SUPPORT WEBSITE

Showing posts with label ILA QOSOL. Show all posts
Showing posts with label ILA QOSOL. Show all posts

Friday, February 5, 2016

Sheeko Qosol badan: naa ina ruqruqato kasoo ridato hadaan ku dhaafo ninba ma ihi kkkkkk

7:46 PM 1
Nin iyo naag ayaa waxey ku wada Noolaayeen baadiyaha Markaasaa waxaa Dhacday abaar aad iyo aad u xun Reerkii Gaajo ayaa si Xun u qabatay Reerka Dariskooda ahna waa ey Barwaaqeysnaayeen o oodkac ayey jarteen indhahoodoo Shan ah 

Nin kii iyo naagtii waa ey Fikireen sida ey kusoo Qaadan Lahaayeen Hilibkaan Meesha Yaala ileen gaajo xuna waa Heysaaye, waxey soo Dajisteen fikrad taasoo ah, (Naa heedhe ul ayaan kula Dhacayaa markaan labo mar kugu Dhufto orodoo Reerka Dalaq u Dheh waa wareey waareey Dheh Markuu reerku soo baxo ee xageyga loo soo ordo si la iiga kaa qabto adigu oodkaca inoo soo Gur ...waagii Baa BAryay sidii ayaa La yeelay Hal ul Markuu wash ku siiyay ayey orod isa Jartay oo qolkii yaalay hilibku Daf Tiri Reerkina wuxu kuso orday ninki si Loo qab qabto Markey u Tagtay Hilibkii ayey aragtay asagoo Fadhiistay ama Xedhaystay wax ey sameyso ayey Garan weysay .

wey soo Baxdayoo waxey tiri { war ina xarkag xarkagu dhalay i dhaaf} ayadoo ka wada iney ceynayso, ninkii waa uu Fahmay iney ka wado wuu fadhiyaa hilibka ee Maxaan sameeyaa wuxuu yiri, { Naa ina Ruq Ruqato kasoo Ridato Hadaan ku Dhaafo Ninba Ma ihi } wey Fahantay Gurigii ayey ku Laabatay oo Hilibkii ayey Ruxday weyna soo ridatay sidaas ayeyna ku qaateen ayakoon la Fahmin kkkkkkk

Thursday, February 4, 2016

Sheeko xiiso badan oo dhexmartay nin Yahuudi ah iyo kaniisadaha yurub.

9:18 PM 0
Berigii hore Yurubka wadaaddadooda loo yaqaan
Boob-ka ayaa dadka ka iibin jiray dhul ku yaal Jannada
(Jannadaa ifka lagu kala gadanayaa)
Dhulkaas oo ahaa mid qaali ah iyadoo qaalil ahna dadku waa
ku jabeen oo lacag fara badan bay ka bixin jireen aadna waa 
u xiisayn jireen. Qofku markuu dhul ka iibsado jannada wuxuu
isku hubsan jiray oo moodi jiray inuu toos u galayo janada oo denbi walba oouu sameeyoba uusan ku galeyn naarta.

Qofka dhulkaas iibsadaa waxaa la siin jiray (Aqoonsiga dhulkaas) oo warqad ah
oo uu ku qoran-yahay magiciisa iyo inuu leeyahay dhul ku yaal jannada. Kaniisadda faa'iidada ay ka heshaa waxay ahayd mid aan la rumaysan karin aadna u badan.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa kaniisaddii yimid nin
ah Yuhuudi wuxuuna la kulmay Boobkii wuxuuna weydiistay inuu
gato naarta oo dhan.
Wuu la yaabay Boobkii ninkaas Yuhuudiga ah wuxuuna ka codsaday
inuu ka sugo war.
Mas'uuliyiintii kaniisaddaa kulmay waxayna isku af garteen in 
1-Dhulka naarta aan la beeri karin oo ay abaari ka jirto.
2-Inuusan doqon kan oo kale ah uusan noo imaanayn oo dhulkaas raba
3-Inay kaga iibiyaan dhulkaas qiimo aad u badan oo uusan filayn.
4-Hadduu oggolaado inuu ku tago dhulkaas lagu khasaaray.

Markay u cid dirsadeen odayaashii kaniisaddu oo uu u yimid ayay u sheegeen
qiimaha lagu rabo naarta oo dhan.

Wuu ka oggolaaday waxayna u sameeyeen warqadihii la haanshaha inuu leeyahay 
naarta oo dhan oo weliba magiciisa ku qoran.

Markuu warqadihii hantiyay ayuu u baxay dadkii oo uu u sheegay inuu iibsaday
naarta dhammaanteed wuxuuna tusay warqadihii dhammaan dadkiina waa arkeen
inuu isagu leeyahay.

Markaasuu dadkii isagoo ilka caddaynaya ku yiri 
"Ogaada inaan anigu naarta oo dhan iibsaday waanan xiray oo cid idin ka mid
ah uma oggoli" 
Isagoo hadalkiisii sii wata ayuu ku daray
"Maxaad uga baahantihiin dhulka jannada iibsigeeda idinkoo og inaan naartaba leeyahay?
Idinkoo huba inaydaan gelayn naartaas aan hantiyay"

Markaasaa dadkii bilaabeen inaysan furaha jannada mar danbe iibsan illeyn wadnihii waa u dagaye.


Markaa kadib ayay kaniisaddii khasaaro u bilowday oo lacagihii soo geli jiray weydey.

Ka dibna kaniisaddii ninkii yuhuudiga ahaa bay u cid dirsatay oo ka iibsatay naartii 
iyadoo bixisay lacagtii uu dhiibay labo,labo,labo jibbaar qiimuhuu siistay.


Hadda tolow ma noolyihiin kuwa furaha jannada iibshaa?
Mar walba waa joogaane la soco! 

Monday, February 1, 2016

Sheeko Yaab badan: adiguna lugo ii noqo anigana waxaan kuu noqonaa indho.

7:01 AM 0
Qayaanada waa wax xun, somalida waxey ku mahmaahdaa: "God dheer ha qodin, hadii aad qodana ha dheereyn ku dhici doontaa ma ogide"

Beri baa waxaa jiray labo nin oo midna idho la yahay midna 
lugo la yahay waxaa looga guuray mid walba xero, kadib waxaa dhacday
kii indhaha la'aa suu mar walba geed ugu dhacaayay ayaa waxuu u yimid 
kii curyaanka ahaa meel u dhaw, kadibna waxaa arkay kii curyaanka ahaa ee indhaha qabay.
markaasuu u yeeray kii indhaha la'aa. markuu maqlay codkii ayuu dhahay "aniga waxba uma jeedo ee aan kuu imaadee
i hag". Kadibna siduu u hagaayay ayey isku yimaadeen.

kii curyaanka ahaa ayaa waxuu yiri

"War adiguna lugo ii noqo anigana waxaan kuu noqonaa indho". Kadibna sidii ayeey isku soo raaceen waxeey yimaadeen meel xero ah
oo saakay reer ka guuray, waxeeyna ugu yimaadeen hal geel oo baqtiday iyo dabshidan kadibana kii curyaanka ahaa ayaa waxuu yiri
"War waxaan imaaney meel saakay laga guuray oo hal baqtiday taalo iyo dab shidan maxaan sameeynaa?". 
Kadibna kii indhaha la'aa waxuu yiri "Hasha hilibkeeda inoo kari waan cuneeynaaye". 
Kadibna kii curyaanka ahaa ayaa ka soo dagtay kii dhabarkiisa waxuuna kariyay hilibkii. 

Walaalayaal Qiyaano ma fiicnee, kii curyaanka ahaa kaligiis ayaa cunay hilibkii 
miskiinkii indhaha la'aana waxuu dhahay "War maa wax i siisid gaajo ayaan la dhiman rabaaye". Markaas kii curyaanka ahaa waxuu arkay mas
ku soo socdo meesheey fadhiyeen markaa ayuu soo qabtay oo dabka ku riday waxuuna dhahay "Hoo cun waa hasha malawadkeedee".

Kii indhaha la'aana wuu cunay maskii kadibna waxeey u soo dhawaadeen magaalo markaasuu kii curyaanka ahaa waxuu ku dhahay "Idhig inta aan ku nasaneeeeee''.
"Haye" ayuu dhahay indhoolkii. Kadib Curyaankii waxuu arkay wado uu yaqaanay oo magaalada geeyneeysey, wuuna ka dhuuntay ninkii indhaha la,aa oo siduu u soo xamaaranaayay ayuu 
yimaaday magaaladii u dhaweeyd.

miskiinkii indhaha la aana siduu u sugaayay, ayuu markii danbe geed iska fuulay. kadibna waxaa dhacay gabalkii. Siduu geedka u saarnaa ayaa waxaa ku soo shiray geedka uu saarnaa hoostiisa waraabayaal(dhurwaa), waxeeyna ka hadleen nin boqor ah oo magaalada dagan oo indhaha la' oo gabar ma dhasho ah qabo kadibna kii camoolaha ahaa 
waxuu dhageeystay hadalkii waraabayaasha oo ahaa "war boqorka idhaha la' haduu geedkaan aan hoos joogno caleentiisa laatumo oo indhaha loo mariyo waxbuu arki lahaa laakiin mayaaqaano teedakale gabadhiisana xididka geedkaan dhexda loogu xiro wax beey dhali laheeyd.
teda kale gurigiisa agtiisana waxaa ku duugan dahab mana oga" Kii warkii markuu maqlay ayuu caleentii geedka ruugay waxaana u soo laabtay 
aragiisii kadibna waxuu tagay magaaladii waxuuna u imaaday boqorkii uu ku dhahay aniga ayaa ku daaweeynaayo caleentii ayuu utumay indhahana wuu u mariyay 
sidii ayuu boqorkiina wax ku arkay gabadhiisiina xididkii geedka ayuu dhexda ugu xiray  sidii ayeey ilmo ku dhashay.

kii curyaanka ahaana nabsigii ayaa ka soo baxay, maalin maalmaha ka mid ah ayaa  kii camoolka ahaa  soo tuugsaday markaas ayuu ku dhahay war "heedheeeeeee adiga hada kahor nin indho la ma is aragteen?" 
"haaaaaa" kulahaa oo waxaan ka galay nabsi, waa aniga qofkaas indhaha la,aa ee aad nabsiga ka gashay ayuu ku dhahay ee waxii aad i siisay markii aan gaajeysaa, maxeey ahaayeen, waxeey ahaayeen mas ayuu ku dhahay ee waxaad isku daaweeysay ii sheeg anigana waa ku daawoobayaaye kadibna wuu u sheegay geedkii oo waraabayaasha ku shiraayay waana tagay curyaankii waxuu fuulay geedkii waxaana imaaday waraabayaashii waxeeyna is weey diiyeen yaa sheekay warkii. mid kasto waxuu dhahay aniga masheegin

kadibna waxuu dhahay mid waraabayaashii ka mid ah ayaa geedkii kor u fiiriyay mise waxaa saaran ninkii camoolaha ahaa kadibna waraabayaashi kale ayuu usheegay, geedkii ayeey xididada u jaren kii curyaanka ahaa sidaas ayeey ku cuneen.

waa sheeko yaab leh qayaano mafiicno waligaa hasameeyn

Sunday, January 31, 2016

Sheeko Qosol badan oo dhexmartay wiil iyo aabahiis kkkkkk

3:11 PM 3
Duqa safar buu ku maqnaa, Wiil uu dhalay buu telephone usoo diray oo ku yiri eeraborka iga soo doon, Markuu duqii ka soo dagay eeraboorka ayuu arkay wiilkiisii yaraa oo sugaya, markaasuu weydiiyey aabihi si dhakhso ah 'See aheed noloshu intaan maqnaa?' 'Wax dhiba maa dhacay oo idinku yimid?' Wiilkiisii baa ugu jawaabay 'Maya aabbe wax walba waa dhag-dhag!!' isagoo hadalkiisi sii wato ayuu ku daray 'Waxaan sidaa u weyneeyn baa dhacay, iskoobihii ayaa jabay' duqii ayaa ugu jawaabay isagoo ilka caddeenaaya 'Wax weyn ma,aha laakiin, see u jabay iskoobaha?' Cunuggii baa ku jawaabay 'Waa ogtahay aabbe maahoo markuu sacu wax ku kufo oo ku dhaco inay jabayaan. Duqiiyoo yaabbanaa ku jawaabay

'Sacii ! ma waxaa u jeeddaa saceennii qaaliga ahaa?' Cunuggiiyaa ku jawaabay "Haa, Haa,. Sacoo la cararaya baqdin baa ku joogsatay iskoobbaha markaasay ku kor dhacday iskoobbihii saasuuna ku jajabay iskoobbihii. Duqiiyaa ku jawaabay 'saciina, wax ma gaareen?' wiilkii baa ku jawaabay 'Waa bakhtiday'. Duqiibaa qeeylo qabsaday 'Dhimatay aaa .!!!' Wiilkii baa ku jawaabay 'Haa aabe, Waxay ka cararaysay dab'. Duqiibaa yiri 'Dab aa!! Dabkee?'. Wiilkii baa ugu jawaabay 'Gurigeennii waa gubtay'. Duqiibaa dhahay 'Yaa .....!!!! Gurigeenni waa gubtay aa... See u gubtay gurigu?'. Wiilkii baa yiri 'Walaalkeey Allaha u naxariisatee'. Duqiiyaa ka soo dhex galay oo ka jaray hadalkii 'Walaalkaa ma dhintay?' Wiilkii baa yiri

'Haa !!!! Sigaarow ku cabaayey inta seexduu darintii ugaga dhacay,markaasuu gubtay gurigii walaalkayna markaasuu ku dhinta guriga dhexdiisa' Duqiiyaa dhahay oo weydiiyey isagoo derbiga cuskanaya.... 'Goormuu walaalkaa sigaarka cabbi jiray?' Wiilkii baa dhahay 'Waxaw sigaarka u bartay si'uu u hilmaamo dhibtii intaad maqneed soo martay' Duqiiyaa la soo booday 'Dhibtaasi maxay ahayd?' Canuggii baa ku jawaabay 'Wuxuu ka xumaaday geeridii hooyaday!!!'... Duqiiyoo yaaban oo indhaha taagaayo kkkkk baa  weydiiyey 'Habartaa maxaa ku dhacay?' Canuggiiyaa ku jawaabay 'Waa dhimatay' kkkkk

Saturday, January 30, 2016

Sheeko qosol badan: Tuugadii taksiilaha Malakul Mowt iskaga dhigay kkkkkk

8:46 AM 2
Tagsiile waaberigii iska wata tagsigiisii ayaa lakulmay 

oday weyn oo gar cadoo waddada ul kutukubaya, markaasuu

niyada iska yiri odaygani masaajidka buu usocdaaye horay isaga sii qaad aad ajar kaheshide.

Makraasuu soo qaaday si uu ugaarsiiyo masaajidka. odaygii weynaa ee taksiga saarnaa, mar walba wuxuu kuyiraahdaa taksiilihii midigta uleexo hadana

bidixda uleexo hadana wadadaas toos uqaad. Waxyar ka dib, taksiilihii wuxuu arkay oday kale

oo isna guurguuranaya ulna kutukubaya oo gacantana uhaadinaya taksiilaha. Niyaduu iska yiri labo ajar bal kororso oo odaygana horay 

usii qaad isna. Odaygii taksiga saarnaa baa taksiilihi ka codsaday inuu odaygaa kale uu horay u qaado. 


Markuu odaygii u istaagay ayuu inta dariishadda u dejiyey kuyiri

"Adeer adoo raaliya waan ku gaarsiin meeshaad rabto laakiin odaygan 
saaran baan marka hore meeshuu rabo gaarsiin".

odaygii oo albaabka ku fooraraa su'aalay isagoo yaaban

"Oo adeer mee odaygu?'.
Taksiilihii baa kujawaabay "Waakan i agfadhiya"

Odaygii dibadda taagnaa baa su'aalay 

"adeer cidi mafadhido meeshane 

masakhraansantahay mise soojeedkaa wax kuu dhimay?".

"Adeer ma sakhraansani soo jeedna wax iima dhimine sow kan

i agfadhiya". Ayuu taksiilihii kujawaabay isagoo yaaban

Markaasaa odaygii ag fadhiyey taksiilaha ku soo jeestay oo 

dhagtiisa usoo dhawaaday buu ku yiri "Cid i arkaysa majirto aan adiga ka ahayn".

Hadalkiisii isaga oo sii watuu kudaray "Anigu waxaan ahay malakamootkii ee carar labo rakcadood oo

salaada subaxa tuko, shan daqiiqaad haysataa intaadan ilaahay hor istaagin.

Markuu intaa maqlay taksiilihii ayuu tagsigii kabooday isagoo raadsanaya biyuu kuweyseysto iyo salaadii subax.


Markuu salaadii soo dhameeyey ayuu usoo kacay dhankii tagsigiisii isagoo dhimasho isku diyaarinaya oo leh naftaa lagaa qaadi doonaa, mise tagsiba maleh, labadi odaygina maleh, ileen tuugay ahaayeene.
kkkkkkkkk

Salaama.
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA