SUPPORT WEBSITE

Tuesday, November 12, 2013

Qiso cajiib ah.ALLOOW JISMIGEENA NAARTA KA BAD-BAADI, YAA RABBI

7:06 PM 0
Qiso cajiib ah.ALLOOW JISMIGEENA NAARTA KA BAD-BAADI, YAA RABBI
QISO CAJIIB AH.

Nin Dadkii Saalixiinta ka mid ahaa ayaa wuxuu yiri:- Waxaan soo galay Masar waxaan arkay Nin Biraha ka Shaqeysta (Birtume) isagoo Birta Dabka ugu soo Bixinaayo Gacantiisa, Birtii oo Guduudan Gacantiisa ku Gedgedinaayo isago...
o aanan ku Gubanayin.
waxaan is iri Ninkaanu waa Owliyo oo Dabka kuma Gubanaayo, ka dib waan u Dhawaaday waana Salaamay oo waxaan ku iri:- Walaalkeygiyoow Allihii kugu Maneysantay Karaamadaan ayaan kugu dhaarshee ii Ducee. markaas ayuu Ooyey, wuxuuna igu yiri:- Walaaloow sida aad Imoodday ma ihi. Kolkaas ayana ku iri:-Walaaloow waxaan aad Samanayso Qof aanan Owliyo ahayn ma Samayn karo,. wuxuuna yiri:- Arrintaan waxay ku Timid Sheeko Yaab badan hadaad Rabto inaan kaaga Sheekeeyana waan kaaga Sheekeyn. ka dib ayana ka Codsaday inuu Iiga sheekeeyo Sheekadaas, wuxuuna Halakiisa ku Bilaabay:- Maalin maalmaha ka mid ah waxaan Dhex Fadhiyey Dukaankaan waxaana ahaa Nin Firfircoon oo Bulsho ah, waxaa ii Timid Naag aanan weli Arkin Naag iyada ka Qurux badan, waxayna igu tiri:-

Wednesday, October 23, 2013

QISO GAABAN OO CAJIIB AH.ILAAHOOW NAXARIISTAADA NA SII, YAA RABBI

3:20 AM 139
QISO CAJIIB AH.

Nin Reer Miyi ah ayaa Maraayay Meel Buur Agteeda ah, Waxuu arkay Nin Waayeel ah oo Buurta Agteeda Fadhiya, wuuna Indho la’aa, waxaana Ninka Jirkiisa ka Muuqday inuu Qabo Cuduro aad u badan. Waxay u Ekayd in Odaygu aanu sii Noolaan doonin. Qaybo Jirkiisa ka mid ah Dareen ma lahayn, sidaa darteed, Hal Dhinac oo Keliya ayuu u Fariisan karay. Marka Ninkii Reer Miyiga ahaa uu Odayga in yar Gudbau (Dhaafay), ayuu Maqlay Odaygii Maskiinka ahaa oo leh: Ilaah ayaa Mahad leh, Allahii iga Badbaadiyey Cuduro badan oo uu Dadkiisa ku Imtixaamay, Runtiina Alle wuxuu iga Doortay qaar badan oo ka mid ah kuwa uu Abuuray.


Ninkii Reer Miyiga ahaa ayaa ku soo noqday Odaygii, wuxuuna ku yiri:- Walaal, ma wax Alle kaa Badbaadiyay ayaa jirta? Ilaah ayaan ku Dhaartaye Cudur Jirkaaga ka Maqan ma jiro, ee Bal Ilaah ka Bari (Tuug) inuu ku Caafiyo.

Odaygii ayaa Isagoo Dhinac isku Tiirinaayo Ninkii ugu jawaabay:- Walaal, Haddaan heysto Af iyo Carab aan Ilaah ku Xuso, iyo Qalbi aan Ilaaheey ku Xiriiro, maxaa kaloo iga Maqan, Nolosha Qiimaheeda waaba intaas, intaasba Dad aan heysan ayaa Jiro.

Erayadaan ayaa Badalay Ninkii Reer Miyiga ahaa, oo ahaa Nin aan Diinta ku Fiicnayn, Ilaah SW, ayuu u Towbad keenay, oo Dembi Dhaaf Weydiistay, mudadaas ka dibna waxuu ahaa mid Alle ku Xiran.


Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW NAXARIISTAADA NA SII, YAA RABBI.

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:

WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

Monday, October 14, 2013

SHEEKO XIKMAD BADAN: WIIL IYO AABAHIIS

1:15 AM 0
SHEEKO XIKMAD BADAN:
WIIL IYO AABAHIIS

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa aabo lagac leh wiilkiisa yaraa u wadey safar, si uu u soo barto wiilkisa nolosha faqiirtinimada ah.

Waxey waqti la qaateen oo marti u ahaayeen qoys iska beeraleey ah oo faqiiriin ah.
Mudo bil ah kadib ayaa ayaa odeygii wiilkiisa weydiiyey : “aabe sidee u aragtaa noloshaan maxaasa ka baratey??”

Wiilkii yaraa baa yiri:


“1-gurigeena waxaa ku taalo meel lagu dabaasho, laakiin iyaga waxee heestaan wabi weyn oo ay ku dabaashaan.

2-anaga waxaa ifsanaaa nal(laambat), laakiin iyaga waxey heestaan xidigo habeenkii oo ay ifsadaan

3- anaga cuntada waan gadanaa, laakiin iyaga way beertaan oo way soo saartaan

4-gurigeena darbiyo badan ayuu leeyahey oo naga ilaaliya dhibka, laakiin iyaga saaxiibo badan ayeey leeyahiin oo dhibka ka ilaaliya

5- waqtigeena waxaan ku dhuminaa daawashada TV, laakiin iyaga waxey waqtigooda la qaataan qoyskooda”

Kadib waxuu intaas ku darey wiilkii yaraa: “Aabo waad ku mahadsantahey sidaa ii tustey inaan anaga nahey faqiiriin.”


CASHARKA LAGA QADANAAYO SHEEKADA:
Taajirnimada ma ahan lacagta kaliya, ee waxaa taajir ah qofka noloshiisa dhacsan kara kuna nool nolol raxmad EEBBE leh.

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:


WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

SHEEKH AAD U XIKMAD BADAN & WIIL SHEEKHA U TAGAY SI UU KALA TALIYO ARIN UU ISKA JOOJIN WAAYAY,

1:10 AM 0
SHEEKH AAD U XIKMAD BADAN & WIIL SHEEKHA U TAGAY SI UU KALA TALIYO ARIN UU ISKA JOOJIN WAAYAY,
SHEEKH AAD U XIKMAD BADAN & WIIL SHEEKHA U TAGAY SI UU KALA TALIYO ARIN UU ISKA JOOJIN WAAYAY,,

Nin dhalinyaro ah ayaa wuxuu u yimid nin sheikh ah. wuxuu ku yiri sheekhow waxaan iska goyn la'ahay arin aan dareemayo in aysan fiicnayn. marka aan suuqa dheex marayo waxaan fiiri fiiriyaa gabdhaha suuqa maraya anigoo marba mid isha la raaca. marar qaarna kamaba jeesan karo. sheikh ii sheeg maxaan sameeya si aan arrintaan naftayda uga reebo, ninkii sheekha ahaa ayaa wiilkii u dhiibay galas caano ah oo buuxa. wuxuu u sheegay in uu geeyo meel markaas cabaar u jirtay balse la dheex marayo suuqa, wuxuu yiri galaaska yaysan ka daadan dhibic caano ah. sidoo kale wuxuu raaciyay wiil kale oo ul wata wuxuuna ku yiri garaac hadii ay dhibic caano ah ka daadato. ninkii dhalinyarada ahaa aya qaaday caanihii suuqa ayuu la sii dheex maray ilaa uGu danbeyn uu geeyay meeshii loo rabay. kadib sheekhii ayuu ku soo laabtay asagoo faraxsan una sheegay in uu ku guuleystay howshii loo diray. sheekhii ayaa waydiiyay sida ay

QISO CAJIIB AH OO DHEXMARTAY SICIID BINU MUSAYIB & ABUU WADAACA...

1:07 AM 0
QISO CAJIIB AH OO DHEXMARTAY SICIID BINU MUSAYIB & ABUU WADAACA...
GAARINIMADA I YO DAACADNIMAD “QISO CAJIIB AH OO DHEXMARTAY SICIID BINU MUSAYIB & ABUU WADAACA...

Qisadan soo socotaa waxa ay dhex martay Siciid Binu Musayib oo ka mid ahaa taabiciyiintii iyo abuu wadaaca.

Guurkii labada dirham

Siciid Binu Musayib oo ka mid ahaa taabiciyiintii(raggii asxaabta rasuulak arkay laakiin aan rasuulka naftiisa arag) ayaa waxa uu kitaab u akhriyi jiray dad badan maadaam uu aha sheikh caalim ku ah diinta islaamka.

Abuu wadaaca nin la odhan jiray baa ka mid ahaa xerta ardada ah ee shiikha culuunta kala duwan ka akhrisata,maalin maalmaha ka mid ah ayuu abuu wadaaca casharkii iyo masaajidkii aanu imanin.xanuun ku dhacay xaaskiisa awgii ayaanu u maqnaa.

Abuu wadaaca waxa uu ahaa nin sabool ah laakiin asluub,akhlaaq iyo diinba Alle(swt) uu siiyey,kuna dhaqma oo ku camal fala diinta.shanta salaadood masaajidka ayuu saful awal ka ahaa inta badan.

Siciid binu musayib kolkuu dhawr casho waayey abuu –wadaaca ayuu maalintii dambe yimid oo ka soo qayb galay sidii caadada u ahayd xalqadii waxbarashada ee masaajidka uga socotay.Siciid baa arkay abuu wadaaca kolkaasuu ku yidhi:

MARWALBA ALLAAH TALO SAARO. ***Sheeko Qalbiga Taabaneysa****

12:58 AM 0
MARWALBA ALLAAH TALO SAARO.
***Sheeko Qalbiga Taabaneysa****

Gabar ayaa habeen waxay ku soo daahday xaafada ay daganeyd gabar kale oo ay saaxiibo yihiin, kadib way soo baxday, intii ay wadada mareysay ayey cabsi dareentay maadaama ay wadada cildo aheyd, waxayna talo saaratay Allaah, wax yar kadib waxay aragtay nin geed horteeda ah ku gambanaya way naxday waxay Allah ka barisay inuu badbaadiyo ayadoo ducooyin badan afka ku heysa ayey si tartiib ah ninkii u ag martay, gurigeedii ayeyna si nabad ah ku tagtay.


Subixii ayey waxay maqashay in wadadii ay soo martay geedkii ninku ku jiray agtiisa lagu dilay gabar, xiliga uu dilka dhacay waa qadar 10 daqiiqo camal kadib markii ay meesha martay,

Waxay dareentay in ninka dilka geystay uu yahay kii ay soo agmareysay, si ay police-ka ugu sheegto ninka tilmaantiisa ayey aaday saldhiga.

kadib taliyihii saldhiga joogay ayaa u sheegay in

SHEEKO QALBIGA TAABANEYSA. Inta uu waalidkaa noolyahay ka duceyso, marka uu geeriyoodo shalayto waxba kuuma tareyso

12:47 AM 0
SHEEKO QALBIGA TAABANEYSA.

Wax badan waad aqrisay sheekooyin ku saabsan jaceylka Hooyo ilmeheeda u heyso, maanta waxaan idiin hayaa jaceylka Aabe iyo waxa uu ilmihiisa u huri karo.

Aabe Haaruun wuxuu ilmo dhan ka dhalay hal gabar oo 16 jir ah aad ayuu u jecel yahay gabadhiisa, xaaskiisa waxay geeriyootay gabadha yar oo hal sano jir ah, isaga ayaa gabadhiisa hooyo iyo aabe u ahaa, mana uusan guursan xaas kale.

Asma waxay dhigataa iskuul dugsi sare, waxay aad u dhibsatay aabeheed oo dhagool ah, maadaama marka ay ardayda qaar is qabtaan ku caayaan dhagoolnimada aabeheed.


Maalin ayey guriga ku soo laabatay iyadoo aad u careysan, aabeeheed Haaruun wuxuu u diyaariyay qado, markii uu u keenay way diiday inay qadeyso, Haaruun isagoo is leh tolow gabadha yari miyey xanuusan tahay ayuu u ishaaray madax isago weydiinayay; madaxa miyaa ku xanuunaya.

Asma yarey afka ayey furatay waxayna ku tiri aabeheed erayo aan u qalmin, oo ay ka mid yihiin:-
"Oday yahow dhagoolkaa maxaa aabe iiga kaa dhigay,
adiga ayaa nolosha igu dhibay,
mar walba dadka lama kaftami karo adiga daraadaa."

Oday Haaruun ma uusan fahmeyn hadalka gabadha balse wuxuu dareemayay inay isaga heysato oo ay u careysan tahay, wuxuuna isku dayay inuu gabadha yar dajiyo, balse nasiib daro ma aysan ka yeelin waxayna orod uga baxday guriga .

Iyadoo ordaysa ayey laamiga gashay iyadoon dhinacyada eegin, waxaana si xun ugu dhacay

Friday, October 11, 2013

SIRTA SHEYDAANKA: Qoraal faa'iido badan:

4:05 AM 0
SIRTA SHEYDAANKA:
Qoraal faa'iido badan:

sheydaanku waxuu kugu qalqaaliyaa inaad gashid ama sameesid danbi, kadib markaad danbiga sameesid waxuu isku dayaa hadana inuu kaa hor istaago inaad u toobad keento Rabbigaaga.
asigoo maskaxda kaaga furo buuq oo ku leh:

"war hedhe miyaadan xishooneenin oo Rabigaaga ka cabsaneen, shaley ayeey aheed markaa danbigaan oo kale ka toobad keeneesey, maantana waad ku noqotey, ma Rabbigaaga ayaad ku dheeleesaa IWM "


Hadaba markey xaalku sidaa yahey haka yeelin inaad yeesho warkiisa, si fiican u dhageeso Nabigaaga Mohammad SCW xadiith kiisa.

Nabiga SCW waxaa u yimid nin oo uu sheydaan aad u wareeriyey, kadibna was waas ku qabey toobada markaas buu yiri: "Rasuul allow waan danbaabaa?"
Rasuulka baa yiri: "Toobad keen!!". ninkii baa yiri: "Rasuul allow danbigii ayan ku hadnaa sameenayaa mar kale".
Rasuulka SCW ayaa yiri: "Toobad keen hadana"
Ninkii aya ayiri :"Rasuul allow ilaa goorma ??"

Rasuulka SCW ayaa yiri: "Illaa uu sheydaanka iska dhiibo oo aad ka guuleesato!!"

Walaal Ilaahey ma mooga inaa tahey insaan daciif ah oo mar walbo danbaabaya, sidaa darteed ayuu waxuu kuu furey Albaabada toobada waqti walbo. ee yaanu sheydaanku kaa hor istaagin inaad rabigaaga danbi dhaaf waydiisatid mar walboo qalad kaa dhaco!!

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:

WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

Thursday, October 3, 2013

QISO AAD U CAJIIB AH HA KA CAAJISIN FADLAN AQRINTEEDA AWEY DHALINYARADII !!

3:13 AM 0
QISO AAD U CAJIIB AH HA KA CAAJISIN FADLAN AQRINTEEDA
AWEY DHALINYARADII !!

Qasidan waxaa ka sheekeenaaya sheikh u dhashey wadamada carbeed, waxuuna uga sheekeeynayaa dad iskugu yimid meel barxad ah waxuuna ku bilaabey sida tan;

Waxaa jirey sheikh imam masaajid ahaa, caabud ahaa oo aad u da' waynaa, garkiisa iyo timihiisana cireesteen, habeen habeenada ka mid ah ayuu jamaacada muslimiinta ah waxuu tujiyey salada, kadib salaadii markii laga baxey oo uu gadaal soo eegey, ayii arkey masaajidkii oo camiran, laakin dadka soo buuxiyey masjidka kuligood waxey wada ahaayeen dad waa weyn, indhihiisana waxey qaban waayeen, hal qof oo dhalinyaro ah.

Kadib ayuu waxuu waydiiyey jamaacadii: “Aawey shabaabkeenii (dhalinyaradeenii) maxaa masaajidka u diidey?” dadkii baa yiri: “Shiikhow dhalin-yarada waxey joogaan meelaha kalaabka ah iyo meelaha waqtiga lagu lumiyo?”.
Shikhii ayaa yiri ”oo maxey ka qabanayaan. Oo ka faaiidayaan?”
Dadkii baa yiri: “shiikhow meesha waxaa laga helaa hablo qurxoon, qamri, music, IWM”

Shikhii aad buu u caroodey waxuuna yiri:

Wednesday, October 2, 2013

QAATUMADA WAANAGSAN: Sheeko cajiib ah

3:48 AM 0
QAATUMADA WAANAGSAN: Sheeko cajiib ah
QAATUMADA WAANAGSAN: Sheeko cajiib ah


Maalin maalmaha ka mid ah ayaa nin wadaad ah oo gaarigiisa wato waxuu wadada ku arkey wiil yar oo daba ordaayo gabar labisan, si uu ula hadlo ama u shukaansado, wadaadkii aadbuu u dhibsadey sida anshax xumada ah uu wiilku u foodeenaayo gabarta, markaas buu go'aansadey inuu u naxsteexeeyo wiilka.

kadib gaarigiisii ayuu ka soo dagey oo waxuu u yeerey, una nasteexeeyey wiilkii, asigoo soo xasuusiyey cabsida ilaahey iyo ciqaabta aakhiro jirta.


kadib wiilkii dhalinyarada ahaa aad buu u qalbi qashuucey, oo waxaa ka soo daadatey ilin asigoo leh : "Sheekhoow

Saturday, September 28, 2013

QISO CAJIIB AH OO KAA ILMEESIIN DOONTA Qisadan oo ah mid dhab ah oo dhacdey, waxaa ka sheekeenaayey Sh. Karim Abu zaid waxuuna ku bilaabey sida tan:

3:34 AM 0
QISO CAJIIB AH OO KAA ILMEESIIN DOONTA
Qisadan oo ah mid dhab ah oo dhacdey, waxaa ka sheekeenaayey Sh. Karim Abu zaid waxuuna ku bilaabey sida tan:

Nin iska shaqeeysta oo ku nool wadamada khaliijka, ayaa mudo afar sano ah markuu shaqeestey, oo uu heley lacag ku filan, ayaa waxuu dooney inuu guursado, markaas buu waxuu u tagey aabihiis oo ahaa Nin caalim ah oo wadaad ah, imaam masaajidna ah, waxuuna ka codsadey inuu u dooro gabarta uu guursan lahaa, waliba uusan dooneynin inuu la kulmo ilaa habeenka guurka mooyee?

Kadib abahii oo ahaa nin caalim ah oo diinta ku xeel dheer ayaa u dooney gabar diin leh, laakin aan qurux laheen!

Kadib markii loo guri geeyey ayuu qolkii jiifka u galey gabadhii iyadoo xijaaban!
kadib ayuu ka qaadey xijaabkii mise waxuu aad uga naxey aragtida gabadha oo aan quxooneen. waxuuna is weydiiyey:"Aabahaa maxuu sidan ka wadey oo uu kuugu doorey midaan xun?"


Kadib asigoo niyad jabsan ayuu iska seexdey.

Habeenkii saq dhehe markii la gaarey ayaa gabadhii kicisey ninkeedii oo ku tiri

Sheeko gaaban: Lamaane markaas aqal galay ayaa maalinkii koowaad ee arooskooda waxey ku heshiiyeen in aysan ...

3:31 AM 0
Sheeko gaaban: Lamaane markaas aqal galay ayaa maalinkii koowaad ee arooskooda waxey ku heshiiyeen in aysan ...
Sheeko:-
Lamaane markaas aqal galay ayaa maalinkii koowaad ee arooskooda waxey ku heshiiyeen in aysan qofna albaabka ka furin.

Maalinkii koowaad waxaa yimid ninka waalidkiis, albaabka ayey soo garaaceen, ninkii iyo xaaskiisa wey is fiiriyeen wuxuuna doonayay inuu albaabka ka furo waalidkiis balse maadaama uu balan galay ma uusan ka furin irida, xoogaa kadibna waalidkiis waa iska laabteen.

Isla maalinkaas wax yar kadid waxaa yimid gabadha waalidkeed albaabka ayey soo garaaceen, gabadhii iyo ninkii way is fiiriyeen, inkastoo ay balan gashay hadana way is celin waysay ilin ayaa indhaheeda ka timid kadibna


QISO XIKMAD BADAN: wiilkii yaraa iyo wadaadkii caalimka ahaa.

3:23 AM 3
QISO XIKMAD BADAN: wiilkii yaraa iyo wadaadkii caalimka ahaa.
QISO XIKMAD BADAN: wiilkii yaraa iyo wadaadkii caalimka ahaa

waxaa jirey wiil dhalanyaro ah oo sheydaan was-waasiyey kuna jahwareerey sadax su'aal oo uu jawaab u waayey wiilka. waxuuna go'aansadey inuu raadsado wadaad caalim ah si uu u helo jawaabta su'aalahaas asigoo horey u weydiiyey dad jaamiciyiin ah una awoodi waayeen iney siiyaan jawaab waafi ah.
wiilkii aya wadaadka u yimid sheekadoodiina sidaasn ayeey aheed:

wiilka: shiikhow waxaan rabaa inaa iiga jawaabtid sadax su'aal u madaxa iga wareerisey ?
Shiikhii: i weydii waxan isku dayi doonaa inaan kaaga jawaabo insha allah.
willkii: shiikow.. 1) Ilahey ma jiraa? haduuse jiro i tus ilaahey ?..... 2) qadarta ma jirtaa?... 3) sheydaanka naar aya laga abuurey ilaaheyna waxuu noosheegey inuu naar galaayo, marka sidee wax dab ka sameesan uu waxa uga tari karaa dab kale ?? inee dab hadii lagu daro dab waxba iskama qaadaayaane??

shiikii ayaa la yaabey wiilka su'aalahiisa, intuu fikirey ayuu dharbaaxyo xoog badan ku dhuftey.

wiilkii ayaa yiri: "shiikhow waxbaan ku weydiiyey ee maxaad ii dishey oo u xanaaqdey". markaas buu shiikhii ku jawaabey: "maanan xanaaqine ee dharbaaxshada aan ku dhuftey waxey juwaab u tahey sadaxdaadii su'aalood oo dhan !!"
wiilkii oo yaaban baa yiri"

QISO GAABAN OO KU CIBRO QAADASHO MUDAN: Nin odey ah oo meel ku ooynaaya ayaa u yimid nin markaas buu waydiiyey maxaad la oyneysaa adeer? Odeygii aya ku jawaabey:

3:19 AM 0
QISO GAABAN OO KU CIBRO QAADASHO MUDAN: Nin odey ah oo meel ku ooynaaya ayaa u yimid nin markaas buu waydiiyey maxaad la oyneysaa adeer? Odeygii aya ku jawaabey:
QISO GAABAN OO KU CIBRO QAADASHO MUDAN: 

 Nin odey ah oo meel ku ooynaaya ayaa u yimid nin markaas buu waydiiyey maxaad la oyneysaa adeer? Odeygii aya ku jawaabey: “Waxaan lahaa wiil oo aan aad u jeclaa, waxaan jeclaa inuu noqdo aqoonyahan, sidaa darteed waxaan barey aqoon, oo waan ku dadaaley, si aan loogu dadaalin qof ficiis ah kadib waxaan ka dhigey aqoonyahey weyn. Nasiib daro wuu xanuunsadey, markii isbitaalkii la dhigey ayaa daqtarkii ii sheegey in wiikeygu ku jiro saacadahii ugu danbeesey ee noloshiisa.. aad baan uga murgey, kadib wiilkeygii ayaa igu yiri “Aabe!

Thursday, September 26, 2013

QISO CAJIIB AH. Laba Nin oo Safar ah ayaa waxay u Fariisteen Qado, mid wuxuu Watay 5xabo oo Rooti ah, kan kalana wuxuu watay.........

6:57 PM 0
QISO CAJIIB AH.  Laba Nin oo Safar ah ayaa waxay u Fariisteen Qado, mid wuxuu Watay 5xabo oo Rooti ah, kan kalana wuxuu watay.........
QISO CAJIIB AH.

Laba Nin oo Safar ah ayaa waxay u Fariisteen Qado, mid wuxuu Watay 5xabo oo Rooti ah, kan kalana wuxuu watay 3xabo oo Rooti ah, Nin Saddexaad oo Safar ah ayaa ku soo Biiray balse aan Rooti Wadan, waxay Go'aansadeen inay Rootiga Qeybsadaan, sidaa darteed waxay Sameeyeen, Xabad kasta oo Tooti Saddex Jab ayey u Qeybiyeen, waxayna noqotay 24jab, Qofkiiba wuxuu Cunay 8 jab oo Rooti ah.

Ninkii Saddexaad ee Labada Nin u yimid ayaa Istaagay markii uu Qadada Dhameystay si uu sii wato Safarkiisa, wuxuuna Labadii Nin uga Tagay Lacag Siddeed (8)Dirham ah si uu u bixiyo Rootigii ay siiyeen.

Ninkii 5 Rooti lahaa ayaa wuxuu kii kale siiyay (3)Dirham, isna wuxuu la haray 5Dirham ayuu qaatay, balse Ninkii kale kuma uusan Qancin, wuxuuna Rabay Lacagta in kala Bar la siiyo.

Labadii Nin markii ay is mari waayeen waxay isula Tageen Khaliifkii Islaamka Cali bin Abii Daalib RC.

Cali bin Abii Daalib RC, markii uu Dhageystay Labada Nin wuxuu u sheegay Ninkii 3da Rooti lahaa in Ninka kal

Qiso Kaa Oohin Doonto Aadna U Xanuun Badan Mudana In Lagu Cibro Qaato “Caasi Waalidiin Ma liibaano”..

6:51 PM 0
 Qiso Kaa Oohin Doonto Aadna U Xanuun Badan Mudana In Lagu Cibro Qaato “Caasi Waalidiin Ma liibaano”..

::::::::::::::::::Qiso Xanuun Badan Iyo Odey 90 Sano Jir ah~~~~~
Odeygaan 90 Sano Jir ah ayaa isbitaal Ku jiray, waa Camoole Dhib badana Ka muuqdo, Waxaa Isbitaalkii soo Boqday Wiil, Salaan kadib, Odeygii ayaa wax ka codsaday Wiilkii,..
Wiilkii ayaa yiri Adeer Caadi waaye i weydii Codsigaaga, Odeykii 90 sano jirka ahaa ee Camoolaha ahaa ayaa yiri wiilkeygiyow 3 Beri afka waxba ma saarin Gaajo ayana Basteey la ahay,wuxuuna kaloo yiri Cuntada ey Bixiyaan isbitaalka Abiteed uma haayo *ma Cuni Karo) igumana Soconayo.
Hadaad heyso Beeso ama Lacag waxaan kaa codsanaa in aad ii soo iibiso hal xabo Rooti ah, Wiilkii ayaa intuu aaday Suuqa wuxuu kasoo iibiyay Rooti iyo Cabitaan iyo Cuno, wuxuuna siiyay Odeygii waayeelka aha, Odeygii Markuu Rootigii Jab ama Gabal yar ka Goostay, ayaa wuxuu Fiirayay Wiilkii intuu dhoole cadeeyay ayuu wuxuuna ku yiri, Qeyr Allaha Ku siiyo Wiilkeygiyow,


Wiilkii ayaa wuxuu Weeydiiyay Su,aal ah Adeer Wax ilmo ah Malihid miyaa?
Odeygii ayaa yiri Wiilkeygiyow waan leeyahay Ciyaal, 10 ilmo ah ayaan leeyahay oo Wiilal iyo Gabdho iskuugu Jiro, Laakiin

QISO YAR: Aabo maku tusaa Awood Haddad Hesho Aan lagaa Guulaysan Karin?

6:45 PM 0
QISO YAR OO WAX KU QAADASHO MUDAN. Nin ka mid ah Saalixiinta (Dadkii Wanaagsana) Ayaa Maalin Wiilkiisa, ku yiri Aabo maku tusaa Awood Haddad Hesho Aan lagaa Guulaysan Karin? Wiilki wuxuu yiri:- Aabo ma Awood Hadaan Helo Aan leyga Gulaysan Karin, Cadowgaygana Kaga Adkanayo, Mar kastana Libinta aan anigu Helaayo, Aabihi Wuxuu yiri:-

Wednesday, August 21, 2013

Qiso cajiib ah: SIRTA SALAADA kujirto. In la aqriyo ayey mudantahay!!!!

8:20 AM 0
Qiso cajiib ah: SIRTA SALAADA  kujirto. In la aqriyo ayey mudantahay!!!!
SIRTA SALAADA

Imaam qazaani ayaa waxaa wax  laga weydiiyay sirta salaada kujirto.  markaas buu si uu dadka wax u fahansiiyo ayaa waxuu usoo qaatay qiso, oo runtii aad u yaab badan cajiibna ah, wax lagu cibroqaadana ah.  markaasaa waxuu yiri “ waxaa jiray nin boqor ah ninka boqor ka ahi qasrigiisa waxaa ku nooleed abeeso, iyo ubaxyo aad u tiro badana.
Abeesadu dhaq dhaqaaq ma sameeyneeyso waayo, ubaxyada ayaa suuxinaayo yacni ubaxyada suntooda ayaa suuxinaayaan, waxna cuni meyso, ma dhaqdhaqaaqeeyso, meesheeda, uunbeey jiifeysaa maantoo dhan.

Odaygii markii sakaraadkii u imaaday ayuu la dardaarmay wiilkiisii wuxuu ku yiri” wiilkeeygiyow adiga ayaa iga dhaxlaayo boqortinimadayda iyo qasrigeeyga iyo xooloheeyga oo dhan.  ee hadaan dhinto oo aad I dhaxasho waxaan kuu dardaarmaya inaadan jarin ubaxyada, haisku jarin wiilkeeygiyoow. saas ogaaw.
Odaygii wuu dhintay, wiilkii ayaa dhaxlay boqortinimadii iyo xoolihii dhamaa markaasuu wiilkii yiri”


Tuesday, August 20, 2013

Qiso cajiib ah: WELIGAA HA DEG DEGIN

3:18 PM 0
Wiil ayaa dhigan jiray jaamacad. Aabihiina wuxuu ahaa nin maal qabeen ah, wiilka wuxuu aad u jeclaa gawaarida cayaaraha (sports cars) wuxuuna ku taami jiray inuu helo gaari noocaas ah, kadib markii uu dhameeyay jaamacadii ayuu aabihii ka codsaday inuu helo hadiyad balse muusan sheegin waxa uu doonayo.
Aabihii oo ogaa waxa uu jecel yahay wiilkiisa ayaa maalintii danbe u yeeray inankiisa, kadib udhiibay Baakad sajalaataysan, wiilkii ayaa furay baakadkii, markaas ayuu arkay Kitaab Quranah.
Intuu xanaaqay ayuu yiri:


Qiso cajiib ah: WELIGAA QOF MUSLIMA HA XAQIRIN! QISA WIIL DHALIN YARAA OO YAAB LEH (RAABICA CADAWIYA)..

8:53 AM 0
Qiso cajiib ah: WELIGAA QOF MUSLIMA HA XAQIRIN! QISA WIIL DHALIN YARAA OO YAAB LEH (RAABICA CADAWIYA)..
WELIGAA QOF MUSLIMA HA XAQIRIN!
QISA WIIL DHALIN YARAA OO YAAB LEH (RAABICA CADAWIYA)....


Sheekada waxaa weriyey Dhakhtar ka mid ah Dhakhaatiirtii Raabica Cadawiya: Maalin anoo jooga Cisbitaalkii Goobta, waxaa ii yimi nin dhalinyara ah, rafaad ka muuqdo, qalalan, dhar wasakhaysan wata, waxaan is iri wuxuu mala doonayaa kaalmo lacaga, Cisbitaalkana Kaalmo lacageed ma bixiyo, laakiin wuxuu igu yiri: Dr anigu waxaan ka shaqeeyaa Goobaha Dalxiiska ee Qardaqah, Xisaabiye ayaan ahay, wax walba oo dembiya oo caqligaaga gala waan sameeyey, darooga nooc walbaa waan cabey, waxaan saxiixay (Tamarud) si loo rido Mursi, Qaahira ayaan fasax ku imi, maalin ayaan is iri: Bal Qoladan Raabica joogta soo eeg wexey yihiin, halkan ayaan imi, maalin iyo labo iyo saddex ayaan joogey, walaala si fiican iisoo dhoweeyey ayaan helay, salaad markii iigu horreysey macaankeeda ayaan tukadey, Qur'aanka iyo Salaadda ayey i bareen, Ramadaan ayaa soo galay, markii iigu horreysey ayaan soomay, ehelkaygi dad iiga wanaagsan ayaan helay, hada Dr waxaa kaa baryayaa:


Monday, August 19, 2013

Sheeko Xikmad leh: Wiilka fasalka ku dhexhurday, kadibna xaliyey su,aalo boqolaal sano laga jawaabi wayey.

3:14 PM 0
Ardey caajisloow ah, habeenkiina dhafri jiray, ayaa maalin maalmaha kamid ah, waxa uu kasoo qeyb galay, muxaadaro kasocoty jaamacad, taasoo macalinku uu ku sharaxayey cilmiga xisaabta iyo dhibaatada laga maro barashadiisa.

Ardeygii ayaa fasalkii ku dhex hurday ayadoo muxaadaraadii socoto, waxa uuna soo toosay ayadoo fasalkii lagu kala dareerayo, durbadiiba inuu baxo ayuu bilaabay, balse wuxuu eegay sabuurada, wuxuuna arkay qoraal xisaabeed aad u fara badan oo ku xardhan sabuurada.

Ardeygii ayaa fasalka kusoo noqday, waxa uuna bilaabay inuu min guuriyo wixi sabuurada ku qornaa, isagoo buugiisa ku qoronaya, waxa uuna naftiisa ka dhaadhiciyey in waxani yihiin,

Sunday, August 18, 2013

Qiso: Waligaa Ra,yigaaga gaaban haku xukumin qofna, waayo ma ogid sida ay noolashooda tahay iyo waxa ay la tacaalayaan.

9:35 PM 0
Doctor baa waxuu isbitaalka kusoo galay si dag dag ah, waayo waxaa loogu wacay in uu qalniin sameeyo, wuuna aqbalay codsigii. Si dhaqso ah ayuu dharki iskaga badalay, waxuuna dhaqso ku aaday qolka qalniinka. Albaabka hore ee qolka qalniinka waxuu kula kulmay wiilka qalniinka lagu sameyn doono aabahiis oo sugayey dhaqtarka wiilkisa qalniinka ku sameyn doono.
Odaygi wiilka dhalay markuu arkay dhaqtarkiba qeyli ayuu afka furtay, waxuuna lahaa, "Maxaa xiligaan usocotaa??, Soo ma ogid in wiilkeyga noolashiisa ay qatar ku jirto?.
Doctorki in uu dhoola cadeeyey ayuu ku yiri.

Friday, August 16, 2013

Qiso diini ah oo waxbadan qalbigaaga ka badali doono, ka fa,ideyso.

6:45 AM 0
Nin ayaa maalin maalmaha ka mid ah soo raacey Doon, doontaas waxaa saarnaa, dad aad u fara-badan, doontii ayaa qalib matey, dhamaan dadkii oo idil waxey noqdeen kuwo dhinta, marka laga reebo ninkii maahane..
Xeeb ayuu kusoo gaaray si naf la caari ah, wax dad ah muusan arkin wax caawiya iska daayee.. Rafaad iyo silac fara badan kadib ayaa waxuu bilaabay inuu dhisto daash isaga oo soo aruursaday xaabo. Gaajo ayaa qabatey wuxuu ku dhaqaaqey bal inuu raadsado geed miro la cuno leh, hase ahaatee waxuu dib ugu soo laabtay daashkii oo gubanaya, markaas

Thursday, August 15, 2013

Qiso: Dood yaableh oo dhexmartay, nin muslim ah iyo nin masiix ah.

5:41 AM 0
Nin Masiixi ah ayaa waxa uu gurigiisa ku casuumay nin muslim ah, oo ay aqoon guud ay ka dhaxeysay.
Masiixigii ayaa soo qabtay canab, waxa uuna u keenay Muslimkii. Muslimkii ayaa cunabkii cunay.. Waxyar ka dib, hadana waxa uu u keenay, khamri.
Muslimkii ayaa yiri: Xaaram waye khamriga, mana ii banaano in aan cabo.
Masiixigii ayaa yiri: Alla maxaan idinla yaabay, dadkiinan Muslimiinta ah,  Canab ayaan kuu keenay, waadna cuntay, qamro canab laga sameeyeyna waad diiday oo waxaa tiri waa xaaram, ee bal, Sidey ku dhacday bal ii fasir.?
Muslimkii ayaa ninkii ku yiri: NAAG MAKUU JOOGTAA??
Masiixigii ayaa yiri: HAA, WAANA UU U YEERAY NAAGTIISA?
Muslimkii ayaa hadana weydiiyey Masiixigii: GABAR MAKUU JOOGTAA??
Masiixigii ayaa yiri: HAA, WUUNA U YEERAY AYADANA.
Muslimkii ayaa yiri:

Tuesday, August 13, 2013

Qiso cajiib ah: Hooyo ka heshay sida muslimiinta waalidkooda ula dhaqmaan, oo wiilkeedi masaajidka keentay.

5:41 AM 0
QISO CAJIIB AH.

Masjid Ku Yaalo Dalka Fransiiska Ayaa Waxaa Yimid Wiil Cadaan Ah, Wuxuu u Yimid Imaamkii Masaajidka, Wuxuuna Ku Yiri:- Waxaan Rabaa Inaan Caruurta Muslimiinta Aan Wax La Barto!!, Imaamkii Ayaa Wuxuu Weydiiyey Aaway Waalidkaa? Cunugii Yaraa Ayaa Yiri Hooyadey Ayaa Ila Socoto Banaanka Ayay Taagantahay! Maadama Aysan Muslim eheen, Masjidka Ma aysan soo Galin.


 Imaamkii Ayaa U soo baxay Banaanka Wuxuu La Hadlay Islaantii, Wuxuuna Weydiiyey Sababta Ay Cunugeeda Masaajidka u Keentey? Isalaantii ayaa Waxay Tiri:-

Tuesday, August 6, 2013

Qiso kusabsan wiil indhahiisa xifdiyey iyo sida Allah swt u karaameey wiilkaas.

8:31 AM 0
waxa lawariyay wiil udhashay wadanka maqrib (Morooko) oo muslim ah, wuxu aaha faqiir wuxu kunoolaa ameerika, maalin maalmaha kamid ah aaya wuxu korayay meel, asaga iyo dadkalo badan waxaa dhacday marka inay dadki dagtaan. waxaa meeshi kusoo haray asaga iyo gabar aad uqurxoon, oo xiran dhar qaawanaasho ah, sida haweenka kale ee dalkas. gabadhi markay aragtay inay mesha wiil kaligeed kula noqotay waxay dareentay cabsi ay asaga kabaqayso, laakiin markiba waxay dareentay inuusan wiilka marna Fiirineynin, waxay aragtay asagoo indhihiisa kaleexinaayo, dhaqankan iyo tasarufkan cusub ayay layabtay wiilkii wuxuu doonay inuu soo dagto, waylasoo dagtay. way istaajisay oo waxay kutiri

Monday, August 5, 2013

QISO DIINI AH OO MUDAN IN LAGU CIBRO QAATO:Labo dhalinyaro ah oo reer Madina ah ayaa waxey

11:10 PM 0
Qiso diini ah oo mudan in lagu cibro qaato:

Labo dhalinyaro ah oo reer Madina ah ayaa waxey u dalxiis iyo khamri-cab u tageen Dalka Turkey. markii ay gaareen istabul(caasimada turky) waxey iibsadeen Khamri, waxayna kiraysteen Taxi waxayna aadeen meel tuulo ah, waxayna dageen Hotel kuyaalay tuulada, si aan loo arag bay halkaas u tageen...
Markii ay Hotelka galeen ayaa waxaa waraystay Receptionka(xafiiska aqbalaada) shaqalihiisa nin kamida ah waxuuna weydiiyey xageed katimaadeen?
Markaas bay ugu jawaabeen waxaan ka nimid magaalada Madiina Al-Munawara..
Markaas baa ninkii shaqaalaha ahaa aad ugu farxay wuxuuna siiyey hool dhan halka uu ka kireyn lahaa qol, asagoo ku karameynaya dadka ka yimid magaaladii Nabiga(naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee). Wiilashii hoolkoodii bay tageen, halkoodii bay ku dhafreen oo ay ku cabayeen khamrigii, markaasay sarqaameen, midbaa aad usii wareeray midna waa roonaa xogaa.. Kadib way iska seexdeen..
Kadib waxaa si lama filaan ah albaabka lagusoo garaacay saacadii afartii iyo bar arooryo. Midkood baa toosay albaabkii buu furay asagoo aad u hurdeysan, mise waa ninkii hotelka shaqaalaha ka ahaa asagoo leh..

Gabadhii quruxda badneed oo ey dadkoo dhan wada jeclaadeen sheko murti iyo Leh.

9:54 PM 0
Gabadhii quruxda badneed oo ey dadkoo dhan wada jeclaadeen
sheko murti iyo Leh.

Waxaa jirtay gabar aad iyo aad u qurux badan indhihii arkaana ey jeclaanaayaan waxaa arkay wiil dhalin yara ah woona jeclaaday woxoo u yimid aabihiisa woxoona ku dhahay aabe maanta gabar ayaan arkay oo aad u qurxan waana jeclaaday waxaan rabaa inaad ii doontid ....................
aabihiis wuu ku farxay arintii woxoona aaday si uu ugu doono gabadhaas wiilkiisa markoo arkay gabadhi ayoo odaygii ka helay woxoona ku yiri wiilkiisa gabadhaan adiga ma u qalantid waxaa tahay wiil yar waxaa u qalbo nin ka weyn oo dhaqan kara ...
wiilkina wuu iska celiyay duqa wuna la dooday waxey isla aadeen saldhiga booliska wexeyna arinti u soo bandhigeen askarigi meesha joogay askarigii woxuu ku yiri

Friday, August 2, 2013

Qiso cajiib ah: Waxuu yiri: Allah swt hadii uu jiro Hal saac kadib nafta ha iga qaado.

4:30 AM 0
Qiso cajiib ah: Waxuu yiri: Allah swt hadii uu jiro Hal saac kadib nafta ha iga qaado.

Wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo wax ka barta dalka urdun, kuna soo koray diin la,aan,iyo in uusan ILAAHAY aqoonsaneyn, maalin maalmaha ka mid ah ayuu ardeydii isugu yeeray isagoo doonayey inuu wadada xaqa ah ee islaamka la weeciyo, waxa uuna yiri:Hadii ILAAHAYGA aad aamisantihiin, uu yahay mid jira, hal saac kadib nafta ha iga qaado.waxa uuna fiiriyay saacadiisa isagoo daqiiqadihii tusinaya ardeyda.wixi waqtiga uusocdaba waxaa lagaaray saacadii, walina

Thursday, August 1, 2013

Qiso cajiib ah: Gabadh dhalin yaro ah oo wiil Qol la seexatey?

7:38 AM 0
Gabadh dhalin yaro ah oo wiil Qol la seexatey?

Gabdho dhalin yaro ah ayaa u baxay safar iyagoo jecel inay wax soo baadhaan, waxaa la socday macalimiintoodii, kadiba waxay gaadheen meel laga guurey, gabadh gabdhaha ka mid ah waxay ka fogaatey ardaydii iyo macalimiintii, markii hawshii dhamaatey dhammaaan dadkii baskii buu korey, gabadhiina way ka tageen iyagoo moodaya inay la socoto.


Gabadhii way soo noqotay mise meeshii waa cidla dadkiina way tageen, cabaar bay qaylisey mise cid maqlaysaa ma jirto, kadibna dantu waxay ku kaliftey inay bal u lugayso tuulada ugu dhaw, waxay soo lugaysaba waxay ku soo beegmatay buul yar oo meel ka dhisan, way gar garaacdey wiil dhalin yaro ah baa ka soo baxay, waxay tiri waxaan rabaa tuulada iigu dhaw wuxuu ku yiri halkan tuulo kama dhawa ee iska joog barri baan ku gayne.
Gabadhii iyadoo baqaysa bay buulkii soo gashay sariirtisii buu u habeeyey , Habeenkii markii la gaadhey ayuu Shamac daartay, Gabadhu way baqaysaa nin dhalin yaro ah oo ay qol la huruddo halista uu leeyahay habeenkii oo dhan way is ilaaalinaysey waxayna fiirinaysey bal waxa uu sameeyo.
Markuu xoogaa joogaba

Wednesday, July 31, 2013

Qiso cajiib ah oo ku dhacday wiil xabad tufaax ah cunay

3:22 AM 0
Qiso cajiib ah oo ku dhacday wiil xabad tufaax ah cunay

Waxaa la yiri qarnigii koowaad ee Hijriyada ayaa waxaa jiray wiil dhallinyaro ah oo Ilaah ka cabsi badnaa cilmigana aad u raacan jiray hawlo oo dhanna faraha uga qaaday sidii uu cilmi diineed u korodhsan lahaa.

hasee yeeshee wiilkaasi faqiir ayuu ahaa, waxaa haddaba dhacday inuu maalin aad u gaajooday oo markii uu gaajadii xamili waayay a
yuu gurigiisii iskaga baxay isagoo halkii ku toosnayd uun iska qaaday, siduu u socday ayuu markii dambe wuxuu ku soo baxay beer bustaan ah oo ay ka buuxaan geedo tufaax ah oo wada bislaaday, geedaha mid ka mid ah ayaa laamaha tufaaxu dibadda u soo laalaadeen, markaasuu wuxuu naftiisii ugu sheekeeyay xabad tufaax haddaad ka goosato laamahan bannaanka soo jira gaajada way kaa biin doonaan, sidii ayuu yeelay markaasuu intuu xabbad tufaax ah ka goostay laantii iska cunay gaajadii gubaysayna ka yaraatay.

Haddaba markii


Qiso Cibro Qaadasho Mudan Oo Diini Ah: Islaantii U Imaatay Nabi Daa’uud “Cs”..

2:50 AM 0
MAKHLUUQA IYO TASARUFKA ILAAH
Islaan ayaa waxa ay u timid Nebi Daud(calyhi salam). Waxa ay ku tiri
“Nabigii ilaahayow rabigaada ma daalim baa mise waa caadil?” Nebi daud
CS waxa uu yiri: “War liibaantaadiye waa caadil aan marna gabood
falayn.” Markaas ayuu dhahay nebi Daud ” Qisadaada maxay ahayd?”
Islaanti waxa ay tidhi: “Waxa aan ahay islaan garoob oo leh seddex
caruur.

Nolosha caruurteyda aniga ayaa dabaro oo waxa aan ku nafaqeey
dun aan gacanteyda ku sameeyo. Shalayto waxa aan dunteytii ku soo
xirtay calal guduudan si aan suuqa ogu soo iibsado caruurteydana aan
ugu nafaqeeyo. Aniga oo socdo ayaa waxa igu soo dul dagay shimbir waxa
uuna iga qaatay calalkii iyo duntii waana la tagay.”
Islaantii iyo nebi daud oo sheekadii dhexda umareyso ayaa albaabka la
so qaraacay. Nabi Daud ayaa u idmay in ay soo galaan. Waxa soo galay
toban nin oo ganacsade ah mid walba waxa uu gacanta ku wadaa toban kun
oo diinaar. Waxa ay dhaheen: “Nebigii ilaahayow lacagtaan sii dadka
mustaxiqiinta ah muteystay in la siiyo.”
Nabi Daud waxa uu weydiiyay sababta ku xambaartay in ay sadaqeestaan
lacagtaan? Waxa ay dhaheen: ”Anaga oo markab saaran ayaa

Monday, July 29, 2013

SHEEKO QALBIGA TAABANEYSA.

5:07 AM 0

Cabdullaahi Binu Jacfar (RC), ayaa wuxu ku lugeynayay dhul keymo ah ilaa markii dambe uu yimid meel beer ah halkaas oo uu ka shaqeynayay wiil yar oo kamid ahaa adoontii Cabaasiyiinta.  Qof ayaa wiilkii yaraa cunto u keenay, islamarkii loo keenay ayaa waxaa soo ag istaagay eey dawaaf ah (aan meesha horay u joogi jirin).
webkaan ka aqriso qisooyin badan oo diini ah
Cabdullaahi Binu Jacfar (RC), ayaa wuxu ku lugeynayay dhul keymo ah ilaa markii dambe uu yimid meel beer ah halkaas oo uu ka shaqeynayay wiil yar oo kamid ahaa adoontii Cabaasiyiinta.

Qof ayaa wiilkii yaraa cunto u keenay, islamarkii loo keenay ayaa waxaa soo ag istaagay eey dawaaf ah (aan meesha horay u joogi jirin).


...


Wiilkii yaraa wuxuu u tuuray eeygii jab rooti ah, eeygii ayaa cunay rootigii balse meeshii kama uusan dhaqaaqin, mar labaad ayuuu jab kale oo rooti ah u tuuray, sidaas ayeyna ku socotay ilaa uu siiyay dhamaan cunto maalmeedkiisii iyadoo wiilkii eysan u soo haran wax cunto ah.

Cabdullaahi Binu Jacfar (RC) oo arintaan daawanayay ayaa wiilkii weydiiyay, "Maalintii meeqo xabo oo rooti ah ayaad heshaa?"
Wiilkii ayaa ku jawaabay saddex xabbo oo rooti ah sida aad hadaba arkeysay."

Cabdullaahi Binu Jacfar (RC): "Maxaad naftaada uga door biday eeyga oo aad u siisay dhammaan saddexdii rooti ee aad heysatay?"

Wiilka: Meelahaan wax eeyo ah majoogaan, eeygaana waxaa muuqata inuu safar dheer soo galay si uu halkaan u soo gaaro, aad ayuu u gaajeysan yahay sidaa darteed waxaa

Sunday, July 28, 2013

Qiso Cajiib ah: MUSLIM MA AHI LAKINSE WAAN DUKADAA SALAADA. MUST READ!!!

10:38 PM 0
Qiso Aad Iyo Aad U Cajiib Ah Cibro Qaadashana
Mudan “Muslim Maahi Lakin Waan Dukadaa
Salaada”.

MUSLIM MA AHI, LAAKIIN WAAN DUKADAA
...
SALAADA!!

Qisada waxaa ka sheekeenaya wiil ay
dhalashadiisu tahey American, kaasoo asiga iyo
qoyskiisana diinta Islam ka ah qaateen.

Waxuu ku bilaabey sheekadiisa sida tan: “Hooyadeyda waxey qaadatey diinta Islam ka ah,
waxey ku dukan jirtey salaadaha masjidka, laakin
waxey si layaab ah ula kulantey naag!! naagtaasoo
kula dukaneysa Masjidka isla markaana eesan ka
muuqan wax diin ah, oo u libasan sida gaalada oo
kale, jirkeedana asturneeyn, Hadana Salaad dukaneysa.

waxeyna timaadaa Masjidka isbuucii ama labadii
isbuuc hal mar.


Hooyadey arintaas marar badan ayeey aragtey,
markii danbe waxey g’aansatey iney weydiiso
naagtaan xaalkeeda.

waxeyna ku tiri: “adigu ma Islaam baa tahey?
Naagtii baa tiri: “Maya!!
hooyadey aad bey ula yaabtey naagtii waxeyna tiri:
“oo hadaadan islaam aheen maxaad u timid
Masjidka oo hadana u dukaneysaa?,

Saturday, July 27, 2013

QISO CAJIIB AH: GABADHII YAREED IYO AABAHEED.

4:44 AM 0
Qiso Cajiib Ah.

Maalin Maalmaha ka mid ah ayaa gabar 11 jir ah Aabaheed weydiisey. 
Aabo Markaan 15 jir gaaro, maxaa hadiyad dhalashadeyda ii siin doontaa??
Aabihii ayaa ku jawaabay, Aabo wali waqti badan ayaa noo dhiman, marki la gaaro
ayaad arki doontaa.

Gabartii markeey kudhawdahay Dhalashadeedi, ayaa nasiib daro xanuun kusoo boodey
oo loola cararey isbitaal, waxaana lagu sheegay in wadnaheeda uu shaqada gaabiyey,
oo loo baahanyahay in wadno kale loogu badalo hadii rajo laga qabo noolasheeda.


Gabartii yareed oo isbitaalka joogta ayaa Aabaheed weydiisay, Miyaan dhimanayaa Aabe??

Aabaheed ayaa ugu jawaabey asigoo ilmeynaya,

Friday, July 26, 2013

Qiso Cajiib ah: Ducooyinkeygi dhan waa la aqbal, hal mid mooyee.

7:01 AM 0

Hada ka hor ayaa nin Dr ama dhaqtar ahaa oo dr naajix ahaa ayaa gurigiisa ka baxay asagoo u socda airport waxuu u socday in uu ka qaybgalo shirarka takhaatiirta caalamiga waxaana lagu siin lahaa abaalmarin ,dr aad bay ula wayneed arintaas ,diyaaradii waa kacday markii ay caabar socotay aysan gaarin meeshii ay ujeedkeedu ahaa ayaa waxa soo baxday cilad farsamo.. Waxaa loo sheegay rakaabkii in ay diyaarada ku dagi doonto airport uGu dhaw ,dadka rakaab ka ahna laga saarin doono diyaarad kale maalinta bari ah .ninkii DR ahaa ayaa u tagay gabar fadhisay xafiiska waxuuna u sheegay in uusan sugin Karin bari uu leeyahay shir muhiim ah. Gabadhii ayaa ku tiri ,aniga arintaas waxba kama sameen karo ,laakiin magaaladaad u socoto sas uma faga ,hadaad gaari qaadato waa 3 hours driving ,Dr oo necbaa gaari wadista masaafada dhaadheer ayaa option kale waayay ,gaari rent (kiro) ah ayuu soo qatay wuuna kaxeeyay ,markii uu cabaar socday ayaa roob xun bilaawday oo waxba laga arkeen ,ninkii wadadii uu dhumiyay. Wuxuuna socday mudo sedex saac ah meel qaldan markii uu quustay ayuu arkay guri yar oo meel ka taagan ,waxuu is lahaa aad ka heshid waxaad cunto iyo taleefan aad dirsato si laguu hago maadaama mobile kiisii uu bilaa dab noqday ..Dr markii uu gurigii imaaday ayuu irida garaacay ,waxaa lagu yiri so dhaaf ,

Tuesday, July 23, 2013

Qiso: Been ha sheegin. ka fa,ideyso shekadan!!!

7:02 AM 0
Nin ayaa maalin u yimid Rasuulka (scw) waxa uu yiri. Rasuul aloow waxa aan sameeyaa waxyaalo badan oo xun xun hadaba teebaan ugu horeesiiyaa oo aan iska daayaa? Rasuulka (scw) waxa uu ku yiri jooji in aad been sheegtit oo waligaa runta sheeg. ninkii balan ayuu ku qaaday inuu in uu sidaas yeeli doono gurigiisii ayuuna aaday. markii habeenimadii ay noqotay ayuu damcay inuu wax xado. markaas ayuu soo xasuustay balantii uu Rasuulka (scw) la soo galay. waxa uu markaas is-wayddiiyay. Haddii subaxdii uu Rasuulka (scw) i waydiiyo xagee ayaad jirtay maxaan ku dhihi? ma waxaan ku dhihi waxaan aaday in'aan wax soo xado?

Monday, July 22, 2013

Qiso Yar Oo Ku Saabsan Duco Waalid.’’

5:52 AM 0

Sahal Bin Bishrin Wuxuu Yiri Waxaa ii Shekeeyey Nin La Yiraahdo Suleel ibnu Ayuub ibnu suleel Wagii Uu Yaraa Wuxuu Daganaan Jirey Meel Magaceeda Rayi La Yiraahdo 10 Sano Markii Uu Gaarey Qur’aanka Xogaa Ka Bartey Niman Culimo Ah Oo Ey Meel iskugu Yimadeen Culimadii Nin Ka Mid Ah Ayaa Yiri Salaada Na Tuji Maxaa Yeeley Ardey Da’daal Badan Ayuu Ahaa Wuxuu Yiri Waxaan Bilaabey in aan Suuratu Faatixa Aqriyo Lakiin Waan Awoodi Kari Waayey in aan Aqriyo Fataxadii Oo Ey igu Adkaatey Sidii in Uu Carabkii I Qalaley Oo Kale Waan Wadi Waayey Suuratu Faataxa Kadibna Culimadii Mid Ka Mid Ah Ayaa ii Yeerey Wuxuu igu Yiri Hooyo Ma Leedahay? Waxaan Ku iri Haa Markaas Ayuu I dhahay Oradoo, Hoyadaa U Tag

Qiso Cajiib Ah: Imaamu shaafici iyo Haweeney Jaariyad u ahayd.

4:33 AM 1
Qiso Cajiib Ah: Imaamu shaafici iyo Haweeney Jaariyad u ahayd.
Imaamu shaafici ILAAHAY ha u naxaristee, ayaa isagoo ardeydiisii wax baraya waxaa u timid haweeney jaariyad ama shaqaalo u ahayd waxa ayna tiri:
Shiikhoow, habeenkiina ma iga zineysanee, maalintiina ma ardeyda ayaad u khudbeyneysaa?
imaamu shaafici ayaa si deggan u fiirshay haweeneydii sidookale ardeydii ayaa naxeen
waxa ayna indhaha u taageen waxa uu ku jawaabi doono imaamku.


Imaamu shaafici ayaase yiri: Jaariyadyahay xisaabta aad iga dooneyso waa imisa?
Ardeydii ayaa naxdin iyo anfariir ka qaaday jawaabta shiikha,

Saturday, July 20, 2013

SHEEKO NAXDINLEH, "Cajalad Video ah ayaa burburisey noolasheyda".

11:51 PM 0
Gabaryar oo dhigata jamacada-kuliyada tarbiyada ayaa waxaay kawarameysaa sidii ay kuweydey wixii ay mustaqbal laheyd. Waxaa ladhashey 3gabdhood oo kala dhigta dugsiyada sare iyo kuwa dhexe.


Aabahood wuxuu kashaqeyn jirey Dukaan si’uu uguhelo waxaay gabdhihiisa quutan iyo waxay labistaan.


Gabadhani waxay aheyd qof dadaal badan xaga duruusta schoolka .Waxay caan ku’aheyd xaga Akhlaaqda iyo dadaalka ay waxbarashada kubixinjirtey. Waxaay aheyd tusaale ay kudaydaan gabdhaha kale ee jaamacada dhigta.Marka lasoo gaabiya, waxaay kulansatey sifaadka fiican ee qof lagu sheego.


Sheekadaan oo aan kasoo qorey Kitaab yar,wuxuu sheekha kusoo guuriyey sitoos ah hadalkii gabadha ayadoo kawaramasa wixii qabsadeyna waa tana:


Maalin maalmaha kamid ah anigoo kasoo baxaya albaabka Jamacada ayaa waxaan arkey wiil dhalanyaro ah oo aad uqurux badan oo isoo fiiranaya sida qof iyaqaan. Dheg jalaq umasiin oo waan iska socdey anigoo cabsi igu jirta. Wuu isoo dabagalay isagoo igula hadlaya hadala aan wanaagsaneyn sida caruurta oo kale . Sida isaga oo igu lahaa:


“ qurux badan. Waan kujeclahey….inaan kuguursada ayaan rabaa. Mudo badan ayaan kuraadinaayey markii aan maqley akhlaaqdaada iyo wanaaga ay dadka kugu sheegayaan !”


Waan ordey anigoo iska dhaga tiraya waxa uu igu akhrinayo waayo waligey ima soo marin arintaas oo kale.

Qiso Cajiib Ah:Cali RC iyo ninkii gaalka ahaa..

7:50 AM 0
Qiso Cajiib Ah:Cali RC iyo ninkii gaalka ahaa..


Qiso cajiib ah.

Nin gaal ah ayaa maalin u yimid Cali Ibn Abi Daalib (R,A) asaga oo rabo inuu waydiiyo su,aal, sna leh su,aashaasi way ku adkaan doontaa Cali rc. Wuxuu fiirsaday Cali rc oo la joogo dad badan,



Markaas ayuuna doortay inuu su,aasha waydiiyo, si hadii Cali rc ku dhoco su,aashaadi uu u ceeboobo.
Ninkii ayaa Cali rc waydiiday inuu sheego nambar hadii loo qaybiyo nambar u dhaxeeyo 1-10,
ay jawaabta noqonayso mid dhaban ah, oonan kisi ahayn.

Qiso: ABAALKAAD GASHO WUU KUU SOO LAABANAYAA .

2:15 AM 0
Maalin maalmaha kamid ah ayaa nin wuxuu arkay haweney waayeel ah oo dhinac taagan gaari Marsheedis ah (Mercedes), wuxuu soo aaday dhankeeda, markuu u soo dhawaday ayuu arkay in gaariga ay lug (taayer) ka banjartay, islmarkaana aysan awoodin in lugtaas ay gaariga ka badasho.

Xiliga oo habeen ahaa iyo wadada oo cidlo aheyd, haweyneydii markey aragtay ninkaan dhankeeda u soo socdo ayey ka shakisay, wayna ka cabstay inkastoo uu dhoola cadeynayay, muuqaalkiisa ayaa wuxuu ahaa nin duruuf ay ka muuqato, wasaq badan, baahi badana laga dheehan karay.

Isagoo dareemay in ay ka baqaneyso ayuu ku yiri, “Mama waxba ha cabsan aniga waxaan rabaa kaliya in aan ku caawiyo, magaceyguna waa Nuur.”

Nuur ayaa wuxuu bilaabay in uu gaariga lugta ka badalo, xoogaa kadib waxaa u suura gashay inuu badalo taayarka inkastoo gacanta uu dhawac fudud ka gaaray.


Mamadii ayaa u mahad celisay, waxayna waydiisay qiimaha lacageed ee uu doonayo in ay siiso maadaama uu shaqo u qabtay, Nuur ayaa ugu jawaabay “hadii aad dooneyso inaad aniga ii abaal gudo, waxaad

Qiso Diini Ah. Xaadib Ibnu Abii Baltaca ( qofkii ilaahay si toosa isugu dhiibana ilaahay ayaa ilaalinaya)

2:03 AM 1
Qiso Diini Ah. Xaadib Ibnu Abii Baltaca ( qofkii ilaahay si toosa isugu dhiibana ilaahay ayaa ilaalinaya)


Qiso Diini Ah. Xaadib Ibnu Abii Baltaca
( qofkii ilaahay si toosa isugu dhiibana ilaahay ayaa ilaalinaya)

Saxaabigii lagu magacaabi jiray Xaadib Ibnu Abii Baltaca waxa uu ahaa saxaabi aan u dhalan quraysh marka Nabiga iyo saxaabadiina waxa ay usoo hijroodeen Madiina, Xaadib reerkiisii iyo maalkiisii waxa uu uga soo tagay MAKKAH …. Xaadib waxa uu is dhahay quraysh umaadan dhalan reerkaagii iyo maalkaagiina wax kuu ilaalinaya malaha ragan aad la soo hijrootay waa rag u dhashay dalka iyo dadka marka si aad uga hesho quraysh waji iyo sharaf ayna kuugu badbaadiyaan reerkaaga iyo maalkaaga waxaad u gud bisaa dagaalkan nabigu S.C.W uu abaabulayo uuna rabo inuu kugaado gaaladii quraysh Nabiga S.C.W waxa uu diyaariyay ciidan uu rabay inuu ku gaado quraysh Nabiga S.CW Allah ayuu baryay inaysan ka fashilmin abaabulkiisan dagaal uu lamaagan yahay Ahlu Makkah…


Qiso: YUHUUDIGII KUSOO ISLAAMAY DAACADNIMADA ISLAAMKA.

1:52 AM 0
Qiso: YUHUUDIGII KUSOO ISLAAMAY DAACADNIMADA ISLAAMKA.


QISO QALBIGA TAABANEYSA:

"YUHUUDIGII KUSOO ISLAAMAY DAACADNIMADA ISLAAMKA"

Waxaa jiray Nin ka mid ahaa dadkii wan'wanaagsanaa waxa uu lahaa Dukaan shaqaalihiisana waxa uu u dar'daarmi jiray hadii ay Ceeyb leedahay Alaabtiisa in dadka aanan loo qarin OO dadka loo sheego Ceeybta.
Waxaa dhacday Maalin maalmaha ka mid ah in Nin yuhuudi ah uu Dukaankii uu yimi uuna iibsaday Maro meel yar ay ka jeexan tahay, Ninkii Dukaanka lahaana ma uusan Joogin, Ninkii Shaqaalaha ahaana waxa uu ku yiri Nafsadiisa ku qanciyay maxaa iga galay Yuhuudkaan...,


waxaa yimi Ninkii Dukaanka lahaa waxa uuna waydiiyay Maradii ceebta laheyd? waxa uu yiri waxaan ka iibay Nin Yuhuudi ah waxaana ka siiyay 3000 Dirham!!!!! mana aanan u sheegin marada in ay jeexan tahay oo ay ceeybi leeedahay, aaway ayuu ku yiri? waxaa uu ugu jawaabay waa uu tagay safarkii uu la socday buuna la laabtay.

Lacagtii buu ka qaaday, kadibna waxa uu ka daba baxay safarkii si uu u uga gaaro inta aysan fogaanin, waxayna ku qaadatay in uu la gaaro Safarkii 3dax maalmood oo safar ah, waa uu la kulmay kadibna waxa uu yiri:
"waxaan ahay Tukaankii aad marada ka soo iibsatay Ninkii iska lahaa, marada lagaa iibayna ceeyb bay leedahay ee lacagtaada qaado waatan Maradiina isii.

Ninkii yuhuudiga ayaa waxa uu ku yiri Su'aal ma ku waydiin karaa? haa buu yiri: "maxaa

Thursday, July 18, 2013

Qiso Cajiib Ah: Ogoow hadii aad gabdhaha kale xumeyso in adigana walaashaa la xumeynayo.

10:42 PM 0
Waxaaa jiray wiil yar oo caadil la yiraahdo wuxuu ku noolaa nolol aad uu qaraar oo xumaaan badan.qamrada buu caabi jiray, gabdhaha ayuu ka tuman jiray, fasahaad badan buu ku noolaa. gabdhaha ayuu meelahaa ka ugaarsan jiray. waxa uu maalin helay gabar la yiraahdo Rabaab oo ardiyad jaamacad dhigata. telfoonkeedii buu helay, waa uu wacay, wey ka qabatay wuuna la hadlay, sii wanaagsan beey uu sheekeesteen. caadil waxa uu sameyn jiray, Gabdhaha intaa uu sidaan oo kale ula hadlo ayuu meel ku balamin jiray kadibna xumaan ku sameyn jiray. Lakinse gabadhaan waxey ahayd gabar dhowrsoon, oo jamacad dhigato, wey ka diiday oo waxey ku tiri,maya i argi meysid telefoonka ayaan weligeeyn ku sheekeeysaneynaa. lacag badan beey telfoonka kaga dhameeysay maalin waalba waa ay u sheekeysaa lkn in uu la kulmo waa ay ka  diiday 

Markii danbe waxa uu ku yiri inaa ku guursado ayaan rabaa xumaan maa rabo.  guriga aan ku diyaariyaay iyo alaabtaa aan iibiyaay kaalay soo arag hadaad beenteey moodeesid waxa uu wadaba weey soo jilicday gabadhii.  wuxuu ku yiri Walahi Cadiim inaaan xumaan rabin, aad baan kaaga helay  waxa rabaa inaa ku guursado gurigana soo arag. Waa ay ka yeeshay in ay guriga soo aragto.Rabaab Subax kasta waxa ay u kalahdaa jaamacada, waxaana subixii sii qaada, duhurkiina soo celiyo aabahayd, aabahayna aad buu u kululyahay.subaxdii markii aabahayd uu qaaday oo uu jaamacada hor keenay sida caadada ahayd, ayuu iska laabtay. Markey ogaatay in aabahayd baxay ayey wiilki caadil ahaa wacday oo ku tiri jaamacada horteeda igu imaw. meeshiii buu ugu yimid wuu ka xeeyay waxa uu wadaba, waxaa la gaaray gurigii uu lahaa adigaa iska leh. Waxa uu ku yiri, waa kanaa adigaa iska leh gurigaan. Gurigii ayey horay u gashay, aad beyna uga heshay guriga. waxey ku tiri,


Thursday, May 23, 2013

QISO CAJIIB AH.Ilaahow wixi masajidkaan so gala naar ha taabsin

10:02 PM 0
Waa Qiso cajiib ah nin aya Wuxu yiri habeen Ayaan rerkayga hilib u doonay kadib hilibki asago wada oo u socda gurigisa aya saladi cishaha la aqimay masajidka ayuu ku lexday, hilibki agtiisa dhigay Saladi ayu tukaday, marku kulabtay gurigisa , ayu xaaskisa u dhibay si ay casho ugu samayso , waqtigi laga so dajin laha hilibka marki la garay, waba sidisii oo ma ba bislaanin, ninki wuu naxay Wuxu is yiri ma masjidki aad la gashay aya Danbi kaa so racay, kadib Wuxu u tagay imaamki masjidka oo uu ushegay arinki , imaamki wu farxay wuxuna yiri Ilahay ducadaydi wu aqbalay , oo galabta waxaan ku ducaystay Ilaahow wixi masajidkaan so gala naar ha taabsin oo ka xiree ,!!!!! Allahu Akbar Ilahow dhamaanteen naarta naga xoree. Aaamin.

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:

WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

Friday, January 11, 2013

Alle Kacabsigii Saxaabada.

6:02 AM 0
Alle Kacabsigii Saxaabada.
Bismillaah Arraxmaan Arraxiim. Ilaahay baa ammaan oo dhan & xamdiba iskaleh, Allaha Khabiirka ah oo haddana Xakiimka ah, Xaal uuyahay kii kusugnaaday carshigiisa, Ilaaha qorrax kasoo baxa iyo qorrax udhaca, Allaha abuurtay Maroodiga iyo muluca, kan si guud ugu naxariista adoomihiisa, hayeeshee si gaar ah ugu naxariista Mu'miniinta.. Naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato Nabigeennii udgoonaa Muxammad, raxmaddii caalamka, hanuuniyihii ummaddiisa, shafeecihii qiyaamaha, siraajkii muniirka ahaa & saaxiibka Xawdka(darka) ay mu'miniintu kacabi doonaan maalinta qiyaame ee ay qorraxdu kulushahay. Intaas kaddib: Culimada Islaamku waxay yiraahdeen: "Ilaahay qaadir ahaaye, isagoo isticmaalaya cilmigiisa ballaaran ee usahlaya inuu ogaado waxa soo socda, ayuu wuxuu fiiriyey quluubta adoomihiisa bini'aadamka ah, markaasuu wuxuu ka-doortay dhexdooda Nabiyadiisa iyo rusushiisa, kaddibna wuxuu fiirshey quluubta Nabiyadiisa, markaasuu wuxuu kadoortay Nabi Maxamed iyaga dhexdoodii, kaddib wuxuu fiirshey quluubta addoomihiisa sooharay ee aan nabiyada iyo malaa'igta ahayn, markaasuu wuxuu kadoortay saxaabadii nabi Muxammed, islamarkaasna uu iyaga udoortay Rasuulkiisa inay garab iyo gaashaan u noqdaan, Ilaahay wuu doortay asxaabta nabiga, kaddib markuu fiirshey quluubtooda, kaddib markuu ogaaday inay uqalmaan inuu doorto. Marka walaalahaygii wanaagsanaayoow, waxaan mawduuceenaan maanta ku eegi doonaa sifihii ama sidii ay saxaabadii Rasuulka lanoolaa ay udhaqmi jireen ama uu ahaa Cabsida ay Alle kaqabeen ciqaabkiisa, tan markaan isla eegno waxaa kuubaxaya in annaga nool maanta iyo iyaga waqtigaas joogey aan isu jirno inta cirka iyo dhulku ay isu jiraan(yacni sida Islaamkeennu u kala fogyahay, iyo sida ay nooga fiicnaayeen).. 


KHOOFKII(AMA CABSIDII SAXAABADA) ABUUBAKAR AL SIDDIIQ: 

 Abuubakar(Allaha ka raalli noqdee) sida uu warinayo imaam Axmed ibnu xanbal, waxaa laga hayaa inuu yiri: "Waxaan jeclaystaa inaan ahaado xabbad tin ah oo kutaal jirka qof mu'min ah", saas wuxuu uleeyahay saxaabigu cabsi uu kaqabo Ilaahay lakulankiisa. Sidoo kale maalin maalmaha kamid ah ayuu wuxuu qabtay carrabkiisa foodiisa, markaasuu wuxuu yiri carabi ahaan: "haadaa Alladii awradanii almawaarid" (kan oo carrabkayga ahi waakan i dabaalsiinaya togaga iyo balliyada) wuxuu ula jeedaa kahadalka dadka maqan arrimahooda ayuu idabaalsiiyey carrabkaygu(saxaabigu wuxuu ahaa ruux Alle kacabsi badan, laakiin naftiisa ayuu dhaliilayaa). Sidoo kale waxa uu imaam Axmed kuweriyey kitaabkiisa la yiraahdo AZZUHDI in uu Abuubakar yiri carabi ahaan: "ABKUU FA IN LAM TABKUU FATABAAKAW" (dadoow ilaahay dartiis u ooya, haddii iinnaan ooyi karinna kudadaala inaad ooydaan). Sidoo kale waxa uu Imaam Axmed ka warinayaa MUJAAHID isagoo sheegaya Abuubakar sifadiisa: "WAKAANA IDAA QAAMA ILAA ASSALAATI KA' ANNAHU CUUDUN MIN KHASHYATI ALLAAH" ( Abuubakar markuu u istaago salaadda wuxuu ahaa sidii tiirkii oo kale, dhaqdhaqaaq la'aan, cabsi Ilaahay darteed). Sidoo kale maalin maalmaha kamid ah ayaa Abuubakar yiri: " Wallaahi waxaan jeclaystaa inaan ahaado geed ladaaqay oo xooluhu ay ruugeen"(yacni geeduhu maadaama aysan xisaab lahayn qiyaamaha, ayuu leeyahay maxaan geed u ahaan waayey aan xisaabta kabaxsadee!. 


 CUMAR BIN AL-KHADDAAB(RA): 

 Maalin maalmaha kamid ayuu wuxuu akhrinayey suuradda 52-aad ee qur'aanka, laguna magacaabo Suurat- Adhuur, markii uu marayo{ INNA CADAABA RABBIKA LAWAAQIC} (Cadaabka rabbigaa waa kii dhacaya), ayaa oohintiisii badatay wuxuuna bilaabay inuu hadba kuhakado aayaddaas iyada ah, isagoo kusoo celcelinaya, kaddibna wuu xanuunsaday tiiraanyo darteed, ilaa uu kusugnaaday ayaamo badan gurigiisa, dadkuna ay hadba kusoo booqanayeen jirradiisa awgeed!. Sidoo kale maalintii naftu kadhacaysay cumar isagoo kujiifa dhabta wiilkiisa ayuu wuxuu kuyiri: "Wiilyohow madaxayga dhulka iska dhig oo ciidda dhig, waxaan rajaynayaa in Ilaahay arrintaan darteed iigu naxariistee", Sidoo kale wuxuu yiri carabi ahaan: "BAL WEEYLUN LI UMMI CUMAR ILLAM YAQFIR LII" (Hooyadii cumar waa hoogtay, haddii aan cumar Ilaahiis u naxariisan) isaga ayaa isula jeeda hadalkaan isaga ah. Waxaa kaloo lawariyaa in Cumar indhihiisa hoostooda ay kuyaalleen laba xariiqamood oo madoow oo kadhashay iilmadiisa badan, oo uu Alle dartiis u ooyi jiray (WAKAANA FII WAJHIHI KHADDAANI AL ASWADAAN MINAL BUKAA). CUSMAAN IBNU AL CAFFAAN(RA): Sida uu qorayo kitaabka layiraahdo XILYATUL AWLIYAA, Cusmaan marka uu qabri booqdo aad ayaa oohintiisu ubadnaan jirtay, ilaa garkiisa oodhammi uu kaqoyi jiray, maalin maalmaha kamid ahna wuxuu yiri "Haddii lay geeyo meel udhaxaysa naarta iyo jannada, ma ahi mid garanaya mid la igu tuuri doono, hayeeshee haddii ikhtiyaar la isiiyo markaas waxaan dooran lahaa in layga dhigo ciid", cabsi uu Alle kabaqayo ayuu saas uleeyahay saxaabigu!. 

 CALI BIN ABII DAALIB(RA): 

 Sida uu dhigayo kitaabka layiraahdo SAFWATU AL- SAFWAH, Cali Alle ka-cabsigiisu laba arrimood ayuu kusalaysnaa, labadaas oo kala ah: YIDIDIILO DHEER & HAWADA RAACIDEEDA oo uu cabsi kaqabey, wuxuuna yiri isagoo arrinkaas sifaynaya: " Rajooyinka dheeri aakhirada ayay ku hilmaansiiyaan, Hawada raacideeduna xaqa ayay kaa dabooshaa, War dadoow adduunyo waa sii socotaa, aakhirana waa soo socotaa, mid walbaana carruur bay leedahay, marka kudadaala inaad kamid noqotaan carruurta aakhiro, oo hakamid noqonina carruurta aduunyo, maanta waa maalin-camal oo xisaabi majirto, barrina waa maalin-xisaab oo camal majiro" 


 ABUU AD-DARDAA'(RA): 

 Saxaabigaan jaliilka ah waxaa laga wariyey inuu yiri: "Qiyaamaha waxaan ugu cabsi badanahay in la iweeydiiyo Abuu dardaayoow wax waad baratay, laakiin maxaad kaga camal-fashay wixii aad baratay". TAABICIGA IBNU ABII MALAYKAH: Wuxuu yiri: "waxaan lakulmay anigu soddon kamid ah saxaabadii rasuulka, mid walbaana wuxuu naftiisa kala baqi jiray inuu kamid noqdo munaafiqiinta". Sidoo kale taabiciga layiraahdo AL-XASAN A-L BASRII: Waxaa laga hayaa inuu yiri " Munaafaqnimada sideeda, waxaa ka-baqa mu'minka, waxaana aammin naftiisa uga noqda munaafaqa" (yacni qofkii naftiisa munaafaqnimo kala baqayaa waa qofka mu'minka ah oo keliya). Cumar binu Al-khaddaabna wuxuu maalin uyimid saxaabiga layiraahdo xudeeyfa ibnu Al-yamaan, oo ahaa sirhayaha Rasuulka(NNKH), cumar wuxuu weeydiiyey xudeeyfa: " Walaaloow xudeeyfoow maadaama uu Rasuulku kuusheegay magacyada munaafiqiinta, anigu makujiraa munaafiqiinta", Xudeeyfa wuxuu ugu jawaabay: MAYA KUMA JIRTID, Adiga qof kaa dambeeyana uga jawaabi maayo su'aashaas oo kale. IMAAM AL-BUKHAARI: Imaamku Ilaahay raalli haka noqdee wuxuu u khaas yeelay BAAB(ama CUTUB) dhan oo kitaabkiisa kamid ah Cabsida, wuxuuna kumagacaabay..carabi ahaan marka lagu sheego: " Baabu khoowf al mu'min an yaxbadha camaluhu wahuwa laa yashcur" (baabka tilmaamaya inuu mu'minku kabaqo inuu camalkiisu buro isagoo aan dareemin). ALLAAH WAXAAN WEEYDIISANAY CAFI & CAAFIMAAD

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:

WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA