SUPPORT WEBSITE

Monday, February 1, 2016

Sheeko Yaab badan: adiguna lugo ii noqo anigana waxaan kuu noqonaa indho.

Qayaanada waa wax xun, somalida waxey ku mahmaahdaa: "God dheer ha qodin, hadii aad qodana ha dheereyn ku dhici doontaa ma ogide"

Beri baa waxaa jiray labo nin oo midna idho la yahay midna 
lugo la yahay waxaa looga guuray mid walba xero, kadib waxaa dhacday
kii indhaha la'aa suu mar walba geed ugu dhacaayay ayaa waxuu u yimid 
kii curyaanka ahaa meel u dhaw, kadibna waxaa arkay kii curyaanka ahaa ee indhaha qabay.
markaasuu u yeeray kii indhaha la'aa. markuu maqlay codkii ayuu dhahay "aniga waxba uma jeedo ee aan kuu imaadee
i hag". Kadibna siduu u hagaayay ayey isku yimaadeen.

kii curyaanka ahaa ayaa waxuu yiri

"War adiguna lugo ii noqo anigana waxaan kuu noqonaa indho". Kadibna sidii ayeey isku soo raaceen waxeey yimaadeen meel xero ah
oo saakay reer ka guuray, waxeeyna ugu yimaadeen hal geel oo baqtiday iyo dabshidan kadibana kii curyaanka ahaa ayaa waxuu yiri
"War waxaan imaaney meel saakay laga guuray oo hal baqtiday taalo iyo dab shidan maxaan sameeynaa?". 
Kadibna kii indhaha la'aa waxuu yiri "Hasha hilibkeeda inoo kari waan cuneeynaaye". 
Kadibna kii curyaanka ahaa ayaa ka soo dagtay kii dhabarkiisa waxuuna kariyay hilibkii. 

Walaalayaal Qiyaano ma fiicnee, kii curyaanka ahaa kaligiis ayaa cunay hilibkii 
miskiinkii indhaha la'aana waxuu dhahay "War maa wax i siisid gaajo ayaan la dhiman rabaaye". Markaas kii curyaanka ahaa waxuu arkay mas
ku soo socdo meesheey fadhiyeen markaa ayuu soo qabtay oo dabka ku riday waxuuna dhahay "Hoo cun waa hasha malawadkeedee".

Kii indhaha la'aana wuu cunay maskii kadibna waxeey u soo dhawaadeen magaalo markaasuu kii curyaanka ahaa waxuu ku dhahay "Idhig inta aan ku nasaneeeeee''.
"Haye" ayuu dhahay indhoolkii. Kadib Curyaankii waxuu arkay wado uu yaqaanay oo magaalada geeyneeysey, wuuna ka dhuuntay ninkii indhaha la,aa oo siduu u soo xamaaranaayay ayuu 
yimaaday magaaladii u dhaweeyd.

miskiinkii indhaha la aana siduu u sugaayay, ayuu markii danbe geed iska fuulay. kadibna waxaa dhacay gabalkii. Siduu geedka u saarnaa ayaa waxaa ku soo shiray geedka uu saarnaa hoostiisa waraabayaal(dhurwaa), waxeeyna ka hadleen nin boqor ah oo magaalada dagan oo indhaha la' oo gabar ma dhasho ah qabo kadibna kii camoolaha ahaa 
waxuu dhageeystay hadalkii waraabayaasha oo ahaa "war boqorka idhaha la' haduu geedkaan aan hoos joogno caleentiisa laatumo oo indhaha loo mariyo waxbuu arki lahaa laakiin mayaaqaano teedakale gabadhiisana xididka geedkaan dhexda loogu xiro wax beey dhali laheeyd.
teda kale gurigiisa agtiisana waxaa ku duugan dahab mana oga" Kii warkii markuu maqlay ayuu caleentii geedka ruugay waxaana u soo laabtay 
aragiisii kadibna waxuu tagay magaaladii waxuuna u imaaday boqorkii uu ku dhahay aniga ayaa ku daaweeynaayo caleentii ayuu utumay indhahana wuu u mariyay 
sidii ayuu boqorkiina wax ku arkay gabadhiisiina xididkii geedka ayuu dhexda ugu xiray  sidii ayeey ilmo ku dhashay.

kii curyaanka ahaana nabsigii ayaa ka soo baxay, maalin maalmaha ka mid ah ayaa  kii camoolka ahaa  soo tuugsaday markaas ayuu ku dhahay war "heedheeeeeee adiga hada kahor nin indho la ma is aragteen?" 
"haaaaaa" kulahaa oo waxaan ka galay nabsi, waa aniga qofkaas indhaha la,aa ee aad nabsiga ka gashay ayuu ku dhahay ee waxii aad i siisay markii aan gaajeysaa, maxeey ahaayeen, waxeey ahaayeen mas ayuu ku dhahay ee waxaad isku daaweeysay ii sheeg anigana waa ku daawoobayaaye kadibna wuu u sheegay geedkii oo waraabayaasha ku shiraayay waana tagay curyaankii waxuu fuulay geedkii waxaana imaaday waraabayaashii waxeeyna is weey diiyeen yaa sheekay warkii. mid kasto waxuu dhahay aniga masheegin

kadibna waxuu dhahay mid waraabayaashii ka mid ah ayaa geedkii kor u fiiriyay mise waxaa saaran ninkii camoolaha ahaa kadibna waraabayaashi kale ayuu usheegay, geedkii ayeey xididada u jaren kii curyaanka ahaa sidaas ayeey ku cuneen.

waa sheeko yaab leh qayaano mafiicno waligaa hasameeyn

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA