SUPPORT WEBSITE

Sunday, December 20, 2020

ARAGTIDA LABADA KINIINI (Theory of blue pill red pill)

ARAGTIDA  LABADA  KINIINI

(Theory of blue pill red pill)


Erey-bixinta labada kiniini (Kiniinka Casaanka ah iyo Kiniinka Buluuga ah) waa erey-bixin siyaasadeed oo casri ah. Waa ooraah laga dhaxlay filin Mareekan ah (Science Fiction) oo la yiraahdo (The Matrix), kaas oo la dhigey sanadkii 1999-kii. Wuxuu ka hadlayaa caalam uu qofku indhihiisa ku naqshadeysanayo muuqaalka uu jecel yahay in uu yeesho, taas oo ay suuragal tahay in ay ka xijaabto xaqiiqada. Aragtidu waxay tilmaamaysaa in nolosha ay qofka ka dhigeyso cabiid aanan adeegsan karin dareekiisa arag, dhadhan, ur iyo taabasho. Si haddaba qofku uu u haleelo ahaanshihiisa, wuxuu u baahan yahay in uu qaato labadan kiniini midkood. Labadan kiniin waxay astaan u yihiin faham falsafadeed oo midkood yahay la-noolaanshaha waaqica xaqiiqada xanuunka badan, midka kalena yahay ku noolaanshaha wahmiga macaanka badan oo ay farxaddu dheehdey laakiin runt aka fog. 

Fahamku waa mid la xiriira cilmu-nafsiga iyo dadka u-iilashadooda kala duwan ee wejiyada nolosha. Kiniinka casaanka ah waa mid shidan oo nafsadda qofka ku kordhinaya faham iyo indha-furnaan. Kiniinka buluuga ah ayaa isna ah mid dansan oo nafsadda qofka ku riixaya garasho-xumo iyo indha-la’aan. Tusaale-dhig, haddii qof la weydiiyo midkee ayuu dooranayaa, xaqiiqada kharaar oo lagu xoroobayo mase wahmiga macaan oo lagu gumoobayo. Waxaan shaki ku jirin in qof-walba uu dooranayo xaqiiqada kharaar oo lagu xoroobayo. Laakiin meetafiisikada nolosha ayaa isku-khaldaysa xisaabta wax lagu kala dooranayo. Sidaa-darteed qofkii aanan si dhug leh u raadin dhacdooyinka iyo sababahooda, isla-markaas aanan si hufan u taxliilin natiijooyinka, qofkaasi wuxuu maxbuus u ahaanayaa caadifadda indha-la’ oo kuwo lamid ah ay kaga danaysanayaan. 

Labada kiniini waxay ka dhigan yihiin labada fikradood oo dadka ama bulshooyinka ay kala qaataan marka ay la tacaalayaan mushkiladaha ay kala kulmayaan waayaha nolosha. Labadaas waddo ayaa midna ay u muuqataa mid raaxo iyo macaan laga helayo, laakiin been ku dhisan. Midda kalena mixnad iyo culeys ayay wadataa, laakiin run ayay ku dhisan tahay. Sidaa darteed, aragtida waxay xoojineysaa fahamka, waaqica xaqiiqada ah ee xanuunka badan ayaa wuxuu ka wanaagsan yahay nolosha khayaalka ah ee macaan.

Haddii aad qaadato kiniinka casaanka ah, waxaad raacaysaa waddada loo maro fahamka caqli-galka ah iyo fikiradaha laga dhaxlay tijaabooyinka cilmiga iyo natiijooyinkooda la hubo. Aragtida kiniinkan casaanka ah waxay ku caan tahay doorashada manhaj qeexan iyo waddo loo maro oo mixnadeysan, kuwaas oo ogaalkooda laga sugayo natiijo guul xaqiiqo ah.

Kiniinka bluuga ah, waa aaminaad fudud oo aan dhaliil lahayn iyo go’aan-qaadasho caadifadeysan. Waa kiniini qofka qaata uusan heleyn manhaj qeexan, isla-markaas waa waddo mixnadeysan oo qofka maraya uusan dareenkeeda lahayn. Waxaa laga sugayaa natiijo guul ah, laakiin aanan xaqiiqo ahayn. 

Kiniinigan buluuga ah, wuxuu yahay fikrad lagu gumeysto ummadaha. Siyaasadda carri-edeg ee dowladaha waawayn ayaa qaybinta kiniinigan soo bilaaba. Iyagu waxay u adeegsadaan la-tacaamulka dowladaha soo koraya oo ay ku suuxiyaan. Sidaas si lamid ah ayaa dowladaha adduunka saddexaad, ayaa iyaguna kiniinigan ku suuxiya shucuubtooda. Kiniinkan sida uu khatar ugu yahay fahamka qofka, si-lamid ah ayuu khatar ugu yahay fahamka bulshada. Waa kiniin (aragti) bulshada siinaya raaxo, amaan iyo xasillooni. Bulshada kiniinigan qaadata waxaa nolosha kaga baxa kharash aad u badan. Bulshadaasi ma-noqoto mid oggolaanaysa in lagala doodo manhajka khaldan oo ay ku salaysay noloshooda. Waa bulsho suuxsan oo xubnaheeda maahan kuwo dareemaya dhibaatada ay ku sugan yihiin iyo kharajka kaga baxaya culaabta garbaha u saran. Fahamkaas khaldan oo ay aamineen maahan mid iyaga keliya luggoynaya, bal luggooyadu waxay u gudbeysaa caruurtooda. 

Qof-walba oo doonaya qof uu ka garaad sareeyo am aka aqoon-sareeyo amaba uu ka awood badan yahay ee doonaya in uu dhiig-miirto, wuxuu siiyaa kiniinigan buluuga ah. Dadka kiniinkaas qaata, waa kuwo mar-walba u ban-baxa caabuqyo halis ah iyo khataro is daba-joog ah. Waxaa daah ka saran-yahay natiijooyinka aqooneed ee fasiraadda u ah sababaha xanuunnada. Fikrado ay naqshadeeyeen dicaayado been ah ee caadifadda taabanaysa ayaa bulshada lagu faafiyaa. Kiniinigan ayaa wuxuu dadka ka dhigayaa kuwo aqbala sheegashooyin aanan xaqiiqo ahayn, laakiin dadku ku qancaan. Waxaa ka dhasha cadaalad-darro taabanaysa nolosha dhinacyadeeda oo dhan, isla-markaas aanan la dhaliili karin.

Kiniiniga buluuga ah waa mid markiisa hore soo jiidasho leh oo ballan-qaadyo fiican ayaa la socda, laakiin whmi ah. Ballan-qaadyadu waxay lamid yihiin shaxda dhaqaale ee Boonzi (Ponzi Economic Schema), taas oo saamileyda u muujinaysa faa’iidooyin xooggan iyo rajo aanan caqli ku saleesneyn. Siyaasiga qaybinaya kiniinka buluuga ah waa Dijaal aanan wax hambayn u taagan luggooyada dadka aanan fahmin beenta uu iibinayo. Dadka lagu khiyaano kiniinigan waa kuwa aanan caqliga adeegsan, isla-markaas ay ku adag-tahay in ay tafsiir saaraan riwaayadaha lagu matalayo fagaaraha ku hareereysan. Dadka caynkaas ah, goor ay wakhti badan lumiyeen ayay u caddaataa kiniinigan in uusan ahayn midkii daawada ahaa, bal uu yahay mid tows iyo krooniko ku abuuraya. 


Qore: Dr. Saadiq Enow

saadiq.enow@gmail.com

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA