SUPPORT WEBSITE

Showing posts with label SADAQADA. Show all posts
Showing posts with label SADAQADA. Show all posts

Tuesday, May 10, 2016

QISO CAJIIB AH: SADAQADA KU DAAWEEYA CUDUR KASTA XITAA CANCER.

5:42 AM 0
Nin Masri ahoo ku noola magalada qaahira ayaa xanuunsaday waxa uuna utagay shay baadh dhakhtar oo masri ah kadib wala baadhay wuxuna uu u shegay dhakhtarki in mar dhaw xididada wadnaha ee dhiiga qada xidhmayaan waxna looga qabankarin MASAR"! waxa uu ushegay inuu tago yurub halkaaso uu ka helayo cawimaad xanuunkisa ah.

Ninki wuxuu tagay dhakhtar ku yaala wadanka jarmalka oo qaabilsan xanuunada ku dhaca wadnaha wuxuuna la kulmay dhakhtarkii.

Dhakhtarkii ayaa baadhay waxa una ushegay In wax yar u hadhay in xididaha wadnahiisu in ay wada xidhmaan balse lagu samayn karo qaliiin taasna ay tahay boqolkiba kontan 50/50 mcnaha ama wuu dhiman ama wuu badbaadi.

Niinki aadbu u naxay wuxuuna codsaday dhakharkii in uu kulaabto labo cisho dalkisi masar si uu uso maca salaameyo ehelki iyo qarabadi qalinka ka hor maadama uu dhiman karo wana uu ka ogalaaday dhakhtarkii wuxu se ushegay inuu so dhakhsado.

ninki wuxuu ku labtay MSAR isago xaafadiisi kusii socda ayuu arkay gabadh meel hilibka lagu iibiyo agteeda qashinka lafo ka guranaysa ninki intuu istagay ayuu su.aalay gabadhi sababta ay lafaha u guranayso.

waxa ayna ku jwbtay ciyaalkayga ayaan ugurayaa oo labo sano hilib ma ayna cunin waxay sii raacisay lafahan unbaan ukariyaa oo maraq ayaan uga bixiyaa.

Ninki intuu naxay ayuu yidhi ina ken waxa una ugeeyay ninki hilibka iibinayey oo ku dhawa goobta qashinka waxa uuna ku yidhi gabadhan todobaad kasta way kuu imanaydaa waxi hilib ay qaadan karto sii ana bixinaya lacagta ayadana wuu ushegay.

Intay faraxday ayay uducaysay duco qalbiga kaso go.day allow ku caafi oo kusii wax walba od jeceshahay inta aad nooshay ayay tidhi gabadhi.

Ninki labo cisho kadib ayuu tagay JARMALKI.
dhakhtarkii ayaa baadhay inta anu qalin ku samayn ka hor si loo ogaado natijada qalinkisa iyo meelaha looga samayn lahaa.

jwabti natijada dhakhtarkii waxa uu yidhi dhakhtaekee ku daweeyay wad isa soo dawayse?.."
Ninkii waxu ugu jawbay maya maan is dawayn meel kalena maan aadin..

Runtii dhakhtarki wuu u qadan waayay waxayna ku noqotay fajaciso wuxuuna dhakhtarkii ku yidhi waxa ad qaadatay dawo taas fur furtay xididadii o dhan imikana wadnahagi iyo xiddidadi si fican bay u shaqaynayaan ee yaa ku siiyay dawadan ayu sii raciyay hadalkisi.?

Ninki wuxuu yidhi anaa garanaya ka idaweeyay (ALLAH) aya idaweyay
marki an mid umadisa ka mida unaxariistay wana inaxariistay.
Ninki wuxu hadalkiisi kusoo gabagabeyey "Alxamdulilah ilaahayba mahadleh kaas oo soo nooleya lafaha markay burburan oo duqooban"

Subxaan Allah waa qiso dhab ah kana dhacday JARMALKA IYO MASAR -

Wednesday, February 3, 2016

Sheeko Xikmad badan: Lixsaac soco, kadibna soo noqo oo waxaad soo aragtay isoo sheeg.

2:23 PM 0
Nin xikmad badan ayaa wuxuu u yeeray nin kale oo wuxuu ku yidhi jihadaa(intuu meel u tilmaamay) aad oo lix (6) saac soco, ka dibna soo noqo oo waxaad soo aragto ii soo sheeg.

Ninkii sida la amray buu sameeyey oo dhankii loo diray buu u socdaalay, wixii ugu horreeyey ee uu arko waxay ahaayen asagoo maraya afka hore ee wadiiqad(waddo) u dhaxaysa laba buurood, ayaa wuxuu ku arkay wax yar oo dhalaalaya oo wadada dhex yaalla, wixii buu usha saas ugu dhuftay, bug! qarax baa dhacay labadii buurood baa is qabsada,y isla markii uu usha ugu dhuftayba! dhinaca ayuu ugaga wareegay oo socodkiisii sii watay, dabadeed wuxuu arkay guri qurux badan, gurigii ayuu albaabkiisii furay mase ur buuba dareemay sidaas ayuu u fiiriyay waxa gudaha ka soo urayo, wuxuu arkay in saxaro ka buuxdo guriga, wuu isa soo xidhay socodkii ayuuna sii watay.

Wali lixdii saac ma dhammaan sidaa awgeedna socodkii ayuu sii watay, dhacdadii saddexaad ee uu la kulmana waxay ahayd inuu arkay rati gaajo la soo gotay oo dhex taagan dhul Ilaahay swt doog iyo barqaaqo ku mannaystay balse aanan cunayn naqa iyo doogga baxay.

Wuu ka sii socday oo misna wuxuu la kulmay rati kale oo fadhiya oo ay calooshiisii iyo qaybaha jirkiisa ay iska daldalanayaan weer, dawaco, dhurwaa, abkay bahaloo dhan danse aan ka lahayn ee iska daaqaya oo naqa iska raamsanaya!

Wuu iska sii socdayoo ugu dambayntii wuxuu la kulmay gabar qurxoon oo gadaal gadaal u sii ordaysa, gabadhii buu daba orday saa way ka sii cararaysaa wuu gaadhi kari waayay.

wakhtigii baa dhamaaday ee lixda saac ahaa kolkaasuu iska soo laabtay.

waxuu u yimid ninkii markii hore diray wuxuuna u sheegay waxyaalihii uu soo arkay oo dhan, dabadeed wuxuu ugu jawaabey hadaba waan kuu fasiri waxaad soo aragtay ee i dhagayso:
1. wixii dhalaalayay ee aad usha ku dhuafatay ee isla qarxay oo labadii buurood in ay is qabsadaan sababay waa FITNO, fitnadu marka hore way huruddaa markiise la toosiyo dhib wayn baa yimaada iyo khasaaro wayn. tusaale aan ku darsado nin ayaa nin dilaya, hadaba ninkaas kali ah ee dhintay ayadoo si sharciga islaamka waafaqsan looga heshiin karo baa mararka qaarkood inta fitnadaas yar la huriyo ay dhashaa in 100 nin oo kale ay ku dhintaan.


2. gurigii quruxda badnaa ee aad la kulantay gudahana saxaradu ka buuxday waa TAARIKU SALAAD ama qof salaadii ka tagay oo ma tukade ah, waayo qofka aan tukani korka labis buu xidhanyahay, jirka waa qurxinayaa oo dushiisa wuu qurxin karayaa balse qalbiga waxaa ka buuxa saxaro, waayo waa qalbi aan Alle xusin u sujuudin oo aan xasuusan.

3.Ratigii kaynta barwaaqada ah taagnaa balse qatanaa waa BAKHAYL ama dhabcaal, waayo bakhaylku xoolihiisa cidna wax kama siiyo asna kuma baahi baxo, oo wuu ka qatan yahay waana arrin dhibteeda leh .

4. Ratigii xubnihiisa la iska cunayay ee aan danta ka lahayna waa DEEQSI, deeqsi xoolihiisa dadkoo dhan baa cuna dhibna uma arko naftiisana ugama bakhaylo, dadkana ugama bakhaylo.

5. gabadhii gadaal gadaal u cararaysay, waa ADDUUNYO adduunyo waligaa daba orod gaari maysid.

Waxaa Rajaynayaa in aad wax badan ka faaideysateen, sheekadaan xikmada badan.

Thursday, January 1, 2015

NABIGA SCW WAXUU YIRI: "SADAQADA KU DAAWEEYA BUKAANKIINA".

11:13 AM 0
Qisadan layaabka badan, ayaan ka dhaadhacayn qof nabi Muxammad (Naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee) rumaysan mooyaane qof kale, waxaanay ka dhacday magaalo ku taalla wadanka boqortooyada Saudi Arabia oo u dhaw caasimada dalkaasi ee Riyadh.

Sida uu kusoo waramyo mid kamid ah walaalaha magaaladaasi dagan ayaa gabadh kamid ah dumarka magaaladaasi uu haleelay xanuunka aan dawada lahayn ee Cancer-ka gaar ahaan nooca dhiiga ku dhaca (Allah ha inaga ilaaliyee), kadib ayaa gabadhani u baahatay inay qabsato shaqaale daryeela oo jaariyad u noqda, waxaanay markiiba heshay jaariyad u dhalatay wadanka Indonisia,

Jaariayadan oo ahayd mid akhlaaq iyo diin u saaxiib ah ayaa cillada kaliya ee lahayd ahayd in ay waqti badan ku qaadan jirtay musqusha dhexdeeda, iyada oo isla markaana aad ugu noqnoqon jirtay.

Gabadhii guriga lahayd ayaa waxay u fiirsatay waqtigan badan ee ay shaqaaladu ku lumiso musqusha dhexdeeda, kadib markii todobaad ka soo wareegay joogitaanka shaqaaladan ayaa maalin maalmaha kamid ah ayaa ay u yeedhay oo ay waydiisay sababta keentay inay waqtigan oo dhan ku dhex qaadato musqusha?

Halkii laga filayay inay si caadi ah uga jawaabto ayaa miskiinadan shaqaalada ahi ay oohin la fadhiisatay, iyada oo

Monday, October 14, 2013

QISO CAJIIB AH OO DHEXMARTAY SICIID BINU MUSAYIB & ABUU WADAACA...

1:07 AM 0
QISO CAJIIB AH OO DHEXMARTAY SICIID BINU MUSAYIB & ABUU WADAACA...
GAARINIMADA I YO DAACADNIMAD “QISO CAJIIB AH OO DHEXMARTAY SICIID BINU MUSAYIB & ABUU WADAACA...

Qisadan soo socotaa waxa ay dhex martay Siciid Binu Musayib oo ka mid ahaa taabiciyiintii iyo abuu wadaaca.

Guurkii labada dirham

Siciid Binu Musayib oo ka mid ahaa taabiciyiintii(raggii asxaabta rasuulak arkay laakiin aan rasuulka naftiisa arag) ayaa waxa uu kitaab u akhriyi jiray dad badan maadaam uu aha sheikh caalim ku ah diinta islaamka.

Abuu wadaaca nin la odhan jiray baa ka mid ahaa xerta ardada ah ee shiikha culuunta kala duwan ka akhrisata,maalin maalmaha ka mid ah ayuu abuu wadaaca casharkii iyo masaajidkii aanu imanin.xanuun ku dhacay xaaskiisa awgii ayaanu u maqnaa.

Abuu wadaaca waxa uu ahaa nin sabool ah laakiin asluub,akhlaaq iyo diinba Alle(swt) uu siiyey,kuna dhaqma oo ku camal fala diinta.shanta salaadood masaajidka ayuu saful awal ka ahaa inta badan.

Siciid binu musayib kolkuu dhawr casho waayey abuu –wadaaca ayuu maalintii dambe yimid oo ka soo qayb galay sidii caadada u ahayd xalqadii waxbarashada ee masaajidka uga socotay.Siciid baa arkay abuu wadaaca kolkaasuu ku yidhi:

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA