SUPPORT WEBSITE

Sunday, January 31, 2016

Sheeko Qosol badan oo dhexmartay wiil iyo aabahiis kkkkkk

Duqa safar buu ku maqnaa, Wiil uu dhalay buu telephone usoo diray oo ku yiri eeraborka iga soo doon, Markuu duqii ka soo dagay eeraboorka ayuu arkay wiilkiisii yaraa oo sugaya, markaasuu weydiiyey aabihi si dhakhso ah 'See aheed noloshu intaan maqnaa?' 'Wax dhiba maa dhacay oo idinku yimid?' Wiilkiisii baa ugu jawaabay 'Maya aabbe wax walba waa dhag-dhag!!' isagoo hadalkiisi sii wato ayuu ku daray 'Waxaan sidaa u weyneeyn baa dhacay, iskoobihii ayaa jabay' duqii ayaa ugu jawaabay isagoo ilka caddeenaaya 'Wax weyn ma,aha laakiin, see u jabay iskoobaha?' Cunuggii baa ku jawaabay 'Waa ogtahay aabbe maahoo markuu sacu wax ku kufo oo ku dhaco inay jabayaan. Duqiiyoo yaabbanaa ku jawaabay

'Sacii ! ma waxaa u jeeddaa saceennii qaaliga ahaa?' Cunuggiiyaa ku jawaabay "Haa, Haa,. Sacoo la cararaya baqdin baa ku joogsatay iskoobbaha markaasay ku kor dhacday iskoobbihii saasuuna ku jajabay iskoobbihii. Duqiiyaa ku jawaabay 'saciina, wax ma gaareen?' wiilkii baa ku jawaabay 'Waa bakhtiday'. Duqiibaa qeeylo qabsaday 'Dhimatay aaa .!!!' Wiilkii baa ku jawaabay 'Haa aabe, Waxay ka cararaysay dab'. Duqiibaa yiri 'Dab aa!! Dabkee?'. Wiilkii baa ugu jawaabay 'Gurigeennii waa gubtay'. Duqiibaa dhahay 'Yaa .....!!!! Gurigeenni waa gubtay aa... See u gubtay gurigu?'. Wiilkii baa yiri 'Walaalkeey Allaha u naxariisatee'. Duqiiyaa ka soo dhex galay oo ka jaray hadalkii 'Walaalkaa ma dhintay?' Wiilkii baa yiri

'Haa !!!! Sigaarow ku cabaayey inta seexduu darintii ugaga dhacay,markaasuu gubtay gurigii walaalkayna markaasuu ku dhinta guriga dhexdiisa' Duqiiyaa dhahay oo weydiiyey isagoo derbiga cuskanaya.... 'Goormuu walaalkaa sigaarka cabbi jiray?' Wiilkii baa dhahay 'Waxaw sigaarka u bartay si'uu u hilmaamo dhibtii intaad maqneed soo martay' Duqiiyaa la soo booday 'Dhibtaasi maxay ahayd?' Canuggii baa ku jawaabay 'Wuxuu ka xumaaday geeridii hooyaday!!!'... Duqiiyoo yaaban oo indhaha taagaayo kkkkk baa  weydiiyey 'Habartaa maxaa ku dhacay?' Canuggiiyaa ku jawaabay 'Waa dhimatay' kkkkk

3 comments:

  1. Waligeey saan uqoslay uma qoslin runtii

    ReplyDelete
  2. this side is very use full https://sites.google.com/view/xyyt

    ReplyDelete

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA