SUPPORT WEBSITE

Monday, January 25, 2016

Sheeko Xikmad weyn xanbaarsan aadna u cajiib badan. Ninkii cowsha boqorka xaday.

Waxaa La yiri nin baa wuxuu qabay xaas waxeey aheyd mid uu jeclaa, waxeeyna daganaayeen magaalo uu xukumo Boqor aan naxariis laheeyn.

Islaantii baa uur qaaday walacdayna, waxeeyna ku walacday(jamatay) coowl uu lahaa Boqorka, Islaantii baa ninkeedii ku tiri: waxaan ku walacay oo jamtay coowsha Boqorka, oo hadii aanan helin laga yaabee in ay ilmaha banaanka yimaadaan.


Ninkii ayaa baxay oo soo xaday Cowshii Boqorka. Wuxuuna xaaskiisii u keenay hilib’ aad u macaan! Islaantii baa dariska u qeeybisay xoogaa hilib ah ayadoo qof walba u sheegtay in ay ku walacday cowsha Boqorka, ninkeedana Baari uu yahay una keenay Cowshii Boqorka.


Warkii ayaa gaaray Boqorkii, waxaana la amray in la soo xero, Xabsiga ayaana loo taxaabay Balse nasiib wanaag wuu fakaday waxaana soo qabtay nin aad u orod badnaa oo meesha joogay.

Boqokii ayaa ninkii ku amray in uu bixiyo 100 geela ama uu naftiisa ku weeyn doono.

Ninkii ayaa codsaday muddo cayiman in la siiyo, Boqorkiina wuu aqbalay.

Odayga wuxuu lahaa laba gabdhood mid waxaa qabay nin leh geel ka badan 400.

Midna waxaa qaba nin faqiir ah.

Odaygii ayaa ku fikiray in uu aado wiilka hantida iyo geela badan leh, wuxuuna u sheegay in la dili rabo, lagana doonayo 100 geel ah, ninkii ayaa odaygii siiyay hal geel ah wuxuuna yiri: Adeer waxaan kuu awoodaa Hashaan geela ah.

Odaygii ayaa yiri: Maalin hebel buurta heblaayo iigu keen halkaas ayaan boqorkii kula balan sanahaye,

Odaygii ayaana u dhaqaaqay dhankii wiilkii ka kale, ee gabadhisa qabay ee faqiirka ahaa, habeen buu u hoyday, habeenkaasi waxaa guriga yiilay oo qudha digir (Cambuulo ) waana loo kariyay balse ma’aysan laheyn wax saliid ah wuuna iska cunay, wiilkii ayuuna u dan sheegtay ugana waramay wixii dhacay.
Wiilkii baa yiri: adeer iska bax bari anigoo Tol leh baan kuu imaan ama anigoo tolwaayey, odaygii wuu iska baxay. Wiilkiina wuxuu aaday tolkiisa asagoo uga war bixiyay sida ay wax u dhaceen. Waxeyna u qaaraameen 99 geel ah.

Maalintii balanta ayaa la gaaray qof kasta wuu soo caraabay oo waxaa leysugu ymid buurtii lagu balamay aroortii hore, waxaa soo hormaray wiilkii gabadhisa qabay ee hasha geela balan qaaday.


Waxaa ku soo xigsaday kii kale ee faqiirka ahaa ee 99 geela waday ee faqiirka ahaa, meesha waxaa kaloo jooga askarigiri ay ahaayeen saaxibbo Lilaahi, waxaa kaloo jooga wiil uu soo koriyay Balse ahaa wacal’ ”GARAC” Xaaskiisina weey joogtaa.

Waxaa la soo taam yeelay geelii, odaygii ayaa yimid asagoo wada Cowshii uu boqorka lahaa.

Qof kasta indhaha ayeey taagtay oo mid naxa iyo mid yaaba ayuu noqday’ Boqorkii ayaa su*aalay oo yiri’ War hoogee arinkaan maxaa kuugu qasbay?

Odaygii baa yiri: waxaa ila dardaarmay aabaheey wuxuuna I yiri:

Naagtaada ha u sir waramin, hadii aad u sir warantana ha ka xanaaqin.

Xaaskeyga ayaa ku walacday cowshada, ayadoo mooday in aan cowsha u soo bireeyay ayeey diriska ugu sheekeeysay in cowsha Boqorka ka maqan aniga aan soo xaday,

Wuxuu kaloo I yiri : Askari hala saaxibin hadii aad la saaxibtana amarkiisa qaado.
Askarigaan isoo xiray waa saaxibkeyga aan jecelahay balse ima ixtiraamin sida aan u ixtiraamay.

Kan aad u jeedaan waa wiil aan anigu soo korshay balse aabahey ayaa I dhahay: wacal ha korin ixsaan ka sugi meyside. Oo waa anigii xabsiga ka baxsaday misana uu isoo qabtay.

Labadaan wiil aad  u jeedaan mid waa hantiile, midna waa faqiir. labaduna gabdhahaygay qabaan,

Kan hantiilaha ah wuxuu I siiyay hal geel ah

Kan faqiirka ah na wuxuu isiiyay 99 geela ah.
Balse aabahey ayaa I dhahay: waligaa nin jecleeysi iyo xoolo jecel gabadhaada ha ku bixin ee nin walba iyo kartidiisa ku bixi.

Maanta waxaa meeshaan yaala waa 100 geela waxaana siiyay kan faqiirka ah.

Boqorow adna Cowshaadii waa ku tanaa.

Dhamaad
W/Q: Shariif adow shiikh
Shafka115@gmail.com
HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:


WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

SUBSCRIBE YOUTUBE CHANNELKEYGA