SUPPORT WEBSITE

Showing posts with label HA ILAAWIN GEERIDA. Show all posts
Showing posts with label HA ILAAWIN GEERIDA. Show all posts

Monday, November 14, 2016

QISO: ALLAH KA CABSI: IS XISAABI INTA ALLAH SWT KU XISAABIN.

5:12 AM 0
Nin dhalinyaro ah ayaa waxa uu yimi aaska saaxiibkii, kadibna isagii oo kor taagan qabrigii saaxiibkii ayaa waxaa su'aal waydiiyay nin shiikh ahaa oo ay isgaranayeen su'aashuna waxa ay ahayd

- Hadii saaxiibkaa uu Alle ( swt) dib u soo nooleeyo maxay kula tahay in uu samayn lahaa ?

Kadibna ninkii dhalainyarada ahaa waxa uu ugu jawaabay :

'' Waxa ay ila' tahay waxa uu isku dayi lahaa inuu soo qaleeyo salaadihii uu katagi jiray, Waxa uu isku dayi lahaa in uu dib u barto quraanki labaray ee uu dayacay, Waxa uu isku dayi lahaa inuu soo qaleey wixii soon ahaa ee lagu lahaa oo cudurdaar la'aanta uga tagay, Waxa uu isku dayi lahaa inuu hagaajiyo xidhiidhka ka dhaxeeya isaga iyo rabbigii ''

Intaa kadib Ninkii shiikha ahaa waxa uu ku yidhi wiilki dhalinyarada ahaa :

'' Waxa ay ila tahay wanaaga aad soo sheegtay dhammaan adiga ayaa fursad u haysta in aad samayso waayo saaxiibkaa marnaba ma soo laabanayo si' uu u hagaajiyo wixii uu ka tagay balse maanta adigaa haysta jaanis aad ku samaysan karto gunaanadka wanaagsan ee hadaba isku day in aad adigu hagaajisato xidhiidhka adiga iyo rabbigaa idin ka dhaxeeya ee ah in aad samayso wixii uu ku faray ''

Hadii ay maanta noqoto maalinta ugu dambaysay ee aad katagi lahayd gurigaaga kumeel gaadhka ah ( Adduunyo ) oo aad u guuri lahayd gurigaaga dhabta ah ( Qabri) Maxaad u sii diyaarsatay ???
Waxaan isleeyahay waa su'aal wax ka baddeli karta qofka iyo sida uu noolasha u arko !!

Ugu dambayntii waxaan Allah (سُبْØ­َانَÙ‡ُ Ùˆَ تَعَالَÙ‰ ) kamagan galaynaa in aysan geeridu noogu iman si' lama filaan ah iyadoo aysan hagaagsanayn xidhiidhka annaga iyo Allah (s.w.t) inaga dhaxeeya Aamin Ya Allah

Saturday, October 15, 2016

Qiso cajiib ah: Maxaa ka oohiyey macalin Abdiqadir Xiito

10:28 PM 0
Waxuu yiri Macalinka, Qaarkiin waxaa laga yaabaa in aad is weydiisaan, maxuu macalinka u ooynayaa?
Waxuu yiri Shalay ILAAHAY caafimaad buu isiiyey
Shalay ILAAHAY xoog buu isiiyey,Shalay ILAAHAY aqoon buu isiiyey,
Shalay ILAAHAY xooluu isiiyey, lakinse waxaan hilmaamay in aan ALLE SWT ku mahadnaqo oo ALHAMDULILAH dhaho, marna ALLAH masoo xasuusan,marna gacmahayga kor uma taagin oo ILAAH kuma mahdin,

Waxaan umaleynayey aduunyadan,xoolahan iyo caqligaba in aan aniga leeyahay, waxaan umaleeynayey in aan dadka ka karti badanahy sida dadka qaarkood aaminsanaayeen.
Karti malihi awoodna malihi aan tan ALLE swt ka ahayn. Asagoo ooynayo buu sii raaciyey,
waxaan xitaa hilmaamay in aan Shanta salaadood.......
HOOS KA DHAGEYSO QISADOO DHAMEYSTIRAN, WAA HUBAAL IN AY NOOLASHAADA WAX BADAN KA BADALI DOONTO INSHA,ALLAH.



Qiso cajiib ah: Maxaa ka oohiyey macalin Abdiqadir Xiito

Monday, May 2, 2016

QISO; WALAAL KU SHUKRI NIMCOOYINKA ALLE SWT KU SIIYEY.

5:20 AM 0
Wiilkaan waxuu ahaa 24 jir carab ah ,, Maalin ayuu gaarigis qaatay si uu usoo booqdo asxaabtiisa , Waxuu La kulmay Shil Yar intuu baaburka waday , Jirkiisa wax ma gaarin lakin Koma ayuu galay oo xubnahiisa dhan ma dhaqdhaqaaqin karin ,,Isbitaal ayaa loola cararay , 4 maalmood ayuu suuxsana oo koma ku jiray, Maalinkii afaraad ayuu soo kacay isago ehelkiisa dhan la joogaan aabahiis iyo walalhis ,wey Ku farxeen komada marku ka so kacay Lakin Waxuu meesha ku waayay oo dareemay Inuusan waxba Arkin, Indhaha inuusan waxba ka arkin aan ka eheen Mugdi un.. 

24 sano nicmadii indhaha wey jogtay lakin manta waa uu waayay nicmadaas ... wiilkii ooyin ayuu isku celin waayay markuu arkay inuusan waxba u jeedin, Aaabahiis aya dhahay sabar aduunka wa imtixaan Rabbigii ku siiyay ayaa kaa qaaday indhaha.. wiilkii ooyintiisa ayuu sii waatay , waxu dhahay aabe lama oynaayo indho la anta ,, oo Allah ba 24 sano iigu nicmeeyay indhaha , lakin waxaa la ooynaa oo ka shalaayaa 24 sano waxaa arki jiray Masaajid lakin ma aadi jirin ,, waxaa indhahan ku daawan jiray filmaanta xun xun, waxaa ku daawan jiray wax uusan Alle Raali ka eheen , Gormuu Ogaaday Nicmada ee leedahay Indhaha? Gormuu ogaaday nicmada indhaha? waa Markuu waayay Nicmadaaas..
Walaal Nicmooyinka uu Alle ku siiyay ku shukri, walaalyaal Manta Alle Indho ayuu ku siiyay Haku Daawanin wax uusan Raali ka eheen,, Dhago ayuu ku siiyay haku dhageesan wax uu raali ka eheen, Lugo ayaa lagu siiyay ha la aadin meel xaaran ka socoto ,... Maanta waa Awoodaa In Aad Quraanka kitaabka ka aqriso , Manta waa Awooda Inaad kheyrka dhageysatid , manta waad Awoodaa meelaha Kheyrka inaad aadid masaajida ..Lakin Badanaa inta aan ka shukrin Nicmooyinkaas,.. dadka badankood ma xasuustaan Nicmooyinkaas Illaa waayaan ... Allah ku shukri caafimaadka uu ku siiyay , Ummad badan baa ku tamanineyso Nicmooyinkaas aad heysato ku shukri Rabbigii ku siiyay ....

Sunday, January 10, 2016

Mucjiso La Yaab Leh: Gabadh Iyada Oo Yuhuudiyad Ah Masaajid Gashay, Kana Soo Baxday Iyada Oo Muslim Ah.

5:17 AM 0
Faadumo waa gabadh u dhalatay dalka mexico oo 28 jir ah waxay ku soo barbaartay family yahuud ah iyo mujtamac yahuud ah, waxay ka waramaysa qisadii ay ku islaamtay.

RAADINTA XAQIIQDA

iyadoo ka waramaysa qisadeeda waxay tidhi: Afar sanno ka hor waxay nolashayda ku sugnayd jawhareer badan waxaana igu wareegayey su’aalo badan taasoo u baahan si laga jawaabi lahaa, oo aan ka waayey jawaabahooda diinta yahuuda iyo diinta masiixiga iga biinaya fikirka iyo werwerka badan ee I haysta, welibana arinta ka dhaxaysa baniaadamka iyo ILAAAHEY caza wajalla.


Bilawgii qisada ( London) iyadoo sii wada sheekadeeda waxay tidhi: Markaan kusugnaa London oo aan dhiganayey jaamacadeed waxaan is baranay qoys carbeed oo muslim ah, waxaanaan bilawbay inaan la xidhiidho, waxaanaan aad ula yaabay degnaanshaha xaafadda iyo ku nooshahay hooyada oo aan waydiiyey si sira waxayna igu jawaabtay:

Diinta islaamku waa diin siinaysa xaqqa ay leedahay qofka gabadha ah, iyo makaanka ay gabadho ku leedahay ninkeeda iyo qoyskeeda, iyo sida ay diintu dhigayso labada is qaba manhaj ay leeyihiin ay ku noolaanayaan iyo ku barbaarinayaan ubadkooda, kalmadahan ayaa igu noqday kalmado u soo jeedsaday caqligayga iyo qalbigayga iguna kaliftay inaan xaqiiqda sii ogaado.

Faadumo oo ka waramaysa sheekadeeda waxay tidhi: waxaan baxay maalin maalmaha kamida oo aan tagay meelo lagu nasto, anoo dariiqaygii ku sii socda waxaan ag maray masaajid kamida masaajidada weyn waxaan galay masaajidka waxaanaan kula kulmay sheekh gadh weyn oo cad oo dheer.. si fiican ayuu ii soo dhaweeyey waxaanuu si ixtiraam ku jirto iyo sharaf iga codsaday inaan xijaab xidho ixtiraamahaan masaajidka iskumaanaan dayin inaan diido, markii danbe aniga iyo sheekha ayaa masaajidka wada galnay waanuu ila fadhiistay, waxaanuu isiiyey qayb kamida aayado quraanka kariimka oo ku qoran afka ingiriiska ah, oo sharaxaya diinta islamka, waxaan ka soo baxay masaajidka anoo faraxsan waxaan bilawbay inaan akhristo buugaagta wakhtiyo badan, waxaanaan bilawbay inaan xaadiro kulamada lagu qabto masaajidka wiiga taaasoo iga caawisay inaan fahmo islaamka, dhigayana manhajka qofka muslimka wuxu nolashiisa oo dhan ku nolaan lahaa iyo ilaa maca dhimashadiisa kadib, taas oo aad igu adkaysay inaan u soo jeedsado diinta islaamka oo ah in qofka muslimka ahi rumaysan yahay dhamaan anbiyada oo dhan laga bilaabo nebi aadam ilaa nebi ciise naxariis iyo nabadgelyo kurkooda a’ahaate , taas oo ii soo jeedishay oo kale xidhiidhka ka dhaxeeya qofka muslimka ah iyo ILAAHAY subxaanuhu watacaala,oo aan cidna u dhaxaynin, waxa igu abuurmay werwer laba sanno ah oo aan jeclaystay iyo rabitaankayga ah inaan galo diinta islaamka, iyo baqasho aan ka qabo reerkayga iyo diidmada ay ka qabaan inaan galo oo aan cadaysto diinta islamka.


Laakin waxa kadis igu noqday anoo ku sugan muxaadarada masaajidka waxaan istaagay imaamka hortiisa waxaanaan cadaystay inaan islaam noqday iyo in aan xidho xijaabka, waxaa taasi ku noqotay imaamkii masaajidka ee muxaadarada qabanayey farxad weyn, laakin farxadayda ayaa aad ugu weynayd sababtoo ah waxaan noqday imika laga bilawbo qof muslima xidhanna xijaabka.

Qoyskeyga kadib islaamnimadayda
Faadumo oo dhamaystiraysa hadalkeeda:

Waxaan ku sugnaa London wakhti aan aad u badnayn kadib islamnimayda iyo xidhitaanka xijaabka ILAAHAY mahadiisa wax dhiba kulamaan kulmin bulshada halkaas(London) walibana anigoo sii dhiganaya jaamacadda, wakhti kadib wakhtiyada.. waxaan ku noqday mexico si aan la noolaado qoyskeyga, waxa layaab ku noqotay waalidkey oo arkay isbadelka igu dhacay tasarufaadkayga iyo dhaqankayga iyo waxaan madaxayga( xijaabka ) saaran marwalba ilaa wuu ii soo galay aabahay marqudha isagoo I arkay anoo tukanaya taasoo oo ku noqotay layaab…muu aqblin fikirkayga islamka waligii. Iskumana dayin jaanis ama wakhti sababta igu kaliftay inaan diinta islamka galo.

Hooyaday ayaa ila yaabtay hadana walaalkey waxaana iga fogaaday asxaabtayda iyo dadka aan isku dhawnahay. Mujtamaca yahuudu waa mujtamac isku xidhan mana ogala wax isbadel ah guduhooda, waxaanuu aabahay go’aansaday in wuu guriga iga eryo hooyadayna iskumay dayin in ay diido go’aankaa aabahay yeelay bal way aamustay kamanay hadal, waxaanuu ila hadal muddo sannad ah, walaalkayna kumuu qanacsanayn islamnimayda kumana qanacsanayn xidhitaanka xijaabka, reerkayga kamaan xanaaaqin iyagoo waxaa igu sameeyey oo dhan waxaana kamida sifadaha ama astaamaha qofka muslimka ahi in wuu sabro waalidkiisa iyo in wuu ixtiraamo waxaan kabaxay guriga waxaan noolaa kaligay anoo la xadhiidhaya reerkayga anoo qancinaya oo isku dayeya inaan u soo dhawaado markale.

Faadumo oo ka waramaysa mujtamaca dhexdiida waxay tidhi: wax dhiba kalamaan kulmin bulshada Mexico islaamnimadayda laakin dad asxaabtayda ah oo u malaynayey in wuu igu dhacay cudurka kansarka ah sidaa darteed inaan xidhay xijaabka si aan u qariyo timahayga daadanaya. Ama aan dhalay ilmo sidaa darteed aan madaxayga u qarinayo anoo kacabsi qaba barafka, waxaan isku dayey inaan fursadaas ka faa’daysto si aan isku dayo inaan fahansiiyo dadka islaamka waxaan arkay anoo walaalayaal badan iskudayaya inay diinta islamka soogalaan ILAAHAY mahadiis waxaan awooday inaan ku abuuro dad badan oo asxaabtayda ah oo aan isku dayo inaan galiyo diinta islamka.


Baniaadam kasta, …… wuxu isku dayaya shaydaanku in wuu soogalo qalbigayga iyo caqligayga inkabadan mar … hadaba mecxcio oo ah dal kulul oo xidhitaanka xijaabku yahay shay ku adag in la xidho sababtoo ah darajada kulaylka oo kulul laakin shaydaanka ayaa albaab iga soogalayey inaan iska bixiyo kulaylka daraadii, hadana waxabana igumay dhicin laakin shaydaanka ayaan iska naari jiray waxaanaan akhrisanayey aayadao quraana iyo danbi dhaafna ilaahay ayaan waydiisanayey in badan.

Wakthi wakhtiyada kamida .. waxaan la yaabay walaalkey oo I waydiinayey su’aalo oo igu leh miyaad haysa sawir nebigiina maxamed?

Waxaan ugu jawaaabay maya, wuxu igu yidhi waxaan u malaynaya in nebigiinu maxamed wuxu igu yimid RIYO oo igu yidhi cid kuma qasabno in wuu diinta islamka soogalo… riyadaa kadib waxaan dareemay isbadel sidu ila dhaqmayo walaalkey oo noqday mid raali ka noqda xidhitaanka xijaabka wuxu noqday mid marwalba ila hadala ina soo bookhdana wakhti kasta.

ILAAHEY mahaddii

Faadumo oo sheekadeeda sii dhamaynaysa waxay tidhi: ILAAHAY ayaan u mahad naqaya caza wajalla nicmada diinta islamka kaas oo igu hanuuniyey qalbigayga iyo caqligayga, kuna buuxiyey dhaaawicii I haystay hanuun iyo jeclaan, waxaanaan ilaahay ugu mahadnaqaya subxaanahu watacaala sababtoo ah isagoo iga saaray mugdi iguna badelay nuur. Islaamkuna yahay diin dadka is jeclaysiinaysa iyo raali ay ku jirto iyo ixtiraamaysa diimaha samaawiga oo dhan ( yahuuda iyo masiixiga) oo aan ka bartay kalsooni naftayda ah iyo sharaf shakhasiyadayda ah ILAAHAY subaanahu watacaala wuu yahay mid ducada aqbala .


Waxaan rajaynaya in dadka walaalahayga muslimka ah ee qurabaha ku nool inay isku dayaan siday diinteena saxda ahi ee sharafnimadu ku jirto iyo karaamada qof kasta siinaysa wiil iyo gabadh xaqiisa inay faafiyaan diinteena, sidaa gabadhaa ilaahay ku soo hanuuniyey diinta cisadu ku jirto, wakhtigan oo aan ku jirno oo ah wakhti adag oo ay isku dayeyaan dadka nasaarada ahi inay faafiyaan diintooda maal iyo wax kasta u huryaaan iyagoo Media ku faafinayaan in ay dadka muslimka yihiin dad wax dila kuna tilmaama in ay yihiin IRHAABIYIIN si ay diintooda u faafin lahaayeen, inagana waxa nagu khasab ah in qofkasta oo muslima in wuu isku dayo in diinteena islamka faafiyo, ILAAHAY –na aad ajar iyo xasanaad aad ka helaysid inshaa Allah.

xigasho:http://nuradini.webnode.com/

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:


WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

Saturday, January 2, 2016

QISADII SACIID BIN AL-MUSAYIB. Saciid waxa uu ahaa mid kamida culimadii diinta ugu caansanayd xilligii banii Umayah dowladda Islaamka u talinayeen:

4:44 AM 0
Saciid waxa uu ahaa mid kamida culimadii diinta ugu caansanayd xilligii banii Umayah dowladda Islaamka u talinayeen: Saciid ardadiisa waxaa kamid ahaa nin la oran jiray Cabdullaahi bin Abii-widaacah. C/Laahi dhawr maalmood buu dersiga ka maqnaaday, sheekhuna ardada ka dhex tebay. Maalintii dambe kolkii loo sheegay in sheekhu doondoonayey buu u yimid. Markuu salaamay buu sheekhu weydiiyey halkuu maalmahan ku maqnaa. “Xaaska ayaa iga jiranayd oo aan la joogay, haddase way dhimatay oo waaban soo duugay” buu C/Laahi ugu jawaabay. “Maxaad jirradeeda noogu soo sheegi weyday aan booqannee, amaba geerideeda aan waxka duugnee?” intuu ku yiri oo u tacsiyeeyay, xaaskii geeriyootayna u duceeyay, buu dabeeto ku yiri: “C/Laahiyow guurso, Eebbena ha hortegin adoo doob ah”. “Yaa sheekhow gabar isiinaya!, Wallaahi baan ku dhaartaye Afar dirham baa xoolo iga dhaca”. Sheekhii baa markaa yiri: “Subxaanallaah, miyaanu muslimku afar dirham ku dhowrsan karin!”, una raaciyey “Anaa inan kuu guurinaya hadaad raali ka tahay”.
QISADII SACIID BIN AL-MUSAYIB

Saciid waxa uu ahaa mid kamida culimadii diinta ugu caansanayd xilligii banii Umayah dowladda Islaamka u talinayeen: Saciid ardadiisa waxaa kamid ahaa nin la oran jiray Cabdullaahi bin Abii-widaacah. C/Laahi dhawr maalmood buu dersiga ka maqnaaday, sheekhuna ardada ka dhex tebay. Maalintii dambe kolkii loo sheegay in sheekhu doondoonayey buu u yimid. Markuu salaamay buu sheekhu weydiiyey halkuu maalmahan ku maqnaa. “Xaaska ayaa iga jiranayd oo aan la joogay, haddase way dhimatay oo waaban soo duugay” buu C/Laahi ugu jawaabay. “Maxaad jirradeeda noogu soo sheegi weyday aan booqannee, amaba geerideeda aan waxka duugnee?” intuu ku yiri oo u tacsiyeeyay, xaaskii geeriyootayna u duceeyay, buu dabeeto ku yiri: “C/Laahiyow guurso, Eebbena ha hortegin adoo doob ah”. “Yaa sheekhow gabar isiinaya!, Wallaahi baan ku dhaartaye Afar dirham baa xoolo iga dhaca”. Sheekhii baa markaa yiri: “Subxaanallaah, miyaanu muslimku afar dirham ku dhowrsan karin!”, una raaciyey “Anaa inan kuu guurinaya hadaad raali ka tahay”.


C/Laahi bin Widaacah oo isaga laftiisu sheekada ka sheekeynayaa waxa uu leeyahay: Markaas baan xishood iyo darajayn dartood uga aamusay. “Maxaad u aamustay? ma inantaydaan kuu cuntamayn?”. “Eebe hakuu naxariistee maxaad saa u leedahay haddaad doonto gabadhaada kumanaan dirham baad ku guurin kartaaye” baan ku iri. Markaas buu sheekhii yiri “Waa runtaa, balse iska daayoo shuhuud u yeero”. Shuhuud baan markaa u yeertay, waxaana gabadhii la igula mehriyey Afartii dirham, halkaana lagu kala faataxaystay.
Kolkaan Salaaddii Cishaha tukannay baan anigu gurigeygii iska aaday, waana tanoo ninbaa iridkii aqalkeyga garaacaya. “Waa kuma?”. Qofkii iridka garaacayey baa yiri: “Waa Saciid”. Ilaah baan ku dhaartaye waxaan Saciidyo magaalada ku aqoon jiray waan soo wada xusuustay aan ka ahayn Saciid bin Al-Musayib, maxaa yeelay weligey maanan arag asagoo gurigiisa ka baxaya, inuu Salaad Masjidka ugu socdo ama meyd wax kasoo aasayo maaha eh. Markaas baan iri: “Waa Saciidkee?”. “Saciid bin Al-musayib”. Jirkayga oo dhan baa halmar jareeyey, waxanan is iri: “Armuu sheekhu ka shallaayey inantuu ku siiyey oo kuu cudur daaran rabaa”. Markaas baan anoo cagajiid ah iridkii furay, saa waa gabar dadaboolan, faras alaabi ku raran tahay iyo adeegto cad. Sheekhii intuu isalaamay buu yiri: “C/Laahiyow waatan naagtaadii”. Markaas baan si yare xishood ku jiro u iri: “Alle hakuu naxariistee, maxaad ayaamo ugu kaadin weydey”. Suu yiri: “Sabab!”, kuna daray: “Sow ima oran afar dirham baan haystaa?, mise waxaad dooneysaa in Eebbe iyiraahdo maxaad ninka habeenkaa doobnimo ugu dhaaftay adoo xaaskiisii haya. Waa taa naagtaadii waana taa alaabadiinnii, waana taa gabar idiin adeegta iyo kun dirham ood masruufataan. C/Laahiyow amaanada Eebbe iga guddoon. Waxan dhaar kuugu marayaa inaad iga guddoomaysid gabar Soon iyo Salaad badan, Kitaabka Eebbe iyo Sunnada Rasuulkiisana aqoon badan u leh, ee Alle kaga cabso, aniga darteeyna ha uga xishoon ee haddaad wax aadan jeclaysan ku aragto intaad edbiso gacanteyda kusoo sin”. Waanu sii dhaqaaqay.


C/Laahi waxa uu leeyahay: Wallaahi baan ku dhaartaye weligey ma arag naag ka aqrin og Kitaabka Alle, kagana aqoon badan Sunnada Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam), kagana cabsi badan Allihii abuurtay, waxanay ahayd mas’alada culimada wareerisa ta jawaabteeda la weydiiyo.Mar kasta oon Saciid is aragno waxa uu iweydiin jiray: “Qoftii say tahay?” markaas baan dhihi jiray: “Waa nabaddeeda”.
Kedib markay gabadhii wiil iidhashay baan maalin anigoo suuqa u baxay waxaan soo laabtay islaan aanan weligey arag oo aqalka dhex fadhida. Ka noqo markaan islahaa bay xaaskaygii tiri: “Soo gal C/Laahiyow, waa qof araggeeda Eebbe kuu banneeyaye”. Markaas baan weydiiyey: “Tumaad ahayd, Alle hakuu naxariistee?”. “C/Laahiyow gabadhaan hooyadeed baan ahaye maxaad kala kulantay?”. “Khayr Alle haydinka siiyo, si fiican baad u tababarteen una edbiseen”. “C/Laahiyow annaga ha noogu danayne haddaad xumaan ku aragtid edbi, waxaan nafteeda ka ahaynna adaa leh, dhoola caddayntana haka badin yaanay ku dhayalsane. Eebe haydiin barakeeyo dhallaanka cusub, ha ka dhowro Shaydaan, hana kadhigo mid Alle ka cabsi badan sidii awoowihii. Wallaahi baan ku dhaartaye Afartan (40) sanadood oon isqabnay ma aanan arag maalinna asagoo Allihiis ku caasinaya, lacagtaana asagaa idiinsoo dhiibaye qaata”.

Cabdullaahi waxa uu leeyahay: “Waan ka qaatay lacagtii,waxayna ahayd Shan diinaar, siday islaantii markaas nooga baxdayna siddeed iyo toban sanadood wejigeeda dib uma aanan arag ilaa geeriyi na kala geysay”. Dhammaad qisadii Saciid bin Al-Musayib.?

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:


WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA