SUPPORT WEBSITE

Showing posts with label QISO IIMAANKA KUU SIYAADINEYSO. Show all posts
Showing posts with label QISO IIMAANKA KUU SIYAADINEYSO. Show all posts

Thursday, November 24, 2016

QISO FAAIDO BADAN: WUU II CEEB ASTURAY ALLE CEEBTIISA HA ASTUREE.

7:27 AM 1
Nin sheikh caalim ah ayaa habeen waxa uu ku riyooday nin uu yaqaanay oo janada dhex jooga, markii la gaaray subaxii oo uu waagii baryey ayaa imaamkii waxa uu raadiyey ninkii uu xalay ku riyooday asagoo janada dhex jooga.

Markii uu u yimid ayaa imaamkii waxa uu ninkii ku yiri, ii sheeg, maxaa camal ah oo aad sameysaa, oo Alle swt ugu dhawaataa? Waayo xalay waxa aan arkay oo ku riyooday adigoo dhexmiranaya janada Allah mideeda ugu qiimaha badan, ninkii waa uu diiday in uu imaamkii uu uga jawaabo suaashiisi.
Imaamkii ayaa yiri, ILAAH baan kugu dhaariyee ii sheeg camalka aad sameysay anigana aan Allah swt ugu dhawaadee, si aan u helo Allah swt raxmadiisa.

Ninkii ayaa yiri Imaam baa tahay oo qisadeyda ma qarin kartid lakinse ii balanqaad in aadan dadka u sheegeynin magaceyga, imaamkii ayaa u balanqaaday in uusan magaciisa sheegi doonin, ninkii ayaa yiri waa yahee dhageyso qisada igu dhacday.


Waxaan guursaday gabar, marki aan guursaday oo guriga geystay ayaa waxa aan ogaaday in leedahay uur dhowr bilood ah oo aan anigu lahayn, waan naxay oo wax aan sameeyo ayaan garan waayey, waxaan go,aansaday in aan u ceeb qariyo, ehelkeyga iyo ehelkeedaba waan u diiday in ay xaaskeyga booqasho ugu yimaadaan si aan ugu ceeb qariyo oo aan loo ogaanin xaaskeyga in ay uur leedahay.

Waxaa la gaaray xiligii foosha, waxaan ugu yeeray umuliso, waxa ayna gabadhii ku dhashay guriga, waxaan soo qaaday cunugii ay dhashay waxey ahayd aroor hore oo ay soo dhawdahay salaada subax, cunugii ayaan dhigay irida masjidka anigana gudaha masjidka ayaan u gudbay. Waxaan tukaday salaad suno ah, banaanka ayaan usoo baxay waxaana arkay wiilkii yaraa oo ay ku xoonsanyihiin, dadkii xaafada, isla markaana ay is weydiinayaan cida soo dhigtay.


Waan soo qabtay cunigii dadkii ayaana ku iri wiilkaan hooyadiis ayadoo ka baqeyso ceeb ayey iska soo fogeysay, aniga ayaana qaadanaya oo ka faalo qaadayo gurigayga ayaana ku korsanayaa, waxaan u markhaati galiyey dadkii goobta joogay, kadib xaaskeyga ayaan tuulo kale u waday markhaatiyaal iyo sheikh cusub ayaana ula tagay si markale la iigu mehriyo.

Gabadhii hada waa xaaskeyga waxa ay ii dhashay ilmo badan naxariista aan u sameeyey waxa ay igu abaal guday in ay igu nooleyso jano aduun, aakhirana Allah swt ayaa waxa aan ka baryayaa in uu janadiisa nagu kulmiyo aniga iyo xaaskeyga.

QISADOO MUUQAAL AH HOOS KA DAAWO.


Wednesday, November 16, 2016

QISO CAJIIB AH: WAXUU YIRI WAXAAN AHAA QOF AAN ILAAH AQOON, OO XAARAN KASTA SAMEEYEY.

10:45 AM 2
Nin dhallin yaro ah oo ay ka muuqato inuu Rabbi u nimceeyey ayaa maalin maalmaha ka mid ah meel igula kulmay. 

Wuu igu dhegay oo i salaamay wuxuu iga dalbaday inaan u raaco xafiisikiisa oo aan shaah lasoo cabbo. Markii aan ka yeelay oo aan tagnay xafiiskisi ayuu bilaabay inuu marna isoo eego marna ooyo.

Markaas ayaan ku idhi: Khayr In shaa Allaah, wejigaaga khayr badan ayaa ka muuqda ee Maxaa kugu dhacay, sidee wax u jiraan wll?

Markaas ayuu ii warramay, wuxuu yidhi: Wallaahi Sheekhow, waxaa jirtay in iyadoo la soomman yahay aan ahaan jirey nin macsiyeysta. Wuxuu farta iigu fiiqay mid ka mid ah qolal kiisa isagoo leh qolkani wuxuu khaas u ahaan jirey ZINADA!

Qaar ka mid ah shaqaalahayguna waxay u xil-saarnaayeen inay ii keenaan gabdhaha ugu quruxda badan waddan uu magacaabay.
Ninkaas oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: Waxaan xasuustaa iyadoo ay tahay bil Ramadaan in anigoo macsidaa iyo zinadaa ku dhex jira aan masjid qolalkayga u dhow ka maqli jirey muslimiinta oo tukanaysa salaadda taraawiixda, markaas ayaan ka xaraabaysan jiray.

Wuxuu iigu dhaartay in marka cuntada loo keenayo, khamriga loo keeni jirey inta aan biyaha loo keenin. Wuxuu yidhi: Waxaa yaraan jirtay in habeen i dhaafo aniga oo aan zinaysannin. Waxaana dhici jirtay in habeen la ii keeno gabadh aan i cajabinnin oo aan dalbado in la iga beddelo oo isla habeenkaasba mid kale la ii keeno. Waxaan ahaa nin noloshaa ku jira.

Wuxuu ahaa mid aan Ilaahay aqoonnin, culimada iyo dacwadaba ku ciyaara Habeen habeennada ka mid ah anigoo ku jees-jeesaya muslimiinta oo taraawiix tukanaysa iyo kuwa maalintii soomman ayey ii keeneen gabadh, mana ayna ahayn mid i cajabisay.

Kolkaas ayaan ka dalbaday inay xafiiskayga iigu keenaan gabadh kale. Intii la iigu maqnaa ayaan is idhi "Oo intii aad waqtiga iska lumin lahayd maan in yar u seexdo.

Waan seexday kadibna wax yar kadib waxaan ku riyooday aabahy oo meel buur ah igala hadlaya oo qaylinayaa oo leh "Wiilkaygiiyow aabo kafagow zinada iyo macaasida iyo gaalnimada.

Waan toosay anigoo naxsan waxaan arkay inaan tiyo ku jiro hadana dib ayaan ugu labty hurdaydii waxaan markale ku riyooday anigoo silsilado waawayn laygu xidhay hadana foostoiyin waawayn daamur la karinaayo laygu shubaayo.

Anigoo aad u naxsan hadana dhididsan ood moodo xaaladan ku jitay inay dhab ahyd ayaan soo toosay wax yar ayaan qolka Tv ga iska soo fadhiisatay

Intii la iigu maqnaa ayaan is idhi dib ha u seexane maan teleefishinka ka raadiyo meelaha laga helo filimada fuxshiga ah inta gabadhaas laga keenayo"!!!

Intii aan raad-raadinayey ayaan mawjidihii aan bed-beddelayey mid ka mid ah ayaan (sheekhoow) kaa arkay adiga oo u lebbeisan sidan aad haddaba ugu lebbisan tahay dharka cad-cad oo ka muxaadaraynaya.

Markaas ayaan ku joojiyay muxaadaradii Ugumana joogsannin inaan ku dhegaysto ee waxay ila noqotay inay qalad ahayd inaan meeshaa kaa arko,

waxaanan idhi: Macquul ma aha. Wadaadkan maxaa meesha keenay? Ma ahayn inaan halkan ku arko! Ma aanan rabin inaan ku dhegaysto, kumana aanan aqoonnin.

Aniga oo weli gacanta ku haya kii lagu bed-beddalayey oo aanan weli beddelin aanse is leeyahay beddel ayaan usii daayey ilbidhiqisyo iyo daqiiqado kale.

Ilaahay Amarkiisa, muxaadaradu waxay ku baxaysay toos, waxayna ku saabsanayd Zinada iyo dhibaatadeeda.

Wuxuu yidhi: Waxaan dhigay bed-beddelihii, markaas ayaan siiyey qalbigayga oo dhan inaan muxaadarada ku dhagaysto.
Waxaad moodaysay inaanan weligay ooyin markaa ka hor xataa riyadii.imay bedelin qaxaan naxdin ahyn mooyee, adiguna aad aniga ila hadlaysay oo aad i arkayso waxa aan samaynayo.

Ilaahay ayaan kuugu dhaartaye, sheekhow, waxay ay ahayd markii iigu horreysay ee aan dareemo macaanka Iimaanka.

Waxaa isku kay raacay riyadii iyo muxaadardii waxaadba mooda in si toosa aniga layla hadlayo.

Waxaan habeenkaa goostay inaan salaadda bilaabo markii iigu horreysay nolosha iyadoo aan dhaafay 33 jir. Kana toobad keeno denbiga aan ku jiey. Halkii ayaan isku diyaariyey oo aan salaaddii ku bilaabay.

Aniga oo sujuudsan ayaa la keenay gabadhii la iigu maqnaa ee aan rabay inaan ka zinaysto. Way i raad-raadiyeen, ugu danbaynna waxay arkeen inaan sujuudsanahay, waxayna la yaabeen farqiga u dhexeeya xaaladdii ay igaga tageen iyo xaaladda aan ku sugnahay.

Waxay i sugaanba markii aan salaaddii ka baxay ayey i su'aaleen waxa igu dhacay? Markii aan u warramay ayaan ku idhi gabadhii iska celiya. Ilaahay ayaan kuugu dhaartaye sheekhow habeenkaa ayaan Rabbigay Ballan la galay inaanan dib danbe u zinaysannin oo aanan dib danbe khamri u cabbin go'aanka u gaadhay.

Subixii ku xigayna waxaan bilaabay inaan soomo, saddex maalmood ka dibna aniga iyo xaaskaygii ayaa isu raacnay Xaramka si aan usoo cumraysanno.

RABBIYOW TOOBADDA IYO KHAATUMADA WANAAGSAN NA WAAFAJI AAMIIN YA ALLAH. 

Friday, November 11, 2016

Qiso: Khaatumada Wanaagsan: Walaalkeey 15 sano muusan tukan.

2:45 AM 0
Waxuu yiri: Afar wiil oo Dhalinyaro ah ayaan ka soo qaaday Magaalada Riyaad ee Dalka Sacuudiga, waxayna doonayeen inay Dhalinyaradu tagaan Magaalo kale oo la yiraahdo Dammaam, intaan Jidka ku jirnay ayaa Salaadii Casar la Aadaamay, waxaan Helnay meel Batroolka laga qaato oo Wadada Qarkeeda ah, Masjidna ku yaalo.

Taxsiilihii ayaa Dhalinyaradii ku yidhi:- soo Dega aan Tukanee. Mid kamida wiilasha oo Shidhka gaadhiga Fadhiyay oo kan ugu wayn ahaa ayaa u jawaabay oo ku yidhi intuu kuwii kale Eegay:- Adiga soo Tuko, Anaga ma Tukaneyno, Gaadhiga ayaan kugu Sugeynaa, Taksiilihii intuu yaabay oo wax uu ku yidhaahdo Garan waayay ayuu yiri:- Walaalayaalow Salaada hadaad Tukan weydaan maxay Islaanimadeenu tareysaa?

Taxsiilahu wuxuu yidhi; waxan ku celiyey war dad muslim ah ayeynu nahay ee inamariya soo tukanee, wiilki hore ayaa ii jawaabay markaan sidaa ku idhi, Xoogaana uu Xishooday. markaasuu kuwii kale ku yidhi:- Soo baxa aan Tukane, Waan Degnay buu yidhi Taksiilihii, markaan Weyseesanay ayaan Salaadii galnay Anigaa ayaana u noqday Immaam,

markaan Salaadii Dhameynay ayaa
Wiilkii wiilasha ugu waynaa ee lahaa anagu ma tukanayno uu Sujuudii ka soo kici waayey, Xoogaa ayaan Sugnay Wiilashii xataa way la yaabeen, weyna ku Kaftamaayeen Sujuudaa uu ku Dheeraday, laakiin markii Dambe waxay Ogaadeen in tii Alle u timid, Iscaafkii markii loogu yeedhay ayuu Xaqiijiyey inuu Dhintay.

Haddaba, Wiil Wiilsha ka mid ahaa ayaa la Samirsiin waayey Oohintiisa markii la yidhi Addunyadan Marti ayaa lagu yahay, waana ka wada tageynaa.

ka dib ayaa la weydiiyey Wiilkii oo la yidhi:- Maxaa isku tihiin? wuxuu yidhi:- Waa Walaalkey, wuxuuna intaasi raaciyey Dhimashadiisa lama Oyaayo ee waxaan la Oyayaa Aniga iyo Walaalkeey 15sanno Salaad ma aanan Tukan, Raxmada Illaahey ku Manaystay Walaalkeey ayaan la Fajacay Caasinimadeenii iyo siduu Illaahey Walaalkeey ugu Nimceeyay.

Walalyal Addunyada Safar ayaa lagu yahy ee Fadlan SALAADA HA LAGU DADAALO miyaadan ogayn in geeridu ay kadis kuugu iman karto markasta ee meelkasta waxa laga yaaba in aad marmarka qaar iska qoomamayso waxa aad samaysay oo xumaan ahaa marka aad aragto qof si degdeg ah u dhintay.

ILAAHOOW KHAATUMADEENA NOO HAGAAJI, AAAMI YAA RABBI

Wednesday, November 2, 2016

Nin reer Baadiyo ah oo Nabiga (S.C.W) Ka ooyinsiiyay! Qiso kaa ooyin doonta!

3:49 AM 0
Maalin Nabiga (C S W) isagoo xaalada dadka eeg'eegaya, waxa ay ku howlanyihiin fiirinaya ayuu maqlay nin reer baadiyo ah oo leh: Yaa kariim 
Rasuulka wuxuu ku dhahay: Yaa kariim 
Reer baadiyihi wuxuu dhahay: Yaa kariim 
Rasuulka wuxuu dhahay: Yaa kariim 
Reer baadiyihi inta fiiriyay ayuu ku yiri: Ninkaagan wejiga furan ee qaabka qurxan inaan reer baadiyo ahay darteed miyaad iigu jeesjeesaysaa!? Illaah baan ku dhaartaye wejigaaga furan iyo qaabkaaga toosan ayaan kugu dhaafay ma ahane Nabiga ayaan kaaga dacwoon lahaa.


Rasuulka inta dhoola caddeeyay ayuu yiri: Yaa akhul Carab (Walaalka carbeedoow) Rasuulkaaga ma taqaanid? Wuxuu dhahay: Maya, waan aaminay mana arag, waan rumeeyay mana la kulmin.
Wuxuu ku dhahay: ogoow inaan ahay rasuulkaaga adduunka iyo shafiicaaga aakhiro.
Wuu u soo cararay oo jilba jabsaday iskuna dayay inuu gacanta ka shumiyo. Wuxuu rasuulka dhahay: ha igu sameyn sida loo sameeyo boqorada Ruum iyo cajamta!
Jibriil ayaa soo degay oo dhahay: Salaamu caleyka yaa Muxammad, Rabbigaa wuxuu ku leeyahay ku dheh kan kula jooga yuusan damcin deeqdeenna waan xisaabineynaa maalinta Qiyaamo. Reer baadiyihi wuxuu dhahay: Illaahey ma I xisaabinayaa Rasuulki Alloow!?
Wuxuu ku dhahay: Haa, insha Allaah
Wuxuu dhahay: Wallaahi hadduu I xisaabiyo anigana waan xisaabinayaa
Wuxuu ku dhahay: Maxaad Rabbigaa ku xisaabineysaa yaa akhal Carab!?


Wuxuu dhahay: Hadduu dembigeyga igu xisaabiyo waxaan ku xisaabinayaa dembi dhaafkiisa, hadduu igu xisaabiyo bakhiilnimadeyda waxaan ku xisaabinayaa deeqsinimadiisa, hadduu igu xisaabiyo tabar-daradeyda waxaan ku xisaabinayaa awooddiisa, rasuulka wuu ooyay illaa ay gerkiisa ka qoysay, Jibriil ayaa soo degay oo dhahay: Rabbiga wuxuu ku leeyahay ooyinta jooji, waxaa ku mashquulay malaa’ikta Carshiga ximbaarsan tusbiixda, midka kaa ooyinaya.  ku dheh: yuusan na xisaabin ma xisaabineynee wuxuu noqonayaa rafiiqaaga janada. Yaa Allaah!

 ILAAHAYAW naga yeel rasuulka macigiisa janada CSW  (amiin)

Qiso iimaanka kuu siyaadineyso:Waxey tiri: Ninkii shuruudahaan ka soo baxo ayaan guursanayaa.

12:11 AM 0
Gabadh Muslimad ah oo aad u qurux badan ayaa Guurkeeda ku xidhay shuuradaha ah inay hesho Wiil Muslim ah sanadka oo dhan sooma, Quraankana Maalin kaste khatima ama dhameeya, Habeynkiina Sadex meelood labo meel Salaatu leyl u taagnaada.

Wiilalal badan oo Musimiin ah ayaa hamiyey oo u hanqal taagay Guurkeeda, lkn waxay Candhuufta dib u laqeen markay maqleen Sharuudaha Gabartaas Muslimada ah ee Alle
 Qalbigeeda Iimanka ka buuxiyey wato, waxayna gar waaqsadeen ineysan buuxin karin Shuruudahaas.

Waxaase Wiilashii kasoo dhex baxay Nin Rag ah oo yiri Sharuudahaas oo dhan aniga ayaa buxin karo ee Gabadha ha laygu daro, waxuuna Wiilkaas Qaadiga Islaamka ka hor qirtay inuu ku Guursaday Gabadhaas isagoo buuxinaaya Sharuudahaas.

Wiilkii iyo Gabartii waxa isku Mehriyey Qadigii Islaamka, wayna wada Aqal galeen, kadib Wiilkii Habeynkii koowad Salaatu leyl uma kicin, Maalintii sidey balanta aheyd Quranka inu dhameeyo iska dhaafe xita Kitaabka ma kala furin, mana Soomin oo Cuno ayuu Maalinti oo dhan dal dalaayey.

Gabadha way u cudur daartay, iyado ka xun lkn inuusan balanti kasoo bixin, ayey waqti siisay Isbuuc ah si uu bal isku badalo, lkn Ninki wax is badal ah masameyn.

Gabarta ma aheyn Gabar si Qiimo daran loo guursadaye oo la xadaye waxay Soomlaida u taqaan (Masaafada) ee waxay aheyd Gabar Walidkeed laga doontay Qaadiga Islaamkana Mehriyey, mel ay u noqotana leh oo hadi qalad laga galo iyo hadi ku qanacsanaan la.an timaado intaba laga garab siinaayo.

Waxay go,ansatay iney Dacwooto oo ay Qaadiga Islaamka Dacwadeeda u gudbiso, waxay u xog warantay Qaadigii iyadoo u sheegtay waxay ku heshiiyeen Ninkaas inuusan midna ka fulin, kana been sheegay Balamihii ay iyada la gashay ee Qaadigana goob jooga ka ahaa.

Ninkii wa loo yeeray waxana la dhahay eedeymahaas aya laguu soo jeediyaye, maxaad isku difaacaysaa.

Waxuu dhahay ani balantii aan qaday wan fuliyey, oo Maalinitii oo dhan wan soomaa, habeynkii oo dhana waxaan u taagnaada Salatu leyl, Quraankana wan aqriyaa oo Maalintiiba mar ayaan qatimaa.

Imaamki ayaa ku yiri noo kala qaad qaad marka hore qaaba aad ku soonto Maalin kaste oo sheeg Xaaskaaga aya nagu tiri ma Soomo oo Maalinti Cuno ayuu cunaaye ?

Ninki aya yiri xaaskeygu run ayey shegtay oo cunada malintii wan cuna lkn Bisha Ramadaan markaan soomay ayaan ku daray Lixdii Wadaca marka anigoo wax cuna ayaa hadana waxaan leeyahay Ajarka qofka soomay oo kale wa tii uu Nabiga scw yiri Qofkii sooma bisha Ramadaan raaciyana 6 Wacada waxuu u dhigma qof sanadka oo dhan Soomay.

Imaamki aya yiri wan gartay Habeynkii sidee u tukutaa Qiyaamu laylka Xaaskaga waxay noo sheegtay inaad hurudide oo adan kicine?

Ninki aya ku jawabay run ayey Xaaskayga sheegtay wan hurdaa habeynkii oo dhan lkn waxaan leeyahay ajarka qofka habeynkaas oo dhan tukanaayey Sababtoo ah Salada Cishe iyo Salada Subax ayaan Jameeco ku tukadaa , xadiiski Nabiga SCW ayaana daliil u ah ee micnihiisu ahaa ( Qofkii salada Cishe Jameeco ku tukadaa waxuu la mid yahay qof habeynka kala bar tukaday oo kale qofkii Salaada Subax jameeco ku tukadana waxu la mid yahay qof habeynkii o dhan salad u taagna o kale).

Qaadugii aya dhahay Tan sadexaad noo gudbi Quraanka side u aqrisaa xaaskaaga waxay sheegtay inaadan Quraanka aqrine?

Wiilki aya dhahay wa runteed oo ma aysan i arkin anoo quran aqrinaaya lkn ani Maalin kaste waxaan aqriyaa 3jeer Suuratu IKhlaas ama Quluwale Nabiga SCW ayaana dhahay Hal quluwale waxuu u dhigmaa sadex meelood meel quranka karimka ah marka shuruudahaas saas ayan ku buuxiyey.

Qaadigii Islaamka waxu xukmiyey ninkaan inuu buuxiyey sharuudihii oo la galay xaaskiisa markuu guursanaayey waxuuna ku amray Gabartii Muslimada aheyd iney gurigeeda ku nagaado.

Masha allah wuxu ahaa wiil dhisan oo nadiif ah akhlaaqna leh oo alle ka cabsi badan wuxuna buuxiyey dhaman shuruudihi uu balan qaaday guurka ka hor.
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA