SUPPORT WEBSITE

Showing posts with label Qoraalo. Show all posts
Showing posts with label Qoraalo. Show all posts

Sunday, January 28, 2024

CIIL WALAAL MISE HIIL WALAAL?. QORAY Fahad Yassin.

12:15 AM 0

 CIIL WALAAL MISE HIIL WALAL? Qoray Fahad Yasin.


ISMAACIL CUMAR GEELLE

Mar walba istiraatiijiyadda Madaxweynaha Jabuuti

waxay ku salaysantahay balaayo waa la iska moosaa, wuuuna awood walba galiyaa sidii Soomaaliya ay qalalaase joogta ah ula noolaan karto oo dib loogu dhigi

karo dhismaha dowlad ka caga dhigata Soomaaliya.

Markii uu Abiy Axmed bilaabay inuu ka hadlo sidee Itoobiya ku gaari kartaa badda, waxaa u caddaatay Ismaaciil Cumar Geelle inuu dad culus kusoo wajahanyahay, wuuuna dajistay qorshe sirdoon iyo mid

diblomaasi oo uu isaga leexin karo majaddan kusoo

jeeda Jabuuti, wuuuna qaaday tallaabooyin wax tar u

leh dalkiisa.

Koow: Wuxuu Itoobiya kala hadlay inuu ku qanciyo

Soomaaliya ayaan idin la qalqaalinayaa inaad wada gashaan heshiis wax kala badalasho ku dhisan oo ah in Itoobiya ay hesho bad, wana loogu baddalo Soomaaliya. Qorshahaas, wuxuu kala hadlay

Madaxweyne Xasan Sheekh, oo tallaabadaas aanan didmo ka muujinin, haddana ka cabsaday inuu horay ugu sii soda. Dabeecadda Abiy oo boobsiiska jecel iyo

dhaganka Xasan oo daahista u sifaysan baa dib u dhigay

hirgalinta heshiis dex mara Soomaaliya iyo Itoobiya.


Geelle, isagoo dareensan wagtiga sida seefta oo kale u socda, wuuu dajistay shax kale oo aad u xeel dheer isagoo ka dalbaday Madaxweynaha Soomaaliya inuu ka aqbalo in Jabuuti lagu qabto shir wada hadal Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo cinwaankeed yahay xoojinta wada xaajoodyadi horay usoo socday. Codsigaas wuu aqblay Xasan

Sheekh, isagoon ogayn dhagarta ku hoos qarsoon.

Dhanka kale, Ismaaciil Cumar wuxu kula heshiiyey

Itoobiyaanka inuu Xasan ku qancinayo inuu u fasaxo in

Somaliland iyo Itoobiya ay galaan heshiis ay ku helayso bad iyo dekado, qofka u saxiixayana uu nogdo Muuse Biixi, ayaga

oo haysta ogolaashaha Villa Soomaaliya. Sida caadada ah, mar walba Ismaacil iyo Muuse waa isla socdaan, cidda siran waa Muqdisho.

Wajigi muuqday ee shirka kolku dhamaaday, wuxuu

Ismaaciil hordhigay Xasan Sheekh ajandihii qarsoonaa ee

shirka loo qabtay. Wada hadal kooban kaddib, waxaa khadka telefanka lasoo galiyey Abiy Axmed oo ay Geelle isa sii ogaayeen, halkii baana loogu sheegay Abiy in Madaxweyne Xasan uu ogolaaday in Muuse Biixi uu la gali karo heshiiska badda, laakiin shuruudo dhawr ah buu wataa Xasan oo ah, inaanan Muuse la siinin maamuus dal madax bannaan iyo in heshiiskan uu horudha kaliya nogdo, heshiiska oo buuxana

lala sugo Dowladda Federaalka. Sidoo kale, inaanan lagu dhawaaqin heshiis tafaasiil xanbaarsan oo hadallo guudmar

ah un lagu soo koobo.


Markii uu Madaxweyne Xasan usoo duulay Muqdisho, Muuse

wuxuu toos u aaday Addis Ababa si wadaxaajoodka guud u

galo. Nasiib darro, heshiiskii Ismaacil dhedhexaadka ka ahaa

sidii loogu ballamay looma fulin.

Madaxweyne Xasan Sheekh ballanfurkaas waa ka carooday, waaana saldhig u ahaa laba godob; maamuuskii garoonka

Addis Ababa lagu siiyay Muuse Biixi iyo in heshiiska ay si toos ah u kala saxiideen Abiy iyo Muuse, taasoo aan waxba u

reebin Xasan Sheekh.

Codobka kale, waa in lagu soo daray erayo qeexaya in Somaliland la aqoonsanayo oo sidii dal madax bannaan loola dhaqmayo.

Sidaad wada xusuusataan Madaxweyne Xasan dhawr

maalmood ayuu aamusaa oo dhakafaar ku jiray oo marna

Geelle wacay, marna dajisanayey qaabkii uu uga falcelin lahaa

gadoodka shacabka ee cirka isku shareertay. Ilaa iyo hadda

waxaa muuqata in Madaxweynuhu lug u laaban tahay,

waxayna ka muuqata sida wali loo qaadin talaabo u qalanta

waxa dhacay.

Geelle, saddex qolaba halmar buu gool kawada dhaliyey.

Itoobiya mashruucii bad raadinta wuu ka dhiciseeyey. Muuse

Biixi, ceeb iyo fadeexad buu dhex fariisiyay, Soomaaliyana

buug iyo galalaase muddo soconaya buu ku abuuray. Tan ugu

muhiimsan waa in uu iska dadbay damacii Itoobiya oo uu

Jabuuti ka leexiyey mawjaddii bad raadinta ahayd.


Waa kuma Ismaaciil Cumar Geelle?

Madaxweynaha Jabuuti, haddii Soomalida qaarkeed u

taqaanno (Hiil walaal), waxaan anigu u aqaanaa (Ciil walaal),

waana sababahan dartood;

Koow: Dagaalka 1977dii Mudane Geelle, wuxuu hub iyo saanadba ku caawin jiray nidaamkii Mingistu, taasna wuuba

ku faanaa.

Labo: Jabhadihii arumaha ka dhigtay Itoobiya ee la

dagaallamayey dowladi Janaraal Maxamed Siyaad Barre wuxu usoo iibin jiray hubka iyo agabka ciidan.

Sadex: Shirkii Carta, waa sheeko dheer oo waqtigeeda la faahfaahin karo, wuuuse ahaa gorshe uu Geelle ku

fashilinayey istiraatiijiyad u diyaarsaday Alle ha u naxariistee

Mudane Maxamed Ibrahim Cigaal oo doonayey inuu Boorama ku qabto shir lagu heshiisiinayo walaalaha koonfureed, waxaana Cigaal ugu dhex qarsooneyd in shirkaas

ay ka dhalato dowlad midaysa Soomaali oo idil, uuna Madaxweyne ka yahay isaga qudhiisa.

Geelle oo taas ka hortagaya, ayaa doc faruuray gorshihii Hargeysa oo madadii koonfureed ka codsaday in shirka loo soo wareejiyo Jabuuti. Madaxweynihii hore ee Jabuuti Xaaji

Xasan Guuleed Abtidoon oo hawlgab ahaa tallaabadan wuu

ka carooday, wuuuna taagersanaa in Soomaalida la isku

daayo, oo shirka Ina Cigaal martigaliyey ay Jabuuti garab


Afar: Duullaanka maamulkii Tigreega kusoo qaadeen

Soomaaliya 2006dii taakulo siyaasadeed iyo mid diblomaasi ayuu Geelle la garab taagnaa Itoobiya. Xitaa madaxdii

Soomaaliyeed ee Jabuuti micinka biday wuxuu ku amray iney

dalkiisa degdeg uga baxaan.

Shan: Markii ay Kenya ku cadaadisay dowladii hore, inay dib u soo celiso kiiska Badda ee nagala dhaxeeyay, oo lagu gacansayray codsigaas, waxay abuurtay jabhado hubeysan oo

carqaladeeya amniga dhulka xuduudda ah, gaar ahaan xadka

Balad Xawo, Jabuuti waxay IGAD ka codsatay in iyada loo wakiisho xaqiiqo raadinta arrimahan. Soomaaiya way

aqbashay iyadoo aaminsan in ugu yaraan ay si cadaalad ku jirto kiiskan uga gun gaari karto. Balse Geelle wuxuu la saftay Kenya, wuuuna qariyay aqiiqdii la wada ogaa.

Xusuustaas oo idil waxaan usoo faagay, inaan hal suaal

weydiiyo Madaxweynaha Jabuuti. Intaas oo danbi iyo gabood

fal ah haddii ay taariikhda kuugu gorantahay, malaga yaabaa

inaad halmar Soomaali si bareer ah ula jirsato oo aad ugu hiilliso, waliba waxaa dalka Madaxweyne ka ah Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si gaar ah kuu shinsada, kaana mudan inaad u hiiliso.

Fahad Yasin

Sunday, December 20, 2020

ARAGTIDA LABADA KINIINI (Theory of blue pill red pill)

5:12 PM 0

ARAGTIDA  LABADA  KINIINI

(Theory of blue pill red pill)


Erey-bixinta labada kiniini (Kiniinka Casaanka ah iyo Kiniinka Buluuga ah) waa erey-bixin siyaasadeed oo casri ah. Waa ooraah laga dhaxlay filin Mareekan ah (Science Fiction) oo la yiraahdo (The Matrix), kaas oo la dhigey sanadkii 1999-kii. Wuxuu ka hadlayaa caalam uu qofku indhihiisa ku naqshadeysanayo muuqaalka uu jecel yahay in uu yeesho, taas oo ay suuragal tahay in ay ka xijaabto xaqiiqada. Aragtidu waxay tilmaamaysaa in nolosha ay qofka ka dhigeyso cabiid aanan adeegsan karin dareekiisa arag, dhadhan, ur iyo taabasho. Si haddaba qofku uu u haleelo ahaanshihiisa, wuxuu u baahan yahay in uu qaato labadan kiniini midkood. Labadan kiniin waxay astaan u yihiin faham falsafadeed oo midkood yahay la-noolaanshaha waaqica xaqiiqada xanuunka badan, midka kalena yahay ku noolaanshaha wahmiga macaanka badan oo ay farxaddu dheehdey laakiin runt aka fog. 

Fahamku waa mid la xiriira cilmu-nafsiga iyo dadka u-iilashadooda kala duwan ee wejiyada nolosha. Kiniinka casaanka ah waa mid shidan oo nafsadda qofka ku kordhinaya faham iyo indha-furnaan. Kiniinka buluuga ah ayaa isna ah mid dansan oo nafsadda qofka ku riixaya garasho-xumo iyo indha-la’aan. Tusaale-dhig, haddii qof la weydiiyo midkee ayuu dooranayaa, xaqiiqada kharaar oo lagu xoroobayo mase wahmiga macaan oo lagu gumoobayo. Waxaan shaki ku jirin in qof-walba uu dooranayo xaqiiqada kharaar oo lagu xoroobayo. Laakiin meetafiisikada nolosha ayaa isku-khaldaysa xisaabta wax lagu kala dooranayo. Sidaa-darteed qofkii aanan si dhug leh u raadin dhacdooyinka iyo sababahooda, isla-markaas aanan si hufan u taxliilin natiijooyinka, qofkaasi wuxuu maxbuus u ahaanayaa caadifadda indha-la’ oo kuwo lamid ah ay kaga danaysanayaan. 

Labada kiniini waxay ka dhigan yihiin labada fikradood oo dadka ama bulshooyinka ay kala qaataan marka ay la tacaalayaan mushkiladaha ay kala kulmayaan waayaha nolosha. Labadaas waddo ayaa midna ay u muuqataa mid raaxo iyo macaan laga helayo, laakiin been ku dhisan. Midda kalena mixnad iyo culeys ayay wadataa, laakiin run ayay ku dhisan tahay. Sidaa darteed, aragtida waxay xoojineysaa fahamka, waaqica xaqiiqada ah ee xanuunka badan ayaa wuxuu ka wanaagsan yahay nolosha khayaalka ah ee macaan.

Haddii aad qaadato kiniinka casaanka ah, waxaad raacaysaa waddada loo maro fahamka caqli-galka ah iyo fikiradaha laga dhaxlay tijaabooyinka cilmiga iyo natiijooyinkooda la hubo. Aragtida kiniinkan casaanka ah waxay ku caan tahay doorashada manhaj qeexan iyo waddo loo maro oo mixnadeysan, kuwaas oo ogaalkooda laga sugayo natiijo guul xaqiiqo ah.

Kiniinka bluuga ah, waa aaminaad fudud oo aan dhaliil lahayn iyo go’aan-qaadasho caadifadeysan. Waa kiniini qofka qaata uusan heleyn manhaj qeexan, isla-markaas waa waddo mixnadeysan oo qofka maraya uusan dareenkeeda lahayn. Waxaa laga sugayaa natiijo guul ah, laakiin aanan xaqiiqo ahayn. 

Kiniinigan buluuga ah, wuxuu yahay fikrad lagu gumeysto ummadaha. Siyaasadda carri-edeg ee dowladaha waawayn ayaa qaybinta kiniinigan soo bilaaba. Iyagu waxay u adeegsadaan la-tacaamulka dowladaha soo koraya oo ay ku suuxiyaan. Sidaas si lamid ah ayaa dowladaha adduunka saddexaad, ayaa iyaguna kiniinigan ku suuxiya shucuubtooda. Kiniinkan sida uu khatar ugu yahay fahamka qofka, si-lamid ah ayuu khatar ugu yahay fahamka bulshada. Waa kiniin (aragti) bulshada siinaya raaxo, amaan iyo xasillooni. Bulshada kiniinigan qaadata waxaa nolosha kaga baxa kharash aad u badan. Bulshadaasi ma-noqoto mid oggolaanaysa in lagala doodo manhajka khaldan oo ay ku salaysay noloshooda. Waa bulsho suuxsan oo xubnaheeda maahan kuwo dareemaya dhibaatada ay ku sugan yihiin iyo kharajka kaga baxaya culaabta garbaha u saran. Fahamkaas khaldan oo ay aamineen maahan mid iyaga keliya luggoynaya, bal luggooyadu waxay u gudbeysaa caruurtooda. 

Qof-walba oo doonaya qof uu ka garaad sareeyo am aka aqoon-sareeyo amaba uu ka awood badan yahay ee doonaya in uu dhiig-miirto, wuxuu siiyaa kiniinigan buluuga ah. Dadka kiniinkaas qaata, waa kuwo mar-walba u ban-baxa caabuqyo halis ah iyo khataro is daba-joog ah. Waxaa daah ka saran-yahay natiijooyinka aqooneed ee fasiraadda u ah sababaha xanuunnada. Fikrado ay naqshadeeyeen dicaayado been ah ee caadifadda taabanaysa ayaa bulshada lagu faafiyaa. Kiniinigan ayaa wuxuu dadka ka dhigayaa kuwo aqbala sheegashooyin aanan xaqiiqo ahayn, laakiin dadku ku qancaan. Waxaa ka dhasha cadaalad-darro taabanaysa nolosha dhinacyadeeda oo dhan, isla-markaas aanan la dhaliili karin.

Kiniiniga buluuga ah waa mid markiisa hore soo jiidasho leh oo ballan-qaadyo fiican ayaa la socda, laakiin whmi ah. Ballan-qaadyadu waxay lamid yihiin shaxda dhaqaale ee Boonzi (Ponzi Economic Schema), taas oo saamileyda u muujinaysa faa’iidooyin xooggan iyo rajo aanan caqli ku saleesneyn. Siyaasiga qaybinaya kiniinka buluuga ah waa Dijaal aanan wax hambayn u taagan luggooyada dadka aanan fahmin beenta uu iibinayo. Dadka lagu khiyaano kiniinigan waa kuwa aanan caqliga adeegsan, isla-markaas ay ku adag-tahay in ay tafsiir saaraan riwaayadaha lagu matalayo fagaaraha ku hareereysan. Dadka caynkaas ah, goor ay wakhti badan lumiyeen ayay u caddaataa kiniinigan in uusan ahayn midkii daawada ahaa, bal uu yahay mid tows iyo krooniko ku abuuraya. 


Qore: Dr. Saadiq Enow

saadiq.enow@gmail.com

Tuesday, November 1, 2016

13 ARIMOOD OO KEENA FURNINKA. KA FAAIDEYSO.

2:56 AM 0
Tiro koobyo kala duwan oo laga sameeyay xaaladaha furniinka ee cirka isku shareeray ee ka jira bulshooyinka Muslimiinta dhexdooda ayaa ah muuqaalo ku shaqlan cabsi iyo warwar hadheeyay muslimiin badan, waxa hadaba iswaydiin leh waa maxay sababaha keena furniinku, bal ila eega kuwa hoos ku qoran oon ka soo xigtay qoraalo laga qoray arinkan, idinkuna ku darsada ra’yigiina.
1. Heerka ku-dhaqanka diinta ee labada is qaba oo aad u kala fog sida xaaska oo diidan inay xijaabato ama tukato ama jecelba heesaha iyo muusikada. Ninka oo diidan inuu salaadda tukado, ama dumarka telifoonka kala sheekaysta, ama aan si wacan ugu dhaqmin diinta.

2. Ragga qaarkood oon dhabarka u ridan masuuliyada xaaska iyo reerka, ama faraha ka qaada masuuliyada caruurtooda, taasina ay culays laxaad leh saarto xaaska.
3. Ninka ama xaaskiisa oo midkood akhlaaq xun yahay, af xun yahay, caytamo, xishoon, ayna adag tahay in lala dhaqmo ama lala noolaado.
4. Xaaska oon adeecin ninkeeda, oon hadalkiisa maqal, ku madax adeegta amaradiisa la xidhiidha wixii Ilaahay xaq u siiyay, isla markaana aan ka soo bixin masuuliyada guriga, caruurta iyo ta reerkaba.
5. Ninka oo dulmi kula dhaqma xaaskiisa, u naxariisan, raxmad iyo dabacsani aan tusin, ama ku xad gudba xaqa Ilaahay u qoondeeyay xaaskiisa.
6. Xaaska oo ninkeeda culays aanu awoodin ka saarta dhinaca masruufka iyo nafaqada, kuna qancin wixii Ilaahay u qadaray ee risqiya, barbarna dhigta rag kale oo ka hodan san.
7. Ninka ama xaaskiisa oo ku ibtilooba balwooyin iyo dambiyo ay ka mid yihiin qaadka, shiishada, daroogada, khamriga iyo daawashada filimada jinsiga, taasina ay ku riddo nolosha guurka god madow ooy adag tahay in laga soo saaraa.
8. Cilaaqada lala leeyahay sodoga iyo sodohda oo aad u xumaata, taasina ay nolosha guurka ku keento gilgil iyo mushkilado horseeda furniin iyo kala tag xanuun badan.

9. Ninka ama xaaskiisa oo la sixro ama la cawryo taasina ay keento in midkood ka buuxsamo nacayb, cadho iyo karaahiyo uu u qabo ka kale, aragiisana uu ka diiqadoodo.
10. Xaaska oo ninkeeda siin wayda xaqiisa gogosha, kuna dadaalin inay ugu muuqato sawjkeeda muuqaal isaga xiiso galiya oo soo jiita, ama ayna isku howlin nadaafada jidhkeeda iyo dharkeeda. Dhinaca kale waa ninka oon isku taxalujin inuu daboolo baahida gogosha ee xaaskiisa, khaasatan markuu laba xaas leeyahay ooy dhacdo inuu midkood dayaco (kaasina waa dulmi weyn ee raggu hayska jiraan), inuu ninku sahashado nadaafadda jidhkiisa iyo dharkiisaba, taasina ay dhaliso anfariir iyo karaahiyo xaaska u diida inay soo ag jiifsato ama ka soo ag dhawaataba odaygeeda.
11. Xaalado badan oo furniin ah waxay dhacaan sanadada hore ee guurka (sanadka kowaad ama labaad), sababtuna waxay tahay labada qof ee is guursanaya oo runta isku sheegin. Waxa dhici kartaba inayna is arag (araga sharciga ah) ama ay been ka sheegeen da’dooda, ama ay qariyaan xaaladahooda caafimaad, guurar hore ooy soo mareen iyo arimo kale oo muhiima.

12. Is fahan la’aan ka dhalata iyadoon la wada hadlin, la wada niqaashin, su’aalo lays wadiin, miisna aan la soo wado fadhiisan si xal loogu baadho waxa mid walba ka tabanayo ka kale.
13. Qalabka iyo aaladaha xidhiidhka bulshada (social media) iyo khadadka telifoonka oo si xun loo isticmaalo sida kuwa lagu baashaalo ama lagu haasaawo oo keena iska shaki iyo kalsoonida oo lunta, amaba dhalisa in waqti xad dhaafa lagu bixiyo inernetka ilaa uu qofku noqdo maqane jooga.
Ilaahow adaa qaadiree is jeclaysii raga iyo xaasaskooda oo is fahansii, kana dhex saar fitnada iyo khilaafka, iskuna barakee.
Aamiin

Tuesday, October 11, 2016

Haweeney U Dhalatey Dalka Sacuudiga Oo Si Cajiib ah Eebe Uga Bad-Baadey Kufsi Lagula Kici Lahaa.

8:44 AM 2
Gabadhan waxa ay ku nooleyd Magaalada Riyaad, waxaana ay aheyd gabar Macalimad ah,iyadoo gabadhu aheyd mid soo jiidasho leh aadna u labisata xili kasta oo ay shaqadeeda tageyso.
Weligeed may tukan salaad, gabadhan si fiicana uma taqaano Ragcadaha Salaada. Waxay ka bixi jirtay gurigooda salaada subax ka hor,waxayna ku soo noqon jirtay bacdal casarka, waana gabar aad u kaftan badan.

Hadaba maalin maalmaha ka mid ah ayay u diyaar garowday shaqadeedii,waxayna baxday saacadii ay bixi jirtay. Sidii caadada u ahayd waxay u tagtay gaarigii shaqada gaynayay oo halkii ku sugaya. Markii ay gaarigii aragtey ayey dareentay in aysan wax macalimiin ah la socon gaariga, dabeedna Dirawalkii ayay waydiisay sababta ay u maqan yihiin shaqaalihhii kale. Wuxuu ugu jawaabay inay cudur daar yeesheen maanta.ka dibna waxuu Dhaqaajiyey gaarigii intii ay wadada ku sii jireen ayay hurda yar qabatay, ka dibna waxay soo kacday isagoon socon wadadii iskuulka wado aan ahayn,way yaabtay!!! Waxay waydiisay waa halkee meeshan aanu maraynaa ? Wuxuu ugu af celiyay anaa kuu sheegi doona.way fahantay ujeedadiisa,iyo qorshaha uu wato markaasaa Waxay ku tiri ninyahow miyaanad ilaahay ka baqanayn? Umuu jixin jixine gaarigiisii ayuu iska sii watay.

Socod dheer ka dib wuxuu la tagay meel saxara oo cidlo ah gabadhuna iyadana oohinta ayaa ka dhamataay. Gaarigii markuu istaajiyey ee uu is leeyahay hawshaada gudagal ayey waxay ka codsatay Inuu u ogolaado inay tukato laba ragcadood. Wuu ka aqbalay intii ay salaada ku gudo jirtay ILLAAHEY ayay u toobad keentay cafisna way waydiisatay dambiyadii hore ee ay gashay Waxayna EEBE ka bariday inuu ka badbaadiyo dhibaatadan maanta haysata.

Markay salaadii dhamaysatay ayaa waxaa meel fog ka soo baxay gaari ama baabuuri …..yaab!!! Way qaylisay afka ayuu qabtay, Wuu soo dhawaaday, wuxuu ula ekaaday gaaragii walaalkeed. Nasiib wanaag wuu soo gaarey,gaarigii. Waxaaba ka soo dagay 2 wiil oo ay walaalo yihiin!! Ul wayn oo uu mid ka mid ah haystay ayuu madaxa kaga dhuftay ninkii dirawalka ahaa Dhulka ayuu ku dhacay ,way iskaga tageen dabeedna gurigii ayay ku celiyeen. gabadhii hooyadeed ayay arinkii uga warantay Way yaabtay hooyadii waxayna u sheegtay in mid ka mid ah walaalaheed uu tagay Magaalada shaariqa kuna maqan yahay kii kalana uu hurdo ilaa saaka welina uusan kicin, gabadhii aad bey u yaabtay Xaqiiqduse waxay ahayd in aysan walaalaheed u iman balse ay laba malag isku soo ekaysiiyeen walaaleheed,sidaana ku badbaadiyeen.

Qisadu nuxurkeedu waxa weeye markay dhibaato ku qabsato inaad xagga ILLAAHEY u cararto.

Fadlan Walaal Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Xigasho: Ahmed Abdi Yusuf.

Friday, October 7, 2016

Sheeko Murti Badan Xambaarsan: Haween waa Todoba(7).

10:18 AM 0
Oday-dhaqameed Soomaaliyeed oo waayo hore jiray, waaya-aragnimo ballaaran u lahaa arrimaha bulshada, xagga dhaqankana looga dambeeyay , ayaa waxaa uu damcay in uu Cashar la xiriira Haweenka u gudbiyo Wiil uu isagu dhalay oo markaas guur-doon ahaa.
Odaygii ayaa waxaa uu ku yiri Wiilkiisa:-“Maandhow, inta aadan guursan, oo aadan dhex-dabbaalan badweynta Haweenka, bal marka hore si fiican isaga eeg oo hubso gabadha ama Haweeneyda aad la aqal-galayso; Ogowna in ay Haweenku u kala baxaan toddoba nooc”.
Wuxuu tibaaxay Odaygu:”Iga dhegeyso aan kuu bidhaamiyee sida ay kala yihiin toddobadaas,waana kuwan”:-

(1) Il-dheer:- Waa gabadha Indhaha un wareejiso,la-raacda oo ku maqan wixii cusub ee dhar,alaab-guri iyo qalab lagu xarragooda ah ee Suuqa ku soo kordha ama ku aragto Gabdhaha kale, dabadeedna ku kurbaysa Ninkeeda soo iibinta waxaas cusub.
Waa tan ku tiraahda Ninka qaba:-” Haddaadan ii iibinayn waxaas , ima jeclide iska-key fur”. Waa tan aanan tixgelin awoodda dhaqaale ee reerka iyo gaar ahaan tan Ninkeeda.
(2) Dheg-dheer:- Waa tan reerkeeda ku burburisa, ninkeedana ku colaadisa waxa ay soo maqashay oo kaliya,aanna hubsan xaqiiqada. Waxay ku tiraahdaa Seygeeda:-“Waan maqlay in aad Naag kale la socoto”,”Waa la ii sheegay in aad xiriir la leedahay Heblaayo”,”Waan la socdaa meelaha aad beryahan ka daba-wareegto”iwm..
Waa tan ay Soomaalidu ku magacaabaan”Ma-hubsato meher-laay”..!!. Waxay dhegta u raaricisaa “ku-tiri ku-teenta Xaawalayda” iyo waxa loo yaqaan “Warka Shaashka”. Waa mid dabin ugu dhici karaysa Cadowgeeda iyo Cadowga Ninkeeda,xilli uu isaguna kaba fog-yahay,Allahiisna uu ka Allah yahay waxa laga sheegayo.
(3) Carrab-dheer:- Waa qaylo badan,joogto ugu taagan derisyadeeda, ninkeeda,caruur iyo cirroolaba uusan qofna ka baxsanayn. Waxay ninkeeda ku gaaddaa Gogosha iyo xilliyada nasashada,dabadeedna waxay ku furtaa dood,dacwad iyo dalabaad aan dhammaaneyn. Waxay macallimad ku tahay Af-lagaaddada iyo jaa’ifeynta.
(4) Gacan-dheer:- Waa tan dagaalka un u taagan,mar kastana ay dhexdu u xiran tahay;Garruunka wadata oo gaadmada badan. In ay dadka ku duufto un bay u tafa-xeydan tahay. Wejigeeda waxaa ka muuqanaya raadadka ciddiyo lala beegsaday iyo daqarro hore oo lagu hubsaday.
Xafiisyada Dacwooyinka dadweynaha ee Xaafadaha iyo Saldhigyada Booliska waa laga wada yaqaan, oo waxaa ka yaal raadad hore iyo feylal qabya ah oo colaadeed.
(5) Lug-dheer:- Waa war-wareegtooy,waaba tiris,oo ay dhif tahay in laga helo aqalkeeda. Markii uu ninkeedu yimaado guriga waxaa ka soo hor-baxa Quful weyn oo maar ah. Caruurteeda ayaa Odayga u sheega in ay hooyadood ku maqan tahay:-Aroos, Nikaax,Dhaloow, Furoow,Qaraaba-salaan,Tacsi loo fadhiyo maalintii 14-aad, Maalin-joog, Meel ay ku kulmayaan Habro Ayuuto(Shaloongo) isku darsaday,madax-shub(abaay-abaay) iwm.

(6) Joog-dheer :-Waa mid Jamaal badan ah, waa gabadha dhammeysay Quruxda muuqata ee xagga jirka ah(jiroos), indha-deeraley ay raggu ka daba-dhacaan, ishana la wada raacaan, laafyada iyo is-lulidda badan(i arkaay).
Laakin,markii la tago gurigeeda,waxaa lala kulmaa dhiiqo,dhusuq iyo dharaq is-dhex-yaal. Ma jirto gogol kaliya oo u goglan iyada. Halka ay ku karinayso cuntada waxaa bar-bar yaalla Tuunji ay saxaradii Caruurtu ka buuxdo oo shalay ahaa. Iyadaa Sanka baloolisa oo “Uf” kala hor-marta dadka kale.Waa mid aan lagu gaareyn Areebanimada,markii gadaal loogu noqdo.
(7) Garaad-dheer:-Waa “Marwo-dumar”. Waa tan ugu qiimaha badan haweenka; laga yaabo in ayan muuqaal ahaan qurux badnayn,amaba iska fool-xun,laakinse, waxay leedahay quruxda dahsoon ee Edeb,Akhlaaq, Sarriig,Xishood,Af-gaabni,Dulqaad, Qaddarinta dadka mudan iwm. Aqalkeedu waa udgoon badan yahay,waa wada goglan yahay,waxaa u sugnaaday nadaafad buuxda oo xagga hoyga, huga iyo hungurigaba ah.
Mooral iyo Macnawi ahaanba waa ay u dhistaa ninkeeda, waana uu ku farxaa oo u soo xiisaa. waxay ka ilaalisaa erayada xun. Waxay ugu yeertaa ninkeeda:-gacaliye, macaane(macow),walaal,ina-adeer iwm. oo ka kal iyo laab ah,dano khaas ah iyo xilli goonni ahna aanan ku xirnayn.
Haddii uu Ninkeedu wax-beelo(sabool noqdo), gacantiisuna ay Eber noqoto, kuma ay kurbayso wax ka baxsan awooddiisa, waxayna u guntataa daboolidda baahida iyo adeegsiga xikmad iyo Iimaan. Noocan toddobaad ayaa ah “Raalliyo” uu ninkii hela uu nasiib leeyahay. Tan ayuuna guursigeeda Odaygu kula dardaarmay Wiilkiisa,wallow uu “Guurku yahay God Gacanta loo ritay”.
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA