SUPPORT WEBSITE

Showing posts with label HOOYO MACAAN HA OYNIN. Show all posts
Showing posts with label HOOYO MACAAN HA OYNIN. Show all posts

Wednesday, June 15, 2016

QISO MURUGO BADAN OO KAA ILMEYSIIN DOONTA: WAXEY TIRI AMISOM BAA I KUFSADAY.

5:29 AM 0
Waxaan Ahay 19sano Jir waxaana Ku dhashay oo Ku barbaaray Xamar Gaar ahaan Degmada Wardhiigley Waxaan La noolaa Aabahay iyo Hooyaday ayagoo waxbarasho ilaa Dugsi sare I Gaarsiiyey , Waxaan ahaa Fasalka Koowaad Dugsiga sare markii aan Ka tagay Waxbarashada.

Waxaan Bilaabay Iskuul Private ah oo aan ka dhigan Jiray Private luuqada Englishka ah , Waxaan Gali Jiray Galabtii Maqrib Kahor waxaana kasoo Bixi Jiray Salaadda Cishaha inta aan La Gaarin, Maalin Maalmaha Kamid ah anoo usocda Iskuulka ayaa waxaa igu qayliyey Askar Amisom ah oo meel Fadhiday balse waan dhaafay oo lama aana hadlin mid kamid ah ayaa iga soo Daba Kacay asagoo ku hadlaya Luuqada eglish ka oo aana inta Badan Fahmayn Balse Erayo Yar aan Ka fahmayey Waxyaalaha aan Fahmayey waxaa Kamid Ahaa : Hey Madam , Bring me You Number, iyo erayo Kale balse uma aana Jawaabayn..

Haddaan sii socday wuu iga Haray anigana waxaan Toos u aaday Iskuulkaygii , casharadii wixii i dhaafay ayaan Qortay anoo ka anfariirsan Ninkii Afrikaanka ahaa ee askariga ahaa ee isoo Daba galay iyo wadadii aan Mari Jiray Caawa markaan Marayo waxa aan la Kulmi Doono Balse Markasta Ilaahay ayaan aaminaa oo niyadda ayaan ka dhahaa ilaah baa leedahay Cidna Wax kuma Yeeli karto..

Iskuulkii xilligii laga Bixi Jiray baan Baxay anoo Toos u aaday wadadii Xaafadayda Markaan Marayay Meeshii Galabta Ciidanku joogay ayaa Waxaa iga hor yimid ninkii iyo Mid kale ayaga oo uu lasocdo Tarjumaan soomaali ah , Waxaana Ila hadlay Soomaaligii iguna Yiri Abaaye Nimankaan waa ka shakiyeen Socodkaaga Maalinkasta Meeshaan ee Xafiiska Kaalay qoraal Halagaa sameeyee, Aniga oo Naxsan ayaa is iri mar haddii soomaali lasocdo wa caadi ee Raac , Waxaa la i geeyey Qol Miis Yaal waxaana La i waydiiyay waxaan qabto, Xafadayda Meesha ay Tahay iyo Waxaan Galabkasta soo raadiyo anigana Runta u sheegay.

Waxaa ay sameeyeen inta Moobiil Sawir la igaga qaaday anoo arkaya ayaa la igu yiri Sawirkaan kaaga Mayahay Haa ayaan iri markaas ayaa mid kamid ah intuu hadlay Yiri Moobilkaan Qof Danbi Galay oo weerar Nagu soo qaaday ayuu ka dhacay hadaan baarnayna Sawirkaaga ayaa kujira , Wlaahi baan ku dhaartaye naxdintaa naxay indhaha ayaa i madoobaaday balse ilaahow Gaalada iga Bad baadi baan iri waxaana kuiri Sawirka hadda ayaa iga qaadeen Moobilkaana ani malihi ee wax kale sheega iyo Dantaa leedihiin Wiilkii Soomaaliga ahaa ayaa asagoo Afkale kula hadlaya dhaqaaqay Afkaasna gadaal baan ka Ogaaday inuu ahaa Sawaaxili, Waxaa la i geeyey qol kale waana la iga Baxay inta Dusha laygaga Xiray..

Habeenkii Saq dhexe ayaa waxaa lasoo Furay albaabkii Waxaana Isoo Galay Ninkii Isoo daba Galayay oo Funaanad Garan ah iyo Surweel Gaaban qaba Wuxuuna Bilaabay inuu Faraha igala hadlo anna waan qayliyay oo ooyay , Balse wuxuu lasoo baxay baastoolad oo madaxa iga saaray, Wuxuuna igu sameeyey wax aana Noloshayda laygula Kicin Aniga Miyir waxaa iigu danbaysay Markaas waxaana Miyir saday Maalinkii danbe anoo laygu Hayo Isbitaal yar oo Ciidanku lahaa oo Dhaqtarad Madow ah i Dul Taagan tahay ..

Dhaqtarada waxaa ka tarjumaya Nin soomaali ah waxayna sheegayan in Ciyaal I Kufsadeen Xalay Ciidankuna Bad Baadiyey oo Jiridii Ka dhigay, anigu ma aana Hadlin oo awood aan ku hadlo Maanan Hayn, Daawayn iyo Faaleemboyaal Nafaqo ah ayaa laygu Xiray waxaana Joogay Halkaas Laba Habeen iyo Laba maalmood , Kadib waxaa lala xiriiray Aabahay oo loo sheegay inay Hayaan Gabadhiisi oo Jirri Kufsatay waxaana meesha yimid Cabaar kadib Reerkeeni iyo inta badan dariskii xaafadeena oo dhamaan wada Ilmaynaya waxaana la ii waday xaafadeeni.

Gurigii markaan aaday arintii ayaa aabahay u sheegay Wuxuuna Bilaabay inuu Arintii Dacwad ka sameeyo balse Nasiib darro Asagii ayaya xireen Ciidankii Amisomtu , Waxaa aabahay lagu shaabadeeyey inuu Caawin Jiray Shabaab ilaa haddana inuu xiranyahay iyo in Ladilay midna kana warqabno, aabeheen asagaa noo shaqayn jiray oo wax walba noo ahaa waxbarashadana naga Bixin Jiray balse hadda waxaa na haysta dhib aduun Guud ahaan iyo Gaar ahaan dhibkii aniga Gaarka igu ahaa balse markasta Maadaama aan nahay islaam Naxariista Eebbe ka Quusan mayno oo asagaa Nagi Baaqi noqon doona.

Muhiimadda Fariintayda waxaa ula jeedaa in dadka Soomaaliyeed ogaadaan dhibka dalkeena kajira iyo Gumaysiga laynagu Hayo , Sidoo kale waxaan ula jeedaa qoraalkayga in Umada Soomaaliyeed u istaagto sidii aabahay Raadintiisa nalooga Caawin Lahaa..

Ilaahay Soomaali Bad baadi adaa Qaadiree.

Walal Gaarsii Qofkasta fariintayda oo Share Dheh.

Wednesday, May 11, 2016

DARDAARAN HOOYO, ILAAHAYOW WAALIDIINTEENA U NAXARIISO SIDEY NOOGU NAXARIISAN JIREEN.

6:52 AM 0
Wiilkeygii ama Gabadhaydiyey

1: HOOYO hadaan weynaado oo hadalku i dhibo ii sabir oo ha i dhibsan waayo aniguba adigoon hadli karin ayaan kuu sabri jiray.

2: hadaan cuntada cuni waayo haygu khasbin, hana igu weylin. markan ubaahdo anaa cunayee, anba kuguma khasbi jirine.

3: hadaan su'aal kugu celceliyo si degan iigu jawaab, oo ha i dhibsan. adiguba waxad iweydiin jirtey suuaalo badan, kumana dhibsan jirin waana ku sabri jireye.

4: hadii aan socon kari waayo ha i dhibsan, oo ii tartiibi anba sidaas baan kuugu tartiibin jireye.

5: hadii marada aan xidhan kari waayo, si tartiib ah oo naxariis ku jirto iigu xidh, anigaba kuma dhibsan jirin si tartiibana wa kugu xidhi jirey.

6: hadiii suuliga aan awoodi waayo kaadida saxarada iska dhiqi waayo, si naxariis ah iga dhaq. hana idhibsan waayo amba kuma dhibsan jirine.

7:hadiii aaan ku dhibo, ha i dhibsan, waxaa laga yaba inay khayr badan ku tahaye.

hadii aan fool xumaado, ilkuhu iga dhacaan, dhagaha wax ka maqli wayo, indhuhu daciifan, luguhu soconwayaan, gacmuhu wax qaban wayaan, carabku hadalka yareeyo, maskaxdu isku dar-darsanto, saxaradu iska daadato, kaadidu sidoo kale, sariirta marwalba aan wasakheeyo. HOOYO ha i dhibsan, waayo sidan ma ahaan jirin.

Xusuusnow Inaan ku hayn jirey adigoon saxarada iyo kaadidaba iska tiri karin, lugo aad ku socoto lahayn, gacmo aad wax ku qabsato
lahayn, maskax aad wax ku fahanto lahayn.

Xusuusnow inta aad maanta igu aragto iyo in kasii badan inaan kugu soo sabrey, weliba farxad u arkayey oo anan malin keliya ku dhibsan.

HOOYO ha noqon shaqi (waalid Caasi ah) abaal aan lahayn, ee noqo Abdi (Baari) abaal badane ah sidaas baad ku liibanaysaa akhiro iyo addunyabe.

Ilaahow waalidkeen u Naxariiso siday Noogu Naxariisan jireen anagoo Yar-Yar.. aamin

Tuesday, February 2, 2016

Sheeko yaab badan: Sodohdii Xaasidnimada badneed.

3:12 PM 0
waxaa jiray islaan waxeey dhashay ciyaal, ciyaalkii wiil ka mid ah ayaa weeynaaday oo qaan 
gaaray waxuuna guursaday gabar aad u fiican oo baarri ah una roon ninkeeda iyo hooyadiis.
laakiin, islaanta wiilka dhashay gabadha meeysan jecleen marka subax kasto markeey gabadha soo kacdo 
waxaa u imaato islaanta soddohdeed ah ka dibna weey u ducaysaa waxeeyna dhahdaa "Gurigaaga waa nadiif ee 
maandheey wax kaa wasaqeeyo Ilaah kuma tuso!" 

gabadhii waxeey dhahdaa aamiin, Markasta oo sodohda u duceysana aamin ayey dhahdaa, lakinse maalintii danbe waxaa u imaatay gabadha hooyadeed kadibna ayaga oo isla joogo
aya waxaa yimid soddohdii, markaas gabadha hooyadeed waxeey aaday qol ka mid ah guriga waxeeyna 
iskaga tagtay gabadhii iyo sodohdeed kadibna soddohdii markeey baxeeysay ayeey waxeey dhahday
'maandheey gurigaaga nadiiftiisa fiicanaa Ilaah wax kaa wasaqeeyo kuma tuso' gabadhiina waxeey
dhahday 
'aamiin' waxaana maqashay hooyadeed oo ku jirtay qol kamid ah guriga gabadhii hooyadeed ayaa soo baxday oo waxeey ku dhaday sodohdaa saan meey maalin walba kuugu 
duceeysaana gabadhii waxeey la soo dooday haaaaaaaaaa hooyo waa soddoh aad u fiican kadibna
hooyadeed waxeey ku dhaday berri markeey kuu imaato oo eey ku dhado wax gurigaaga kaa 
wasaqeeyo Alle kuma tuso waxaad ku dhadaa, kuligeen aamiin. 
Haye ayeey dhaday gabadhiina, 
kadibna maalintii danbe markee imaatay sodohdii sidii caadada u ahayd ayeey dhahday oo ahayd, Gurigaaga nadiifsanaa, Ilaah wax kaa wasaqeeyo kuma tuso, gabadhii oo dardaaranki hooyadeed xasuusato ayaa
lasoo booday aamiin hooyo kuligeenba. 

kadibna sodohdii baa qeylo afka furatay oo waxey tiri, ha i cunin hana i habaarin qumayayahay, ileen inkaar qabtada gabadha umeeysan duceyn jirine, habaar bey ka waday.
Xaasidnima ma fiicno walee, sodohyooyinka qaarna waa wax laga duceysto.

Monday, January 18, 2016

Qiso cajiib ah: Ma Hooyadey amase Cunugeyga oo beerkeyga ah baan bad-baadiyaa?

10:01 AM 0
qiso cajiib ah
Asc dhamaan Akhyaarta sharafta leh, qisaddan waaa qiso dhab ah waxa ay ka dhacdey wadanka Masar gaar ahaan Magaalo madaxda QAAHIRA...
Guri Cimaarad ah ayaa waxaa qabsadey dab waxaa deganaa shuqo ama qeyb ka mid ah Cimaaradaas...
Gabar iyo ciyaalkeed iyo Hooyadeed oo duq ah yacni Da' ah...
Gabadhii waxa ay bilowdey ineey daa-daabusho ciyaalkii oo badbaadiso...

Ugu dambeeyntii dabkii waa soo dhowaadey waxaana u harey Hooyadeed iyo cunug yar oo markaas naas nuug ah...

Waxeey sameyso ayeey garan weeydey Ma Hooyadey mase Cunugeyga oo beerkeyga ah baan bad-baadiyaa ayeey iskula hadashey...
Waa arin culus Ilaahey gabadhii waxaa uu waafijiyey ineey Hooyadeed qaado cunugiina waa ka tagtey...
Ugu dambeyntii Meeshii dhan waa gubatey Gaas iyo wax baa isku qarxey...

Ayada oo u jeeda...
Markii dab damis yimi oo la damiyey meeshii ayaa la raadiyay dadkii...
Shiikhii arintan sheegayey waa dhaartey walaahi buu yiri:- waxa loo yimid Cunugii yaraa Oo aan Saxar Gaarin meeshiisii Oynaya Sariirtuu ku jiifeyna waa gubatey meelkasta waa gubatey Dambas beey noqotey hase ahaatee wiilkii yaraa waxba ma aysan gaarin ayuu yiri...

Ilaahey Awoodiisa waxa uu bad-baadiyey cunugii yaraa...

Sababtaana Yaa lahaa Waa xaqqa waalidka...
Ilaahay hanaga dhigo kuwo waalidkood Adeeca oo Xaqoda Siiya...
Aamiiiiiiiin Aamiiiiiiiiiiiiiin.....
HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:


WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

Tuesday, December 29, 2015

Qiso Xanuun badan: Wiilkeeygiyoow ha iga Tegin oo Guriga ila joog. Hooyo aragaaga baa Wehel iyo Il qawoobsi ii ah. Hooyo waan ku Jeclahay ha iga Dheeraan...

10:21 AM 0
Qisadaan waxaan ka sheekeynaaya Wiilkii Qisadan la
Kulmay, wuxuuna Hadalkiisa ku Bilaabay Sidatan:-
Waxaan la Degnaa Hooyadeey ilaa aan gaaray 20 jir.
Markaan 20 jiray baan ka Guuray Guriga Hooyadeey,
markaan Guurayey waxeey Hooyo igu laheyd,
Wiilkeeygiyoow ha iga Tegin oo Guriga ila joog. Hooyo aragaaga baa Wehel iyo Il qawoobsi ii ah.
Hooyo waan ku Jeclahay ha iga Dheeraan. Aniga
hadalkeeda ma aanan Dhageysan, waxaana u
Heestay iney iga Horjoogto wax walbo oo aan
Jeclahay.
Waxaan la degay Wiilal aan Saaxibo nahay. Waxaan u Dhaxeeyay School iyo Shaqo. Markaan Waqti helo
waxaan aadi jiray Filim iyo Ciyaar. Mar mar ayaan
Hooyo Wici jiray si aan u Hubiyo Xaladeeda.
Maalin baa waxaa dhacday Hooyo in ay
Xanuunsatay, ayna Weysay Qof Caawiya. Seey u
Xanuunsaneysay ayaa waaga ugu Bariyay. Subaxdii Xigtay ayadoo Daciif ah bey Deriskedii ku
Gar garacday Derbiga. Deriskii baa Maqleen,
waxeyna ugu yeereen Ambulance. Hooyo Isbitalkii
baa la geeyay. waxey weydiyeen Qofka la noolaa,
waxeysa tiri:- Keligeey baa Noolahay. balse waxaa
jira Wiil aan dhalay oo Magaalada jooga. Numberkeyga bey Weydiyeen, kadina wey siisay.
waxaa isoo Wacay Qolada Isbitaalka ayagoo leh
Hooyadaa wey

Tuesday, December 8, 2015

Qiso xanuun badan: Wiil hooyadiis ka doortay xaaskiisa

11:26 PM 0
Waxaa jiray Nin ay Hooyadii ay la daganeyd wax Caruur ahna asaga ayay ka dhashay, waxa uu lahaa xaas iyo caruur, Maalin Maalmaha ka mid ah ayuu Hooyadiis ayada oo Qolkeyda joogta ugu yimi waxa uuna ku yiri, Hooyo waxaan raba Guriga oo dhan in aan Dibi habeyn ku suubiyo kadibna aan Diikoor qurux badan ka dhigo, marka Hooyo waxaan rabaa inaad dhawr casho inta ay hawsha socoto la dagtid Habaryar ama Abti intasna aad la noolaatid, waxay ku tiri Hooyo qolkayga waad aragtaa wax uu qabo majirto sidaas buuna u egyahay ee Hooyo maad iska kay dhaaftid, maya Hooyo, waxa uuna ku yiri sida ugu dhaqsiyaha baad waa inaad Habaryar ama Abti aad u tagdaa, markii uu ka dhaafi waayay hadalkii aadna ugu dhibay bay waxay ku tiri waa yahay.

Waxayna u tagaday Walaasheed (Habaryartiisa) waxayna u sheegtay Qisadii in guriga la hagaajinayo muda yar kadibna ay ku laabaneyso Guriga Wiilkeeda, waxba dhib malaha ayay ku
tiri walaal Guriga waa gurigaagii, Maalmo ayaa ka soo wareegtay. wiilkeedii ma soo waca xaaladeedana dib dambe uma uusan soo fiirin, illeyn waa Beer wax dhalee Hooyadii waxay Bilowday in Wiilkeedii ay ka wal’washo dhawr mar ayay taleefoonka ku wacday mar walba oo uu Taleefonka ka qabtana waxa uu yiraahdaa

Monday, November 30, 2015

QISO CAJIIB BADAN MARKAAD AQRISO KAA OOHIN DOONTO

4:12 AM 0
Aslaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakad Bismilaahi Raxmaani Raxiim Wasalaatu Wasalaam Calaa Nabiyanaa Mohamed ibnu Cabdilaahi {scw} Magaca Allah Ayaan kubillaabaynaa Ee Naxariis Guud iyo mid Gaaraba Naxariista Allaah baa Mahad u sugnaatay Mahadidilkeed Allihii ina siiyay Nimcooyin badan Adoomadiisana ku Farad yeelay inay Soo xajiyaan Adoomo farbadana ay ajiibeen yeedhmada allah Nabad galyo iyo Naxariis ha ahato Midkii ina tusay Macaanka Nolasha Midkii aqoonyahano Naga Dhigay Jaahilnimadii inaga saaray Muuhammed Rasuulullaahi S,C,W intaa ka dib ikhwaatii fillah Waxaanu idin soo Diyaariyay Qiso xanuun badan oo ku dhacday hooyo soomaaliyeed qiso cajiib ah ee akhrista walaalayaal si fiican u akhrista waad mahadsan tihin dhamaantiin.  walaalayaal Dhacdadan ayaa ku dhacday qoys somaliyeed oo ku nool wadanka Australia waxaana ka shekenayo nin u kuur galay sida ay wax u dhaceen waxaa uuna ku bilabayaa shekadiisa sidan subxanallaah ufiirsada qof noolow maxaa aragtid ku laaban walaahi wax aad la yaabtaan ayaad ku arkaysaan walaalayaal ila akhrista Arrintan ayaa markii aan maqlay igu noqotay arrin layaab leh oo aan suurtagal ahayn
booqo www.daarusalaam.com ka aqriso qisooyin
diini ah,iyo sheekooyin xiiso badan
Aslaamu Calaykum Waraxmatulaahi
Wabarakad Bismilaahi Raxmaani Raxiim
Wasalaatu Wasalaam Calaa Nabiyanaa
Mohamed ibnu Cabdilaahi {scw} Magaca
Allah Ayaan kubillaabaynaa Ee Naxariis
Guud iyo mid Gaaraba Naxariista Allaah baa Mahad u sugnaatay Mahadidilkeed Allihii ina siiyay Nimcooyin badan
Adoomadiisana ku Farad yeelay inay Soo
xajiyaan Adoomo farbadana ay ajiibeen
yeedhmada allah Nabad galyo iyo
Naxariis ha ahato Midkii ina tusay Macaanka Nolasha Midkii aqoonyahano Naga Dhigay Jaahilnimadii inaga saaray
Muuhammed Rasuulullaahi S,C,W intaa ka
dib ikhwaatii fillah Waxaanu idin soo
Diyaariyay Qiso xanuun badan oo ku dhacday
hooyo soomaaliyeed qiso cajiib ah ee
akhrista walaalayaal si fiican u akhrista
waad mahadsan tihin dhamaantiin.



walaalayaal Dhacdadan ayaa ku dhacday qoys
somaliyeed oo ku nool wadanka Australia
waxaana ka shekenayo nin u kuur galay
sida ay wax u dhaceen waxaa uuna ku
bilabayaa shekadiisa sidan subxanallaah
ufiirsada qof noolow maxaa aragtid ku laaban walaahi wax aad la yaabtaan ayaad ku arkaysaan walaalayaal ila
akhrista Arrintan ayaa markii aan maqlay igu noqotay
arrin layaab leh oo aan suurtagal ahayn
ka bacdi waxaan raadiyay sida ay wax
uga jiraan arintan anoo rabo in aan ka sal
gaadho in ay run tahay iyo in kale Haddaba
akhristayaasha sharafta lahow aniga oo baadhitaankeeyga ku soo guuleeystay inay arrintu jirto ayaa waxaa ay dalbadeen
qoyska ay arintu ku dhacday in arintooda
la sheego laakiin aan marnaba
warbaahinta loo gudbin magaca qoyska
ayaga oo kadalbaday warbaahinta in magaca qoyska la baahin Aniga oo tix galin siinaayo codsiga
qooyskaas ayaa waxaa aan jecelahay in
aad idin la wadaago say wax u dhaceen
iyo sida ay qisadu tahay waatan ayada oo
hooyada qoyskaas ka sheekaynayso
ayada oo tilmaamaysa sida wax udhaceen waxay tidhi

Sunday, March 29, 2015

Aabe Maxay Dumarka u Ilmeeyaan!..

9:28 PM 0
Wiil ayaa Waxa uu Waydiiyay Hooyadii " Hooyo Maxaad la Ilmaysaa? Waxay ugu Jawaabtay Hooyo Waxaan ahay Dumar!..Wiilkii Yaraa ayaa Waxa uu Ku yiri Hooyadiis Hooyo Ma aanan Fahmin!..Laabta ayay Ku Qabatay Waxayna Ku Tiri "Hooyo Waligaa Ma Fahmi Kartid!..
Intaas Kuma uusan Joogsan Wiilkii Waxa uu u Tagay Aabihiis Waxa uuna Ku yiri Aabe " Hooyaday Maxay Sabab la'aan u Ilmaysaa? Aabihii ayaa Waxa uu ugu Jawaabay " Dhamaan Dumarka oo Dhan Waxay u Ilmeeyaan Sabab la'aan!..Wiilkii Waa uu Waynaaday Walina Waxaa Ku Taagan Su'aashii ahayd Hooyaday Maxay u Ilmaysaa!..
Ugu Dambayntii Waxa uu u Tagay Nin Xakiim ah ( Nin Caqli Badan) Waxa uu Ku Yiri Waxaan Ku Waydiinayaa Dumarka Maxay u Ilmeeyaan? Waxa uu ugu Jawaabay:
Dumarka

Monday, May 12, 2014

Qiso ku sabsan hooyo macaan.

5:53 AM 0
Qiso ku sabsan hooyo macaan.
Qofkii aanan Qiimeeynin Qiimaha Nolashiisa ay Hooyadiis ku leedahay Ma helo Asagana Qof Qiimeeya Qiimaha Nolashiisa!Wiil Dhaqtar aha ayaa waxaa uu Doonay Gabar,Kadib markii ay ogaatay Duruufta Wiilka uu ku Noolyahay ayaa waxay ku xirtay Shardi midkaas oo ah In Maalinta Xaflada ay dhacayso in aysan Hooyadiis imaan xaflada!!Wiilkii Dhalanyiradii ahaa Arinti wax uu ka suubiyo ayuu garan waayay waxa uuna la tashaday Wiil Saaxiibkiis ah Aabihiis ahaana Macalin Jaamacada wax ka dhigo intabadana asaga ayuu la tashan jiray waxii talo ahana waa uu ka qaadan jiray...Markii uu Arantii uga waramay uu dhaqagaystay ayuu waxa uu Wiilkii way diiyay maxay tahay Sababta ay Shuruuda ay kuugu Xirtay?


 waxa uu si Xishood leh ugu jawaabay oo uu yiri: Aabahay waxa uu dhintay Aniga oo Sanad Jira, Intaas waxii ka dambeeyay waxaa isoo korisatay Hooyaday waxay masruufkayga ka soo saari jirtay Dadka ayay dharka u dhaqi Jirtay waxa ka soo galao ayay igu masaruufi jirtaya islamar ahaantaasna waxbarashadaydana ay ka bixin jirtay...Waxaas oo dhana waxay ahaayen wax la soo dhaafay! mana rabo Dhib in ay Nolashayda ku noqoto!! hadana waxaan rabaa in aan Aniga Mustaqbalkayga dhisto! Macalinkii ayaa waxa uu ku yiri Wiilkii waxaan kaa rabaa in

Monday, October 14, 2013

SHEEKO QALBIGA TAABANEYSA. Inta uu waalidkaa noolyahay ka duceyso, marka uu geeriyoodo shalayto waxba kuuma tareyso

12:47 AM 0
SHEEKO QALBIGA TAABANEYSA.

Wax badan waad aqrisay sheekooyin ku saabsan jaceylka Hooyo ilmeheeda u heyso, maanta waxaan idiin hayaa jaceylka Aabe iyo waxa uu ilmihiisa u huri karo.

Aabe Haaruun wuxuu ilmo dhan ka dhalay hal gabar oo 16 jir ah aad ayuu u jecel yahay gabadhiisa, xaaskiisa waxay geeriyootay gabadha yar oo hal sano jir ah, isaga ayaa gabadhiisa hooyo iyo aabe u ahaa, mana uusan guursan xaas kale.

Asma waxay dhigataa iskuul dugsi sare, waxay aad u dhibsatay aabeheed oo dhagool ah, maadaama marka ay ardayda qaar is qabtaan ku caayaan dhagoolnimada aabeheed.


Maalin ayey guriga ku soo laabatay iyadoo aad u careysan, aabeeheed Haaruun wuxuu u diyaariyay qado, markii uu u keenay way diiday inay qadeyso, Haaruun isagoo is leh tolow gabadha yari miyey xanuusan tahay ayuu u ishaaray madax isago weydiinayay; madaxa miyaa ku xanuunaya.

Asma yarey afka ayey furatay waxayna ku tiri aabeheed erayo aan u qalmin, oo ay ka mid yihiin:-
"Oday yahow dhagoolkaa maxaa aabe iiga kaa dhigay,
adiga ayaa nolosha igu dhibay,
mar walba dadka lama kaftami karo adiga daraadaa."

Oday Haaruun ma uusan fahmeyn hadalka gabadha balse wuxuu dareemayay inay isaga heysato oo ay u careysan tahay, wuxuuna isku dayay inuu gabadha yar dajiyo, balse nasiib daro ma aysan ka yeelin waxayna orod uga baxday guriga .

Iyadoo ordaysa ayey laamiga gashay iyadoon dhinacyada eegin, waxaana si xun ugu dhacay

Thursday, September 26, 2013

Qiso Kaa Oohin Doonto Aadna U Xanuun Badan Mudana In Lagu Cibro Qaato “Caasi Waalidiin Ma liibaano”..

6:51 PM 0
 Qiso Kaa Oohin Doonto Aadna U Xanuun Badan Mudana In Lagu Cibro Qaato “Caasi Waalidiin Ma liibaano”..

::::::::::::::::::Qiso Xanuun Badan Iyo Odey 90 Sano Jir ah~~~~~
Odeygaan 90 Sano Jir ah ayaa isbitaal Ku jiray, waa Camoole Dhib badana Ka muuqdo, Waxaa Isbitaalkii soo Boqday Wiil, Salaan kadib, Odeygii ayaa wax ka codsaday Wiilkii,..
Wiilkii ayaa yiri Adeer Caadi waaye i weydii Codsigaaga, Odeykii 90 sano jirka ahaa ee Camoolaha ahaa ayaa yiri wiilkeygiyow 3 Beri afka waxba ma saarin Gaajo ayana Basteey la ahay,wuxuuna kaloo yiri Cuntada ey Bixiyaan isbitaalka Abiteed uma haayo *ma Cuni Karo) igumana Soconayo.
Hadaad heyso Beeso ama Lacag waxaan kaa codsanaa in aad ii soo iibiso hal xabo Rooti ah, Wiilkii ayaa intuu aaday Suuqa wuxuu kasoo iibiyay Rooti iyo Cabitaan iyo Cuno, wuxuuna siiyay Odeygii waayeelka aha, Odeygii Markuu Rootigii Jab ama Gabal yar ka Goostay, ayaa wuxuu Fiirayay Wiilkii intuu dhoole cadeeyay ayuu wuxuuna ku yiri, Qeyr Allaha Ku siiyo Wiilkeygiyow,


Wiilkii ayaa wuxuu Weeydiiyay Su,aal ah Adeer Wax ilmo ah Malihid miyaa?
Odeygii ayaa yiri Wiilkeygiyow waan leeyahay Ciyaal, 10 ilmo ah ayaan leeyahay oo Wiilal iyo Gabdho iskuugu Jiro, Laakiin

Tuesday, August 13, 2013

Qiso cajiib ah: Hooyo ka heshay sida muslimiinta waalidkooda ula dhaqmaan, oo wiilkeedi masaajidka keentay.

5:41 AM 0
QISO CAJIIB AH.

Masjid Ku Yaalo Dalka Fransiiska Ayaa Waxaa Yimid Wiil Cadaan Ah, Wuxuu u Yimid Imaamkii Masaajidka, Wuxuuna Ku Yiri:- Waxaan Rabaa Inaan Caruurta Muslimiinta Aan Wax La Barto!!, Imaamkii Ayaa Wuxuu Weydiiyey Aaway Waalidkaa? Cunugii Yaraa Ayaa Yiri Hooyadey Ayaa Ila Socoto Banaanka Ayay Taagantahay! Maadama Aysan Muslim eheen, Masjidka Ma aysan soo Galin.


 Imaamkii Ayaa U soo baxay Banaanka Wuxuu La Hadlay Islaantii, Wuxuuna Weydiiyey Sababta Ay Cunugeeda Masaajidka u Keentey? Isalaantii ayaa Waxay Tiri:-

Saturday, July 27, 2013

QISO CAJIIB AH: GABADHII YAREED IYO AABAHEED.

4:44 AM 0
Qiso Cajiib Ah.

Maalin Maalmaha ka mid ah ayaa gabar 11 jir ah Aabaheed weydiisey. 
Aabo Markaan 15 jir gaaro, maxaa hadiyad dhalashadeyda ii siin doontaa??
Aabihii ayaa ku jawaabay, Aabo wali waqti badan ayaa noo dhiman, marki la gaaro
ayaad arki doontaa.

Gabartii markeey kudhawdahay Dhalashadeedi, ayaa nasiib daro xanuun kusoo boodey
oo loola cararey isbitaal, waxaana lagu sheegay in wadnaheeda uu shaqada gaabiyey,
oo loo baahanyahay in wadno kale loogu badalo hadii rajo laga qabo noolasheeda.


Gabartii yareed oo isbitaalka joogta ayaa Aabaheed weydiisay, Miyaan dhimanayaa Aabe??

Aabaheed ayaa ugu jawaabey asigoo ilmeynaya,

Friday, July 26, 2013

Qiso Cajiib ah: Ducooyinkeygi dhan waa la aqbal, hal mid mooyee.

7:01 AM 0

Hada ka hor ayaa nin Dr ama dhaqtar ahaa oo dr naajix ahaa ayaa gurigiisa ka baxay asagoo u socda airport waxuu u socday in uu ka qaybgalo shirarka takhaatiirta caalamiga waxaana lagu siin lahaa abaalmarin ,dr aad bay ula wayneed arintaas ,diyaaradii waa kacday markii ay caabar socotay aysan gaarin meeshii ay ujeedkeedu ahaa ayaa waxa soo baxday cilad farsamo.. Waxaa loo sheegay rakaabkii in ay diyaarada ku dagi doonto airport uGu dhaw ,dadka rakaab ka ahna laga saarin doono diyaarad kale maalinta bari ah .ninkii DR ahaa ayaa u tagay gabar fadhisay xafiiska waxuuna u sheegay in uusan sugin Karin bari uu leeyahay shir muhiim ah. Gabadhii ayaa ku tiri ,aniga arintaas waxba kama sameen karo ,laakiin magaaladaad u socoto sas uma faga ,hadaad gaari qaadato waa 3 hours driving ,Dr oo necbaa gaari wadista masaafada dhaadheer ayaa option kale waayay ,gaari rent (kiro) ah ayuu soo qatay wuuna kaxeeyay ,markii uu cabaar socday ayaa roob xun bilaawday oo waxba laga arkeen ,ninkii wadadii uu dhumiyay. Wuxuuna socday mudo sedex saac ah meel qaldan markii uu quustay ayuu arkay guri yar oo meel ka taagan ,waxuu is lahaa aad ka heshid waxaad cunto iyo taleefan aad dirsato si laguu hago maadaama mobile kiisii uu bilaa dab noqday ..Dr markii uu gurigii imaaday ayuu irida garaacay ,waxaa lagu yiri so dhaaf ,

Monday, July 22, 2013

Qiso Yar Oo Ku Saabsan Duco Waalid.’’

5:52 AM 0

Sahal Bin Bishrin Wuxuu Yiri Waxaa ii Shekeeyey Nin La Yiraahdo Suleel ibnu Ayuub ibnu suleel Wagii Uu Yaraa Wuxuu Daganaan Jirey Meel Magaceeda Rayi La Yiraahdo 10 Sano Markii Uu Gaarey Qur’aanka Xogaa Ka Bartey Niman Culimo Ah Oo Ey Meel iskugu Yimadeen Culimadii Nin Ka Mid Ah Ayaa Yiri Salaada Na Tuji Maxaa Yeeley Ardey Da’daal Badan Ayuu Ahaa Wuxuu Yiri Waxaan Bilaabey in aan Suuratu Faatixa Aqriyo Lakiin Waan Awoodi Kari Waayey in aan Aqriyo Fataxadii Oo Ey igu Adkaatey Sidii in Uu Carabkii I Qalaley Oo Kale Waan Wadi Waayey Suuratu Faataxa Kadibna Culimadii Mid Ka Mid Ah Ayaa ii Yeerey Wuxuu igu Yiri Hooyo Ma Leedahay? Waxaan Ku iri Haa Markaas Ayuu I dhahay Oradoo, Hoyadaa U Tag

Saturday, July 20, 2013

Qiso: ABAALKAAD GASHO WUU KUU SOO LAABANAYAA .

2:15 AM 0
Maalin maalmaha kamid ah ayaa nin wuxuu arkay haweney waayeel ah oo dhinac taagan gaari Marsheedis ah (Mercedes), wuxuu soo aaday dhankeeda, markuu u soo dhawaday ayuu arkay in gaariga ay lug (taayer) ka banjartay, islmarkaana aysan awoodin in lugtaas ay gaariga ka badasho.

Xiliga oo habeen ahaa iyo wadada oo cidlo aheyd, haweyneydii markey aragtay ninkaan dhankeeda u soo socdo ayey ka shakisay, wayna ka cabstay inkastoo uu dhoola cadeynayay, muuqaalkiisa ayaa wuxuu ahaa nin duruuf ay ka muuqato, wasaq badan, baahi badana laga dheehan karay.

Isagoo dareemay in ay ka baqaneyso ayuu ku yiri, “Mama waxba ha cabsan aniga waxaan rabaa kaliya in aan ku caawiyo, magaceyguna waa Nuur.”

Nuur ayaa wuxuu bilaabay in uu gaariga lugta ka badalo, xoogaa kadib waxaa u suura gashay inuu badalo taayarka inkastoo gacanta uu dhawac fudud ka gaaray.


Mamadii ayaa u mahad celisay, waxayna waydiisay qiimaha lacageed ee uu doonayo in ay siiso maadaama uu shaqo u qabtay, Nuur ayaa ugu jawaabay “hadii aad dooneyso inaad aniga ii abaal gudo, waxaad
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA