SUPPORT WEBSITE

Showing posts with label CULIMADA. Show all posts
Showing posts with label CULIMADA. Show all posts

Wednesday, December 30, 2020

HALKUDHIGYO XIKMAD BADAN BY SH MUSTAFE XAAJI HAARUUN.

10:09 PM 2


Hal Ku Dhigyada Cajiibka ee Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun qaar ka mid ah hoos ka akhriso:-


 " Luuqada Soomaaligu Waa Af Muslim, Waa Af-diin iyo Dadnimo-ba Xambaarsan ".


1-| " Aqoonyahanku wuxuu aqoonyahan yahay markuu Rabbigiina yaqaano , Aakhirana yaqano addunkana uu isbedel ka samayn karo. "


2-| " Dhalasho wacan markaan leenahay taas macnaheedu waa sanad baan xabaasha u dhawaaday taasi ma wax lagu farxa. "


3-| " Inaad noqoto qof hami leh, han leh, hiigsi leh, oo hiraal u muuqdo waa lagama marmaan."


4-| " Dad baa dibadda ka qurux badan, guriga markay soo galaana bahal aah , qofka aad nolosha isgu darsateen iyo caruurtad dhashay inaad ku xumaato , dibadana nin fican oo laga yaqano hebel la yidhahdo noqotid wax fican ma aaha ." 


5-| " Dunida dadka isdila iyaga ugu badan reer galbeedku , meeday barwaaqaada ay sheegaayaan? " 


6-| " Aqoonyahanku hadu noqdo qof la ibsan karo suldanadu iiibdan karto, dawladuhuna laaluushi karan aqoonyahan ma-aha " .


7-| " Gool baa la dhaliyeey maxay noloshaada ku soo kordhisay. " 


8- | " In Hooyo la noqda waxay ka Qurux badan tahay inaad noqoto injineerad " .


9-| " Nin walba qabiilkiisa inta la dulmiyaay buu ogyahay, laakin se ma oga intay dulmiyeen ee aay Akhiro u direen."


10-| " Quraanka haddii aad akhrido ; qof Rabigii u waraamayo ayaad tahay bal qiyaas Rabiga oo kula hadlaaya oo ku waramaaya." 


11-| " Luuqada soomaaliyeed waa af Muslim, waa af diin iyo dadnimo ba xambaarsan ". 


12- | " Meesha Qiimaha leh ee u baahan inaan u shaqaysano waa Aakhiro ". 


13-| " Haddaad rabto dadka in caqligoodu ku aqbalo , waxa ka horeeya qalbigooda inad furto qofkaad qalbigiisa furi kari weydana caqligiisana ma furi garaysid ; qalbigana waxa lagu furaa jacayl , naxariis iyo hadal wanagsan " .


14-| " Waxa laga yaaba inad sacado badan ku bixiso iskuulka, yaad saaqidin oo ka waran maalinta qiyaame haddad saaqido maalinta aan saaqidnimo ka weeyni jirin. " 


15-| " Dadka kuwa ugu hantida badan 

Aya aah kuwa ugu hurdada yar ".


16-| " Hadday jannadu tahay meesha qofka logu nimceenayo , caddabtuna ay tahay meesha qofka lagu ciqabayo ; Addunyaduna waxay tahay meesha qudha ee laysgu imtixamayo " .


17-| " Ilmaha inaad Guri uga tagto waxa ka qiimo badan inaad Diin uga tagto, inaad dhaqaalo u samayso waxa uga qiimo badan inaad isaga qof ka dhigto jira oo nool oo Muslim ah. Haddii uu qof Muslim ah noqdo oo Naftiisa ku kalsoon meel uu seexdo iyo wax uu cuno isagaa raadsanaayo."


18- |" Jamacaada baan ka baxay , shahaadan qatay , shaqo fiican baan heelay war waad tagaysaaye waxaas oo dhan waa maalmo , maalin ama maalin badhkeed ayay nolosha oodhan kula noqon marka qiyamaha lagu weeydiyo, oo nolosha maa maalin badhkeed bad dooratay marka."


Dadka kale sii gaarsii.


Xigasho:-   Mustafe Janaale

Saturday, October 15, 2016

Qiso cajiib ah: Maxaa ka oohiyey macalin Abdiqadir Xiito

10:28 PM 0
Waxuu yiri Macalinka, Qaarkiin waxaa laga yaabaa in aad is weydiisaan, maxuu macalinka u ooynayaa?
Waxuu yiri Shalay ILAAHAY caafimaad buu isiiyey
Shalay ILAAHAY xoog buu isiiyey,Shalay ILAAHAY aqoon buu isiiyey,
Shalay ILAAHAY xooluu isiiyey, lakinse waxaan hilmaamay in aan ALLE SWT ku mahadnaqo oo ALHAMDULILAH dhaho, marna ALLAH masoo xasuusan,marna gacmahayga kor uma taagin oo ILAAH kuma mahdin,

Waxaan umaleynayey aduunyadan,xoolahan iyo caqligaba in aan aniga leeyahay, waxaan umaleeynayey in aan dadka ka karti badanahy sida dadka qaarkood aaminsanaayeen.
Karti malihi awoodna malihi aan tan ALLE swt ka ahayn. Asagoo ooynayo buu sii raaciyey,
waxaan xitaa hilmaamay in aan Shanta salaadood.......
HOOS KA DHAGEYSO QISADOO DHAMEYSTIRAN, WAA HUBAAL IN AY NOOLASHAADA WAX BADAN KA BADALI DOONTO INSHA,ALLAH.



Qiso cajiib ah: Maxaa ka oohiyey macalin Abdiqadir Xiito

Sunday, January 10, 2016

Mucjiso La Yaab Leh: Gabadh Iyada Oo Yuhuudiyad Ah Masaajid Gashay, Kana Soo Baxday Iyada Oo Muslim Ah.

5:17 AM 0
Faadumo waa gabadh u dhalatay dalka mexico oo 28 jir ah waxay ku soo barbaartay family yahuud ah iyo mujtamac yahuud ah, waxay ka waramaysa qisadii ay ku islaamtay.

RAADINTA XAQIIQDA

iyadoo ka waramaysa qisadeeda waxay tidhi: Afar sanno ka hor waxay nolashayda ku sugnayd jawhareer badan waxaana igu wareegayey su’aalo badan taasoo u baahan si laga jawaabi lahaa, oo aan ka waayey jawaabahooda diinta yahuuda iyo diinta masiixiga iga biinaya fikirka iyo werwerka badan ee I haysta, welibana arinta ka dhaxaysa baniaadamka iyo ILAAAHEY caza wajalla.


Bilawgii qisada ( London) iyadoo sii wada sheekadeeda waxay tidhi: Markaan kusugnaa London oo aan dhiganayey jaamacadeed waxaan is baranay qoys carbeed oo muslim ah, waxaanaan bilawbay inaan la xidhiidho, waxaanaan aad ula yaabay degnaanshaha xaafadda iyo ku nooshahay hooyada oo aan waydiiyey si sira waxayna igu jawaabtay:

Diinta islaamku waa diin siinaysa xaqqa ay leedahay qofka gabadha ah, iyo makaanka ay gabadho ku leedahay ninkeeda iyo qoyskeeda, iyo sida ay diintu dhigayso labada is qaba manhaj ay leeyihiin ay ku noolaanayaan iyo ku barbaarinayaan ubadkooda, kalmadahan ayaa igu noqday kalmado u soo jeedsaday caqligayga iyo qalbigayga iguna kaliftay inaan xaqiiqda sii ogaado.

Faadumo oo ka waramaysa sheekadeeda waxay tidhi: waxaan baxay maalin maalmaha kamida oo aan tagay meelo lagu nasto, anoo dariiqaygii ku sii socda waxaan ag maray masaajid kamida masaajidada weyn waxaan galay masaajidka waxaanaan kula kulmay sheekh gadh weyn oo cad oo dheer.. si fiican ayuu ii soo dhaweeyey waxaanuu si ixtiraam ku jirto iyo sharaf iga codsaday inaan xijaab xidho ixtiraamahaan masaajidka iskumaanaan dayin inaan diido, markii danbe aniga iyo sheekha ayaa masaajidka wada galnay waanuu ila fadhiistay, waxaanuu isiiyey qayb kamida aayado quraanka kariimka oo ku qoran afka ingiriiska ah, oo sharaxaya diinta islamka, waxaan ka soo baxay masaajidka anoo faraxsan waxaan bilawbay inaan akhristo buugaagta wakhtiyo badan, waxaanaan bilawbay inaan xaadiro kulamada lagu qabto masaajidka wiiga taaasoo iga caawisay inaan fahmo islaamka, dhigayana manhajka qofka muslimka wuxu nolashiisa oo dhan ku nolaan lahaa iyo ilaa maca dhimashadiisa kadib, taas oo aad igu adkaysay inaan u soo jeedsado diinta islaamka oo ah in qofka muslimka ahi rumaysan yahay dhamaan anbiyada oo dhan laga bilaabo nebi aadam ilaa nebi ciise naxariis iyo nabadgelyo kurkooda a’ahaate , taas oo ii soo jeedishay oo kale xidhiidhka ka dhaxeeya qofka muslimka ah iyo ILAAHAY subxaanuhu watacaala,oo aan cidna u dhaxaynin, waxa igu abuurmay werwer laba sanno ah oo aan jeclaystay iyo rabitaankayga ah inaan galo diinta islaamka, iyo baqasho aan ka qabo reerkayga iyo diidmada ay ka qabaan inaan galo oo aan cadaysto diinta islamka.


Laakin waxa kadis igu noqday anoo ku sugan muxaadarada masaajidka waxaan istaagay imaamka hortiisa waxaanaan cadaystay inaan islaam noqday iyo in aan xidho xijaabka, waxaa taasi ku noqotay imaamkii masaajidka ee muxaadarada qabanayey farxad weyn, laakin farxadayda ayaa aad ugu weynayd sababtoo ah waxaan noqday imika laga bilawbo qof muslima xidhanna xijaabka.

Qoyskeyga kadib islaamnimadayda
Faadumo oo dhamaystiraysa hadalkeeda:

Waxaan ku sugnaa London wakhti aan aad u badnayn kadib islamnimayda iyo xidhitaanka xijaabka ILAAHAY mahadiisa wax dhiba kulamaan kulmin bulshada halkaas(London) walibana anigoo sii dhiganaya jaamacadda, wakhti kadib wakhtiyada.. waxaan ku noqday mexico si aan la noolaado qoyskeyga, waxa layaab ku noqotay waalidkey oo arkay isbadelka igu dhacay tasarufaadkayga iyo dhaqankayga iyo waxaan madaxayga( xijaabka ) saaran marwalba ilaa wuu ii soo galay aabahay marqudha isagoo I arkay anoo tukanaya taasoo oo ku noqotay layaab…muu aqblin fikirkayga islamka waligii. Iskumana dayin jaanis ama wakhti sababta igu kaliftay inaan diinta islamka galo.

Hooyaday ayaa ila yaabtay hadana walaalkey waxaana iga fogaaday asxaabtayda iyo dadka aan isku dhawnahay. Mujtamaca yahuudu waa mujtamac isku xidhan mana ogala wax isbadel ah guduhooda, waxaanuu aabahay go’aansaday in wuu guriga iga eryo hooyadayna iskumay dayin in ay diido go’aankaa aabahay yeelay bal way aamustay kamanay hadal, waxaanuu ila hadal muddo sannad ah, walaalkayna kumuu qanacsanayn islamnimayda kumana qanacsanayn xidhitaanka xijaabka, reerkayga kamaan xanaaaqin iyagoo waxaa igu sameeyey oo dhan waxaana kamida sifadaha ama astaamaha qofka muslimka ahi in wuu sabro waalidkiisa iyo in wuu ixtiraamo waxaan kabaxay guriga waxaan noolaa kaligay anoo la xadhiidhaya reerkayga anoo qancinaya oo isku dayeya inaan u soo dhawaado markale.

Faadumo oo ka waramaysa mujtamaca dhexdiida waxay tidhi: wax dhiba kalamaan kulmin bulshada Mexico islaamnimadayda laakin dad asxaabtayda ah oo u malaynayey in wuu igu dhacay cudurka kansarka ah sidaa darteed inaan xidhay xijaabka si aan u qariyo timahayga daadanaya. Ama aan dhalay ilmo sidaa darteed aan madaxayga u qarinayo anoo kacabsi qaba barafka, waxaan isku dayey inaan fursadaas ka faa’daysto si aan isku dayo inaan fahansiiyo dadka islaamka waxaan arkay anoo walaalayaal badan iskudayaya inay diinta islamka soogalaan ILAAHAY mahadiis waxaan awooday inaan ku abuuro dad badan oo asxaabtayda ah oo aan isku dayo inaan galiyo diinta islamka.


Baniaadam kasta, …… wuxu isku dayaya shaydaanku in wuu soogalo qalbigayga iyo caqligayga inkabadan mar … hadaba mecxcio oo ah dal kulul oo xidhitaanka xijaabku yahay shay ku adag in la xidho sababtoo ah darajada kulaylka oo kulul laakin shaydaanka ayaa albaab iga soogalayey inaan iska bixiyo kulaylka daraadii, hadana waxabana igumay dhicin laakin shaydaanka ayaan iska naari jiray waxaanaan akhrisanayey aayadao quraana iyo danbi dhaafna ilaahay ayaan waydiisanayey in badan.

Wakthi wakhtiyada kamida .. waxaan la yaabay walaalkey oo I waydiinayey su’aalo oo igu leh miyaad haysa sawir nebigiina maxamed?

Waxaan ugu jawaaabay maya, wuxu igu yidhi waxaan u malaynaya in nebigiinu maxamed wuxu igu yimid RIYO oo igu yidhi cid kuma qasabno in wuu diinta islamka soogalo… riyadaa kadib waxaan dareemay isbadel sidu ila dhaqmayo walaalkey oo noqday mid raali ka noqda xidhitaanka xijaabka wuxu noqday mid marwalba ila hadala ina soo bookhdana wakhti kasta.

ILAAHEY mahaddii

Faadumo oo sheekadeeda sii dhamaynaysa waxay tidhi: ILAAHAY ayaan u mahad naqaya caza wajalla nicmada diinta islamka kaas oo igu hanuuniyey qalbigayga iyo caqligayga, kuna buuxiyey dhaaawicii I haystay hanuun iyo jeclaan, waxaanaan ilaahay ugu mahadnaqaya subxaanahu watacaala sababtoo ah isagoo iga saaray mugdi iguna badelay nuur. Islaamkuna yahay diin dadka is jeclaysiinaysa iyo raali ay ku jirto iyo ixtiraamaysa diimaha samaawiga oo dhan ( yahuuda iyo masiixiga) oo aan ka bartay kalsooni naftayda ah iyo sharaf shakhasiyadayda ah ILAAHAY subaanahu watacaala wuu yahay mid ducada aqbala .


Waxaan rajaynaya in dadka walaalahayga muslimka ah ee qurabaha ku nool inay isku dayaan siday diinteena saxda ahi ee sharafnimadu ku jirto iyo karaamada qof kasta siinaysa wiil iyo gabadh xaqiisa inay faafiyaan diinteena, sidaa gabadhaa ilaahay ku soo hanuuniyey diinta cisadu ku jirto, wakhtigan oo aan ku jirno oo ah wakhti adag oo ay isku dayeyaan dadka nasaarada ahi inay faafiyaan diintooda maal iyo wax kasta u huryaaan iyagoo Media ku faafinayaan in ay dadka muslimka yihiin dad wax dila kuna tilmaama in ay yihiin IRHAABIYIIN si ay diintooda u faafin lahaayeen, inagana waxa nagu khasab ah in qofkasta oo muslima in wuu isku dayo in diinteena islamka faafiyo, ILAAHAY –na aad ajar iyo xasanaad aad ka helaysid inshaa Allah.

xigasho:http://nuradini.webnode.com/

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:


WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

Wednesday, December 30, 2015

HA U RAACIN CULIMADA SI INDHO LA'AAN AH.Waa shaki la'aan in culimadu yihiin kuwa ambiyada ka dhaxla cilmiga diinta oo way mudan yihiin in lagu ixtiraamo taas sida diintaba tirtirsiisay,

9:07 PM 0
Waa shaki la'aan in culimadu yihiin kuwa ambiyada ka dhaxla cilmiga diinta oo way mudan yihiin in lagu ixtiraamo taas sida diintaba tirtirsiisay,
Laakiin isla marka layslo ogolaado taas ayaa misana waxaa mudan in laysla qiro inaysan sidii ambiyadii macsuumiin la ilaaliyay aysan ahayn .

Culimadu Waa bashar iyo bani aadam kula mid ah oo uu khalad iyo sawaab ka dhici karo.

Waxa kale oo iyana in la ogaado mudan in maalin kaliya aan ilaahay adoomadiisa amrin in ay culimadooda si indho la,aan ah uraacaan,
Bal wuxuu rabbi na faray in aan warka culimada iska fiiltareyno oo wixii wanaagsan kaliya ka qaadano.

-{فَبَشِّرْ عِبَادِي الَّذِينَ يَسْتَمِعُونَ الْقَوْلَ فَيَتَّبِعُونَ أَحْسَنَهُ} [17- 18]
"Ubishaaree adoomada kuwa dhagaysanaya hadalka kiisa wanaagsana qaadanaya".

Mashaa'ikhdu haday hadalo daran iyo waxaan caqligu qaban ku faraan lagama yeelo oo markaa camal waxaa la qaataa xadiiskii uu nabiga scw yiri

استفت قلبك وان افتاك المفتون

Waydii oo la tasho qalbigaada haday doonaan kuwa wax fadwooda haba iska fadwoodeene.

Culimadu waa bashar aan aamin laga ahayn in ay qaarkood u isticmaalaan diinta danahooda gaarka ah.

Way dhici kartaa in ay masaalixdooda shakhsiga ah dhex galiyaan fariimaha diinta.

Waxaa kaloo dhici karta in fariinta ay gudbinayaan saamayn ku leedahay dareenkooda khaaska ah sida caradooda oo kale.

Waxaa kaloo dhici karta in ay kugu diraan dad ay is hayaan oo ay nacayb kugu beeraan iyaga oo diinta daliishanaya"

Laakiin arimahaas oo dhan diintu way ka digtay oo marka ay arimaha halkaas marayaan waad iska daynaysaa warka shiikha oo waxaad isticmaalaysaa caqliga iyo fidrada saliimka ah ee rabi kuugu galadaystay inaad xumaha iyo samaha ku kala saartid"

Aayadda immagkan ku xusan waxay digniin iyo tilmaan cad ka tahay inaan warka culimada la raacin haddii ay wax xun oo aan alle raali ka ahayn ku faraan.

Waayo alle wuxuu yiri ahlul kitaabkii waxay culimadooda iyo suufiyadooda ka dhigteen ilaahyo alle ka sokeeya"

Xadiiskan hoosana wuxuu fasir buuxda ka bixinayaa aayadda oo kolkii ay aayadan soo dagtay ayaa saxaabiga cadiyi inbu xaatim oo hore nasaaro u ahaa ku yiri suubanaha:-rasuulkii alloow anagu maanu caabudi jirin culimada iyo suufiyada,

Markaasaa rasuulka scw ku yiri miyeysan intay wax idinka xarimaan aydan xaraam ka dhigan jirin oo sidoo kale intay wax idiin xalaaleeyaan aydun xalaal ka dhigan jirin,
Kolkaasuu xaatim yiri haa dabeeto rasuulka scw wuxuu yiri hadaba taasaa ka dhigan inaad caabudi jirteen".

عن عدي بن حاتم: أنه سمع النبي صلى الله عليه وسلم يقرأ هذه الآية: {اتَّخَذُوا أَحْبَارَهُمْ وَرُهْبَانَهُمْ أَرْبَاباً مِنْ دُونِ اللَّهِ} [التوبة: 31] . فقلت له: إنا لسنا نعبدهم قال: "أليس يحرمون ما أحل الله فتحرمونه ويحلّون ما حرم الله، فتحلونه؟ " فقلت: بلى. قال: "فتلك عبادتهم" رواه أحمد، والترمذي وحسنه.

Soomaalidii hore waxay ahaayeen dad aad mooddo inay si buuxda ufahamsanaayeen maqsadkaas culimada ku aadan oo iyaga oo ixtiraam uhaya ayay misana ukala soocnaayeen wanaaga ay culimada ka dhagaysanayaan iyo waxa aysan inaba ku raaci karin.

Oo waxaa arintaas laga dheehan karaa maah maahyada ay culimada ka allifeen sida:-

-Fiqi tolkii kama janno tagi!!!!

-la jiifshaana banaan la joojiyaana banaan!!!!

-Wadaad qiil uu ku banaysto iyo qindi uu ku rito midna ma waayo.

-Wacdi culimo wax isii baa u dambaysa!!!!

-Abeeso yeysan dhul u eki kugu dilin wadaadna yuusan dad u eke kugu dilin!!!!

Iyo kuwo kaloo badan.

Ugu dambayntii waxaa loo baahan yahay in ay bulshada fahamto in culimadu bashar yihiin oo aysan ahayn ambiyo ilaahay u waxyoodo oo la ilaaliyay,

Kaliya waxaa haboon in wixii wanaagsan laga qaato oo aan laga dhagaysan duruustooda ku aadan dad ay is neceb yihiin iyo duul ay isu dan leeyihiin,

haday dhexdooda isgaalaysiiyaan ama ay dad ashahaadanaya ood arkayso ku yiraahdaan waa gaal iwm laga dhagaysan maayo.

Haday ku dhahaan masaajid hebel ha ku tukan ama sheekh hebel ha dhagaysan laga yeeli maayo.

Sidoo kale haday ku dhahaan buug nin qoray ha akhrin ama kitaabo culimo ay is hayaan qoreen ha akhrin laga yeeli maayo.

Hadday ku faraan inaad la nacdo dad muslim ah oo ay iyaga neceb yihiin laga yeeli maayo.

Waayo waxaa nala faray inaan samafalka iyo dhowrsanaanta isugu kaalmeyno ee nalama farin inaan isugu kaalmeyno dambiga iyo collaytanka.

- وَتَعَاوَنُوا عَلَى الْبِرِّ وَالتَّقْوَى وَلَا تَعَاوَنُوا عَلَى الْإِثْمِ وَالْعُدْوَانِ ..

Sidaasaa nabadda qalbiga iyo tan bulshadaba u haboon.

Waadna mahadsan tihiin.

WAXAA QORAY ABDULLAHI M HUSSEIN

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:

WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

Thursday, November 26, 2015

Qiso: Alle Dartiis waxaad uga tagtid Rabi waxa uu kugu Badala Shay ka kheyr badan

1:42 AM 0

Qiso: Alle Dartiis waxaad uga tagtid Rabi waxa uu kugu Badala Shay ka kheyr badan.


Alle Dartiis waxaad uga tagtid Rabi waxa uu kugu Badala Shay ka kheyr badan...

Sheekh Cali Dhandhaawi ilaahay ha u naxariistee waxa uu ku yiri Xasuus qorkiisii: 
Dimishiq waxaa ku yaaley masjid wayn oo la yiraahdo Jaamic al tawbah, Waa Jaamic 
wayn oo barakaysan oo Quruxbadan, Waxaa loogu magacaabey Jaamic al tawbah Wuxuu ku 
ooli jirey meel Macaasida lagu sameeyo barigii hore, kadibna waxaa iibsadey Mid ka mid 
ah Boqoradii Qarnigii Todobaad ee Hijriga, Intuu dumiyey ayuu masjid ka dhisey.
Masjidka waxaa Joogi jirey Sheekh ilaa Todobaatan jir ah Magiciisana waxaa la oran 
jirey, Sulaym AL Suyuudi, Dadka xaafadda daganina aad bay ugu kalsoonaayeen wixii ku 
saabsan arimaha diintooda iyo duunyadoodaba way ula noqon jireen, Sheekha waxaa la 
joogi jirey Ardey aad u dhawrsani badan oo aan waxba haysan, Masjidka ayuu ka daganaaa 
Qol, waxaa soo maray ardaygaas Inusan waxba cunin laba maalin, wuxuu cunana ma uusan 
heli jirin, maalintii Sadexaad ayuu is yiri waad dhimanaysaa, wuxuu ka fakarey wuxuu 
samayn lahaa, markaasuu wuxuu Is tusiyey In ay u bannaantahay inuu wax soo xado si uu 
dhimashada uga bad baado.

Sheekh Dandaawi wuxuu leeyahay Qisadan waa Qiso dhab ah dadka ay ku dhacdayna waan 
garanayaa.
Masjidku wuxuu ku yaaley xaafado qadiim ah, guryuhu barigii horena way xidhiidhsanaan 
jireen oo dhinaca ayeey isku wada hayeen, qofkuna wuxuu awoodey inuu guri intuu fuulo 
uu xaafadda dhan isu wada maro.
Ardaygii Masjidkii buu dhakada ka fuuley kadibna wuxuu ku dulsocdey xaafadihii isku 
dhegsanaa, indhihiisu waxay ku dhaceen dumar kadibna wuu ka ill laabtey oo wuu ka 
fogaadey, wuxu arkey Gurigi Cidlo ah oo ay ka so baxayso Urta Karinta cuntada, 

Gaajadii haysey awgeed Sidii bir labta oo kale ayaa dhankii guriga loogu jiidey, 

gurigii buu kor ka dalooliyey kadibna Kijadii buu galey, digsigii dabka Saarnaa ayuu 
ka qaadey daboolka, Mise waxaa kar karaya Baadijaan, Mid buu la soo baxay Kadibna wuu 
qaniiney, Ma uusan awoodin inuu liqo caqligiisii iyo diintisii ba u soo noqdey, wuxuu 
yiri " Acuudu billlaah, Ma anigoo
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA