SUPPORT WEBSITE

Sunday, December 20, 2020

MADAXWEYNE FARMAAJO OO CIIDANKA BOOLISKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYEY SANAD GUURADA 77-AAD EE

MADAXWEYNE FARMAAJO OO CIIDANKA BOOLISKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYEY SANAD GUURADA 77-AAD EE 

MADAXWEYNE FARMAAJO OO CIIDANKA BOOLISKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYEY SANAD GUURADA 77-AAD EE

Muqdisho, Diseembar 20, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Sarreeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil-xigeennada, Aliflayda, Dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska iyo qoysaskooda 77-guurada kasoo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay naftooda u huraan xaqiijinta amniga iyo xasilloonida dalka si Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay nabad ugu noolaadaan dalkooda.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waa Astaan qaran iyo midnimo, waxa ayna u taagan yihiin xaqiijinta amniga dalka si dadkeennu ay nabad iyo xasillooni ugu noolaadaan, sidaas awgeed waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay ku garab istaagan gudashada waajibaadkooda qaran”

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay qorsheyaasha dowladdu ay ku xoojinayso ciidamada, kor u qaadidda tababarradooda, joogteynta iyo kordhinta mushaarkooda, iyada oo la hirgeliyey hannaan askari kasta uu si toos ah ugu helaayo xuquuqdiisa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey Saraakiisha iyo guud ahaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed doorkooda ku aaddan ka miro-dhalinta qorsheyaasha muga weyn ee dib-u-dhiska iyo xaqiijinta amniga dalka.


Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;


Cabdirashiid Maxamed Xaashi,

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: media@presidency.gov.so

Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/

Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/

Twitter: @TheVillaSomalia

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA