SUPPORT WEBSITE

Showing posts with label Madaxweyne Farmaajo. Show all posts
Showing posts with label Madaxweyne Farmaajo. Show all posts

Sunday, January 28, 2024

CIIL WALAAL MISE HIIL WALAAL?. QORAY Fahad Yassin.

12:15 AM 0

 CIIL WALAAL MISE HIIL WALAL? Qoray Fahad Yasin.


ISMAACIL CUMAR GEELLE

Mar walba istiraatiijiyadda Madaxweynaha Jabuuti

waxay ku salaysantahay balaayo waa la iska moosaa, wuuuna awood walba galiyaa sidii Soomaaliya ay qalalaase joogta ah ula noolaan karto oo dib loogu dhigi

karo dhismaha dowlad ka caga dhigata Soomaaliya.

Markii uu Abiy Axmed bilaabay inuu ka hadlo sidee Itoobiya ku gaari kartaa badda, waxaa u caddaatay Ismaaciil Cumar Geelle inuu dad culus kusoo wajahanyahay, wuuuna dajistay qorshe sirdoon iyo mid

diblomaasi oo uu isaga leexin karo majaddan kusoo

jeeda Jabuuti, wuuuna qaaday tallaabooyin wax tar u

leh dalkiisa.

Koow: Wuxuu Itoobiya kala hadlay inuu ku qanciyo

Soomaaliya ayaan idin la qalqaalinayaa inaad wada gashaan heshiis wax kala badalasho ku dhisan oo ah in Itoobiya ay hesho bad, wana loogu baddalo Soomaaliya. Qorshahaas, wuxuu kala hadlay

Madaxweyne Xasan Sheekh, oo tallaabadaas aanan didmo ka muujinin, haddana ka cabsaday inuu horay ugu sii soda. Dabeecadda Abiy oo boobsiiska jecel iyo

dhaganka Xasan oo daahista u sifaysan baa dib u dhigay

hirgalinta heshiis dex mara Soomaaliya iyo Itoobiya.


Geelle, isagoo dareensan wagtiga sida seefta oo kale u socda, wuuu dajistay shax kale oo aad u xeel dheer isagoo ka dalbaday Madaxweynaha Soomaaliya inuu ka aqbalo in Jabuuti lagu qabto shir wada hadal Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo cinwaankeed yahay xoojinta wada xaajoodyadi horay usoo socday. Codsigaas wuu aqblay Xasan

Sheekh, isagoon ogayn dhagarta ku hoos qarsoon.

Dhanka kale, Ismaaciil Cumar wuxu kula heshiiyey

Itoobiyaanka inuu Xasan ku qancinayo inuu u fasaxo in

Somaliland iyo Itoobiya ay galaan heshiis ay ku helayso bad iyo dekado, qofka u saxiixayana uu nogdo Muuse Biixi, ayaga

oo haysta ogolaashaha Villa Soomaaliya. Sida caadada ah, mar walba Ismaacil iyo Muuse waa isla socdaan, cidda siran waa Muqdisho.

Wajigi muuqday ee shirka kolku dhamaaday, wuxuu

Ismaaciil hordhigay Xasan Sheekh ajandihii qarsoonaa ee

shirka loo qabtay. Wada hadal kooban kaddib, waxaa khadka telefanka lasoo galiyey Abiy Axmed oo ay Geelle isa sii ogaayeen, halkii baana loogu sheegay Abiy in Madaxweyne Xasan uu ogolaaday in Muuse Biixi uu la gali karo heshiiska badda, laakiin shuruudo dhawr ah buu wataa Xasan oo ah, inaanan Muuse la siinin maamuus dal madax bannaan iyo in heshiiskan uu horudha kaliya nogdo, heshiiska oo buuxana

lala sugo Dowladda Federaalka. Sidoo kale, inaanan lagu dhawaaqin heshiis tafaasiil xanbaarsan oo hadallo guudmar

ah un lagu soo koobo.


Markii uu Madaxweyne Xasan usoo duulay Muqdisho, Muuse

wuxuu toos u aaday Addis Ababa si wadaxaajoodka guud u

galo. Nasiib darro, heshiiskii Ismaacil dhedhexaadka ka ahaa

sidii loogu ballamay looma fulin.

Madaxweyne Xasan Sheekh ballanfurkaas waa ka carooday, waaana saldhig u ahaa laba godob; maamuuskii garoonka

Addis Ababa lagu siiyay Muuse Biixi iyo in heshiiska ay si toos ah u kala saxiideen Abiy iyo Muuse, taasoo aan waxba u

reebin Xasan Sheekh.

Codobka kale, waa in lagu soo daray erayo qeexaya in Somaliland la aqoonsanayo oo sidii dal madax bannaan loola dhaqmayo.

Sidaad wada xusuusataan Madaxweyne Xasan dhawr

maalmood ayuu aamusaa oo dhakafaar ku jiray oo marna

Geelle wacay, marna dajisanayey qaabkii uu uga falcelin lahaa

gadoodka shacabka ee cirka isku shareertay. Ilaa iyo hadda

waxaa muuqata in Madaxweynuhu lug u laaban tahay,

waxayna ka muuqata sida wali loo qaadin talaabo u qalanta

waxa dhacay.

Geelle, saddex qolaba halmar buu gool kawada dhaliyey.

Itoobiya mashruucii bad raadinta wuu ka dhiciseeyey. Muuse

Biixi, ceeb iyo fadeexad buu dhex fariisiyay, Soomaaliyana

buug iyo galalaase muddo soconaya buu ku abuuray. Tan ugu

muhiimsan waa in uu iska dadbay damacii Itoobiya oo uu

Jabuuti ka leexiyey mawjaddii bad raadinta ahayd.


Waa kuma Ismaaciil Cumar Geelle?

Madaxweynaha Jabuuti, haddii Soomalida qaarkeed u

taqaanno (Hiil walaal), waxaan anigu u aqaanaa (Ciil walaal),

waana sababahan dartood;

Koow: Dagaalka 1977dii Mudane Geelle, wuxuu hub iyo saanadba ku caawin jiray nidaamkii Mingistu, taasna wuuba

ku faanaa.

Labo: Jabhadihii arumaha ka dhigtay Itoobiya ee la

dagaallamayey dowladi Janaraal Maxamed Siyaad Barre wuxu usoo iibin jiray hubka iyo agabka ciidan.

Sadex: Shirkii Carta, waa sheeko dheer oo waqtigeeda la faahfaahin karo, wuuuse ahaa gorshe uu Geelle ku

fashilinayey istiraatiijiyad u diyaarsaday Alle ha u naxariistee

Mudane Maxamed Ibrahim Cigaal oo doonayey inuu Boorama ku qabto shir lagu heshiisiinayo walaalaha koonfureed, waxaana Cigaal ugu dhex qarsooneyd in shirkaas

ay ka dhalato dowlad midaysa Soomaali oo idil, uuna Madaxweyne ka yahay isaga qudhiisa.

Geelle oo taas ka hortagaya, ayaa doc faruuray gorshihii Hargeysa oo madadii koonfureed ka codsaday in shirka loo soo wareejiyo Jabuuti. Madaxweynihii hore ee Jabuuti Xaaji

Xasan Guuleed Abtidoon oo hawlgab ahaa tallaabadan wuu

ka carooday, wuuuna taagersanaa in Soomaalida la isku

daayo, oo shirka Ina Cigaal martigaliyey ay Jabuuti garab


Afar: Duullaanka maamulkii Tigreega kusoo qaadeen

Soomaaliya 2006dii taakulo siyaasadeed iyo mid diblomaasi ayuu Geelle la garab taagnaa Itoobiya. Xitaa madaxdii

Soomaaliyeed ee Jabuuti micinka biday wuxuu ku amray iney

dalkiisa degdeg uga baxaan.

Shan: Markii ay Kenya ku cadaadisay dowladii hore, inay dib u soo celiso kiiska Badda ee nagala dhaxeeyay, oo lagu gacansayray codsigaas, waxay abuurtay jabhado hubeysan oo

carqaladeeya amniga dhulka xuduudda ah, gaar ahaan xadka

Balad Xawo, Jabuuti waxay IGAD ka codsatay in iyada loo wakiisho xaqiiqo raadinta arrimahan. Soomaaiya way

aqbashay iyadoo aaminsan in ugu yaraan ay si cadaalad ku jirto kiiskan uga gun gaari karto. Balse Geelle wuxuu la saftay Kenya, wuuuna qariyay aqiiqdii la wada ogaa.

Xusuustaas oo idil waxaan usoo faagay, inaan hal suaal

weydiiyo Madaxweynaha Jabuuti. Intaas oo danbi iyo gabood

fal ah haddii ay taariikhda kuugu gorantahay, malaga yaabaa

inaad halmar Soomaali si bareer ah ula jirsato oo aad ugu hiilliso, waliba waxaa dalka Madaxweyne ka ah Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si gaar ah kuu shinsada, kaana mudan inaad u hiiliso.

Fahad Yasin

Sunday, January 3, 2021

SHACABKA SOOMALIYEED OO FARMAAJO MARKALE IN UU SOO LAABTO KU DUCEYSANAYAAN.

3:16 AM 0


8-Febraayo-2017, waxaa hoggaanka Soomaaliya ku dagaallamay labo kooxood oo ay kala hoggaaminayeen Political Elite iyo Populist leader.  Farmaajo wuxuu u taagnaa rejada shacabka iyo himilooyinkii ay qabeen, halka kooxdii Xassan Sheekh ahaayeen awoodihii kooxaysiga ee talada dalka iskaga dambeeyey tobankii sano ee la soo dhaafay.  


Haddaba, Madaxweyne Farmaajo oo madaxnimadiisa ay aad u saacidday ololaha shacabka iyo qayla-dhaanta lagu doonayey in mar hoggaanka dalka uu shukaanta u qabto, waa ay guulaysatay, halkaasna waxaa ka qarxay dagaalkii u dhaxeeeyey awooddii dhisnayd ee Political Elite-ka oo hadafkoodu ahaa gorgortan, wax kala goosasho iyo geesgelinta damaca dadweynaha.  Dhanka kale waxaa taagnaa hoggaan ku dhawaaqaya wixii ka guuxayey shacabka Soomaaliyeed, oo ay ugu horreyso joojinta faragelinta shisheeye, fogaynta dalalka deriska iyo kuwa Carabta ee siyaasadda Soomaalida ku milmay iyo u quusgoynta beesha caalamka.  


Political Elite-ka  waaga ayaa ku baryey, waxaana cirka isku shareeray aragtida Populismka.  Waxaa lagala wareegay shacabkii, waxaa la bixiyey fursadihii ay diiddanaayeen oo ay ugu horreyso awoodsiinta dhallinyarada, bixinta gunnooyinka iyo mushaaraadka shaqaalaha, ciidanka iyo hay’adaha kale ee dowladda. Waxaa boorka laga jafay Tiyaatarradii qaranka, Madxafyadii iyo taalloyinkii taariikhiga ahaa. Waxaa meel walba ka shidan heesaha waddaniyadda iyo halganka. Waxaa laga jawaabay wixii Soomaalidu ay muddada dheer ku taamaysay oo ay ugu horreyso in shisheeyaha la fogeeyo, dagaal lala galo, iyadoo loogu sheegeyo danaha amni iyo xasilloonida dalka in la difaacayo.  


Xasuusaha Soomaalida ee hore oo tagay waxaa lagu daray Mooshin , Gabre, beesha caalamka oo saxiixayaal ah, dhaqaale la boobay, dhul danyar oo la gatay, hardan iyo halgan ku salaysan hunguri iyo hoggaaan raadis, ugu dambaynna populistihii si xawaare sare ah ayuu ku hantay malaayiin shacab ah oo duruufaha nolosha iyo dowlad-xumada muddo deris la ahaa!  


Xamar ayaan ku waraystay maalin dhawayd Askari goob dowladdeed ilaalinaya, waxaan waydiiyey war bal dowladdaan ka warran? Wuxuu iigu jawaabay ”Eebow dowlad sannadka ugu dambeeyo mushaar bixineyso, in ay tagto khalad waaye”. Wuxuu ii sheegey in dowladihii hore midda ugu yar uu ku leeyahey siddeed bilood oo mushaar ah. 


Kooxdii kale ee Elite-ka ahayd waxaa u soo haray halgan ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, kicin qabiil iyo abaabul reer hebel. Waxay la’yihiin hal aragti oo macquul ah oo ay hoggaanka populistaha ah kaga reebtaan shacabka uu la tagay.  Aragtida kaliya ee ay aamineen in ay hoggaankaan ku baddeli karaana waa kaarka qabiilka iyo qabyaaladda, ”innagaa la inoo jeedaa, waxa aan haysanno aan ku fara-adeygno, yaan been laguu sheegin. ugu dambayn fagaarayaashii dooddaha, cilmiga iyo akhlaaqda siyaasadda lagu lafo-guri lahaa,  waxaa hareeyey Galdogob, Gedo, Buuhoodle iyo Badhan ayaa laga soo duulay.  Waa aragti ciriiri ah, jaban oo aan gadmayn.  Waa hilin liita oo mar kale awoodsiin kara hoggaanka  Populistaha in uu talada dalka sii hayo.  


Haddaba maxaa Garoowe ka dhacay?  


Heritage waxay soo aruurisay political Elite-kii aan shaqo la’aanta noqon jirin xataa lix bilood, kol ay xukuumad ridaan mid kale na dhistaan, kol ay qandaraas iyo mashaariic qaateen iyo kol ay dowlad iyagu leeyihiin hirgeliyaan, taas oo aan ka jawaabayn baahida shacabka bal se ka jawaabaysa baahida kooxda siyaasadda (Political Elite-ka). 


Kooxaha siyaasadda waxaa kale oo ku dhacay, baqdin iyo kala shaki dhexdooda ah, is—aaminaad la’aan,  damacooda oo iswada diiddan, doodda shacabka oo ay ka baqayeen, ugu dambeynna waxaa meesha ka baxday in ay helaan aragti ballaaran iyo hiraal togan oo ay dadka Soomaaliyeed ku tusaaleyn karaan hadimada ay ku noolyihiin, wax muuqdo oo la taaban karana Panel-ka doodda keenaan.  Xataa wax kale iska daayoo su’aalaha kuwa wax waydiinaya iyo kuwa la waydiinayaba iyaga ayey ahaayeen, halka shacabkii laga dhigay daawadayaal aan doodda waxba ku lahayn!  


Sababta shacabka Makarafoonka looga fogeeyey , waa in ay ogyihiin in bulshadu taageero badan u hayso nidaamka Farmaajo, su’aalahooduna noqon doonnaan kuwa adag oo kooxaha siyaasad Cadaab iyo dhimbil dab ah ku ah! 


Ugu dambeyn Machadka nuqullada war-murtiyeedka ah ee ka soo baxay waxa uu noqday ”Shimbarayohow heesa, hees wanaagsan heesa, halkan soo fadhiista”!!

Thursday, December 31, 2020

XABIIBUL MALAAYIIN MADAXWEYNE FARMAAJO OO U HAMBALYO U DIRAY XULKA BANAADIR.

10:43 AM 0

MADAXWEYNE FARMAAJO OO U HAMBALYEEYEY XULKA KUBADDA CAGTA GOBOLKA BANAADIR



Muqdisho, Diseembar 31, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey Xulka Kubadda Cagta Gobolka Banaadir oo ku guuleystay Koobka Tartanka Dowlad Goboleedyada Dalka oo ka socday Caasimadda Muqdisho intii u dhaxeysay 20-kii ilaa 31-dii bishan Diseembar 2020.


Madaxweynaha oo bogaadiyey Xulka Dowlad Goboleedka Galmudug oo soo gaaray ciyaarta kama danbeysta ah, ayaa tilmaamay in ciyaartoyda, Macallimiinta iyo Maamulka Kubadda Cagta ee Galmudug iyo Gobolka Banaadir ay muujiyeen xirfad sare, isku xirnaan iyo dadaal ballaaran.


“Hambalyo dhammaan laacibiinta, Tababareyaasha, Garsooreyaasha, Taagereyaasha iyo guud ahaan bahda ciyaaraha Kubadda Cagta ee ka qeyb qaatay Tartanka Dowlad Goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Dhammaan waxay soo bandhigteen ciyaar wanaag, xirfad sare, biseyl iyo sida aad dalkeenna ugu matali kartaan fagaareyaasha caalamiga ah ee kubadda Cagta.”


Daawashada ciyaarta waxuu  Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku maamuusay qaar ka mid ah Xidigihii Kubadda Cagta ee ka tirsanaa Kooxihii Horyaalka dalka ee Horseed, Jeenyo iyo Minishiibiyo. 


Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyey qabanqaabada iyo hannaanka maamulka Koobka ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo si mugleh isaga kaashaday qabsoomidda tartankan.


Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si gaar ah uga mahadceliyey Ciidamadeenna Geesiyaasha ah ee habeen iyo maalinba u taagan amniga dalka, gaar ahaan inta uu socday Koobkan oo ay ka soo qeyb galeen dhallinyaro iyo masuuliyiin Soomaaliyeed oo ka socda Gobollada dalka.


DHAMMAAD


Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;


Cabdirashiid Maxamed Xaashi,

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya


E-mail: media@presidency.gov.so

Twitter: @TheVillaSomalia

Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/

Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/

Youtube:https://www.youtube.com/XafiiskaWarfaafinta/

Instagram: https://www.instagram.com/villa.somalia/

Wednesday, December 30, 2020

SHALAY MAANTA KU ILOOW, MADAXWEYNIHII UGU HOREEYEY....

2:33 PM 0


Mudo xilleedkiisi koowaad, wuxuu dhammaaday iyadoo aan hal Askari iyo hal qof oo shaqaale dawladeed ahi aannu bil keliya bilaa mushahar noqon. 


Ka hor Mudo xileedkiisa koowaad, Askarta oo aad u yarayd, xiligaasi oo mushaharkoodu ahaa $100 oo keliya waxaa ka maqnaa 9 bilood oo mushar ah.


Dhammaadka mudo xilleedka koowaad ee Farmaajo tirada askarta waxay korodhay in ka badan 65% halka Musharkooda uu kordhay 130% kaasoo noqonaya $230.


Qorshaha mudo xilleedkiisa labaad, dhammaadka 2021 ayaa ah in mushaharka Askariga la gaadhsiiyo $500.


Farqiga Shalay iyo Maanta, sidee kula yahay?

Monday, December 21, 2020

MADAXWEYNE FARMAAJO: WALAAHI SOOMALI MA YAAQANAN.

2:51 AM 0
MADAXWEYNE FARMAAJO


 Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo oo Qudbad shacabka soomaliyeed qalbiyadooda dhaqaajisay jeediyey, ayaa u sheegay in soomali aysan cadawga aqoon. Waxuu yiri:

"Waxaan uga Digayaa Wadamada iyo Shirkadaha shisheeye, in aysan ku xadgudbi karin qaranimada iyo midnimada soomaliyeed, Waxaa laga faa,ideysanayaa Qeybsahaanshaheena, in aan qeybsanahay ayey ka faa,ideysanayaan.

Waxey ka faa,ideysanayaan tabardarideena. in aan tabardaranahay bey ka faaideysanayaan.

Laakin walaahi Mayaqaanin soomali, Soomali ma yaqaanan.

HOOSE KA DAAWO VIDEOGA OO DHAMEYTIRAN.

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA