SUPPORT WEBSITE

Tuesday, November 8, 2016

QISO MACAAN OO DHEXMARTAY WIIL TAAJIR AHAA IYO GABAR JAARIYAD(SHAQAALE) AHAYD.

Wiil ayaa hooyadii intuu labada dhaban iyo dhafoorka ka dhunkaday ku seexday dhabteeda, markaas ayuu hooyadiis sua'aal waydiiyey oo ku yidhi "Hooyo adduunkaan ma saaran yahay aadame hooyo booskeeda geli kara".... Hooyadiis waxay ahayd islaan Rabbi swtc ku mannaystay caqli, waxay ugu jawaabtay.."Maandhow haa waa jiraa ruux aadama ah oo geli kara booska hooyo, waxaase ayaan iyo nasiib leh ruuxii hela... Isagoo aad ula yaabay ayuu ugu jawaab ceshay... Hooyo Diin ahaan iyo garasho aadami ahaanba ma dhici karto in hooyo booskeeda cidi bedeli karto... Intay u dhoola caddaysay ayeey ku tiri... Maandhow diinta ayaadan sifiican uga dheregsanayn, dhaqanka aadamahana waadan hoos u eegin, ee ka shaqaysii caqligaaga oo garo ruuxaas, haatanna waan seexane, Idanka Allah waa inoo markale.... Wuxuu ugu jawaabay hooyo if iyo aakhiraba waligaa ha ciilmudan, waan fahmay oo gartay hadalkaaga... Wiilku wuxuu ahaa nin Allah swtc maal iyo caqliba hibo usiiyey, hdalkii hooyadiis waa ku duxay oo si dhab ah u dareemay qalbi iyo maskax ahaanba....

Wiilkii Dhulkii laga yaqannay ayuu ka socdaalay, wuxuuna gaaray magaalo aad u wayn oo qarin karta. laba habeen markuu joogay ayuu wuxuu arkay qoys gabdho aad u qurux badan dhalay... Maalintii danbe ayuu soo aaday qoyskii gabdhaha qurxooni ku noolaayeen, wuxuu u yimi odaygii iyo xaajiyaddii qoyska oo waydiistay shaqo inay siiyaan isagoo ugu dan sheegtay inaanu magaalada cidna ka aqoon oo aanu doonayn inuu wax baryo ama tuug noqdo... Odaygii ayaa ku yiri... Maandhoow nin fiican baad tahay, nasiib xumo shaqooyinka wan wanaagsan waa buuxaan ee raali maka tahay inaad guriga ka shaqayso... Wuxuu ugu jawaabay haa adeer raali ayaan ka ahay...

Saddex maalmood markuu gurigii joogay oo uu ka shaqaynayey ayuu wuxuu arkay gabar jaariyad ahayd oo keligeed meel fadhida oo ooyaysa... Dhankeeda ayuu usoo dhaqaaqay, markay maqashay sharqanta ayeey indhaheeda ka tirtirtay ilmadii ka dareeraysay... Meel u dhow ayuu soo fariistay markaas ayuu ku yiri... Heblaay walaal gacaliso maxaad la ooyaysay oo ku helay... Qosol dhoolla caddayn is adkayni ku jirto, intay iska baartay ayeey ku tiri... Walaal gacaliye maan ooynayn ee meesha waan ku layrsanayey, ee maxaad ugu malaysay inaan ooyayey... Wuxuu ku yiri... Sharaf iyo qiima badaneey, ma ahi nin garan waayey ruux murugaysan, hadaanse jawaabta kugu ixtiraamo, madaxa aad kor u haysay oo aad samada eegaysay ayaa iigu filan inaan ku garto murugadaas ku haysay ee aad qalbigaaga Allah swtc ka baryeeysay inuu murugada kaa saaro, ee fadlan anba shaqaale kula mid ah baan ahee iisheeg oo sidaan jawaabta kuugu ixtiraamay adna ii qadari...

Waxay ku tiri... Waxaan ahay agoon iyo rajo, hooyaday markaan ifka usoo baxay ayeey umushii ku dhimatay, aabahayna anigoon sannad gaarin ayuu dhintay... Aabahay wuxuu qabay islaan kale oo aan waxba u dhalin, markuu aabahay dhintay ayaa islaantaasi cadaab adduun hadday jirto i dhandhansiisay, garaac, hiif, habaar anigoon waxba dhimin ayeey habeen habeen geed quraanjo miirana oo cidla ah igu xiri jirtay ... Shan iyo toban sano ayaan ku jiray rafaad iyo silic aan laga sheekayn karin... Maalintii danbe anigoo arigii la jooga ayaan go'aan saday inaanan gurigaa ku noqon... Waxaan soo lugaynayey sideed caano maal, markii danbe ayaa anigoo naf ah waxaan soo fariistay gurigaan aan joogno gidaarkiisa, odayga reerka oo magaalada ka yimi ayaa i arkay markuu baabuurkiisu albaabka soo istaagay... Waa oday naxariis badan guriga ayuu isoo geshay waxaan cuno iyo cababa isiiyey qolka aan deganahayna ii dhigay firaash oo igu yiri... Halkaan ku naso caawa markaad nafistid ayaan ku waraysan... Markaan u waramay ayuu shaqadaan isiisyey iina ballan qaaday inaanan mardanbe ku noqon doonin aayaday... Odaygu aad ayuu reer kiisa u jecel yahay xaajiyadda reerkuse kama shiiqiso aayaday ee waxay ka gabataa odayga oo ka baqdaa inuu arko bahdilka ay igu hayso... Aniguna ma doonayo odaygaas i tusay naxariis aanan waligay arag, inaan gurigiisa u noqdo fidmo kala kaxaysa ama ka dhex dhalisa qaylo aan damin...
Wiilkii oo qalbigiisa waxa dhex mushaaxayey Allah og yahay ayaa ku yiri... Bes walaaleey gacaliso intaas jawaab ahaan iigu filan... Waxaadse qalbiga u sheegtaa Ruux Dulman inaan Allah swtc ku eegan Dulmigaas ee Samir iyo Salaadda wehel ka dhigo, raaxo iyo nolol wanaagsan hadday jirto oo aad haysid daacadda Allah mar uun Allah swtc waa ku dhex dabaalsiin... Sidaad ogtahay adduunkaan waa wada amaarado iyo imtixaan, waxaase liibaana ruuxa imtixaakaasi markuu ku yimaada u adkaysta daacadda Allahna aan ka tegin kana quusan Naxariista Allah swtc... Hadalkaas markuu ku yiri ayuu ka dhaqaaqay oo shaqadiisii uu watay halkeedii kasii watay....

Dhowr maalmood ka bacdi iyadoo ay tahay maalin jimcaha galabnimadeedii ayaa reerka oo dhan waxay soo wada fariisteen kuraas dayrkii waynaa ee guriga talay... Odaygii ayaa shekadaas kasoo qayb geliyey shaqaalihii guriga oo ahaa saddex qof laba gabdhood iyo wiilkii... Odayga iyo xaajiyadiisu waxay kala fariisteen laba kursi oo kala durugsan waxaana u dhaxaysay caruurtooda oo ahayd laba wiil iyo saddex gabdhood... Xoogaa markii sheeko hallaasi ah la isku tuurtuuray, ayaa wiilkii taajirka ahaa ee reerka u shaqaynayey, odaygii ka codsaday inuu usoo istaago oo uu arin usheegto, haddaanay dhib ku ahayn... Odaygii ayaa yiri... Maandhoow dhib igumaha aha istaagana waaban u baahnaa... Markay xoogaa ka durkeen miiskii oo ay gaareen meel dadkii ka qorson, ayuu wiilkii odaygii kusoo jeensaday intuu istaagay oo ku yiri... Adeer ma taqaan nin AUN la oran jiray hebel hebel hebel... Odaygii ayaa ugu jawaabay ma nin la aqoon waayaa, isaga iyo aabihiisba, waxay ahaayeen duul Allah swtc maal iyo wanaagba ku mannaystay oo aad ugu naxariis badan dadka taagta daran, anigaan kula hadlaya ee aad shaqaalaha u tahay aabbahay waxaa gacan qabtay ninka aad i waydiinaysid aabihiis... Odaygii oo ilin indhihiisa soo fuushay ayaa hadalkii sii raacshay... Maandhoow dhimashadii ninkaad i waydiisay meeshii i dalooshantay ayaa wali i daloosha, maandhoow maxaad maanta ii xasuusisay... Wiilkii ayaa ku yiri adeer waxaan ahay wiilkiisii ee fadlan hay ka shifin halkaanna waxaa i keenay hadal hooyaday i tiri inaan helo jawaabtiisa... Waxaan kaloo kaa codsanayaa inaad ii ogolaato inaan gabadhahaas miiskaas wada fadhiya aan suaalo dhex dhigo... Odaygii ayaa is hayn waayey oo isku duubay wiilkii canaanna u raacshay, aqbalayna codsigiisii....

Waxaa lagusoo noqday miiskii la wada fadhiyey, daacatad yar markii faqoodii lagu tuuray ayaa wiilkii inntuu qoslay yiri... Su'aalo ayaan idiin hayaa aan isku maaweelinno... Markii laga aqbalay ayuu wuxuu waydiiyey... Gabdhoow haddii ruux maal adduun Allah ku mannaystay gacantaada soo galo maxaad u samayn lahayd, ama aad jeclaan lahaydeen inaad adiga iyo ninkaasi samaysaan... Afar gabdhood ayaa jawaabahoodu isu dhowaayeen oo dhammaantood hadalkoodu ku salaysnaa daawasho qurux adduun... Jaariyaddii rajada iyo agoonta ahayd iyadu ma hadlin... Odaygii guriga oo aad u jeclaa jaariyaddaas ayaa ku yiri ka jawaab hadalna hakasoo celin...

Waxay ku jawaabtay... Anigu qalbigayga ayaan ogahay, qalbigayguna wuxuu jecel yahay markaan murugays nahay ruuxaan dhabtiisa barkado... Markaan hiil u baahanahay ruux dhankayga taagan... Markaan xanuun sanahay ruux aan agtayda ka tegin oo xanuunka ila wadaaga... Haddaan helo Ruux aan la qaybsado naftaan... Intaas ayaan samayn lahaa... Markuu murugaysan yahay dhabtaaydaan barkin uga dhigi lahaa oo madaxa u salaaxi lahaa una sheegi lahaa inuu samro dhibtaas haysatana Allah u bandhigto... Markuu Hiil u baahan yahay wixii dhib kuwada ayaan gacan kasiin lahaa hadduu isagu dhibta wadana ka joog ayaan dhihi lahaa... Markuu xanuunsadana hurdo sidaan u ledi lahaa ma aqaan waxaanse qiyaasayaa inaanay hurdo iga timaadeen...

Odaygii iyo wiilkii ayaa dareenkoodii is bedeley indhahoodii guduud noqdeen... Odaygu wuxuu waayey ayuu maqlay oo uu waligii u baahnaa, waxaa intaas usii dheerayd siduu gabadhaas u jeclaa oo uga jeclaa kuwuu isagu dhalay... Wiilkii Jawaabtii hooyadiis ayaa indhisiisa iyo dhegihiisuba arkeen oo maqleen... Wiilkii fadhigii ayuu ka kacay oo meel xoogaa durusa intuu tegey Allah beryey inuu u sakhiro inuu gabadhaas helo oo aan caqabadi ka hor imaan...

Markuu Allah baryadiisa soo dhammaystay ayuu ku yiri gabadhii jiiriyadda ahayd... Waad i aragtaa oo isku meel ayaan ka shaqaynaa, ayaamo aqoon kuugu filan waan wada joognay oo isku meel ayaan ka shaqaynayn... Ee Fadlan waxaan kaa cod sanayaa inaad oqoto ~Hooyaday marna ah Caruurtayda Hooyadood haddii Allah swtc ubad inoo qadaro... Intay farxad la dhoolla caddaysay ayeey tiri... Waad igala raagtay, maalintaad agtayda soo fariisanaysay ee aan cirka eegayey, ducadaan Allah swtc ka baryey ayaa waxaa ka mid ahayd inaan noqdo xaaskaaga, markaas ayeey u raacisay Haa Walaal waa rabaa oo qaliba qalbi iyo niyad ahaanba ku faraxsanahay....

Odaygii oo adkaysan waayey farxad iyo adduun isku wada malaasan ayaa yiri... Maandheey Allah swtc aniga iyo waalidkay Jannada inaan isku aragno iigu ducee waxaad kaloo iigu ducaysaa Samir iyo Salaadda inaan miciinsado oo aan layga soo dhex gelin... Waxaadna ku bishaaraysataa in Allah swtc aqbalay waxaad ku ducaysatay oo dhan, oo wiilkaan qalbigaagu jeclaaday isaguna dartaa maanta u ilmaynayaa yahay... Ruuxa ugu taajirsan Waddankaan aan joogno, Soddohadaana tahay ruux la idin kala jeexay oo dabcigaaga oo kale leh....

Haddaba dadoow waxaad Ogaataan Daacadda Allah swtc ee Ku Salaysan... Kaalmaysiga Samirka Iyo Salaadda in lagu gaaro barwaaqo aan gurin aakhiro iyo adduunba... Hooyana ay bedeli karto Xaaska wanaagsan oo ay geli karto booska hooyadaa...Dhamaad 

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA