SUPPORT WEBSITE

Showing posts with label XIKMAD. Show all posts
Showing posts with label XIKMAD. Show all posts

Friday, January 1, 2021

TAARIKHDA HALYEYGA SOOMALIYEED HADRAAWI BY FAHAD YAASIN.

10:24 PM 1

Taarikhda hadraawi
Nasiib-xumo wali lama’aanan kulmin Hadraawi, waxaanse lakulmay aqoon-tiisii, gabayadadiisii, iyo xikmadihiisii. Waxaan dhawaan helay cajalad maqal iyo muuqaal ah oo uu ku duubay gabaygiisii dheeraa ee Daba-Huwan, intaan xusuusanahay horudhaca gabaygaas, waxaan dhagaystay ilaa 9. jeer, waana hubaa inaanan wali ka bogan, waana sababta igu dhalisay inaan maqaalkan qoro.


Hadraawi waa Abwaan gabay-aqood ah, waa aftahan hadal abuur ah, waa Faylasoof mustaqbalka eeg ah. Intaas uu yahay, waxaa qarineysa inuu Soomaali ka dhashay, waan hubaayo hadduu dad aan Soomaali ahayn ka dhalan-lahaa sida uu maanta yahay ma’ahaadeen, oo maxaa ka maqan?


Falaasifada dalalka kale u dhasha magacooda meel dheer ayuu tagaa, waxaa la gaarsiiyaa iney iyagu yihiin hormuudka nolosha oo dhan.


Soomaalidu waxay taqaan, ama wax u ogoshahay oo kaliya kuwa Siyaasada ku jira, dunida aan maanta ku nool-nahay falaasifada ayaa hagta. Taariikhaha nasoo maray oo dhan yaa hormuud u ahaa? Dhamaantood waa faylasoofyo wadamadaas u dhashay, qaarkood shar ayey soo kordhiyeen, qaarna khayr ayey soo biiriyeen.


Nin-karmeedka Soomaali ka soo dhex-baxa iyaga ayaa nolol dila, halkuu horay usocon-lahaa iyaga ayaa curyaamiya, marka uu noloshooda tala ka siiyo adiga maxaa kaa galay bey dhahaan.


Waxay u qabaan, waxaad cunto oo kaliya hadaadan ka fakarin ee danaha dadka kale marwalba ka hadasho inaad tahay manoolo aan dantiisa aqoon.


Ilam’adeer isma indha buuxiso. Naagi nimay taqaan nin ma mooda. Dantaada harag eeyna waa loogu seexdaa. Naftiis gabo mid kale makal-kaalo. Meel il laga la’yahay hadaad tagto adna ilbaa la’istiraa.


Intaas oo maah-maah ah iyo kuwa kale oonan xusuusan waxay muujinayaan sida dhaqanka Soomaaliga ay ugu jirto ninwalbow dantaada ku’ekow, tan dadka kale waxba kaama galinee.


Hadraawi wuxuu tusaale u yahay halka ay Soomaalidu dhigto ninka ka soo dhexbaxa. Idaajaa ayaa booqday Maraykan-ka, xaflad ay Soomaalidu lahayd oo ay quursiga uga hadlayeen ayuu ka qayb-galayey, nin oday ah buu usheegay inuu halkaas usocdo, wuxuu ku yiri: Kuwaasi hadal unbey hayaanee faraha ka qaad, oo waxaas wakhtiga ha’isaga dhumin.


Awjaamac Cumar Ciise ayaan bari ku soo qaaday sida ay Soomaalida u xushmeyso raggeeda wax ku oolka ah, kolkaasuu qiso iiga sheekeeyey, wuxuu yiri: Qarnigii hore, dhamaadkii afarta-meeyadii ayaan tuulo tagay, gabayadii Daraawiishta nin hayey ayaan doonayey, laba odayoo meel fadhida ayaan ku iri hebel xagee daganyahay? Oo maxaad ka rabtaa ayey dhaheen?


Gabayadii Sayidka inuu hayo baan maqlay marka inaan ka qorto ayaan rabaa, ayuu ugu jawaabay, gurgiisii ayey ii tilmaameen, anoon ka dhaqaaqin ayey iyagii isweydiiyeen, tolow muxuu ku falaya gabayadii Sayidka? Oo maxayse u tarayaan? Kii kale ayaa ujawabay oo yiri: Malaha wuxuu rabaa Makhaayada magaalada inuu shaah kaga cabo.


Hadalkaas adigu dhuux oo ka garo heerka aan ka joogno qiimeyta dadka daneeya taariikhdii umadan.


Waa suurowdaa inaad ku doodo, ninkaasu baadiye ayuu joogay, jaahilna waa’ahaa, ee dadka heerkaas mawada ahan. Awjaamac isla sheekadii isagoo ii wada ayuu yiri, sanadkii 2002 ayaan maalin salaamay nin ganacsade ah oon isnaqaanay, buugaagta aan qoro ayuu iga waraystay, waxaan u sheegay inaan mar dhaw soo saari-rabo buug yar laakiin kharashka ku baxayo uu noqon-karo Afar kun oo Doolar, inta qoslay ayuu yiri: Oo adeerow markaad Afar kun buug xun galinayso maad ku ganacsatid.


Awjaamac wuxuu yiri: Hadalkaasi wuxuu isoo xusiisiyey kii aan lakulmay qarnigii hore.


Awjaamac Cumar Ciise wuxuu maanta mudnaa inuu bilad sharafeed ka helo bulshada Soomaalida illeen isaga ayaa u badbaadiyey qayb mug leh oo kamid ah sooyaalkii dalkan. Taasi ma dhicin, mana muuqato iney soo socoto.


Hadraawi waa uu ka soo guuray Yurub, sababtii uu uga soo guuray isagoo sharxaya wuxuu yiri: WAAN ISWAAYEY. Waa hal jumlo oo yar, laakiin macanaha ay xanbaarsan-tahay buugaag laga qori karo. Isla Hadraawi ayaa fasiray macnaha eraygaas. Markii aan Soomaaliya joogay ee aan laamiga soo istaago dhawr gaari ayaa ku diriri-jirtay sidii ay ii qaadi-lahaayeen, markiise aan Yurub tagay waxaan is arkay Hadraawi oo wado qabow badan taagan, baabuurtuna dhaafayaan, iyagoon aqoonin ninka laamiga taagan dad ninkuu kayahay. Wuxuu ula jeedaa gurgaaga hooyo ayaad sharaf ku leedahay.


Yaanan shacabka Soomaalida oo dhan ku xad-gudbin, oo ixtiraam iyo qadarin wey u hayaan raggooda wax ku oolka ah, waxaanse canaanta u dhigayaa halkii la rabay wali ma’aysan gaarin.


Hadraawi

Horadhaca gabayga Daba-Huwan wuxuu Hadraawi ku sheegay inuu muddo dheer ka fakaray mushkilada umadiisa haysata sidii xal loogu heli-lahaa, wuxuu aad u dhaleeceyey in ragga talada haya loo arko iney iyaga un mushkilada tahay, oo hogaamiye-hebel haduu meesha ka baxo in loo maleeyo iney wax hagaagayaan. Wuxuu qabaa hadaan fikrada wax lagu maamulayo la badalin, hogaan la baday ineysan isbadal keeneyn.


Xalka uu hayo markii uu ka hadlayey wuxuu sheegay in Soomaalida dhaqankeeda, diinteeda, iyo waxa lagu maamulo aysan islahayn, wuxuu qabaa haddii aan Diinta Islaamka loo soo laaban inaan wax horumar ah la gaareynin, xalna laheleynin.


Taladiisu waxay tahay kitaabka quraanka ah in lagu dhaqmo, maxaayeelay buu yiri: Quraanka aduun-yada ayaa loo soo dajiyey ee aakhira kuma saabsana. Waa sharcigii isku xiri-lahaa anaga iyo nolosha, haddiise aan islaam-nimada ku soo koobno salaad iyo sooon, inta kalana aan ka tango, dhibta aan ku jirno laga bixi-maayo.


Hadraawi nolol kala duwan ayuu soo maray, dhacdooyinkii Siyasadeed ee dalka ka dhacay intooda badan saamayn ayuu ku lahaa, hadase waxaa muuqata inuu gaaray xaqiiqadii dhabta ahayd, su’aashuse waxay tahay, dadka Soomaaliyeed ee uu ka dhashay ma ku raacayaan xaqiiqadaas?


Fahad Yaasiin Xaaji Daahir | fahadsom@hotmail.com

SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | Aug 29, 2005

Wednesday, December 30, 2020

HALKUDHIGYO XIKMAD BADAN BY SH MUSTAFE XAAJI HAARUUN.

10:09 PM 2


Hal Ku Dhigyada Cajiibka ee Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun qaar ka mid ah hoos ka akhriso:-


 " Luuqada Soomaaligu Waa Af Muslim, Waa Af-diin iyo Dadnimo-ba Xambaarsan ".


1-| " Aqoonyahanku wuxuu aqoonyahan yahay markuu Rabbigiina yaqaano , Aakhirana yaqano addunkana uu isbedel ka samayn karo. "


2-| " Dhalasho wacan markaan leenahay taas macnaheedu waa sanad baan xabaasha u dhawaaday taasi ma wax lagu farxa. "


3-| " Inaad noqoto qof hami leh, han leh, hiigsi leh, oo hiraal u muuqdo waa lagama marmaan."


4-| " Dad baa dibadda ka qurux badan, guriga markay soo galaana bahal aah , qofka aad nolosha isgu darsateen iyo caruurtad dhashay inaad ku xumaato , dibadana nin fican oo laga yaqano hebel la yidhahdo noqotid wax fican ma aaha ." 


5-| " Dunida dadka isdila iyaga ugu badan reer galbeedku , meeday barwaaqaada ay sheegaayaan? " 


6-| " Aqoonyahanku hadu noqdo qof la ibsan karo suldanadu iiibdan karto, dawladuhuna laaluushi karan aqoonyahan ma-aha " .


7-| " Gool baa la dhaliyeey maxay noloshaada ku soo kordhisay. " 


8- | " In Hooyo la noqda waxay ka Qurux badan tahay inaad noqoto injineerad " .


9-| " Nin walba qabiilkiisa inta la dulmiyaay buu ogyahay, laakin se ma oga intay dulmiyeen ee aay Akhiro u direen."


10-| " Quraanka haddii aad akhrido ; qof Rabigii u waraamayo ayaad tahay bal qiyaas Rabiga oo kula hadlaaya oo ku waramaaya." 


11-| " Luuqada soomaaliyeed waa af Muslim, waa af diin iyo dadnimo ba xambaarsan ". 


12- | " Meesha Qiimaha leh ee u baahan inaan u shaqaysano waa Aakhiro ". 


13-| " Haddaad rabto dadka in caqligoodu ku aqbalo , waxa ka horeeya qalbigooda inad furto qofkaad qalbigiisa furi kari weydana caqligiisana ma furi garaysid ; qalbigana waxa lagu furaa jacayl , naxariis iyo hadal wanagsan " .


14-| " Waxa laga yaaba inad sacado badan ku bixiso iskuulka, yaad saaqidin oo ka waran maalinta qiyaame haddad saaqido maalinta aan saaqidnimo ka weeyni jirin. " 


15-| " Dadka kuwa ugu hantida badan 

Aya aah kuwa ugu hurdada yar ".


16-| " Hadday jannadu tahay meesha qofka logu nimceenayo , caddabtuna ay tahay meesha qofka lagu ciqabayo ; Addunyaduna waxay tahay meesha qudha ee laysgu imtixamayo " .


17-| " Ilmaha inaad Guri uga tagto waxa ka qiimo badan inaad Diin uga tagto, inaad dhaqaalo u samayso waxa uga qiimo badan inaad isaga qof ka dhigto jira oo nool oo Muslim ah. Haddii uu qof Muslim ah noqdo oo Naftiisa ku kalsoon meel uu seexdo iyo wax uu cuno isagaa raadsanaayo."


18- |" Jamacaada baan ka baxay , shahaadan qatay , shaqo fiican baan heelay war waad tagaysaaye waxaas oo dhan waa maalmo , maalin ama maalin badhkeed ayay nolosha oodhan kula noqon marka qiyamaha lagu weeydiyo, oo nolosha maa maalin badhkeed bad dooratay marka."


Dadka kale sii gaarsii.


Xigasho:-   Mustafe Janaale

Monday, December 28, 2020

SHEEKO: GARO OO KA FAAIDEYSO AWOODAHA RABBI KU SIIYEY.

1:24 AM 0


Xawaaraha Xayawaanka Deerada ama Coowsha la yiraahdo wuxuu gaarayaa Sagaashan kiilomitir Saacaddiiba (90km/h). Halka Xawaaraha Libaaxuna gaarayo 58-kiilomitir Saacaddiiba (58Km/h)

Sida muuqata Deeradu way ka orod badantahay Libaaxa, haddana mar waliba oo uu eryado si fudud ayuu ku qabtaa oo ku ugaarsadaa. 

Haddaba waa maxay sababtu? Taas waxaa u wacan labo arrin oo isbiirsaday:

❶ Libaaxa oo ah noole aaminsan awoodda Alle siiyay, aanna ka laba-labeyn kana rumeeya go'aanadiisa.

I❷ Deerada oo iyadoo isbarbardhigeysa awooddeeda iyo tan Libaaxa, fikir xun ka qaadatay nafsaddeeda, aamintay in aysan Libaaxa ka fakan karin.

Sidaa aawadeed marwaliba dib ayay soo eegtaa si ay u eegto ama u fiiriso in uu Libaaxu qaban rabo iyo in kale, dib-eegistaasi wuxuu dhimayaa xawaaraheeda, wuxuuna Libaaxa u suuragelinayaa in uu qabto Deerada.


Haddeysan Deeradu gadaal eegin, Libaaxa uma suura gasheen in si fudud u ugaarsado.


Haddaba sheekadaani maxay inna bareysaa?


❶ Garo oo ka faa'ideyso awoodaha uu Alle ku siiyay.

❷ Dib ha u milicsan oo iska halmaam maalmihii madoobaa ee kusoo maray, hana ka warwarin waxa soo socda Mustaqbalka.

❸ Haka laba-labeyn go'aannada aad qaadato, lana tasho Alle iyo Axsaabta aad ku kalsoontahay.

❹ Si aadan u yasin naftaada, noloshaada ha u barbar-dhigin nolosha dadka kaa sareeya, ogoowna in aad ka nolol ficantahay malaayiin qof.  

Fadlan like saar page kaan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.


✍ Qalinki: H  Sabriye.


👍mahadsanid

Sunday, December 20, 2020

ARAGTIDA LABADA KINIINI (Theory of blue pill red pill)

5:12 PM 0

ARAGTIDA  LABADA  KINIINI

(Theory of blue pill red pill)


Erey-bixinta labada kiniini (Kiniinka Casaanka ah iyo Kiniinka Buluuga ah) waa erey-bixin siyaasadeed oo casri ah. Waa ooraah laga dhaxlay filin Mareekan ah (Science Fiction) oo la yiraahdo (The Matrix), kaas oo la dhigey sanadkii 1999-kii. Wuxuu ka hadlayaa caalam uu qofku indhihiisa ku naqshadeysanayo muuqaalka uu jecel yahay in uu yeesho, taas oo ay suuragal tahay in ay ka xijaabto xaqiiqada. Aragtidu waxay tilmaamaysaa in nolosha ay qofka ka dhigeyso cabiid aanan adeegsan karin dareekiisa arag, dhadhan, ur iyo taabasho. Si haddaba qofku uu u haleelo ahaanshihiisa, wuxuu u baahan yahay in uu qaato labadan kiniini midkood. Labadan kiniin waxay astaan u yihiin faham falsafadeed oo midkood yahay la-noolaanshaha waaqica xaqiiqada xanuunka badan, midka kalena yahay ku noolaanshaha wahmiga macaanka badan oo ay farxaddu dheehdey laakiin runt aka fog. 

Fahamku waa mid la xiriira cilmu-nafsiga iyo dadka u-iilashadooda kala duwan ee wejiyada nolosha. Kiniinka casaanka ah waa mid shidan oo nafsadda qofka ku kordhinaya faham iyo indha-furnaan. Kiniinka buluuga ah ayaa isna ah mid dansan oo nafsadda qofka ku riixaya garasho-xumo iyo indha-la’aan. Tusaale-dhig, haddii qof la weydiiyo midkee ayuu dooranayaa, xaqiiqada kharaar oo lagu xoroobayo mase wahmiga macaan oo lagu gumoobayo. Waxaan shaki ku jirin in qof-walba uu dooranayo xaqiiqada kharaar oo lagu xoroobayo. Laakiin meetafiisikada nolosha ayaa isku-khaldaysa xisaabta wax lagu kala dooranayo. Sidaa-darteed qofkii aanan si dhug leh u raadin dhacdooyinka iyo sababahooda, isla-markaas aanan si hufan u taxliilin natiijooyinka, qofkaasi wuxuu maxbuus u ahaanayaa caadifadda indha-la’ oo kuwo lamid ah ay kaga danaysanayaan. 

Labada kiniini waxay ka dhigan yihiin labada fikradood oo dadka ama bulshooyinka ay kala qaataan marka ay la tacaalayaan mushkiladaha ay kala kulmayaan waayaha nolosha. Labadaas waddo ayaa midna ay u muuqataa mid raaxo iyo macaan laga helayo, laakiin been ku dhisan. Midda kalena mixnad iyo culeys ayay wadataa, laakiin run ayay ku dhisan tahay. Sidaa darteed, aragtida waxay xoojineysaa fahamka, waaqica xaqiiqada ah ee xanuunka badan ayaa wuxuu ka wanaagsan yahay nolosha khayaalka ah ee macaan.

Haddii aad qaadato kiniinka casaanka ah, waxaad raacaysaa waddada loo maro fahamka caqli-galka ah iyo fikiradaha laga dhaxlay tijaabooyinka cilmiga iyo natiijooyinkooda la hubo. Aragtida kiniinkan casaanka ah waxay ku caan tahay doorashada manhaj qeexan iyo waddo loo maro oo mixnadeysan, kuwaas oo ogaalkooda laga sugayo natiijo guul xaqiiqo ah.

Kiniinka bluuga ah, waa aaminaad fudud oo aan dhaliil lahayn iyo go’aan-qaadasho caadifadeysan. Waa kiniini qofka qaata uusan heleyn manhaj qeexan, isla-markaas waa waddo mixnadeysan oo qofka maraya uusan dareenkeeda lahayn. Waxaa laga sugayaa natiijo guul ah, laakiin aanan xaqiiqo ahayn. 

Kiniinigan buluuga ah, wuxuu yahay fikrad lagu gumeysto ummadaha. Siyaasadda carri-edeg ee dowladaha waawayn ayaa qaybinta kiniinigan soo bilaaba. Iyagu waxay u adeegsadaan la-tacaamulka dowladaha soo koraya oo ay ku suuxiyaan. Sidaas si lamid ah ayaa dowladaha adduunka saddexaad, ayaa iyaguna kiniinigan ku suuxiya shucuubtooda. Kiniinkan sida uu khatar ugu yahay fahamka qofka, si-lamid ah ayuu khatar ugu yahay fahamka bulshada. Waa kiniin (aragti) bulshada siinaya raaxo, amaan iyo xasillooni. Bulshada kiniinigan qaadata waxaa nolosha kaga baxa kharash aad u badan. Bulshadaasi ma-noqoto mid oggolaanaysa in lagala doodo manhajka khaldan oo ay ku salaysay noloshooda. Waa bulsho suuxsan oo xubnaheeda maahan kuwo dareemaya dhibaatada ay ku sugan yihiin iyo kharajka kaga baxaya culaabta garbaha u saran. Fahamkaas khaldan oo ay aamineen maahan mid iyaga keliya luggoynaya, bal luggooyadu waxay u gudbeysaa caruurtooda. 

Qof-walba oo doonaya qof uu ka garaad sareeyo am aka aqoon-sareeyo amaba uu ka awood badan yahay ee doonaya in uu dhiig-miirto, wuxuu siiyaa kiniinigan buluuga ah. Dadka kiniinkaas qaata, waa kuwo mar-walba u ban-baxa caabuqyo halis ah iyo khataro is daba-joog ah. Waxaa daah ka saran-yahay natiijooyinka aqooneed ee fasiraadda u ah sababaha xanuunnada. Fikrado ay naqshadeeyeen dicaayado been ah ee caadifadda taabanaysa ayaa bulshada lagu faafiyaa. Kiniinigan ayaa wuxuu dadka ka dhigayaa kuwo aqbala sheegashooyin aanan xaqiiqo ahayn, laakiin dadku ku qancaan. Waxaa ka dhasha cadaalad-darro taabanaysa nolosha dhinacyadeeda oo dhan, isla-markaas aanan la dhaliili karin.

Kiniiniga buluuga ah waa mid markiisa hore soo jiidasho leh oo ballan-qaadyo fiican ayaa la socda, laakiin whmi ah. Ballan-qaadyadu waxay lamid yihiin shaxda dhaqaale ee Boonzi (Ponzi Economic Schema), taas oo saamileyda u muujinaysa faa’iidooyin xooggan iyo rajo aanan caqli ku saleesneyn. Siyaasiga qaybinaya kiniinka buluuga ah waa Dijaal aanan wax hambayn u taagan luggooyada dadka aanan fahmin beenta uu iibinayo. Dadka lagu khiyaano kiniinigan waa kuwa aanan caqliga adeegsan, isla-markaas ay ku adag-tahay in ay tafsiir saaraan riwaayadaha lagu matalayo fagaaraha ku hareereysan. Dadka caynkaas ah, goor ay wakhti badan lumiyeen ayay u caddaataa kiniinigan in uusan ahayn midkii daawada ahaa, bal uu yahay mid tows iyo krooniko ku abuuraya. 


Qore: Dr. Saadiq Enow

saadiq.enow@gmail.com

Friday, October 7, 2016

Sheeko Murti Badan Xambaarsan: Haween waa Todoba(7).

10:18 AM 0
Oday-dhaqameed Soomaaliyeed oo waayo hore jiray, waaya-aragnimo ballaaran u lahaa arrimaha bulshada, xagga dhaqankana looga dambeeyay , ayaa waxaa uu damcay in uu Cashar la xiriira Haweenka u gudbiyo Wiil uu isagu dhalay oo markaas guur-doon ahaa.
Odaygii ayaa waxaa uu ku yiri Wiilkiisa:-“Maandhow, inta aadan guursan, oo aadan dhex-dabbaalan badweynta Haweenka, bal marka hore si fiican isaga eeg oo hubso gabadha ama Haweeneyda aad la aqal-galayso; Ogowna in ay Haweenku u kala baxaan toddoba nooc”.
Wuxuu tibaaxay Odaygu:”Iga dhegeyso aan kuu bidhaamiyee sida ay kala yihiin toddobadaas,waana kuwan”:-

(1) Il-dheer:- Waa gabadha Indhaha un wareejiso,la-raacda oo ku maqan wixii cusub ee dhar,alaab-guri iyo qalab lagu xarragooda ah ee Suuqa ku soo kordha ama ku aragto Gabdhaha kale, dabadeedna ku kurbaysa Ninkeeda soo iibinta waxaas cusub.
Waa tan ku tiraahda Ninka qaba:-” Haddaadan ii iibinayn waxaas , ima jeclide iska-key fur”. Waa tan aanan tixgelin awoodda dhaqaale ee reerka iyo gaar ahaan tan Ninkeeda.
(2) Dheg-dheer:- Waa tan reerkeeda ku burburisa, ninkeedana ku colaadisa waxa ay soo maqashay oo kaliya,aanna hubsan xaqiiqada. Waxay ku tiraahdaa Seygeeda:-“Waan maqlay in aad Naag kale la socoto”,”Waa la ii sheegay in aad xiriir la leedahay Heblaayo”,”Waan la socdaa meelaha aad beryahan ka daba-wareegto”iwm..
Waa tan ay Soomaalidu ku magacaabaan”Ma-hubsato meher-laay”..!!. Waxay dhegta u raaricisaa “ku-tiri ku-teenta Xaawalayda” iyo waxa loo yaqaan “Warka Shaashka”. Waa mid dabin ugu dhici karaysa Cadowgeeda iyo Cadowga Ninkeeda,xilli uu isaguna kaba fog-yahay,Allahiisna uu ka Allah yahay waxa laga sheegayo.
(3) Carrab-dheer:- Waa qaylo badan,joogto ugu taagan derisyadeeda, ninkeeda,caruur iyo cirroolaba uusan qofna ka baxsanayn. Waxay ninkeeda ku gaaddaa Gogosha iyo xilliyada nasashada,dabadeedna waxay ku furtaa dood,dacwad iyo dalabaad aan dhammaaneyn. Waxay macallimad ku tahay Af-lagaaddada iyo jaa’ifeynta.
(4) Gacan-dheer:- Waa tan dagaalka un u taagan,mar kastana ay dhexdu u xiran tahay;Garruunka wadata oo gaadmada badan. In ay dadka ku duufto un bay u tafa-xeydan tahay. Wejigeeda waxaa ka muuqanaya raadadka ciddiyo lala beegsaday iyo daqarro hore oo lagu hubsaday.
Xafiisyada Dacwooyinka dadweynaha ee Xaafadaha iyo Saldhigyada Booliska waa laga wada yaqaan, oo waxaa ka yaal raadad hore iyo feylal qabya ah oo colaadeed.
(5) Lug-dheer:- Waa war-wareegtooy,waaba tiris,oo ay dhif tahay in laga helo aqalkeeda. Markii uu ninkeedu yimaado guriga waxaa ka soo hor-baxa Quful weyn oo maar ah. Caruurteeda ayaa Odayga u sheega in ay hooyadood ku maqan tahay:-Aroos, Nikaax,Dhaloow, Furoow,Qaraaba-salaan,Tacsi loo fadhiyo maalintii 14-aad, Maalin-joog, Meel ay ku kulmayaan Habro Ayuuto(Shaloongo) isku darsaday,madax-shub(abaay-abaay) iwm.

(6) Joog-dheer :-Waa mid Jamaal badan ah, waa gabadha dhammeysay Quruxda muuqata ee xagga jirka ah(jiroos), indha-deeraley ay raggu ka daba-dhacaan, ishana la wada raacaan, laafyada iyo is-lulidda badan(i arkaay).
Laakin,markii la tago gurigeeda,waxaa lala kulmaa dhiiqo,dhusuq iyo dharaq is-dhex-yaal. Ma jirto gogol kaliya oo u goglan iyada. Halka ay ku karinayso cuntada waxaa bar-bar yaalla Tuunji ay saxaradii Caruurtu ka buuxdo oo shalay ahaa. Iyadaa Sanka baloolisa oo “Uf” kala hor-marta dadka kale.Waa mid aan lagu gaareyn Areebanimada,markii gadaal loogu noqdo.
(7) Garaad-dheer:-Waa “Marwo-dumar”. Waa tan ugu qiimaha badan haweenka; laga yaabo in ayan muuqaal ahaan qurux badnayn,amaba iska fool-xun,laakinse, waxay leedahay quruxda dahsoon ee Edeb,Akhlaaq, Sarriig,Xishood,Af-gaabni,Dulqaad, Qaddarinta dadka mudan iwm. Aqalkeedu waa udgoon badan yahay,waa wada goglan yahay,waxaa u sugnaaday nadaafad buuxda oo xagga hoyga, huga iyo hungurigaba ah.
Mooral iyo Macnawi ahaanba waa ay u dhistaa ninkeeda, waana uu ku farxaa oo u soo xiisaa. waxay ka ilaalisaa erayada xun. Waxay ugu yeertaa ninkeeda:-gacaliye, macaane(macow),walaal,ina-adeer iwm. oo ka kal iyo laab ah,dano khaas ah iyo xilli goonni ahna aanan ku xirnayn.
Haddii uu Ninkeedu wax-beelo(sabool noqdo), gacantiisuna ay Eber noqoto, kuma ay kurbayso wax ka baxsan awooddiisa, waxayna u guntataa daboolidda baahida iyo adeegsiga xikmad iyo Iimaan. Noocan toddobaad ayaa ah “Raalliyo” uu ninkii hela uu nasiib leeyahay. Tan ayuuna guursigeeda Odaygu kula dardaarmay Wiilkiisa,wallow uu “Guurku yahay God Gacanta loo ritay”.
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA