ; Addunyaduna waxay tahay meesha qudha ee laysgu imtixamayo " .


17-| " Ilmaha inaad Guri uga tagto waxa ka qiimo badan inaad Diin uga tagto, inaad dhaqaalo u samayso waxa uga qiimo badan inaad isaga qof ka dhigto jira oo nool oo Muslim ah. Haddii uu qof Muslim ah noqdo oo Naftiisa ku kalsoon meel uu seexdo iyo wax uu cuno isagaa raadsanaayo."


18- |" Jamacaada baan ka baxay , shahaadan qatay , shaqo fiican baan heelay war waad tagaysaaye waxaas oo dhan waa maalmo , maalin ama maalin badhkeed ayay nolosha oodhan kula noqon marka qiyamaha lagu weeydiyo, oo nolosha maa maalin badhkeed bad dooratay marka."


Dadka kale sii gaarsii.


Xigasho:-   Mustafe Janaale

Friday, October 7, 2016

Sheeko Murti Badan Xambaarsan: Haween waa Todoba(7).

10:18 AM 0
Oday-dhaqameed Soomaaliyeed oo waayo hore jiray, waaya-aragnimo ballaaran u lahaa arrimaha bulshada, xagga dhaqankana looga dambeeyay , ayaa waxaa uu damcay in uu Cashar la xiriira Haweenka u gudbiyo Wiil uu isagu dhalay oo markaas guur-doon ahaa.
Odaygii ayaa waxaa uu ku yiri Wiilkiisa:-“Maandhow, inta aadan guursan, oo aadan dhex-dabbaalan badweynta Haweenka, bal marka hore si fiican isaga eeg oo hubso gabadha ama Haweeneyda aad la aqal-galayso; Ogowna in ay Haweenku u kala baxaan toddoba nooc”.
Wuxuu tibaaxay Odaygu:”Iga dhegeyso aan kuu bidhaamiyee sida ay kala yihiin toddobadaas,waana kuwan”:-

(1) Il-dheer:- Waa gabadha Indhaha un wareejiso,la-raacda oo ku maqan wixii cusub ee dhar,alaab-guri iyo qalab lagu xarragooda ah ee Suuqa ku soo kordha ama ku aragto Gabdhaha kale, dabadeedna ku kurbaysa Ninkeeda soo iibinta waxaas cusub.
Waa tan ku tiraahda Ninka qaba:-” Haddaadan ii iibinayn waxaas , ima jeclide iska-key fur”. Waa tan aanan tixgelin awoodda dhaqaale ee reerka iyo gaar ahaan tan Ninkeeda.
(2) Dheg-dheer:- Waa tan reerkeeda ku burburisa, ninkeedana ku colaadisa waxa ay soo maqashay oo kaliya,aanna hubsan xaqiiqada. Waxay ku tiraahdaa Seygeeda:-“Waan maqlay in aad Naag kale la socoto”,”Waa la ii sheegay in aad xiriir la leedahay Heblaayo”,”Waan la socdaa meelaha aad beryahan ka daba-wareegto”iwm..
Waa tan ay Soomaalidu ku magacaabaan”Ma-hubsato meher-laay”..!!. Waxay dhegta u raaricisaa “ku-tiri ku-teenta Xaawalayda” iyo waxa loo yaqaan “Warka Shaashka”. Waa mid dabin ugu dhici karaysa Cadowgeeda iyo Cadowga Ninkeeda,xilli uu isaguna kaba fog-yahay,Allahiisna uu ka Allah yahay waxa laga sheegayo.
(3) Carrab-dheer:- Waa qaylo badan,joogto ugu taagan derisyadeeda, ninkeeda,caruur iyo cirroolaba uusan qofna ka baxsanayn. Waxay ninkeeda ku gaaddaa Gogosha iyo xilliyada nasashada,dabadeedna waxay ku furtaa dood,dacwad iyo dalabaad aan dhammaaneyn. Waxay macallimad ku tahay Af-lagaaddada iyo jaa’ifeynta.
(4) Gacan-dheer:- Waa tan dagaalka un u taagan,mar kastana ay dhexdu u xiran tahay;Garruunka wadata oo gaadmada badan. In ay dadka ku duufto un bay u tafa-xeydan tahay. Wejigeeda waxaa ka muuqanaya raadadka ciddiyo lala beegsaday iyo daqarro hore oo lagu hubsaday.
Xafiisyada Dacwooyinka dadweynaha ee Xaafadaha iyo Saldhigyada Booliska waa laga wada yaqaan, oo waxaa ka yaal raadad hore iyo feylal qabya ah oo colaadeed.
(5) Lug-dheer:- Waa war-wareegtooy,waaba tiris,oo ay dhif tahay in laga helo aqalkeeda. Markii uu ninkeedu yimaado guriga waxaa ka soo hor-baxa Quful weyn oo maar ah. Caruurteeda ayaa Odayga u sheega in ay hooyadood ku maqan tahay:-Aroos, Nikaax,Dhaloow, Furoow,Qaraaba-salaan,Tacsi loo fadhiyo maalintii 14-aad, Maalin-joog, Meel ay ku kulmayaan Habro Ayuuto(Shaloongo) isku darsaday,madax-shub(abaay-abaay) iwm.

(6) Joog-dheer :-Waa mid Jamaal badan ah, waa gabadha dhammeysay Quruxda muuqata ee xagga jirka ah(jiroos), indha-deeraley ay raggu ka daba-dhacaan, ishana la wada raacaan, laafyada iyo is-lulidda badan(i arkaay).
Laakin,markii la tago gurigeeda,waxaa lala kulmaa dhiiqo,dhusuq iyo dharaq is-dhex-yaal. Ma jirto gogol kaliya oo u goglan iyada. Halka ay ku karinayso cuntada waxaa bar-bar yaalla Tuunji ay saxaradii Caruurtu ka buuxdo oo shalay ahaa. Iyadaa Sanka baloolisa oo “Uf” kala hor-marta dadka kale.Waa mid aan lagu gaareyn Areebanimada,markii gadaal loogu noqdo.
(7) Garaad-dheer:-Waa “Marwo-dumar”. Waa tan ugu qiimaha badan haweenka; laga yaabo in ayan muuqaal ahaan qurux badnayn,amaba iska fool-xun,laakinse, waxay leedahay quruxda dahsoon ee Edeb,Akhlaaq, Sarriig,Xishood,Af-gaabni,Dulqaad, Qaddarinta dadka mudan iwm. Aqalkeedu waa udgoon badan yahay,waa wada goglan yahay,waxaa u sugnaaday nadaafad buuxda oo xagga hoyga, huga iyo hungurigaba ah.
Mooral iyo Macnawi ahaanba waa ay u dhistaa ninkeeda, waana uu ku farxaa oo u soo xiisaa. waxay ka ilaalisaa erayada xun. Waxay ugu yeertaa ninkeeda:-gacaliye, macaane(macow),walaal,ina-adeer iwm. oo ka kal iyo laab ah,dano khaas ah iyo xilli goonni ahna aanan ku xirnayn.
Haddii uu Ninkeedu wax-beelo(sabool noqdo), gacantiisuna ay Eber noqoto, kuma ay kurbayso wax ka baxsan awooddiisa, waxayna u guntataa daboolidda baahida iyo adeegsiga xikmad iyo Iimaan. Noocan toddobaad ayaa ah “Raalliyo” uu ninkii hela uu nasiib leeyahay. Tan ayuuna guursigeeda Odaygu kula dardaarmay Wiilkiisa,wallow uu “Guurku yahay God Gacanta loo ritay”.

Saturday, October 1, 2016

QORAAL FAAIDO BADAN OO GUURDOONKA KU SAABSAN.

12:29 PM 0
Nolosheena waxee bilaabatay anagoon is aqoonin waxaan ku dhalanay meelo kala fag waligeen ismaanan arkin, balse awooda ALLAH ayaa aduunyada nagu kulmisay aragtideeda waa ku faraxday anigane sidoo kale aad baan ugu farxay, ka helitaan iyo jaceyl fara badan kadib waxaan go'aan ku gaarnay Inaan is guursano oo aan mid noqonaa, hadaba waxaa Muhiim noloshaas dhabta ah micnaheeda inaan wada garano Guurka kadib waxa imaan kara:

 Waxaan u baahanahay waa inuusan fashilmin guurkeena iyo balanta aan ALLAH la galnay oo ah inaan isku baari noqonaa.

guurka maalinka uu dhacayo dadka wee faraxsanyihiin balse aniga waa murugsanahay oo waxaa La i saaray masuuliyad aad u weyn oo ah qof aniga nafsadeeda oo kale leh inaan u ahay U adeege "shaqaale" waxaa waajib igu ah inaan meel saaraa waxad xiran laheed waxaad cuni laheed iyo Wax walba oo farxadaada ku xirantahay Taasne aad ayee u adagtahay waana mida badanaa ee ku fashilmaan raga Qaar, waxaa ii furan hal wado oo ah inaan kaa dhigtaa xigaal sida Indhaheyga oo kale ah oo aan wax ku arko, midaas oo ka dhigan Inaan ahay Ruux an la'aantaa shaqeen karin sababtoo ah Indha la'aan lama shaqeen karo.


waxaa u baahanahay 4 waxyaabood inan helnaa 1.sabar 2.go'aan adag 3.Naxariis 4.xal (wax walba inan isla xalinaa)

1.sabar: waa inan kuu sabraa marka aad dhibaateesantahay sida marka aad uurka leedahay marka aad xanaaqsantaahy.
adiga waa inaad sabartaa xiliyada aan murugsanahay ama xanaaqsanahay si dhexdeena uusan u imaanin khilaaf

2.go'aan: wa in uu Go'aankeenu ahaado Mid aanan ku burbureyn si fudud 
go'aankeena wuxuu Noqon doonaa inaanan kala tagin ilaa geerida (dhimashada) nakala geysaa mooyee

3.Naxariis: waa inan isku naxariisana si ALLAH uu noogu Naxariisto qaasatan marka aad xanuunsantahy marka aan labadeena xaaladaha dhiban ku jirno waa inan is dareemsiina naxariis taasoo ka dhigan jaceyl aad u weyn inaan isku qabno 

4.Xal: waa inaan xalina wax walba oo xumaan ah oo dhexdena ama familkeena soo dhex galo si wada jir ahan caqli ku dheehanyahay si aan u ilaashano Mustaqbalka ifaayo

waxaa Maalinkaas guurkeena ah kuu balan qaadaa inan kuu noqonayo sidii qeyb jirkaaga ka mid ah oo aan kaa maarmin adigane aadan ka maarmi karin.

nolosheena waxa muhiim inoo ah farxad iyo inan isku qanacsahay 

waxaa kaloo muhiim ah waalidka na dhalay ee Intaan nasoo gaarsiiyay waa inan ku dadaalnaa farxadooda oo daqiiqad walbaa madaxa ee noo saarnaadaan si aan u helno caruur baari ah.
hooyadeey waa sida hooyadaa oo kale Waalidka waa inan u noqona sida Diinta islaamka ee na fartay waana hubaa inaan kasoo baxeeno oo aanan dayici doonin Insha allah

dhabtii hadafka Nolosha aad ka leedahay wa kugu garab istaaga si aad usoo taabato meesha aad hiigsaneesid anigane ma dhaqaaqi karo la'aantaa waa Inan gacmaha is qabsanaa si aan u jabinaa darbiga ku xeen daaban wadada mustaqbalkeena, waxaa ii muuqdo nolol iftiimeesa iyo guri aad u qurux oo hooyo aad qurxan dhex joogto iyo aabe aad bashaash u ah kuwaas oo gacmaha ka haayo caruur indhahaaga e la dhacaayaan afkooda aan kasoo baxeenin hadal xumaan ah ilaa wanaag ma ahane.

subixii salaada ayaan kuu kicin doonaa markaan tukanaa waxaa u cararayaa shaqada anigoo hamigeegu yahay inaan familkeyga taageero Inta aan shaqada ku jira hadii aan helaa fursad yar waan kusoo wici doonaa anigoo rabo inan xaalada gurigeyga ogaado marki aan shaqada ka imaadaa waa inan ku saacidaa sidii waxii loo baahanyahay aan u dhameestiraa.

Mudo kadib caruurta qurxda badan ee aan wada dhalnaa ee dhinac adiga kaaga eg dhinacne aniga iga eg ayaa u balan qaadi doonaa si wada jira inan tarbiyadooda iyo farxadooda ka shaqeenaa Labadeena qofki fursad u helaa carurtaas inuu ku dadaalo si berito aan u helnaa kuwa aan harsano.


hadaladaas qurux badan ee isoo jiitay waxaa lahaa Khalid_yasir  oo hadalkaas qoray maalin ka hor arooskooda.

waa jeclaa lahaa inaan aragno Soomaali sidan sameeneeso 
la wadaag wanaaga bulshadaada.

BY:   Dhuubo DhexYar

Tuesday, May 10, 2016

QISO CAJIIB AH: SADAQADA KU DAAWEEYA CUDUR KASTA XITAA CANCER.

5:42 AM 0
Nin Masri ahoo ku noola magalada qaahira ayaa xanuunsaday waxa uuna utagay shay baadh dhakhtar oo masri ah kadib wala baadhay wuxuna uu u shegay dhakhtarki in mar dhaw xididada wadnaha ee dhiiga qada xidhmayaan waxna looga qabankarin MASAR"! waxa uu ushegay inuu tago yurub halkaaso uu ka helayo cawimaad xanuunkisa ah.

Ninki wuxuu tagay dhakhtar ku yaala wadanka jarmalka oo qaabilsan xanuunada ku dhaca wadnaha wuxuuna la kulmay dhakhtarkii.

Dhakhtarkii ayaa baadhay waxa una ushegay In wax yar u hadhay in xididaha wadnahiisu in ay wada xidhmaan balse lagu samayn karo qaliiin taasna ay tahay boqolkiba kontan 50/50 mcnaha ama wuu dhiman ama wuu badbaadi.

Niinki aadbu u naxay wuxuuna codsaday dhakharkii in uu kulaabto labo cisho dalkisi masar si uu uso maca salaameyo ehelki iyo qarabadi qalinka ka hor maadama uu dhiman karo wana uu ka ogalaaday dhakhtarkii wuxu se ushegay inuu so dhakhsado.

ninki wuxuu ku labtay MSAR isago xaafadiisi kusii socda ayuu arkay gabadh meel hilibka lagu iibiyo agteeda qashinka lafo ka guranaysa ninki intuu istagay ayuu su.aalay gabadhi sababta ay lafaha u guranayso.

waxa ayna ku jwbtay ciyaalkayga ayaan ugurayaa oo labo sano hilib ma ayna cunin waxay sii raacisay lafahan unbaan ukariyaa oo maraq ayaan uga bixiyaa.

Ninki intuu naxay ayuu yidhi ina ken waxa una ugeeyay ninki hilibka iibinayey oo ku dhawa goobta qashinka waxa uuna ku yidhi gabadhan todobaad kasta way kuu imanaydaa waxi hilib ay qaadan karto sii ana bixinaya lacagta ayadana wuu ushegay.

Intay faraxday ayay uducaysay duco qalbiga kaso go.day allow ku caafi oo kusii wax walba od jeceshahay inta aad nooshay ayay tidhi gabadhi.

Ninki labo cisho kadib ayuu tagay JARMALKI.
dhakhtarkii ayaa baadhay inta anu qalin ku samayn ka hor si loo ogaado natijada qalinkisa iyo meelaha looga samayn lahaa.

jwabti natijada dhakhtarkii waxa uu yidhi dhakhtaekee ku daweeyay wad isa soo dawayse?.."
Ninkii waxu ugu jawbay maya maan is dawayn meel kalena maan aadin..

Runtii dhakhtarki wuu u qadan waayay waxayna ku noqotay fajaciso wuxuuna dhakhtarkii ku yidhi waxa ad qaadatay dawo taas fur furtay xididadii o dhan imikana wadnahagi iyo xiddidadi si fican bay u shaqaynayaan ee yaa ku siiyay dawadan ayu sii raciyay hadalkisi.?

Ninki wuxuu yidhi anaa garanaya ka idaweeyay (ALLAH) aya idaweyay
marki an mid umadisa ka mida unaxariistay wana inaxariistay.
Ninki wuxu hadalkiisi kusoo gabagabeyey "Alxamdulilah ilaahayba mahadleh kaas oo soo nooleya lafaha markay burburan oo duqooban"

Subxaan Allah waa qiso dhab ah kana dhacday JARMALKA IYO MASAR -

Thursday, May 5, 2016

QISO XANUUN BADAN: WAXUU YIRI SOOMALI MA AHI, WAAN KA BAXAY SOMALINIMADII.

6:00 AM 0
Midgaan mise Laandheere.
W/Q : Djibriil AhmedNuur

Walaal aqri Waa qormo ka hadlaysa qoys Soomaali ah oo
Soomalida midab takooreen ka dibna ka tanaasulay
Soomaaalinimadii
Nin dhalinyaro ah oo asxaabtayda facebooka ka mid ah oo
door biday inaanan magaciisa xusin ayaan xalay is
waraysannay, sidaan ayuuna iigu warramay:-

"Sxb waxaan ahay nin dhalinyaro ah oo da'da 30ka hadda
madaxa geliyey, waxaan ku noolnahay aniga, xaaskayga,
walaashay iyo 2dayda ciyaalka ah waddanka marooko,
halkaas oo aan ka shaqeeyo.
Anigu waxaan ku dhashay wakhti yaraantaydii ka mid ahna
kusoo qaatay magaalada muqdisho illaa dowladdii dhexe ka
dhacday. Qixii markay dadku qaxeen waxaan uqaxnay
aniga, labadayda waalid iyo gabadha keli ah ee ila dhalatay
waddanka yaman. Ku dhowaad halkaas waxaan ku
qaadannay hal sano illaa aan helnay layn qaxooti ah oo aan
ku galnay waddanka kanada bilowgii sanadkii 1993dii.
Soo gelitaankeennii qurbaha markii hore nolosho way nagu
adkaatay, gaar ahaanna markaan dhex degnay soomaali
badan oo aannu is niri way idinka xigaan dadyowga kale.
Soomaalidii walaalaheen ahaa waxaan kala kulannay hayb
soocid noocii udambaysay ah, waxay noo sheegeen
inaaannu ahayn dad nasab ah, halka aan annagu
nasabnimada unaqaanay qofka si xalaal ah ku dhasha.

Soomaalidii walaalaheen ahaa waxaan kala kulannay wax
aannu ku farxin illaa ugu dambayn ay dantu nagu khasabtay
inaan ka guurno deegaannadii soomaalidu ka dhoweyd.
Waxaan uguurnay magaalo yar oo xigta dhinaca xuduuda
maraykanka, nasiib wanaag magaaladaan dadka ajanabiga
ah ee daggan waxaan kala kulannay soo dhoweyn diirran,
gaar ahaan aniga waxaa iisuurowday inaan waxbarasho
heer sare ah ka bilaabo, bilowgii waxaan bartay luuqadda
ingiriisiga, ka dib maalinba heer ayaan marayey illaa aan
dugsigii sare ku dhammeeyey muddo 7sano ah oo aannu
daganayn magaaladaas.
Walaashay waxay iga yartahay 8sano, aabbe iyo hooyana
labadeennaa ilmo ah ayuu ilaahay ku irsaaqay.
Nolosheenna si guud marka loo fiiriyo waan ka raysannay
soomaaliya iyo soomaalidaba, ma aragno wax nagu hayb
soocaya diinteenna, midabkeenna ama ahaanshaheenna
aan soomaali nahay. Waxaan helnay qoyskeennii oo dhan
waxbarasho fiican, aabe iyo hooyo way shaqeeyaan,
dhaqaale ay dowladdu ma siiso isna wuu jiraa.
Sanadkii 2000 ayaan bilaabay jaamacadda magaalada gaar
ahaan kulliyadda dhaqaalaha. Isla sanadkaas walaashay
waxay usoo baastay dugsiga sare, aabena wuxuu helay
shaqo xafiis dowladeed ah oo shaqadiisii hore ka dhaqaale
iyo maamuus fiican.
Xaaladdeenu siday noocaas u ahay ayaa waxaa dhacday in
sanadkii 2002 aabe ku timid geeri kedis nagu wada
noqotay, geeridaas oo ilaahay ka sokow uu sababy shil uu
aabbe gaarigiisii ku galay. Gebi ahaan nolosheennii way is
baddashay, ugu dambayn se bilo gudahood ayaan kasoo
kabsannay markay dowladdu igaysay booskii uu aabahay
ka baxay. Markaas wixii ka dambeeyeyna waxaan qaaday
mas'uuliyadda walaashay iyo hooyaday.

Bartamihii sanadkii 2003 ayaan safar cilmi baaris oo ay
jaamacaddu iidirtay ku tagay magaalo soomaali fiicani
joogto oo lagu magacaabo TORONTO. Dantii aan utagay
haddaan dhamaystay waxaan jeclaystay inaan wax uun
wakhti ah la qaato soomaalida meesha daggan, is haybsi
ka dib soomaalidii waxaan kala kulmay haybsooc cusub,
noloshayda waa markii uhoraysay ee aan maqlo erayga
MIDGAAN, markaas oo uu igu sheegay nin meherad
ganacsi lahaa. Ugu dambayn waan ka tagay magaaladaas
anigoo si xun uniyad jabsan.
Kasoo laabashaydii gobollada waddanka ka dib waxaan
qaatay go'aan ah inaanan soomaali sheegan,
go'aankaygiina ugu dambayn waan ka dhabeeyey. Sanadkii
2007 ayaan ka qalinjabiyey jaamacadaydii weliba darajo
heer sare ah ayaan kaga baxay, nasiib wanaag waxaan
helay fursad safar dalxiis ah oo aan ku tagay waddankaan
aan hadda ku noolahay ee marooko. Waxaan ku qaatay
waddankaan 30 beri oo qurux badan, waxaan isku barannay
akhyaar badan oo ay ugu horayso xaaskayga aan hadda
qabo oo udhalatay waddankaan. Is barashadeennii ka dib
waxaa igalay han ah inaan guursano karo, is fahan iyo
sheekaysi ka dib waxaan usheegay inaan hooyaday ku
laabanayo kalama soo tashanayo arrinkaan dheeriga ah.
Muddo bil ah ka dib waxaan dib ugu soo laabtay hoygii aan
kanada ka dagganaa, gurigii hooyada iyo walaashay. Sida
ugu dhakhsiyaha badan hooyo ayaan uga dhacay arrintaydii
iyo gabadhii reer marooko ee aan kusoo bartay halkaas.
Nasiib wanaag hooyo wa iiyeeshay rabitaankaygii iyadoo
usababaynaysa inaysan suurto gal ahayn inaan guursado
gabar soomaali ah oo aan ahayn ina adeertay ama ina
habreeday, waxayna iigu dartay inaan soomaali kala
guursan.
Wararka aan hooyo ka maqlay waxaan ka qaaday ku
dhiiranaan aan ku dheerraday inaan ajanabi guursado.
Sanadku markuu ahaa 2009 ayaan helay fursad aan ku
booqdo markale waddanka marooko, imaanshahaygii
waxaan la kulmay gabdhii aan horay isku barannay oo
iyadu markaan shaqaale dowladeed ah. Soo dhoweyn heer
sare ah oo ay iisamaysay ka dib waxaan guda galay inaan
baaritaan ku sameeyo meel shaqo fiican aan ka heli karo,
waxaana igalay fikir ah inaan waddankaan isaga soo
wareego anigoo ku doortay inuu yahay waddan aysan
soomaali joogin, hadday joogaanna aysan 2 ama 3 qof ka
badnayn. Nasiib xumo way iimuuqan wayday fursad shaqo
oo fiican, balse saaxiibtay ayaa iisheegtay inaan markaan
iska laabto, iina ballan qaaday inay shaqo fiican ii raadin
doonto. Aniguna waan ka yeelay.
Waxaan kusoo laabtay kanada ka dib 3asbuuc oo aan
maqnaa, waxaana horay ka bilowday shaqadaydii iyo
howlahaygii. Sanadkii 2010ka bilwogiisii ayaa waxaa
dhacday inay hooyo iga xanuusatay oo aan isbitaal lagalay,
muddo 6bilood ku siman oo aan isbitaalka hooyo kula jiray
dad waxaa iigu dhowaa deriskayga oo kanadiyaan ah,
iyagaa hooyo soo booqan jiray, iyaga ayaannuna qaraabo
iyo wax walba ahayn illaa ay ugu dambayn hooyo
geeriyootay. Sanadkaas wuxuu ahaa sanad aan aad uga
xumaaday, waxaan ka xumaaday inay hooyo na cidlaysay
iyadoo ahayd qofka keli ah ee aan haysannay.
Geeridii hooyo sanad ka dib walaashay waxay dhamaysay
jaamacadddii, anigana waxaa iisoo baxday shaqo fiican oo
waddanka marooko ah, ugu dambaynna waddankaan ayaan
usoo wareegnay halkaas oo aan sanadkii 2012kii ku
guursaday xaaskayga ajanabiga ah.
Hadda halkaan ayaan ku noolnahay aniga, qoyskayga iyo
walaashay oo macalimad jaamacad ah. Ma aragno cid na
xumaynaysa, ma maqalno wax soomaali ku saabsan aan ka
ahayn inaan anigu mar mar facebooka wax ka maqlo.
Ilaahay waxaan ugu mahdinaynaa inuu isiiyay fursad aan
soomaali uga maarmo, ma jecli inaan maalin uun
soomaaliya booqdo, iskaddaa wax kalee walaashay iyo
ciyaalkayga waxaan ku darayaa dad ajaanib ah si ayba
soomaali u illaawaan. Ma jecli maalin uun inay ciyaalkaygu
dareemaan inaan dhalo inay khalad ahayd. Aniga ayay igu
dhacday inaan ka shallaayey aabahay iyo hooyaday inay
idhalaan.

Soomaaliya oo aan asal ahaan kasoo jeedo waan la
jeclahay waxkasta oo wanaag ah, balse waan
xasuusinayaa gacan kasta waxay goyso ayay leedahay.
26sano inay soomaali burbur iyo waxkasta oo tusaale xun
loosoo qaato ku jirto iyada ayaa sabab u ah, dad dhan oo
jira oo muslim ah ayaa lagu sheegay inaysan nasab ahayn
lagana guursan karin. Maxah tahay nasabnimada aniga
hadda iga maqan? Waxaan haystaa dhalasho kanadiyaan
ah, meel kasta oo aan dunida ka tago safaaradda kanada
ayaan xaq ku leeyahay, waddankaan aan hadda joogana
waxaan ku leeyahay kaarka martida khaaska ah oo ii
oggolaanaya inaan meelo badan tegi karo, waxyaabo
badanna ii fududaynaya. Kuma faanayo waxa uu ilaahay
isiiyey, laakiin waan ku mahdinayaa, soomaali aniga iyo
dadka ila haybta ahba way naceen sabab la'aan, way
dulmiyeen sabab la'aan, dulmigaas oo hadda kasoo if baxay
soomaalida. Bal maxaan ka jeclaan lahaa inaan gabar
walaashay ah oo soomaali ah guursado? Maxaan ka
jeclaan lahaa inaan guryo qurux badan ka dhisto
waddankayga aan asal ahaan uleeyahay? Maxaan ka
jeclaan lahaa wixii aan bartay inaan waddankayga ku
celiyo? Jawaabto waa waxba".
Waxaan kusoo gaba gabaynayaa soomaaliyeey ilaahiin
unoqda, oo iska daaya dulmiga aad is dulminaysaan idinku,
haddii kale waxaa imaan doonta in magaciinna adduunka
laga waayo ama aad sharaf darro tan hadda idin haysata ka
daran dunida ku joogtaan.

Wednesday, May 4, 2016

KOOW IYO TOBAN WAXYAABOOD OO KAA HOR ISTAAGI KARO IN AAD HORUMAR SAMEYSO.

6:54 AM 0
Dabcan dad badan waxay isbedel u sameyn waayeen, waxaa jira waxyaabo dib u celinaya, kana hortaagan inay gaaraan horumar la taaban karo. Halkan hoose waxaa ku xusan 11 waxyaabood oo u baahan inaad naftaada ka joojiso:

1. Jooji in aad dayacdo Salaada iyo guud ahaan cibaadada Alle. Maalin kasta shan waqti waxaan maqalnaa "U kaalaya Guusha" haddii aadan ka jawaabin isla marki, Shanta Salaadood waqtigooda aadan tukan, ma jiro waqti kale aad maareyn karto, mar kastana qofka wuxuu ahaanayaa mashquul aan hadana wax u qabsoomin.


2. Jooji inaad naftaada been u sheegto, Khiyaalina aad ku maaweliso. Nolosheenu waxay horumartaa keliya markaan fursadaha ka faa’iideysano, fursada ugu horeysa uguna daran aan qaadan karno waa inaan nafteena daacad u noqono.

3. Jooji inaad waqti ku lumiso asxaabta xun. – Noloshu way gaaban tahay inaad waqti ku lumiso dad farxada kaa qaada. Kala garo nooca saaxiibada aad leedahay. Saaxiibka xun keliya gadaal buu kuu dhigaa.


4. Jooji inaad ka cararto dhibtaada. – Wajah dhibtaada ilaa aad ka xalliso. Ma aha wax sahlan mana jiro qof aduunka dhib la’aan ah. Xaqiiqdii waxaa na soo maraya murugo, kadeed, kufid & dhaawac, Nolosha ayaa sidaa ah. Waxaa la rabaa in la wajaho, la aqbalo, laga feejignaado lana xalliyo. Tani waa waxa kaa dhigaya qofka aad rabto inaad noqoto.

5. Jooji inaad ceebaha dadka kale raadiso, ka dibna aad samayso cambaarayn, caay iyo cillad sheegid joogta ah. Xaqiiqdii tani waxay kaa hor istaagaysaa inaad dantaada mashquul ku noqoto, horumarna aad sameyso.

6. Jooji inaad Xaasid noqoto. – Xaasidnimadu waa inaad xisaabiso waxyaabo qof kale Alle ku maneystay aadna uga xumaato, inti aad adiga taada xisaabin lahayd.

7. Jooji inaad ku noolaato xusuusta wixi aad soo martay. – wixi horay u dhacay waa taariikh, weligood ma soo noqonayaan. Welwelka & xusuustooda waxay kaa qaadayaan farxada maanta.

8. Jooji cabsida inaad khalad sameyso. – Inaad wax sameyso oo qalado waxay toban jeer ka fiican tahay inaadan waxba sameyn. Guul kasta waxay leedahay fashil badan, fashil kastana guul ayuu ku gaarsiiyaa ugu dambeynti.

9. Jooji isku dayga inaad farxad iibsato ama dad kale ka raadiso. – Haddii aadan ku faraxsaneyn qofka aad tahay & waxa aad heysato ma jiro cid kale oo farxad ku siin karta & waxyaabo qaali ah oo farxad kuu keeni kara. Waa inaad deganaan & qanacsanaan u abuurtaa naftaada markaa ayaad cid kale siin kartaa.


10. Jooji caajis, wahsi & inaad iska fadhido. – Nafta oo aad siiso firaaqo badan ay isaga fadhido, ku fakirto ama hawl kuu taalay aad ka wahsato waxay horseedaan burbur & fasahaad. Ku mashquuli nafta shaqo, wax aqris & sameyn wax faa’iido kuu leh.

11. Jooji inaad midabkaaga bedesho. – In badan waxay muuqooda ku lumiyeen banaanka ka raadin qurux. Kuma qanacsana naftooda. Mar haddii qofku yahay Abuurti Alle ma jiro wax ka qurxoon. Yaa la isu bedelayaa? Ma qof aan Asal “original” kugu rabin oo qurux aan dabiici ahayn “artificial” kugu raacaya?

Tuesday, May 3, 2016

TOBAN XIKMADOOD OO JACAYLKA KU SAABSAN.

3:11 PM 0
1. Jaceylku waa waxa ugu quruxda badan ee la heysto, waxa ugu adag ee la kasbado iyo waxa ugu xanuunka badan ee la waayo

2. Xushmad la’aan, Jaceylku waa lumaa. Daryeel la’aan, Jaceylku waa caajis. Daacad la’aan, Jaceylku farxad ma leh. Aaminaad la’aan, Jaceylku waa mid aan deganayn.

3. Goorti aad tiraahdo Waan ku jeclahay, waxaad ballan ku sameynaysaa qof kale qalbigiisa. Waa inaad ku muujisaa ficil si aad u caddeyso. Jaceylku ma aha qiiro keliya, Jaceylku waa ficil. Jaceylku ma aha dareen keliya, jaceylku waa daryeel

4. Qofka sida dhabta kuu jecel wuxuu kaa hor istaagaa inaad Dambi sameyso. Qofka aan sida rasmiga ah kuu jeclayn wuxuu kugu dhiirigeliyaa xumaan iyo inaad Dambi sameyso

5. Dad badan oo aragtida wejiga keliya wax ku jeclaada gadaal bay ka qoomameeyaan sababtoo ah Jaceylku marnaba kama dhasho quruxda wejiga balse quruxda Qalbiga


6. Intaadan qofka jeclaan marka hore fiiri inuu naftiisa jecel yahay, haddii uusan naftiisa jeclayn adigana jaceyl kuma siin karo

7. Goortii qof uu ku jecel yahay, ma aha had iyo jeer in ay afka ka sheegaan, waxaad mar kasta ka garan kartaa habka ay kuula dhaqmaan

8. Haddii qof aad is jecleedeen kaa taago, ha murugoon, ha matagin, ha is gubin, cuntada ha ka soomin, heeso badan ha isku maaweelin. Fiiri naftaada in aad nooshahay oo neefsaneyso ka dibna horay u wado noloshaada. U sheeg qalbigaaga in qof kaa tagay ee aysan ruuxdaadi kaa tegin.

9. Ha u bedelin midabkaaga iyo naftaada si dadku kuu jeclaadaan. Ahaw qofka aad tahay dadka saxda ah ayaa ku jeclaanaya

10. Dadka sida dhabta ah isu jecel si sahlan kuma kala haraan. Haddii ay jirto Boqol sababood ay ku kala tagi karaan waxay helaan Hal sabab ay ku wada joogi karaan

Sunday, February 7, 2016

Aabe wiilkiisa la dardaarmaya: waxuu yiri wiilkeygiyow tobankaan tilmaamood hadaad ku dhaqaadid oo...

5:59 AM 1
Aabe wiilkiisa siiyay fariin dardaaran ah , taasoo qof waliba oo rag ah oo guursan raba looga baahan yahay inuu ka faa’ideysto waanadan.

Aabaha ayaa hadalkiisa ku bilaabay.

Wiikeygiyow, hodantinimo iyo farxad ku heli meysid gurigaaga ilaa iyo inaad iga aqbashid toban tilmaamood oo lagaaga baahan yahay inaad ku dhaqaaqdid oo aad fulisid, waxaana kaa doonayaa inaad xafido oo aad ku dadaashid.
Midda koowaad iyo midda labaad: haweenka waxay jecel yihiin in la isku muujiyo , loona cadeeyo jaceylka, ee wiilkeygiyow xaaskaaga haka baqiilin inaad u bandhigtid jaceylka , hadii aad bakhiil dhankaas ka noqotid , adiga iyo iyada waxaa idin soo dhexgalaya mugdi iyo is afgaranwaa , waxaana hoos u dhacaya kalgaceylkii aad isku qabteen.


Midda sadaxaad: wiilkeygiyow haweenku waxa ay neceb yihiin ninka go’aankiisa uu adag yahay , waxayna adeegsadaan ninka laciifka ah ee jilicsan, ee tilmaan kasta waqtigeeda la imoow , waxaad –na xaaskaaga ugu baaqdaa jaceyl iyo xasilooni oo ay ku jirto deganaansho.

Midda afaraad : wiilkeygiyow dumarku waxay jecel yihiin in nimankooda ay ka helaan hadal macaan , muuqaal qurxoon,labis qurux badan iyo udgoonka carafka badan ee jirkiisa iyo dharkiisa ee sidaa ku dadaal , waxaana kaaga digayaa inaad xaaskaaga hoosta ka gashid adigoo dhidid badan uu qoyay jirkaaga iyo dharkaaga , waxaad-na xoojisaa nadaafadda iyo bilicda .

Midda shanaad: guriga waa boqortooyada dumarka , waxaana ay ku dhex dareentaa xaaskaaga in afartiisa gees ay iyada xukunto oo marwo ay ka tahay , wiilkeygiyow waxaan kaaga digayaa inaad burburisid boqortooyadaasi oo ay xaaskaaga ku nooshahay , ayna maamusho, waxaan kaloo kaaga digayaa inaad ka ceyridid boqortooyadaasi oo ay ku nasato , waxaan markale kaaga digayaa inaad awoodda guriga ka qaadid oo aad furtid , waayo taasi waxay abuuri kartaa cadaawad .

Midda lixaad: wiilkeygiyow , haweeneydu waxay jeceshahay inay ninkeeda kasbato oo ay soo jiidato ,qoyskeedana ay xiriiriso, waxaan kaaga digayaa in nafsadeeda iyo ehelkeeda aad isku mid ka wada dhigtid oo hal miizaan aad wada saartid , waa inaad xaaskaaga ku tiraahdaa inay kala doorato ehelkeeda iyo adiga , waxaad ogaataa hadii ay ehelkeeda ay doorato in had iyo jeer cadaawad joogto ay jiri doonto oo gurigaaga aanu deganaansha ka dhex jiri doonin marnaba oo faragelin hoose iyo mid muuqata laguugu sameyn doono hab maamulka qoyska.

Midda todobaad: dumarka waxaa laga abuuray feer qaloocan, taasina waxaa ku jiray sirta quruxda iyo soojiidashada , waxaadna ogaataa in abuurka allah aanu ceeb aheyn..hadaba hadii ay qalad xun oo aan naxariis laheyn ay sameyso xaaskaaga ,fadlan iskuday inaad toosidid qalooca jira adigoo ka taxadaraya inaad jabto , waayo jabkeeda waa furiin, hadii ay qaldanto haku siideynin inay qalooca sii wadato oo uu dhibka sii kordho, ha noqonin qof dabacsanaan badan , ha noqonin qof ad adeeg badan , waxaad noqotaa nin heer dhexe ka ah labadaasi arrimood.


Midda sideedaad: dumarka waxaa loo abuuray inay fogeeyaan ehelka , ayna diidaan wanaaga , hadii hal waqti aad wax wanaagsan u qabatid , waqtiga xigana aad xumeysid, waxay kuugu jawaabtaa oo ay ku oraneysaa ” weligaa wax kheyr ah kaama arag, iimana aadan sameyn” , hadaba waa inaad ugu dulqaadataa arrinkaasi oo aanad u moodin naceyb ay kuu qabto , kadibna aad ka carartid , hadaba wiilkeygiyow waxaan kaaga digayaa inaad degdeg ku furtid xaaskaaga oo nin kale oo arrintan raali uga noqonaya uu guursado.

Midda sagaalaad: haweeneydu waxay la soo gudboonaada xaalado tabar darro jismiyadeed iyo mid nafsaani , xitaa allah wuxuu ka cafiyaa waxyaabo badan oo waajib ku ahaa gudashadeeda , waxaana loo cudur daaray dukashada salaada xilliyada ay qabto dhiigga caadada iyo dhiigga dhalmada , waxaa sidoo kale loo cudur daaray soon-ka inta ay qabto labadaasi dhiig ilaa iyo inta caafimaadkeeda uu ka soo laabanayo, waxaad xilligaasi u noqotaa kaaliye gacan siiya oo u fududeeya waxyaabaha ay u baahan tahay , waa inaad xilligaasi aad yareysaa amarada aad siineysid , waayo ma ahan qof ka bixi karta oo gudan karta howlo badan oo aad u dirtid waqtigaasi.


Midda Tobanaad: wiilkeygiyow waxaad ogaataa in gabadha xaaska kuu ah ay tahay mid kuu qafaalan oo maxbuus kuu ah ee fadlan u dhimri una naxariiso , hana ku xadgudbin , waayo waa qof tabar daran oo laciif ah , hadii aad wanaajisid waxay kuu noqon doontaa raaxadii aad filaneysay iyo kheyrkii aad sugeysay, hadii aad xumaan ku qaabishidna waxay kuu noqon murug iyo mugdi mustaqbalkaaga galay ee sidaa ku dadaal.

Aabe waan kuu duceeyay, cadowgaaga ha jabo, weligaa guul ku waar.

Waxaad kaloo aqrisataa, HOOYO GABADHEENA LA DARDAARMEYSA

Thursday, February 4, 2016

Sheeko xiiso badan oo dhexmartay nin Yahuudi ah iyo kaniisadaha yurub.

9:18 PM 0
Berigii hore Yurubka wadaaddadooda loo yaqaan
Boob-ka ayaa dadka ka iibin jiray dhul ku yaal Jannada
(Jannadaa ifka lagu kala gadanayaa)
Dhulkaas oo ahaa mid qaali ah iyadoo qaalil ahna dadku waa
ku jabeen oo lacag fara badan bay ka bixin jireen aadna waa 
u xiisayn jireen. Qofku markuu dhul ka iibsado jannada wuxuu
isku hubsan jiray oo moodi jiray inuu toos u galayo janada oo denbi walba oouu sameeyoba uusan ku galeyn naarta.

Qofka dhulkaas iibsadaa waxaa la siin jiray (Aqoonsiga dhulkaas) oo warqad ah
oo uu ku qoran-yahay magiciisa iyo inuu leeyahay dhul ku yaal jannada. Kaniisadda faa'iidada ay ka heshaa waxay ahayd mid aan la rumaysan karin aadna u badan.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa kaniisaddii yimid nin
ah Yuhuudi wuxuuna la kulmay Boobkii wuxuuna weydiistay inuu
gato naarta oo dhan.
Wuu la yaabay Boobkii ninkaas Yuhuudiga ah wuxuuna ka codsaday
inuu ka sugo war.
Mas'uuliyiintii kaniisaddaa kulmay waxayna isku af garteen in 
1-Dhulka naarta aan la beeri karin oo ay abaari ka jirto.
2-Inuusan doqon kan oo kale ah uusan noo imaanayn oo dhulkaas raba
3-Inay kaga iibiyaan dhulkaas qiimo aad u badan oo uusan filayn.
4-Hadduu oggolaado inuu ku tago dhulkaas lagu khasaaray.

Markay u cid dirsadeen odayaashii kaniisaddu oo uu u yimid ayay u sheegeen
qiimaha lagu rabo naarta oo dhan.

Wuu ka oggolaaday waxayna u sameeyeen warqadihii la haanshaha inuu leeyahay 
naarta oo dhan oo weliba magiciisa ku qoran.

Markuu warqadihii hantiyay ayuu u baxay dadkii oo uu u sheegay inuu iibsaday
naarta dhammaanteed wuxuuna tusay warqadihii dhammaan dadkiina waa arkeen
inuu isagu leeyahay.

Markaasuu dadkii isagoo ilka caddaynaya ku yiri 
"Ogaada inaan anigu naarta oo dhan iibsaday waanan xiray oo cid idin ka mid
ah uma oggoli" 
Isagoo hadalkiisii sii wata ayuu ku daray
"Maxaad uga baahantihiin dhulka jannada iibsigeeda idinkoo og inaan naartaba leeyahay?
Idinkoo huba inaydaan gelayn naartaas aan hantiyay"

Markaasaa dadkii bilaabeen inaysan furaha jannada mar danbe iibsan illeyn wadnihii waa u dagaye.


Markaa kadib ayay kaniisaddii khasaaro u bilowday oo lacagihii soo geli jiray weydey.

Ka dibna kaniisaddii ninkii yuhuudiga ahaa bay u cid dirsatay oo ka iibsatay naartii 
iyadoo bixisay lacagtii uu dhiibay labo,labo,labo jibbaar qiimuhuu siistay.


Hadda tolow ma noolyihiin kuwa furaha jannada iibshaa?
Mar walba waa joogaane la soco! 

Wednesday, February 3, 2016

Sheeko Xikmad badan: Lixsaac soco, kadibna soo noqo oo waxaad soo aragtay isoo sheeg.

2:23 PM 0
Nin xikmad badan ayaa wuxuu u yeeray nin kale oo wuxuu ku yidhi jihadaa(intuu meel u tilmaamay) aad oo lix (6) saac soco, ka dibna soo noqo oo waxaad soo aragto ii soo sheeg.

Ninkii sida la amray buu sameeyey oo dhankii loo diray buu u socdaalay, wixii ugu horreeyey ee uu arko waxay ahaayen asagoo maraya afka hore ee wadiiqad(waddo) u dhaxaysa laba buurood, ayaa wuxuu ku arkay wax yar oo dhalaalaya oo wadada dhex yaalla, wixii buu usha saas ugu dhuftay, bug! qarax baa dhacay labadii buurood baa is qabsada,y isla markii uu usha ugu dhuftayba! dhinaca ayuu ugaga wareegay oo socodkiisii sii watay, dabadeed wuxuu arkay guri qurux badan, gurigii ayuu albaabkiisii furay mase ur buuba dareemay sidaas ayuu u fiiriyay waxa gudaha ka soo urayo, wuxuu arkay in saxaro ka buuxdo guriga, wuu isa soo xidhay socodkii ayuuna sii watay.

Wali lixdii saac ma dhammaan sidaa awgeedna socodkii ayuu sii watay, dhacdadii saddexaad ee uu la kulmana waxay ahayd inuu arkay rati gaajo la soo gotay oo dhex taagan dhul Ilaahay swt doog iyo barqaaqo ku mannaystay balse aanan cunayn naqa iyo doogga baxay.

Wuu ka sii socday oo misna wuxuu la kulmay rati kale oo fadhiya oo ay calooshiisii iyo qaybaha jirkiisa ay iska daldalanayaan weer, dawaco, dhurwaa, abkay bahaloo dhan danse aan ka lahayn ee iska daaqaya oo naqa iska raamsanaya!

Wuu iska sii socdayoo ugu dambayntii wuxuu la kulmay gabar qurxoon oo gadaal gadaal u sii ordaysa, gabadhii buu daba orday saa way ka sii cararaysaa wuu gaadhi kari waayay.

wakhtigii baa dhamaaday ee lixda saac ahaa kolkaasuu iska soo laabtay.

waxuu u yimid ninkii markii hore diray wuxuuna u sheegay waxyaalihii uu soo arkay oo dhan, dabadeed wuxuu ugu jawaabey hadaba waan kuu fasiri waxaad soo aragtay ee i dhagayso:
1. wixii dhalaalayay ee aad usha ku dhuafatay ee isla qarxay oo labadii buurood in ay is qabsadaan sababay waa FITNO, fitnadu marka hore way huruddaa markiise la toosiyo dhib wayn baa yimaada iyo khasaaro wayn. tusaale aan ku darsado nin ayaa nin dilaya, hadaba ninkaas kali ah ee dhintay ayadoo si sharciga islaamka waafaqsan looga heshiin karo baa mararka qaarkood inta fitnadaas yar la huriyo ay dhashaa in 100 nin oo kale ay ku dhintaan.


2. gurigii quruxda badnaa ee aad la kulantay gudahana saxaradu ka buuxday waa TAARIKU SALAAD ama qof salaadii ka tagay oo ma tukade ah, waayo qofka aan tukani korka labis buu xidhanyahay, jirka waa qurxinayaa oo dushiisa wuu qurxin karayaa balse qalbiga waxaa ka buuxa saxaro, waayo waa qalbi aan Alle xusin u sujuudin oo aan xasuusan.

3.Ratigii kaynta barwaaqada ah taagnaa balse qatanaa waa BAKHAYL ama dhabcaal, waayo bakhaylku xoolihiisa cidna wax kama siiyo asna kuma baahi baxo, oo wuu ka qatan yahay waana arrin dhibteeda leh .

4. Ratigii xubnihiisa la iska cunayay ee aan danta ka lahayna waa DEEQSI, deeqsi xoolihiisa dadkoo dhan baa cuna dhibna uma arko naftiisana ugama bakhaylo, dadkana ugama bakhaylo.

5. gabadhii gadaal gadaal u cararaysay, waa ADDUUNYO adduunyo waligaa daba orod gaari maysid.

Waxaa Rajaynayaa in aad wax badan ka faaideysateen, sheekadaan xikmada badan.

Tuesday, February 2, 2016

Sheeko yaab badan: Sodohdii Xaasidnimada badneed.

3:12 PM 0
waxaa jiray islaan waxeey dhashay ciyaal, ciyaalkii wiil ka mid ah ayaa weeynaaday oo qaan 
gaaray waxuuna guursaday gabar aad u fiican oo baarri ah una roon ninkeeda iyo hooyadiis.
laakiin, islaanta wiilka dhashay gabadha meeysan jecleen marka subax kasto markeey gabadha soo kacdo 
waxaa u imaato islaanta soddohdeed ah ka dibna weey u ducaysaa waxeeyna dhahdaa "Gurigaaga waa nadiif ee 
maandheey wax kaa wasaqeeyo Ilaah kuma tuso!" 

gabadhii waxeey dhahdaa aamiin, Markasta oo sodohda u duceysana aamin ayey dhahdaa, lakinse maalintii danbe waxaa u imaatay gabadha hooyadeed kadibna ayaga oo isla joogo
aya waxaa yimid soddohdii, markaas gabadha hooyadeed waxeey aaday qol ka mid ah guriga waxeeyna 
iskaga tagtay gabadhii iyo sodohdeed kadibna soddohdii markeey baxeeysay ayeey waxeey dhahday
'maandheey gurigaaga nadiiftiisa fiicanaa Ilaah wax kaa wasaqeeyo kuma tuso' gabadhiina waxeey
dhahday 
'aamiin' waxaana maqashay hooyadeed oo ku jirtay qol kamid ah guriga gabadhii hooyadeed ayaa soo baxday oo waxeey ku dhaday sodohdaa saan meey maalin walba kuugu 
duceeysaana gabadhii waxeey la soo dooday haaaaaaaaaa hooyo waa soddoh aad u fiican kadibna
hooyadeed waxeey ku dhaday berri markeey kuu imaato oo eey ku dhado wax gurigaaga kaa 
wasaqeeyo Alle kuma tuso waxaad ku dhadaa, kuligeen aamiin. 
Haye ayeey dhaday gabadhiina, 
kadibna maalintii danbe markee imaatay sodohdii sidii caadada u ahayd ayeey dhahday oo ahayd, Gurigaaga nadiifsanaa, Ilaah wax kaa wasaqeeyo kuma tuso, gabadhii oo dardaaranki hooyadeed xasuusato ayaa
lasoo booday aamiin hooyo kuligeenba. 

kadibna sodohdii baa qeylo afka furatay oo waxey tiri, ha i cunin hana i habaarin qumayayahay, ileen inkaar qabtada gabadha umeeysan duceyn jirine, habaar bey ka waday.
Xaasidnima ma fiicno walee, sodohyooyinka qaarna waa wax laga duceysto.

Thursday, January 28, 2016

Hooyo Gabadheeda oo aroos ah la dardaarmeysa: Gabarteydiiyay u noqo ninkaga sida walaashii oo kale.

2:48 PM 0
Hooyo ayaa gabadheedii la fariisatay inta aynan guriga habeenka koowaad ee aroos-ka ah la geeynin , waxaana ay u sheegtay dardaarankani.
Waxaana hooyada ay ku tiri gabadheydiyeey hadii aad iga aqbasho dardaarankan aan kuu hayo waad ku guuleysaneysaa guur-kaaga.


Marka hore , waxaad ogaataa inaad ka baxday nolol una baxday nolol kale , kan tagtay guri una guurtay guri kale , waxaad noqotaa sidii hirar-ka badda oo dabeyluhu ay rog rogayaan , waxaad-na iga fahamtaa ereyadan aan ku leeyahay 


Hadii uu gacanta kuu soo taago habeenka koowaad ee aroos-ka , waxaad u muujisaa dabacsanaan , deganaansho,farxsad iyo furfurnaan.

Hadii mid ka mid ah garbahaaga uu qabsado , wax wal wal ah ha dareemin
Gabdheydiyeey ogsoonow , in jaceylku uu ka yimaado qalbiga , ee u muuji jaceyl , una noqo qof daacad ah , amarkiisa qaado , wixii uu kaa diidana ka joogso oo ha mucaaradin fikirkiisa , hadii uu qaldan yahay si degan wax u fahamsii oo u sax .

Gabaheydiyeey .. u noqo ninkaaga hooyo dhanka xanaanada ah , u noqo sidii gabar walaashii ah oo kale oo guriga la joogta, u noqo xaas gogosha ku qancisa iyo gabar isaga adeecda oo kale , fadlan faraha hala gelin wax aanu adiga ku khuseyn ,waxaad-na ahaataa qof dhoolacadeyn badan.

Gabadheydiyeey ogsoonow , inaad waqti badan ninkaaga la noolaaneysid haduu allah ogolaado , ha noqoto maamo ama bil ama sanad , waxaa intaba waajib kugu ah inaad kula noolaatid naxariis , una hugi raaxo , waayo ninka xaaslaha ah sidaa ayuu aad u jecel yahay.

Gabadheydiyeey .. waxaad badisaa ereyada macaan aad isaga ku amaaneysid sida Amiir-keyga, dooqeyga , gacaliyaheyga,macaankeyga, raaxeeyihii nolosheyda,riyadii nafteyda,ruuxii qalbigayga,ilwaad-kii quruxii indhaheyga,xabiibii ,malabkeyga iyo ereyo kale oo soo jiidan kara .

Waxaad ogaataa in waxa ugu muhiimsan uu yahay in hadalka marka uu qalbiga ka soo baxo uu ku sii dhaco qalbiga kale , ee hadalka markii aad ku dhawaaqeysid u muuji daacadnimada jaceylkaaga , hana ku caasinin amarkiisa , oo had iyo jeer isaga ka fikir oo qura .

waxaa jira waqtiyo muhiim ah inaad ilaalisid..

Haku qaabilin caajis hadii uu kuu yimaado isagoo faraxsan, ha u sheekeyn hadii uu kuu yimaado isagoo careysan, hadii uu kuu yeerto haku celcelin hadalka , waxaan kaaga digayaa inaad ku qaabishid dharka kushiin-ka ee wasakhda ah , waxaad ku dadaashaa cadayga iyo nadiifinta afka iyo udoon-ka jirkaaga , mar waliba oo uu ku arko waa inaad ahaataa qof caraf badan.

Gabadheydiyeey waxaad dha dhansiisaa ninkaaga farxadda dhabta ah , waayo wuxuu kuu noqonayaa mid si aad ah kuu jecel , kuna dadaal qubeys-ka si aad u noqotid mar waliba qof diyaar ah , goor waliba oo aad aragtid inuu ku soo eegayo , waxaad ka dhunkataa labada bushimood, sidoo kale markii aad aragto inuu ku damcayo , isaga tag wixii howl ah oo aad horey u heysay , ee ku qaabil raaxo dhameystiran.

Gabadheydiyeey .. waxaad sameysaa wixii Alle iyo rasuulkiisa ay ku fareen , hana ka tagin diintaada islaamka oo raali geli ninkaaga .

Gabdheydiyeey .. waxaad eeg eegtaa inta u dhaxeysa sankiisa iyo indhihiisa , waa inuu kaa carfiyaa udgoon fiican , indhihiisuna waa inay ku dhacaan oo ay qabtaan meel qurux badan oo jirkaaga iyo guriga ka mid ah, kana ilaali wax waliba oo uu ceebeysanayo.

Gabadheydiyeey .. hadii uu kuugu yeerto gogosha ama uu kaa dalbado , u dhowow adigoo aan diidmo ka muujineynin arrintaasi , waxaad-na tusisaa galmood-ka noocyadiisa kala duwan iyo albaabada raaxada si uu had iyo jeer kuu dalbado, hadii isaga aanu dooneyn isku tegidda (jamaaca) adiga jirkaaga u muuji , kana dhunko afka , si fiican iskugu duub jirkiisa , waxaad-na xilligaasi neefsataa neef dheer .

Hadii uu kuu soo galo isagoo murugeysan , ku qaabil dhar jirkaaga uu ka dhex muuqanayo , iskuna duub , oo labada dhaban ka dhunko , oo xod xodi laab laabatada jirkiisa , la cayaar , timihiisa faraha la gal, laabtiisa(xabadkiisa) urso oo sanka saar, kuna dheji xabadkiisa ibta ( fooda naasahaaga) , kuna badi cayaarta si ay uga baxdo murugtii iyo ciilkii horey u hayay ninkaaga .

Jaceylka aad u qabtide seygaada xooji , wax waliba oo yar , misana weyn isaga kala tasho , weligaa wax sir ah haka qarin, waxaad iskugu kala badashaa noocyo kala duwan oo cayaar ah oo ay raaxo ku jirto si aaney maskaxdiisa ugu soo dhicin wixii horey isaga murugta u keenay.

Gabdheydiyeey ogsoonow.. markii aad isaga damacdid waxaad si fiican u eegtaa indhihiisa , waayo indhaha waa hogaanka ragga .

Ha uga sheekeyn wixii uu neceb yahay , hana ku qasbin fikir aad wadatid iyo waxyaabo uusan awoodin , waxaad ka dhigtaa ninkaaga ninka ugu farxadda badan dunida marka loo eego , waayo hadii gurigiisa uu ka shaqo tago aroortii hore isagoo weji caro ay ka muuqato taasi wanaag kuuma ahan .

Gabadheydiyeey .. ha badin jil jileeca iyo dabacsanaanta oo kolkii dambe uu kuu moodo qof duleysan oo nin waliba sidan ku qaabileysa marka uu guriga ka maqan yahay , hana ku badin faanka iyo ammaanta aad u jeedineysid oo kolkii dambe uu kuugu kibro , hana ku badin su’aalaha , ha is ilowsiinin yaanu ku iloobine , waxaad-na ka noqotaa arrimahaan mid meel dhexe ka taagan .


Hooyo .. Waxaan kugu boorinayaa inaad u salaaxdid , waayo nolosha ayaa sidaa ku qurux badan sida inaad madaxiisa dhabtaada aad saarto ,gacantaadana aad mar mariso timahiisa iyo jirkiisa , waxaad-na isku daydaa inaad ku gacan siisid wax waliba oo aad awoodid
.

Gabadheydiyeey .. waxaad ogaataa in galmood-ka aanu aheyn oo qura in la isku tago balse ay ka horeyso cayaartanka , ka dhunka afka , oo labada bushimood si degan uga baashiyeey ( ka dhuuq) , waxaad dha dhansiisaa candhuufta afkaaga , waxaad nuugtaa carabkiisa , kuna buuxi xaraarada jirkaaga .

Hase yeeshee galmood-ka iyo isku tegidda waa goosha dagaalka iyo ujeed-ka ugu dambeeya ee la hiigsanayo , kolka aad aragto inuu ku dhiban yahay dagaalka oo aad ka guul gaari rabtid , si adag ugu soo duub laabtaada oo ku qabo, in kabadan dhunko, ereyo macaanna ku dheh xilligaasi oo si akhlaaq ay ka muuqato sida waan ku jeclahay, adiga ayaan kuugu dhimanayaa , waad i farax gelisay, Allah ayaa ii kaa doortay, Allah ku dhowro iyo ereyo kale .

Waxaad u diyaarisaa wixii uu doonayo , gososha iyo qolkana si aad ah u carfi , dharkiisana ha noqdeen kuwa nadiif ah, naftaadana u qurxi qaabka uu isaga u jecel yahay ee uu doonayo inuu kuugu arko sida labiska iyo quruxda.

Gabdheydiyeey .. waxaan kaaga digayaa xanta iyo isku dirka dadka , waxaad ilaalisaa oo aad xafidaa sirtiisa , maalkiisa , ehelkiisa, sharaftiisa , waxaad-na badisaa allah ku xirnaanshaha .

Gabadheydiyeey .. maxaa ka qurux badan habeenka aad naftaada carfisid , qolkaaga carfisid , oo jawi degan oo aan buuq laheyn ku qaabishid ninkaaga, fadhi qurux badan , cabitaano kala nooc ah iyo codad naxariisyo ay ku dheehan yihiin, heedhe waa qurux iyo xasuus habeenkaasi .


Ugu dambeyntii gabadheydiyeey .. hooyadiisa jeclaaw oo si aad ah ugu naxariiso , waxaad ninkaaga ku guursatay waa ogolaanshaha qoyskiisa , waxaad raali gelisaa isaga iyo qoyskiisa oo xiriiri walaalihiisa , una dhimri, iyagaa ku jeclaan doonee .

Gabadheydiyeey .. markale waxaan kuugu celinayaa inaad si fiican u xushmeysid hooyada dhashay ninkaaga oo jaceyl u muuji si ay kuu jeclaato , kuuguna kalsoonaato , waxaadse ogaataa in hooyooyinka marka wiilashooda ay gabdho guursadaan ay si weyn u dareemaan in kala bar jirkooda la siibtay oo uu lumay , laakiin adiga hadii aad tahay qof wax garad ah waa inaad isbaaradaasi kaga gudubaa naxariis iyo jaceyl , waayo kolkaas hooyadiisa waxay kuu jeclaaneysaa in ka badan sida ay wiilkeeda u jeceshahay , waxaana xilligaasi ku jeclaanaya ehelkiisa iyo tolkiisa , anna waan ku jeclahay ee sidaa ogsoonow , farxad iyo barwaaqo ayaanan kuu rajeynayaa ,hooyo guuleyso weligaa
HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:


WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

Tuesday, January 26, 2016

Qiso xiiso badan oo aad u faaido badan: Ninki danyarta ahaa iyo shimbirtii caqliga badneed.

9:25 AM 0
Nin iska danyar ahaa xoogsatana ahaa oo muruq maal ah, oo  ku nolaa meel magaalo ah oo keyn badan ku dhaweyd, ayaa wuxuu ahaa nin xaabeeysto ah oo xaabada ii biya, wuxuu ahaa nin iska danyar ah dhar wuxuu ka heystay labo qeyd iyo kabo dhamaaday,

dameerna waa uu lahaa oo xaabada ku soo qaato Aroorta hore dhirtu, sidaa ugameysan fogeyn magaalada oo waxay aheyd magaalo uu xaalufku gaarin dadkeeduna dhaqaaleeyan dhirta. waabariga markuu salaada tukado ayuu ninkaasi dameerkiisa ku xiri jidhay hogaanka oo ka xeysan jidhay oo uu u dhaqaaqi jidhay keyn uu asteestay oo dhinaca xaabada ku wanaagsaneed dhirbadana,
dhir badan oo dhimatay oo dhacdayna tiil halkaas oo uu ka soo guran jidhay xaabada , dhir qoyan muugoyn jidhinee, dabadeedna halkaas ayuu ku rari jidhay dameerkiisa. Oo loodhka ama rarka kaliya .dameerka markuu keeno magaalada ayaa goobo mehrado ah oo makhaayado oo uu yaqiin oo macmiil u ahaa uu ka iibin jidhay barqo horaba wuxuu heli jidhay masaariiftiisa.Nin aad u farxad badan kaftan badan buu ahaa Saabir ah Oo risiqa Illaah u qoray ku kalsoon, ogna in Illaah arsaaqdiisuna ay kordhi karto.
Hadaba goobta uu xaabada ka soo guran jidhay waxaa joogay isagana shinbir uu Illaah awood u siiyey inuu hadlo , Shinbirkaas markuu ninkaa halkaa yimaado ayuu ku dhawaaqi jidhay oo ku celcelin jidhay weedh kaliya oo ah
” Dad ladnaan ma’xejiyo ”
Dad ladnaan ma’xejiyo
Dad ladnaan ma’xejiyo

Ninkaasi intuu dhoola cadeeyo markuu xaabda guranayo ayuu odhan jidhay war shinbirkan iska waaqwaaqleh iska hadlaya bal anaga Illaah muuna siiyo ladnaanta anagaa lanaga furfureen oo xejisan laheyn.
Waxay sidaas iskugu jawaabaanba isaga iyo shinbirkaasba maalin maalmaha ka mid shinbirkii hadalka kordhiyey oo ku yidhi war nin yahow xaabada guranaya waa diga i yidhaahda anaa xejisanaya ladnaantee bari laga bilaabo ladnaan baad galeysaaye ee bal ku tala galoo xejiso.
Oo sidee baan ladnaanta ku gaarayaa ayuu yidhi? Illaah baa ku gartay buu shinbirkii yidhiye markaad aad ka baxeyso geed dahan ee aad xaabada wadato eeg dhinacaaga midig ee geedka caleemaha waa weyn magaciisa waxba ha’iweydiine caleentiisa waxoogaa gunto oo qaado,
baraa lagu weydiin donaaye,
Waaga haduu baryana  haku soo kalihin keyntanee magaalada bartankeeda iska maax raga aad la kulanto ee wax ku weydiiya u sheeg inaad wax dabiibi karto,
sidii buu yeelay ninkii oo waagii markii uu baryey dameerkii xarigga kama furinee intuu iska fooldhaqday cadeyday shaax iyo Illaah wuxuu u calfay cabay
Magaalda dhulaanu gaari jidhin bartankeeda iska dhex maaxay , barqadiiba waxaa uu la kulmay askarka ka tirsan boqorkii markaa maamuli jidhay ciidamadiisa ka mid ah magaaldaas,

ragiibaa is hortaagay yidhi inna ba maka taqaan dabiibka ninkaagan, markas buu yidhi haa Illaah baa i baray oo anigu waan shafiyaa dawooyinkana waan akhanaa, qofkii markaa Illaah u garto daawadaa waa ku bogsadaa.
Ina keen bey yidhaahdeen hadaba baryahanba nin wax dabiiba la rabay oo la raadinayey dadbadana wey isku taareen, oo inan baan ku geyn donaaye haduu Illaah kugu dabiibo gacan taada dheregtay maante.
waala soo kaxeeyey oo boqorka aqalkiisa la keenay inan bukta ayaa ladoonayey in loogeeyo boqorkii bey sii mariyeen oo dhaheen nin kan baan soo helnay oo dabiiba.
Boqorkii baa intuu qoslay yidhi warmaxaad qabataa,
Ayuu yidhi xabadaan soo gudhaa
Dad hore miyaad dabiibtay?
Markaas buu yidhi mayee anaa og oo inantan waan dabiibaya aniga igu tijaabiya
Inantii baa la dul geeyey oo caleentii gacanta ku hayey yidhi qaadh calaasho , inantu markaa waa qalfoof sariirtaba lagama garanayo, waa qof diifeysan, hase yeeshee quruxdii uu Illaah siiyey ay ka sii muuqato lafuhu ay ka soo wada baxeen daamanku ay hoos iskugu dhaceen hilibkii kawada dhamaaday oo wada lafo ah.
Inantii ileen waa qof u dadaaleysa nafteeda caleyntii bay afka galisay waxoogaa haday raamsatayba wey soo fariisatay,ayaamo kadibna waa ladnaatay.
Boqorkiibaa dabadeed ninkii u yeedhay oo yidhi balan baa iga dhacday Waana fulinayaa Illaahay hortii inantaa markey ladnaato adaa guursanaya,
dad kale malihi oon iyada aheyne adaa gacan yare adiga ani ii ah
Kaxeeya ayuu yidhi oo u soo labisa oo ninkan dharka ka soo fura,dharfiican baa loo soo galiyey,oo waa lagu soo celiyey,oo inantii ayaa lagu mehriyey.
Subaxii habeenkii uu la aqal galayey subaxeedii ayuu boqorku u yeedhay mafaatiixdii khasriga oo dhan buu u dhiibay oo yidhi adigaa ka masuula khasrigaas dhan,meelkasta wax yaaliin waa kuwaa mufaatiixdii,
muftaaxaa qudha kala hadhay maskhin kaliya ayaan ku ogaleyn waana kan muftaaxan furo,kaana anaa kala hadhay ayuu yidhi, ninkii waa hagaag buu yidhi raalibaan ahay. Farxad iyo reereyn buu ku maamulay aqalkii iyo baladkii iyo wadankii taladiisa loo dhiibay. Hase yeeshe markuumudo joogay,ayey talo ku dhalatay,inantii buu hiif kala bixi waayey aabahaa ani ima aaminsana,iguma kalsoona haday daacadka tahay kalsoonidiisu xilka ani igu wareejiyey muxuu muftaaxa iigala hadhay kaliya oo iigu dhiibi waayey inta kalana anaa gacanta ku haya , anu matuug baan ahay ma’waxbaan xadaa ima aaminsana wixii ugu wanaagsanaa malaha halkaas ayuu ku jidhaa inantii waxay tidhi
war sheydaanka iska naar
war nicmaad ku jirtaa
war xaboole ayaad ahaan jirtay
Waaka Illaah barwaaqo ku siiyey khasrigu ninku isagaa leh oo boqorkiiya haduu muftaax kaliya kaala hadho oo intii kale ku dhiibay maad Alxamdu lilaah tidhaahdid sheydaanka iska naartid.
dhinacii buu saas dhulka la dhigi kariwaayey habeenba habeenka ka danbeeya caradu sii badata, inantii iyo isaguu muran waaga ugu baryaa Orad aabahaa u tagoo muftaaxa wuxuu iiga heysto soo weydii,bal kaba soo qaad adu muftaaxi buu ka hari waayey.
Inantiina wey u bixi weyday oo tidhi aabahay waxaan wey diiyo oo naga maqan oo naga heysto garan mayo wax walba gacantaan ku heysanaa sheydaanka iska naar ladnaantaa baa ku jirtaaye xajiso waa kukaa Maalintii danbe isagii boqorkii isku maqiiqay oo u tagay isku catiiray oo yidhi baqorow iguma kalsoonid ani? boqorkii baa qoslay oo yidhi waayo maxaan kugu kalsoonaan waayey,(ninkii)ma’tuugbaab ahay anigu?(boqorkii) xaashaa kalaah oo wax ceeeb kugu arkay majidho.
(ninkii)boqorow oo hadaa maxaad muftaaxa iigala hadhay? (boqorkii)War muftaaxaa iska ilow oo inanow heyso howshaada
oo dee khasriga dhan adaa maamula anigu hadaan hal muftaaxkala hadhay maxaa kaa galay!. maalintaa ka tag hadana maalin labaad buu u yimid markuu mudo joogay.
Oo yidhi intaas inanta aan qabaa aad dhashay iga tahay hadaad muftaaxa ii dhiibin(boqorkii)waan ku dhiibayaa ayuu yidhi afar adoon halkan taagan yidhi qabta ninkan muftaaxan qaada makhsin uu sheegayo u fura alaabta ku jirtaa siiya isagana bananka u tuura.

Muftaaxii baa la soo qaaday afartii adoon oo gacmaha haya waa la furay mise waxaa ku jidha labadii qeyd ee uu xaabada ku guran jidhay iyo kabihii dhamaaday
dharkii baa laga furay intii baa loo xidhay isagoo ku qaylinaya ninkii war idaaya ayaa banaanka loo tuuray buulkiisii yaraa ayuu ku noqday isagoo ciilshoon subaxii xigtay ayuu dameerkii ka xeystay oo wuxuu tagay dhirtii, isagoo xaabada guranaya ayuu maqlay shinbirtii oo leh.
 Dad ladnaan ma’xejiyo ”
Dad ladnaan ma’xejiyo
Dad ladnaan ma’xejiyo
HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:


WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA