SUPPORT WEBSITE

Showing posts with label HOOYO MACAAN HA OYNIN. Show all posts
Showing posts with label HOOYO MACAAN HA OYNIN. Show all posts

Wednesday, June 15, 2016

QISO MURUGO BADAN OO KAA ILMEYSIIN DOONTA: WAXEY TIRI AMISOM BAA I KUFSADAY.

5:29 AM 0
Waxaan Ahay 19sano Jir waxaana Ku dhashay oo Ku barbaaray Xamar Gaar ahaan Degmada Wardhiigley Waxaan La noolaa Aabahay iyo Hooyaday ayagoo waxbarasho ilaa Dugsi sare I Gaarsiiyey , Waxaan ahaa Fasalka Koowaad Dugsiga sare markii aan Ka tagay Waxbarashada.

Waxaan Bilaabay Iskuul Private ah oo aan ka dhigan Jiray Private luuqada Englishka ah , Waxaan Gali Jiray Galabtii Maqrib Kahor waxaana kasoo Bixi Jiray Salaadda Cishaha inta aan La Gaarin, Maalin Maalmaha Kamid ah anoo usocda Iskuulka ayaa waxaa igu qayliyey Askar Amisom ah oo meel Fadhiday balse waan dhaafay oo lama aana hadlin mid kamid ah ayaa iga soo Daba Kacay asagoo ku hadlaya Luuqada eglish ka oo aana inta Badan Fahmayn Balse Erayo Yar aan Ka fahmayey Waxyaalaha aan Fahmayey waxaa Kamid Ahaa : Hey Madam , Bring me You Number, iyo erayo Kale balse uma aana Jawaabayn..

Haddaan sii socday wuu iga Haray anigana waxaan Toos u aaday Iskuulkaygii , casharadii wixii i dhaafay ayaan Qortay anoo ka anfariirsan Ninkii Afrikaanka ahaa ee askariga ahaa ee isoo Daba galay iyo wadadii aan Mari Jiray Caawa markaan Marayo waxa aan la Kulmi Doono Balse Markasta Ilaahay ayaan aaminaa oo niyadda ayaan ka dhahaa ilaah baa leedahay Cidna Wax kuma Yeeli karto..

Iskuulkii xilligii laga Bixi Jiray baan Baxay anoo Toos u aaday wadadii Xaafadayda Markaan Marayay Meeshii Galabta Ciidanku joogay ayaa Waxaa iga hor yimid ninkii iyo Mid kale ayaga oo uu lasocdo Tarjumaan soomaali ah , Waxaana Ila hadlay Soomaaligii iguna Yiri Abaaye Nimankaan waa ka shakiyeen Socodkaaga Maalinkasta Meeshaan ee Xafiiska Kaalay qoraal Halagaa sameeyee, Aniga oo Naxsan ayaa is iri mar haddii soomaali lasocdo wa caadi ee Raac , Waxaa la i geeyey Qol Miis Yaal waxaana La i waydiiyay waxaan qabto, Xafadayda Meesha ay Tahay iyo Waxaan Galabkasta soo raadiyo anigana Runta u sheegay.

Waxaa ay sameeyeen inta Moobiil Sawir la igaga qaaday anoo arkaya ayaa la igu yiri Sawirkaan kaaga Mayahay Haa ayaan iri markaas ayaa mid kamid ah intuu hadlay Yiri Moobilkaan Qof Danbi Galay oo weerar Nagu soo qaaday ayuu ka dhacay hadaan baarnayna Sawirkaaga ayaa kujira , Wlaahi baan ku dhaartaye naxdintaa naxay indhaha ayaa i madoobaaday balse ilaahow Gaalada iga Bad baadi baan iri waxaana kuiri Sawirka hadda ayaa iga qaadeen Moobilkaana ani malihi ee wax kale sheega iyo Dantaa leedihiin Wiilkii Soomaaliga ahaa ayaa asagoo Afkale kula hadlaya dhaqaaqay Afkaasna gadaal baan ka Ogaaday inuu ahaa Sawaaxili, Waxaa la i geeyey qol kale waana la iga Baxay inta Dusha laygaga Xiray..

Habeenkii Saq dhexe ayaa waxaa lasoo Furay albaabkii Waxaana Isoo Galay Ninkii Isoo daba Galayay oo Funaanad Garan ah iyo Surweel Gaaban qaba Wuxuuna Bilaabay inuu Faraha igala hadlo anna waan qayliyay oo ooyay , Balse wuxuu lasoo baxay baastoolad oo madaxa iga saaray, Wuxuuna igu sameeyey wax aana Noloshayda laygula Kicin Aniga Miyir waxaa iigu danbaysay Markaas waxaana Miyir saday Maalinkii danbe anoo laygu Hayo Isbitaal yar oo Ciidanku lahaa oo Dhaqtarad Madow ah i Dul Taagan tahay ..

Dhaqtarada waxaa ka tarjumaya Nin soomaali ah waxayna sheegayan in Ciyaal I Kufsadeen Xalay Ciidankuna Bad Baadiyey oo Jiridii Ka dhigay, anigu ma aana Hadlin oo awood aan ku hadlo Maanan Hayn, Daawayn iyo Faaleemboyaal Nafaqo ah ayaa laygu Xiray waxaana Joogay Halkaas Laba Habeen iyo Laba maalmood , Kadib waxaa lala xiriiray Aabahay oo loo sheegay inay Hayaan Gabadhiisi oo Jirri Kufsatay waxaana meesha yimid Cabaar kadib Reerkeeni iyo inta badan dariskii xaafadeena oo dhamaan wada Ilmaynaya waxaana la ii waday xaafadeeni.

Gurigii markaan aaday arintii ayaa aabahay u sheegay Wuxuuna Bilaabay inuu Arintii Dacwad ka sameeyo balse Nasiib darro Asagii ayaya xireen Ciidankii Amisomtu , Waxaa aabahay lagu shaabadeeyey inuu Caawin Jiray Shabaab ilaa haddana inuu xiranyahay iyo in Ladilay midna kana warqabno, aabeheen asagaa noo shaqayn jiray oo wax walba noo ahaa waxbarashadana naga Bixin Jiray balse hadda waxaa na haysta dhib aduun Guud ahaan iyo Gaar ahaan dhibkii aniga Gaarka igu ahaa balse markasta Maadaama aan nahay islaam Naxariista Eebbe ka Quusan mayno oo asagaa Nagi Baaqi noqon doona.

Muhiimadda Fariintayda waxaa ula jeedaa in dadka Soomaaliyeed ogaadaan dhibka dalkeena kajira iyo Gumaysiga laynagu Hayo , Sidoo kale waxaan ula jeedaa qoraalkayga in Umada Soomaaliyeed u istaagto sidii aabahay Raadintiisa nalooga Caawin Lahaa..

Ilaahay Soomaali Bad baadi adaa Qaadiree.

Walal Gaarsii Qofkasta fariintayda oo Share Dheh.

Wednesday, May 11, 2016

DARDAARAN HOOYO, ILAAHAYOW WAALIDIINTEENA U NAXARIISO SIDEY NOOGU NAXARIISAN JIREEN.

6:52 AM 0
Wiilkeygii ama Gabadhaydiyey

1: HOOYO hadaan weynaado oo hadalku i dhibo ii sabir oo ha i dhibsan waayo aniguba adigoon hadli karin ayaan kuu sabri jiray.

2: hadaan cuntada cuni waayo haygu khasbin, hana igu weylin. markan ubaahdo anaa cunayee, anba kuguma khasbi jirine.

3: hadaan su'aal kugu celceliyo si degan iigu jawaab, oo ha i dhibsan. adiguba waxad iweydiin jirtey suuaalo badan, kumana dhibsan jirin waana ku sabri jireye.

4: hadii aan socon kari waayo ha i dhibsan, oo ii tartiibi anba sidaas baan kuugu tartiibin jireye.

5: hadii marada aan xidhan kari waayo, si tartiib ah oo naxariis ku jirto iigu xidh, anigaba kuma dhibsan jirin si tartiibana wa kugu xidhi jirey.

6: hadiii suuliga aan awoodi waayo kaadida saxarada iska dhiqi waayo, si naxariis ah iga dhaq. hana idhibsan waayo amba kuma dhibsan jirine.

7:hadiii aaan ku dhibo, ha i dhibsan, waxaa laga yaba inay khayr badan ku tahaye.

hadii aan fool xumaado, ilkuhu iga dhacaan, dhagaha wax ka maqli wayo, indhuhu daciifan, luguhu soconwayaan, gacmuhu wax qaban wayaan, carabku hadalka yareeyo, maskaxdu isku dar-darsanto, saxaradu iska daadato, kaadidu sidoo kale, sariirta marwalba aan wasakheeyo. HOOYO ha i dhibsan, waayo sidan ma ahaan jirin.

Xusuusnow Inaan ku hayn jirey adigoon saxarada iyo kaadidaba iska tiri karin, lugo aad ku socoto lahayn, gacmo aad wax ku qabsato
lahayn, maskax aad wax ku fahanto lahayn.

Xusuusnow inta aad maanta igu aragto iyo in kasii badan inaan kugu soo sabrey, weliba farxad u arkayey oo anan malin keliya ku dhibsan.

HOOYO ha noqon shaqi (waalid Caasi ah) abaal aan lahayn, ee noqo Abdi (Baari) abaal badane ah sidaas baad ku liibanaysaa akhiro iyo addunyabe.

Ilaahow waalidkeen u Naxariiso siday Noogu Naxariisan jireen anagoo Yar-Yar.. aamin

Tuesday, February 2, 2016

Sheeko yaab badan: Sodohdii Xaasidnimada badneed.

3:12 PM 0
waxaa jiray islaan waxeey dhashay ciyaal, ciyaalkii wiil ka mid ah ayaa weeynaaday oo qaan 
gaaray waxuuna guursaday gabar aad u fiican oo baarri ah una roon ninkeeda iyo hooyadiis.
laakiin, islaanta wiilka dhashay gabadha meeysan jecleen marka subax kasto markeey gabadha soo kacdo 
waxaa u imaato islaanta soddohdeed ah ka dibna weey u ducaysaa waxeeyna dhahdaa "Gurigaaga waa nadiif ee 
maandheey wax kaa wasaqeeyo Ilaah kuma tuso!" 

gabadhii waxeey dhahdaa aamiin, Markasta oo sodohda u duceysana aamin ayey dhahdaa, lakinse maalintii danbe waxaa u imaatay gabadha hooyadeed kadibna ayaga oo isla joogo
aya waxaa yimid soddohdii, markaas gabadha hooyadeed waxeey aaday qol ka mid ah guriga waxeeyna 
iskaga tagtay gabadhii iyo sodohdeed kadibna soddohdii markeey baxeeysay ayeey waxeey dhahday
'maandheey gurigaaga nadiiftiisa fiicanaa Ilaah wax kaa wasaqeeyo kuma tuso' gabadhiina waxeey
dhahday 
'aamiin' waxaana maqashay hooyadeed oo ku jirtay qol kamid ah guriga gabadhii hooyadeed ayaa soo baxday oo waxeey ku dhaday sodohdaa saan meey maalin walba kuugu 
duceeysaana gabadhii waxeey la soo dooday haaaaaaaaaa hooyo waa soddoh aad u fiican kadibna
hooyadeed waxeey ku dhaday berri markeey kuu imaato oo eey ku dhado wax gurigaaga kaa 
wasaqeeyo Alle kuma tuso waxaad ku dhadaa, kuligeen aamiin. 
Haye ayeey dhaday gabadhiina, 
kadibna maalintii danbe markee imaatay sodohdii sidii caadada u ahayd ayeey dhahday oo ahayd, Gurigaaga nadiifsanaa, Ilaah wax kaa wasaqeeyo kuma tuso, gabadhii oo dardaaranki hooyadeed xasuusato ayaa
lasoo booday aamiin hooyo kuligeenba. 

kadibna sodohdii baa qeylo afka furatay oo waxey tiri, ha i cunin hana i habaarin qumayayahay, ileen inkaar qabtada gabadha umeeysan duceyn jirine, habaar bey ka waday.
Xaasidnima ma fiicno walee, sodohyooyinka qaarna waa wax laga duceysto.

Monday, January 18, 2016

Qiso cajiib ah: Ma Hooyadey amase Cunugeyga oo beerkeyga ah baan bad-baadiyaa?

10:01 AM 0
qiso cajiib ah
Asc dhamaan Akhyaarta sharafta leh, qisaddan waaa qiso dhab ah waxa ay ka dhacdey wadanka Masar gaar ahaan Magaalo madaxda QAAHIRA...
Guri Cimaarad ah ayaa waxaa qabsadey dab waxaa deganaa shuqo ama qeyb ka mid ah Cimaaradaas...
Gabar iyo ciyaalkeed iyo Hooyadeed oo duq ah yacni Da' ah...
Gabadhii waxa ay bilowdey ineey daa-daabusho ciyaalkii oo badbaadiso...

Ugu dambeeyntii dabkii waa soo dhowaadey waxaana u harey Hooyadeed iyo cunug yar oo markaas naas nuug ah...

Waxeey sameyso ayeey garan weeydey Ma Hooyadey mase Cunugeyga oo beerkeyga ah baan bad-baadiyaa ayeey iskula hadashey...
Waa arin culus Ilaahey gabadhii waxaa uu waafijiyey ineey Hooyadeed qaado cunugiina waa ka tagtey...
Ugu dambeyntii Meeshii dhan waa gubatey Gaas iyo wax baa isku qarxey...

Ayada oo u jeeda...
Markii dab damis yimi oo la damiyey meeshii ayaa la raadiyay dadkii...
Shiikhii arintan sheegayey waa dhaartey walaahi buu yiri:- waxa loo yimid Cunugii yaraa Oo aan Saxar Gaarin meeshiisii Oynaya Sariirtuu ku jiifeyna waa gubatey meelkasta waa gubatey Dambas beey noqotey hase ahaatee wiilkii yaraa waxba ma aysan gaarin ayuu yiri...

Ilaahey Awoodiisa waxa uu bad-baadiyey cunugii yaraa...

Sababtaana Yaa lahaa Waa xaqqa waalidka...
Ilaahay hanaga dhigo kuwo waalidkood Adeeca oo Xaqoda Siiya...
Aamiiiiiiiin Aamiiiiiiiiiiiiiin.....
HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:


WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

Tuesday, December 29, 2015

Qiso Xanuun badan: Wiilkeeygiyoow ha iga Tegin oo Guriga ila joog. Hooyo aragaaga baa Wehel iyo Il qawoobsi ii ah. Hooyo waan ku Jeclahay ha iga Dheeraan...

10:21 AM 0
Qisadaan waxaan ka sheekeynaaya Wiilkii Qisadan la
Kulmay, wuxuuna Hadalkiisa ku Bilaabay Sidatan:-
Waxaan la Degnaa Hooyadeey ilaa aan gaaray 20 jir.
Markaan 20 jiray baan ka Guuray Guriga Hooyadeey,
markaan Guurayey waxeey Hooyo igu laheyd,
Wiilkeeygiyoow ha iga Tegin oo Guriga ila joog. Hooyo aragaaga baa Wehel iyo Il qawoobsi ii ah.
Hooyo waan ku Jeclahay ha iga Dheeraan. Aniga
hadalkeeda ma aanan Dhageysan, waxaana u
Heestay iney iga Horjoogto wax walbo oo aan
Jeclahay.
Waxaan la degay Wiilal aan Saaxibo nahay. Waxaan u Dhaxeeyay School iyo Shaqo. Markaan Waqti helo
waxaan aadi jiray Filim iyo Ciyaar. Mar mar ayaan
Hooyo Wici jiray si aan u Hubiyo Xaladeeda.
Maalin baa waxaa dhacday Hooyo in ay
Xanuunsatay, ayna Weysay Qof Caawiya. Seey u
Xanuunsaneysay ayaa waaga ugu Bariyay. Subaxdii Xigtay ayadoo Daciif ah bey Deriskedii ku
Gar garacday Derbiga. Deriskii baa Maqleen,
waxeyna ugu yeereen Ambulance. Hooyo Isbitalkii
baa la geeyay. waxey weydiyeen Qofka la noolaa,
waxeysa tiri:- Keligeey baa Noolahay. balse waxaa
jira Wiil aan dhalay oo Magaalada jooga. Numberkeyga bey Weydiyeen, kadina wey siisay.
waxaa isoo Wacay Qolada Isbitaalka ayagoo leh
Hooyadaa wey
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA