SUPPORT WEBSITE

Thursday, December 31, 2020

XABIIBUL MALAAYIIN MADAXWEYNE FARMAAJO OO U HAMBALYO U DIRAY XULKA BANAADIR.

10:43 AM 0

MADAXWEYNE FARMAAJO OO U HAMBALYEEYEY XULKA KUBADDA CAGTA GOBOLKA BANAADIR



Muqdisho, Diseembar 31, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey Xulka Kubadda Cagta Gobolka Banaadir oo ku guuleystay Koobka Tartanka Dowlad Goboleedyada Dalka oo ka socday Caasimadda Muqdisho intii u dhaxeysay 20-kii ilaa 31-dii bishan Diseembar 2020.


Madaxweynaha oo bogaadiyey Xulka Dowlad Goboleedka Galmudug oo soo gaaray ciyaarta kama danbeysta ah, ayaa tilmaamay in ciyaartoyda, Macallimiinta iyo Maamulka Kubadda Cagta ee Galmudug iyo Gobolka Banaadir ay muujiyeen xirfad sare, isku xirnaan iyo dadaal ballaaran.


“Hambalyo dhammaan laacibiinta, Tababareyaasha, Garsooreyaasha, Taagereyaasha iyo guud ahaan bahda ciyaaraha Kubadda Cagta ee ka qeyb qaatay Tartanka Dowlad Goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Dhammaan waxay soo bandhigteen ciyaar wanaag, xirfad sare, biseyl iyo sida aad dalkeenna ugu matali kartaan fagaareyaasha caalamiga ah ee kubadda Cagta.”


Daawashada ciyaarta waxuu  Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku maamuusay qaar ka mid ah Xidigihii Kubadda Cagta ee ka tirsanaa Kooxihii Horyaalka dalka ee Horseed, Jeenyo iyo Minishiibiyo. 


Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyey qabanqaabada iyo hannaanka maamulka Koobka ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo si mugleh isaga kaashaday qabsoomidda tartankan.


Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si gaar ah uga mahadceliyey Ciidamadeenna Geesiyaasha ah ee habeen iyo maalinba u taagan amniga dalka, gaar ahaan inta uu socday Koobkan oo ay ka soo qeyb galeen dhallinyaro iyo masuuliyiin Soomaaliyeed oo ka socda Gobollada dalka.


DHAMMAAD


Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;


Cabdirashiid Maxamed Xaashi,

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya


E-mail: media@presidency.gov.so

Twitter: @TheVillaSomalia

Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/

Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/

Youtube:https://www.youtube.com/XafiiskaWarfaafinta/

Instagram: https://www.instagram.com/villa.somalia/

Wednesday, December 30, 2020

HALKUDHIGYO XIKMAD BADAN BY SH MUSTAFE XAAJI HAARUUN.

10:09 PM 2


Hal Ku Dhigyada Cajiibka ee Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun qaar ka mid ah hoos ka akhriso:-


 " Luuqada Soomaaligu Waa Af Muslim, Waa Af-diin iyo Dadnimo-ba Xambaarsan ".


1-| " Aqoonyahanku wuxuu aqoonyahan yahay markuu Rabbigiina yaqaano , Aakhirana yaqano addunkana uu isbedel ka samayn karo. "


2-| " Dhalasho wacan markaan leenahay taas macnaheedu waa sanad baan xabaasha u dhawaaday taasi ma wax lagu farxa. "


3-| " Inaad noqoto qof hami leh, han leh, hiigsi leh, oo hiraal u muuqdo waa lagama marmaan."


4-| " Dad baa dibadda ka qurux badan, guriga markay soo galaana bahal aah , qofka aad nolosha isgu darsateen iyo caruurtad dhashay inaad ku xumaato , dibadana nin fican oo laga yaqano hebel la yidhahdo noqotid wax fican ma aaha ." 


5-| " Dunida dadka isdila iyaga ugu badan reer galbeedku , meeday barwaaqaada ay sheegaayaan? " 


6-| " Aqoonyahanku hadu noqdo qof la ibsan karo suldanadu iiibdan karto, dawladuhuna laaluushi karan aqoonyahan ma-aha " .


7-| " Gool baa la dhaliyeey maxay noloshaada ku soo kordhisay. " 


8- | " In Hooyo la noqda waxay ka Qurux badan tahay inaad noqoto injineerad " .


9-| " Nin walba qabiilkiisa inta la dulmiyaay buu ogyahay, laakin se ma oga intay dulmiyeen ee aay Akhiro u direen."


10-| " Quraanka haddii aad akhrido ; qof Rabigii u waraamayo ayaad tahay bal qiyaas Rabiga oo kula hadlaaya oo ku waramaaya." 


11-| " Luuqada soomaaliyeed waa af Muslim, waa af diin iyo dadnimo ba xambaarsan ". 


12- | " Meesha Qiimaha leh ee u baahan inaan u shaqaysano waa Aakhiro ". 


13-| " Haddaad rabto dadka in caqligoodu ku aqbalo , waxa ka horeeya qalbigooda inad furto qofkaad qalbigiisa furi kari weydana caqligiisana ma furi garaysid ; qalbigana waxa lagu furaa jacayl , naxariis iyo hadal wanagsan " .


14-| " Waxa laga yaaba inad sacado badan ku bixiso iskuulka, yaad saaqidin oo ka waran maalinta qiyaame haddad saaqido maalinta aan saaqidnimo ka weeyni jirin. " 


15-| " Dadka kuwa ugu hantida badan 

Aya aah kuwa ugu hurdada yar ".


16-| " Hadday jannadu tahay meesha qofka logu nimceenayo , caddabtuna ay tahay meesha qofka lagu ciqabayo ; Addunyaduna waxay tahay meesha qudha ee laysgu imtixamayo " .


17-| " Ilmaha inaad Guri uga tagto waxa ka qiimo badan inaad Diin uga tagto, inaad dhaqaalo u samayso waxa uga qiimo badan inaad isaga qof ka dhigto jira oo nool oo Muslim ah. Haddii uu qof Muslim ah noqdo oo Naftiisa ku kalsoon meel uu seexdo iyo wax uu cuno isagaa raadsanaayo."


18- |" Jamacaada baan ka baxay , shahaadan qatay , shaqo fiican baan heelay war waad tagaysaaye waxaas oo dhan waa maalmo , maalin ama maalin badhkeed ayay nolosha oodhan kula noqon marka qiyamaha lagu weeydiyo, oo nolosha maa maalin badhkeed bad dooratay marka."


Dadka kale sii gaarsii.


Xigasho:-   Mustafe Janaale

MADAXWEYNE QOORQOOR, HALYEEY SHACABKA SOOMALIYEED AMAANEEN.

3:00 PM 1

Madaxweyne qoor qoor



Madaxweyne Qoor-Qoor caawa meel fagaare ah ayuu marqaati kafuray wuxuuna sheegay arinka Gobolka Gedo in laga heshiiyay waliba iyadoo labada dhinac ay kafadhiyaan Dani iyo Ahmed madoobe oo islahaa su'aashaas jawaabteeda wuu kawareegsan doonaa Madaxweyne Qoor Qoor-Qoor.

Arinka 2aad ee Madaxweyne Qoor-Qoor caawa uu kugaraacay Dani iyo Ahmed Madoobe wuxuu ahaa su'aashii sadexdooda lawada waydiiyay ee ahayd sidaan soo socota.

Suurtagal matahay inaad katanaazushaan arinka ah Madaxweyne Maamul goboleed oo Somaalidu dhibsatay isla markaana la idinkugu yeero wax kaduwan?

1: Siciid Dani lagama yaabo ayuu yiri.

2: Axmad Madoobe Dani ayuu laqabaa.

3:Ahmed Abdi Kaariye way ila quman tahay in arinkaas labadalo oo lasoo celiyo haybada Madaxweynaha Qaranka .

Caawa aqoon horleh ayaa iiga korortay Madaxweyne Qoor-Qoor.

#JournalistHanadAbdi



SHALAY MAANTA KU ILOOW, MADAXWEYNIHII UGU HOREEYEY....

2:33 PM 0


Mudo xilleedkiisi koowaad, wuxuu dhammaaday iyadoo aan hal Askari iyo hal qof oo shaqaale dawladeed ahi aannu bil keliya bilaa mushahar noqon. 


Ka hor Mudo xileedkiisa koowaad, Askarta oo aad u yarayd, xiligaasi oo mushaharkoodu ahaa $100 oo keliya waxaa ka maqnaa 9 bilood oo mushar ah.


Dhammaadka mudo xilleedka koowaad ee Farmaajo tirada askarta waxay korodhay in ka badan 65% halka Musharkooda uu kordhay 130% kaasoo noqonaya $230.


Qorshaha mudo xilleedkiisa labaad, dhammaadka 2021 ayaa ah in mushaharka Askariga la gaadhsiiyo $500.


Farqiga Shalay iyo Maanta, sidee kula yahay?

Monday, December 28, 2020

SHEEKO: GARO OO KA FAAIDEYSO AWOODAHA RABBI KU SIIYEY.

1:24 AM 0


Xawaaraha Xayawaanka Deerada ama Coowsha la yiraahdo wuxuu gaarayaa Sagaashan kiilomitir Saacaddiiba (90km/h). Halka Xawaaraha Libaaxuna gaarayo 58-kiilomitir Saacaddiiba (58Km/h)

Sida muuqata Deeradu way ka orod badantahay Libaaxa, haddana mar waliba oo uu eryado si fudud ayuu ku qabtaa oo ku ugaarsadaa. 

Haddaba waa maxay sababtu? Taas waxaa u wacan labo arrin oo isbiirsaday:

❶ Libaaxa oo ah noole aaminsan awoodda Alle siiyay, aanna ka laba-labeyn kana rumeeya go'aanadiisa.

I❷ Deerada oo iyadoo isbarbardhigeysa awooddeeda iyo tan Libaaxa, fikir xun ka qaadatay nafsaddeeda, aamintay in aysan Libaaxa ka fakan karin.

Sidaa aawadeed marwaliba dib ayay soo eegtaa si ay u eegto ama u fiiriso in uu Libaaxu qaban rabo iyo in kale, dib-eegistaasi wuxuu dhimayaa xawaaraheeda, wuxuuna Libaaxa u suuragelinayaa in uu qabto Deerada.


Haddeysan Deeradu gadaal eegin, Libaaxa uma suura gasheen in si fudud u ugaarsado.


Haddaba sheekadaani maxay inna bareysaa?


❶ Garo oo ka faa'ideyso awoodaha uu Alle ku siiyay.

❷ Dib ha u milicsan oo iska halmaam maalmihii madoobaa ee kusoo maray, hana ka warwarin waxa soo socda Mustaqbalka.

❸ Haka laba-labeyn go'aannada aad qaadato, lana tasho Alle iyo Axsaabta aad ku kalsoontahay.

❹ Si aadan u yasin naftaada, noloshaada ha u barbar-dhigin nolosha dadka kaa sareeya, ogoowna in aad ka nolol ficantahay malaayiin qof.  

Fadlan like saar page kaan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.


✍ Qalinki: H  Sabriye.


👍mahadsanid

Monday, December 21, 2020

MADAXWEYNE FARMAAJO: WALAAHI SOOMALI MA YAAQANAN.

2:51 AM 0
MADAXWEYNE FARMAAJO


 Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo oo Qudbad shacabka soomaliyeed qalbiyadooda dhaqaajisay jeediyey, ayaa u sheegay in soomali aysan cadawga aqoon. Waxuu yiri:

"Waxaan uga Digayaa Wadamada iyo Shirkadaha shisheeye, in aysan ku xadgudbi karin qaranimada iyo midnimada soomaliyeed, Waxaa laga faa,ideysanayaa Qeybsahaanshaheena, in aan qeybsanahay ayey ka faa,ideysanayaan.

Waxey ka faa,ideysanayaan tabardarideena. in aan tabardaranahay bey ka faaideysanayaan.

Laakin walaahi Mayaqaanin soomali, Soomali ma yaqaanan.

HOOSE KA DAAWO VIDEOGA OO DHAMEYTIRAN.

Sunday, December 20, 2020

MURUGADII DULEEDKA KISMAAYO WARIYAHA KUSOO ARKAY.😢

6:15 PM 0


Waxaan  Filaa Adigane inaadan Ka Mid Noqon Tobanaanka Xaasidiinta ah Ee Umadda Masaakiinta ah Ee Daruufta Ciishay Aan  U Naxariisan Ee Danta Uga Faa`iideeysta 

Sida Kuwa Odeygaan Maskiinka ah Ee Hadane  Waayeelka ah Qowsaar inta Ka dhigtay Markii Uu Sodonka Maalmood U Raacay Xoolahooda Lacagtiisa  Kula Meereystay.  Kismaayo .😭😭

Waa 90" jir Duleedka  Kismaayo Labaatan Kun Shilin Soomaali Xeeyn Ari ah Dadka Halkaa Dagan Ugu  Raaco  Ax Ax Aaway Naxariistii😢

Waa Awoowe Aad U Tabaaleysan Qol Ku yaallo Waqooyiga Magalaada Kismaayo Oo ah Xaafad Kaama dambeyso Ayeey Wadagan yihiin isaga iyo Xaaskiisa Oo ayadane Aan Ka Cimri yareen 

Maxeey isku Ballansadeen Lamaanahan Waayeelada ah Ee Daruufta iyo Waayaha Ka Hiiliyeen Oo Aan Haysan Dad iyo Duunyo ay Ka Laab dagsadaan 

Waxeey isku Ballansadeen Labadeena Keena Hor geeriyooda Kan Ka dambeeya Ha Duugo 

Waxaan Aroor Walba Raacaa Xeeynta Ariga ah Dadka Waxeey Bisha isiiyaan Labaatan Kun Shilin Soomaali ah Wax ay  igu tarto Ma jirto Daruufta ayaa igu Khasabtay Noloshaan Aan Ciirsiga laheyn 

Waxaa Taas iiga daran Reeraha qaar ayaa Lacagta igu dhiba Aan isiin Nolol Kale Aan Tan Kaga Maarmo Ma leh.

Maalin Aniga Oo Geed Laamo Uga Soo guraya Xoogaa Ari ah ayaa Laan Geedka Ka soo fakatay isha iga Gashay Xitaa Qori ayaa iiga galay isha Waa ay i Cadaatay Lacag Aan isbitaal Ku Aado Waan Waayay Hadd Qeeyb yar Ayaan Wax Ka arkaa 

Waayeeladan Silaca iyo Darxumada Ka Muuqato Ogow Waa Dad islaam ah Waxa Aan Isxaanka U Sameeynin Waa Dad ayagane islaamnimo Sheeganaya 

Wareysi Murugo badan Oo Aad U dheeraa ayuu Siiyay Televusionka Universal Runtii Waa Aanyan daro

Umaddii Samaliyeed Ee Muslmiinta ahaa Waxaa Hal Mar Ka guuray Naxariistii

Samafalkii Ixtiraamkii Wax isa siintii

Qof Walba Oo Kismaayo Jooga Somaliya jooga Waxaa Waajib Ku ah in Dadka Tabaaleysan Laga War qabo

Haddii Wax Un U Aad Awoodo fadlan Kala Xiriir Tiviga Universal Xaruntiisa Kismaayo Wax Kale Haddaad Weeyso Fadlan U Share garee Walaalaha Kale Ee Wax haysto Ha U gurmadaan😭😭😢👇

ARAGTIDA LABADA KINIINI (Theory of blue pill red pill)

5:12 PM 0

ARAGTIDA  LABADA  KINIINI

(Theory of blue pill red pill)


Erey-bixinta labada kiniini (Kiniinka Casaanka ah iyo Kiniinka Buluuga ah) waa erey-bixin siyaasadeed oo casri ah. Waa ooraah laga dhaxlay filin Mareekan ah (Science Fiction) oo la yiraahdo (The Matrix), kaas oo la dhigey sanadkii 1999-kii. Wuxuu ka hadlayaa caalam uu qofku indhihiisa ku naqshadeysanayo muuqaalka uu jecel yahay in uu yeesho, taas oo ay suuragal tahay in ay ka xijaabto xaqiiqada. Aragtidu waxay tilmaamaysaa in nolosha ay qofka ka dhigeyso cabiid aanan adeegsan karin dareekiisa arag, dhadhan, ur iyo taabasho. Si haddaba qofku uu u haleelo ahaanshihiisa, wuxuu u baahan yahay in uu qaato labadan kiniini midkood. Labadan kiniin waxay astaan u yihiin faham falsafadeed oo midkood yahay la-noolaanshaha waaqica xaqiiqada xanuunka badan, midka kalena yahay ku noolaanshaha wahmiga macaanka badan oo ay farxaddu dheehdey laakiin runt aka fog. 

Fahamku waa mid la xiriira cilmu-nafsiga iyo dadka u-iilashadooda kala duwan ee wejiyada nolosha. Kiniinka casaanka ah waa mid shidan oo nafsadda qofka ku kordhinaya faham iyo indha-furnaan. Kiniinka buluuga ah ayaa isna ah mid dansan oo nafsadda qofka ku riixaya garasho-xumo iyo indha-la’aan. Tusaale-dhig, haddii qof la weydiiyo midkee ayuu dooranayaa, xaqiiqada kharaar oo lagu xoroobayo mase wahmiga macaan oo lagu gumoobayo. Waxaan shaki ku jirin in qof-walba uu dooranayo xaqiiqada kharaar oo lagu xoroobayo. Laakiin meetafiisikada nolosha ayaa isku-khaldaysa xisaabta wax lagu kala dooranayo. Sidaa-darteed qofkii aanan si dhug leh u raadin dhacdooyinka iyo sababahooda, isla-markaas aanan si hufan u taxliilin natiijooyinka, qofkaasi wuxuu maxbuus u ahaanayaa caadifadda indha-la’ oo kuwo lamid ah ay kaga danaysanayaan. 

Labada kiniini waxay ka dhigan yihiin labada fikradood oo dadka ama bulshooyinka ay kala qaataan marka ay la tacaalayaan mushkiladaha ay kala kulmayaan waayaha nolosha. Labadaas waddo ayaa midna ay u muuqataa mid raaxo iyo macaan laga helayo, laakiin been ku dhisan. Midda kalena mixnad iyo culeys ayay wadataa, laakiin run ayay ku dhisan tahay. Sidaa darteed, aragtida waxay xoojineysaa fahamka, waaqica xaqiiqada ah ee xanuunka badan ayaa wuxuu ka wanaagsan yahay nolosha khayaalka ah ee macaan.

Haddii aad qaadato kiniinka casaanka ah, waxaad raacaysaa waddada loo maro fahamka caqli-galka ah iyo fikiradaha laga dhaxlay tijaabooyinka cilmiga iyo natiijooyinkooda la hubo. Aragtida kiniinkan casaanka ah waxay ku caan tahay doorashada manhaj qeexan iyo waddo loo maro oo mixnadeysan, kuwaas oo ogaalkooda laga sugayo natiijo guul xaqiiqo ah.

Kiniinka bluuga ah, waa aaminaad fudud oo aan dhaliil lahayn iyo go’aan-qaadasho caadifadeysan. Waa kiniini qofka qaata uusan heleyn manhaj qeexan, isla-markaas waa waddo mixnadeysan oo qofka maraya uusan dareenkeeda lahayn. Waxaa laga sugayaa natiijo guul ah, laakiin aanan xaqiiqo ahayn. 

Kiniinigan buluuga ah, wuxuu yahay fikrad lagu gumeysto ummadaha. Siyaasadda carri-edeg ee dowladaha waawayn ayaa qaybinta kiniinigan soo bilaaba. Iyagu waxay u adeegsadaan la-tacaamulka dowladaha soo koraya oo ay ku suuxiyaan. Sidaas si lamid ah ayaa dowladaha adduunka saddexaad, ayaa iyaguna kiniinigan ku suuxiya shucuubtooda. Kiniinkan sida uu khatar ugu yahay fahamka qofka, si-lamid ah ayuu khatar ugu yahay fahamka bulshada. Waa kiniin (aragti) bulshada siinaya raaxo, amaan iyo xasillooni. Bulshada kiniinigan qaadata waxaa nolosha kaga baxa kharash aad u badan. Bulshadaasi ma-noqoto mid oggolaanaysa in lagala doodo manhajka khaldan oo ay ku salaysay noloshooda. Waa bulsho suuxsan oo xubnaheeda maahan kuwo dareemaya dhibaatada ay ku sugan yihiin iyo kharajka kaga baxaya culaabta garbaha u saran. Fahamkaas khaldan oo ay aamineen maahan mid iyaga keliya luggoynaya, bal luggooyadu waxay u gudbeysaa caruurtooda. 

Qof-walba oo doonaya qof uu ka garaad sareeyo am aka aqoon-sareeyo amaba uu ka awood badan yahay ee doonaya in uu dhiig-miirto, wuxuu siiyaa kiniinigan buluuga ah. Dadka kiniinkaas qaata, waa kuwo mar-walba u ban-baxa caabuqyo halis ah iyo khataro is daba-joog ah. Waxaa daah ka saran-yahay natiijooyinka aqooneed ee fasiraadda u ah sababaha xanuunnada. Fikrado ay naqshadeeyeen dicaayado been ah ee caadifadda taabanaysa ayaa bulshada lagu faafiyaa. Kiniinigan ayaa wuxuu dadka ka dhigayaa kuwo aqbala sheegashooyin aanan xaqiiqo ahayn, laakiin dadku ku qancaan. Waxaa ka dhasha cadaalad-darro taabanaysa nolosha dhinacyadeeda oo dhan, isla-markaas aanan la dhaliili karin.

Kiniiniga buluuga ah waa mid markiisa hore soo jiidasho leh oo ballan-qaadyo fiican ayaa la socda, laakiin whmi ah. Ballan-qaadyadu waxay lamid yihiin shaxda dhaqaale ee Boonzi (Ponzi Economic Schema), taas oo saamileyda u muujinaysa faa’iidooyin xooggan iyo rajo aanan caqli ku saleesneyn. Siyaasiga qaybinaya kiniinka buluuga ah waa Dijaal aanan wax hambayn u taagan luggooyada dadka aanan fahmin beenta uu iibinayo. Dadka lagu khiyaano kiniinigan waa kuwa aanan caqliga adeegsan, isla-markaas ay ku adag-tahay in ay tafsiir saaraan riwaayadaha lagu matalayo fagaaraha ku hareereysan. Dadka caynkaas ah, goor ay wakhti badan lumiyeen ayay u caddaataa kiniinigan in uusan ahayn midkii daawada ahaa, bal uu yahay mid tows iyo krooniko ku abuuraya. 


Qore: Dr. Saadiq Enow

saadiq.enow@gmail.com

CAALAMKI OO MADAXWEYNE FARMAAJO AMAANAY.

4:23 PM 0


Saxafi Marwan Bishara oo ah Journalist iyo Qabiir Siyaasadeed una Shaqeeyo tvga Al Jazeera English ayaa Saacada Ka Hor Waxuu Marti Ku ahaa FRANCE 24 Waxuu Yiri Sidaan:

“Maanta Waxeey layaabantahay Kenya oo Ka Mid ah Wadamada Afrika Ugu Waaween Uguna Hormarsan Dowladne ahaa 54 Sano Sida Maanta ay Uga Aradantahay ama Qaangaar ugu Aheen 'Dipomasiyada".

Qofna Ma Fileenin Somaliya oo Wax Ka Badan 20 Sano Burbursaneed in Kenya ay Uga adkaan Doonto Arimaha Diplomasiyada 'Bal Maanta Fiiri Caalamka oo Dhan Waxuu la Safanyahay Somaliya, Kenyane Waxaa loo arkaa Wadan gardaran 'UK, USA iyo Brussels Waxeey Uhurru usheegeen in Somaliya Faragalinta Ka Daayo Farmajane uu Raadiyo.

‘15 kii Bishaan December safiirka USA ee Nairobi Kyle Mccarter ayaa canaan usoo Jeediyay Uhurru Niyad Jabkane Waxaa laga Dareemi Karay Wajigiisa.

Xaqiiqdii Uhurru Waxuu u egyahay Madaxweyne Ku Fashilmay Siyaasada Dibada, Waxaadna Ka Dareemi Kartaa Uyeerashada Somaliland oo Dunidu aqoonsaneen iyo Faragalinta Jubbaland Markaane Waxuu Rabaa Shacabkiisa Inuu Ku Qanciyo Dagaal Ka Hor Natiijada ICJ da.

Dhigiisa Farmajo Waxaa Ka Muuqdo Daganaasho, Fiirsasho Dheer iyo latashiyo Badan Waxaana lagu Tilmaami Karaa Inuu Yahay Hogaamiye Baxaali ah (Charismatic Leader) Waana Ka Dareemi Kartaa Sida Farmajo uu Usameestay Xulafada Ethioipia, Ereteria iyo Somalia oo Hada Kaba Xoog Badan IGAD.

Uhurru Waa Inuu Dib Uraadiyaa Somaliya iyo Farmajahii uu Sida Fudud Ulumiyay.

Muwaadin Waxaad Ogaataa Si Walba ood Mucaarad iyo Muxaafad Aad utahay Markeey Imaado Danaha Guud Iyo Tan Qaranka Waalaga Tagaa Qabyaalada iyo Nin Necbeesiga.


👉Shere 🇸🇴

MADAXWEYNE FARMAAJO OO CIIDANKA BOOLISKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYEY SANAD GUURADA 77-AAD EE

6:23 AM 0

MADAXWEYNE FARMAAJO OO CIIDANKA BOOLISKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYEY SANAD GUURADA 77-AAD EE 

MADAXWEYNE FARMAAJO OO CIIDANKA BOOLISKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYEY SANAD GUURADA 77-AAD EE

Muqdisho, Diseembar 20, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Sarreeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil-xigeennada, Aliflayda, Dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska iyo qoysaskooda 77-guurada kasoo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay naftooda u huraan xaqiijinta amniga iyo xasilloonida dalka si Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay nabad ugu noolaadaan dalkooda.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waa Astaan qaran iyo midnimo, waxa ayna u taagan yihiin xaqiijinta amniga dalka si dadkeennu ay nabad iyo xasillooni ugu noolaadaan, sidaas awgeed waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay ku garab istaagan gudashada waajibaadkooda qaran”

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay qorsheyaasha dowladdu ay ku xoojinayso ciidamada, kor u qaadidda tababarradooda, joogteynta iyo kordhinta mushaarkooda, iyada oo la hirgeliyey hannaan askari kasta uu si toos ah ugu helaayo xuquuqdiisa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey Saraakiisha iyo guud ahaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed doorkooda ku aaddan ka miro-dhalinta qorsheyaasha muga weyn ee dib-u-dhiska iyo xaqiijinta amniga dalka.


Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;


Cabdirashiid Maxamed Xaashi,

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: media@presidency.gov.so

Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/

Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/

Twitter: @TheVillaSomalia

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA