SUPPORT WEBSITE

Showing posts with label Qoraalo Wadani. Show all posts
Showing posts with label Qoraalo Wadani. Show all posts

Sunday, January 28, 2024

CIIL WALAAL MISE HIIL WALAAL?. QORAY Fahad Yassin.

12:15 AM 0

 CIIL WALAAL MISE HIIL WALAL? Qoray Fahad Yasin.


ISMAACIL CUMAR GEELLE

Mar walba istiraatiijiyadda Madaxweynaha Jabuuti

waxay ku salaysantahay balaayo waa la iska moosaa, wuuuna awood walba galiyaa sidii Soomaaliya ay qalalaase joogta ah ula noolaan karto oo dib loogu dhigi

karo dhismaha dowlad ka caga dhigata Soomaaliya.

Markii uu Abiy Axmed bilaabay inuu ka hadlo sidee Itoobiya ku gaari kartaa badda, waxaa u caddaatay Ismaaciil Cumar Geelle inuu dad culus kusoo wajahanyahay, wuuuna dajistay qorshe sirdoon iyo mid

diblomaasi oo uu isaga leexin karo majaddan kusoo

jeeda Jabuuti, wuuuna qaaday tallaabooyin wax tar u

leh dalkiisa.

Koow: Wuxuu Itoobiya kala hadlay inuu ku qanciyo

Soomaaliya ayaan idin la qalqaalinayaa inaad wada gashaan heshiis wax kala badalasho ku dhisan oo ah in Itoobiya ay hesho bad, wana loogu baddalo Soomaaliya. Qorshahaas, wuxuu kala hadlay

Madaxweyne Xasan Sheekh, oo tallaabadaas aanan didmo ka muujinin, haddana ka cabsaday inuu horay ugu sii soda. Dabeecadda Abiy oo boobsiiska jecel iyo

dhaganka Xasan oo daahista u sifaysan baa dib u dhigay

hirgalinta heshiis dex mara Soomaaliya iyo Itoobiya.


Geelle, isagoo dareensan wagtiga sida seefta oo kale u socda, wuuu dajistay shax kale oo aad u xeel dheer isagoo ka dalbaday Madaxweynaha Soomaaliya inuu ka aqbalo in Jabuuti lagu qabto shir wada hadal Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo cinwaankeed yahay xoojinta wada xaajoodyadi horay usoo socday. Codsigaas wuu aqblay Xasan

Sheekh, isagoon ogayn dhagarta ku hoos qarsoon.

Dhanka kale, Ismaaciil Cumar wuxu kula heshiiyey

Itoobiyaanka inuu Xasan ku qancinayo inuu u fasaxo in

Somaliland iyo Itoobiya ay galaan heshiis ay ku helayso bad iyo dekado, qofka u saxiixayana uu nogdo Muuse Biixi, ayaga

oo haysta ogolaashaha Villa Soomaaliya. Sida caadada ah, mar walba Ismaacil iyo Muuse waa isla socdaan, cidda siran waa Muqdisho.

Wajigi muuqday ee shirka kolku dhamaaday, wuxuu

Ismaaciil hordhigay Xasan Sheekh ajandihii qarsoonaa ee

shirka loo qabtay. Wada hadal kooban kaddib, waxaa khadka telefanka lasoo galiyey Abiy Axmed oo ay Geelle isa sii ogaayeen, halkii baana loogu sheegay Abiy in Madaxweyne Xasan uu ogolaaday in Muuse Biixi uu la gali karo heshiiska badda, laakiin shuruudo dhawr ah buu wataa Xasan oo ah, inaanan Muuse la siinin maamuus dal madax bannaan iyo in heshiiskan uu horudha kaliya nogdo, heshiiska oo buuxana

lala sugo Dowladda Federaalka. Sidoo kale, inaanan lagu dhawaaqin heshiis tafaasiil xanbaarsan oo hadallo guudmar

ah un lagu soo koobo.


Markii uu Madaxweyne Xasan usoo duulay Muqdisho, Muuse

wuxuu toos u aaday Addis Ababa si wadaxaajoodka guud u

galo. Nasiib darro, heshiiskii Ismaacil dhedhexaadka ka ahaa

sidii loogu ballamay looma fulin.

Madaxweyne Xasan Sheekh ballanfurkaas waa ka carooday, waaana saldhig u ahaa laba godob; maamuuskii garoonka

Addis Ababa lagu siiyay Muuse Biixi iyo in heshiiska ay si toos ah u kala saxiideen Abiy iyo Muuse, taasoo aan waxba u

reebin Xasan Sheekh.

Codobka kale, waa in lagu soo daray erayo qeexaya in Somaliland la aqoonsanayo oo sidii dal madax bannaan loola dhaqmayo.

Sidaad wada xusuusataan Madaxweyne Xasan dhawr

maalmood ayuu aamusaa oo dhakafaar ku jiray oo marna

Geelle wacay, marna dajisanayey qaabkii uu uga falcelin lahaa

gadoodka shacabka ee cirka isku shareertay. Ilaa iyo hadda

waxaa muuqata in Madaxweynuhu lug u laaban tahay,

waxayna ka muuqata sida wali loo qaadin talaabo u qalanta

waxa dhacay.

Geelle, saddex qolaba halmar buu gool kawada dhaliyey.

Itoobiya mashruucii bad raadinta wuu ka dhiciseeyey. Muuse

Biixi, ceeb iyo fadeexad buu dhex fariisiyay, Soomaaliyana

buug iyo galalaase muddo soconaya buu ku abuuray. Tan ugu

muhiimsan waa in uu iska dadbay damacii Itoobiya oo uu

Jabuuti ka leexiyey mawjaddii bad raadinta ahayd.


Waa kuma Ismaaciil Cumar Geelle?

Madaxweynaha Jabuuti, haddii Soomalida qaarkeed u

taqaanno (Hiil walaal), waxaan anigu u aqaanaa (Ciil walaal),

waana sababahan dartood;

Koow: Dagaalka 1977dii Mudane Geelle, wuxuu hub iyo saanadba ku caawin jiray nidaamkii Mingistu, taasna wuuba

ku faanaa.

Labo: Jabhadihii arumaha ka dhigtay Itoobiya ee la

dagaallamayey dowladi Janaraal Maxamed Siyaad Barre wuxu usoo iibin jiray hubka iyo agabka ciidan.

Sadex: Shirkii Carta, waa sheeko dheer oo waqtigeeda la faahfaahin karo, wuuuse ahaa gorshe uu Geelle ku

fashilinayey istiraatiijiyad u diyaarsaday Alle ha u naxariistee

Mudane Maxamed Ibrahim Cigaal oo doonayey inuu Boorama ku qabto shir lagu heshiisiinayo walaalaha koonfureed, waxaana Cigaal ugu dhex qarsooneyd in shirkaas

ay ka dhalato dowlad midaysa Soomaali oo idil, uuna Madaxweyne ka yahay isaga qudhiisa.

Geelle oo taas ka hortagaya, ayaa doc faruuray gorshihii Hargeysa oo madadii koonfureed ka codsaday in shirka loo soo wareejiyo Jabuuti. Madaxweynihii hore ee Jabuuti Xaaji

Xasan Guuleed Abtidoon oo hawlgab ahaa tallaabadan wuu

ka carooday, wuuuna taagersanaa in Soomaalida la isku

daayo, oo shirka Ina Cigaal martigaliyey ay Jabuuti garab


Afar: Duullaanka maamulkii Tigreega kusoo qaadeen

Soomaaliya 2006dii taakulo siyaasadeed iyo mid diblomaasi ayuu Geelle la garab taagnaa Itoobiya. Xitaa madaxdii

Soomaaliyeed ee Jabuuti micinka biday wuxuu ku amray iney

dalkiisa degdeg uga baxaan.

Shan: Markii ay Kenya ku cadaadisay dowladii hore, inay dib u soo celiso kiiska Badda ee nagala dhaxeeyay, oo lagu gacansayray codsigaas, waxay abuurtay jabhado hubeysan oo

carqaladeeya amniga dhulka xuduudda ah, gaar ahaan xadka

Balad Xawo, Jabuuti waxay IGAD ka codsatay in iyada loo wakiisho xaqiiqo raadinta arrimahan. Soomaaiya way

aqbashay iyadoo aaminsan in ugu yaraan ay si cadaalad ku jirto kiiskan uga gun gaari karto. Balse Geelle wuxuu la saftay Kenya, wuuuna qariyay aqiiqdii la wada ogaa.

Xusuustaas oo idil waxaan usoo faagay, inaan hal suaal

weydiiyo Madaxweynaha Jabuuti. Intaas oo danbi iyo gabood

fal ah haddii ay taariikhda kuugu gorantahay, malaga yaabaa

inaad halmar Soomaali si bareer ah ula jirsato oo aad ugu hiilliso, waliba waxaa dalka Madaxweyne ka ah Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si gaar ah kuu shinsada, kaana mudan inaad u hiiliso.

Fahad Yasin

Wednesday, June 7, 2023

WARQAD FURAN OO FAHAD YASIN U DIRAY HAMZE.

9:34 AM 0

Raisul wasaare Hamze hala gaarsiiyo warqadan.

 


Waa warqadii iigu yaabka badnayd uguna dheerayd ee aan Akhriyo anigoon ogayn goor oo aan dhammeeyey.

Fahad Yasin oo Warqad furan u diray Raisal Wasaare Hamza.

Mudane Ra’iisul Wasaare, waxaan kugu salaamay, salaanta islaamka ee Asalaamu Calalaykum Waraxma Tullaahi.

Salaanta kadib.

Waa fariin aan hawada kuu soo marsiinayo laba sababood dartood.

Waa tan koowaadee; waxaa tahay qof xil qaran haya, sidaas darteedna waa dhaqan siyaasadeed in madaxda loo diro warqad furan.

Waa tan labaad e; aqoon shakhsi ah kuuma lihi oo qiyaas kama haysto fekerkaada iyo hannaankaada talo dhagaysiga, sidaas baan fariin qoraalkan kuugu soo dirayaa.

Tan iyo kolkaad xilka qabatay xanta magaalada kuu taal kama mid ahan musuqmaasuq, waase kaa muuqataa inaadan waxba ka qaban musuqa geesahaaga oo dhan mushaaxaya.

Tan hore waa tallaabo aad ammaan uga heleyso ummadda, ilaahayna aad ajar uga heleyso. Waliba, waxaa dad xog ogaal ah ii sheegeen inaad diiday saami-qeybsi maalinle ah oo ka imanaya dakhliga rakaatada ah ee isbaaro madaxeedka ah ee laga qaado Jaadleyda, waliba aad tiri, xoolo xaaraan ah ubadkayga iyo qoyskayga siin maayo.

Sifada labaad ee ah inaadan musuqa waxba ka qabanin, tabar yaridaada bay sheegaysaa, waadse muujisay sidaad u karhayso xoolaha xaaraanta ah ee laga sameeyo maandooriyaha Jaadka. Eeboow na astur.

Mid kaloo farxad lehna waa lagugu arkay, oo waa inaadan shisheeye ku xirmin oo danaha qaranka aad si qarsoodi ah kala heshiinin, ilaa iyo hadeer.

Ka Dhawrsanaan-taada labadaas cudur, waxaa sabab u ah ineysan kugu jirin garoojooyin siyaado ah oo kugu kicin karo labada shahwo ee dadka haadaanta ka tuurta,; waa shahwada maalka iyo shahwada xukunka. Laabadaasba hadii lagaa baaray, wali waxaa tahay qof ka badqaba. Sidaad noqon doonto mustaqbalka mooyee, waase ducaysantahay hadaad iska ilaaliso labadaas xanuun ee dilaaga ku ah dowladnimada.

Mudane Raisal Wasaare,

Intaas aan ku joojiyo faanka aan kugula dul dhacay, ee aad moodo inaan is ilaaway. Horta maxaan rabay inaan kaala hadlo?

Ma talo siin bey ahayd?

Ma taariikhayn bey ahayd?

Ma qolo kalaan u tibaaxayaa?

Ma tawaawac bay aahayd?

Intaas midkood kaliya maahayn ee waaba intaas iyo tuducyo kale oo lagu daray.


Mudane Ra’iisal Wasaare,

Afar waddo oo taariikhda soo martay baan kaaga war bixinayaa, mid shanaadna waa taladaan ku siinayo, marka sheekada isku karis baan ka dhigayaa ee hadba intii aad uga baahato ka adeego. Haddii aad dhammaantood iska xoortana, dhamaadkaada unbaa sheegi tubtaad ku danbeyso.

Afeef:

Tusaala-yaasha aan soo qaadanayo, madaxdii dhimatay waan ka leexinayaa wixii xanaf leh, waayo qof qabri galay qalin laga daba qoray, Alle ha u naxariisto ka badan lama qori karo, hadaysan duruuf cilmi doon ah kugu kallifaynin. Laakiin sida xeerku yahay, ruux aan iska kaa qaban karin, inaad halgaaddo waa gunnimo garaadka kaa gasha. Rabiyow magantaa.

Gogol-dhig:

Geeddiga qaran ee gaarigiisa uu gar wadeenka ka yahay Madaxweynaha wuxuu jecelyahay inuu ku socdo jidkii uu sheegay inuu guusha ku gaarayo ee uu ku talagalay, ee lagu soo doortay.

Wuxuu u baahdaa inuu dhiso xukuumad hirgalisa ajandayaashaas, oo ka bilaabanaysa magacaabista Ra’iisul Wasaare soo dhisa xukuumadda uu rabo Madaxweynaha ee uu soo ballan qaaday xiligii ololihiisa doorashada ama khubaro iyo awood siyaasadeed xubno uu u kaashanayo.


Halkaas kolka la marayo Ra’iisul Wasaaraha cusub boqolkiiba sagaashan wuxuu magacaabaa siduu jecelyahay Madaxweynaha, wuxuuna dadka u sheegaa dhaqan wanaagsan maahan ninkii i magacaabay inaan hadeer magacyo isku qabsano, isagaana la doortay, marka laba ama sadex waan dhex gashan karaa, laakiin u taga Madaxweynaha.

Waxaase qalbigiisa ku jirta Baarlamaanka yaanan lagu soo celinin xukuumadda ee is gaabi.

Xilligaas Ra’iisul Wasaaraha waa nin dhaga-nugul, daacad u ah Madaxweynaha, talo walba ula noqonaya, maalinta uu dhaafo Baarlamaanka ee uu helo codka kalsoonida ilaa sadex bilood waxaa ka qaadata inuu xilalka kala wareejiyo, sadexda bilood ee ku xigtana, waxaa shaqo u noqota inuu xafiiskiisa barto, xiriirka gudaha iyo dibada kala fahmo, laba safar oo dibada ahna aado, xan badanna uu soo helo.

Dibadaha wuxuu kusoo arkaa dowlado sadex nooc kala ah. Kuwa ku yiraahda maxaad farriin nooga sidaa Madaxweynaha? Kuwa ku yiraahda waxaan diyaar u nahay inaan adiga si gaar ah kuula shaqeyno, madaxweynahaga waa qof aanan la fahmi karin, marka diyaar ma u tahay inaan miisaaniyad, xiriiro caalamka ah iyo qorshe kuu diyaarino oon wada shaqayno? Waxaa jira kuwa saddexaad oo ah dowladaha aanan fahamsanayn xaaladda Soomaaliya oo wax ajanda ahna aanan ka lahayn, kuwaasna uma dhaafayaan soo dhawoow, Soomaalida waa dad wanaagsan. Maxaan idin kala shaqeynaa oon wada qabsanaa?

Markay lix bilood u dhamaato, waxaa geesaha ka bilowdo mawjado siyaasadeed, iyo muran joogto ah, wareerka halkaas ka bilowda wuxuu salfadaa saddex sano ee u horeysa Ra’iisul Wasaara-yaasha, sanadka afraadna waxay salfataa Madaxweynaha laftiisa.

Mudane Ra’iisul al Wasaare,

Halkaas markay joogto aan kuu kala sharxo khaatumada Ra’iisul Wasaara-yaasha iyo hab dhaqankooda kala duwan anigoo adeegsanayna eray bixinno kooban oo ka turjumayso siday albaabka uga baxeen.

Gaariga ka dag adigoo aanan qallibin

Waxaa dalka soo maray Ra’iisul Wasaare-yaal diiday iney ajnabi u shirqoolaan Madxweynahooda oo dano gurracanna uga fuliyaan gudaha dawladdooda. Sidoo kale, diiday iney gorodda ka fuulaan qofkii sharfay ee shalay shaqada keenay, xitaa ka fogaaday iney damcaan darinta uu ku fadhiyo inay ka jiitaan. Waxaa usoo baxday iney muunad iyo magac ay ka helayaan iney ka xishoodaan ninkii xilka siiyey. Mararka qaar wey isku dayeen iney abuuraan jawi baddali kara xaaladda oo xilka kusii hayn kara, laakiin kolkay ku adkaatay waxay go’aansadeen iney gaariga kaligood ka dagaan si tartiib ah, iyagoo ka fogaanaya inuu wada qallibmo. Ragaas ayaan mid mid u dul istagayaa.


Dr. Cali Maxamed Geeddi: 

Isagoo haysta taageerada Barlamaanka oo buuxda, waliba kaga adkaaday Guddoomiyaha iyo Madaxweynaha oo wada jira, haddana si deggan oo sahlan buu gaariga uga dagay.

Sidoo kale, wuxuu mar haystay garab istaag buux oo beesha caalamka ah haddii uu kasoo horjeesto Madaxweynihiisa, taasoo uu diiday oo uu waliba carrab kulul ugu jawaabay, kolkaas kadibna ay bilaabeen qorshihii Geeddi xilka looga tuuri lahaa.

Marag waxaa loo hayaa in Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Alle ha u naxariistee uu ka shallaayay inuu nin karti leh oo misana uroonaa uu lumiyey.


Cumar Cabdirashiid: 

Muddo xileedkiisii koowaad, wuxuu gaariga ka dagay isagoo haysta teegeerada beesha caalamka, lana hareereeyay madaxweynihii oo ku khasbanaaday inuu ka laabto go’aannadiisii qaarkood. Laakiin Cumar, wuxuu ku tagay si deggan oo shanqar yar, taasoo dhalisay inuu isla jagadii mar labaad hanto oo siyaasad lagula shirkoobo, waana siyaasiga kaliya ee laba jeer noqday Ra’iisul Wasaare taariikhda Soomaalida.


Maxamed Cabdulaahi Farmaajo: 

Taageeradii ugu weyneyd isagoo haysta oo shacabka u mudaaharaadayaan oo la leeyahay caynaanka hay oo ha naga tagin, sidoo kalena horay usoo diiday inuu ajnabi ku caawiyo shirqool siyaasadeed lala damacsanaa Madaxweynihiisa ayuu gaariga ka dagay. Intaas waxaa dheer, waa Ra’iisul Wasaaraha kaliya ee xilka ka dagay, isagoo shardi ka dhigtay qofka ka dhaxlayo jagada oo ah ku xigeenkiisii, waana loo fuliyey ballantaas.

Waxaa xusid mudan, markii uu Farmaajo diiday faragalinta shisheeyaha waxaa lagu yiri, waxaan ku tusaynaa adigoo la isugu kaa tagay oo inta kale kula dirirsantahay.

Farmaajo ficilkiisii wanaagsanaa wuxuu ku helay inuu u dallaco Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Sadexdaas masuul waxaan ka dhaxalnay inuu dalkii sii socda, iyagana xushmad iyo qaddarin ku kasbadeen.

Dulmane, haddana la gaaday:

Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid): 

Waa hannaan ugub ah oo ka duwan hababkii ay ku baxeen Ra’iisul Wasaare-yaashii soo maray dalka. Isagoo daacad u ah Madaxweynihiisa, shaqadana aysan isku


qabanin, shisheeyana aanan ka raacin, dalkana uusan ka jirin qalalaase siyaasadeed oo ay tahay in lagu dajiyo, ayaa weerar gaadmo ah lagu soo qaaday, haddana laga hor istaagay inuu hortago Baarlamaanka. Sidaas baana lagu xukumay isagoo maqan.

Ra’iisul Wasaare Saacid waa sabray, waana ka tagay booskii si buuq la’aan ah, edeb iyo deggenaan buuna raaciyey oo hadal xun iyo ficil hooseeya kama daba tuurin Madaxweynihiisii.


Saaxib iyo cadow isku si ula dhaqan:

Tan iyadana waa ugub, waliba waa wada ugub. Dhalashada, dhaqanka, iyo dhamaadka.

Waa marka Madaxweynaha shaqada u wada dhaafo Ra’iisul Wasaarihiisa, wargalin iyo wada tashi kaliya ku ekaado, hagid iyo hogaamin qaran marka laga reebo, muuqaalka, gole ka hadalka iyo matalaadda hawlaha Dowladda uu si mug leh uga muuqdo Ra’iisul Wasaaraha.


Taasi waxay u qalantay inuu daacad buuxda usii noqodo Madaxweynihii soo magaacabay, haddana muuqasho iyo awood buuxa ugu daray. Laakiin, waxaa la arkay, isagoo shisheeyo la shirqoolaya, isku dayaya inuu siro dadkoo dhan, xitaa naftiisa haday ku kallifto. Marka danbana, dadkoo wada faraxsan uu kaligiis ku guulaysto inuu dhaxlo Madaxweynihii uu khayaamay. Bal yaabkan eega!

Waxaa adag inaad fahamto marka uu xumaanta kuu falkinayo, inta badan, waran-kiisu shiish maleh illeen waa nabar xatooyo ahee, ama waa gacan saddexaad. Laakiin, haddii uu kula helo waranka, wuxuu kari karaa inuu caddaymo kugu tuso in warankaas uusan isagu kugu shiishin ee ay halgaad kadis ahi kugu dhacday, ama wuxuu ku tusi karaa caddaymo aad ku qanacdo in qofka hebel la yiraahdo uu ganta gaashaanka qabtay, sidaasna ay fallaartii kuugu soo fakatay.


Kolkaasna, waxa kaliya ee kuu furan waa inaad dhibtii uu kuu gaystay aad isaga laftiisa uga tacsiyeeyso oo aad ku dhahdo waxba ha u arkin inaad igu ceeboowday, iskana ilaaw waxa igu dhacay oo waan ogahay adiga inaadan rabin, raallina aadan ka ahayn dhibta isoo gaartay. War ninku xirfad badanaa oo xariifsanaa!

Wuxuuse ku danbeyey, kaligiis inuu quusay, oo xitaa rakaabkii saarnaa doontii uu naakhuudaha ka ahaa ayaa biyaha dhinacooda tubada uga soo furay.


Mid baa igu yiri; ka warran qofka wali la jaalka ah sidaad adiguba ahaan jirtay mar?

Waxaan ugu jawaabay jecaylkiisa ninkii iiga danbeeya, neceybkiisana wuu iiga danbeyn. Waana khaatumada qofka si isku mid ah ula dhaqma saaxiibkiis iyo cadawgiis.


Ma liibaanaha lagu liibaano:

Nuucaanna wuu jiraa, waana marka damac xukun ama dantaada ah, aydnaan isku qaban Madaxweynahaaga, laakiin aad shisheeye u gacan gasho, waliba iyagoo aanan kula heshiinin intay si xun kuu dhibaateeyaan oo nafsi ah, oo laba dal sirdoonadooda ay kuu wada dhigaan shax shareed heerkeedu aad u sarreeyo, ayna ku gaarsiiyaan adigoo ka carayaya iney xogtaada bannaanka usoo baxdo aad u qabato shaqo kasta oo dumineysa dalka, dhaawac uusan kasoo kici karinna ku dhufato Madaxweynihii ku sharfay, habka aad u shaqeyneysana ay ku dhamaato inaadan adigana mustaqbal lahayn, aadna soo fulisay wax kasta oo lagaa rabay si aad lafahaaga u badbaadsato.


Noocaan waxaa la dhahaa ma liibaanaha lagu liibaano, waa marka aad dhibbane u tahay shirqool aad is aragtay inaad dhexda ugu jirto, adigoonan go’aansanin ama dantaada ku jirin, dadkuna maadama aysan haynin xogtaada rasmiga ah waxay ku wareerayaan sifada ay ku siinayaan. Waa nin rag ah oo iska celiyey hebel iyo hebel. Waa nin wareersan oonan dantiisa aqoonin. Armaaba laga gardaranyahay iyo sifooyin kale oo dhammaantood aanan xog sax ah ku dhisneyn.


Khasaaraha noo qaybi:

Waa marka aad damacdo inaad tartan la gasho Madaxweynahaaga ood iska dhaadhiciso u sharax ummadda inaad ka fiicantahay Madaxweynihii ku magacaabay, dowladdana wixii ka khaldamay aadan adiga qayb ka ahayn. Waa marka, damaca ku indha-tiro, eed ku dhammayso inaad la safato wareega labaad ama saddexaad ee tartanka qof mucaarad idin ku ahaa adiga iyo Madaxweynaha aad jallaafada la ridayso.

Jidkaan dhawr jeer baa la tijaabiyey, lagama waantoobo, lagumana guulaysto. Waa halkii Xirsi Magan ka yiri, talo xume u tag oo talo xume ka tag waa tubteydii.


Waxaan usoo joogay, iyadoo wareeggii labaad la joogo, uu Ra’iisul Wasaare xilka haya oo tartanka ka haraya wareeggii labaad oo baryo iyo shuruud hor dhigayo musharrax mucaarad ahaa oo guulaysan raba, misana warkii loogu soo koobay, dadka aan tixgalin doono baan kugu darayaa. Wallee taasoo kale cuqubo baa lagaa dhahaa. Allow magantaa.


Xamze maxaa u xal ah?

Marka koowaad dadkoo dhan waxaad uga duwantahay, adiga nasiib kuma aadan iman oo magacaaga Google lagama soo helin. Sidoo kale talo saaxiib ku yaqaanna iyo olole beeleed kumaadan noqon Ra’iisul Wasaare.

Waxaad tahay xubin Xisbiga Madaxweynaha ka tirsanaa, aqoon muddo dheer uu kuu lahaa, adigana waad soo sabirtay oo muddo xileedkii hore tabasho ayaad ku dhammaysatay, 5 sano oo mucaaradnimo ahna waad lasoo safatay hogaamiyahaaga.


Intaas adigoo xusuusto, taladaya oo kooban waa sidaan;

Koow: Sidaad u muuqato inaad sanadka dhamaaday u dhaqmeysay ku sii wad, waana sifooyinka aan kor kusoo xusay ee aan kugu ammaanay.

Labo: Rag damac kama dhammaadee, hadday kuu soo xaluulato hawo dhahaysa anna maan Madaxweyne noqdo, waa iga talee awood aadan usoo dhididin ha isku dhadhamin. Orodoo soo kifaax oo dadnimaada soo tijaabso.

Qoriga laguu dhiibtay inta ku hartay ee rasaas ah intaa u celiso ninkii iska lahaa, waliba si qurxan adigoo u sii dhaqay, si tartiib ah iridda uga siibo. Markaas kaddib, tolkaa, taladaa iyo tayadaa intaad isku darsato damacaaga usoo harjad. Hadaadse isku daydo kursi Madaxweyne baan si dhuumasho ku dafayaa, hortaaba la hollin waa ee bal tubta isku tashiga soo tijaabi.


Saddex: Shisheeye ha usoo raacin Madaxweynahaaga, marna libin kuma gaaraysid, waxaadna ku danbayn doontaa adigoo bir is moodaya inaad sidii buufinkii kaligaa u dillaacdo ama intay wax fool xun kugu sameeyaan baad hayin la hogaansado u noqon, kolkaas bay ficilladaada oo dhan wada fool xumaaanayaan. Markaad xilka weysana, shisheeye iyo sokeeyo mid ku salaama arki meysid.


Afar: Muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan ayey is qabteen Raisal Wasaarihiisa, xantii oo aanan bannaanka usoo bixin, buu aniga ii yeertay masuulkaas isagoo suuqa kasoo maqlay inaan gadoodsanahay. War dheer oo nuxurkiisa yahay, inaad ila jirsato baan rabaa oo aan Wasiir kuu magacaabi si aan ula diriro Madaxweyne Xasan Sheekh. Sidii uu war kale iiga sugayey, baan ku iri, malaha waad ilowdayee inaan kasoo gows-qabsaday Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa saldhig u ahaa inuu adiga kuu magacaabay Ra’iisul Wasaare, hadeerna kolka dagaalkiinna qarxo anigu waxaan dib ula heshiinayaa Madaxweynaha ee haddaad talo yeeleyso, orodoo la heshii oo la saaxiib Madaxweynaha.

Mudane Ra’iisul Wasaare,

Xusuusnoow dad badan waxay Madaxweynaha ula dirirsanyihiin dartaa, maalinta aad is qabataanna, isagay la jirsanayaan. Sidaas darteed meeshaada ku qalalso, kuna qaboowso.


Deeqsinimada xadka dhaafsan iska yaree oo jagada Ra’iisul Wasaaraha u ekeeysii mid jirta oo joogta, adigoonan madaxa ku dhufanin Madaxweynahaaga.


Waan arkaa inaad saxiixday qodobo dastuurka khilaafsan oo taabanaya awoodaha xafiisyada ugu sarreeya dalka. Kuma lihi anigu sida dadka qaar, beesha aad matasho maxaad ula tashan weysay?

Waxaanse ku leeyahay iska ilaali inaad saxiixdo warqad dastuurka si qayaxan uga hor imanaysa, waayo, adigu sharci fuliye unbaa tahay ee sharci dajiye ma tihid.


Sidoo kale, ha saxiixin waxaanan kuu qalmin, calafna Illaah baad u leedahay ee cadkaad ku fadhido hana cunin, hana ceebeynin.

Nin aad kuu yaqaan oo siyaasadana aan ku jirin wuxuu igu yiri, adigoo hal asbuuc magacaaban, Ra’iisul Wasaare Xamze, inuu Madaxweynaha xanto oo uu ku nafiso waa laga yaabaa, subax inuu iska dhaqaaqo oo iscasilo waa laga yaabaa laakiin kama hor imanayo, waxbana kama diidayo Madaxweynaha.

Aniga laftayda sidaas baan kuugu duceeyey.

Fahad Yaasiin.

Lataliyihii Hore ee Amniga Qaranka

Friday, January 1, 2021

TAARIKHDA HALYEYGA SOOMALIYEED HADRAAWI BY FAHAD YAASIN.

10:24 PM 1

Taarikhda hadraawi
Nasiib-xumo wali lama’aanan kulmin Hadraawi, waxaanse lakulmay aqoon-tiisii, gabayadadiisii, iyo xikmadihiisii. Waxaan dhawaan helay cajalad maqal iyo muuqaal ah oo uu ku duubay gabaygiisii dheeraa ee Daba-Huwan, intaan xusuusanahay horudhaca gabaygaas, waxaan dhagaystay ilaa 9. jeer, waana hubaa inaanan wali ka bogan, waana sababta igu dhalisay inaan maqaalkan qoro.


Hadraawi waa Abwaan gabay-aqood ah, waa aftahan hadal abuur ah, waa Faylasoof mustaqbalka eeg ah. Intaas uu yahay, waxaa qarineysa inuu Soomaali ka dhashay, waan hubaayo hadduu dad aan Soomaali ahayn ka dhalan-lahaa sida uu maanta yahay ma’ahaadeen, oo maxaa ka maqan?


Falaasifada dalalka kale u dhasha magacooda meel dheer ayuu tagaa, waxaa la gaarsiiyaa iney iyagu yihiin hormuudka nolosha oo dhan.


Soomaalidu waxay taqaan, ama wax u ogoshahay oo kaliya kuwa Siyaasada ku jira, dunida aan maanta ku nool-nahay falaasifada ayaa hagta. Taariikhaha nasoo maray oo dhan yaa hormuud u ahaa? Dhamaantood waa faylasoofyo wadamadaas u dhashay, qaarkood shar ayey soo kordhiyeen, qaarna khayr ayey soo biiriyeen.


Nin-karmeedka Soomaali ka soo dhex-baxa iyaga ayaa nolol dila, halkuu horay usocon-lahaa iyaga ayaa curyaamiya, marka uu noloshooda tala ka siiyo adiga maxaa kaa galay bey dhahaan.


Waxay u qabaan, waxaad cunto oo kaliya hadaadan ka fakarin ee danaha dadka kale marwalba ka hadasho inaad tahay manoolo aan dantiisa aqoon.


Ilam’adeer isma indha buuxiso. Naagi nimay taqaan nin ma mooda. Dantaada harag eeyna waa loogu seexdaa. Naftiis gabo mid kale makal-kaalo. Meel il laga la’yahay hadaad tagto adna ilbaa la’istiraa.


Intaas oo maah-maah ah iyo kuwa kale oonan xusuusan waxay muujinayaan sida dhaqanka Soomaaliga ay ugu jirto ninwalbow dantaada ku’ekow, tan dadka kale waxba kaama galinee.


Hadraawi wuxuu tusaale u yahay halka ay Soomaalidu dhigto ninka ka soo dhexbaxa. Idaajaa ayaa booqday Maraykan-ka, xaflad ay Soomaalidu lahayd oo ay quursiga uga hadlayeen ayuu ka qayb-galayey, nin oday ah buu usheegay inuu halkaas usocdo, wuxuu ku yiri: Kuwaasi hadal unbey hayaanee faraha ka qaad, oo waxaas wakhtiga ha’isaga dhumin.


Awjaamac Cumar Ciise ayaan bari ku soo qaaday sida ay Soomaalida u xushmeyso raggeeda wax ku oolka ah, kolkaasuu qiso iiga sheekeeyey, wuxuu yiri: Qarnigii hore, dhamaadkii afarta-meeyadii ayaan tuulo tagay, gabayadii Daraawiishta nin hayey ayaan doonayey, laba odayoo meel fadhida ayaan ku iri hebel xagee daganyahay? Oo maxaad ka rabtaa ayey dhaheen?


Gabayadii Sayidka inuu hayo baan maqlay marka inaan ka qorto ayaan rabaa, ayuu ugu jawaabay, gurgiisii ayey ii tilmaameen, anoon ka dhaqaaqin ayey iyagii isweydiiyeen, tolow muxuu ku falaya gabayadii Sayidka? Oo maxayse u tarayaan? Kii kale ayaa ujawabay oo yiri: Malaha wuxuu rabaa Makhaayada magaalada inuu shaah kaga cabo.


Hadalkaas adigu dhuux oo ka garo heerka aan ka joogno qiimeyta dadka daneeya taariikhdii umadan.


Waa suurowdaa inaad ku doodo, ninkaasu baadiye ayuu joogay, jaahilna waa’ahaa, ee dadka heerkaas mawada ahan. Awjaamac isla sheekadii isagoo ii wada ayuu yiri, sanadkii 2002 ayaan maalin salaamay nin ganacsade ah oon isnaqaanay, buugaagta aan qoro ayuu iga waraystay, waxaan u sheegay inaan mar dhaw soo saari-rabo buug yar laakiin kharashka ku baxayo uu noqon-karo Afar kun oo Doolar, inta qoslay ayuu yiri: Oo adeerow markaad Afar kun buug xun galinayso maad ku ganacsatid.


Awjaamac wuxuu yiri: Hadalkaasi wuxuu isoo xusiisiyey kii aan lakulmay qarnigii hore.


Awjaamac Cumar Ciise wuxuu maanta mudnaa inuu bilad sharafeed ka helo bulshada Soomaalida illeen isaga ayaa u badbaadiyey qayb mug leh oo kamid ah sooyaalkii dalkan. Taasi ma dhicin, mana muuqato iney soo socoto.


Hadraawi waa uu ka soo guuray Yurub, sababtii uu uga soo guuray isagoo sharxaya wuxuu yiri: WAAN ISWAAYEY. Waa hal jumlo oo yar, laakiin macanaha ay xanbaarsan-tahay buugaag laga qori karo. Isla Hadraawi ayaa fasiray macnaha eraygaas. Markii aan Soomaaliya joogay ee aan laamiga soo istaago dhawr gaari ayaa ku diriri-jirtay sidii ay ii qaadi-lahaayeen, markiise aan Yurub tagay waxaan is arkay Hadraawi oo wado qabow badan taagan, baabuurtuna dhaafayaan, iyagoon aqoonin ninka laamiga taagan dad ninkuu kayahay. Wuxuu ula jeedaa gurgaaga hooyo ayaad sharaf ku leedahay.


Yaanan shacabka Soomaalida oo dhan ku xad-gudbin, oo ixtiraam iyo qadarin wey u hayaan raggooda wax ku oolka ah, waxaanse canaanta u dhigayaa halkii la rabay wali ma’aysan gaarin.


Hadraawi

Horadhaca gabayga Daba-Huwan wuxuu Hadraawi ku sheegay inuu muddo dheer ka fakaray mushkilada umadiisa haysata sidii xal loogu heli-lahaa, wuxuu aad u dhaleeceyey in ragga talada haya loo arko iney iyaga un mushkilada tahay, oo hogaamiye-hebel haduu meesha ka baxo in loo maleeyo iney wax hagaagayaan. Wuxuu qabaa hadaan fikrada wax lagu maamulayo la badalin, hogaan la baday ineysan isbadal keeneyn.


Xalka uu hayo markii uu ka hadlayey wuxuu sheegay in Soomaalida dhaqankeeda, diinteeda, iyo waxa lagu maamulo aysan islahayn, wuxuu qabaa haddii aan Diinta Islaamka loo soo laaban inaan wax horumar ah la gaareynin, xalna laheleynin.


Taladiisu waxay tahay kitaabka quraanka ah in lagu dhaqmo, maxaayeelay buu yiri: Quraanka aduun-yada ayaa loo soo dajiyey ee aakhira kuma saabsana. Waa sharcigii isku xiri-lahaa anaga iyo nolosha, haddiise aan islaam-nimada ku soo koobno salaad iyo sooon, inta kalana aan ka tango, dhibta aan ku jirno laga bixi-maayo.


Hadraawi nolol kala duwan ayuu soo maray, dhacdooyinkii Siyasadeed ee dalka ka dhacay intooda badan saamayn ayuu ku lahaa, hadase waxaa muuqata inuu gaaray xaqiiqadii dhabta ahayd, su’aashuse waxay tahay, dadka Soomaaliyeed ee uu ka dhashay ma ku raacayaan xaqiiqadaas?


Fahad Yaasiin Xaaji Daahir | fahadsom@hotmail.com

SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | Aug 29, 2005

Friday, October 14, 2016

TOLA,AYEEY!!!WAR WIILASHA KALA CELIYA, YAA SOOMALI AH,YAA MUSLIM AH.

8:26 AM 0
Waxyaalaha aan la dafiri karin waxaa ka mid ah inaan dadku jeclayn runta maxaa yeelay runtu waa kharaartahay.

Waxaa la yiri Nolosha baa Geerida waxay weydiisay geeriyey muxuu dadku kuu necebyahay anigana ii jecelyahay? Geeridii baa waxay ku warcelisay:
ANIGU WAXAAN AHAY RUN XANUUN IYO KHARAAR BADAN ADIGUNA WAXAAD TAHAY BEEN DHALDHALAAL BADAN.

Dulucda waxa weeyaan waxaan walaalahayga soomaaliyeed ee siyaasigu dacarta isu mariyey ee nacaybka iyo colaada isu qaaday ee kuwada nool gobolka MUDUG gaar ahaan Magaalada GAALKACYO ka codsanayaa in ay dagaalka joojiyaan Ilaahayna ka cabsadaan.

Walaalka qoriga u qaatay walaalkiisa kale ma ogtahay dagaalkaan berri in laga heshiin doono?

Ma ogtahay inaad aduun iyo aakhiraba ku seegaysid?
Ma ogtahay xoogga aad walaalka u leedahay inuu Xabashi iyo keenyaan kaaga baahanyahay?

Ma ogtahay qiirada iyo xamaasada toleed in aysan aduun iyo aakhiraba wax ku tarayn?

Ma ogtahay hadaad dhimatid inaan taariikhdu ku xusayn?
Ma ogtahay hadaad walaalkaa dishid inaadan billad iyo magac ku helayn ee aad aduun iyo aakhiraba khasaartay?

Ma ogtahay maalma ka dib dagaalkaan in ay Gaas iyo Guuleed ka heshiin doonaan oo gacanta isqabsan doonaan sawirna wada geli doonaan iyagoo dhoolla caddaynaya adigana aan dib laguu xusayn?
Ma ogtahay in haddaad sii noolaatid lagugu amri doono inaad dagaalka joojisid?

Ma ogtahay Gaalkacyo inaan hal Maamul qaadan karin oo kooxdii maanta adkaata ay cabsi iyo dagaal u joog ku noolaan doonto?

Hadaba walaalkayga Soomaaliyeed ee qiiraysanow shaydaanka iska naar oo garwaaqso in siyaasi kuu adeegsanayo walaalkaa iyo ciyaalka aad adeerka iyo abtiga u tahay.

Ma ogtahay in dagaalkaan uu siyaasiga kaliya dan u yahay ee uusan dan u ahayn adiga iyo tolkaaga midna?

Garwaaqso inaan siyaasigu dagaalka kula galayn ee aad kaligaa laba gooraale khasaaraysid.

Garwaaqso in siyaaasiyga qoyskiisi iyo ciyaalkiisi dalka aysan joogin ee cida markasta khasaaraysa aad adiga noqon doontid.
Garwaaqso siyaasigu markuu xilku ka dhamaado inuu dalka isaga tagayo adiguna aad dekene iyo godob gashay.

Haddaba walaal hadaad tahay adigu qofka mar walba guuldarraysan maxaa kaa hortaagan inaad iska deysid dagaalka?

Saan horay usoo xusay runta lama jecla oo waa kharaar tahay marka waxaan kor kusoo xusay waa wada run ee u qaado sida markaad kiniinka kharaarka liqaysid adoo og inuu kharaaryahay hadana waad liqdaa sababtoo ah waa kuu daawo. Marka runtu waa kuu daawo walaal.

Walaalka kale ee baraha bulshada ka xamaasadaysan adigu dagaal gelimayside walaalka ha malgin oo buun buuninta iskadaa siyaasiga aad la safantahayna waxba kuma siinayee qiirada beentaa daa.

Walaal Share dheh oo usii gudbi inta runta jecel ee rabta hadaad igu raacday qodobadan adoo mahadsan.

Qalinkii: Cabdimajiid_Cabdiraxmaan_Diiriye

Sunday, October 2, 2016

Madaxweyne Siyaad Barre: Anagu Afrikanka la mid ma nihin,SOOMALI baa nahay.

12:39 PM 0
Madaxda Reer Galbeedku Waxay Na Moodayaan Sida Madaxda Afrikaanka Qaarkood Oo Markii Doolarka Noo Lulaan In Caqliga Naga Haadayo. Sidaas Waxaa Yiri Madaxweyne Siyaad Bare Mar Wasiir Ka Tirsanaa Dawlada Jarmalka Uu Boorso Lacag Ka Buuxdo Isku Dayey Inuu Gudoonsiiyo. ( Fadlan Walaal Akhri Warbixin Arimahaas Ka Hadleysa.)
============================================================
Taariikhdu markii ay ku beegneyd Bishii Oktober 17,keedii sanadkii 1977,kii. 6:20 daqiiqo ee Aroornimo ayaa Caasimada Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho waxaa Garoonka dayuuradaha si lama filaan ah ku soo caga dhigtay dayuurad dalka Jarmalka laga leeyahay oo afduuban, diyaaradaaso markii dambe hawlgalkii lagu sameeyey ayaa waxaa la ogaaday in ay soo afduubeen koox la yiraahdo "Commando Martyr Halime" waxaana ay xiriir la lahaayeen koox qas wadayaal ah oo ka jirtay dalka jarmalka loona yaqaaney "RAF Rote Armee Fraktion" iyadoo la sheegay in Nin madax ka ahaa maafiyadaas ama burcadaas oo laga xiray darteed ay dayuurada u afduubeen iyagoo ku Hanjabayey in haddii aan la sii dayn ninkaasi ay dili doonaan dhamaan Rakaabka saarnaa dayuurada.waxeyna afduubayaasha ay kala ahaayeen 2 qof oo u dhashey Falastiin iyo 2 qof oo u dhashey Lubnaan.

Dawlada Jarmalka oo waqtigaas Ra'iisal wasaare uu ka ahaa Chancellor Helmut Schmidt, waxuu Muqdisho u soo diray ergay laacib ama xariif ku ah wada hadalada culus, oo ahaa wasiir la oran jirey mr. Wischnewski iyo taliyihi ciidamada la dagaalanka argagixisada (gsg9) oo isagana la oranaayey Ulrich Wegener, isla markiina markii ay gegeda dayuuradaha Muqdisho ka soo dageena, waxaa horay si toosa loogu gudbiyey xerada afisyoone oo markaas ahayd xarunti madaxtooyada Soomaaliya.

Wasiirkii Jarmalka oo Hinjinaayey Boorso culus ayaa markuu soo galay madaxtooyada oo la fariisiyey salootada ama qolka martida, isla markaana Allaha naxariistee Madaxweyne Maxamed siyaadna ku jiro xafiiskiisa, ayaa wasiirkii boorsadi u watay damcay inuu u dhiibo sarkaalkii gaarka u ahaa madaxweynaha oo isago il jabinaaya ku yiri waa hadiyad u leeyahay madaxweynaha ee hadhow sii. hasa ahaate sarkaalku kama qaban hadiyadii.
Sarkaalkii si uu warbixin u bixiyo, wuxuu u galay madaxweynaha oo ku yiri: wasiirkii jarmalka xafiiska qeybta fadhiga ayuu ku sugan yahay wuxuuna damcay inu ii dhiibo boorso weyn oo u yiri waa hadiyad .. madaxweynaha oo warkaa ka damqaday ayuu sarkaalkii u afceliyey kuna yiri: Saan-cade reer yurub faham qalad ayey dhaansan-yihiin, oo waxay na moodayaan sida madaxda afrikaanka qaarkood markii doolarka noo lulaan in caqliga naga haadayo.

Wasiirkii oo murug badani ka muuqato ayaa hadal la galay madaxweynaha, wuxuu aad uga calaacalay afduubka dayuurada oo khasaaro iyo dhibaato u keeneysa dawlada Jarmalka, wuxuu isagoo hadalkiisi ku xiiqay uu yiri; mr. madaxweyne haddi aan la samata-bixin dayuurada iyo rakaab-keedaba dawladayada afka ayey u dhaceysa ee mudane madaxweyne na badbaadi oo noo ogolow inaan ciidamo u tababaran la dagaalanka argagixisada dalka soo galino. isagoo isla markaa ku nuux-nuuxsaday in dawlada Jarmalka ay ummadda Soomaaliyeed diyaar ula tahay in waxkasta ay u qabato, oo xitaa hadaad hub rabtaan lacag baan idin siineynaa ee idinku kuoo gata ama iibsada.

Madaxweyne Siyaad Bare oo ugu dambeyn si miyir qabow Jawaab u siinaayey wasiirkii, ayuu wuxuu si qabuul iyo dabac leh ku yiri, ha murugoon diyuuradaan waan kaa ogolaaday in hawlgal ciidamadiina lagu badbaadiyo, hase ahaate marka hore bal waxaan isku deyeynaa inaan la hadalno raga wax afduubay, oo bal aan aragno jawaabtooda. kadib wasiirkii ayaa isagoo aayar u hinqanaya laacay Borsadi uu watay oo waxuu u muuqday sidi nin boorsadda dhiibaya, hasa ahaate Maxamed Siyaad intuu gacantiisa duubtay ayuu markiiba yiri: wasiir stop joogso oo xishood waaba laga tagay miyaa, oo warkiisii si raacshay: gacanta aad la laaceyso boorsada iyo ujeedadaada yeysan na kala geynin, oo aniga ma ahi kuwa aad ii mooday ee jeebka lacagta ku shubta, sorry raali noqo hadiyad ma qaato anigu .. wasiirka oo intaa yes-ta ama haa gurayey ama ku war celinayey arinkaa dood kama celin, aan ka ahayn yaabis iyo indhihi oo casaaday. dabadeed wasiirkii in kastoo arintu u socday jawaab libin iyo shucuur rey-reyn ka helay, hasa ahaate waxuu ka yax-yax hawl-fududeynti lagu diiday oo ceebtaa awgeed si khajal ah ayuu uga si baxayey madaxtooyada una muuqday nin saanti roogi-waayey.

Madaxweynuhu dabadeed guddi ayuu u saaray la xaajoodka ragii diyuurada u afduubnayd, nasiib darose wey macangageen oo diideen iney sheegaan cida ay yihiin, taaso keentay in markii dambe Madaxweyne Maxamed Siyaad dawladii jarmalkii u ogolaadey in ay dayuuradooda badbaadsadan, waxaana lagu xoojiyey ciidan kumaandoos Soomaali oo garab socday kumandooski jarmalka. halkaaso iyagoo si xeelad leh wax u tabeynaaya ay hawlgalkii weerarka ku badbaadiyeen dhamaan rakaabkii diyuurada saarnaa, kuwi wax afduubana la wada laayey ama la wada diley aan ka ahayn gabar dhaawac lagu qabtay oo isla markiiba loo gudbiyey cusbitaalka Madiina, halkaaso inti bil ah daaweynteeda lagu dhayaayey, kadibna inta maxkamad la saaray ayaa ugu dambeystii qolo ka socotay madaxdii falastiin u kaxeysatay xagaa iyo Magaalada Cadan ee dalka Yeman.

Dhinaca kalena saxaafada dalka Jarmalka oo maalmo dhan ka hadleysey sida uu u guuleystey hawl galka ka dhacey soomaaliya ee dayuuradooda lagu soo furtey ayaa waxey xustey in dawlada Jarmalka ay cadeysey in ay weligeed Abaal weyn u heyn doonto xukuumada iyo shacbiga soomaaliyeed waxaana waqtigaas aad u sii xoogeystey xiriirkii u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Jarmalka.

Fadlan Walaal Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan warbixintan.

Qalinkii: M.Hashi oo ka tirsanaa Sirdoonkii Soomaaliya Xiligii Kacaanka
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA