SUPPORT WEBSITE

Tuesday, November 12, 2013

Qiso cajiib ah.ALLOOW JISMIGEENA NAARTA KA BAD-BAADI, YAA RABBI

QISO CAJIIB AH.

Nin Dadkii Saalixiinta ka mid ahaa ayaa wuxuu yiri:- Waxaan soo galay Masar waxaan arkay Nin Biraha ka Shaqeysta (Birtume) isagoo Birta Dabka ugu soo Bixinaayo Gacantiisa, Birtii oo Guduudan Gacantiisa ku Gedgedinaayo isago...
o aanan ku Gubanayin.
waxaan is iri Ninkaanu waa Owliyo oo Dabka kuma Gubanaayo, ka dib waan u Dhawaaday waana Salaamay oo waxaan ku iri:- Walaalkeygiyoow Allihii kugu Maneysantay Karaamadaan ayaan kugu dhaarshee ii Ducee. markaas ayuu Ooyey, wuxuuna igu yiri:- Walaaloow sida aad Imoodday ma ihi. Kolkaas ayana ku iri:-Walaaloow waxaan aad Samanayso Qof aanan Owliyo ahayn ma Samayn karo,. wuxuuna yiri:- Arrintaan waxay ku Timid Sheeko Yaab badan hadaad Rabto inaan kaaga Sheekeeyana waan kaaga Sheekeyn. ka dib ayana ka Codsaday inuu Iiga sheekeeyo Sheekadaas, wuxuuna Halakiisa ku Bilaabay:- Maalin maalmaha ka mid ah waxaan Dhex Fadhiyey Dukaankaan waxaana ahaa Nin Firfircoon oo Bulsho ah, waxaa ii Timid Naag aanan weli Arkin Naag iyada ka Qurux badan, waxayna igu tiri:-

Walaalow wax aad ilaahay Dartiisa u Bixinayso ma Heysaa? waxaan ku iri:- Guriga ma ii Raacaysaa aan ku
Isticmaalee waxaad Rabto oo Dhanna waan ku Siinaa, ka dib Cabbaar ayey i Fiirisay, waana iga Tagtay. in muddo ah ayey iga Maqnayd ka dib Wey ii Timid, waxayna igu tiri:- Dan iyo Baahi ayaa igu Kaliftay inaan kaa Ogolaado inaan ku Raaco ee inakeen. Dukaankii ayaan Xiray Guriga ayaan u watay markii aan Guriga Galnay waxay igu tiri:- waxaan ka soo Tagay
Caruur aan Dhalay oo aad u baahan ee Hadda wax yar isii sii aan ugu sii Geeyo ee waana kuu soo noqonaa, Ballan adag ayaan ka Qaaday in ay ii soo noqoto, waxaana siiyey Xoogaa Daraaahim ah. wey Baxday Saacad ka dib ayey ii Timid Guriga ayey iigu soo gashay albaabka ayaan xirtay, waxay igu tiri:- Maxaad u Xirtay Albaabka? waxaan ku iri:- Dadka inay na Arkaan ayaan ka Baqayaa. Kolkaas waxay iku tiri:- Walaal Dadka waad ka Baqeysaa, oo Alihii ku Abuuray maxaad uga Baqi weyday? waxaan iri:- Alle waa Dembi Dhaafe Naxariis badan. ka dib Xaggeeda ayaan Aaday markaasay Ooysay oo Jaraysay illinteedaba Dhabanada ku soo Hooreen.. waxaan ku iri:- Maxaad la Oyneysaa oo aad la Jaraynaysaa? waxay igu tiri ilaahay Cabsidiisa ayaan la Oynayaa oo aan la Jaraynayaa, ka dib waxey intaas ii Raacisay:- Walaaloow haddi aad ilaahay dartiis ii Dhaafto, waxaan Ballan Qaadi in uusan Alle kugu Cadaabin Dab (Naar) Adduun iyo Aakhiro. Intaas markeey igu tiri:- Waan Istaagay wixii aan Hayey oo Dhami waan siiyey, waxaana ku iri:- Gabaryahay waxaan kugu Dhaafay illaahay Cabsidiisa.

markay iga Tagtay waxaa aad ii Qabatay Hurdo, waan Seexday waxaan Riyo ku Arkay Naag aad iyo aad u Qurux badan, Madaxana ku wadato Taaj ka Samaysan Yaaquudka Gaduudan, waxay igu tiri:- ilaahay Kheyr ha inaga kaa Siiyo.
waxaan ku iri:- oo Tumaa ahayd ?
waxay igu tiri:- waxaan ahay Hooyadii Caruurta lahayd ee kuu Imaanaysey ee aad Alle Dartiis ku Dhaaftay ilaahay Dab kugu Gubi maayo Adduun iyo Aakhiro.
ka dib waxaan ku iriL- Isu kay Sheeg? Qabiilkee ka Dhalatay ilaahay hakuu Naxariistee? waxay igu tiri:- waxaan ka soo Jeedaa Nasabka Rasuulka CSW.
Intaas, ka dib waxaan Xasuustay Aayaddii Alle ee Ahayd (Ilaaheey wuxuu Doonayaa Inuu idiin Dhaafiyo Wixii Xumaan ah, Ahlu Beydoow oo uu idiin Dhahiro).
Waxaan markiiba ka soo Booday Hurdadii laga soo Billaabo Maalintaas Dab oo dhan kuma Guban, waxaana Rajaynayaa Aakhirana in aan ku Guban Insha Allaah.

Wabillaahi Towfiiq.
(ALLOOW JISMIGEENA NAARTA KA BAD-BAADI, YAA RABBI).

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:

WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA