SUPPORT WEBSITE

Wednesday, November 16, 2016

QISO CAJIIB AH: WAXUU YIRI WAXAAN AHAA QOF AAN ILAAH AQOON, OO XAARAN KASTA SAMEEYEY.

Nin dhallin yaro ah oo ay ka muuqato inuu Rabbi u nimceeyey ayaa maalin maalmaha ka mid ah meel igula kulmay. 

Wuu igu dhegay oo i salaamay wuxuu iga dalbaday inaan u raaco xafiisikiisa oo aan shaah lasoo cabbo. Markii aan ka yeelay oo aan tagnay xafiiskisi ayuu bilaabay inuu marna isoo eego marna ooyo.

Markaas ayaan ku idhi: Khayr In shaa Allaah, wejigaaga khayr badan ayaa ka muuqda ee Maxaa kugu dhacay, sidee wax u jiraan wll?

Markaas ayuu ii warramay, wuxuu yidhi: Wallaahi Sheekhow, waxaa jirtay in iyadoo la soomman yahay aan ahaan jirey nin macsiyeysta. Wuxuu farta iigu fiiqay mid ka mid ah qolal kiisa isagoo leh qolkani wuxuu khaas u ahaan jirey ZINADA!

Qaar ka mid ah shaqaalahayguna waxay u xil-saarnaayeen inay ii keenaan gabdhaha ugu quruxda badan waddan uu magacaabay.
Ninkaas oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: Waxaan xasuustaa iyadoo ay tahay bil Ramadaan in anigoo macsidaa iyo zinadaa ku dhex jira aan masjid qolalkayga u dhow ka maqli jirey muslimiinta oo tukanaysa salaadda taraawiixda, markaas ayaan ka xaraabaysan jiray.

Wuxuu iigu dhaartay in marka cuntada loo keenayo, khamriga loo keeni jirey inta aan biyaha loo keenin. Wuxuu yidhi: Waxaa yaraan jirtay in habeen i dhaafo aniga oo aan zinaysannin. Waxaana dhici jirtay in habeen la ii keeno gabadh aan i cajabinnin oo aan dalbado in la iga beddelo oo isla habeenkaasba mid kale la ii keeno. Waxaan ahaa nin noloshaa ku jira.

Wuxuu ahaa mid aan Ilaahay aqoonnin, culimada iyo dacwadaba ku ciyaara Habeen habeennada ka mid ah anigoo ku jees-jeesaya muslimiinta oo taraawiix tukanaysa iyo kuwa maalintii soomman ayey ii keeneen gabadh, mana ayna ahayn mid i cajabisay.

Kolkaas ayaan ka dalbaday inay xafiiskayga iigu keenaan gabadh kale. Intii la iigu maqnaa ayaan is idhi "Oo intii aad waqtiga iska lumin lahayd maan in yar u seexdo.

Waan seexday kadibna wax yar kadib waxaan ku riyooday aabahy oo meel buur ah igala hadlaya oo qaylinayaa oo leh "Wiilkaygiiyow aabo kafagow zinada iyo macaasida iyo gaalnimada.

Waan toosay anigoo naxsan waxaan arkay inaan tiyo ku jiro hadana dib ayaan ugu labty hurdaydii waxaan markale ku riyooday anigoo silsilado waawayn laygu xidhay hadana foostoiyin waawayn daamur la karinaayo laygu shubaayo.

Anigoo aad u naxsan hadana dhididsan ood moodo xaaladan ku jitay inay dhab ahyd ayaan soo toosay wax yar ayaan qolka Tv ga iska soo fadhiisatay

Intii la iigu maqnaa ayaan is idhi dib ha u seexane maan teleefishinka ka raadiyo meelaha laga helo filimada fuxshiga ah inta gabadhaas laga keenayo"!!!

Intii aan raad-raadinayey ayaan mawjidihii aan bed-beddelayey mid ka mid ah ayaan (sheekhoow) kaa arkay adiga oo u lebbeisan sidan aad haddaba ugu lebbisan tahay dharka cad-cad oo ka muxaadaraynaya.

Markaas ayaan ku joojiyay muxaadaradii Ugumana joogsannin inaan ku dhegaysto ee waxay ila noqotay inay qalad ahayd inaan meeshaa kaa arko,

waxaanan idhi: Macquul ma aha. Wadaadkan maxaa meesha keenay? Ma ahayn inaan halkan ku arko! Ma aanan rabin inaan ku dhegaysto, kumana aanan aqoonnin.

Aniga oo weli gacanta ku haya kii lagu bed-beddalayey oo aanan weli beddelin aanse is leeyahay beddel ayaan usii daayey ilbidhiqisyo iyo daqiiqado kale.

Ilaahay Amarkiisa, muxaadaradu waxay ku baxaysay toos, waxayna ku saabsanayd Zinada iyo dhibaatadeeda.

Wuxuu yidhi: Waxaan dhigay bed-beddelihii, markaas ayaan siiyey qalbigayga oo dhan inaan muxaadarada ku dhagaysto.
Waxaad moodaysay inaanan weligay ooyin markaa ka hor xataa riyadii.imay bedelin qaxaan naxdin ahyn mooyee, adiguna aad aniga ila hadlaysay oo aad i arkayso waxa aan samaynayo.

Ilaahay ayaan kuugu dhaartaye, sheekhow, waxay ay ahayd markii iigu horreysay ee aan dareemo macaanka Iimaanka.

Waxaa isku kay raacay riyadii iyo muxaadardii waxaadba mooda in si toosa aniga layla hadlayo.

Waxaan habeenkaa goostay inaan salaadda bilaabo markii iigu horreysay nolosha iyadoo aan dhaafay 33 jir. Kana toobad keeno denbiga aan ku jiey. Halkii ayaan isku diyaariyey oo aan salaaddii ku bilaabay.

Aniga oo sujuudsan ayaa la keenay gabadhii la iigu maqnaa ee aan rabay inaan ka zinaysto. Way i raad-raadiyeen, ugu danbaynna waxay arkeen inaan sujuudsanahay, waxayna la yaabeen farqiga u dhexeeya xaaladdii ay igaga tageen iyo xaaladda aan ku sugnahay.

Waxay i sugaanba markii aan salaaddii ka baxay ayey i su'aaleen waxa igu dhacay? Markii aan u warramay ayaan ku idhi gabadhii iska celiya. Ilaahay ayaan kuugu dhaartaye sheekhow habeenkaa ayaan Rabbigay Ballan la galay inaanan dib danbe u zinaysannin oo aanan dib danbe khamri u cabbin go'aanka u gaadhay.

Subixii ku xigayna waxaan bilaabay inaan soomo, saddex maalmood ka dibna aniga iyo xaaskaygii ayaa isu raacnay Xaramka si aan usoo cumraysanno.

RABBIYOW TOOBADDA IYO KHAATUMADA WANAAGSAN NA WAAFAJI AAMIIN YA ALLAH. 

2 comments:

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA