SUPPORT WEBSITE

Showing posts with label waano. Show all posts
Showing posts with label waano. Show all posts

Friday, January 1, 2021

TAARIKHDA HALYEYGA SOOMALIYEED HADRAAWI BY FAHAD YAASIN.

10:24 PM 1

Taarikhda hadraawi
Nasiib-xumo wali lama’aanan kulmin Hadraawi, waxaanse lakulmay aqoon-tiisii, gabayadadiisii, iyo xikmadihiisii. Waxaan dhawaan helay cajalad maqal iyo muuqaal ah oo uu ku duubay gabaygiisii dheeraa ee Daba-Huwan, intaan xusuusanahay horudhaca gabaygaas, waxaan dhagaystay ilaa 9. jeer, waana hubaa inaanan wali ka bogan, waana sababta igu dhalisay inaan maqaalkan qoro.


Hadraawi waa Abwaan gabay-aqood ah, waa aftahan hadal abuur ah, waa Faylasoof mustaqbalka eeg ah. Intaas uu yahay, waxaa qarineysa inuu Soomaali ka dhashay, waan hubaayo hadduu dad aan Soomaali ahayn ka dhalan-lahaa sida uu maanta yahay ma’ahaadeen, oo maxaa ka maqan?


Falaasifada dalalka kale u dhasha magacooda meel dheer ayuu tagaa, waxaa la gaarsiiyaa iney iyagu yihiin hormuudka nolosha oo dhan.


Soomaalidu waxay taqaan, ama wax u ogoshahay oo kaliya kuwa Siyaasada ku jira, dunida aan maanta ku nool-nahay falaasifada ayaa hagta. Taariikhaha nasoo maray oo dhan yaa hormuud u ahaa? Dhamaantood waa faylasoofyo wadamadaas u dhashay, qaarkood shar ayey soo kordhiyeen, qaarna khayr ayey soo biiriyeen.


Nin-karmeedka Soomaali ka soo dhex-baxa iyaga ayaa nolol dila, halkuu horay usocon-lahaa iyaga ayaa curyaamiya, marka uu noloshooda tala ka siiyo adiga maxaa kaa galay bey dhahaan.


Waxay u qabaan, waxaad cunto oo kaliya hadaadan ka fakarin ee danaha dadka kale marwalba ka hadasho inaad tahay manoolo aan dantiisa aqoon.


Ilam’adeer isma indha buuxiso. Naagi nimay taqaan nin ma mooda. Dantaada harag eeyna waa loogu seexdaa. Naftiis gabo mid kale makal-kaalo. Meel il laga la’yahay hadaad tagto adna ilbaa la’istiraa.


Intaas oo maah-maah ah iyo kuwa kale oonan xusuusan waxay muujinayaan sida dhaqanka Soomaaliga ay ugu jirto ninwalbow dantaada ku’ekow, tan dadka kale waxba kaama galinee.


Hadraawi wuxuu tusaale u yahay halka ay Soomaalidu dhigto ninka ka soo dhexbaxa. Idaajaa ayaa booqday Maraykan-ka, xaflad ay Soomaalidu lahayd oo ay quursiga uga hadlayeen ayuu ka qayb-galayey, nin oday ah buu usheegay inuu halkaas usocdo, wuxuu ku yiri: Kuwaasi hadal unbey hayaanee faraha ka qaad, oo waxaas wakhtiga ha’isaga dhumin.


Awjaamac Cumar Ciise ayaan bari ku soo qaaday sida ay Soomaalida u xushmeyso raggeeda wax ku oolka ah, kolkaasuu qiso iiga sheekeeyey, wuxuu yiri: Qarnigii hore, dhamaadkii afarta-meeyadii ayaan tuulo tagay, gabayadii Daraawiishta nin hayey ayaan doonayey, laba odayoo meel fadhida ayaan ku iri hebel xagee daganyahay? Oo maxaad ka rabtaa ayey dhaheen?


Gabayadii Sayidka inuu hayo baan maqlay marka inaan ka qorto ayaan rabaa, ayuu ugu jawaabay, gurgiisii ayey ii tilmaameen, anoon ka dhaqaaqin ayey iyagii isweydiiyeen, tolow muxuu ku falaya gabayadii Sayidka? Oo maxayse u tarayaan? Kii kale ayaa ujawabay oo yiri: Malaha wuxuu rabaa Makhaayada magaalada inuu shaah kaga cabo.


Hadalkaas adigu dhuux oo ka garo heerka aan ka joogno qiimeyta dadka daneeya taariikhdii umadan.


Waa suurowdaa inaad ku doodo, ninkaasu baadiye ayuu joogay, jaahilna waa’ahaa, ee dadka heerkaas mawada ahan. Awjaamac isla sheekadii isagoo ii wada ayuu yiri, sanadkii 2002 ayaan maalin salaamay nin ganacsade ah oon isnaqaanay, buugaagta aan qoro ayuu iga waraystay, waxaan u sheegay inaan mar dhaw soo saari-rabo buug yar laakiin kharashka ku baxayo uu noqon-karo Afar kun oo Doolar, inta qoslay ayuu yiri: Oo adeerow markaad Afar kun buug xun galinayso maad ku ganacsatid.


Awjaamac wuxuu yiri: Hadalkaasi wuxuu isoo xusiisiyey kii aan lakulmay qarnigii hore.


Awjaamac Cumar Ciise wuxuu maanta mudnaa inuu bilad sharafeed ka helo bulshada Soomaalida illeen isaga ayaa u badbaadiyey qayb mug leh oo kamid ah sooyaalkii dalkan. Taasi ma dhicin, mana muuqato iney soo socoto.


Hadraawi waa uu ka soo guuray Yurub, sababtii uu uga soo guuray isagoo sharxaya wuxuu yiri: WAAN ISWAAYEY. Waa hal jumlo oo yar, laakiin macanaha ay xanbaarsan-tahay buugaag laga qori karo. Isla Hadraawi ayaa fasiray macnaha eraygaas. Markii aan Soomaaliya joogay ee aan laamiga soo istaago dhawr gaari ayaa ku diriri-jirtay sidii ay ii qaadi-lahaayeen, markiise aan Yurub tagay waxaan is arkay Hadraawi oo wado qabow badan taagan, baabuurtuna dhaafayaan, iyagoon aqoonin ninka laamiga taagan dad ninkuu kayahay. Wuxuu ula jeedaa gurgaaga hooyo ayaad sharaf ku leedahay.


Yaanan shacabka Soomaalida oo dhan ku xad-gudbin, oo ixtiraam iyo qadarin wey u hayaan raggooda wax ku oolka ah, waxaanse canaanta u dhigayaa halkii la rabay wali ma’aysan gaarin.


Hadraawi

Horadhaca gabayga Daba-Huwan wuxuu Hadraawi ku sheegay inuu muddo dheer ka fakaray mushkilada umadiisa haysata sidii xal loogu heli-lahaa, wuxuu aad u dhaleeceyey in ragga talada haya loo arko iney iyaga un mushkilada tahay, oo hogaamiye-hebel haduu meesha ka baxo in loo maleeyo iney wax hagaagayaan. Wuxuu qabaa hadaan fikrada wax lagu maamulayo la badalin, hogaan la baday ineysan isbadal keeneyn.


Xalka uu hayo markii uu ka hadlayey wuxuu sheegay in Soomaalida dhaqankeeda, diinteeda, iyo waxa lagu maamulo aysan islahayn, wuxuu qabaa haddii aan Diinta Islaamka loo soo laaban inaan wax horumar ah la gaareynin, xalna laheleynin.


Taladiisu waxay tahay kitaabka quraanka ah in lagu dhaqmo, maxaayeelay buu yiri: Quraanka aduun-yada ayaa loo soo dajiyey ee aakhira kuma saabsana. Waa sharcigii isku xiri-lahaa anaga iyo nolosha, haddiise aan islaam-nimada ku soo koobno salaad iyo sooon, inta kalana aan ka tango, dhibta aan ku jirno laga bixi-maayo.


Hadraawi nolol kala duwan ayuu soo maray, dhacdooyinkii Siyasadeed ee dalka ka dhacay intooda badan saamayn ayuu ku lahaa, hadase waxaa muuqata inuu gaaray xaqiiqadii dhabta ahayd, su’aashuse waxay tahay, dadka Soomaaliyeed ee uu ka dhashay ma ku raacayaan xaqiiqadaas?


Fahad Yaasiin Xaaji Daahir | fahadsom@hotmail.com

SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | Aug 29, 2005

Wednesday, December 30, 2020

HALKUDHIGYO XIKMAD BADAN BY SH MUSTAFE XAAJI HAARUUN.

10:09 PM 2


Hal Ku Dhigyada Cajiibka ee Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun qaar ka mid ah hoos ka akhriso:-


 " Luuqada Soomaaligu Waa Af Muslim, Waa Af-diin iyo Dadnimo-ba Xambaarsan ".


1-| " Aqoonyahanku wuxuu aqoonyahan yahay markuu Rabbigiina yaqaano , Aakhirana yaqano addunkana uu isbedel ka samayn karo. "


2-| " Dhalasho wacan markaan leenahay taas macnaheedu waa sanad baan xabaasha u dhawaaday taasi ma wax lagu farxa. "


3-| " Inaad noqoto qof hami leh, han leh, hiigsi leh, oo hiraal u muuqdo waa lagama marmaan."


4-| " Dad baa dibadda ka qurux badan, guriga markay soo galaana bahal aah , qofka aad nolosha isgu darsateen iyo caruurtad dhashay inaad ku xumaato , dibadana nin fican oo laga yaqano hebel la yidhahdo noqotid wax fican ma aaha ." 


5-| " Dunida dadka isdila iyaga ugu badan reer galbeedku , meeday barwaaqaada ay sheegaayaan? " 


6-| " Aqoonyahanku hadu noqdo qof la ibsan karo suldanadu iiibdan karto, dawladuhuna laaluushi karan aqoonyahan ma-aha " .


7-| " Gool baa la dhaliyeey maxay noloshaada ku soo kordhisay. " 


8- | " In Hooyo la noqda waxay ka Qurux badan tahay inaad noqoto injineerad " .


9-| " Nin walba qabiilkiisa inta la dulmiyaay buu ogyahay, laakin se ma oga intay dulmiyeen ee aay Akhiro u direen."


10-| " Quraanka haddii aad akhrido ; qof Rabigii u waraamayo ayaad tahay bal qiyaas Rabiga oo kula hadlaaya oo ku waramaaya." 


11-| " Luuqada soomaaliyeed waa af Muslim, waa af diin iyo dadnimo ba xambaarsan ". 


12- | " Meesha Qiimaha leh ee u baahan inaan u shaqaysano waa Aakhiro ". 


13-| " Haddaad rabto dadka in caqligoodu ku aqbalo , waxa ka horeeya qalbigooda inad furto qofkaad qalbigiisa furi kari weydana caqligiisana ma furi garaysid ; qalbigana waxa lagu furaa jacayl , naxariis iyo hadal wanagsan " .


14-| " Waxa laga yaaba inad sacado badan ku bixiso iskuulka, yaad saaqidin oo ka waran maalinta qiyaame haddad saaqido maalinta aan saaqidnimo ka weeyni jirin. " 


15-| " Dadka kuwa ugu hantida badan 

Aya aah kuwa ugu hurdada yar ".


16-| " Hadday jannadu tahay meesha qofka logu nimceenayo , caddabtuna ay tahay meesha qofka lagu ciqabayo ; Addunyaduna waxay tahay meesha qudha ee laysgu imtixamayo " .


17-| " Ilmaha inaad Guri uga tagto waxa ka qiimo badan inaad Diin uga tagto, inaad dhaqaalo u samayso waxa uga qiimo badan inaad isaga qof ka dhigto jira oo nool oo Muslim ah. Haddii uu qof Muslim ah noqdo oo Naftiisa ku kalsoon meel uu seexdo iyo wax uu cuno isagaa raadsanaayo."


18- |" Jamacaada baan ka baxay , shahaadan qatay , shaqo fiican baan heelay war waad tagaysaaye waxaas oo dhan waa maalmo , maalin ama maalin badhkeed ayay nolosha oodhan kula noqon marka qiyamaha lagu weeydiyo, oo nolosha maa maalin badhkeed bad dooratay marka."


Dadka kale sii gaarsii.


Xigasho:-   Mustafe Janaale

Friday, October 7, 2016

Sheeko Murti Badan Xambaarsan: Haween waa Todoba(7).

10:18 AM 0
Oday-dhaqameed Soomaaliyeed oo waayo hore jiray, waaya-aragnimo ballaaran u lahaa arrimaha bulshada, xagga dhaqankana looga dambeeyay , ayaa waxaa uu damcay in uu Cashar la xiriira Haweenka u gudbiyo Wiil uu isagu dhalay oo markaas guur-doon ahaa.
Odaygii ayaa waxaa uu ku yiri Wiilkiisa:-“Maandhow, inta aadan guursan, oo aadan dhex-dabbaalan badweynta Haweenka, bal marka hore si fiican isaga eeg oo hubso gabadha ama Haweeneyda aad la aqal-galayso; Ogowna in ay Haweenku u kala baxaan toddoba nooc”.
Wuxuu tibaaxay Odaygu:”Iga dhegeyso aan kuu bidhaamiyee sida ay kala yihiin toddobadaas,waana kuwan”:-

(1) Il-dheer:- Waa gabadha Indhaha un wareejiso,la-raacda oo ku maqan wixii cusub ee dhar,alaab-guri iyo qalab lagu xarragooda ah ee Suuqa ku soo kordha ama ku aragto Gabdhaha kale, dabadeedna ku kurbaysa Ninkeeda soo iibinta waxaas cusub.
Waa tan ku tiraahda Ninka qaba:-” Haddaadan ii iibinayn waxaas , ima jeclide iska-key fur”. Waa tan aanan tixgelin awoodda dhaqaale ee reerka iyo gaar ahaan tan Ninkeeda.
(2) Dheg-dheer:- Waa tan reerkeeda ku burburisa, ninkeedana ku colaadisa waxa ay soo maqashay oo kaliya,aanna hubsan xaqiiqada. Waxay ku tiraahdaa Seygeeda:-“Waan maqlay in aad Naag kale la socoto”,”Waa la ii sheegay in aad xiriir la leedahay Heblaayo”,”Waan la socdaa meelaha aad beryahan ka daba-wareegto”iwm..
Waa tan ay Soomaalidu ku magacaabaan”Ma-hubsato meher-laay”..!!. Waxay dhegta u raaricisaa “ku-tiri ku-teenta Xaawalayda” iyo waxa loo yaqaan “Warka Shaashka”. Waa mid dabin ugu dhici karaysa Cadowgeeda iyo Cadowga Ninkeeda,xilli uu isaguna kaba fog-yahay,Allahiisna uu ka Allah yahay waxa laga sheegayo.
(3) Carrab-dheer:- Waa qaylo badan,joogto ugu taagan derisyadeeda, ninkeeda,caruur iyo cirroolaba uusan qofna ka baxsanayn. Waxay ninkeeda ku gaaddaa Gogosha iyo xilliyada nasashada,dabadeedna waxay ku furtaa dood,dacwad iyo dalabaad aan dhammaaneyn. Waxay macallimad ku tahay Af-lagaaddada iyo jaa’ifeynta.
(4) Gacan-dheer:- Waa tan dagaalka un u taagan,mar kastana ay dhexdu u xiran tahay;Garruunka wadata oo gaadmada badan. In ay dadka ku duufto un bay u tafa-xeydan tahay. Wejigeeda waxaa ka muuqanaya raadadka ciddiyo lala beegsaday iyo daqarro hore oo lagu hubsaday.
Xafiisyada Dacwooyinka dadweynaha ee Xaafadaha iyo Saldhigyada Booliska waa laga wada yaqaan, oo waxaa ka yaal raadad hore iyo feylal qabya ah oo colaadeed.
(5) Lug-dheer:- Waa war-wareegtooy,waaba tiris,oo ay dhif tahay in laga helo aqalkeeda. Markii uu ninkeedu yimaado guriga waxaa ka soo hor-baxa Quful weyn oo maar ah. Caruurteeda ayaa Odayga u sheega in ay hooyadood ku maqan tahay:-Aroos, Nikaax,Dhaloow, Furoow,Qaraaba-salaan,Tacsi loo fadhiyo maalintii 14-aad, Maalin-joog, Meel ay ku kulmayaan Habro Ayuuto(Shaloongo) isku darsaday,madax-shub(abaay-abaay) iwm.

(6) Joog-dheer :-Waa mid Jamaal badan ah, waa gabadha dhammeysay Quruxda muuqata ee xagga jirka ah(jiroos), indha-deeraley ay raggu ka daba-dhacaan, ishana la wada raacaan, laafyada iyo is-lulidda badan(i arkaay).
Laakin,markii la tago gurigeeda,waxaa lala kulmaa dhiiqo,dhusuq iyo dharaq is-dhex-yaal. Ma jirto gogol kaliya oo u goglan iyada. Halka ay ku karinayso cuntada waxaa bar-bar yaalla Tuunji ay saxaradii Caruurtu ka buuxdo oo shalay ahaa. Iyadaa Sanka baloolisa oo “Uf” kala hor-marta dadka kale.Waa mid aan lagu gaareyn Areebanimada,markii gadaal loogu noqdo.
(7) Garaad-dheer:-Waa “Marwo-dumar”. Waa tan ugu qiimaha badan haweenka; laga yaabo in ayan muuqaal ahaan qurux badnayn,amaba iska fool-xun,laakinse, waxay leedahay quruxda dahsoon ee Edeb,Akhlaaq, Sarriig,Xishood,Af-gaabni,Dulqaad, Qaddarinta dadka mudan iwm. Aqalkeedu waa udgoon badan yahay,waa wada goglan yahay,waxaa u sugnaaday nadaafad buuxda oo xagga hoyga, huga iyo hungurigaba ah.
Mooral iyo Macnawi ahaanba waa ay u dhistaa ninkeeda, waana uu ku farxaa oo u soo xiisaa. waxay ka ilaalisaa erayada xun. Waxay ugu yeertaa ninkeeda:-gacaliye, macaane(macow),walaal,ina-adeer iwm. oo ka kal iyo laab ah,dano khaas ah iyo xilli goonni ahna aanan ku xirnayn.
Haddii uu Ninkeedu wax-beelo(sabool noqdo), gacantiisuna ay Eber noqoto, kuma ay kurbayso wax ka baxsan awooddiisa, waxayna u guntataa daboolidda baahida iyo adeegsiga xikmad iyo Iimaan. Noocan toddobaad ayaa ah “Raalliyo” uu ninkii hela uu nasiib leeyahay. Tan ayuuna guursigeeda Odaygu kula dardaarmay Wiilkiisa,wallow uu “Guurku yahay God Gacanta loo ritay”.

Saturday, October 1, 2016

QORAAL FAAIDO BADAN OO GUURDOONKA KU SAABSAN.

12:29 PM 0
Nolosheena waxee bilaabatay anagoon is aqoonin waxaan ku dhalanay meelo kala fag waligeen ismaanan arkin, balse awooda ALLAH ayaa aduunyada nagu kulmisay aragtideeda waa ku faraxday anigane sidoo kale aad baan ugu farxay, ka helitaan iyo jaceyl fara badan kadib waxaan go'aan ku gaarnay Inaan is guursano oo aan mid noqonaa, hadaba waxaa Muhiim noloshaas dhabta ah micnaheeda inaan wada garano Guurka kadib waxa imaan kara:

 Waxaan u baahanahay waa inuusan fashilmin guurkeena iyo balanta aan ALLAH la galnay oo ah inaan isku baari noqonaa.

guurka maalinka uu dhacayo dadka wee faraxsanyihiin balse aniga waa murugsanahay oo waxaa La i saaray masuuliyad aad u weyn oo ah qof aniga nafsadeeda oo kale leh inaan u ahay U adeege "shaqaale" waxaa waajib igu ah inaan meel saaraa waxad xiran laheed waxaad cuni laheed iyo Wax walba oo farxadaada ku xirantahay Taasne aad ayee u adagtahay waana mida badanaa ee ku fashilmaan raga Qaar, waxaa ii furan hal wado oo ah inaan kaa dhigtaa xigaal sida Indhaheyga oo kale ah oo aan wax ku arko, midaas oo ka dhigan Inaan ahay Ruux an la'aantaa shaqeen karin sababtoo ah Indha la'aan lama shaqeen karo.


waxaa u baahanahay 4 waxyaabood inan helnaa 1.sabar 2.go'aan adag 3.Naxariis 4.xal (wax walba inan isla xalinaa)

1.sabar: waa inan kuu sabraa marka aad dhibaateesantahay sida marka aad uurka leedahay marka aad xanaaqsantaahy.
adiga waa inaad sabartaa xiliyada aan murugsanahay ama xanaaqsanahay si dhexdeena uusan u imaanin khilaaf

2.go'aan: wa in uu Go'aankeenu ahaado Mid aanan ku burbureyn si fudud 
go'aankeena wuxuu Noqon doonaa inaanan kala tagin ilaa geerida (dhimashada) nakala geysaa mooyee

3.Naxariis: waa inan isku naxariisana si ALLAH uu noogu Naxariisto qaasatan marka aad xanuunsantahy marka aan labadeena xaaladaha dhiban ku jirno waa inan is dareemsiina naxariis taasoo ka dhigan jaceyl aad u weyn inaan isku qabno 

4.Xal: waa inaan xalina wax walba oo xumaan ah oo dhexdena ama familkeena soo dhex galo si wada jir ahan caqli ku dheehanyahay si aan u ilaashano Mustaqbalka ifaayo

waxaa Maalinkaas guurkeena ah kuu balan qaadaa inan kuu noqonayo sidii qeyb jirkaaga ka mid ah oo aan kaa maarmin adigane aadan ka maarmi karin.

nolosheena waxa muhiim inoo ah farxad iyo inan isku qanacsahay 

waxaa kaloo muhiim ah waalidka na dhalay ee Intaan nasoo gaarsiiyay waa inan ku dadaalnaa farxadooda oo daqiiqad walbaa madaxa ee noo saarnaadaan si aan u helno caruur baari ah.
hooyadeey waa sida hooyadaa oo kale Waalidka waa inan u noqona sida Diinta islaamka ee na fartay waana hubaa inaan kasoo baxeeno oo aanan dayici doonin Insha allah

dhabtii hadafka Nolosha aad ka leedahay wa kugu garab istaaga si aad usoo taabato meesha aad hiigsaneesid anigane ma dhaqaaqi karo la'aantaa waa Inan gacmaha is qabsanaa si aan u jabinaa darbiga ku xeen daaban wadada mustaqbalkeena, waxaa ii muuqdo nolol iftiimeesa iyo guri aad u qurux oo hooyo aad qurxan dhex joogto iyo aabe aad bashaash u ah kuwaas oo gacmaha ka haayo caruur indhahaaga e la dhacaayaan afkooda aan kasoo baxeenin hadal xumaan ah ilaa wanaag ma ahane.

subixii salaada ayaan kuu kicin doonaa markaan tukanaa waxaa u cararayaa shaqada anigoo hamigeegu yahay inaan familkeyga taageero Inta aan shaqada ku jira hadii aan helaa fursad yar waan kusoo wici doonaa anigoo rabo inan xaalada gurigeyga ogaado marki aan shaqada ka imaadaa waa inan ku saacidaa sidii waxii loo baahanyahay aan u dhameestiraa.

Mudo kadib caruurta qurxda badan ee aan wada dhalnaa ee dhinac adiga kaaga eg dhinacne aniga iga eg ayaa u balan qaadi doonaa si wada jira inan tarbiyadooda iyo farxadooda ka shaqeenaa Labadeena qofki fursad u helaa carurtaas inuu ku dadaalo si berito aan u helnaa kuwa aan harsano.


hadaladaas qurux badan ee isoo jiitay waxaa lahaa Khalid_yasir  oo hadalkaas qoray maalin ka hor arooskooda.

waa jeclaa lahaa inaan aragno Soomaali sidan sameeneeso 
la wadaag wanaaga bulshadaada.

BY:   Dhuubo DhexYar

Tuesday, May 10, 2016

QISO CAJIIB AH: SADAQADA KU DAAWEEYA CUDUR KASTA XITAA CANCER.

5:42 AM 0
Nin Masri ahoo ku noola magalada qaahira ayaa xanuunsaday waxa uuna utagay shay baadh dhakhtar oo masri ah kadib wala baadhay wuxuna uu u shegay dhakhtarki in mar dhaw xididada wadnaha ee dhiiga qada xidhmayaan waxna looga qabankarin MASAR"! waxa uu ushegay inuu tago yurub halkaaso uu ka helayo cawimaad xanuunkisa ah.

Ninki wuxuu tagay dhakhtar ku yaala wadanka jarmalka oo qaabilsan xanuunada ku dhaca wadnaha wuxuuna la kulmay dhakhtarkii.

Dhakhtarkii ayaa baadhay waxa una ushegay In wax yar u hadhay in xididaha wadnahiisu in ay wada xidhmaan balse lagu samayn karo qaliiin taasna ay tahay boqolkiba kontan 50/50 mcnaha ama wuu dhiman ama wuu badbaadi.

Niinki aadbu u naxay wuxuuna codsaday dhakharkii in uu kulaabto labo cisho dalkisi masar si uu uso maca salaameyo ehelki iyo qarabadi qalinka ka hor maadama uu dhiman karo wana uu ka ogalaaday dhakhtarkii wuxu se ushegay inuu so dhakhsado.

ninki wuxuu ku labtay MSAR isago xaafadiisi kusii socda ayuu arkay gabadh meel hilibka lagu iibiyo agteeda qashinka lafo ka guranaysa ninki intuu istagay ayuu su.aalay gabadhi sababta ay lafaha u guranayso.

waxa ayna ku jwbtay ciyaalkayga ayaan ugurayaa oo labo sano hilib ma ayna cunin waxay sii raacisay lafahan unbaan ukariyaa oo maraq ayaan uga bixiyaa.

Ninki intuu naxay ayuu yidhi ina ken waxa una ugeeyay ninki hilibka iibinayey oo ku dhawa goobta qashinka waxa uuna ku yidhi gabadhan todobaad kasta way kuu imanaydaa waxi hilib ay qaadan karto sii ana bixinaya lacagta ayadana wuu ushegay.

Intay faraxday ayay uducaysay duco qalbiga kaso go.day allow ku caafi oo kusii wax walba od jeceshahay inta aad nooshay ayay tidhi gabadhi.

Ninki labo cisho kadib ayuu tagay JARMALKI.
dhakhtarkii ayaa baadhay inta anu qalin ku samayn ka hor si loo ogaado natijada qalinkisa iyo meelaha looga samayn lahaa.

jwabti natijada dhakhtarkii waxa uu yidhi dhakhtaekee ku daweeyay wad isa soo dawayse?.."
Ninkii waxu ugu jawbay maya maan is dawayn meel kalena maan aadin..

Runtii dhakhtarki wuu u qadan waayay waxayna ku noqotay fajaciso wuxuuna dhakhtarkii ku yidhi waxa ad qaadatay dawo taas fur furtay xididadii o dhan imikana wadnahagi iyo xiddidadi si fican bay u shaqaynayaan ee yaa ku siiyay dawadan ayu sii raciyay hadalkisi.?

Ninki wuxuu yidhi anaa garanaya ka idaweeyay (ALLAH) aya idaweyay
marki an mid umadisa ka mida unaxariistay wana inaxariistay.
Ninki wuxu hadalkiisi kusoo gabagabeyey "Alxamdulilah ilaahayba mahadleh kaas oo soo nooleya lafaha markay burburan oo duqooban"

Subxaan Allah waa qiso dhab ah kana dhacday JARMALKA IYO MASAR -
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA