SUPPORT WEBSITE

Wednesday, July 31, 2013

Qiso cajiib ah oo ku dhacday wiil xabad tufaax ah cunay

3:22 AM 0
Qiso cajiib ah oo ku dhacday wiil xabad tufaax ah cunay

Waxaa la yiri qarnigii koowaad ee Hijriyada ayaa waxaa jiray wiil dhallinyaro ah oo Ilaah ka cabsi badnaa cilmigana aad u raacan jiray hawlo oo dhanna faraha uga qaaday sidii uu cilmi diineed u korodhsan lahaa.

hasee yeeshee wiilkaasi faqiir ayuu ahaa, waxaa haddaba dhacday inuu maalin aad u gaajooday oo markii uu gaajadii xamili waayay a
yuu gurigiisii iskaga baxay isagoo halkii ku toosnayd uun iska qaaday, siduu u socday ayuu markii dambe wuxuu ku soo baxay beer bustaan ah oo ay ka buuxaan geedo tufaax ah oo wada bislaaday, geedaha mid ka mid ah ayaa laamaha tufaaxu dibadda u soo laalaadeen, markaasuu wuxuu naftiisii ugu sheekeeyay xabad tufaax haddaad ka goosato laamahan bannaanka soo jira gaajada way kaa biin doonaan, sidii ayuu yeelay markaasuu intuu xabbad tufaax ah ka goostay laantii iska cunay gaajadii gubaysayna ka yaraatay.

Haddaba markii


Qiso Cibro Qaadasho Mudan Oo Diini Ah: Islaantii U Imaatay Nabi Daa’uud “Cs”..

2:50 AM 0
MAKHLUUQA IYO TASARUFKA ILAAH
Islaan ayaa waxa ay u timid Nebi Daud(calyhi salam). Waxa ay ku tiri
“Nabigii ilaahayow rabigaada ma daalim baa mise waa caadil?” Nebi daud
CS waxa uu yiri: “War liibaantaadiye waa caadil aan marna gabood
falayn.” Markaas ayuu dhahay nebi Daud ” Qisadaada maxay ahayd?”
Islaanti waxa ay tidhi: “Waxa aan ahay islaan garoob oo leh seddex
caruur.

Nolosha caruurteyda aniga ayaa dabaro oo waxa aan ku nafaqeey
dun aan gacanteyda ku sameeyo. Shalayto waxa aan dunteytii ku soo
xirtay calal guduudan si aan suuqa ogu soo iibsado caruurteydana aan
ugu nafaqeeyo. Aniga oo socdo ayaa waxa igu soo dul dagay shimbir waxa
uuna iga qaatay calalkii iyo duntii waana la tagay.”
Islaantii iyo nebi daud oo sheekadii dhexda umareyso ayaa albaabka la
so qaraacay. Nabi Daud ayaa u idmay in ay soo galaan. Waxa soo galay
toban nin oo ganacsade ah mid walba waxa uu gacanta ku wadaa toban kun
oo diinaar. Waxa ay dhaheen: “Nebigii ilaahayow lacagtaan sii dadka
mustaxiqiinta ah muteystay in la siiyo.”
Nabi Daud waxa uu weydiiyay sababta ku xambaartay in ay sadaqeestaan
lacagtaan? Waxa ay dhaheen: ”Anaga oo markab saaran ayaa

Monday, July 29, 2013

SHEEKO QALBIGA TAABANEYSA.

5:07 AM 0

Cabdullaahi Binu Jacfar (RC), ayaa wuxu ku lugeynayay dhul keymo ah ilaa markii dambe uu yimid meel beer ah halkaas oo uu ka shaqeynayay wiil yar oo kamid ahaa adoontii Cabaasiyiinta.  Qof ayaa wiilkii yaraa cunto u keenay, islamarkii loo keenay ayaa waxaa soo ag istaagay eey dawaaf ah (aan meesha horay u joogi jirin).
webkaan ka aqriso qisooyin badan oo diini ah
Cabdullaahi Binu Jacfar (RC), ayaa wuxu ku lugeynayay dhul keymo ah ilaa markii dambe uu yimid meel beer ah halkaas oo uu ka shaqeynayay wiil yar oo kamid ahaa adoontii Cabaasiyiinta.

Qof ayaa wiilkii yaraa cunto u keenay, islamarkii loo keenay ayaa waxaa soo ag istaagay eey dawaaf ah (aan meesha horay u joogi jirin).


...


Wiilkii yaraa wuxuu u tuuray eeygii jab rooti ah, eeygii ayaa cunay rootigii balse meeshii kama uusan dhaqaaqin, mar labaad ayuuu jab kale oo rooti ah u tuuray, sidaas ayeyna ku socotay ilaa uu siiyay dhamaan cunto maalmeedkiisii iyadoo wiilkii eysan u soo haran wax cunto ah.

Cabdullaahi Binu Jacfar (RC) oo arintaan daawanayay ayaa wiilkii weydiiyay, "Maalintii meeqo xabo oo rooti ah ayaad heshaa?"
Wiilkii ayaa ku jawaabay saddex xabbo oo rooti ah sida aad hadaba arkeysay."

Cabdullaahi Binu Jacfar (RC): "Maxaad naftaada uga door biday eeyga oo aad u siisay dhammaan saddexdii rooti ee aad heysatay?"

Wiilka: Meelahaan wax eeyo ah majoogaan, eeygaana waxaa muuqata inuu safar dheer soo galay si uu halkaan u soo gaaro, aad ayuu u gaajeysan yahay sidaa darteed waxaa

Sunday, July 28, 2013

Qiso Cajiib ah: MUSLIM MA AHI LAKINSE WAAN DUKADAA SALAADA. MUST READ!!!

10:38 PM 0
Qiso Aad Iyo Aad U Cajiib Ah Cibro Qaadashana
Mudan “Muslim Maahi Lakin Waan Dukadaa
Salaada”.

MUSLIM MA AHI, LAAKIIN WAAN DUKADAA
...
SALAADA!!

Qisada waxaa ka sheekeenaya wiil ay
dhalashadiisu tahey American, kaasoo asiga iyo
qoyskiisana diinta Islam ka ah qaateen.

Waxuu ku bilaabey sheekadiisa sida tan: “Hooyadeyda waxey qaadatey diinta Islam ka ah,
waxey ku dukan jirtey salaadaha masjidka, laakin
waxey si layaab ah ula kulantey naag!! naagtaasoo
kula dukaneysa Masjidka isla markaana eesan ka
muuqan wax diin ah, oo u libasan sida gaalada oo
kale, jirkeedana asturneeyn, Hadana Salaad dukaneysa.

waxeyna timaadaa Masjidka isbuucii ama labadii
isbuuc hal mar.


Hooyadey arintaas marar badan ayeey aragtey,
markii danbe waxey g’aansatey iney weydiiso
naagtaan xaalkeeda.

waxeyna ku tiri: “adigu ma Islaam baa tahey?
Naagtii baa tiri: “Maya!!
hooyadey aad bey ula yaabtey naagtii waxeyna tiri:
“oo hadaadan islaam aheen maxaad u timid
Masjidka oo hadana u dukaneysaa?,

Saturday, July 27, 2013

QISO CAJIIB AH: GABADHII YAREED IYO AABAHEED.

4:44 AM 0
Qiso Cajiib Ah.

Maalin Maalmaha ka mid ah ayaa gabar 11 jir ah Aabaheed weydiisey. 
Aabo Markaan 15 jir gaaro, maxaa hadiyad dhalashadeyda ii siin doontaa??
Aabihii ayaa ku jawaabay, Aabo wali waqti badan ayaa noo dhiman, marki la gaaro
ayaad arki doontaa.

Gabartii markeey kudhawdahay Dhalashadeedi, ayaa nasiib daro xanuun kusoo boodey
oo loola cararey isbitaal, waxaana lagu sheegay in wadnaheeda uu shaqada gaabiyey,
oo loo baahanyahay in wadno kale loogu badalo hadii rajo laga qabo noolasheeda.


Gabartii yareed oo isbitaalka joogta ayaa Aabaheed weydiisay, Miyaan dhimanayaa Aabe??

Aabaheed ayaa ugu jawaabey asigoo ilmeynaya,

Friday, July 26, 2013

Qiso Cajiib ah: Ducooyinkeygi dhan waa la aqbal, hal mid mooyee.

7:01 AM 0

Hada ka hor ayaa nin Dr ama dhaqtar ahaa oo dr naajix ahaa ayaa gurigiisa ka baxay asagoo u socda airport waxuu u socday in uu ka qaybgalo shirarka takhaatiirta caalamiga waxaana lagu siin lahaa abaalmarin ,dr aad bay ula wayneed arintaas ,diyaaradii waa kacday markii ay caabar socotay aysan gaarin meeshii ay ujeedkeedu ahaa ayaa waxa soo baxday cilad farsamo.. Waxaa loo sheegay rakaabkii in ay diyaarada ku dagi doonto airport uGu dhaw ,dadka rakaab ka ahna laga saarin doono diyaarad kale maalinta bari ah .ninkii DR ahaa ayaa u tagay gabar fadhisay xafiiska waxuuna u sheegay in uusan sugin Karin bari uu leeyahay shir muhiim ah. Gabadhii ayaa ku tiri ,aniga arintaas waxba kama sameen karo ,laakiin magaaladaad u socoto sas uma faga ,hadaad gaari qaadato waa 3 hours driving ,Dr oo necbaa gaari wadista masaafada dhaadheer ayaa option kale waayay ,gaari rent (kiro) ah ayuu soo qatay wuuna kaxeeyay ,markii uu cabaar socday ayaa roob xun bilaawday oo waxba laga arkeen ,ninkii wadadii uu dhumiyay. Wuxuuna socday mudo sedex saac ah meel qaldan markii uu quustay ayuu arkay guri yar oo meel ka taagan ,waxuu is lahaa aad ka heshid waxaad cunto iyo taleefan aad dirsato si laguu hago maadaama mobile kiisii uu bilaa dab noqday ..Dr markii uu gurigii imaaday ayuu irida garaacay ,waxaa lagu yiri so dhaaf ,

Tuesday, July 23, 2013

Qiso: Been ha sheegin. ka fa,ideyso shekadan!!!

7:02 AM 0
Nin ayaa maalin u yimid Rasuulka (scw) waxa uu yiri. Rasuul aloow waxa aan sameeyaa waxyaalo badan oo xun xun hadaba teebaan ugu horeesiiyaa oo aan iska daayaa? Rasuulka (scw) waxa uu ku yiri jooji in aad been sheegtit oo waligaa runta sheeg. ninkii balan ayuu ku qaaday inuu in uu sidaas yeeli doono gurigiisii ayuuna aaday. markii habeenimadii ay noqotay ayuu damcay inuu wax xado. markaas ayuu soo xasuustay balantii uu Rasuulka (scw) la soo galay. waxa uu markaas is-wayddiiyay. Haddii subaxdii uu Rasuulka (scw) i waydiiyo xagee ayaad jirtay maxaan ku dhihi? ma waxaan ku dhihi waxaan aaday in'aan wax soo xado?

Monday, July 22, 2013

Qiso Yar Oo Ku Saabsan Duco Waalid.’’

5:52 AM 0

Sahal Bin Bishrin Wuxuu Yiri Waxaa ii Shekeeyey Nin La Yiraahdo Suleel ibnu Ayuub ibnu suleel Wagii Uu Yaraa Wuxuu Daganaan Jirey Meel Magaceeda Rayi La Yiraahdo 10 Sano Markii Uu Gaarey Qur’aanka Xogaa Ka Bartey Niman Culimo Ah Oo Ey Meel iskugu Yimadeen Culimadii Nin Ka Mid Ah Ayaa Yiri Salaada Na Tuji Maxaa Yeeley Ardey Da’daal Badan Ayuu Ahaa Wuxuu Yiri Waxaan Bilaabey in aan Suuratu Faatixa Aqriyo Lakiin Waan Awoodi Kari Waayey in aan Aqriyo Fataxadii Oo Ey igu Adkaatey Sidii in Uu Carabkii I Qalaley Oo Kale Waan Wadi Waayey Suuratu Faataxa Kadibna Culimadii Mid Ka Mid Ah Ayaa ii Yeerey Wuxuu igu Yiri Hooyo Ma Leedahay? Waxaan Ku iri Haa Markaas Ayuu I dhahay Oradoo, Hoyadaa U Tag

Qiso Cajiib Ah: Imaamu shaafici iyo Haweeney Jaariyad u ahayd.

4:33 AM 1
Qiso Cajiib Ah: Imaamu shaafici iyo Haweeney Jaariyad u ahayd.
Imaamu shaafici ILAAHAY ha u naxaristee, ayaa isagoo ardeydiisii wax baraya waxaa u timid haweeney jaariyad ama shaqaalo u ahayd waxa ayna tiri:
Shiikhoow, habeenkiina ma iga zineysanee, maalintiina ma ardeyda ayaad u khudbeyneysaa?
imaamu shaafici ayaa si deggan u fiirshay haweeneydii sidookale ardeydii ayaa naxeen
waxa ayna indhaha u taageen waxa uu ku jawaabi doono imaamku.


Imaamu shaafici ayaase yiri: Jaariyadyahay xisaabta aad iga dooneyso waa imisa?
Ardeydii ayaa naxdin iyo anfariir ka qaaday jawaabta shiikha,

Saturday, July 20, 2013

SHEEKO NAXDINLEH, "Cajalad Video ah ayaa burburisey noolasheyda".

11:51 PM 0
Gabaryar oo dhigata jamacada-kuliyada tarbiyada ayaa waxaay kawarameysaa sidii ay kuweydey wixii ay mustaqbal laheyd. Waxaa ladhashey 3gabdhood oo kala dhigta dugsiyada sare iyo kuwa dhexe.


Aabahood wuxuu kashaqeyn jirey Dukaan si’uu uguhelo waxaay gabdhihiisa quutan iyo waxay labistaan.


Gabadhani waxay aheyd qof dadaal badan xaga duruusta schoolka .Waxay caan ku’aheyd xaga Akhlaaqda iyo dadaalka ay waxbarashada kubixinjirtey. Waxaay aheyd tusaale ay kudaydaan gabdhaha kale ee jaamacada dhigta.Marka lasoo gaabiya, waxaay kulansatey sifaadka fiican ee qof lagu sheego.


Sheekadaan oo aan kasoo qorey Kitaab yar,wuxuu sheekha kusoo guuriyey sitoos ah hadalkii gabadha ayadoo kawaramasa wixii qabsadeyna waa tana:


Maalin maalmaha kamid ah anigoo kasoo baxaya albaabka Jamacada ayaa waxaan arkey wiil dhalanyaro ah oo aad uqurux badan oo isoo fiiranaya sida qof iyaqaan. Dheg jalaq umasiin oo waan iska socdey anigoo cabsi igu jirta. Wuu isoo dabagalay isagoo igula hadlaya hadala aan wanaagsaneyn sida caruurta oo kale . Sida isaga oo igu lahaa:


“ qurux badan. Waan kujeclahey….inaan kuguursada ayaan rabaa. Mudo badan ayaan kuraadinaayey markii aan maqley akhlaaqdaada iyo wanaaga ay dadka kugu sheegayaan !”


Waan ordey anigoo iska dhaga tiraya waxa uu igu akhrinayo waayo waligey ima soo marin arintaas oo kale.

Qiso Cajiib Ah:Cali RC iyo ninkii gaalka ahaa..

7:50 AM 0
Qiso Cajiib Ah:Cali RC iyo ninkii gaalka ahaa..


Qiso cajiib ah.

Nin gaal ah ayaa maalin u yimid Cali Ibn Abi Daalib (R,A) asaga oo rabo inuu waydiiyo su,aal, sna leh su,aashaasi way ku adkaan doontaa Cali rc. Wuxuu fiirsaday Cali rc oo la joogo dad badan,



Markaas ayuuna doortay inuu su,aasha waydiiyo, si hadii Cali rc ku dhoco su,aashaadi uu u ceeboobo.
Ninkii ayaa Cali rc waydiiday inuu sheego nambar hadii loo qaybiyo nambar u dhaxeeyo 1-10,
ay jawaabta noqonayso mid dhaban ah, oonan kisi ahayn.

Qiso: ABAALKAAD GASHO WUU KUU SOO LAABANAYAA .

2:15 AM 0
Maalin maalmaha kamid ah ayaa nin wuxuu arkay haweney waayeel ah oo dhinac taagan gaari Marsheedis ah (Mercedes), wuxuu soo aaday dhankeeda, markuu u soo dhawaday ayuu arkay in gaariga ay lug (taayer) ka banjartay, islmarkaana aysan awoodin in lugtaas ay gaariga ka badasho.

Xiliga oo habeen ahaa iyo wadada oo cidlo aheyd, haweyneydii markey aragtay ninkaan dhankeeda u soo socdo ayey ka shakisay, wayna ka cabstay inkastoo uu dhoola cadeynayay, muuqaalkiisa ayaa wuxuu ahaa nin duruuf ay ka muuqato, wasaq badan, baahi badana laga dheehan karay.

Isagoo dareemay in ay ka baqaneyso ayuu ku yiri, “Mama waxba ha cabsan aniga waxaan rabaa kaliya in aan ku caawiyo, magaceyguna waa Nuur.”

Nuur ayaa wuxuu bilaabay in uu gaariga lugta ka badalo, xoogaa kadib waxaa u suura gashay inuu badalo taayarka inkastoo gacanta uu dhawac fudud ka gaaray.


Mamadii ayaa u mahad celisay, waxayna waydiisay qiimaha lacageed ee uu doonayo in ay siiso maadaama uu shaqo u qabtay, Nuur ayaa ugu jawaabay “hadii aad dooneyso inaad aniga ii abaal gudo, waxaad

Qiso Diini Ah. Xaadib Ibnu Abii Baltaca ( qofkii ilaahay si toosa isugu dhiibana ilaahay ayaa ilaalinaya)

2:03 AM 1
Qiso Diini Ah. Xaadib Ibnu Abii Baltaca ( qofkii ilaahay si toosa isugu dhiibana ilaahay ayaa ilaalinaya)


Qiso Diini Ah. Xaadib Ibnu Abii Baltaca
( qofkii ilaahay si toosa isugu dhiibana ilaahay ayaa ilaalinaya)

Saxaabigii lagu magacaabi jiray Xaadib Ibnu Abii Baltaca waxa uu ahaa saxaabi aan u dhalan quraysh marka Nabiga iyo saxaabadiina waxa ay usoo hijroodeen Madiina, Xaadib reerkiisii iyo maalkiisii waxa uu uga soo tagay MAKKAH …. Xaadib waxa uu is dhahay quraysh umaadan dhalan reerkaagii iyo maalkaagiina wax kuu ilaalinaya malaha ragan aad la soo hijrootay waa rag u dhashay dalka iyo dadka marka si aad uga hesho quraysh waji iyo sharaf ayna kuugu badbaadiyaan reerkaaga iyo maalkaaga waxaad u gud bisaa dagaalkan nabigu S.C.W uu abaabulayo uuna rabo inuu kugaado gaaladii quraysh Nabiga S.C.W waxa uu diyaariyay ciidan uu rabay inuu ku gaado quraysh Nabiga S.CW Allah ayuu baryay inaysan ka fashilmin abaabulkiisan dagaal uu lamaagan yahay Ahlu Makkah…


Qiso: YUHUUDIGII KUSOO ISLAAMAY DAACADNIMADA ISLAAMKA.

1:52 AM 0
Qiso: YUHUUDIGII KUSOO ISLAAMAY DAACADNIMADA ISLAAMKA.


QISO QALBIGA TAABANEYSA:

"YUHUUDIGII KUSOO ISLAAMAY DAACADNIMADA ISLAAMKA"

Waxaa jiray Nin ka mid ahaa dadkii wan'wanaagsanaa waxa uu lahaa Dukaan shaqaalihiisana waxa uu u dar'daarmi jiray hadii ay Ceeyb leedahay Alaabtiisa in dadka aanan loo qarin OO dadka loo sheego Ceeybta.
Waxaa dhacday Maalin maalmaha ka mid ah in Nin yuhuudi ah uu Dukaankii uu yimi uuna iibsaday Maro meel yar ay ka jeexan tahay, Ninkii Dukaanka lahaana ma uusan Joogin, Ninkii Shaqaalaha ahaana waxa uu ku yiri Nafsadiisa ku qanciyay maxaa iga galay Yuhuudkaan...,


waxaa yimi Ninkii Dukaanka lahaa waxa uuna waydiiyay Maradii ceebta laheyd? waxa uu yiri waxaan ka iibay Nin Yuhuudi ah waxaana ka siiyay 3000 Dirham!!!!! mana aanan u sheegin marada in ay jeexan tahay oo ay ceeybi leeedahay, aaway ayuu ku yiri? waxaa uu ugu jawaabay waa uu tagay safarkii uu la socday buuna la laabtay.

Lacagtii buu ka qaaday, kadibna waxa uu ka daba baxay safarkii si uu u uga gaaro inta aysan fogaanin, waxayna ku qaadatay in uu la gaaro Safarkii 3dax maalmood oo safar ah, waa uu la kulmay kadibna waxa uu yiri:
"waxaan ahay Tukaankii aad marada ka soo iibsatay Ninkii iska lahaa, marada lagaa iibayna ceeyb bay leedahay ee lacagtaada qaado waatan Maradiina isii.

Ninkii yuhuudiga ayaa waxa uu ku yiri Su'aal ma ku waydiin karaa? haa buu yiri: "maxaa

Thursday, July 18, 2013

Qiso Cajiib Ah: Ogoow hadii aad gabdhaha kale xumeyso in adigana walaashaa la xumeynayo.

10:42 PM 0
Waxaaa jiray wiil yar oo caadil la yiraahdo wuxuu ku noolaa nolol aad uu qaraar oo xumaaan badan.qamrada buu caabi jiray, gabdhaha ayuu ka tuman jiray, fasahaad badan buu ku noolaa. gabdhaha ayuu meelahaa ka ugaarsan jiray. waxa uu maalin helay gabar la yiraahdo Rabaab oo ardiyad jaamacad dhigata. telfoonkeedii buu helay, waa uu wacay, wey ka qabatay wuuna la hadlay, sii wanaagsan beey uu sheekeesteen. caadil waxa uu sameyn jiray, Gabdhaha intaa uu sidaan oo kale ula hadlo ayuu meel ku balamin jiray kadibna xumaan ku sameyn jiray. Lakinse gabadhaan waxey ahayd gabar dhowrsoon, oo jamacad dhigato, wey ka diiday oo waxey ku tiri,maya i argi meysid telefoonka ayaan weligeeyn ku sheekeeysaneynaa. lacag badan beey telfoonka kaga dhameeysay maalin waalba waa ay u sheekeysaa lkn in uu la kulmo waa ay ka  diiday 

Markii danbe waxa uu ku yiri inaa ku guursado ayaan rabaa xumaan maa rabo.  guriga aan ku diyaariyaay iyo alaabtaa aan iibiyaay kaalay soo arag hadaad beenteey moodeesid waxa uu wadaba weey soo jilicday gabadhii.  wuxuu ku yiri Walahi Cadiim inaaan xumaan rabin, aad baan kaaga helay  waxa rabaa inaa ku guursado gurigana soo arag. Waa ay ka yeeshay in ay guriga soo aragto.Rabaab Subax kasta waxa ay u kalahdaa jaamacada, waxaana subixii sii qaada, duhurkiina soo celiyo aabahayd, aabahayna aad buu u kululyahay.subaxdii markii aabahayd uu qaaday oo uu jaamacada hor keenay sida caadada ahayd, ayuu iska laabtay. Markey ogaatay in aabahayd baxay ayey wiilki caadil ahaa wacday oo ku tiri jaamacada horteeda igu imaw. meeshiii buu ugu yimid wuu ka xeeyay waxa uu wadaba, waxaa la gaaray gurigii uu lahaa adigaa iska leh. Waxa uu ku yiri, waa kanaa adigaa iska leh gurigaan. Gurigii ayey horay u gashay, aad beyna uga heshay guriga. waxey ku tiri,


QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA