SUPPORT WEBSITE

Showing posts with label Qiso Cajiib ah.. Show all posts
Showing posts with label Qiso Cajiib ah.. Show all posts

Wednesday, November 16, 2016

QISO CAJIIB AH: WAXUU YIRI WAXAAN AHAA QOF AAN ILAAH AQOON, OO XAARAN KASTA SAMEEYEY.

10:45 AM 2
Nin dhallin yaro ah oo ay ka muuqato inuu Rabbi u nimceeyey ayaa maalin maalmaha ka mid ah meel igula kulmay. 

Wuu igu dhegay oo i salaamay wuxuu iga dalbaday inaan u raaco xafiisikiisa oo aan shaah lasoo cabbo. Markii aan ka yeelay oo aan tagnay xafiiskisi ayuu bilaabay inuu marna isoo eego marna ooyo.

Markaas ayaan ku idhi: Khayr In shaa Allaah, wejigaaga khayr badan ayaa ka muuqda ee Maxaa kugu dhacay, sidee wax u jiraan wll?

Markaas ayuu ii warramay, wuxuu yidhi: Wallaahi Sheekhow, waxaa jirtay in iyadoo la soomman yahay aan ahaan jirey nin macsiyeysta. Wuxuu farta iigu fiiqay mid ka mid ah qolal kiisa isagoo leh qolkani wuxuu khaas u ahaan jirey ZINADA!

Qaar ka mid ah shaqaalahayguna waxay u xil-saarnaayeen inay ii keenaan gabdhaha ugu quruxda badan waddan uu magacaabay.
Ninkaas oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: Waxaan xasuustaa iyadoo ay tahay bil Ramadaan in anigoo macsidaa iyo zinadaa ku dhex jira aan masjid qolalkayga u dhow ka maqli jirey muslimiinta oo tukanaysa salaadda taraawiixda, markaas ayaan ka xaraabaysan jiray.

Wuxuu iigu dhaartay in marka cuntada loo keenayo, khamriga loo keeni jirey inta aan biyaha loo keenin. Wuxuu yidhi: Waxaa yaraan jirtay in habeen i dhaafo aniga oo aan zinaysannin. Waxaana dhici jirtay in habeen la ii keeno gabadh aan i cajabinnin oo aan dalbado in la iga beddelo oo isla habeenkaasba mid kale la ii keeno. Waxaan ahaa nin noloshaa ku jira.

Wuxuu ahaa mid aan Ilaahay aqoonnin, culimada iyo dacwadaba ku ciyaara Habeen habeennada ka mid ah anigoo ku jees-jeesaya muslimiinta oo taraawiix tukanaysa iyo kuwa maalintii soomman ayey ii keeneen gabadh, mana ayna ahayn mid i cajabisay.

Kolkaas ayaan ka dalbaday inay xafiiskayga iigu keenaan gabadh kale. Intii la iigu maqnaa ayaan is idhi "Oo intii aad waqtiga iska lumin lahayd maan in yar u seexdo.

Waan seexday kadibna wax yar kadib waxaan ku riyooday aabahy oo meel buur ah igala hadlaya oo qaylinayaa oo leh "Wiilkaygiiyow aabo kafagow zinada iyo macaasida iyo gaalnimada.

Waan toosay anigoo naxsan waxaan arkay inaan tiyo ku jiro hadana dib ayaan ugu labty hurdaydii waxaan markale ku riyooday anigoo silsilado waawayn laygu xidhay hadana foostoiyin waawayn daamur la karinaayo laygu shubaayo.

Anigoo aad u naxsan hadana dhididsan ood moodo xaaladan ku jitay inay dhab ahyd ayaan soo toosay wax yar ayaan qolka Tv ga iska soo fadhiisatay

Intii la iigu maqnaa ayaan is idhi dib ha u seexane maan teleefishinka ka raadiyo meelaha laga helo filimada fuxshiga ah inta gabadhaas laga keenayo"!!!

Intii aan raad-raadinayey ayaan mawjidihii aan bed-beddelayey mid ka mid ah ayaan (sheekhoow) kaa arkay adiga oo u lebbeisan sidan aad haddaba ugu lebbisan tahay dharka cad-cad oo ka muxaadaraynaya.

Markaas ayaan ku joojiyay muxaadaradii Ugumana joogsannin inaan ku dhegaysto ee waxay ila noqotay inay qalad ahayd inaan meeshaa kaa arko,

waxaanan idhi: Macquul ma aha. Wadaadkan maxaa meesha keenay? Ma ahayn inaan halkan ku arko! Ma aanan rabin inaan ku dhegaysto, kumana aanan aqoonnin.

Aniga oo weli gacanta ku haya kii lagu bed-beddalayey oo aanan weli beddelin aanse is leeyahay beddel ayaan usii daayey ilbidhiqisyo iyo daqiiqado kale.

Ilaahay Amarkiisa, muxaadaradu waxay ku baxaysay toos, waxayna ku saabsanayd Zinada iyo dhibaatadeeda.

Wuxuu yidhi: Waxaan dhigay bed-beddelihii, markaas ayaan siiyey qalbigayga oo dhan inaan muxaadarada ku dhagaysto.
Waxaad moodaysay inaanan weligay ooyin markaa ka hor xataa riyadii.imay bedelin qaxaan naxdin ahyn mooyee, adiguna aad aniga ila hadlaysay oo aad i arkayso waxa aan samaynayo.

Ilaahay ayaan kuugu dhaartaye, sheekhow, waxay ay ahayd markii iigu horreysay ee aan dareemo macaanka Iimaanka.

Waxaa isku kay raacay riyadii iyo muxaadardii waxaadba mooda in si toosa aniga layla hadlayo.

Waxaan habeenkaa goostay inaan salaadda bilaabo markii iigu horreysay nolosha iyadoo aan dhaafay 33 jir. Kana toobad keeno denbiga aan ku jiey. Halkii ayaan isku diyaariyey oo aan salaaddii ku bilaabay.

Aniga oo sujuudsan ayaa la keenay gabadhii la iigu maqnaa ee aan rabay inaan ka zinaysto. Way i raad-raadiyeen, ugu danbaynna waxay arkeen inaan sujuudsanahay, waxayna la yaabeen farqiga u dhexeeya xaaladdii ay igaga tageen iyo xaaladda aan ku sugnahay.

Waxay i sugaanba markii aan salaaddii ka baxay ayey i su'aaleen waxa igu dhacay? Markii aan u warramay ayaan ku idhi gabadhii iska celiya. Ilaahay ayaan kuugu dhaartaye sheekhow habeenkaa ayaan Rabbigay Ballan la galay inaanan dib danbe u zinaysannin oo aanan dib danbe khamri u cabbin go'aanka u gaadhay.

Subixii ku xigayna waxaan bilaabay inaan soomo, saddex maalmood ka dibna aniga iyo xaaskaygii ayaa isu raacnay Xaramka si aan usoo cumraysanno.

RABBIYOW TOOBADDA IYO KHAATUMADA WANAAGSAN NA WAAFAJI AAMIIN YA ALLAH. 

Friday, October 28, 2016

QISO AAD IYO AAD U MACAAN OO QALBIGAGA DHAQAAJIN DOONTA.

4:57 AM 0
Waxay tidhi Waxaan ku bartay fur furnaan Hadal dabacsan iyo fud fudayd ila xiligii isbarashadeenii waxaan ahayn dad isla jaan qaada oo aad u wada qosla Marna kama daali jirin inuu i farax galiyo kalsoonida dhexdeenuna waxay ahayd mid la mid ah dad isku dhex nool oo hal calool hal wadne iyo hal maskaxleh Waligiis imuuusan dhibsan waxaan waydiistana wuxuu aha mid markasta ii fududeya xata haduusan hayn ima oron jirin ma hayo waxaan isku guursanay farxad tii ugu bilnayd waxaana noqonay lamaanaha ifka ugu farxad iyo quruxda badan Waxaan u adeeca sidi ilaahay i faray waligayna hadal ka caraysa kuma oron xiliga uu shaqada ka yimado aniga waan aqaanay sidii saacada alarm ka ama alaarmiga ayay qalbigayga ugu xirnayd xiliga u shaqada ka soo baxana daqiiqad ma sooo dib dhici jirin wuxuuna ahaa shaqsi igu farax galiya waxyaabo madadaalo ah xata mararka qaar wuxuu ii keeni jiray hadiyado qaliya waxanse meesah ka marnayn inuu ii keeno mar mar alaabo iga qoslin jirtay sida nacnac shukhulaato iyo jalaato waligiis albaabka cid aan ani ahayn kama furin waxaana ahaa qofka koowaad ee markuu albaabka ka soo galo indhihiisu qaban jireen farxad aan dareemayo darteed albaabka markuu ka so galo indhahaan isku qaban jiray si uu ii qaado xata ma eegi jirin inuu qof kale la socdo waayo kalsooni ayaan ku qabay ooo wuu ii sheegi jiray hadii cidi la socoto intuusan soo bixin saas albaabka markaan uga furo wuu i qaadi jiray wuxuuna sidii ilmihii ii xambaari jiray ilaa sariirta waxaaba u diyaarsan biyo diiran shukumaankiisa iyo wixii agab aha ee uu xiligaas cuni laha oo aad u carfaya waxaan farxad iyo barwaaqo dhex mushaaxnaba waxaaa ii dhashay sanadkii sadexaad oo aanan wax ilmo ah u dhalin gacaliyahayga Sanadkaan sadexaad wuxuuna iigu bilowday murugo waxaan waynay farxadii na dhextaalay waxaana noqonay dad ku sii siiqaya farxad la.aan waxaana dhibkaas keeney ku tiri ku teen iyo faamilka wiilku ka dhashay oo aad noo cadaadiyey mar marka qaar sodohday waxay guriga igu iman jirtay ayadoo ay caro ka muuqato waxayna ayadoon i salaamin i oron jirtay naa guumaysyahay uur ma leedahay wiilkayga iska haysta waa laguu sixray mar hore ayuu caruur dhalilaha balse waxaan rumausnaa qadarta oo aan aamin sanaa allaah SWT wiilka waad iga sixirtay iyo hadalo qalbigayga xabad ku dhacaysa lamid ah ayay i oron jirtay sodohday balse anigu wax jawaab ah uma celin jirin oo xun aan ka ahayn hooyo mcn so fariso is daji hooyo qali ilaah ba bixiya hadiyadaas walina ma hayo si jees jees ah ayay iiga tagi jirtay mar marka qaarna waxaa ii iman jiray anoo iska ooyaya gacaliyahayga waxaan saas ahaanaba style="display: none;"> waxa dhashay sanadki 4aad waxaana goaan ku qaatay inaan tago waxaan la xiriiray abahay oo xiligaas joogay america waxaan go aan ku gaaray inaan wax walba lasocod siiyo wuxuu ii sheegey america inuu ikeeni doono oo lacag 30kun oo dollar ah u qorsheeyey si layn laygu gado arintii ayaan hoos uga sheeegy xaajigayga waxaana ku iri sidaas ayaa jirta adna iska guurso aniga inan waqti danbe kasii dhumiyo ma rabo xaqiiq wuu i jeclaa walow uu awlaad rabay hadana asagoo ilmaynaya ayuu iga aqbalay codsigayga Intaanan tagin waxaan bilaabay inaan cuno malab iyo xabad sowdo ay hooyadey hada ka hor ii keentay mudo 20 cisho ah ayaana cunayay hada waxaa soo dhawaatay bishii aan bixi laha waxana sabtida ku qoranahay diyaarada u socoto itoobiya si halkaas aan howshaydii iga sii socoto waxaan is waydiyey 20 cisho oo aad cunaysay daawadaas MALABKA iyo XABAD SOWDADA ma aadan helin wax caado ah ee maantaba isa soo baaar waana shakiyey si hoose ayaan dhaqtar u aaday
xata mararka qaar wuxuu waxana iska baaray uuur waxaan xiligaas helay ilaahay hadiyahadaha uu bixiyo mida ugu qaalisan oo ah ilmo walow IIMANKU yahay hadiyada kowad waxaana ogaaday inaan uuur u leeyahay gacaliyahayga waxaan laba bari kadib ku qornahay diyaaradii aan ku anba bixi lahaa waxaan ku laabtay xaaafada anoo wata warqadii shaybaarka oo xiligaas aan qaadi waayay culayskeda warqadaas waxay igala cuslayd 100 kiilo waana wax iga yaabshay sida caadada ahayd xiligiisii uu iman jiray markii la.gaaray ayaan oohin iska qabsaday mar waan kaca mar waan fariistaa side ugu sheegtaa maxa samaysa qalbiga ayaa hadba wax i dhahaya albaabka markuu saas u sooo garaacay ayaan anoo maro ka fudud booday waxana ka furay albaabka asagu qof iman badan ayuu aha ee familkisa ayaa qalbiga ka dilayay hab ayaan siiyey anoo maanta shucurtaydu ka badalan thy sidii hore waana soo kexeyey kuma dag dagin inan u sheego hadiyada aan u wado markuu qubaystay cunadii uu cunay oo uu sariiirta isku kala bixiyey ayaan si diiran inta usoo ag jiifsaday u dhiibay warqadii
xata mararka qaar wuxuu wuu furay warqadii wuuna iska ilmeyey wuu u qaadan wayay gabenkaas ma anaan seexan farxad iyo oohin darteed waxaana sidii uga baaqday safarkiii waxaana no soo noqoty farxadii naga haajirtay hada waan wada noolnahay waxaana u haya wiiil iyo gabar sodohdayna qadarta alle ayey rumaysatay waliba hada farxad ayay igula jogtaa inay danbi iga gashayna markasta way qirtaa wayna i raali galisaa Alxamdukialh Waxay tidhi Waxanan halkan kusoo gaadhay samir ilaahayna wuu ii naxariistay samirka ha la ogaado.

Friday, October 21, 2016

QISO CAJIIB AH: GABADHEYDA HADII RABTO WAA IN AAD HAL SUURAD SOO XIFDISAA.

5:47 PM 0
Hiba Ammar gabar la dhaho ayaa waxey tiri: Marki aabahey hooyadey uu doonay, waxuu xifdiyey suuratul al cimraan, ayaduuna mehr ahaan uga dhigay.
Marki aniga ninkeyga isoo doonay, aabahay waxuu ku yiri hadii aad gabadheyga rabto waa in aad hal suurat aad xifdisaa mehr ahaan.

Guurka ma dhacaayo ilaa aan meherkeyga helo, waxaa la i weydiiyey bey tiri in aan suurat qabsado, waxaa doortay suuratu nuur.. Waxaan u doortay suurada sharciyada ay hadleyso suurada iyo tan kaloo ah in ay suurada adagtahay oo xifdiskeedu dhib badanyahay.

Arooski baan dhamaanteen ku wada mashquulnay, alaab gadowgi iyo guri habeyskiisi, lakinse ninkeyga kitaabka quraanka gacantiisa kama maqnaan jirin oo kitaabkuu ku foorayey si uu u xifdiyo suuratu nuur, maalmo ka hor intaanan arooska la gaarin, ayaa ninkeyga aabahey u yimid si uu ugu aqriyo quraanka, oo suuratu nuur uu xifdinayey uga baxo, aabahey waxuu ku yiri ninkeyga hadii aad aayad qalado, ogoow suuratoo dhan ayaa soo bilaabeysaa.



Ninkeyga waxuu bilaabay in suuratu nuur aqriyo, asagoo ku aqrinayo cod dagan, oo aad u qurux badan, taas oo aan waligey hilmaami doonin, hooyadey iyo aniga waa is fiirinaa oo isku dhoola cadeynaa, anagoo sugeyno in uu ninkeyga aayad qaldo si uu usoo bilaabo suurata oo codkiisa macaan ugu raaxeysano, asagana ajarkiisa ugu bato maadama uu aqrinayo quraanka kareemka, lakinse ILAAH ha barakeeyee, suuratu nuur aad buu u xifdiyey oo hal aayad muusan qaldin.

Markuu dhameeyey suuratu nuur, ayaa aabahey hab siiyey oo u hambalyeeyey oo uu ku dhahay, Maanta gabadheyda ayaan kuu guurinayaa, maadama aad kasoo baxday oo fulisay meherkeedi oo ahaa in aad suuratu nuur xifdiso. 

Ninkeyga Lacag ima uusan siinin meher ahaan, dahab fara badana oo kumanaan kun u dhigmana iima gadin, Waxuu mehr iga dhigay hadalka ILAAHAY swt.
Waxey hadalkeeda kusoo gabagabeysay, Taloow suuradee, gabadheyda dooran doontaa meher ahaan mustaqbalka?.

Waxaa turjumay oo diyaariyey, IBRAHIM HASHI AHMED

Monday, October 17, 2016

Qiso Cibro Leh: MAKHLUUQA IYO TASARUFKA ALLAAH SWT.

3:43 PM 0
islaan ayaa waxa ay u timid Nebi Daud(calyhi salam). Waxa ay ku tiri
“Nabigii ilaahayow rabigaada ma daalim baa mise waa caadil?” Nebi daud
CS waxa uu yiri: “War liibaantaadiye waa caadil aan marna gabood
falayn.” Markaas ayuu dhahay nebi Daud ” Qisadaada maxay ahayd?”

Islaanti waxa ay tidhi: “Waxa aan ahay islaan garoob oo leh seddex
caruur.

Nolosha caruurteyda aniga ayaa dabaro oo waxa aan ku nafaqeeyaa
dun aan gacanteyda ku sameeyo. Shalayto waxa aan dunteytii ku soo
xirtay calal guduudan si aan suuqa ogu soo iibsado caruurteydana aan
ugu nafaqeeyo. Aniga oo socdo ayaa waxa igu soo dul dagay shimbir waxa
uuna iga qaatay calalkii iyo duntii waana la tagay.”



Islaantii iyo nebi daud oo sheekadii dhexda umareyso ayaa albaabka la
so qaraacay. Nabi Daud ayaa u idmay in ay soo galaan. Waxa soo galay
toban nin oo ganacsade ah mid walba waxa uu gacanta ku wadaa toban kun
oo diinaar. Waxa ay dhaheen: “Nebigii ilaahayow lacagtaan sii dadka
mustaxiqiinta ah muteystay in la siiyo.”

Nabi Daud waxa uu weydiiyay sababta ku xambaartay in ay sadaqeestaan
lacagtaan? Waxa ay dhaheen: ”Anaga oo markab saaran ayaa waxa kacday dabeysha badda waxa aan ku dhowaanay in aan maanshoono, anaga oo xaaladaas ku sugan, waxa noo timid shimbir waxa ay noo soo tuurtay dun ay calal guduudan ku xiran.



Dunti ayaa waxaan ku xirxirnay oo ku duudnay markabkii caybtiisa.

Dabeeshii ayaa dagtay ceebtii markabkana waa duudmatay waxa aan ku
nadarnay in mid walba oo anaga naga mid ah in uu sadaqeesto kun dirham
ah maalkaan hortaada yaalo ku sadaqee cidda aad dooni.”

Nebi Daud waxa uu soo milicsaday islaantii waxa uu dhahay: “Rabigaada


waxa uu kaaga gancinayaa(ganacsi) bariga iyo bada adigana waxa aad ka
yeeli daalim. Waxa uu siiyay kun diinaar waxa uu ku dhahay ku nafaqee
caruurtaada.

Allah daalim laguma sifeen karo maxaa yeelay waa maalik. Maalikna
waxaa milkigiisa ku jiro sida uu doono ayuu ogu tasarufaa. Dulimina
waxa uu ka imaan karaa marka aad xoolo dad leeyahay aad idan la’aan ku
tasarufto.

Allana waxa koonkaan joogana milkigiisa ayay ku jiraan. In
Alle Adoonimo loo qirana waa magaca ugu wanaagsan oo qof muslim ah
lagu tilmaamo.


Tuesday, October 11, 2016

Haweeney U Dhalatey Dalka Sacuudiga Oo Si Cajiib ah Eebe Uga Bad-Baadey Kufsi Lagula Kici Lahaa.

8:44 AM 2
Gabadhan waxa ay ku nooleyd Magaalada Riyaad, waxaana ay aheyd gabar Macalimad ah,iyadoo gabadhu aheyd mid soo jiidasho leh aadna u labisata xili kasta oo ay shaqadeeda tageyso.
Weligeed may tukan salaad, gabadhan si fiicana uma taqaano Ragcadaha Salaada. Waxay ka bixi jirtay gurigooda salaada subax ka hor,waxayna ku soo noqon jirtay bacdal casarka, waana gabar aad u kaftan badan.

Hadaba maalin maalmaha ka mid ah ayay u diyaar garowday shaqadeedii,waxayna baxday saacadii ay bixi jirtay. Sidii caadada u ahayd waxay u tagtay gaarigii shaqada gaynayay oo halkii ku sugaya. Markii ay gaarigii aragtey ayey dareentay in aysan wax macalimiin ah la socon gaariga, dabeedna Dirawalkii ayay waydiisay sababta ay u maqan yihiin shaqaalihhii kale. Wuxuu ugu jawaabay inay cudur daar yeesheen maanta.ka dibna waxuu Dhaqaajiyey gaarigii intii ay wadada ku sii jireen ayay hurda yar qabatay, ka dibna waxay soo kacday isagoon socon wadadii iskuulka wado aan ahayn,way yaabtay!!! Waxay waydiisay waa halkee meeshan aanu maraynaa ? Wuxuu ugu af celiyay anaa kuu sheegi doona.way fahantay ujeedadiisa,iyo qorshaha uu wato markaasaa Waxay ku tiri ninyahow miyaanad ilaahay ka baqanayn? Umuu jixin jixine gaarigiisii ayuu iska sii watay.

Socod dheer ka dib wuxuu la tagay meel saxara oo cidlo ah gabadhuna iyadana oohinta ayaa ka dhamataay. Gaarigii markuu istaajiyey ee uu is leeyahay hawshaada gudagal ayey waxay ka codsatay Inuu u ogolaado inay tukato laba ragcadood. Wuu ka aqbalay intii ay salaada ku gudo jirtay ILLAAHEY ayay u toobad keentay cafisna way waydiisatay dambiyadii hore ee ay gashay Waxayna EEBE ka bariday inuu ka badbaadiyo dhibaatadan maanta haysata.

Markay salaadii dhamaysatay ayaa waxaa meel fog ka soo baxay gaari ama baabuuri …..yaab!!! Way qaylisay afka ayuu qabtay, Wuu soo dhawaaday, wuxuu ula ekaaday gaaragii walaalkeed. Nasiib wanaag wuu soo gaarey,gaarigii. Waxaaba ka soo dagay 2 wiil oo ay walaalo yihiin!! Ul wayn oo uu mid ka mid ah haystay ayuu madaxa kaga dhuftay ninkii dirawalka ahaa Dhulka ayuu ku dhacay ,way iskaga tageen dabeedna gurigii ayay ku celiyeen. gabadhii hooyadeed ayay arinkii uga warantay Way yaabtay hooyadii waxayna u sheegtay in mid ka mid ah walaalaheed uu tagay Magaalada shaariqa kuna maqan yahay kii kalana uu hurdo ilaa saaka welina uusan kicin, gabadhii aad bey u yaabtay Xaqiiqduse waxay ahayd in aysan walaalaheed u iman balse ay laba malag isku soo ekaysiiyeen walaaleheed,sidaana ku badbaadiyeen.

Qisadu nuxurkeedu waxa weeye markay dhibaato ku qabsato inaad xagga ILLAAHEY u cararto.

Fadlan Walaal Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Xigasho: Ahmed Abdi Yusuf.
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA