SUPPORT WEBSITE

Sunday, November 6, 2016

Qiso xanuun badan: Intaadan falin ka fiirso, waxuu yiri: Xaaskeyga baan dilay kadib markii aan.....

Lamaanahani waxay is qabeen muddo 10 gu ah (Sanadood) welisa ubad ma aysan kala helin. Waxay rajaynayeen in ay ka hor sanadguurada 11aad ee arooskooda inay heli doonaan ilmo. Asxaab iyo ehelba waxay mar waliba isku dayi jireen inay kala furan laakiin iyagu ma rabin inay kala taagaan waayo si aad ah ayay isu jeclaayeen. Bilo ayaa gudbay.

Maalin ninka oo kasoo noqday shaqada kunasii jeeda gurigiisa ayuu arkay xaaskiisa oo nin la socdo. Waxay u muuqdeen kuwo faraxsan. Todobaad (asbuuc) kadib wuxuu markale ku arkay xaaskiisa oo isla ninkii la socota. Marar badan ayuu arkay hadana iyagoo wada socda, aad isula faraxsan oo marmarka qaarkood laabta is galinaya.

Habeen isaga oo guriga ku socda ayuu arkay xaaskiisa oo markaa dhunkatay ninkii si ay u macasalaamayso. Aadbuu u murugooday. Waxa uu aad uga xanaaqay waxa uu arko.
Maalin mashquul iyo hawlo badnayd kadib guriga ayuu kusoo noqday. Isaga oo galaas uu rabo inuu biyo ku cabo sita ayaa waxaa soo dhacay telefoonka guriga. Markii uu qabtay wuxuu maqlay codka “ Qaali, waxaan imaanayaa guriga caawa si aan isu aragno maadaama aan kuu balanqaaday”.

Intaanu wax kale maqal ayuu dhigay telefoonkii. Aad buu u fekeray. “ waa cod nin, waan hubaa kii aan ku arkay isagoo la socda xaaskayga” ayuu naftiisa kula sheekaystay. Wuxuu arkay isaga oo waayey xaaskiisi. Galaaskii ayaa dhulka kaga dhacay, kadiba gabal gabal u kala jabay. Xaaskiisa oo maqashay sanqadhii galaaska jabay ayaa u timi kadibna waydiisay “ Xaaladdu caadi ma tahay?
Cadho darteed, waxa uu riixay xaaskiisa kadib way dhacday, wax nuuxsiyana waa laga waayey. Ilbidhiqsiyo kadib wuxuu ogaaday inay ku duldhacday quraaradihii jajabay ee galaaska. Waxaa gashay dhalo wayn. Wuu fiir fiiriyey, ma neefsanayo, alla wadnaheeduna ma garaacmayo. Way dhimatay.

Gacanteeda ayuu ku arkay baqshad warqadeed, wuu furay oo akhriyey waxaanay u qornayd sidan
Seygeygii aan jeclaayow, ereyo kuma qeexi karo farxadda aan dareemayo ee aan rabo inaan halkan ku qoro. Waxan awoodi kari waayey sidaan farxada kuugu sheegi lahaa waxan go.aansaday in aan warqad kugu qoro so ay xusus reeb inoogu noqoto. Waxaan la kulmay dhakhtar todobaad ka hor, waxaanay jeclaystay inaan hubiyo intaanan kuu sheegin warkan khaaska.

Dhakhtarku wuxuu ii sheegay in aan leeyahay uur 5 bilood ah. Dhakhtarka aan la kulmay waa walaalkaygii aan kala lunnay. Wuxuu ii balan qaaday inuu daryeel dheeraada siin dooni aniga iyo ilmahaba si bilaash ah.
Wuxuu ii balanqaaday inuu caawa inala cashayn doono. Waxaan warqadan u qoray farxadda aan dareemayo awgeed. Aadbaad ugu mahadsan tahay sidaad ii garab taagan tahay.
Xaaskaagi ku jeclayd”


Wuu argagaxay, warqaddii ayaa ka dhacday. Markiiba waxa uu maqlay sanqadha albaabka oo la garaacayo. Waaba ninkii xaaskiisa la socday. Wuu soo galay. Markiiba waxa indhihiisu qabteen walaashii oo balli dhiig ah dhex jiifta. Hospital ayuu ula cararay halkaasoo lagu xaqiijiyey inay geeriyootay.
Nuxurka:
Ma aha inaan go’aamo degdeg ah u qaadano xaaladaha qaar. Xidhiidhka qoyseed waxa uu u baahan yahay taxadar dheeraad. Xaqiijin iyo wax is waydiini waa lagama maarmaan. Ma aha in cadhadeenu inaga awood badato ilaa ay ina geyaysiiso cawaaqib xumo weyn.

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA