SUPPORT WEBSITE

Sunday, January 31, 2016

Qiso Xikmad badan: Shiikhow ninkeyga ii sixir si uu ii jeclaado oo naagkale u jeclaan.

Gabadh baa waxay u timi Nin Culimo ah magaalo uu joogay, iyadoo u malaynaysa inuu saaxir yahay waxa ayna ka dalbatay in uu u sameeyo sixir uu ninkeedu ku jeclaado si uu san u arag naag kale oo adduunka ku nool .
Wadaadkii baa gabadhii ku yiri waxa aad doonaysaa wax sahlan maahee diyaar miyaad u tahay in aad kasoo baxdo wax walba oo dhiba oo loo maraayo waxay tidhi haa .... 


wuxuu yidhi arrinkaagu kuuma suuro gelaayo in aad libaax qoortiis tin kasoo goyso maahee waxay tidhi libaax aa...?!!! wadaadkii haah ayuu ku dhahay ::!! gabadhii way baxday oo duurka ayay gashay si ay libaax tin uga soo gooyso ilaa dhib badan ay ka martay .. waxaa kaloo ooy dareentay libaaxaan ilaa uu dhergo in aan loo dhowaan karin waxay bilowday sidii ay u dherjin lahayd kadib way ku guulaysatay in libaaxii ay dul tagto oo madaxa u salaaxdo tintiina kasoo goyso.


 kadib iyadoo faraxsan ayay usoo orodday ninkii sheikha ahaa balse ay u malaynayso inuu saaxir yahay waxayna u keentay Tintii ay libaaxa kasoo goysay...!!! wadaadkii baa su'aalay qaabkii ay u heshay tintaan ?? markaasay ka faallootay oo u sharaxday intii dhib ay u martay intay usoo samirtay ba' iyo hooggii ka raacay iyo qaabkii ay ugu guulaysatay qalbiga Libaaxa !! Halkay wadaadkii sixir ka sugaysay ayuu ugu jawaabay ... Jawaab Fudud xikmad leh wuxuuna Ku yidhi Addoontii Allaay :?! Ninkaagu Libaaxaas Kama dhib badna !!!! U samee Intaad Libaaxa u samaysay oo kale Adduunka Cidna Kuguma Doorsanayee ?!!!

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA